Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Soomaaliya oo kaalinta koowaad ka gashay Daraasad...

0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Hay'adda Save the Children ayaa soo saartay warbixin la xiriirta wadamada ugu badan ee ay ka dhacaan guurka qasabka ah.
Hay'adda ayaa sheegtay in Soomaaliya ay kaalinta koowaad ka gashay wadamada gabdhaha aan guurka gaarin lagu qasbo inay guursadaan.
Warbixinta Hay'adda ayaa lagu sheegay in gabdhaha da'dooda u dhaxeyso 15 ilaa 18 sano jir lagu qasbo inay galaan guur qasab ah.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in daraasada laga sameeyay inka badan 140 dal oo caalamka ah, waxaana dalalka africa ay noqdeen dalalka ugu badan ee guurka Qasabka ah uu ka jiro.
Sababta ayey Warbixintu ku sheegtay in ay tahay Faqriga,Shaqo la'aanta iyo waxbarasho la'aanta ka jirta Qaaradda Afrika.
Sanadkaan ayaa la saadaalinayaa inay kororto tirada gabdhaha aan qaangaarin ee lagu qasbi karo guurka, maadaama dhibaatooyinka sare ay wali taagan yihiin.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com


Xubno ka tirsan BL Galmudug oo loo diiday iney ku...

0
0

Cali Gacal Casir Guddoomiyaha Baaramaanka Galmudug ayaa sheegay in mudo kordhin uu u sameeyay Baarlamaanka Galmudug oo mudooyinka danbe fasax ku maqnaa.
Guddoomiye Casir ayaa arintaan sabab uga dhigay abaarta ka jirta deegaanada Puntland oo daba dheeraaday.
" Markii uu Arkay Xaaladda Abaarta ah ee ka jirta Dhulka Soomaalidu ay degto gaar ahaan Deegaanada Galmudug iyo Doorashooyinka Dalka ka socda uu Baarlamaanka Galmudug Fasaxay Mudo dhan 45 Cisho oo ka bilaabaneysa 5-ta Janaayo oo ku Eg 20-ka Feebaraayo Bisha soo socota".
Dhanka kale,wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Baarlamaankaasi loo diiday iney ku shiraan magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug.
The post Xubno ka tirsan BL Galmudug oo loo diiday iney ku shiraan Cadaado (Sababta) appeared first on Warqaad.com.

Puntland oo diiday qorshe AMISOM lagu geyn lahaa...

0
0

Maamulka Puntland ayaa diiday qorshe la doonayo in Ciidamo nabad ilaalin oo ka socda Midowga Africa gaar ahaan kuwa howlgalka AMISOM lagu geyn lahaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Magaalada Gaalkacyo wali waxaa ka taagan Xiisado colaadeed oo u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug oo marar baan magaaladaasi ku dagaalamay.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Xasan Maxamed Khaliif(Abgaalow) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ka hor imaan doonaan qorshe la doonayo in Ciiidamo ka Socda AMISOM lagu geeyo Magaalada gaalkacyo ee Xarunta Maamulkaas, oo dhawaanahaan ay ku dagaalamayeen Ciidamo kala taabacsan labada maamul.
Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Mudane Xasan Maxamed Khaliif(Abgaalow) ayaa ku Hanjabay in ay ku biiri doonaan dhinacyada kasoo horjeeda Dowladda iyo AMISOM hadii la ogalaado qorshe Amisom Magaalada ee Xarunta Gobolka Mudug Gaalkacyo lagu geenayo.
The post Puntland oo diiday qorshe AMISOM lagu geyn lahaa Gaalkacyo appeared first on Warqaad.com.

Yaa ka dambeeya dib u dhaca doorashada xildhibaanada...

