Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

TAARIIKHDU WAA CIBAARO: QALINKII, CABDALLA XAAJI CUSMAAN

$
0
0

Taariikhda aadmigu soo maray taniyo intii  uu Ilaahay abuuray dunidan ee ay soo jirtay, waa cibaaro miidhan oo u baahan in dib loo jalleeco si wax loogu qaato.Marka uu Ilaahay(SW) uu innooga warramayo raggii qooqay ee uu Fircoon ka mid ahaa waa si aynnu uga baydhno waddadii ay qaadeen Fircoon iyo raggii la midka ahaa, isla markaana aynnu u marno dariiqa toosan ee ay ambiyadii innoo jeexeen. Qarni kasta waxa dunida soo mara rag tacaddiyo geysta oo aan waxba ku qaadan kuwii iyaga ka horreeyey ee sida xun u dhintay amma u jabay.
 
Waxaan maanta qoraalkan kooban doonayaa inaan kaga hadlo qayb yar oo ah sooyaalka mid ka mida boqorradii daallimiinta ahaa ee soo maray gobolkan bariga Afrika. Boqorkaas baan sidii uu u dhaqmayey, isla weynidiisii iyo halkii uu ku dambeeyey soo qaadanaynaa. Boqorkaan ka warramayo waa Hayle Silaasihii mar ka talin jiray dalka Itoobiya oo 45 sannadood boqor ahaa.
 
Hayle Silaase waxa uu si shirqool ah ku hantiyey boqortooyadii Xabashida sannadkii 1928kii.(Dhaxalka meella kamuu soo galayn). Intii aanu boqorka noqon magaciisa runta ah waxa la odhan jirey Tefarri Mokonnen. Waxa aabbo u ahaa Raas Mokonnen Waldhe Mikael oo u shaqayn jirey boqorkii waagaa ee Xabashida, Menelik. Menelik markii uu qabsaday xaruuntii Islaamka geeska Afrika ee Harar sannadkii 1887kii,waxa uu Raas Mokonnen oo Hayle Silaase aabbihii ahaa u magacaabay inuu noqdo guddoomiyihii u horreeyey ee Amxaar ah ee xukuma Harar,halkaas oo uu tacaddiyo badan ka geystay. 1930kii ayuu Hayle Silaase isku caleemasaaray inuu yahay boqorkii boqorrada Itoobiya(Emperor).Intaa waxa uu dheera oo uu sheegan jiray 
 
 (Roi des Rois) (Boqorkii boqorrada)
Lion Conquérant de la Tribu de Juda( Libaaxa guusha ee Yuhuudda)
 
Élu de Dieu ( Kii Ilaah doortay)
Défenseur de la Foi ( Kii difaacayey iimaanka)
Lumière du Monde ( Iftiinka dunida)
Iyo qaar kale oo badan.Sheegashadan waxa aaminsanaa dadka Amxaarada oo
gaadhay heer ay u sujuudaan isla markaana ay ku dhaartaan Hayle Selaase. 
 
Boqortooyadii Itoobiya makaniisadda ayey aad ugu xidhnayd,waxayna isku ahaayeen ul iyo diirkeed. Go’aamada uu qaadanayo boqorku, qaarkood makaniisadda ayuu kala tashan jirey. Xitaa qofka bornimada loo dhiibayo iyagaa go’aamin jiray sidaa daraaddeed ul iyo diirkeed bay isku ahaayeen boqortooyada iyo makanniisaddu.Dalka Itoobiya waa dal kristaana ayuu odhan jirey isagoo inkiray xuquuqda ay leeyihiin dadka muslimiinta reer Itoobiya oo boqolkiiba konton ah. Distoorka dalka Itoobiyana si qayaxan buu ugu qornaa in dalku yahay Kristaan.Maalmaha ciidaha Kristanka waa laga nasan jiray shaqada hasayeeshee ciidaha Islaamka waa la shaqayn jiray.(arrintan waan u joogay)
 
