Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Somalia: Al Shabaab seizes key town near Mogadishu

$
0
0

MOGADISHU, Somalia - Heavily armed fighters from Al Shabaab have launched an assault on army bases in Afgoye town, 30Km south Somalia's capital Mogadishu, witness said.
Thursday's attack has triggered heavy fighting between the militants and Somalia National Army (SNA) forces in the town of Afgoye in Lower Shabelle region, a witness said.
Hassan Ahmed, another witness told Warqaad by phone that the militants, who armed with AK-47s, rocked-propelled grenades (RPGs) and machine-guns had assailed on bases manned by government troops.
The dead body of the militants could be seen in west of the town, a local resident, who asked to be anonymous said.
The armed group of Al Shabaab claimed to have captured the town following heavy battle with Somalia army forces.
Number of government soldiers were also killed and wounded during the attack late on Thursday afternoon, the group said through its media.
No word available from Somalia military officials over the attack in the town as Al Shabaab claimed to have seized the town near Mogadishu.By Abdirizak Mohamud TuuryareEmail: Tuuryare10@gmail.com
The post Somalia: Al Shabaab seizes key town near Mogadishu appeared first on Warqaad.com.


Ciidanka Qaybta 21-aad iyo ciidanka AMISOM ayaa isku...

$
0
0

Taliska ciidanka xoogga dalka qaybtooda 21-aad ee ku sugan Galmudug iyo ciidamada AMISOM ayaa si wada jir ah ugu diyaar garoobaya hawlgal ka dhan ah kooxda shabaab, kaas oo looga saarayo deegaanada ay wali kaga harsanyihiin Mudug iyo Galgaduud. Ciidamada ayaa maanta kormeer ku sameeyay deegaano dhawr ah oo hoos yimaada magaalada Cadaado, kaas oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo wada shaqaynta Ciidamada. Ammaanduulaha qaybta 21aad Janaraal C/laahi Aadan Xuseen ( Cirro) ayaa sheegay in ay qaadi doonaan dhawaan hawlgal deegaanada Galmudug looga cirib tirayo kooxda Shabaab. Taliye ku xigeenka Ciidanka Burundi ee ku sugan Cadaado ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM Major Emmanuel Ndayishimiye ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in maanta ay hawlo shaqo ku yimaadaan deegaano ka baxsan Cadaado, ayna la hawlgali doonaan ciidanka xoogga qaybtooda Galmudug ku sugan.

DHAGEYSO: Cali Khaliif Galeyr oo shaaciyay shaqsiga...

Al-Shabaab oo Si Kooban u la Wareegtay Degmada Afgooye

$
0
0

Dagaal kooban oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa galabta ka dhacay gudaha iyo hareeraha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaal ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dhawaqada rasaasta culus laga maqlayay gudaha Degmada afgooye, goobihii ganacsiga iyo isku socodkii dadka iyo gaadiidka ayaa hakad galay.
Si dhab ah looma oga qasaaraha dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Xarakada Al-shabaab oo dagaalka ka hadashay ayaa sheegtay in Ciidamadooda ay la wareegeen saacado kooban gudaha iyo hareeraha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, iyagoo qasaaro gaarsiiyay Ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya.
Dhanka kale xiriiro aynu la sameenay Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose inooma suurta galin in aan qadka taleefanka ku helno, si aan wax ugu weydiino dagaalka dhacay iyo la wareegitaanka shabaab.PUNTLAND POST
The post Al-Shabaab oo Si Kooban u la Wareegtay Degmada Afgooye appeared first on Puntland Post.

(War-saxaafadeed) Ganacsatada Banaadir oo cabasho u...

