Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

RW Ku-Xigeenka dalka iyo wafdi uu hogaaminayo oo...

0
0

Kismaayo(SONNA):-Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka Mudane Maxamed Cumar Carteh iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin Wasiirka Diinta iyo Awqaafta iyo Afhayeenka Xukuumadda ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbada Hoose. Mudane Carteh oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu maanta [...]


DEG DEG: Al Shabaab oo Dagaal Xoogan kula wareegay...

0
0

Ceelwaaq (Sh M Network)--Xoogaga Xarakada Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in Dagaal Xoogan ay kula wareegeen Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Wararka ayaa sheegaya in Dagaal yahanada Al Shabaab ay labo jiho ka soo weerareen Saldhiga Degmada Ceelwaaq, islamnarkaana halkaasi ay kula Dagaalameen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Ciidamada Dowladda oo Dagaalka looga adkeeday ayaa isaga baxay Degmada, waxaana Caawa halkaasi maamulaya Xoogaga Xarakada Al Shabaab.
Wararka laga helayo Degmada Caawa ayaa sheegaya in Dagaal u dhaxeeyay labada dhinac ay ku dhinteen ugu yaraan 3 Askari oo ka mid ahaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Xoogaga Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka wadaan Degaano ku dhow Xadka Dalalka Kenya iyo Soomaaliya.
Ilaa iyo hada majiraan wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda oo ku aadan dib u qabashada Degmada Ceelwaaq ee Xarakada Al Shabaab.

Dad Badan oo ku Dhintay Qaraxa Dekedda Muqdisho.

0
0

25 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, in kabadan  40 kalena ay ku dhaawacmeen qarax baabuur oo saaka aroortii ka dhacay afaafka hore ee dekedda magaalada Muqdisho.

Dad Badan oo ku Dhintay Qaraxa Dekedda Muqdisho.

0
0

25 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, in kabadan 40 kalena ay ku dhaawacmeen qarax baabuur oo saaka aroortii ka dhacay afaafka hore ee dekedda magaalada Muqdisho.

Shacabka Awdal oo Dhoollo-tus la yaableh ku soo...

