Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Dhageyso barnaamijka faaqidaada wararka

$
0
0

BAR FAAQIDAADA WARARKA -10-1-2017


Donald Trump oo xil muhiim ah u magacaabay wiil uu...

$
0
0

Kn: Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa xil sare u magacaabay wiil uu sodog u yahay oo lagu magacaabo Jared Kushner.
Jared Kushner ayaa qaba gabadh uu dhalay Donald Trump oo lagu magacaabo Ivanka ahna caruurtiisa mida uu ugu jecel yahay sida laga soo xigtay mar uu olole ku jiray.
Trump ayaa Jared u magacaabo lataliyihiisa khaaska ah, kaasi oo wax ku yeelan doona talada dalka Maraykanka.
Arintani waxay dhalisay muran iyo walaac ay muujiyeen siyaasiyiin badan, waxayna ku tilmaameen in ay tani tahay xil boobisnimo.
" Waxaan ku faraxsanahay in Jared aan u dhiibo xil muhiim ah," ayuu yiri Trump.
Kushner oo ah ganacsade reer New York ah ayaa ka mid noqon doona dadka dhiraan dhiriya siyaasada gudaha iyo dibada dalka Maraykanka.
Dhanka kale, waxaa macquul ah in Kushner uusan qaban doonin xilkaasi oo marka la eego sharcigii 1967 kaasi oo dhigaya in madaxweynuhu uusan magacaabi Karin qaraabadiisa lala tiigsan karo.
Ugu dambeyn, ma aha markii ugu horeysay ee masuul sare uu xil u magacaabo qaraabadiisa, John F. Kennedy madaxweynihii hore ee Maraykanka ayaa xilka xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka u magacaabay walaalkii Robert Kennedy.
KismaayoNews.com

Xog: Ganacsatadii iibsatay dhulkii Terabuunka oo...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Qaraxyadii ka dhacay maqaayad ku taal terabuunka dad kor u dhaafaya seddax qof ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen ayaa waxaa soo baxaya tuhumo laga qabo inay qaraxyadaasi ku lug lahaayeen ganacsatadii sida sharci darada u iibsatay dhulkii Terabuunka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) oo dhulkaasi ka iibsaday ganacsatada, lacagtii kasoo xarootay loo isticmaalay ololihii doorashada ee Jowhar iyo Cadaado oo lagu taageeray xildhibaano ka mid ah baarlamanka cusub.
Wariyeyaal booqday goobta labada qarax ay ka dhaceen ayaa wareysiyo ay kasoo qaadeen dadka deegaanka waxay qabaan in qaraxyadaasi ay ahaayeen kuwo dadka looga kicinayay goobahooda ganacsi iyo guryahooda, ayna soo abaabuleen ganacsatada iibsaday dhulkaasi.
Haweeney waayeel ah oo ku doodeyso lahaanshaha dhulkaasi isla markaana haysato documenti ku taariikheysan 1960-kii, ka hor inta aan xorriyadii laga qaadan gumeystihii, waxayna sheegtay in curushadii dowladdii Kacaanka dhulkaasi loo adeegsan jiray xafladaha 21 Oktoobar, haddii shaqsi loo sharciyeynayana ay xaq u leeyihiin in loo sharciyeeyo dadka caddeymaha u haysta.
Haweeneydaan oo diiday in magaceeda la adeegsado ayaa sheegtay in markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu dhulkaasi ka iibiyay ganacsato ay ka mid yihiin Xasan Mire oo ah Guddoomiyaha ganacsatada Suuqa Bakaaro, C/qaadir Cumar Caddaan oo wakiil ka ah reer Cumar Caddaan iyo ganacsato kale, la bilaabay in dadka laga kiciyo dhulka, ciddii diidana lala xaalayay, laakiin ay jiraan dad diiday xaal iyo cagajugleyn, waxayna taasi keentay in lasoo dul dejiyo ciidamo kala duwan oo gobolka Banaadir uu soo amray.
Ujeedada laga lahaa ciidamadaasi lasoo dul dejiyay dadka shacabka ayaa aheyd in lagu barakiciyo dadka, markii la arkayna in aysan barakaceyn waji kale oo ah in qaraxyo lagu soo weeraro ciidamada ay soo abaabuleen ganacsatada iibsaday dhulkaasi danta guud.
Waxaa qoraaladeena danbe idiin kugu soo gudbineynaa wareysiyo aan kasoo qaadnay dadka degan dhulka Terabeenka iyo muuqaalo faah faahsan.Halkaan ka akhri qoraal iyo documenti caddeynaayo in la iibiyay dhulkii Terabuunka.Caasimada Online Xafiiska Muqdishocaasimada@live.com