$
0
0

War-saxaafaadeed ay si wadajir ah usoo saareen ku dhawaad 220 shirkadood oo ka jira gobolka Banaadir ee dalka Somalia ayaa cabasho iyo baaq loogu diray dowladda Federaalka Somalia.
Qoraalkaas ayaa ganacsatadu kaga cowdeen lacago si sharci darro ah loo siiyo Rugta ganacsiga Somalia taasoo ay sheegeen inaysan jirin cid wax loogu qabto markii horena loo maray sifo sharciga hareer marsan.
Ganacsada ayaa baaqooda dowladda Somalia gaar ahaan wasaaradda maaliyadda kacosaday in la tixgaliyo dalabkooda maadama ay sheegeen in lacag sannadkii ku dhow Nus-Malyuun dollar aan laga war-qabin halka loo isticmaalo.
Arrintan ayaa timid xilli laga qaado canshuur joogto ah ganacsatada islamarkaana aan lagu soo celin waxna loogu qaban dadkii laga qaaday, balse ay dhaxleen oo kaliya sicir barar joogto ah.War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ganacsatada Gobolka banaadir ayaa lagu yiri Waa muhiim in cidkasta danaha gacansiga ku lug leh in ay ogaato qoraalka aan u gudbinay dowlada oo aan kaga codsanay in aan lacag canshuur ah looga qaaday ganacsao aan la siin ganacsato kale
Doorasahad ganacsatada Mgaalada Muqdisho taariiqda 23-11-2016 lagu doortay gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenadiisa waxay ka shaqa bilaabeysaa xarunta cusub ee tugta ganacsiga banaadir
waxaan soo jeedineynaa in rugta ganacsiga somaliyeed dib dib u habeyn lagu sameeyo inta ka horeysana ay cid walbo ogaato in aysan matalin ganacsatada magaalada Muqdisho.Waxaa saxiixay warsaxaafadeedkan 219 shirkadoodJAMHUURIYADDA FEDRAALKA SOOMAALIYATr. 27/12/2016Ku: Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federalka SoomaaliyaKu: Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha ee Dowladda Federaalka SoomaaliyaKu: Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka SoomaaliyaKu: Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka SoomaaliyeedOg: Rugta Ganacsiga Iyo Warshadaha SoomaaliyeedOg: Bankiga Dhexe ee SoomaaliyaOg: Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federalka SoomaaliyaOg: Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaUjeeddo: Codsi Wax ka qabasho Khidmad Sharci darro ah
Annagoo ah shirkadaha iyo ganacsatada magacyadooda hoos ku saxiixan yihiin, ahna kuwa ugu canshuur dhiibista badan ee magaalada Muqdishu, waxaan madaxda sharafta leh u soo gudbineeynaa cabasho liddi ku ah khidmad canshuureed sharci darro ah oo la siiyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, taasoo looga jaro dakhliga canshuurta furdada Xamar bil kasta.Hordhac
Sida la ogsoonyahay canshuurtu waa dakhli maaliyadeed oo ku soo uruura qasnadda dowladda ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya. Canshuuraha furdada Muqdishu waa dakhliga ugu muhiimsan ee Dawladda Federalka Soomaaliya si dhab ah ugu tiirsan tahay, gaar ahaan canshuuraha laga qaado badeecooyinka dibadda laga keeno (imported goods and services).