0
0


Boorama (Somaliland.Org)-Shacabweynaha ku dhaqan Gobolka Awdal, ayaa dhuullo-tus layaab leh ku muujiyey taageerada laxaadka leh ee ay u hayaan xisbal-xaakimka KULMIYE, kadib markii wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna murrashaxa xilkaasi ee mar labaad Md. Cabdiraxmaan Cabbdilaahi Ismaaciil(saylici) oo uu wehelinayo Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi ay socdaal ku tageen magaalo-madaxda Gobolka Awdal ee Boorama iyo deegaannada dhinaca bariga kaga teedsan.
Weftiga oo ay qayb ka yihiin xubno hoggaanka sare ee ULMIYE ah, wasiirro xukuumadda ka tirsan iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga oo uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa taageerayaashu kaga horyimaadeen deegaanka degmada Dila, halkaas oo magaalada Dila loo dhigay roogga Cas ee lagu maamuuso madaxda, waxaanna madaxdu salaam la dhex qaadeen boqolaal dadweyne ah oo safaf dhaadheer ugu jiray jidka way nee laamida ah. Sidoo kalena, soo dhawayntaas oo kale waxay weftigu kala kulmeen inta u dhexaysa Dila ilaa Boorama, gaar ahaan deegaannada Tulli iyo Goroyo Cawl.
Soo dhawaynta u waynayd oo ka dhacday magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama oo duleedkeeda lagaga hortagay weftiga, iyadoo markii dambena loo galbiyey fagaaraha wayn ee Khayriyada oo ay isugu soo baxeen kumanaan dadweyne u heellan xisbal-xaakimka Somaliland oo lulayey calamada Qaranka iyo ka xisbiga KULMIYE.
Badhasaabka gobolka Awdal Md. Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo ugu horrayn fagaaraha khayriyadda oo ay soo buux-dhaafiyeen kumanaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee Gobbolka Awdal ah, ayaa u mahadnaqay taageerayaasha muujiyey sida ay heegan ugu yihiin hiilka iyo jacaylka ay u qabaan xisbul-xaakimka KULMIYE iyo taageerayaashiisaba.
Guddoomiyaha golaha Degmada Borama Md. Maxamed Xuseen Maydhane, ayaa isna mahadnaq kadib tilmaamay sababaha shacabku u dooranayaan xisbiga KULMIYE mar labaad oo uu saldhig uga dhigay waxqabadka ballaadhan ee ay xukuumaddiisu fulisay muddadii ay hadda xilka haysay, waxaannu taageerayaasha isugu soo baxay dhoolla-tuska taageero uu kula dardaarmay inay codkooda la barbar-istaagaan murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenkiisa.
Wasiirkii hore ee xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale u qaabilsanaa Wasaaradda Warfaafinta Md. Axmed Xaaji Daahir Axmed, haatana kamid ah xisbiga KULMIYE oo isagu saamayn ku leh gobolka Awdal, ayaa soo dhaweeynta weftiga kadib waxa uu ugu bushaareeyey inay marag ma-doon tahay inuu xisbiga KULMIYE gobolka Awdal ku leeyahay taageerayaal baaxad leh oo guul horseedi kara.
Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ka mid ahaa madaxdhaqameedka soo dhawaynta ka qaybqaatay, ayaa uga mahadceliyey weftiga KULMIYE booqashada ay ku yimaadeen Boorama, waxaannu ugu bushaareeyey inay xisbi ahaan hanteen quluubta shacabka reer Awdal, taasina ay marag u tahay soo dhaweynta loo sameeyey.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo hadalka qaatay, ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay inay isku hagaagaan dhoolla-tuska reer KULMIYE ka dhigeen Borama iyo madaxweyne-ku-xigeenkii oo isaga oo caafimaad qaba kasoo laabtay safarkiisii caafimaad ee uu dibadda ugu maqnaa, waxaannu yidhi, "Maanta waa maalin aad sugayseen oo aad madaxweyne-ku-xigeenka sugayseen oo aad guddoomiyaha xisbiga sugayseen, waxana mahad iska leh ilaaha maanta isaga oo caafimaad qaba madaxweyne-ku-xigeenkii dib inoogu soo celiyey isaga oo caafimaad qaba, hawshii caafimaad ee uu Dubai ku galayna uu si qurux badan u dhacay oo lagu guulaystay waxana aan isleeyahay sidii Axmed Muumin Seed loosoo dhaweeyey ee Somaliland oo dhami yaabtay maanta uun baana u dhiganta, waana maalin aad ku ballan qaadaysaan inaad xisbiga KULMIYE u codaysaan."
Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo si kal iyo laab ah uga mahadceliyey qaalibaadda farxaddu ku dheehantahay ee reer Awdal ku taageereen, ayaa si hufan u hogo-tusaaleeyey ahdaafta lama dhaafaanka ah ee xisbiga KULMIYE doonayo inuu hirgeliyo haddii uu talada dalka mar labaad ku guulaysto, "KULMIYE waxa uu higsanayaa marka ugu horraysa waa midnimo, Somaliland oo mid ah oo Bari iyo Galbeed sidaa maanta ay abaaraha isugu gurmatay ee gobolladii u bariyeeyey xoolahoodii lagu sii daayey kuwii galbeedka in Qaw ilaa Law-yacaddo ay noqoto mid qudha oo walaalo ah, haddii aynu KULMIYE nahayna waxa inoo ballan ah inuu sharcigu sarreeyo oo dadka Somaliland oo dhammi u sinmaan sharciga oo ay yihiin walaalo wax wada leh," ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.
Waxa kaloo uu sharraxay waxyaabaha uu xisbiga KULMIYE dheeryahay dhiggiisa axsaabta mucaaridka ah ee horseedi u noqonaya in shacabku codkooda la garab galaan, waxaannu yidhi, "Xisbiyada tartamayaa waa xisbiyo Somaliland ah, ragga u tartamayaana waa wada muwaadiniin, nin walibana waxa uu badka soo dhigayaa waxa uu doonayo in lagu doorto, innaguna aqoon, waxqabad, qancin iyo tusaale wanaagsan baynu wax ku doonaynaa, axsaabtana waxaanu dheernahay dhawr waxyaabood oo aanay iyagu lahayn oo aan faan ahayn, waana marka koowaade xisbiga KULMIYE waa xisbiga ugu waayo-aragsan xisbiyada, waxaanu soo maray mucaarad adag, xukunkii oo uu hayo oo uu weliba dadka uu tusay Bari iyo Galbeed waxa uu qabtay oo aqoon leh oo waddo leh oo caafimaad leh, waana waxaan dheernahay labada xisbi ee nala tartamaya. Waxa kale oo uu dheeryahay xisbiyada kale xisbiyahankaas muddada 12-sanadood ah soo aasaasay xisbiga oo waayo-arag ah oo soo arkay habka Somaliland loo maamulo oo ah kuwa maanta suurtogeliyey in walaaladeenii Sool iyo Awdal ay abaarta iyo siyaasadda walaalo mid ah ku noqdaan oo ka dhex saaray shakigii iyo colaadihii iyo wixii la kala qabay, waxaynu u soconnaa shanta sanno ee dambe inay hoos u dhacdo qabyaaladdu oo ay ka waynaato Somaliland-nimadu."
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu xusay in awoodda iyo quwadda shacabku ku jirto kala duwanaanshaooda, isla markaana loo baahan sidii loo midayn lahaa afkaarta kala jaadka ah si horumar loo gaadho, "Midnimadeena, qaran-nimadeena iyo xooggeennu waxa uu ku jiraa kala duwanaan shaheena, aniga oo beeralay ah, adiga oo kalluumaysato ah, adiga oo Tumaal ah, adiga oo geel jire ah, aniga oo kabo-tole ah iyo aniga oo wax dhisa marka aynu kala duwanaanshahaas midayno ee KULMIYE wada noqono, ayey xooggeena iyo qaran-nimadeenu soo baxaysaa oo aynu horumar gaadhaynaa," ayuu hadalkiisa raaciyey.
Waxa uu si weyn u amaanay magaalada Borama iyo dadka ku dhaqan, waxana uu xusay inuu noloshiisii waxbarasho kasoo aflaxay jaamacado ku yaalla Borama, isla markaana abaalkii iyo tacabkii la geliyey aanu weligii ilaawi doonin oo uu maankiisa ku hayo.
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo soo gunnaanaday khudbadihii fagaaraha, ayaa si weyn uga mahadceliyey soo dhaweynta qiimaha leh ee waftiga uu hoggaaminayo loo sameeyey, waxaannu xusay in intaas iyo inka badanba laga filayey shacabka reer Awdal, isaga oo tilmaamay inay diyaar u yihiin dhammaytirka waxkasta oo ka qabyoobay qorshahoodii ay hore kursiga ku fuuleen, waxana uu yidhi, "Reer Awdal-ow waxaan idin leeyahay lixdii sanno ee xisbiga KULMIYE dalka maamulayey wixii isbeddel ku dhacay gobolkiina iyo dalkaba waad la socotaa, maantana haddii wax naga qaldameen ama wax naga habsaameen waxaannu diyaar u nahay inaannu dhammaytiri doono muddada soo socota haddii aad na doorataan, waxaanuna ballan qaadaynaa inaannu aafada qabyaaladda iyo tahriibka ee ina ragaadiyey aannu meesha ka saari doono oo aqoontu shaqayso oo dhallinyaradu khayraadka iyo shaqooyinkaba u sinnaan doonaan."
Mudane Saylici waxa uu caddeeyey inay dhisi doonaan waddada Borama iyo Lawyacaddo isku xidha haddii ay mar labaad talada dalka ku guulaystaan, taasina ay xagga hore kaga jirto ballamaha uu xisbigu gelayo.
Somaliland.Org/Hargeysa