0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa dib u dhac weyn uu ku yimid doorashada xildhibaanada aqalka sare u matalaya deegaanada Somaliland.
Masuuliyiinta gudiga doorashada dadban ee Somaliland ayaa sheegaya in dib u dhaca uusan dhankooda ka imaan balse ay jiraan dad dano gaar ah ka leh arimahaasi.
Gen. Jaamac Maxamed Qaalib Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada doorashooyinka aqalka sare ee beelaha waqooyi, ayaa sheegay in bil ka hor ay dhameeyeen dhamaan waxyaabaha laga doonayay.
"Annaga qabanqaabda waa noo dhamaatay, Bil ka hor baanu dhameynnay howsha in doorashadii la qabto ayuunbaa dhinneyd, waxaad moodda hay'ado kale oo guddiyada doorashada ah ayaa haysta ,agabkii vote-ka lagu geli lahaa iyo shaqaalihii vote-ka sameynayay"
"Waxaas oo dhan iyagaa haysta, annaga waa naga diyaar waan u gudbinnay, hadba maalin bay noo qabanayaan guddiyada doorashooyinku kadibna waxba ma soconayaan".ayuu yiri gudoomiyaha.
Dhinaca kale wuxuu sheegay in la waddo liis kale oo xildhibaanada ah oo iyaga aysan soo diyaarin, balse la doonayo in lagu badalo dadka ay soo diyaariyeen.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

(DHAGAYSO) Amisom oo xoolo ku leysay Sh/Hoose & Faah...

0
0

Wararka naga soo gaaraya degmada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in ciidamada AMisom ay halkaas xoolo ku laayeen.
Amisom ayaa dishay ku dhawaad 70 neef oo xoolo ah deegaanka Wareer-male, oo hoos-tagga Degmada Baraawe.
Warka ayaa intaas ku daraya in gaadiidka Amisom oo Muqdisho kusii jeeday rasaas iyo iney dar daraan isugu dareen xoolahaas ay reer miyiga lahaayeen.Hoos ka dhagayso Sida ay wax udhaceen
http://www.warqaad.org/wp-content/uploads/2017/01/Cod-1-1.mp3
The post (DHAGAYSO) Amisom oo xoolo ku leysay Sh/Hoose & Faah Faahin kasoo baxeysa appeared first on Warqaad.com.

Kala fadhigii Afaraad Ee Baarlamaanka Galmudug Oo La...

0
0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Mudane Cali Gacal Casir oo maanta Shir Jaraaid ku qabtay Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ah ee maamulkas ayaa sheegay in muddo 45 cisho ah lagu kordhiyay fasaxa Xildhibanada baarlamanka Maamulkaas, isagoo tilmamay in uu soo dhamaday fasixii ay horey u heysteen.
Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Mudane Cali Gacal Casir in sababta waqtiga loogu kordhiyay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaas ay tahay marxalada doorasho iyo abaaraha ka jira deegaanada Mamulka Galmudug sababtaasna ay tahay in uu mudho kordhin u sameeyo mudanayaasha sida uu qabo dastuurka Mamulkaasi.
Dhanka kale Xildhibaano ka Tirsan baarlamaanka Maamulka Galmudug oo la hadlay warbaahinta yaa sheegay in Madaxweyne ku-xigeenka Maamulkaas maxamed Xaashi Cabdi Carabey iyo Cali Gacal Casir in ay ka hor istaageen in ay kulmaan islamarkaana ay diideen in lala xisaabtamo.XAFIISKA WARARKA.GAALKACYOSHABAKADDA WARARKAWWW.HOBYONET.COMNAGALA SOO XIRIIR.CMAALIN17@GMAIL.COMHOBYOEDITOR1@GMAIL.COMTELL:25290-7647333/252678647333/252167150440

XOG: Farmaajo oo meel ku hubsaday Codadka...