Qaadista canshuuraha furdada iyo uruurinta dakhliga waxay ku saleysan yihiin sharci; mana jiro sharci dowladeed oo ogolaanaya in dakhliga canshuurta furdooyinka dalka laga siiyo khidmad boqoleey ah shaqsi, shirkad, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo iwm. Sababtuna waxa ay tahay in dakhliga canshuurta loo adeegsan kara oo keliya danaha guud ee ummadda.
Dakhliga Canshuurta Furdada Xamar Sanadkasta waa mid sii kordhaya. Sanadkii 2013 waxeey aheeyd taqriiban USD58.7 milyan, Sanadkii 2014 waxeey aheeyd taqriiban USD62.1 milyan, Sanadkii 2015 waxeey aheeyd taqriiban USD70.5 milyan. Waxaana la rajeynayaa in sanadkaan 2016 korarka dakhliga Furdada uu gaaro taqriiban USD80 milyan. Wadarta dakhliga canshuur ahaan uga soo xarooday min 2014 ilaa 2016 wuxuu gaarayaa taqriiban USD270.Murtida Cabashada
Markaan baarnay xaaladda maaliyadeed ee canshuurta dekedda, waxaa caddaatay in magaca Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed laga siiyo khidmad dhan 0.5 boqolkiiba oo ah dakhliga guud ee bil kasta canshuur ahaan uga yimaada Dekedda Xamar. Halkaas waxa ka muuqanaysa in khidmadda canshuurta laga gooyo, ee la siiyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha in ay tahay taqriiban nus malyuun doolar sanadkiiba; khidmaddaasuna tahay mid sii kordheysa markasta oo canshuurta canshuur bixiyeyaashu dhiiban ay kororto. Lacagtaas oo aan sharciga waafaqsaneyn; waxaa loo isticmaali karay arrimo muhim u ah ummadda sida wax ka qabashada abaaraha, caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada Soomaaliyeed aadka ugu baahan yihiin.
Arrintan waxay meel ka dhac ku tahay mabaadii'da guud ee canshuurta oo sugaya in canshuurta loo adeegsan karo oo kaliya fulinta danaha dadwaynaha.
Ganacsatada qoraalkan ku saxiixan waxay dhowr jeer arrintaan si toos ah iyo si dadban intaba ugala hadleen Madaxda Wasaaradda Maaliyadda, waxayna weydiisteen xeerka canshuuraha ama xeer kale ee Dowladeed oo ogolaanaaya dhaqangelinta in dakhliga canshuurta khidmadda laga siiyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed; gaar ahaan sida ay ku waajibtay iyo waqtiga laqaadayo ama lajoojinayo khidmaddaan.
Sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in la aqoonsado lana tixgeliyo arrimahan:
Ma jiro xeer ama sharci lagu go'aamiyay asalka khidmadda qaadisteeda, mana jiro tabbeelayaal ay ku qoran tahay khidmadaas si loo ogeysiiyo ganacsata soomaliyeed ee bixiya canshuurta dekedda Xamar.
Ma jiro Sharci lagu soo saaray heer wasiir, madaxweyne, barlaamaannadii hore ama midka Federaalka ah ee hadda jira oo ogolaanaaya in dakhliga ka soo xarooda dekedda khidmad ahaan loo siiyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ama dad khaas ah.Caddeyn Ujeeddo
Ujeedka ganacsatada ee ku aaddan cabashadaan waa:

  1. In la helo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed oo leh isla xisaabtan dhab ah,
  2. In howlaha Rugta lagu maareeyo khidmad laga qaado ganacsatada xubnaha ka ah Rugta (Membership fee); marnabana aysan dhicin in canshuurta ummadda loogu adeego ganacsato gaar ah.

Codsi/Dalab
Haddaba ganacsatada hoos ku saxiixan waxay ka codsanayaan hay'adaha ay khuseyso:

  • In Wasaaradda Maaliyadda ay si deg deg ah u joojiso bixinta khidmaddan sharci darrada ah ee la siiyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha bil kasta, lana joojiyo laga bilaabo Disembar 2016.
  • In Wasaaradda Maaliyaddu ay dhaqangaliso sharci "custom Law of 1961" iyo Tariffa Dogonale 1968 " iyo sharciga miisaaniyadda dalka ee 1961. Sharciyadaas waxaa ku cad nidaamka canshuuraha; mana oggolaanayaan in dakhliga canshuuraha ee dowladda laga siiyo khidmo shakhsi, shirkad iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha.

The post (War-saxaafadeed) Ganacsatada Banaadir oo cabasho u gudbiyay Dowladda Somalia appeared first on Puntland Post.

Dowlada Soomaaliya oo Laga yaabo in ay markale...