Hiiraan: Dad loo xirxiray xaallufin

0
0

Maamulka gobolka hiiraan ayaa dhawaan burburiyey godad 50 ka badan oo dhuxusha lagu shidi jiray, kuwaasoo dhamaantood ku yaalla deegaanno u dhow degmada Matabaan.

Sicir barar ka jira Somaliland

0
0

Suuqyada magaalada Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland ayaa maalmahan danbe si aad ah looga dareemayaa sicir barar.

DAAWO VIDEO:- Oday Tilmaamay Fanaan Cawaale Aadan...

0
0

Arrintaan ayaa la yaab ku noqotay soomaali badan oo isticmaasho aaladaha lagu xiriiro kadib markii aay arkeen oday soomaaliyeed oo tilmaamayo hooyada dhashay Fanaanka Caanka Ah Ee Cawaale Aadan.
Waayahaan danbe goobaha aay soomaalida ku xiriirto waxaa kusoo badanayay arimo la yaab ku noqdo shaqsiyaadkii ka daalacdo social media.
Hadaba muuqaalkan oo dhameystiran halkaan hoose ka daawo.


DAAWO MUUQAAL Xayawaano Lana Faray Inan Dilno...

0
0

Xayawaanada qaar ayuu nafaray xabiibka Muxamed (scw) in ay banaantahay in la dilo, xikmada ku dhx jirtana ha ahaato mid aan garanayno ama mid aynaan ogsoonaynba. Waxa laga wariyey Nabiga (scw) xadiisyadan:
O1U+ O1OSSO|O'O(c) O+-OPUS OSSU,,U,,U++ O1U+U++OSS OPSU+ O+-O3U^U,, OSSU,,U,,U++ OuU,,U%0 OSSU,,U,,U++ O1U,,USU++ U^O3U,,U... U,OSSU,, O(r)U...O3 U...U+ OSSU,,O-U^OSSO" UfU,,U++U+ UOSSO3U, USU,OaU,,U+ UUS OSSU,,OO+-U... OSSU,,OoO+-OSSO" U^OSSU,,OO-OPSO(c) U^OSSU,,O1U,O+-O" U^OSSU,,UOPSO+-O(c) U^OSSU,,UfU,,O" OSSU,,O1U,U^O+-
Caasha waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) uu dhahay: Shan kamid ah xayaawanada dhamaantood waa Faasiqiin, laguna dilayaa Xaramka, Tukaha, Shinbir (Galaydka u eeg), Dib qallooca, Jiirka, Eyga Dad cunka ah.
1: Xayawaanada la dilayo waxa kamid ah Jiirka, dadka qaar ayaa is waydiinaya sababtu waa maxay? Xikamdu waxay tahay in Jiirku faafiyo cuduro badan, iyo jeermiska ukala gudba bani aadamka iyo xoolahaba.
2: Dib Qallooca, sababtuna waa suntiisa badan. Wuxuuna dhahay Nabigu (scw):
O1UZU+U' OPSUZO"UUS U++UO+-UZUSU'O+-UZO(c)UZ U,UZOSSU,,UZ U,UZOSSU,,UZ O+-UZO3UU^U,,U OSSU,,U,,UZU'U++U OuUZU,,UZU'U%0 OSSU,,U,,UZU'U++U O1UZU,,UZUSU'U++U U^UZO3UZU,,UZU'U...UZ OSSU,U'OaUU,,UU^OSS OSSU,,U'OPSUZO3U'U^UZO-UZUSU'U+U UUUS OSSU,,OuUZU'U,,UZOSSO(c)U OSSU,,U'OUZUSUZU'O(c)UZ U^UZOSSU,,U'O1UZU,U'O+-UZO"UZ
Abuhurayrah wuxuu ka wriyey Rasuulka (scw): Ku Dila labada madmadow Salaada waa Abeesada iyo Dibqalloca.
3: Shibir u eeg galaydhka kana mid ah kuwa wax ugaadha
4: Qorato/Goodaaado, xikmada loo dilayo ma garanayno, inkastoo la dhaho waxay dabka ku afuufi jirtay nabi Ibraahiim.
5: Eyga Dad cunka ah, ee ugaadhsanaya dadka iyo xoolahaba.
6: Tukaha baalka cad, waa tukaha midabkiisu isku dhex jro madawo iyo cadaan.
Fiiro Gaar ah:
Kolka aad dilayso Maska,Abeesada ama Halaqa waa inaad abisa sadex jeer adigoo leh, hadaad Ilaahay garanaysi naga soo bax, haduu soo bixi waayo Bisinka u qabo oo dil. Sababtuna waxa weeye waxa dhici karta in Abeesadaasi ay tahay Jinni Muslim ah.

Wasiirka Qorshaynta oo Madaxweynaha uga Mahad...