Haile Selaase sannadihii uu boqorka ahaa dadka Amxaaradu mugdigii ay dunida kaga jireen ayuu ka saaray gaar ahaan dhinaca waxabarashada iyo dhaqaalaha. Xukunka, maamulka iyo ciidammadana iyaga ayuu gacanta ka saaray. Qawmiyadaha dega koonfurta Itoobiya iyagu inay addoomo yihiin ayey u aqoonsanaayeen boqorka iyo nidaamkiisu.Qawmidda Oromada aad bay u xaqireen reer boqor oo Gaalla ayey ugu yeedhi jireen, cuqdad weyn bay taa ka qaadeen Oromadu,heer waxay gaadheen inay Amxaaroobaan oo qawmiyaddoodii u arkaan mid liidata gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobollada
Shawa iyo Wallagga.
 
Hayle Selaase xukunkiisa sees adag oo uu is lahaa cidi ma gilgili karto ayuu u dhistay. Ra’iisalwasaariyaha iyo wasiirrada oo dhan, aqalka sare ee baarlamaanka, guddoomiyayaasha gobollada,saraakiisha maamulka, safiirrada, saraakiisha ciidammada iyo qaadiyada maxkamadaha dhammaan isagaa soo magacaabi jiray.Guddoomiyaha maxkamadda sare isaga laftiisa ayaa ahaa intii uu noolaa oo dhan. Hoggaamiyayaasha qawmiyadaha dalka oo dhan si toosa ayuu ula xidhiidhayey, kuwa daacadda u noqdana xoolo badan iyo darajooyin buu ku tixi jiray  .
 
 
Hayle Selaase iyo qoyskiisu heer bay gaadheen ay dalka u maamulaan sidii guryo ay leeyihiin oo kale, saddex wiil iyo saddex hablood oo uu dhalay mid walba waxa uu ku magacawnaa amiir u taliya gobol, hantida dalka iyagaa iska lahaa oo cidina ma xisaabinayn, gobollada dalka oo dhan meelo ay ku raaxaystaan oo iyaga u xidhan bay ku lahayeen.Cuntada ay cunaan qaar baa Yurub looga soo waaridayey xitaa biyaha nooca Evian la yidhaa ayaa France
looga keenayey oo guriga reer boqor lagu cabbi jiray. Baabuurta lagu raaxaysto
kolba ka u dambeeya ayey wadanayeen, boqorka keligii oo qudha baabuurta u
gaarka ah ee raaxada badan 73 bay ahaayeen.Qasriga boqortooyada meelo ugaadha iyo dugaagga lagu dhaqaaleeyo ayaa ka samaysnaa.Ganacsiga waawayn sida warshadaha,beeraha waaweyn, huteellada iyo guryaha waaweyn oo dhan
 
boqorka innamadiisa, hablihiisa, kuwa uu soddogga u yahay, inta ku dhawdhaw iyo makanniisadda  ayaa  iska lahaa.1974kii markii xukunka laga tuuray hantida
boqorka dibadda u taallay waxa lagu qaddaray 20 bilyan oo Dollars.    
Waxa uu ahaa nin aad iyo aad u lacag jecel, maalmihii xukunka laga tuuray ayaa sariirtii uu ku seexan jiray firaashkii saarraa hoostiisa laga soo qufay lacag qadarkeedu dhannaa 350,000Birka Itoobiya ah. Intii uu boqorka ahaa waxa uu ku dedaalay inuu helo dawo wax ka tarta gabowga oo uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay.(Arrinta gabowga, Allaha u naxariistee Ugaaskii Ciisaha,Ugaas Xasan Xirsi baa laga weriyey)  
 
Intaa waxa dheeraa cabsi joogta ah oo lagu hayey qawmiyadaha Itoobiya oo dhan.Cabsi gelintu tan iyo boqorradii isaga ka horreeyey siyaasad ay ku dhaqmaan bay u ahayd si dadka oo dhan loo tuso xoogga boqortooyada isla markaana loo oggolaysiiyo xukunka Amxaarada.
 
