Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Garabkii Jamaal ee ku soo biiray Waddani oo xaflad...

$
0
0

Awdalpress - Hargeysa - Musharraxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani Abdirahman Cirro ayaa hadal qiimo badan ka jeediyey xafladdii lagu soo dhaweynayey garabkii Jamaal ee ka soo go'ay xisbiga UCID.
Awdalpress


Xildhibaan Ali Areeye oo hadal qiimo badan ka...

$
0
0

Awdalpress - London - Xil. Ali Areeye oo lagu yaqaan ka mid ah khasiyaadka qiimaha leh ee ka tirsan xisbiga Waddani, ayaa si qiima leh uga hadlay xaflad uu xisbiga Waddani u qabtay taageerayaal ku soo beeray xisbigaasi.
Bal aan wada dhegeysanno:
Awdalpress

Hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi muxuu ka yidhi...

$
0
0

Awdalpress - Hargeysa - Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Ali Xaaji oo si xarrago leh u soo dhaweeyey taageerayaasha ka soo diga rogtay xisbiga UCID.
Awdalpress

Nairobi: Sh. Shariif iyo Cumar C/rashiid oo u...

$
0
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa caawo kulan ku wada qaatay Cumar C/rashiid iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ka mid ah Musharaxiinta ugu cadcad ee u taagan qabashada Xilka Madaxweyne.
Wararka laga helay kulanka ay yeesheen labada Musharax ayaa sheegaya in ay ka wada hadlaan arimaha Doorashooyonka iyagoona diirada saaray sidii ay kaga adkaan lahaayeen Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo isugna ah Musharax Madaxweyne.
Warku wuuu intaa ku darayaa in kullankaan uu ahaa mid qorsheysan, iyadoo labada murashax looga yeeray magaalada Nairobi oo xiligaan goobta Imaaraadka Carabtu ka wado ololaha doorashada Soomaaliya.Labada Mas'uul ayaa qorsheeynaya olala ka dhan ah Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud kaasoo ah in marnaba uusan kusoo bixin xilka Madaxweyne Marka laga soo tago in labadooda midkood uu soo baxo.
Cumar C/rashiid iyo Shiikh Shariif ayaa ka mid ah musharaxiinta ololahooda muuqda, waxaana suuragal ah in loolan adag la galaan Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.
Shiikh Shaarif oo horay looga baran in uu dhaliil iyo eedeeyn dusha ka saara Dowladda Xasan Shiikh ayaa dhawaan Khudbad uu jeediyay ku duray hadal kulul oo eedeyn iyo dhaliil u badnaa.

Musharixiinta guddoonka baarlamaankaoo dhaafay 20

$
0
0

Kn: Ilaa 15 Xildhibaan ayaa maanta guddiga doorashada golaha shacabka u gudbisay araajidooda ku aadan in ay u tartamaan xilka guddoonka golaha shacabka ee dowladda federaalka ah.
Labo murashax ayaa araajidooda ku biiriyey xubnaha Xildhibaannada ah ee u tartamaya guddoomiyennimada golaha shacabka, labo kale ayaa ku biirtey tartanka ku xigeenka koowaad halka ku xigeenka labaad ay araajida gudbiyeen ilaa 11 xubnood.
Magacyada Xubnaha Xildhibaannada ah ee araajida laga qabtey waa:
Guddoomiye: Guddomiyaha baarlamaanka golaha shacabka waxaa isu soo sharaxey Xildhibaan Cabdifitax Maxamed Geesey Iyo idiris Cabdi Dhakhtar.
Guddoomiye ku xigeenka 1aad: Guddoomiye ku xigeenka kowaad waxaa tartanka ku soo biirey Khadijo Maxamed diiriye iyo Faarax Sheekh Cabdiqadir.
Guddoomiyaha ku xigeenka 2aad: Guddoomiye ku xigeenka labaad waxaa ku soo biirey: Mahad Cabdalla Cawad, Burhaan Aden Cumar, Cabdulahi Xusen Cali, Cabdiweli Maxamed Qanyare, Xuseen Cabdi Cilmi, Cabdulahi Godax Barre, Jamaal Xasan Ismacil, Cabdullahi Cusman Ducaale, Cilmi Maxamed Nuur, Cabdiraxmaan Aden Ibarhim iyo Maryan Axmed Harun.
Arbacadii ilaa 7 xubnood ayaa araajida u gudbiyay guddiga doorashada guddoonka golaha shacabka, xubnaha ilaa iyo hadda isu sharaxay guddoonka golaha shacabka waxaa ay gaarayaan ilaa 22 xubnood.
KismaayoNews.com

Turkiga oo dad u qabqabtay weerar hore iyo qarax...