0
0


Hargaysa (Somaliland.Org)- Wasiirka cusub ee wasaaradda qorshaynta qaranka iyo horumarinta Somaliland Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo-tire), ayaa uga mahad celiyay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo xilka wasiirnimo ee uu u magacaabay.
Waxaanu Wasiirku balan-qaaday in uu sida ugu wanaagsan u gudan doono hawsha qaran ee loo xil-saaray, isagoo geesta kale-na madaxweyne Siilaanyo ku amaanay masuuliyiinta culus ee dhawaan xukuumadiisa ku soo kordhiyay.Wasiir Qabyo-tire, waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad qado sharaf ah oo uu maanta hudheelka Hadhwanaag ee magaaladda Hargaysa ku qaabilay masuuliyiinta ka tirsan xukuumada, hogaanka dhaqanka, aqoon yahanka iyo waxgaradka ka soo jeeda gobolka Hawd, "Marka hore waxaan u mahad celinayaa madaxweynaha jamhuuriaydda Somaliland mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo aan ugu mahad celinayo inuu inoo magacaabay wasiirradii ugu badnaa intii uu xilka hayay. Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu inoo magacaabay hay'adihii dawlada ee ugu wanaagsanaa,"ayuu yidhi Wasiirka Qorshayntu.
Isagoo ka warbixinayay u jeeddada kulanka qadadda ah, waxa uu yidhi "Intaas kadib munaasibadan aan idiin qabtay waxay daaranayd in aan isku duubnidii reerka iskaga nimaad-no oo aan is aragno, rag badan oo mudo iska soo horjeeday, oo aan wax wadaagin, oo aan is arag ayaa jira, tafaraaruqa jira ee la iska daba maray inuu jiro waan dareensanaa, anigoo Burco jooga. Waxaanan doonayaa in aan hormood ka noqdo inta itaalkayga ah, oo aan reerka meel iskugu keeno. Waanan ka mahad celinayaa cid kastoo soo ajiibtay marti-qaadkaygan."
Sidoo kalena wuxuu ka waramay sida loogu baahan yahay in beeshiisu ay si buuxda u taageerto xisbiga KULMIYE. "Maanta nin waliba wuu arkayaa halka uu roobku ku da'ayo iyo halka uu hayo, halka aynu u rarrayno waynu ognahay, oo waynu ugu badanahay maanta, waana halkaas aynu ku faraxsanahay ee aynu maanta wada joogno, sidaas ayaynu isku og-nahay oo aynu isku hogaaminaynaa. Gobollada Bari ayaan ka imid, waxaana yaala dad badan oo degaanka dhib badan ayaana ka jirta, waxaanan ILLAAHAY (SWT) inoo waydiinayaa inuu dhibtaas inaga soo furto"ayuu yidhi wasiir Qabyo-tire.
Wasiirka Diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, oo isna ka hadlay munaasibadaasi waxa uu yidhi "Waxaan u mahad celinayaa wasiirka cusub ee qorshaynta oo magacaabidiisu sabab u noqotay inaynu midaysnaano oo midawno kana baxno tafaraaruqii." Sidoo kale suldaanka guud ee beelaha gobolada Hawd iyo Hargeysa suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ka hadlay munaasibadan ayaa ka hadlay hogaaminta laga doonayo masuuliyiinta cusub. "Had iyo goor cida dadka hogaaminaysa ayuun baa dadka xumaysa ama wanaajisa qur'aanka-na in badan ayaa lagaga hadlay oo inta mar walba madaxyo weynta ah ee dadka hogaaminaysa ayuunbaa jar ka tuurta ama meel wanaagsan marisa. Waxaan ILLAAHAY (SWT) ka baryayaa inaad noqotaan hogaamintii reerka midho badan u dhali lahayd" ayuu yidhi suldaan Cumar.
Suldaan Barre Xaaji Xuseen, oo isna ka hadlay munaasibadan ka hadlay ayaa amaanay wax qabadka xukuumada madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa.Waxaanu yidhi "Waxaan uga mahad celinayaa madaxweynaha wixii uu ka qabtay dalka iyo sharafta ka muuqata dalka mudadii uu gacanta ku hayey, wasiirada cusub iyo wasiiradii hore-ba waan soo dhawaynayaa inay gacmaha is qabsadaan oo ay si wada jir ah hawlaha u galaan."
Waxa kaloo isna halkaasi ka hadlay Wasiir ku xigeenka hawlaha guud Liibaan Yuusuf Gaaxnuug, wasiirka ku xigeenka waxbarashada Axmed Joqor, xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac Nac), xoghayaha fulinta dawlada hoose Axmed Derejo iyo Prof. Axmed Maxamed Cadaad iyo xubno kale.
Kuwaas oo dhamaantood soo dhaweeyay wasiirka cusub ee qorshaynta qaranka Maxamed Ibraahim Aadam(Qabyatire), iyagoo balan qaaday in ay wasiirka si buuxda ula shaqayn doonaan, isla markaana taageeradda beesha ay la garab taagan yihiin.
Somaliland.Org/Hargeysa

DAAWO 12 jir fariin culus u diray Reer Puntland iyo...

0
0

Garowe (Puntland Post):- Mustafe yarre oo ah mid ka mid ah Ardeyda dhigata dugsiga dhexe ee Sheekh Osman , ayaa fariin adag u diray shacabka Puntland iyo kan Soomaaliyeed ka dib markii uu kaga qeybgalay maalin ka hor magaalada Garowe olole balaaran oo ku saabsan Gurmadka Abaaraha ka jira Puntland, Ka hortaga Tahriibta iyo Xoojinta Nabadgalyada.
Mustafe oo khudbad dareen xambaarsan ka horjeediyay boqolaal dadweyne ah, masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland, Madax ka socota Hay,addaha Samafalka iyo Maamulka Gobolka Nugaal ayaa sheekeeyay dhibaato murugo leh oo qoyskiisa ay ku reebtay tahriibtu ka dib markii uu sheegay inuu walaalkiis ka weyn oo ahaa curadkii reerkooda ku geeriyooday dooni ku degtay biyaha badda u dhaxeeya Liibiya iyo Dalka Talyaaniga.
Sidoo kale Mustafe yarre ayaa ugu baaqay shacabka Puntland iyo Ummadda Soomaaliyeed inay gacmaha is qabsadaan, una istaagaan sidii ay ugu gurman lahaayeen walaalahooda ay saameynta ku yeelatay abaarta ka jirta dhulka Puntland,Halka uu kula dardaarmay inay si wada jir ah uga gacan siiyaan ciidamada Amniga xoojinta Nabadgalyada.
PUNTLAND POST oo ay si gaar ah u xiiso galisay khudbada uu Mustafe Yarre ka jeediyay fagaare ay isugu yimaadeen boqolaal dadweyne ah waxaa noo suuro gashay in aanu halkan idin kula wadaagno hadalka Mustafe oo muuqaal ah.DAAWO Khudbada MUSTAFE.
Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post DAAWO 12 jir fariin culus u diray Reer Puntland iyo Soomaalida appeared first on Puntland Post.