$
0
0

Warar lagu daabacay Warbaahinta kasoo baxda Kenya ayaa lagu sheegay In dowladda Federaalka Soomaliya ay ku dhow dahay In todobaadyada Soo socda ay joojiso dhamaan qaadkii ka imaanay jirey dalkaas.
Sababaha ay dowladda Soomaliya u joojinayso qaadkii ka imaan jirey Kenya, ayaa lagu sheegay in dowladda wadankaas in ay jabisay heshiis lagu gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya 13-kii September kaasi oo dhigayay in dowladda Soomaliya ay dib u fasaxdo qadka ka imaan jirey kenya, taasi badalkeeda dowladda Kenya ay joojiso baaritaanada garoonka Wajeer lagu mariyo diyaaradaha ka dhoofa Soomaaliya, gaar ahaan garoonka Aadan Cade.
Siddoo kale dowlad Federaalka Soomaaliya ayaa hishiiska ku dalbatay dowlad Kenya in ay fududeyso dal ku galka Kenya oo dhibaato xoog leh ay ku qabaan shacabka Soomaaliyeed ee halkaas taga.
Dowlada Kenya ayaa sheegtay in mudo saddex bilood gudahooda ah ku dhaqan galin doonto fulinta labadan qodob hishiiska ku jira ee Magaalada Muqdihso lagu gaaray.
Balse todobaadkaan Warar lagu daabacay Warbaahinta Kenya ayaa lagu sheegay iyagoo soo xiganaya Mas'uuliyiin ka Tirsan dowladda Soomaliya in Soomaliya ay joojinayso qaadka, kadib markii Kenya ay kasoo bixi weysay balanqaadyadii ay sameysay.PUNTLAND POST
The post Dowlada Soomaaliya oo Laga yaabo in ay markale Joojiso Qaadka Ka Yimaada Kenya appeared first on Puntland Post.

Hay'adda Heritage oo Daraasad ka Sameysay Colaadda...

$
0
0

Daraasad ay soo saartay hay'adda Cilmi baarista ee Heritage Somalia ayaa digniin ku bixisay inaan la dhayalsan xal u helidda colaadda soo noqnoqota ee ka oogneyd magaalada Gaalkacyo.

Wasiiro iyo xildhibaano qorshe yaab leh u diyaariyey...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Iyadoo uu bilowday ololaha doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa socda qorshe la doonayo in dib xilkaasi loogu doorto Guddoomiyihii Baarlamaanka 9-aad.
Koox ka kooban Wasiiro, xildhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa diyaarisay Qorshe la yaab leh oo culeyska looga qaadayo Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), kaasoo lagu soo doonayo in dib loogu sharxo xilka.
Qorshahan oo ay hormuud u yihiin siyaasiyiin ku kacsan madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ujeedkiisu yahay xaflad weyn oo aan hore loo arag taasoo Prof. Jawaari looga codsanayo inuu mar kale isu taago tartanka Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub.
Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa inay munaasabadaasi ka dhacdo magaalada Muqdisho, waxaana ka dambeyn doona inuu Prof. Jawaari ku dhawaaqo musharaxnimadiisa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka 10-aad, taasoo dhinaca kale dhabar jebin ku noqon doonta qorshihii Shariif Xasan ee xilka madaxweynaha.
Wasiiro hore, xildhibaano ku guuldarreystay kuraas ay ka helaan doorashadii Baydhaba iyo siyaasiyiin kale oo ku kacsan Shariif Xasan ayaa dadaalkooda isugu geeyay inuu mar kale soo laabto Prof. Jawaari, kadibna ay kala firdhiyaan qorshihii Shariifka ee xilka Madaxweynaha iyo gorgortankiisa xilalka waaweyn ee beeshiisa.Caasimada OnlineXafiiska Muqdishocaasimada@live.com


Two dead, 4 hurt in road accidents in Mogadishu

$
0
0

MOGADISHU, Somalia - Two people are known to have been killed and 4 others wounded in double road accidents in Somalia's capital Mogadishu, Warqaad reports.
The two victims reportedly to be women, who were killed after the driver lost the control of the car and ran over them on the roadside of under a bridge in Mogadishu's Hamar-Jajab, witnesses said.
Several officials from local authorities said that number of people had been evacuated from the scene and being taken to Madina hospital for medical treatment.
Four other people were also wounded after a speedy rickshaw in which they were travelling has on Thursday morning, veered off the road and went upside down in Mogadishu's Wadajir.
In Somalia, road accidents are common and drivers are always accused of having no experience or skills to drive as some roads are still rough and not repaired since the collapse of central government.By Abdirizak Mohamud TuuryareEmail: Tuuryare10@gmail.com
The post Two dead, 4 hurt in road accidents in Mogadishu appeared first on Warqaad.com.