0
0

Tartan siyaseed oo loogu jiro cidii heli laheyd Kursiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wali ka socda Magaalada Muqdisho, iyadoo musharax kasta uu doonayo in uu meel ku sii xirto aqlabiyada barlamanka cusub.
Sidoo kale Maamul goboleedyada ayaa sanadkan iyaguna leh kaalin aan la dafirikarin, waxana Madaxda maamul goboleedyada la weydiisanayaa in xildhibaanadooda ay ku xiraan musharaxiin gaar ah.
Maamulka Puntland oo ah midka ugu weyn maamulada hada jira marka laga soo tago Somaliland, ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay la safteen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo balan qaad badan u sameeyay Cabdiwali Gaas.
Ilo lagu kalsoonaan karo oo ka tirsan Villa Somalia iyo xafiiska Cabdiwali Gaas ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in uu jiro Isfahan dheer oo dhexmaray Gaas iyo Xasan Sheekh.
Dhanka kale, Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo dad badan ay u maleynayeen in uusan kaalin fiican ka qaadan karin doorashadan ayaa la soo baxay kaalin yaab leh iyadoo la soo sheegayo in uu heysto tiro badan oo katirsan barlamanak labada aqal.
Farmaajo ayaa wada kulamo isdaba joog ah oo uu la yeelanayo xildhibaanada barlamanka Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya kuwaasi oo uu ku qancinayo nidaamka uu wato isago xildhibaanada qaar u soo bandhigaya lacago fara badan.
The post XOG: Farmaajo oo meel ku hubsaday Codadka Xildhibaanada P/Land (Ogow Sababta) appeared first on Warqaad.com.

Puntland oo Ka Hor Timid In Ciidamo Amisom Ka Socda...

0
0

Maamulka Puntland ayaa ka hor yimid qorshe la doonayo in Ciidamo ka Tirsan Kuwa Midowga Afrika AMISOM lagu geenayo Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo wali ay ka taagan tahay Colaada u dhaxaysa maamulada Galmudug iyo Puntland.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Xasan Maxamed Khaliif(Abgaalow) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ka hor imaan doonaan qorshe la doonayo in Ciiidamo ka Socda AMISOM lagu geeyo Magaalada gaalkacyo ee Xarunta Maamulkaas, oo dhawaanahaan ay ku dagaalamayeen Ciidamo kala taabacsan labada maamul.
Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Mudane Xasan Maxamed Khaliif(Abgaalow) ayaa ku Hanjabay in ay ku biiri doonaan dhinacyada kasoo horjeeda Dowladda iyo AMISOM hadii la ogalaado qorshe Amisom Magaalada ee Xarunta Gobolka Mudug Gaalkacyo lagu geenayo.
XAFIISKA WARARKA.GAALKACYOSHABAKADDA WARARKAWWW.HOBYONET.COMNAGALA SOO XIRIIR.CMAALIN17@GMAIL.COMHOBYOEDITOR1@GMAIL.COMTELL:25290-7647333/252678647333/252167150440


Gadoodkii ciidanka Ivory Coast oo gaadhay caasimadda dalka

0
0

Gadood ciidan oo ka bilaabmay dalka Ivory Coast ayaa ku fiday xarunta ganacsiga ee Abidjan. Dhawaqa rasaas dhacaysa ayaa laga maqlay xero ciidan oo ku taalla duleedka magaalada.

Suuriya: Qarax ka dhacay Azaz oo fallaagadu gacanta ku hayso

0
0

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ugu yaraan 14 qof dhinteen ka dib markii baabuur ku qarxay magaalada fallaagadu gacanta ku hayso ee Azaz ee dalka Suuriya una dhaw xadka dalkaasi la leeyahay Turkiga.

Qiso Gaaban Oo Cajiib Ah Iyo Feylasuufkii Fashiliyay...