Xog: Kooxda CC oo shirqool halis ah ku tuhmaya...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Shaki weyn iyo hubanti la'aan ayaa hareysay Isbaheysiga doorashada ee ka dhaxeeya Ra'iisal wasaare Cumar C/rashiid iyo xildhibaan C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
Ilo ku dhowdhow ololaha Cumar C/rashiid ayaa sheegaya inay jirto kalsooni darro ku aadan dhaqdhaqaaqa Xildhibaan Sanbaloolshe oo muddooyinkii dambe noqday mid ka mida taageerayaasha ugu weyn ee Cumar C/rashiid.
Sanbaloolshe oo lagu yaqaan fudeyd siyaasadeed iyo mowqifyo qayaxan ayaa jagada xildhibaannimo ku helay gacan uu siiyay madaxweynaha Hirshabeelle, isagoo markaas kadib iska dhigay xildhibaan mucaarad weyn ku ah soo laabashada Xasan Sheekh.
Shakiga ayaa sii xoogeystay kadib markii madaxweynaha Galmudug ka baxay isbaheysigii Shariif Xasan ee Doorashada, waxaana kooxda Cumar C/rashiid ku soo furmay tuhun ah in Sanbaloolshe oo hore gacansaar weyn ula lahaa madaxweynaha ujeedkiisu yahay inuu kala tuuro qorshaha musharaxnimada madaxweyne ee Cumar C/rashiid, maadaama aanay sahlanyn inuu ka abaal dhaco Xasan Sheekh.
Sanbaloolshe oo Muqdisho ka waday ololaha ra'iisul wasaare Sharmaarke ayaa lagu warramayaa in iminka howsha badankeed laga wareejiyey loona weeciyey dhanka Cabdiraxmaan Ceynte oo isna ka mid ah kooxda ra'iisul wasaaraha.
Waxaa sidoo kale xogta ay sheegeysaa in maalmaha soo socdo laga yaabo in Sanbaloolshe si rasmi ah looga saaro kooxda ra'iisul wasaaraha xilli tuhunka laga qabo uu sii xoogeysanayo.Caasimada Online Xafiiska Muqdishocaasimada@live.com

Xaqiiqda heshiiskii dekedda Berbera iyo doorka DF +...