Imisa ayaa Al-shabaab looga dilay Dagaalkii...

$
0
0

Afgooye (Caasimada Online)-Dagaal qaraaran ayaa waxa uu galanki danbe ee maanta ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaalka oo dhowr saac qaatay ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamada Dowlada iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab waxaana ka dhashay Khasaaro kala duwan.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidanka Dowladda ku lahaayen Duleedka Afgooye.
Dagaalka ayaa waxaa Maleeshiyada Al-shabaab looga dilay ilaa Seddex maleeshiyo, halka Ciidamada Dowlada laga dilay hal Askari.
Dagaalka kadib ayaa waxaa halkaasi ka baxay Maleeshiyaadka Al-shabaab oo horay usii qaatay Meydadkooda.
Dhinaca kale, dadka shacabka ah ee ku nool Degmada Afgooye ayaa walaac xoogan ka muujiyay Dagaalkan, waxaana ay dareemayaan cabsi fara badan.Caasimada OnlineXafiiska AfgooyeCaasimada@live.com

Why Tourists and Vacationers Often Come Back to Phuket

$
0
0

Spending your holidays out of the country is a fun thing to do, especially when youaEU(tm)re with your family or friends. If your problem is the cost of holding this kind of exciting escapade, then you have nothing to worry about because there are a lot of countries in Asia where you can spend time for yourself or with the family without spending too much. Phuket, in particular, is an awesome island in Thailand that features breathtaking sceneries, exotic delicacies, and extraordinary activities to be enjoyed alone or by groups.
How to get to Phuket cheaply by package
Whether your stay is for family vacations, retreats, or gatherings, Phuket is definitely a must-see island to visit in Thailand. The cost during your stay wonaEU(tm)t be much of a problem since there are reasonable deals for cheap holidays to Phuket. If you search online, youaEU(tm)ll find a long list of websites that caters to your needs for a wonderful vacation. It is always ideal to spend holidays with friends, family or groups because you can get higher discounts.
The internet is always a great place where you can find cheap deals for a holiday in Phuket. From airfare to hotel accommodation and other travel packages, youaEU(tm)ll find it all when you book your reservation online.
Cheap hotels in Phuket
One of the best things about going to Phuket is the cheap accommodation for tourists. If you are planning to visit with a whole lot of people, you will never have a hard time saving more money on your vacation. Aside from cheap accommodation, hotels in Phuket features good location, large number of facilities and impeccable service for everyone
If you want to travel far to experience the majestic beaches of Phuket, then you can try to book your hotel accommodation to Holiday Inn Phuket. This hotel is located at the heart of Patong, a popular beach not only in Phuket but in Thailand. Outside the hotel lies beautiful beach scenery where you can just lie down and enjoy a relaxing escapade under the sun. Outside the hotel are also shopping centers, restaurants and night life.
For tourists looking for high class beach resort at an affordable price, the Le Meridien Beach Resort is an excellent place to stay for your accommodation needs. This hotel features restaurants, bars, sea sports facilities, discovery centers for kids, and a world class spa. If you want to pamper yourself with the ultimate relaxation and vacation in Phuket, this hotel is among the best options to consider.
Safari Beach Hotel is a small and reasonably priced hotel facing opposite of Patong Beach. It is located with just a 2 minute walk from the beach-end of Bangla Road. If you want to stay next to the beach or experience nightlife like no other, you could not find a better location than with Safari Beach Hotel.
Booking Hotels Outside of Patong
Majority of hotels in Patong are located outside the small city centre area. There are a lot of hotels in the area so it would be hard to look for a decent deal for your holiday vacation. There are a lot of possible advantages from booking to this hotel, including the lesser noise and more luxurious surroundings which most tourists and vacations love to come back with.
The Nap Patong Hotel is quite new and very popular hotel that features ease access to night life and beach resorts in Paton. At night, the noise is very limited, perfect for anyone who want to get a good night sleep after a busy day in Phuket.
Things to do to save more on your cheap holidays to Phuket
The best thing to look for when choosing a hotel is the free shuttle service. This is a perfect chance for you to explore the island and know more about the culture and history of every landmark without spending on your travelling.
You can also try to look for hotels that offer packages, including group, family or company retreat deals where you can save more as a group. The hotel you will be choosing should also provide some amenities that include access to pools, wifi, spa, bars and other important services for relaxation.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray isbitaalka Martini ee ciidammada Naafada ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho. Wasiirka Gaashaandiga, wasiir ku xigeennada Caafimaadka iyo Gaashaandhiga, Taliyaha Ciidanka XDS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka mid ahaa mas'uuliyiintii ka qeybgashay munaasabada xarig jarista ee maanta.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo kormeeray qeybaha cusub ee lagu kordhiyey Isbitaalka iyo qalabka casri ah ee la keenay Isbitaalka, tanoo dabooli doonta baahida dhanka caafimaadka ee baahida weyn loo qabo. Isbitaalka Martini oo ah mid qadiimi ah oo magac weyn ku leh dalka ayaa waxaa uu si siman ugu adeeggi doonaa shacabka Soomaaliyeed iyo ciidammada Qalabka Sida guud ahaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u mahadceliyey ciidammada XDS, Hay'adda Iida, hey'adihii gacan siiyey iyo dowladda Talyaaniga, sidoo kale waxa uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh in muhiim ay tahay isku tashiga bulshada. Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in mudnaan gaar ah la siiyo ciidammada Naafada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
"Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan dadkii kaalinta weyn ka geystay in Isbitaal Martini dib loo dayactiro oo uu lahaado qalab casri ah si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed iyo gaar ahaan naafada ciidamada Dowladda. Isbitaalku waxuu leeyahay magac weyn oo marka la maqlo Martini waxaa la soo xasuusnayaa taariikhdii Soomaaliyeed, sidaas daraadeed waa inaan magacaas sidiisa u dhowrno si taariikhda ummadda loo ilaaliyo. Dhismaha Isbitaalka waa qeyb ka mid ah horumarka dalka ka socda waana inaan ku dhiirinaa hay'adaha iyo shaqsiyaadka suurtogeliyey dhameystirka iyo qalabeynta Isbitaalka sida Hay'ada Iida, Taliska Ciidanka XDS iyo Dowladda Talyaaniga oo dhammaantood suurtogeliyey inaan maanta heysano Isbitaalkii Martini oo u adeegaya shacabka Soomaaliyeed."ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Hay'adda Iida, guddoonsiisay Billad Sharaf ku aadan kaalintooda weyn ee qabsoomida dhimsaha iyo qalabeynta Isbitaalka Martini.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Maamulka Gobolka Gedo oo baaraya Daawooyin loo waday...