0
0

Boqorkii HeriA A wakhtigii u xukumiA jiray aEUoeSyracuseaEU,A oo wakhtigan Talyaaniga ah ayaa dahab badan u geeyay nin hawlaha boqorka qaban jiray.A WaxaanuA ka dalbaday inuu taaj weyn oo qurux badan uga sameeyo.
Laakiin markii uu u keenay Taajka boqorka, waxaaA shaki ku dhacay boqorka isagoo ka shakiyay in aanu Taajkani wada ahayn Dahabkii uu u geeyay ee qaybo lacag ahi ku jiraan, taasina waxayna keentay muran.
Aqoonyahankii wakhtigooda ayaa ahaa faylasuufka Archimedes,A waxaanu raadiyay inuu arrintan cadeeyo.A MaalmoA badan ayaa arrinkaasi socday. Laakiin maalin isagoo Archimedes ku maydhanaya xamaamada caamka ee dadka ka dhexeeya ee magaalada Syracuse ayuu aad ugu fiirsaday cadaadiska biyaha xagga sare kaga imanaya ee uu ku maydhanyay.
Isagoo aan is gayn oo aan dharkii xidhan ayuu magaalada dhex maray wuxuuna ku qaylinayay aEUoeUrikaaEU UrikaaEU oo ah waan helay.A A Muxu helay?
Markiiba wuxuuA codsaday in loo keeno Taajka, qiyaas macdan iyo lacag ah oo isaga la miisaan ah iyo biyo. Saddexda ayuu mid kasta mar geliyay weelka biyuhu ku jiraan, kadib-na biyihi ayuu miisaamayA marka uu ka soo saaro.
Waxa halkaasi uga soo baxay in qiyaastaA biyaha ku jira ay ka weyn tahay xadiga dahabka uu ka samaysan yahay Taajku, kana yar tahay xadiga lacagta.
Waxaana cadaatay in Taajku aanu ahayn dahab saafi ah iyo lacag saafi midna,A laakiin uu isugu jiro dahab iyo lacag. Taasi oo ah sidii boqorkuba shakiga ka qabay.
Halkaasi ayuu ku qirtay ninkii inuu khiyaamo sameeyay. Waxaana arritan laA yidhaahdaaA masaladii cilmiga ahayd ee tuugada fashilisay.
Faylasuufkani wuxuu ahaa Archimedes,A wuxuu ku dhashay magaalada, aEUoeSyracuseaEU,A aabihii wuxuuA ahaaA mid aqoonta xidigiska aad u yaqaana (astronomer).

AMISOM oo Qiratay in 25-Neef oo Geel ah ay ku dishay...

0
0

MUQDISHO (SONNA) Afhayeenka AMISOM oo wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in ciidamadooda ay dileen 25-Neef oo Geel ah 4-kalana ay dhaawaceen, xili uu socday dagaal ay kula jireen Al-Shabaab shalay. Joe Kibet ayaa sheegay in Al-Shabaab weerar Qaraxyo ah ay ku soo qaadeen AMISOM xili ay marayeen deegaan [...]

Aqalka Sare ee Waqooyiga oo wali la’isku mari la’yahay

0
0

Kn: Guddoomiyaha guddigaasi Gen Jaamac Maxamed Qaalib ayaa ku eedeeyay dib u dhaca ku yimid doorashada xubnaha aqalka sare ee gobollada W/qooyi ee Soomaaliland guddiga doorashada dadban.
Jaaamac Max'ed Qaalib ayaa sheegay in howlaha laga doonayay guddigooda ay soo idleeyeen muddo bil ka hor balse guddiga doorashada dadban ay heystaan sanaadiiqdii cod bixinta iyo shaqaalihii ka shaqeyn lahaa.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro jiro isqabqabsi la xiriira xubno cusub oo la doonayo in lagu badalo shaqsiyaad guddiga ay soo gudbiyeen, sida uu sheegay Jaamac Maxamed Qaalib.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in warqad baaris ah ay u gudbiyeen xarunta dambi baarista CID, maadaama sida uu sheegay lagu soo daray liiska musharixiinta shaqsiyaad aysan horey u gudbin.
Doorashada xildhibaanada aqalka sare u matalaya goboladda waqooyi ayaa la filayay in la soo gabo gabeeyaa Isniintii lasoo dhaafay balse ma aysan dhicin.
Ugu danbeyntii, waxaa muuqata in doorashada ay dhaceyso iyada oo ay maqan yihiin xildhibaanada aqalka sare ee deegaanada Somaliland.
KismaayoNews.com

Maxaa ka dhigay Nairobi Caasimada keliya ee Afrika...