$
0
0

Hargeysa (Caasimada Online) - Dowladda Soomaaliya ayaa door weyn ku laheyd heshiis dhexmaray maamulka Somaliland iyo Dowladda Imaaraadka, kuna saabsan dhismaha dekad iyo saldhig milatarioo dherarkiisu yahay 80 km oo Imaaraadku ay ka dhisanayaan xeebta Berbera ee Somaliland.
Doorkaasi oo dowladda Somalia ku laheyd heshiiskaasi ayaa halis gelin kara dadaalka ay Somaliland ku dooneyso in loo aqoonsado dal ka madax bannaan Somalia.
Wargeyska Haatuf ee ka soo baxay magaalada Hargeysa, ayaa soo daabacay warbixin oo uu ku tilmaamay in Dowladda Imaaraadka oo Somaliland aan u aqoonsaneyn Dowlad madax-bannaan in heshiiska ay u soo marisay Dowladda Soomaaliya ee caalamku aqoonsan yahay, isla markaana ay dalad u noqoneyso heshiiska Saldhiga ee ay Imaaraadku doonayaan inay la galaan Somaliland taasoo khatar weyn galinaysa madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland maadaama ay Dawladda Somalia iyo Imaaraadku yeelanayaan talada iyo awooda go'aaminta kama dambeysta ah ee ku taxaluuqsan siyaabaha loo hirgalinayo ama mustaqbalka wax-looga baddeli karo ama looga bixi karo heshiiskaas.
Wargeyska wuxuu intaa raaciyay in heshiiska uu qeyb ka yahay in Dowladda Imaaraadka ay adeegsadaan ciidamo Masaari ah oo ay keenaan saldhiga cirka iyo badda ee ay rabaan inay ka sameystaan Berbara taasoo suurtogalin karta inay xoogagagaasi iyo Somalia isu kaashadaan sidii ay Somaliland u qabsan lahaayeen.
Sida wargeysku uu qoray, ujeeddada ugu weyn ee ay Imaaraadku u danaynayaan saldhiga ay Berbera ku yeeshaan waxay tahay in madaarka Berbera ay diyaaradahooda dagaalku ka duqeeyaan ciidamada ay dagaalka kula jiraan ee Xuutiyiinta Yeman isla markaana ka hortagaan ciidamada badda ee Iiraan si aanay xeebta Somaliland uga taakulaynin Xuutiyiinta ay isku xulafada yihiiin.
Haddaba Somaliland halista ay hawlgalada milatari ee caynkaas ahi u soo jiidi karaan waxay tahay Xutiyiinta oo kaga jawaaba gantaalada riddada dheer oo ay ku soo ganaan Berbera iyo bartilmaameedyo kale oo ku yaala dhulka Somaliland. Xuutiyiintu waxay haystaan sawaariikhda Iskander ee dalka Iiraan lagu sameeyo ee gaadha ilaa 800 km waxaana rideyaal iyo hogaamiyeyaal ka ah saraakiil reer Iiraan. Waxa kale oo ay adeegsadaan saaruukh ka rido gaaban oo loo yaqaan Scud(Iskad).
Wargeyska waxaa kale uu sheegay in Baashe Cawil oo ah wiil uu qaba gabadha Madaxweyne Siilaanyo isaga oo isticmaalaya awoodii madaxweynaha Somaliland inuu yahay qofka kaliya ee Imaaraadka kala soo xaajooday arinta saldhiga islamarkaana isagu haatan dabada ka riixaya in heshiiska saldhiga laga ansixiyo Baarlamanka iyadoo aanay ku xirnayn wax shuruud ah oo ay Somaliland kaga faa'iidaysanayso lacag Baashe ka soo galaysa mooyaane.Caasimada OnlineXafiiska HargeysaCaasimada@live.com

100 Soomaaliya ah oo marqura xabsi la dhigay &...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay tahriibayaashii ugu badnaa oo lagu xiray dalka Sudan.
Ku dhawaad 100 tahriibayaal ah ayaa lagu xeray xabsi ku yaala dalka SUdan, kuwaasi oo doonayay inay dalkaasi kaga sii gudbaan wadamada kale ee Africa.
Fiidow Maxamuud Fiidow oo dhanka warbaahinta u qaabilsan Safaaradda Dowladda ee dalka Sudan ayaa xaqiijiyay in dadkaasi oo dhalinyaro u badan xabsiga la dhigay.
"Tirada dadka guud, waxaa ku jira 101 oo Somali ka ah, 34 waa haween, iyaggoo xuduudda u sii socda ayaa la soo qabtey, dadka tahriibiyaasha ah dowladda sudan sharci ayaa uga yaallo waxaa lageeyaa xurumaha dambi baarista".
"ciddii dambi lagu waayo waxaa loo wareejiyaa dhanka qaxootiga UNka ah , waa la celinaa haddii ay doonayaan iney noqdaan haddii kale waxaa loo isticmaalayaa xeerarka caalamiga ah ee qaxootiga ahaan ah oo meel lagu xareeyo."Ayuu yiri Fiidow.
Dadka Soomaaliyeed ee lagu xiray dalka Sudan ayaa wajihi kara ganaax lacageed ama in dib loosoo celiyo.Caasimada onlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Ceydiid Ilka Xanaf oo Cadaadiska DF ku qaaday go’aan...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyihii maxkamada sare ee dalka ayaa si cad u sheegay inuu ka tagayo magaalada Muqdisho, haddii aan la joojin cadaadiska lagu hayo.
Ceydiid Ilka Xanaf ayaa sheegay inuu ku laaban doono deegaanada uu kasoo jeedo ee Somaliland, haddii loo diidaa kamid ahaan xubnaha aqalka sare.
Wuxuu sheegay in madaxda dowlada Soomaaliya ay wadaan qorshe ay ku dhaafinayaan xilka uu doonayo, wuxuuna si cad u sheegay inaanu taa aqbali doonin.
Wuxuu sidoo kale sheegay in madaxda aysan dhex dhexaad ka aheyn dadka u tartamaya xilka xubnaha aqalka sare ee matalaya Somaliland.
Ilka Xanaf, ayaa sheegay in madaxda looga baahan yahay inay cadaalad ka shaqeeyaan oo aysan cid gaar ah la safan.
Waxaa socdo qorshe dowladda Xasan Sheikh ay ku dooneyso in Ilka Xanaf kaga ilaaliyaan inuu kamid noqdaa xubnaha aqalka sare.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimad@live.com