$
0
0

Dawladda Turkiga ayaa xirxirtay tiro dad ah oo ka soo jeeda qawmiyadda Uighur iyaga oo loo haysto weerarkii lagu qaaday baarka ee lagu dilay 39-ka ruux sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee dawladda.

Olga oo ku nool Canada ayaa ku guulaysatay in ka...

$
0
0

Haweeney reer Canada ah oo ciyaartay numbaro isku mid ah kadib markii ay ku riyootay numbarada qamaarka 30 sano ka hor ayaa ku guulaysatay in ka badan shan milyan oo dollarka Canada.

Xisbigii Kulmiye maxaa Borama looga nacay?

$
0
0

Awdalpress - Borama - Shacabka dega Borama iyo guud ahaanba gobollada galbeedka gaar ahaan magaalada Borama iyo nawaaxigeeda waxa baryahan ka socda olole uu xisbiga Kulmiye ka wado jiidahaasi. Tuhunka dadku ay qabaanna waxa uu daarran yahay in wasiirrada loo soo diray ay dadka u wadaan lacag xad dhaaf ah. Shirar gaar gaar ahna waxa ay mas'uuliyiintaasi la gelayaan odayaal iyo waxgarad fara madhan, oo ay in badani u habranayaan madaxdaasi amma ay is leeyihiin billee wax yar la idinku soo tuur. Laakiin mas'uuliyiintaasi lagama hayo qof ay $300.00 u fiiqeen.
Waxa arrintaasi ka daran sida ay dad badani uga dideen markii ay sheekada uga billaabeen, sidii ay tafaraaruq uga dhex abuuri lahaayeen beelo is abaabulay, oo shirar iyo hoggaan yeeshay. Halka ay beelahaasi ka sugayeen in ay wada jirkooda ilaaliyaan, isku soo ururkoodana qaybtooda ka qaataan.
Markii ay jilib jilib ula shereen dadka ayaa wasiir kastaa reerkii uu la shiray ay mid walba kala kulmeen weji gabax iyo maxaad noo haysaan? kadibna shacabkii markii ay ku qanci waayeen, waxa ay door bideen in ay ka fogaadaan beenta iyo ololaha madhan ee aan dufanka lahayn.
Arrintaasi maaha mid lala yaabo, oo waa sida ka jirta dalka, siyaasiyiinta Kulmiyana ay ku ololeeyaan. Halka ay siyaasiyiinta Waddani dadka u sharxaan barnaamijkooda iyo in ay caddaalad ku maamuli doonaan dalka.
Awdalpress.com