$
0
0

Garbahaareey (Sh M Network)--Maamulka Gobolka Gedo, ayaa bilaabay baaritaano ay ku samaynayan daawooyin ay leedahaay Hay'adda World Vision, oo Shalay Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay ku qabteen Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.
Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka Gobolka Gedo, Cismaan Nuux Xaaji, ayaa sheegay in gaari siday daawooyinkani uu ka soo amba baxay Degmada Doolow, uuna ku sii jeeday Gobolka Baay.
Gudoomiye Ku Xigeenka, ayaa tilmaamay in shakigoodu uu ka dhashay, gaarigaasi oo si nabdoon ku soo dhex maray dhulka u dhaxeeya Degmooyinka Doolow iyo Luuq, xilli sida uu sheegay ay dhulkaasi ku sugan yihiin Xoogaga Al Shabaab.
Cusmaan Nuux Xaaji ayaa isweydiyey sababta ay Al Shabaab ula wareegi waayeen gaarigii daawooyinka siday, oo si nabdoon ku soo dhex maray dhulka ay ku sugan yihiin.
Isagoo hadalkiisa sii wata, ayaa waxuu carabaka ku dhuftay Al Shabaab looga bartay in ay dhacaan daawooyinka, ay leeyihiin Hay'adaha Qaramada Midoobe.
Cismaan Nuux, ayaa wuxuu intaa ku daray in daawooyinkan ay u maleynayan in loo waday Shabaabka Gobolka Baay, balse sida uu sheegay ay baaritaano ku wadaan.
Ugu dambeyn, Gudoomiye Ku Xigeen Maamulka Gobolka Gedo ayaa tibaaxay in 3 Ruux oo la socotay Gaariga u rarnaa hay'ada World Vision ay gacanta ku dhigeen ayna qireen in Dawadaasi loo waday Degaano ka tirsan Gobolka Baay.

Abaaro xoogan oo ku dhuftay Degaano ka tirsan...

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network)--Abaaro xoogan ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhufteen Degaanada Ceelbuur, Ceeldheer iyo Galhareeri ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha Dalka Soomaaliya.
Waxgaradka Degaanadaasi ayaa sheegaya in aysan jirin Maamul isku dayay samata-bixinta Shacabka uu saameynta ka soo gaartay abaarahaasi.
Nabadoon Maxamed Cismaan Coloow oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magalada Muqdisho ayaa ka codsaday Hay'addaha gargaarka, Shacabka iyo Maamulka Gobolka Galgaduud in gurmad ay u sameeyeen Dadka dhibaateysan.
Nabadoonka ayaa dhinaca kale waxuu ku eedeeyay ganacsatada qaarkood in ay dabar goynayaan Xoolaha Dalka, maadaama maalin waliba ay qalaan xoolo badan uu ku tilmaamay kuwa tarmi kara.
Gobolada qaarkood ee dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku dhufty abaaro xoogan, iyadoona Beesha Caalamka iyo Guddiga Qaran ee Abaaraha ay shir ka yeesheen amuurahaasi.

Baarlamaanka cusub oo laga dalbaday dardar-gelinta...

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network)--Xildhibaan Warsame Maxamed Xasan oo ka mid ah Xildhibaanada cusub ee dowladda Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegaya in Xildhibaanada cusub looga fadhiyo in ay talada dalka la wareegaan islamarkaana ay ka noqdaan kuwa ka turjuma howlihii loo igmaday.
Xildhibaan Warsame Joodax oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tibaaxay in Xilldhibaanada cusub laga doonayo garab istaagida Shacabka Soomaaliyeed, si ay uga kaalmeeyaan dhibaatooyinka heysta oo ay ugu horeyso abaarta.
Dhawaan ayee aheyd markii Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu ku baaqay in gurmad loo sameeyo Shacabka ay saameynta ku yeesheen abaaraha ku dhuftay bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.


Maamulka Ahlu Sunna oo mudo ka badan bil kadib...

$
0
0

Radio Galgaduud oo ah Idaacad Madax banaan oo ka howlgasha Magoolooyinka Guriceel iyo Dhuusomareeb ayaa hawada dib ugu soo laabtay kadib markii la xiray 14kii November 2016 oo 45 maalmood kasoo wareegatay.
Dib u furitaanka Radio Galgaduud ayaa timid kadib wadahadal dhexmaray Masuuliyiinta Maamulka G/dhexe iyo Maamulka Radio Galgaduud taasi oo ugu danbeyn keentay in laisku fahmo dib u furitaanka Radio Galgaduud.
Madaxa Warfaafinta Maamulka G/dhexe muxuyadiin Cali Jimcaale Jakuula ayaa sheegay in ku faraxsanyiihiin in Maamulkooda ay dib u fasaxaan Radio Galgaduud ayna si dhaw ula shaqeyn doonaan Idaacadda.
Agaasime ku xigeenka Radio Galgaduud C/qaadir Guure Barre ayaa sheegay isna in Maamulka Idaacada ay diyaar u yihiin in dhaqan galiyaan wadahadalka labada dhinac dhexmaray si wada shaqeynta u wanaagsanaato.
Radio Galgaduud oo ah Idaacadda loogu dhageysi badanyahay Magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel ayaa waxa durba soo dhaweeyay dib u howlgalkeeda, dhageystayaashii ku xirnaa Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Idaacada.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