Wararkii Ugu Danbeeyay Weerar Hoobiyaal Lagu Qaaday...

0
0

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in caawa Hoobiyeyaal ay lagu weeraray gudaha Degmadaasi.
Hoobiyeyaashan oo tiradooda ay gaareyso ilaa 5 xabo ayaa Shabaabka waxa ay ku garaaceen fariisin Ciidanka Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ku leeyihiin Degmadaaasi.
Gaashaanle Dhexe Maxamed Xasan Cali ayaa waxa uu sheegay Shabaabka in ay tiro madaafiic ah ku soo tuureen fariisin Ciidanka ay degan yihiin, sidoo kalena Ciidanka Itoobiya ay jawaab ka bixiyeen Hoobiyeyaasha la soo tuuray.
Taliye Maxamec Xasan Cali ma uusan sheegin hadii ay jiraan khasaare soo gaaray Ciidanka Dowladda iyo kuwa Itoobiya.
Waxa uu sheegay Ciidanka Dowladda iyo kuwa Itoobiya in ay caawa wadaan Howlgallo ka dhan ah Shabaab, sidoo kalena Ciidanka ay u diyaar garoobeen sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada mararka qaar ka yimaada Shabaab.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

XASUUQA- AADANAHA, MISE XUQUUQDA AADANAHA!!?

0
0

Guud ahaan caalamka waxaa sanadkasta bisha 11-aad 25 keed laga muujiyaa xuska maalmaha loogu tallagalay yareeynta ama joojinta tacadiyada ka dhan ah bani'aadamka, siiba dumarka & cauurta, iyadoo 10 bisha Disembar loo sameeyo munaasabad weyn oo lagu soo gaba gabeeynayo maalmahaas loogu magac daray (16 days activism)
Hadaba maxay tahay dhowrista xuquuqda aadanaha? Xuquuqda aadanuhu waa baaq caalami ah oo adduunka oo dhan laga tixgeliyo waana udub-dhexaadka nabad waarta iyo horumar ka hirgala Adduunka. In la garowsado sinnaanta shaqooyinka loo siman yahay, Sed-bursi la,aanta iyo xuquuqda lama taabtaanka ah ee dhammaan xubnaha qoyska baniaadanka, waana wax ay xoriyadda, caddaaladda iyo nabaddu ku tiirsanyihiin hadii si dhab ah loo hirgaliyo.
Intaas ka dib waxaa jirtay maalmihii lagu guda jiray maalmaha dhowrida xuquuqda aadanaha in ay dhacday ku xadgudabyo xuquuqda aadanaha taasoo aheyd 26 November sanadkan 2016 inuu qarax ka dhacay suuqa beerta kaasoo wax yeello ba'an u geeystay dad shacab ah oo hadana ahaa kuwii ugu liitay nolol ahaan goobta oo ahayd meel suuqa ah awgeed.
Maadaama dadkaasi u badnaa dad ray'id ah hadana waxaa jirtay qof haweeney ah oo ka mid ahayd dadkii meesha ku ganacsanayay oo ku lahayd meel qudaarta lagu iibiyo inay ka mid noqotay dadkii sida arxandarada ugu qurbaxay goobtaasi.
Haweeneydaasi waxay u dhaqdhaqaaqeysay Hooyadeed oo Waayeel ah iyo caruur yar, si murugo leh ayey u aasteen iyadoo laba cad ah, noloshoodina tiiraanyo ayey gashay qoyskii ay u shaqeynaysay madaama ay iyada ku tiirsanaayeen.
Iyagoo weli samir ku jiray oo wali aan quusan ayaa hadana waxaa dhacday isla isbuucii dhowrida xuquuqda aadanaha iyadoo lagu jiray in ay Gabar kale oo iyadana ka mid ahayd qaraabada qoyskaasi oo iyada markaasi isku xilqaantay in ay reerkii masiibada ku dhacday ay caawiso ay iyana ka mid noqotay dadkii ku la'day qaraxii subax nimadii Axada ee 11 disembar 2016 ka dhacay afaafka hore ee dekedda.
Gabadhan ayaa iyana shaah ku iibineysay meel geed hoostiisa ah oo raga xamaaliga ah ay ka iibsan jirtay, waana arinta igu kaliftay qoridda qoraalkan XASUUQA AADANAHAwaxaa jira qodob ka mid ah qodoba buuga baaqa caallamiga uu qoro kaasoo ah:-Qodobka 3aad Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay nolol, xorriyo iyo nabad gelyo.Inkastoo baaqan uu yahay mid caalami ah oo Muslim & Gaalba ka dhaxeeyo, hadana anaga Islaam Ahaan diinteena waa mid waafaqsan oo sax ah qodobkan.
Marka la is bar bar dhigo labada qarax waxba kalma duwaneen waana isku qasaare wallow la sheegay in qaraxan danbe ee dekedda iridkeedda uu ka badnaa qasaaraha. Waliba waxaa jiray dad badan oo isku qoys ahaa oo hal meel ku wada ganacsanayay ineey meeel ku wada dhinteen, sida hooyo & laba gabdhood oo ay dhashay, Aabe & wiilashiisa, dad kaloo qaraabo ahaa hal meeel ku wada shaahayay.
Maadaama Sanadkaan Xuska aaadanaha halku dhigiisu ahaa "Maanta u istaag Xuquuqda Qof kale"ayaan isu abaabulay inaan qormadan muragada leh idiinla wadaago, anoo u istaagayo xuquuq qof kale.
Hadaba soo lama dhihi karo Sanadkan Xuskii Xuquuqda Aadaaha waxa uu ahaa Xuskii Xasuuqa Aadanaha?
W/Q Asad Abukar Ali (Asad Dhayow)
Mogadishu- Somalia
Email asaddhayow@gmail.com
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Nafaqadarra ba'an oo haysato caruurta ku nool Yemen