Ninkii CIA u waraystay Saddam Xuseen markii la qabtay

$
0
0

Markii gacanta lagu dhigay madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddaam Xuseen 2003, waaxda sirdoonka Maraykan ee CIA waxay u baahatay khabiir haybtiisa xaqiijin kara oo su'aalo weydiin kara si xog looga helo. Qofkaas wuxuu ahaa John Nixon.
Nixon wuxuu darsayey Saddaam tan iyo markii uu CIA ku biiray 1998. Kaalintiisa ayaa ahayd inuu xog waafi ah ka uruuriyo hogaamiyeyaasha dunida, oo uu taxliiliyo waxa madaxdaas adkaynaya, wuxuuna uga warramay barnaamijka BBC ee BBC's Victoria Derbyshire programme.
Wuxuu joogay Ciraaq markii hogaamiyaha xukunka laga tuuray laga helay god ku ag yaallay beer ku tiillay magaaladii uu ka soo jeeday ee Tikrit.
Markii ay akhbaartaas timid, Maraykanku wuxuu u baahday inu isaga xaqiijiuo haybtiisa.
Waxaa jiray warar la isla dhex marayey xilligaas oo ah in Saddaam uu isbeddel xagga jirka ah ku dhacay, laakin Nixon oo CIA ka tegey 2011 wuxuu yiri " shaki igama inuu isaga yahay markii aan arkay".
"Markii aan hadalka ku billaabay wuxuu ii eegay sidii aan muuqaalkiisa ku arkay bug kiisa ah oo miiska xafiiska muddo sanooyin ah ii saarnaa" ayuu yiri.
Nixon wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee waraysi dheer oo maalmo qaatay la yeesha Saddaam. Wuxuu qoray bug la magac baxay Debriefing the President: The Interrogation of Saddam Hussein.
Wuxuu sheegay in dhinaca insaannimada ee uu ka arkay Saddaam uu aad uga soo horjeeday masawirkii ay warbaahinta Maraykanku ka bixiyeen.
"Wuxuu ka mid ahaa dadka shaqsiyadoodu soo jiidashada leedahay ee aan la kulmay" ayuu yiri, wuxuuse intaa ku daray inuu mararka qaar isku beddelayey qabiix kibir badan oo dabeecad xun.
"su'aal kasta oo aan weydiiyo, mid kale ayuu iigu beddelayey" ayuu yiri. Arrinta ugu muhiimsan oo uu wax ka weydiinayey ayaa ahayd hubka aadka wax u gumaada, taasoo ahayd sababta ugu weyn ee Maraykanka iyo UK ay dagaalka ula galeen.
Nixon wuxuu sheegay inuu ka qajilo wixii Ciraaq ka dhacay tan iyo wixii ka dambeeyey markii xukunka laga tuuray Saddaam Xuseen.
Wuxuu sheegay in maamulkii Bush uusan wax fiiro ah siinin waxa imaan kara marka Saddaam meesha laga saaro. Dhanka soo shaac bixidda kooxaha xagjirka ah, sida kooxda loogu yeero dawladda islaamiga, ayuu sheegay inuu rumaysan yahay in Ciraaq ay wanaagsanaan lahayd haddii uu Saddaam sii joogi lahaa.
Hadalka caynkaas ah waxaa ku gacan sayray ra'iisul wasaarihii hore ee UK Tony Blair oo dalka hogaaminayey wakhtigii duullaanka la qaadayey.
BBC

Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan Degmada QANDALA

$
0
0

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cai (Gaas) ayaa socdaal aan horey loo sii shaacin qorsheynaya inuu ku tagayo Degmada Qandala oo ka tirsan Gobolka Bari, halkaas oo ay dhawaan ciidamada Puntland dib uga qabsadeen kooxo sheegtay inay ka tirsan yihiin Ururka DAACISH sida ay u xaqiijiyeen PUNTLAND POST ilo wareedyo madax banaan oo ku sugan magaalada Bosaso.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas sabtida soo socota socdaal qorshihii yahay dhiirigalinta iyo bogaadinta guushii ciidamadu ka gaareen howl-galkii ay kula dagaalameen dagaalyahano ka tirsan DAACISH uu ku tagayo Degmada Taariikhiga ah ee QANDALA.
Inkastoo aysan PUNTLAND POST xog dheeri ah ka helin inuu Madaxweynuhu adeegsan doono socdaalkiisa diyaarad, gaari iyo doon balse waxay wararku intaas ku darayaan jiritaanka dib u dhac ku yimid horey ugu yimid qorshihii horre oo ahaa khamiistii lasoo dhaafey inuu tago QANDALA
Waxaa sidoo kale la filan karaa suurta-galnimada dib u dhac mar kale oo ku yimaada safarkaan aan horey loo shaacin, walow ilo wareedyo lagu kalsoon yahay sheegayaan in sabtida soo socota uu halkaas tagi doono Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.Kala soco wixii faahfaahin ah PUNTLAND POST
The post Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan Degmada QANDALA appeared first on Puntland Post.

AMISOM iyo dad iyo duunyo ku leysey Sh/Hoose

$
0
0

Kn: Ciidamada AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in ay dileen 2 wiil oo da'doodu ka hooseyso 20 jir iyo illaa 25 neef oo geel ah oo ay toogasho ku dileen.
Arrintani ayaa waxa ay ka dhacday maanta inta u dhaxaysa Maryan Gubaay iyo Mundul Baraawe kadib markii waxyar ka hor xiligaa AMISOM ay la kulmeen weeraro iyo qaranyo.
Markasta oo ay AMISOM la kulmaan weeraro kaga yimaada Alshabaab waxa ay waxyeelo u geystaan dadka shacabka.
KismaayoNews.com

Abshir Axmed , Qoowsaarka Qaranka

$
0
0

Kn: Waxaa guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare isu soo sharaxay Abshir Axmed (Bukhaari) oo ahaa senotor-kii ugu horeeyey ee Soomaaliya laga doortey.
Abshir oo laga soo doortey Galmudug ayaa waxa uu hal ku dheg ka dhigtey ereybixintii ugu layaabka badneyd, taasoo ah "Hoggaamiye Qoowsaar u noqon kara Qaranka", kalmadaasi oo dad badan soo jiidatay.
Taasi ka sokoor Abshir ayaa ka mid ah dhalinyarada sanadkani lasoo doortey ee nadiifta ah, loona arko in ay isbadal ku keeni karaan dalka.
KismaayoNews.com