0
0

(Waxay ka mid noqotay Shanta magaalo ee Sida casriga ah u koraya dunida oo dhan)
Magaalada Nairobi, xarunra dalka Kenya waxay noqotay mid ka mid ah shanta magaalo ee ugu sareeya liiska kala horaynta casriyaynta magaalooyinka ku habboon ganacsiga caalamiga ah ee dunida kuwaas oo ay xarumo ku yeelanayaan shirkadihii ugu badnaa ee ganacsi.
Sida ay kuA baahisay xarunta daraasadaysa horumarinta magaalooyinka ee Global Cities warbixinteedii sanadkan dhamaaday ee 2016, Magaalada nairobi waxay sidoo kale marin iyo saldhig u noqotay shirkadaha caalamiga ah ee ganacsi iyo kuwa maalgashi ee doonaya inay isku daboolaan guud ahaan Gobolka Bariga afrika.
Nairobi waxay noqotay Magaalada ugu casriyaynta badan xiligan la joogo guud ahaan Qaaradda afrika, iyadoo liiskan caalamiga ah ee ay kaalimaha hore ka gashayna ay ku jiraan magaalooyin ay ka mid tahayA Magaalada Dubai ee Dalka isutagga imaaraatka carabta, waxaana soo raaca magaalooyinka kale eeA kala ah Kuala Lumpar , BangkokA iyo Moscow.
Warbixinta Global Cities waxay sheegtay in ugu yaraan 1.8 Milion fuudh oo Square oo dhul ah ah laga dhisay oo laga furay xarumo ganacsi oo waaweyn oo casri ah (modern shopping mall space) sanadkii 2015.
Mr James Roberts oo ah dhaqaalayahan ka tirsan xarunta Knight Frank oo arintan magaalada nairobi ka hadlay waxa uu u sheegay shabakada wararka ee EastAfrican in si weyn awoodda loo saaray hirgelinta xarumaha ganacsi ee magaalada Nairobi, waxana isaga oo aintaa ka hadlaya uu yidhi sidan: aEU~xiliyadii u dambeeyey oo keliya Dhismayaasha ganacsi waxaa laga hirgeliyey masaafo dhan 980.000 oo fuudh oo Square ah taas oo ka dhigan in waayo aragnimo laga helay qaabkii loo furfuri lahaa Magalaada, waana muuqaal ka turjumaya isbedelada dhaqaale iyo ka bulsho ee ay Kenya ku socoto xiliganaEU.
Caasimadaha waaweyn ee dunida ayaa la saadaalinayaa inay soo galaan ama ku kordhaan dad cusub oo tiradoodu gaadhayso 380 Milion oo ruux mudada shanta sanadood ah ee soo socota, taa darteedna waxaa loo baahanayaa hanaan cusub oo rakaabinta dadka iyo xamuulka badeecadahooda ah, iyadoo sidoo kalena ay lama huraan tahay in la daraasadeeyo oo laga shaqeeyo qaababkii ugu fududaa ee loo gaadhi karayey suuqyada noocaas ah.