 
 
 
 
                     Bilawgii jabka boqortooyada
 
Dhiil waliba markuu buuxsamo uu daataa,sannadkii 1971kii ayaa bilaw u ahaa burburka boqornimadii Hayle Selaase.Waxa uu Ilaahay ku salliday ardaydii jaamicadaha Addis Ababa, kuwaas oo dhigay bannaanbaxyo aan kala joogsi lahayn.Waa Amxaaradii uu isagu rabbaystay,waa kuwii oo weliba hoosta ku sita mabaadiida Shuucidda oo berigaa calankeedu babanayey.Boqorku wadda kasta ayuu u maray sidii uu u joojin lahaa kacdoonka ardayda weyse u suuroobi wayday.Kacdoonkaa oo socda ayaa waxa uu Ilaahay qaddaray in gobolka Wallo abaar xumi ku haabsatay 1972-1973kii.Abaartaas oo Hayle Selaase iyo wasiirradiisiiba si weyn u dafireen iyagoo ku andoocoonaayey in
dalka Itoobiya haba yaraatee aanay abaaro ka jirin.Tefishanka (BBC) da ayaa berigaa baahiyey oo caalamka tusay abaarta ba’an ee ku dhufatay gobolka Wallo, intaa waxa la daba dhigay Hayle Selaase oo qasriga boqortooyada dugaaggii ku noolaa hilib u qaybinaya.Dadkii ay abaartaasi sahayatay waxa lagu qaddaray laba boqol oo kun oo ruux.Haddeed mudaaharaaddadii iyo shaqo ka fadhiisigii ayaa sii xoogayestay,ciidammadii  iyo saraakiishii hoose ayaa iyaguna gadooday.Hadal iyo dhammaan taariikhdu markay ahayd 12kii Sebtambar 1974kii ayaa xukunkii Hayle Selaase ciidammadu afka ciidda u dareen.Maalintaa baa ugu dambaysay Hayle araggiisa.Maalmo ka dib waxa
dhegta dhiigga loo daray ra’iisal wasaariyihii, wasiirradii,saraaskiishii sare ee ciidammada oo uu ku jiro wiil uu awow u ahaa oo ciidanka badda xukumi jiray,kuwaas oo tiradoodu dhammayd 59 qof. Wiilkii dhaxalka lahaa oo la
odhanayey Asfa Wossen iyo wiil uu dhalay oo Yurub joogay maahee intii kale ee reer boqor xabsiyada ayaa lagu guray, hantidii ay dalka ku lahaayeen dhammaan waa la qarameeyey oo dawladdaa la wareegtay.27kii Ogost 1975kii
ayaa radiyo Addis Ababa laga sheegay in Hayle Selaase dhintay oo la aasay.
Sida uu u dhintay iyo halka lagu aasay midna lama sheegin.
      
        Boqor Hayle S.  yaa afgambiyey,siduu u dhintay, halkee lagu aasay?    
 
Waa halkan meesha ay cibaaradu ku jirto. Ninkii darajooyinka aan kor ku soo xusnay sheegatay waxa xukunkii ka tuuray mid ka mida kuwii uu u haystay
addoomaha, waa Korneyl Mangistu Hayle Mariyam oo ka soo jeeda qawmiyadda la yidhaa Walaamo ee degta koonfurta Itoobiya.Mangistu
16kii sannadood ee uu xukunka hayey kumanyaal Amxaaro kuwii ladnaa ah
ayuu dhegta dhiigga u daray qaar kale oo badanna xabsiyada ayuu ka buuxiyey.
1991kii ayaa isagana taladii dalka xoog looga tuuray.Halkaa markay arrimuhu marayaan ayaa Amxaaradii daacadda u ahayd Hayle Selaase baadi goob u galeen halkii lagu aasay maydkiisa.Sannadkii 1992kii ayaa nin ogaa halkii lagu
xabaalay soo baxay.Maalintii uu ninku horkacayey dadka si loo soo saaro
 
 
qalfoofkii Hayle waxa daba socday oo duubayey telefishannada caalamka qaar ka socday.Sidii loo daba socday ayuu ninkii galay gurigii madaxtooyada, waa la yaabay, lagama hadhinse oo waa la daba socdaa,xafiiskii Mangistu fadhiisan jirey ayuu daf yidhi, uu sii dhaafay oo musqusha ayuu galay, gidaar hortiisa ah ayuu farta ku fiiqay isagoo tilmaamaya halka lagu aasay maydka Hayle Selaase. Waa la jebiyey gidaarkii oo laga soo saaray saxaaraddii uu ku jirey qalfoofku.
 
