Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Xildhibaanada Cusub Ee BF Oo Kulan Xasaasi Ah Uga...

$
0
0

Xaruunta Gollaha Shacabka waxaa ka furmay maanta kulankii xasaasiga ahaa ee xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaana looga hadlayaa doorashada Gudoonka Baarlamaanka.
kulanka inta uu socdo waxaa lagu dhawaaqi doonaa guddiyo qaabilsan doorashada sidoo kale amaanka ayaa aad loo adkeeyay.Lasoco Warkaan Wixii kusoo kordha


XOG: Loolankii Ugu Adkaa Oo Ka Dhex Bilawday Beelaha...

$
0
0

Xog Xasaasi ah oo aan helnay ayaa shaaca ka qaadeysa in siyaasiyiin & Musharaxiin caan ah ay bilaabeyn qaabkii xilka Gudoonka Baarlamaanka Cusub loogu dhiibi lahaa Siyaasi kasoo jeeda Beesha Hawiye iyadoo ay xusid mudan tahay Musharaxiinta Xilka M/weyne ee Beesha Hawiye iyagana ay wadaan qorshe ah in qof kasoo jeeda beeshaasi uusan isku sharaxin xilka gudoonka Baarlamaanka.
Loolanka Nuucaan ah ayaa salka ku haya hanaanka Awood qeybsiga dalka maadaama beeshii heshaa xilka Gudoonka Baarlamaanka aysan isku sharaxin karin Xilalka M/weynaha iyo R/wasaaraha.
Musharaxiin iyo Siyaasiyiin caan ah oo kasoo jeeda Beelaha digil, Mirifle & Daarood ayaa wata siyaasiyiin caan ah oo u dhashay qabiilka Hawiye waxaana lagu bixinayaa dhaqaale badan.
Dhanka kale Musharaxiinta Hawiye uu ugu horeyo Xasan sheekh ayaa iyagana dadaal iyo Lacagba ku bixinaya qaabkii qorshahaasi looga hortagi lahaa waxaana hada la xaqiijiyay xubno u dhashay beesha Hawiye in ay ka tanaasuleyn xilka gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Siyaasiyiin, Aqoon-yahano iyo Waxgarad aan fikrado ka aruurinay ayaa qaba in gudoonka Baarlamaanka uu kusoo bixi doono shaqsi kasoo jeeda Beelaha digil iyo mirifle ama beesha daarood waxaana taasi ay dhabar jab ku tahay Cumar C/rashiid iyo Shariif Xasan sheekh aadan.

DAAWO Layaab: Aabe Caruurtiisa Qarax Ku Xeray Kuna...

$
0
0

Waa dhacdo Bulshada Abuunka kunool ka yaabisay kuna noqotay wax aan la aamini karin kadib markii kooxda ISIS ay soo bandhigtay Muuqaalka Aabe kooxdaasi ka tirsan oo Gabdhihiisa ku xeray qaraxyo kadibna ku amray in ay isku qarxiyaan saldhig ciidanka Boolis-ka waxaana daaEU(tm)da gabdhahaasi lagu sheegay 9 jir & 7-jir.HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

DEG DEG: Qarax Ismiidaamin Ah Oo Goordhaw Ka Dhacay...

$
0
0

Sida aan ku helnay Warar deg deg ah qarax ismidaamin aad u xoogan ayaa ka dhacay degmada Garbahaareey ee gobalka Gedo waxaana qaraxa la sheegay in loo qorsheeyay xaruunta maamulka Jubba-land.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay gaariga qarxay in ay la socdeyn ilaa 4-qof kuna qarxay meel aan aheyn halkii loo qorsheeyay.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Sarkaal Al shabaab ah uu ku dhintay Qaraxaasi kaasoo magaciisa lagu soo koobay Muscab.
Maamulka gobalka Gedo wali wax hadal ah kama soo saarin qaraxaasi sidoo kale kooxda Al shabaab iyaguna kama aysan halin

DAAWO SAWIRADA: Maxaa Kusoo Kordhay Ololaha...