Baarlamaanka Puntland oo meelmariyey sharci muhiim ah

$
0
0

Kn: Gollaha wasiirada dowlad gobolleedka Puntland ayaa meel mariyay xeerka ilaalinta qaxootiga, kaddib war saxaafadeed ka soo baxay shirkoodii toddobadlaha ahaa ee Khamiistii shalay.
Xeerkan ay isku raaceen gollaha wasiirada Puntland ayaa la sheegay in uu qeexayo cida loo aqoonsan-karro qaxootiga,waxaa kalo uu caddeynaya cida ay ka reeban-tahay in loo aqoonsado qaxooti ku dhex noolan kara Puntland.
Xeerkan ayaa soo diyaarisay wasaarada arimaha gudaha dowlad gobolleedka Puntland oo kaashaneysa hay'adda qaxootiga ee QM UNHCR
Warka ka soo baxay gollaha wasiirada Puntland ayaa lagu sheegay in xeerkan ay isku raaceen uu noqonayo midkii ugu horreeyay ee laga howlgaliyo Soomaaliya.
Ugu danbeyntii, waxaa ay wasiirrada ansixiyeen xeerkan xilli Puntland ay kor dhayaan dadka qaxootiga ah ee ku nool,waxaa ku jira kuwa dalka gudihii ka soo barakacay iyo ajaanib u badan Yemeni iyo Itoobiyaan.
KismaayoNews.com

UN envoy hold talks with key elders in Beledweyne

$
0
0

The Unites Nations especial envoy for Somalia Michael Keating has held talks with key elders, including Ugaas Hassan Ugaas Khilaf in Beledweyne, the capital of Hiiraan province.
Mr Keating said in a Twitter post, that he met with Hiiraan governor and key elders in Beledweyne city, and discussed with them drought, displacement and local reconciliation.
The UN envoy has voiced concern over the sever drought in the region which has hit the rural areas, where it killed many people and their livestock.
He called on the next Federal Government of Somalia and the new HirShabelle adminstration to provide basic services to to the suffering people and address the drought.
Hiiran elders council chairperson Da'ar Hersi Nur said people in the region need true and effective reconciliation more than new administration, citing Hir-Shabelle state of Somalia.

Outgoing PM meets with former president in Nairobi

$
0
0

The caretaker prime minister of Somalia Omar Abdirashid Ali Sharmarke has met with former TFG president Sharif Sheikh Ahmed in Naironi, the capital of nighbouring Kenya.
Sharif and Sharmarke both are presidential candidates running for president in the upcoming election that is expected to take place by the end of January, according to sources.
The election which has been postponed for four periods due to rift in the parliamentary polls will see touch race among numerous political heavyweights, including incumbent president Hassan Sheikh.
According to source, Somali PM Omar Abdirashid and Sharif Sheikh Ahmed have agreed to join hands and work mutually towards free and fair election for the country.
Sharif Sheikh Ahmed, former Somali president is currently a leading and well-liked presidential candidate competing for the country's top seat, facing outgoing president and PM.


(Sawiro)Kooxda Fanka Himilo Band Ee Galmudug Oo...

$
0
0


Kooxda Fanka HIMILO BAND ee ka dhisay Magaalada Gaalkacyo Ee Galmudug aya Bandhig Faneed aad u qurux badan ku qabtay Xaruunta Tiyaatarka Fanka Galmudug Ee Gaalkacyo.
Qaar Ka mida Fanaaninta Kooxda Ayaa Goobta ku soo bandhigay Heeso Soo Jiitay Dareenka Dadkii ka qayb Galay Xaflada, waxaana ka mid aha heesihii ay Fanaanintu Soo Bandhigeen Heeso Isugu Jira.Wadani,Jacayl Iyo Heeso ay Ugu Tal galeen Galmudug,..
Gudoomiyaha Kooxda HIMILO BAND Waris Xasan ayaa sheegtay in ay Diyaar u yihiin qancinta Shacabka Mar walba ayna wadi doonaa Tayaynta Fanka Kooxda Himilo oo Ka Ah Kooxda Ugu Caansan Kooxaha Fanka ee Ka Dhisan Deegaanada Galmudug...
Dhamaan Heesihii Iyo wacdarihii ay Kooxda HIMILO BAND Soo Bandhigeen Iyagoo Maqal Iyo Muuqaala Goor Dhow Naga Filo Insha Alaah.DAAWO HORUDHAC SAWIRADA KOOXDA.