Haddaba ninkii boqorka boqorrada sheeganayey  ee Hayle Selaase waxa musqushiisa ku xabaalay oo 16 sannadood ku dul kaadshayey oo ku dul sindhoonayey mid ka tirsan kuwii uu u haystay addoomaha. Ku darsoo weliba magaca Mangistu waxa ku soo arooray xarfaha ay ka kooban tahay kelmadda carabiga ah ee NAJIS(Sheekh Cabdulmajiid Kashk Allaha u naxariistee ayaan ka dhageystay kelmaddaa)
Waa cilmi Ilaahay wax innagu tusayo una baahan in lagu cibaaro qaato. Ninkasta amma koox kasta oo tacddi iyo isla weyni ku dhaqanta waxa u dambayn ifka oo ay ku dulloobaan iyo cadaab aakhiro.
 
                                Tusaale yar aan raaciyo
 
Sannadkii 1979kii boqorkii dalka Iraan Shaah Raasa Bahlaawi oo 40sannadood dalkaa xukumi jiray ayaa isna taladii xoog looga tuuray.Isagoo dullaysan ayuu dalkiisii hooyo ka cararay.Boqor Shaah isagoo haystay hanti lagu qaddaray bilyanno oo dibadaha u taallay ayuu waayey dal soo dhaweeya, haad geed u
fadhiisto waayey buu noqday, aakhirkiina silic iyo dulli buu ku dhintay.
 
Sidaa oo kale Maarkoos oo muddo badan ka talin jiray Filibiin, Bookaasihii Afrikada Dhexe ka amar-ku-taaglayn jirey iyo dabcan Siyaad Barre ayaa iyaguna guuldarro iyo dulli ku dambeeyey.
 
Sannadkan 2011ka ee aynnu ku jirno, madaxweynihii dalka Masar Xusni Mubaarik oo dalkaa ka soo taliyey muddo 32sannadood ah ayaa xukunkiisii afka ciidda loo daray, maalmo yar kadibna waxaan telefiishannada dunida ka fiirsannay isaga oo rarab lagu sido oo maxkamad la hor keenay isaga iyo wiilashiisii dhaxalka isu diyaariyey oo dullaysan.
Kornayl Qaddaafi oo isna 42sannadood dusha ka saarraa ummadda Liibiya ayaa
isaga iyo wiilashiisii oo dullaysan duhur cad laga eryey taladii dalka.
Guntii iyo gebagebadii aan ku soo af jaro qoraalkan oo aan idhaahdo sooyaalka dunidu soo martay waa cibaaro u baahan in dib loo jalleeco si ay cid walba cashar buuxa iyo cibaaro ugu noqoto.
 
Waxa qoray Cabdalla Xaaji Cusmaan
 
 
                                  XIGASHO
 
1)Wikipedia
2)BBC
3)Radiyo Addis Ababa
4)Ugaas Xasan Xirsi


Wafdiyo gargaar bani’aadamnimo oo ka socda Somaliland oo u kala dhoofay Muqdisho iyo Dhadhaab