0
0

Shaqaalaha hay'adaha gargaarka ayaa sheegaya in tiro laba milyan oo carruur ah oo ku nool dalka Yemen, ay hadda nafaqadarra ba'an ay haysato.

Qiso Gaaban Oo Cajiib Ah Kuna Saabsan Qiimaha HOOYO,...

0
0

Isagoo yar ayaa aabihiis dhintay, isaga iyo hoyadiis oo qudha ayaa guriga ku wada noolaa, hooyadu markay School-ka u dirto ayay suuqa u shaqo tagi jirtay si ay u soo hesho wax ay quutaan iyada iyo wiilkeeda yari.
Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa uu guriga yimid waqtigii uu imaan jiray waqti ka horreeya!
Hooyadii ayaa shaqada ka timid oo guriga soo gaartay, mise waa wiilkii yaraa oo albaabka hore fadhiya!
Hooyo maxaa ku helay?!
Aaway School-kii?!
Wiilkii yaraa ayaa ku jawaabay :
Hooyo maamuliha ayaa warqaddaan iigu kaa soo dhiibay.
Hooyadii ayaa tiri : hagaag, haddaba ina soo gali guriga.
warqaddii ayay ka qaadday oo akhrisay.
Wiilkii yaraa oo hooyadiis eegaya ayaa yiri :
Hooyo maxaa ku qoran warqadda?
hooyadii ayaa ugu jawaabtay iyada oo dhoolla-caddaynaysa : Hooyo waxa ku qoran (wiilkaagu aad buu ugu fiicanyahay wax-barashada, aad bayna fahmaddiisu u sarraysaa, ee guriga wax ku bar si uu dhakhsaba horay ugu socdo, school-ku dib dhig ayuu ku yahay waayo ardayda wuu ka fahmad badanyahay)
wiilkii yaraa : hagaag, haye hooyo.
Maxaa xigay?! sii akhri adaaba yaabi doonee!
hooyadii waxa ay guriga ugu diyaarisay agabkii wax barashada, iyo macallin (Bare) guriga wax ku bara.
muddo dheer ka dib, waxa uu noqday wiilkii yaraa mid aad aqoontiisu u sarrayso, guriga ayuu ku dhamaystay Ilaa Heerka dugisga sare, kadib waxa uu ku biiray jaamacadda, waxa uu noqday mid ka dhex tilmaaman ardayda, Imtixaandaakana waxa uu ku baasayay A+ waxa uuna ahaa Ardayga koobaad ee Fasalka kulliyadda iyo jaamacddaba.
waxa uu dhamaystay jaamacaddii, waana uu shaqo bilaabay.
Hooyadii ayaa xanuunsatay, dhakhtarka ayaa la dhigay muddo yar kadibse waa ay dhimatay..!!! waana la aasay!
sanado kadib ayaa wiilkii waxa uu furay sanduuq ay hooadiis lahayd, oo ay ka dhimatay.
waxa uu ku arkay warqaddiii maamuluhu u soo dhiibay markii uu yaraa...!!!!
waa uu kala furay oo akhriyay mise waxaa ku qoran :
(Wiilkaagu waxba ma baran karo ee ha islu daalin annagana ha na daalin ee guriga ha kuu joogo...!!!)
Maxaad ka fahamtay sheekadaan?>>> Dhammaaad <<<M a h a d s a n i dQalinkii : Sharma'arke C/laahi CawedWixii talo iyo tusaalayn ah la xidhiidh:Email : Hilali717379@gmail.com Facebook : Sharmarke Abdullahi Awed Tell Number : +0025 290 7 717379