XAFIISKA WARARKA.GAALKACYOSHABAKADDA WARARKAWWW.HOBYONET.COMNAGALA SOO XIRIIR.CMAALIN17@GMAIL.COMHOBYOEDITOR1@GMAIL.COMTELL:25290-7647333/252678647333/252167150440

Southwest MPs to lodge motion against president

$
0
0

Southwest state lawmakers in Baidoa city say they will file a no confidence motion against president Sharif Hassan Sheikh Aden, whom they accused of poor leadership incompetence.
Amin Mohamed Farah, who is among the MPs lodging the motion said Sharif Hassan has failed to perform his duty and serve for the people of Southwest state based in Baidoa town.
Sharif Hassan Sheikh Aden, who is now a candidate for Somali president, and he has been busy for his presidential campaign, instead of doing his main job, according to the legislator.
The Ethiopian-backed Southwest leader Sharif Hassan is seeking to to become Somali president and luring the federal MPs large sum of financial packages to win majority votes.

Three dead, several injured in blast near Mahaday city

$
0
0

At least 3 people are reported to have been killed, and several hurt in a deadly explosion occurred Friday near the southern Somali town of Mahaday, according to local residents.
The blast has resulted from a remote-controlled land mine bomb planted at Mirtuugo village, 35KM away from Mahaday town in middle Shabelle region, killing three, and inuring others.
The area is frequented by Somalia government troops, and there was no immediate reports of the soldiers' casualties. No group has yet claimed responsibility for the bomb attack.
On Thursday, a roadside bomb struck AMISOM convoy in the same area. Al shabaab has stepped up its ambush attacks on SNA and AU troops in the region over the past months.

Ciidamada AMISOM oo Shacab iyo Xoolo badan ku laayay...

$
0
0

Baraawe (Sh M Network)--Wararka laga helayo Magaalada Baraawe ee Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay Shacab iyo Xoolo badan ku laayeen Tuulo u dhow Magaalada Baraawe.
Ciidamada Nabad Ilaalada ee AMISOM ayaa toogasho ku Dilay ugu yaraan labo Wiil oo walaal oo magacyadooda lagu kala sheegay C/raxmaan Xasan Burad oo 17 jir iyo Cabdi Xasan Baryare oo isna 15 jir ah.
Sheekh Ciise Maxamed Nuur oo ka mid ah Ehelada Caruurtan ayaa waxuu u sheegay Idaacadda Shabelle in Ciidamada AMISOM ay Wiilashaasi oo Xoolo dhaqato ahaa ku Dileen Tuulada Wareer-Male oo qiyaas ahaan 30Km u jirta Degmada Baraawe.
Waxuu sidoo kale uu Ninkan shaaca ka qaaday in Rasaasta AMISOM ay ku geeriyoodeen 70 Neef oo Geella, kuwaasi oo ay la socdeen labada Wiil.
Weli lama oga sababta ka dambeysa Dilka labada Wiil iyo Xoolahan sidoo kale lagu laayay Gobolka Sh.Hoose.
Ilaa iyo hada mjiraan wax hadal ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM oo ku aadan in Ciidamadooda ay Shacab iyo Xoolo ku Dileen Tuulo u dhow Magaalada Baraawe ee Gobolka Sh.Hoose.

Senator’s bodyguards kill driver in Somali capital

$
0
0

Bodyguards escorting a senator in Somalia's newly elected upper house chamber have opened fire on a civilian vehicle in Mogadishu, killing the driver on Friday night, police said.
The shooting took place at Dabka junction in Mogadishu at around 7:30 p.m. local time, after the security escorts of senator Hussein Ali Hajji during a traffic jam in the area.
Confirming the incident, Lieutenant Mohamed Dahir, a police officer told Radio Shabelle that the security forces have detained the soldier who shot dead the driver and taken to CID custody.
"The police has managed to capture the killer on the spot following the murder of the civilian driver and he is currently being questioned at criminal investigation department (CID)," he said.
Senator Hussein Ali Hajji did comment on the shooting of the driver by his bodyguard.
It is yet unclear why the bodyguards fired into the civilian car, but police said they are investigating the tragic incident in Mogadishu which sent a wave of shock among residents.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live