$
0
0

Waxaa sii kordhaya Ololaha Musharaxiinta Xilka M/weyne ee ka socda Magaalada Muqdisho iyadoo Musharax Siciid Cabdullaahi Deni uu kulan la qaatay xildhibaanada Labada Aqal ee laga soo doortay Puntland kuwaas oo illo xog ogaal ah inoo sheegeeyn in ay taageerada u diideyn Musharax Cumar C/rashiid.
Musharax Siciid Dani ayaa usoo bandhigay Xilibaanada Puntland Barnaamijkiisa siyaasiga ah ee dalka uu ku hogaamin doono hadii loo doorto xilka M/weyne waxaana uu weydiistay in codka kalsoonida ay siiyaan.
Xildhibaanadii kulanka ka qeyb galay ayaa shaaca ka qaaday in ay aqoon buuxda u leeyihiin Musharax Siciid Dani waxyaabihii uusoo qabtay uuna mudan yahay Xilka M/weynaha Somalia.HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Dhageyso: Naxariis Darada Dowlada Norway Kula...

$
0
0

Waxaa sii kordhaya ficilada Arxan-darada ah oo dowlada reer galbeedka kula dhaqmayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed gaar ahaa dowlada Norway oo bilihii dambe bilawday ficilo aan looga baran Dadka Soomaaliyeedna xanuunjiyay.
Samira Axmed Qeyre waa Hooyo Soomaali ah oo ilaa 1996-dii ku nooleyd dalka Norway balse maalmo ka hor waxaa ay dowlada Norway kala kulantay Dhacdo Naxdin leh markii laga qaatay cunug hal bil jira oo umusha kula jirtay.
Hooyadaan ayaa sidoo kale sheegtay markii Sidaas naxariisdarada ah loola dhaqmay kadib in loo sheegay in ay dayacday xanaanada ubadkaasi yar taasoo ay ku tilmaamtay been abuur sidoo kalana loo diiday xitaa in ay booqato.HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA SAMIIRA AXMED QEYRE:

DEG DEG: Xubno Somalia Ku Faafinayay Xanuunka HIV...

$
0
0

Dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku dhigeen laba ruux oo deegaanada Maamulkaasi ku faafinayay Cudurka halista ah ee HIV-Aids-ka.
Dr-Abdi RahmaanaEUDhagaweyneaEU oo maamulka Puntland ugu Magacaaban Agaasimaha la dagaalanka iyo ka hortaga cudurkaasi HIV-aids ayaa saxaafada usheegay in ay qabteyn labadaasi ruux oo ahaa rag iyo dumar si kas ahna u faafinayay cudurkaasi
Dr-Abdi Rahmaan ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka amaanka labadaasi qof kasoo qabteyn magaalada Garowe balse baaris ay kusocoto isagoo dhanka kale daaEU(tm)yarta Guur doonka ah ee reer Puntland Ugu Baaqay in ay iska baaraan Cudurkaasi ka hor inta aysan isguursan.

Toogasho Ka Dhacday Muqdishu

$
0
0

Warar goor dhowayd naga soo gaadhay magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in toogasho ka dhacday Qasriga madaxtooyada agagaarkiisa halkaasi oo lagu dilay sarkaal ka tirsan taaliska Villa Soomaaliya.


Ciyaarta maanta ee Liverpool iyo manchester City

$
0
0

Kullan aan caadi ahayn ayey maanta yeelanayaan kooxaha Liverpool iyo Manchester City.

Taliyihii ku xigeenkii ilaalada madaxtooyada Soomaaliya oo la dilay

$
0
0

Wararka ka imaanaya Muqdisho ayaa sheegaya in taliyihii ciidamada koofiya casta ee ilaalada madaxtooyada la dilay.

Daawo Sawirada Dadkii lagu weeraray Kalaab ku yaalla...