$
0
0

 
Xubnaha u socda Muqdisho oo ka kooban lix xubnood ayaa waxaa hoggaaminaya Xasan Cabdi Cawad, iyadoo ay ka mid yihiin abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), Jamaal Caydiid iyo Axmed Maxamed Aadan, waxaana madaxa guddigan uu sheegay in gargaarka ay geyn doonaan meel walba oo ay joogaan dadka ay abaaruhu saameynta xooggan ku yeesheen.
“Gargaarka waxaanu geyn doonnaa meel walba oo ay joogaan barakacayaal ama Muqdisho gudaheeda ha ahaato ama duleedyadeeda,” ayuu yiri Xasan Cawad oo sheegay in howsha ay wadaan ay tahay mid samofal ah oo aanay wax siyaada ah lug ku lahayn.
Dhanka kale, wafdiga uu hoggaaminayo wasiirka owqaafta iyo arrimaha diinta ee Somaliland Sheekh Khaliif ayaa waxay iyaguna tegi doonaan xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya oo ay ku jiraan qoxooti Soomaaliyeed oo ka cararay deegaannadii ay abaaruhu ku dhufteen.
Xubnaha guddigan waxaa ka mid ah wasiirka ganacsiga Somaliland, C/risaaq Khaliif, Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah culummada Somaliland iyo weliba xubno ka tirsan wasaaradda diinta iyo owqaafta oo horay gargaar bani’aadamnimo u gaarsiiyay barakacayaasha abaaraha.
Gargaarkan ayaa lagu sheegay inuu yahay mid laga ururiyay shacabka Somaliland iyo dhaqaale ay ku dartay xukuumadda, waana kii ugu horreeyay oo noociisa oo laga ururiyo Somaliland.
Wafdiga imaanaya Muqdisho ayaan la ogeyn sida ay goobaha ay ka taliso Xarakada Al-shabaab ku gaarsiin doonaan gargaarka bani’aadamnimo, maadaama ay dowladda KMG ah horay ugu diiday hay’adaha gargaarka inay goobahaas gargaar geeyaan.
Khamiis, September 22, 2011 (HOL) — Wafdiyo ay kala hoggaaminayaan wasiirka owqaafta iyo arrimaha diinta Somaliland, Sheekh Khaliil C/llaahi Axmed iyo madaxa rugta ganacsiga Somaliland, Xasan Cabdi Cawad oo wada gargaar bani’aadanimo oo gaaraya 700,000 oo doolarka Mareykanka ah oo loogu talogalay in lagu caawiyo dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu sameeyeen ayaa maanta ka dhoofay Hargeysa iyagoo kusii kala jeeda Muqdisho iyo xeryaha Dhadhaab ee dalka KenyaSource-hol.

Ra’iisul Wasaare Abdiweli iyo Ra’iisul Wasaare Recep Tayyip Erdoğan oo ku kulmay New York+Sawirro

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa kulan dheer la qaatay dhigiisa dalka Turkiga Ra’iisul Wasaare Recep Tayyip Erdoğan. Labada Ra’iisul Wasaare ayaa qaatay kulan waqti dheer socday. Recap Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dowladda Turkiga ah ay ka go’antahay saacidaada shacabka soomaaliyeed iyo dowladdoodaba. Waxuu sheegay in safaaradii Turkiga laga furay Muqdisho, isla [...]

Somaliland oo deeqdii u horeysay gar gaar ah u soo direysa Muqdisho iyo Dhadhaab

$
0
0

Labo Wafdi oo ka socda Somaliland ayaa maanta u ambabaxaya Magaalada Muqdisho iyo Xerada Dhadhaab ee, si ay mucaawino u geeyaan, kaasoo loogu tala galay dadka ay abaarta iyo macluusha ay haleeshay. Xubnaha Muqdisho imaan doona oo ka kooban lix xubnood ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Xasan Cabdi Cawad, Abwaan Hadraawi, [...]

Xaawo Qayaad “Waxaa goob joog u ahaa Shalay gabar Xamar weyne Askari qori ku qabtay, oo tiri car soo rid Mungaab ayaa kaa dambeeyee”

$
0
0

Kulan ballaaran oo lagu taageerayay Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo ay ka mid galeen Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka, Qeybaha Bulshada ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo kulankaas lagu dhaliilay go’aankii ka soo baxay Maxkamada Ciidamada Qalabka sida. Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyed ayaa waxaa ugu horeyn lagu soo dhoweeyay [...]