Baarlamaan cusub oo looga dhawaaqay magaalada...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca oo gacanta ku haya degmada Dhuusamareeb iyo deegaanno ka tirsan bartamaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay baarlamaan cusub oo ka kooban 65 xubnood.
Waxaa lugu sheegay magacaabista baarlamaankan inay qayb ka tahay dhammeystirka hay'adaha dowliga ah ee maamulka Ahlu Sunna.
Baarlamaanka cusub ee gobollada dhexe,waxaa guddoomiye looga dhigay,Sheekh Saadaq Sheekh Yuusuf (Direed) oo horay uga tirsanaa ururka.
Hoggaanka sare ee maamulka oo ka hadlayay sida uu ku yimid baarlamaankan cusub,waxaa ay sheegen ergo laga soo xulay deegaannada inay doorten,waxaana sidoo kale dhawaan la soo magacaabaya gole wasiirro oo u maamulka yeesho,sida lugu sheegay war ka soo baxay.
Baarlamaanka ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay yeeshaan Ahlu Sunna Waljameeca, tan iyo markii lagu dhawaaqay maamulka gobollada dhexe,waxaana la magacaabay xilli dhawaan la xarig jaray dhismaha cusub ee u baarlamaanka ku shaqeynayo.
Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca oo aysan aqoonsaneyn dowladda dhexe ayaa ka arrimiya deegaanno dhowr ah marka loo eego maamulka Galmudug ee fadhigiisu yahay degmada Cadaado.
__RBC Radio


Ciidamada Nabad Sugida oo Howlgallo dad badan ay ku...

$
0
0

Gaalkacyo ( Sh. M. Network)-Ciidamada Nabad Sugida ayaa Howlgallo ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo waxa ay ku soo qab qabteen tiro dad ah.
Dadka la soo qab qabtay oo lala xiriirinayo in ay ku lug leeyihiin Amni darrida Magaalada Gaalkacyo ayaa Ciidamada Nabad Sugida waxa ay ku hayaan baaris xoogan.
Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa weeraro siyaabo kala duwan uga geystay Al Shababaab.
Waxaana Magaaladaasi ka kala arrimiya Maamullada Puntland iyo Galmudug, walow qeybta haatan howlgalka laga sameeyay ay tahay dhinaca Galmudug ee Koofurta Magaaladaasi Gaalkacyo.
Ma cadda tirada rasmiga ee lagu soo qab qabtay Howlgalkaasi laga sameeyay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Baarlamaanka Cusub ee Gobollada Dhexe oo...

$
0
0

Dhuusamareeb ( Sh.M.Network)-Xildhibaanada Cusub ee Maamulka Gobollada Dhexe oo ka kooban 65 Mudane ayaa Magaalada Dhuusamareeb ku yeeshay Kalfadhigoodii ugu horreeyay.
Mudnayaasha Maamulka Gobollada Dhexe ayaa halkaas waxa ay ku doorteen GuddomiyahaBaarlamaanka Maamulkaasi iyo ku xigeenadiisa.
Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Maamulka Gobollada Dhexe ayaa waxaa ka mid ah illaa 10 Haween ah.
Maamulka Gobollada Dhexe ayaa ka soo horjeeda Maamulka Galmudug oo Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka taageero ka heysta.

XOG: Faarax Sheekh Oo Sahan u Ah Xasan Sheekh Iyo...

$
0
0

Dhowaan waxaa xilka guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan aqalka hoose isku soo sharaxay siyaasiga caanka ah ee Faarax Sheekh C/qaadir.
Hadaba Xoghoose.com ayaa heshay xog ku saabsan is sharaxaadda Faarax iyo sidoo kale danta laga leeyahay.
Faarax Sheekh waxa uu sahan u yahay Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana la ogaan doonaa doorashada kadib Xasan haddii uu soo laabanayo iyo haddii kale.
Faarax codadka u codeyn doona waa kuwa Xasan Sheekh leeyahay ee uu ku tashanayo, haddii Faarax guul dareysto Xasan Sheekhna waa uu ku daayey.
Waa sahan ay sameynayaan kooxda Damuljadiid si ay u ogaadaan codadka ay ku tashan karaan, haddii codadka yaraado waxay billaabi doonaan orod xooggan oo maalmo kooban ah

Gedo: Sarkaal Shabaab Ah oo Isdhiibay

$
0
0

Sarkaal hore uga tirsanaa ururka Al-Shabab ayaa la sheegay inuu isku soo dhiibay mas'uuliyiinta Gobolka Gedo ee dawladda Soomaaliya.