$
0
0

Dowlada Turkiga ayaa ka hadashey weerar xoogan oo ka dhacay goob kalaab ah oo lagu caweenayay.
Ilaa 21 kamid ah 39 ruux oo la dilay ayaa la cadeeyay waxaana 16 kamid ah Dadkaasi lagu sheegay in ay yihiin ajaanib.
Isbitaal ku yaalla Caasimada Istanbul ayaa la dhigay meydadka dadkaasi la xasuuqay.
Wasiirka arimaha Gudaha turkiga Suleyman Soylu ayaa warbaahinta u sheegay in booliska Kalaabka waardiyaha ka ahaa lagu dilay goobta.
Xukuumada ayaa intaasi ku dartay in ay wadaan baaritaan xoogan ay wadaan kaasi ku aadan weerarka dhacay.
Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirada Goobta Weerarku Ka Dhacay
Wixii ku soo kordha lasocoXAFIISKA WARARKA.GAALKACYOSHABAKADDA WARARKAWWW.HOBYONET.COMNAGALA SOO XIRIIR.CMAALIN17@GMAIL.COMHOBYOEDITOR1@GMAIL.COMTELL:25290-7647333/252678647333/252167150440

Akhriso Liiska magacyada Musharaxiinta, Hal ku...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhaaya cadadka Musharaxiinta loolanka ugu jira qabashada xilka Madaxweynaha Somalia mudada u dhexeysa 2017 ilaa 2020.
Musharaxiinta loolanka ugu jira xilka ayaa isugu jira laba qeybood oo qeybta koowaad ay yihiin Musharaxiin miisaan leh, halka qeybta labaad ay yihiin kuwo aan la saadaalinkarin heerka uu gaarsiisan yahay miisaankooda.
Musharaxiinta kaalinta koowaad ku jira ayaa isku darsaday dhaqaale, Siyaasad iyo Taageero dhanka dowladaha quwada leh.MUSHARAXIINTA HEYSTA DHAQAALAHA IYO TAAGEERADA CAALAMKA:
1-Xasan Sheekh Maxamuud oo hal ku dhig ka dhigtay (Qabyo qofkeeda ayaa dhammeystira).
2-Jabriil Ibraahim Cabdulle oo hal ku dhig ka dhigtay (Hogaan cadaalad iyo Hal qaran baan rabnaa).
3-Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hal ku dhig ka dhigtay (Waxaa naga go'an isbadal siyaasadeed oo dhab ah).MUSHARAXIINTA KU JIRTA KAALINTA LABAAD
1-Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hal ku dhig ka dhigtay (Si midnima ah ayeynu ku gaari karnaa nabad, cadaalad, horumar iyo hogaan suuban)
2-Cabdullaahi Cali Axmed "Cadow Cali Gees" oo hal dhig ka dhigtay (Bad baadinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed).MUSHARAXIINTA KU JIRTA KAALINTA SEDEXAAD
1-Maxamed Cabdullaahi Maxamed "Farmaajo" oo hal ku dhig ka dhigtay (Danta Dalka iyo Dadka).
2-Xildhibaan, Cabdulqaadir Cosoble Cali oo hal ku dhig ka dhigtay (Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan).
3-Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hal ku dhig ka dhigtay (Dad isku tashaday ayaa dowlad noqon kara).MUSHARAXIINTA KU JIRTA KAALINTA AFARAAD
1-Saciid Cabdullahi Maxamed "Deni" oo hal ku dhig ka dhigtay (Siyaasad ku dhisan dad iyo dal dhisid).
2-Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo hal ku dhig ka dhigtay (Xasilooni siyaasadeed)
3-Cali Maxamed Geedi oo hal ku dhig ka dhigtay (Isbadal siyaasadeed, ammaan iyo horumar dhaqaalle).
4-Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo hal ku dhig ka dhigtay (Isbadal siyaasadeed oo taabagal ah).
5-Cali Xaaji Warsame oo hal ku dhig ka dhigtay (Cadaalad, Horumar, Amni).
6-Cabdinaasir Cabdulle Maxamed oo hal ku dhig ka dhigtay (Dhammaan waxaanu nahay walaallo, waxaa noo hanti ah wadanka).
7-Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud "Faroole" oo hal ku dhig ka dhigtay (Nabad, Cadaalad, Horumar iyo Sinnaan).
8-Maxamed Cali Nuur "Americo" oo hal ku dhig ka dhigtay (Cadaalad, sinnaan, dal dhisid iyo shaqa abuur).
9-Cabdicaziiz Xasan Giyaajo "Camalow" oo hal ku dhig ka dhigtay (Dib u hano Soomaaliya).
10-Maxamuud Axmed Nuur "Tarsan" oo hal ku dhig ka dhigtay (Aan Tashanno, iskuna tashanno).
11-Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi oo hal ku dhig ka dhigtay (Dib u heshiisiin dhab ah).
12-Maxamed Cabdullaahi Nuur "Garguurte" oo hal ku dhig ka dhigtay (Wax qabad muuqda iyo la xisaabtan dhab ah).
13-Maxamed Cabdirizaaq Maxamed Abuukar oo hal ku dhig ka dhigtay (Si wadajir ah aan ugu hiilinno Soomaaliya).
Musharaxiinta Madaxtinima doonka ah oo u qeybsama 4 qeyb ayaa waxaa shaki la galinayaa in Seddex qeyb ee ugu danbeysa ay gaaraan heerka Madaxweyninimo.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Xildhibaanada Aqalka Sare oo aan wax Mushaar ah...