Taariikhda mawliidka Nabiga CSW

0
0

Maanta dunida islaamka dadka qaar waxay xuseen dhalashada Nabi Maxamed CSW, iyadoo culimada way is khilaafsan yahiin xuska mawliidka.

Ronaldo ayaa ku guulaystay abaalmarinta laacibka...

0
0

Weeraryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa ku guulaystay markii afaraad abaalmarinta qaaliga ah ee laacibka aduunka Ballon d'Or award

Soomaaliya oo beenisay in xoolaheeda ay cudur qabaan

0
0

Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday inay baaritaan ku sameyso cudurka uu Sucuudigu sheegay inay qabaan xoolaha Soomaaliya.

Ganacsiga xaafadda Islii oo hoos u dhac laga dareemayo

0
0

Aalaaba xilliyadan oo kale, waxa xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, laga dareemi jiray dhaqdhaqaaq ganacsi oo aad u xoogan

Siyaasiin Puntland Kasoo jeedo Oo Faroole Ku...

0
0

Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiiid Cali Sharma'arke, Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas, C/raxmaan Faroole iyo C/risaaq Cusmaan Jurille ayaa saaka ku kulmay magaalada Garowe, iyadoo kulankooda ahaa mid albaabada u xirnaa.
Kulanka oo ahaa mid quraac ah oo ay mas'uuliyiintan kaga hadleen istiraatiijiyada doorashooyinka iyo sidii qorshe mideysan ay ugu wajihi lahaayeen, waxaana kulanka uu qaatay qaatay muddo lix saacadood.
Wararka qaar ayaa sheegaya in kulankan lagu heshiisiiyay C/raxmaan Faroole iyo Ra'iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo labaduba ah musharax, waxaana muddooyinkii u dambeeya Faroole uu aad u dhaliilsanaa siyaasada Cumar C/rashiid.
Cumar C/rashiid iyo Faroole ayaa la sheegayaa inuu dhex maray gor-gortan siyaasadeed, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in Faroole lagu qanciyay inuu tanaasulo.
Warar aan rasmi aheyn ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland uu u jeediyay Faroole inuu ka tanaasulo Musharaxnimada, si uu u taageero Cumar C/rashiid.
Faroole ayaa la rumeysan yahay in xubno taageersan uu ku leeyahay Musharaxiinta lagu doortay Garowe, sidaas darteed looga dalbanayo inuu ka tanaasulo, si taageeradaas uu u helo Cumar C/rashiid.
Siyaasiga C/risaaq Jurile ayaa la sheegay inuu soo jeediyay qorshe ku aadan sidii Puntland hal musharax ula tagi laheyd doorashada Madaxweynaha, isla markaana Musharaxaas la isugu geeyo taageerada ugu badan.
Kulamo kale ayaa lagu balamay in la isugu yimaado, si loo dhameystiro waxyaabaha harsan oo ay labada dhinac doonayaan inay kaga soo fikiraan, gaar ahaan Faroole ayaa codsaday in waqti la siiyo.
Cumar C/rashiid ayaa wada olole ballaaran uu ku doonayo in taageerada xubnaha ka imaanaya Puntland uu helo, waxaana muddooyinkii u dambeeyay uu waday olole aad u xoogan, waxaa la tirinayaa inuu yahay Musharaxa ugu olole ballaaran, marka la eego safaradii uu isaga daba noqonayay dalalka deriska iyo xarumaha maamul goboleedyada qaar.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live