Kooxo Hubeysan oo si xun ugu dhaawacay Magaalada Boosaaso Wariye u shaqeynayay Idaacada Codka Nabada

$
0
0

Kooxo Hubeysan ayaa maanta duhurkii si xun ugu dhaawacay bartamaha Magaalada Boosaaso Wariye u shaqeynayay Idaacada Codka Nabada ee ku taal Magaaladaas. Wariyahan oo lagu magacaabo Xasan Maxamed Anteeno ayaa Kooxaha Hubeysan ay tacshiirad ku fureen, isagoo taagnaa meel ku dhow Xarunta Idaacada. Sida ay sheegayaan wararka Kooxahan ahaa labo dhalinyaro, waxaana ay markiiba goobta [...]

Madaxii Tv-ga Al Jazeera Wadah Khanfar oo xilkaas iska casilay”Warbixin dheer”

$
0
0

8-sano oo uu hayay xilka ugu sareeraya Tv-ga Al Jazeera ayuu ugu dambeyn soo afjaray waayahas Wadah Khanfar isagoona.

 
 
 
 
 
 
Wararka ka imaanaya maagalada Doxa ee dalka Qatar ayaa sheegaya in uu is casilay madaxii guud ee Tv-ga Al Jazeera Wadah Khanfar.8-sano oo uu hayay xilka ugu sareeraya Tv-ga Al Jazeera ayuu ugu dambeyn soo afjaray waayahas Wadah Khanfar isagoona ugudbiyay qoyska boqortooyda is casiladiisa.
Waxaa laga war helay ninkaan oo fariimo usoo diray dhamaan shaqlihii hoos imaanayay isagoo usheegay in uu shaqdaa katagay.Waraaqda uu soo diray waxaa kuqorneed sidan.
“Waxaan hore ula hadlay Maareeyaha guud ee Al-Jazeera,Wakhti hore,Una sheegay inaan doonayo inaan ka dego madaxtinimada TVga Al-Jazeera,Markaan dhamaysto sideed sanadood,Isna wuu i fahmay,waanu ku mahadsanyahay.”
Waxyaabaha ugu badan ee loo saadalinayo in uu isku casilay waxaa kamida kadib markii website-ka «Wikileaks» uu qoray in Wadah Khanfar uu xirrir hoose laleeyahay CIA-da mareykanka.
8-dii sano ee uu hayay xilkaan waxaa uu Tv-ga Al jazeera kadhigay Tv-ga ugu quwada weyn dunida carabta iyo isha lagala socdo xaalada bariga dhexe,
Waxaa uu gaaray in sidii sil siladii ay ula socdaan wararkiisa dadyowga carabta waxaana xusid mudan in uu gaaray heer uu kaxanaajiyo madxweynihii hore ee mareykan Goarge Bush.
Qoyska reer boqor ee maamula wadanka Qadar ayaa durba xilkaasi usoo magaabay wiil qoyskaasi katirsan waana Sheikh Ahmed bin Jassim Al Thani.
Dad badan ayaa qaba in is badal laga dareemi dooni Tv-ga madama maamulkiisu uu gacanta ugalay boqortooyda.
Cabdulaahi Cismaan Faarax

Warka Teknolojiyada


Muxaadaro 'Sh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun ( Fahamka Nolosha ) Full.

Falanqeynta qorshaha xilliga kala guurka

$
0
0

Falanqeynta qorshaha xilliga kala guurka

Djibouti Muxaadaro Xuquuqda labada isqabta isku leeyihiin Sh Muxamed Cumar Dirir Pt 5 YouTube

Djibouti Muxaadaro Xuquuqda labada isqabta isku leeyihiin Sh Muxamed Cumar Dirir Pt 4 YouTube

Djibouti Muxaadaro Xuquuqda labada isqabta isku leeyihiin Sh Muxamed Cumar Dirir Pt 1 YouTube

Britian: Dad kale oo Soomali ah ma aha ineey abaaraha u dhintaan

$
0
0

Wasiirka Afrika ee Biritan Henry Bellingham ayaa sheegay in beesha caalamka isku raacsan tahay in dad kale oo Soomalai ah aysan u dhimanin cunto iyo daawo la'aan.