$
0
0

Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya iyo kan Aqalka Sare oo kulan ku yeeshay xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hor yimid in ay ansixiyaan miisaaniyadda sanadkan 2017-ka.
Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti), Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya , ayaa Xildhibaanada Labada Aqal u soo bandhigay miisaaniyadda 2017-ka, iyadoona uu ka codsaday in ay ansaxiyan.
Intaas kadib Xildhibaanada Golaha shacabka iyo kan Aqalka Sare ayaa ku kala qeybsamay go'aanka ay ka gaari lahaayeen ansixinta miisaaniyadda sanadkan 2017-ka, balse intooda badan ayaa u muuqday kuwa diidan in la meelmariyo.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed aadan ibraahim Fargeeti, ayaa sheegay maadaama ay Xildhibaanadu diideen ansaxinta miisaaniyadan, in ay Xukuumaddu Federaalka ku shaqayn doonto saddexda bilood ee soo socda miisaaniyadda sanadkii 2016.
Wasiirka, ayaa wuxuu intaa ku daray in miisaaniyadda 2016-ka, ay meesha ka saareyso mushaaraadka Xildhibaanada xubnaha Aqalka Sare, waayo Aqalka Sare oo aan jirin xilligii la meelmarinaayay miisaaniyadaasi.PUNTLAND POST
The post Xildhibaanada Aqalka Sare oo aan wax Mushaar ah qaadan doonin sadexda bilood ee soo socoto appeared first on Puntland Post.

Somalia ends 2016 with gloomy record of repression...

$
0
0

Deadly attacks on reporters and their news outlets as well as a government campaign of repression under a new media law marked 2016 in Somalia, reinforcing a dangerous climate of impunity toward the news media, says the National Union of Somali Journalists (NUSOJ).
Three broadcast journalists were murdered in the year, half as many as last year. But nearly 50 journalists have been arrested as the government cracked down on critical reporting, the NUSOJ said in its annual review.
"The sad chronicle of abominable attacks on press freedom in Somalia documented by the union in 2016 clearly shows how successful with those with power in undermining freedom of expression in Somalia, promoting attempts to control over even the independent media and giving repressive elements tools of intimidation or even at worst to eliminate journalists" said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary General.
"We call on Somalia's federal and regional authorities to stop persecuting and pressuring journalists, rather to protect and support journalists in their mission to inform the public and the world," added Osman.Killings of Journalists
Among the dead, female journalist Sagal Salad Osman of Somali National TV was shot by gunmen on 5 June, while Abdiasis Mohamed Ali (Haji) of Radio Shabelle was murdered on 27 September in Mogadishu. Mahad Ali Mohamed of Voice of Mudug Radio succumbed to wounds he sustained from a stray bullet that hit him in Galkayo on 6 November.
No one was arrested or even questioned for the killers, NUSOJ said.Intimidations and Arrests
Forty-seven journalists were arrested during 2016, nearly double the year before. Some were charged while others were released without charges. The arrests took place in Mogadishu, Kismayo, Dhusamareb, Beledweyne, Adado, Galkayo, Bossasso, Jowhar, Garowe, Hargeisa, Berbera, Borame and Sanaag.
The Federal Government as well as authorities of Puntland, Somaliland, Jubaland, Galmudug, the Hiran regional administration and armed group Ahlu-Sunah Waljama were responsible for these arrests.
The number of arrests increased 47% in this year in comparison to 2015. Journalists also received countless threats personally or through telephone calls, NUSOJ said.
There has also been a sharp increase in attacks against the independent media, both verbal and physical. Eight media houses were attacked in 2016, in retaliation for reports broadcast or published by the media house.Media Law
The Federal Government's a new media law, which took effect in January 2016 has been criticised as contravening Somalia's international obligation to freedom of expression.
It requires journalists to have university degree in journalism in order to recognise them as a journalist. It forces journalists to disclose confidential sources if ordered by a court.
It imposes unaffordable fines on journalists and empowers the Ministry of Information to have a role in setting ethical standards that journalists must follow.
These legal provisions will, cumulatively, result in a high degree of control on the part of the government over the flow of information and a corresponding shrinking of the space for freedom of expression in Somalia, NUSOJ said.
The situation of press freedom in Somalia is exacerbated by the excessive use of power through illegal means by the Federal Government and regional administrations, NUSOJ said. "Political leaders and public officials are not held accountable for arrests, intimidations and threats against media houses, thus promoting a culture of impunity as opposed to a culture respectful of the rule of law" declared Osman.
After flaunting their contempt for human rights of journalists, government officials escape accountability for their actions even after they leave power due lack of political will for political leaders to hold them to account, thus creating a precedent of impunity for future attacks against journalists and media houses, NUSOJ said.