Dekeda lamu iyo Mashruuca isku xidhka Lamu-South Sudan-Ethiopia Corridor ayaa lagu magacaabay mid ka mid ah mashaariicda caalamiga ah ee dhanka kaabayaasha, kaas oo dhalin doona kooxo ganacsi oo cusub ah iyo fursado badan oo dhanka horumarinta ah.
mashruucani waxa uu ka kooban yahay dhismaha deked balaadhan oo illaa sodon markab ay hal mar ku soo wada xidhan karaan iyo xarumo kale oo sifaynta batroolka ah, isagoo Magaalada Lamu ku xidhiidhin doona Magaalada Nairobi, kana talaabaya xuduudaha Itoobiya iyo K/Sudan iyado la adeegsan doono tareenada iyo gawaadhida, dhulkana la marin doono beebabka shidaalka qaada.
.Mashruucan kale ee caalamiga ah ee kan u dhigmayaana waa mashruuca jid tareenka dheereeya ee dalka shiinuhu ku doonayo inuu xagga dhulka kaga xidhmo Qaaradda yurub, jidkaa oo sii dhexmarayaA Dalalka ruushka iyo Iran ilaa uu halkaa ka gaadho Wadanka turkiga oo ka trsan qaaradda yurub.
Dalka shiinaha ayaa sidoo kale waxa uu Dalka Kenya ka wadaa mashruuca Standard Gauge Railway kaas oo isku xidhi doona Magaalooyinka mombasa iyo nairobi. isagoo sanadkan badhtamihiisiina dhammaystiray mashruucii jid tareenka casriga ah ee Dalka itoobiya ku xidhay Dekeda badda cas ee Jabuuti.halka shiinuhu uu sidoo kale qayb ka yahay heshiiska Somaliland iyo itoobiya ee mashruuca Berbera Corridor oo dekeda berbera ku xidhi doona dalka itoobiya.
Dhanka kale warbixinta Global bussiness waxay sheegaysaa in wadanka Kenya uu horumarin balaadhan ka sameeyey dhanka wax soo saarka beeraha, kaasoo qiyaas weyn ka ah totalka guud ee wax soo saarka gudaha ee wadankaasi, Gross Domestic Production (GDP), iyadoo dalku kor u qaaday dhinacyada adeegyada iyo waxsoo saarka wershadaha.
Dalka kenya ayaa noqday wadan ay si xawli leh u kobcayso aqoonta iyo adeegsiga Information Technology (IT), iyadoo wax soo saarka wershadaha iyo shirkadaha isgaadhsiintu uu 30% kor u kacay mudadii u dhexaysay 2011 ilaa 2014, halka ay isla mudadaa wax soo saarka dhinacyada maaliyada iyo caymiska sameeyeen kor u kac gaadhaya 20%.
Warbixintii ay sanadka 2016 soo saartay hayaEU(tm)ada lacagta adduunka International Monetary Fund(IMF) ayaa tilmaantay inA wadanka kenya wax soo saarkiisa gudaha ee sanadlaha ahiA uu 2016 sameeyey koboc gaadhaya 7.2%, halka uu dalka Nigeria sameeyey 5%, Koonfur Afrikana 2.1%.