Waxa uu sheegay in beesha caalamka ila ahaatan ay ku yaboohday 60% kaalmada looga baahan yahay Soomaliya, waxana uu ugu baaqay beesha caalmaka inay soo baxaan waddamo kale oo ku deeqa lacagaha loo baahan yahay.

Kadib markii uu ka qaybgalay Shirkii Gaarka ahaa ee looga hadlayey Arrimaha Soomaaliya ee ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay Jimcihii shalay, ayuu Mr. Bellingham ugu baaqay kooxda Al-Shabab ee Soomaaliya inay fududeeyaan Gaarsiinta Gargaarka ee dadka baahan.

Wareeysi Wasiirka Britian uu la yeeshay Harun Macruuf oo VOAda ka tirsan halkan hoose ka dhageeyso

QM iyo Midwga Afrika oo ku heshiiyay ciribtirka waxa ay ugu yeeraan al Shabaabka Soomaaliya

$
0
0

Ururka Midowga Afrika iyo Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalada New York ayaa isku raacay in dhibaatooyinka Soomaaliya oo ay dagaaladu ugu daran yihiin meesha laga saaro.

Ban Ki-Moon, Xoghaya guud ee QM iyo  iyo Jean Ping oo midowga Afrika u qaabilsan dhinaca nabadgelyada iyo ammaanka u qaabilsan Midowga Afrika oo si gaar ah uga hadlay dagaalada ka socda Soomaaliya ayaa isla meel dhigay in al Shabaab Soomaaliya laga ciribtiro dowladda Soomaaliyana salka loo adkeeyo.

Qaabka ay al Shabaab u ciribtirayaan si faahfaahsan mas'uuliyiintan ugama hadlin laakiin waxaa la filayaa in ogolaanshaha QM ee joogitaanka Ciidamada Midowga Afrika wax laga bedelo, sida in ciidamadaas oo hadda nabad ilaalin ku shaqeeya loo bedelo nabad dhaliyayaal.

halgankanet@gmail

  


Somaliland oo Deeq Geysay Muqdisho

$
0
0

Guddiga abaaraha Somaliland ayaa maanta deeq ka kooban 3 tan iyo bar oo isugu jirta dawo iyo buskut gaarsiiyay magaalada Muqdisho.

Guddigan deeqda maanta gaarsiiyay Muqdisho waxaa ku jira Abwaan Max'ed Ibraahim Hadraawi oo magac weyn ku leh geyiga Soomaaliya.

Max'ed Shukri Jaamac, afhayeenka guddigan ayaa sheegay in gar-gaarkan Somaliland uu ka duwan yahay deeqaha kale ee Muqdisho la geeyo, oo uu yahay gar-gaar walaaltinimo oo Somaliland ay waajib ku tahay inay caawiyaan walaalahooda Soomaaliyeed ee Koonfurta degan.

Abwaan Max'ed Ibraahim Warsame ayaa isna sheegay in Somaliland ka siman tahay in la caawiyo walaalahooda Soomaalida ee abaaruhu aafeeyeen.

New York: $1.88 Billion oo Abaaraha loogu Yaboohay

$
0
0

Xarunta Qaramada Midoobay ee New York waxaa maanta ka socda shir gaar ah oo caalami ah oo looga hadlayo abaaraha geeska Afrika iyo waliba sida wax looga qaban karo.

Shirkan waxaa ka qeybgalaya wasiirro ka socda in kabadan 50 waddan iyo qaar ka tirsan madaxda geeska Afrika.

Madaxa Bangiga Adduunka Bob Zoellick oo shirkaasi khudbad dhinaca Video-ga ka jeediyay ayaa sheegay in bangigu kordhiyay taageeradda uu bixinayo oo haatan yaboohayo 1.88 billion oo dollar oo ay ku jirto 500 malyuun oo dollar oo uu bangiga horey ugu talagalay gurmadka deg-dega ah ee geeska Afrika.