Weerar ay ku Dhinteen 35 Qof oo ka dhacay Dalka Turkiga

$
0
0

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in sodon iyo shan qof la dilay halka afartan kalena ay dhaawacmeen kadib markii nin hubeysan u weeraray xarun lagu caweeyo oo ku taala magaalada Istanbul.
Ugu yaraan hal nin oo hubeysan ayaa la xaqiijiyay in ku lug lahaa weerarka loo geystay goobta lagu caweeyo ee Reina, ee deeganka Ortakoy, oo ah meel ay degan yihiin dadka tujaarta ah.
Warbaahinta gudaha ayaa sheegaysa in ninka hubeysan u gudaha u galay goobta lagu caweeyo isaga oo ku labisan dharka dabaaldega ciidaha masiixiga. Kadibna wuxuu si arxan daro ah rasaas ugu furey dadkii meesha ku jiray.
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa goobta baaritan ku sameynaya ayadoo gawaarida gurmadka degdega ahna ay ku suganyihiin goobta weerarka u ka dhacay.
Boqolal qof ayaa ku sugnaa goobta lagu caweeyo xilliga weerarka uu dhacayay halka qaar ka mid ah dadkana ay biyaha badda isku tuuren cabsi daradeed taasoo qasabtay in lasoo badbaadiyo.
PUNTLAND POST
The post Weerar ay ku Dhinteen 35 Qof oo ka dhacay Dalka Turkiga appeared first on Puntland Post.


Kuuriyada Waqooyi oo qarka u saaran inay sameysato gantaal riddo dheer

$
0
0

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, ayaa sheegay in dalkiisa uu u dhaw yahay inuu tijaabiyo sawaariikh isaga kala gudbi karta qaaradaha oo xambaari karta hubka nukliyeerka.

Golaha Amaanka oo Ayiday Xabad-joojinta Suuriya

$
0
0

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh u ayyiday xabad joojinti ay Dowladaha Ruushka iyo Turkiga kasoo shaqeeyeen oo Jimcihi ka dhaqan gashay dalka Suuriya.

Istanbul oo Markale La Weeraray

$
0
0

Ugu yaraan 31 ruux ayaa ku geeriyootay kadib marki dabley hubeysani ay xalay weerartay goob lagu caweeyo oo kutaala xaafada Orta-kooy degmada Beshiktash ee magaalad Istanbul.

Dhimashada weerarkii Istanbul oo korodhay

$
0
0

Ugu yaraan 39 qof oo ay ku jiraan 15 ajaanib ah ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday goob habeenkii lagu caweeyo oo ku taal magaalada Istanbul, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee waddanka Turkiga.

Dab 23 qof ku dilay doon maraysay xeebta Jakarta

$
0
0

Ugu yaraan 23 qof ayaa dhimatay 17 qof oo kalana waa la la'yahay kaddib markii uu dab qabsaday doon maraysay xeebta magaalada Jakarta ee caasimadda waddanka Indonesia.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live