Xiddig iyo Jawaari oo laga taageerey Kismaayo

0
0

Kn: Odayaal dhaqanka oo kala aragti duwan ayaa shalay iyo maanta siyaabo kala duwan taageero ugu muujiyey musharixiinta kala ah Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari iyo Cabdirishiid Maxamed Xiddig.
Odayaasha beesha Kuumade oo uu hoggaaminayay Suldaan Cabdullaahi Cali Sokor ayaa taageero buuxda u muujiyey Cabdirishiid Xiddig, halka odayaal kale oo beesha Daarood ay iyaguna maanta kulan ku qabteen Kismaayo oo ay Jawaari ku taageerayaan.
Kismaayo ayaa waxaa ka taagan buuq badan oo ku saabsan musharaxnimada Cabdirishiid Xiddig, arrintaasi oo aad loogu kala qeybsanyahay.
KismaayoNews.com


Baarlamaanka Galmudug oo fasaxa loo kordhiyey

0
0

Kn: Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug Cali Gacal Casir oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa fasax kordhin u sameeyay xubanaha baarlamaanka Galmudug, wuxuuna hadalkani jeediyey xili maanta kalfadhi kalsoonida lagala noqonayo lagu qaban lahaa magaalada Cadaado, halkaasi oo xildhibaanadii ay hor istaageen ciidamada madaxtooyada Galmudug.
Guddoomiyaha ayaa warbaahinta u sheegay in sababta fasaxani yahay Abaaraha ba'an ee ka jira degaannada Galmudug iyo doorashada madaxda dalka ee dhawaan la filayo iney dalka ka dhaco.
Guddoomiyaha ayaa xubnaha baarlamaanka saxaafadda u mariyay fasax 45 cisho ah oo ay galayaan xubnaha baarlamaanka Galmudug, waxa uuna yiri:
"Saakay oo ah Sabti bushuna ay tahay 7 bishii January, waxaan media-ha ugu yeeray in aan uga faa'ideysto warbaahinta uga diro xildhibaannada dowlad goboleedka Galmudug , waxaan soo saary warqad u jeedadeeduna ay tahay in baarlamaankii dowlad goboleedka Galmudug aan ugu kordhiyo(fasixii) 45 cisho", ayuu yiri guddoomiye Casiir
Fasaxan cusub ee xubnaha baarlamaanka Galmudug ayaa ka bilaabanaya 5 January kuna eeg 20 February ee bisha soo aaddan.
KismaayoNews.com

WACYI GALIN KU AADAN ILAALINTA DEEGAANKA OO...

0
0

Qardho[Puntland Post]Tababarkan loo qabatay dhalinyarada magaalada Qardho ee xarunta Gobalak karkaar ayaa loga hadlayey sidii la tashiyo looga saman lahaa ilaalinta deegaanka loona saman lahaa wacyi galin la xiriirata ko horataga falalka Guracan ee deegaanka loo gaysto.
Waxana kasoo qaybgalay Ururada dhalinyarada ee Gobolka iyo degmada Masuliyiin ka socota Wasaradda Deegaanka iyo Hay,dda Care, iyo marti sharaf kale.
Tababarkan ayaa waxa sida oo kale lagu soo bandhigay wax Qabadka wasaradda deegaanka Puntland ay ka hirgalisaya deegaano kala duwan oo ka tirasan Puntland ,sida Waro biyoodyo, ka hortaga boholaha samasma, xili roobadka , Furida seera yaasha ,iyo ilaalinta deegaanka.
Maxamed Cabdulaahi Axmed oo ah Agaasime waxeed ka tirasan wasaradda deegaanka Puntland iyo Axmed Maxamed Cali oo ka tirasan Hay,dda Care oo ugu horan ka hadalay Goobta ayaa sheegay mihiimda ay tababarkan ay ka leeyihiin in ay tahay sidii dhalinyardu ugu baraarug sanan lahad ilaalinta deegaanka iyo wacayi galin la xiriirta falalka guracan ee loo gaysto deegaanka .
Maxamed Muuse Maxamed isku duwaha wasaradda deegaanka ee Gobalka karkaar oo tababarka soo xiray ayaa ka soo qab gala yaasha kula dar daar may in ay uga faa ideeyan bulshadii ay ka yimadeen waxa ay halkan ka barteen loona baahan yahay in ay bulshad xasuusiyaan mihiimada uu leyahay deegaanku.
Qaar kamid ah haweenkii kasoo qaybgalay ayaa dhankooda xusay inay diyaar u yihiin ilaalinta deegaanka marwalbana ay garab taaganyihiin Wasaarada deegaanka iyo Hay'adaha kala shaqeeya ilaalinta deegaanka oo ay Care international ay kamid tahay.
Wasaradda deegaanka Puntland iyo Hay,dda Care ayaa inta badan ku hawalan soo celinta deegaan loo gaysto xaalufka waxana ay tababaro kala duwan oo ay ku wacyi galinayaan bulshad ku qabtaan deegaanada Puntland.
CABDIQANI BOOS PUNTLAND POST
The post WACYI GALIN KU AADAN ILAALINTA DEEGAANKA OO DHALINYARADA QARDHO LOO QABTAY . appeared first on Puntland Post.