Xoghayaha guud ee Qaramda Midoobay Ban-ki moon oo shirkaasi isagu furay ayaa sheegay in dhibaatada abaaraha ee Geeska Afrika ay sii qoto dheeraanayso maalin-maalinta ka danbeysay.

Ban Ki-Moon wuxuu sheegay in Somalia aysan waligeed xor ka noqonayn halista macluusha ilaa laga helo nabad iyo xasilooni ka dhalata dalkaasi.

Xogyahah guud ee QM wuxuu sheegay in dad badan la bad-baadin karo haddii hay’adda gar-gaarka iyo QM loo ogolaado inay si xor ah u tagaan goobaha al-Shabaab ay maamusho si gar-gaarka loo gaarsiiyo.

Ban ki-Moon wuxuu sheegay in inkastoo QM iyo hay’addahu ay gar-gaar siinayaa in kabadan hal malyuun oo qof laakiin aysan taasi  wali ku filnayn, wuxuuna ku baaqay in sannadkan  loo baahan yahay qiyaastii 700 malyuun oo dollar, halka sannadka danbenaa loo baahnaan doono lacag intaas ka badan.

Man City oo ku soo noqotay hoggaanka (Natiijada Premier League

SOMALIA: First aid from Somaliland arrives Mogadishu [PHOTOS]

$
0
0

By: Abdalle Ahmed

MOGADISHU (RBC) The secessionist administration of Somaliland has sent the first aid food to the droughts hit southern regions of Somalia where millions of people are currently facing severe famine.
A plane carrying six Somaliland officials and was spearheaded by a famous poet Mohamed Ibrahim Warsame Hadrawi landed at Mogadishu main airport on Saturday bringing with them 3.5 tones of aid assistance from Somaliland people.
The aid contained food and useful medicine for malnutritioned children and pregnant women.
High ranking officials from the transitional federal government of Somalia and the civil society groups received the delegate from Somaliland as the national music band played brotherly songs.

“We are here to help our brothers in Somalia as there is severe and growing famine in the country” Mohamed Shukri Jama, the spokesman of Somaliland delegate in Mogadishu told reporters at the airport.

“As similar to the efforts of the international community, Somaliland plays its role to assist the droughts affected people in the region” he added.
The governor of Benadir regional administration, Mohamud Ahmed Nur who received the delegates from Hargeisa said that Mogadishu residents will not forget any assistance from their brothers in Hargeisa as he promised that the aid will be distributed to the needy families of the internal displaced people in camps of the capital where as least 20,000 families were gathered since May this year.
RBC Radio

Barakacayaal ku dhibaateysan Awdal

$
0
0

Deegaanka Lughaye ee gobolka Awdal / AwdalpressQoysas barakacayaal ah oo ku nool deegaana Lughaye ee gobolka Awdal, kuwaas oo ay tiradoodu gaareyso afar boqol,   ayaa la soo sheegayaa inay heysato dhibaatooyin nololeed, waxaana ay wajahayaan xaalado biyo la’aaneed iyo cudurro shubanka uu ka mid yahay oo halkaasi ka dillaacay.Guddoomiyaha Lughaye, Baxsan Saciid ayaa Bar-kulan u sheegay in dad ay ka soo barakacay tuulooyinka hoos taga Lughaye, ayna u baahan yihiin gargaar deg deg ah, isagoo tilmaamay in cudurka shuban biyoodka uu faraba’an ku hayo.Baxsan waxa uu sheegay in qoysaskan oo horey biyo la’aan uga soo barakacay deegaannao kale oo gobolka ku yaallo aysan noloshooda waxba iska badelin markii ay Lughaye imaadeen, waxaana uu gobolka maamulka gobolka Awdal iyo hay’adaha gargaarka ka codsaday in ay dadkaasi gargaar u fidiyaan.Maqaaladda La Xiriira:

  1. Gedo: Barakacayaal ku dhibaateysan Daabley
  2. Barakacayaal ku dhibaateysan Beled Xaawo
  3. Lughaye: Roob dumiyay 10 guri iyo masjid
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live