diblumaasiyiin Ruush ah oo loo qabtay 72 saacadood...

$
0
0

Dowlada Maraykanka ayaa ku amartay in ay isaga baxaan dalka Maraykanka 35 diblumaasi iyadoo Maraykanka uu ku tilmaamay diblumaasiyiintaas inay farogelin ku sameeyeen doorashadii Madaxweynaha dalka Maraykanka.
Sidoo kale waxaa la amray in albaabada loo laabo labo xarun oo dowlada Ruushka ku lahayd magaalooyinka Maryland iyo New York kuwaasoo la sheegay in loo isticmaalayay soo ururinta xogaha dalka Maraykanka.
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa dhowaan sheegay in uu talaabo adag ka qaadi doono dowlada Ruushka kadib markii lagu eedeeyay in ay ku lug lahayd in la jabsado ololaha xisbiga Dimuqraadiga iyo ololihii ay waday musharixii xisbiga Dimuqraadiga Hillary Clinton. Hase yeeshee dowlada Ruushka ayaa beenisay inay wax lug ah ku leedahay eedeymaha loo soo jeediyay ee ah in ay farogelisay doorashada dalka Maraykanka.
Wasaarada Arrimaha Dibada Maraykanka ayaa shaacisay in 35ka diblumaasi ay ka howlgalayeen safaarada Ruushku ku lahaa magaalada Washington DC iyo qunsuliyada Ruushka ee magaalada San Francisco, diblumaasiyiintaa iyo qoysaskooda ayaa loo qabtay muddo 72 saacadood inay ugaga baxaan dalka Maraykanka.
Dowlada Ruushka ayaa la filayaa inay falkaan ugaga jawaabto mid la mid ah oo ay dalkeeda ka soo eriso diblumaasiyiin Maraykan ah. Talaabadan uu ku dhaqaaqay Madaxweyne Obama ayaa waxaa dhaliilay xisbiga Jamhuuriga iyagoo ku tilmaamay mid muujineysa daciifnimada dowlada Maraykanka ee dhinaca diblumaasiyada gaar ahaan dalka Ruushka.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Sh/hoose oo ka...

$
0
0

Afgooye(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Gobolka Sh/Hoose Nuur Xayir ayaa sheegay in Ciidamadu ay khasaaro ba'an u geysteen Maleeshiyaadki ka tirsanaa Al-Shabaab ee gelinki dambe ee shalay soo weeraray Degmada Afgooye. Taliyaha oo u waramay Warbaahinta Qaranka ayaa intaasi ku daray in Ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen seddax ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo dhaawac ah, [...]

Obama oo Cunaqabateyn Saaray Ruushka

$
0
0

Madaxweynaha Barack Obama ayaa Khamiistii cunaqabateyn kusoo rogay laba hey’adood oo kuwa sirdoonla ah oo uu Ruushku leeyahay, isaga oo dalka Mareykanka ka ceyriyey ilaa iyo 35 sarkaal oo Ruush ah.

Brazil: Meyd Loo Maleynayo Safiirka Greece oo la Helay

$
0
0

Booliska dalka Brazil ayaa sheegay in ay heleen baabuur gubtay oo uu ku jiro qof meyd ah oo loo maleynayo inuu yahay safiirkii dalka Greece u fadhiyey Brazil, kaasi oo la la’aa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live