Ciidamada Jubbaland oo Gosha oga dabo galay Alshabaab

0
0

Kn: Ciidamada dowlad goboleedka Jubaland oo kaashanaya ciidamada AMISOM ayaa howlgallo ciidan ka bilaabay deegaanada dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
Ciidamadan isgarabsanaya ayaa shalay gelinkii danbe la wareegay tuulada Buulgaduud oo qiyaastii 30 KM u jirta Kismaayo, waxayna saaka u dhaqaaqeen dhanka deegaanka Kamsuuma.
Iska horimaadyo ayaa lagu soo waramayaa in labada dhinac uu saaka ku dhexmaray deegaanka Wirkooy oo hoostagta degmada Jamaame ee gobolka J/hoose.
Taliyaha guud ee ciidamada dowlad goboleedka Jubaland Aadan Goojaar oo aan qadka teleefonka kula xiriirnay ayaa sheegey in howlgalladu ay weli soconayaan, isagoo sheegay in wixii faahfaahin ah ay dib ka bixin doonaan.
"Adeer howlgalladu way socdaan, dhul ballaaranna ciidamadu way la wareegeen, marka dagaal ayaan ku jirnaa wixii faahfaahin ah dib ayaan idinka siinayaa," ayuu taliyuhu yiri.
Howlgallada ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan ciidamada Jubaland iyo kuwa AMISOM ay deegaano dhowr ah oo dhanka galbeed Kismaayo kaga beegan ay kala wareegeen Al-shabaab.
KismaayoNews.com

Axmed Madoobe oo si xun ula dhaqmay xildhibaan Xidig...

0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa xabsiga dhigay Kontomeeyo ruux oo isugu soo baxay Banaanbax ay ku muujinayeen taageerada Musharaxa Gudoomiyaha BFS Cabdirashid Maxamed Xiddig.
Ciidamada maamulka ayaa xiray ku dhawaad 12 ruux oo kamid ahaa ragga soo abaabulay dibadbaxa, kuwaa oo la sheegay in dhaqaale xoogan ay ku qaaten muujinta Banaanbaxyada.
Ciidamada ayaa la sheegay in Axmed Madoobe uu ku amray inay ka hortagaan dibadbaxa, ayaa cudurdaar ka dhigtay in dibadbaxayaasha ay qalqal galinayaan amniga magaalada Kismaayo.
Axmed Madoobe ayaa si ba'an kaga soo horjeeda kursiga uu Xiddig isku soo sharaxaayo, oo uu u arko inuu beesha Daarood ka horistaagi doono xilalka madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha.
Axmed Madoobe ayaa Xiddig muddo dhowr jeer uga digay inuu isku sharaxo Kursiga, waxaana arrintaa dhagaha ka fureystay Xildhibaan Xiddig, ayada oo xaaladda ay iminka u muuqato mid sii xumaaneysa.
Dhinaca kale, Cabdirashiid Xiddig ayaa aad uga carooday falka uu manata kula dhaqmay Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe, sida ay sheegeen dad ku dhow.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Sarkaal Katirsan Gal-Mudug oo lagu Dilay Gaalkacyo

0
0

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in Gudaha magaaladas lagu dilay Sargaal ka Tirsanaa laanta Canshuuraha Maamulka Ga-lmudug ee gudaha magaladaas ku sugnaa.
Sarkaalka la dilay ayaa Magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali Gurey wuxuu kamid ahaa Laanta Canshuuraha dowlad Goboleedka Galmudug, qeybta Magaalad Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Dilka Sarkaalkaan ayaa la sheegay In uu ka dambeeyay Nin Ganacsade ah oo si weyn loogu yaqaanay Magaalada Gaalkacyo, waxaa dhexmaray muran xoogan oo keenay in markii dambe la dilo Sarkaalka,
Dhanka kale waxaa la xaqiijiyay in markuu dilka geystay Ganacsadaha uu baxsaday.PUNTLAND POST
The post Sarkaal Katirsan Gal-Mudug oo lagu Dilay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live