XOG: Danta Laga Leeyahay Xil Ka Qaadistii Guuleed

$
0
0

Xildhibaannada Galmudug ayaa maanta oo Talaado ah waxay xil ka qaadis ku sameeyeen madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.
Durba waxaa soo baxaya danta gaar ee laga leeyahay in Guuleed meesha laga eryo iyadoo waliba la ogyahay in baarlamaanka Galmudug uu fasax ku maqan yahay.
Xogtu waxay sheegeysaa in dad kasoo jeeda Beesha Sacad islamarkaana u badan siyaasiyiin, walibana aad ugu dhow Guuleed ay taasi ka dambeeyaan, kadib markii Guuleed uu maroorsaday doorashadii aqalka hoose iyo midda sare ee ka dhacday Cadaado.
Waa arrin u muuqata aargudasho, waxaana qarash badan uu ku baxay in la isku keeno xildhibaanno Galmudug ah misane aad u neceb Guuleed.
Hadaba Guuleed waa uu diidan yahay in laga qaadey xilka hase ahaatee waxaa laga yaabaa in sheekadan ay lamo filaan ku noqoto Guuleed oo waliba looga dhabeeyo.

Faah Faahin: Qasaaraha ka dhashay Dagaal ka dhacay...

$
0
0

Dagaal sabab dhimasho iyo dhaawac ayaa goor dhow waxaa uu ka dhacay degmada Xamar weyne ee gobolka banaadir.
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay 2 askari oo ka tirsan Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya halka tirro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.
Israsaaaseenta ayaa ka dhacday Nawaaxiga Bacadliha Degamda Xamar weyne ee Gobolka banaadir,waxaana ay timid ka gaadaal markii ciidamo kale oo watay gaari ay diideen amar uu siiyay askari joogay koontarool ku yaal halkaasi sidaasna uu rasaas ugu furay gaariga.
Waxaana halkaa ka dhacaday is rasaaseentaasi geysatay khasaaraha dhimasho iyo Mida dhaawac waxaana hada ay xaaladu tahay Mid dega.

DAAWO: Qaybtii Labaad ee Waraysigii CALI DHEERE iyo...

$
0
0

Waxan Halkan idin kugu soo gudbineynaa Qeybtii Labaad Wareysi Xasaasi ah oo lala Yeeshay Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere.
aEU~Waalid baad tahay, markaad aragto wiilal yaryar oo Soomaali ah oo saas u dhimanaya, dareenkaagu siduu yahayaEU Waa mid kamid ah suaEU(tm)aalaha Wariye Xamza Mohamed uu waydiiyay Sheekh Cali Dheere.
Haddaba hadii aadan horey u daawan Qeybtii koowaad ee Wareyisaga Cali Dheere,


Wax Badan Ka Barro Sida Loola Dagaalamo Finanka...

$
0
0

finanka waxaay dhaawici karaan kalsoonideena. Oo maA ahan mid khuseysa bilic sanaan teena oo kaliya, waxay calaamad u noqon kartaa xaalado caafimaad.
HormoonadaA oo aa isku dheeli tirnayn ayaa waxay sababaan finanka/furuuruca.
Waxaana ku hareeree san nahay kiimikooyin, sun, iyo wasakh badan oo khalkhal ku keeni kara hormoonadeena. Ka fogoow dufanka, sonkorta badan, waxyaabaha lagu daray ama ka sameysan caanaha, qaxwaha. Isticmaal dufanka wanaagsan sida afagaadhada, lowska.Awood u yeel aashitada caloosha
Aashitada caloosha oo yar waxaa lala xidhiidhiyaa finanka. Hadii ay aashitadu yar tahay, si fiican uma burburin karto cunnada, sidaa darteed jidhkaagu ma heli karo nafaqada uu u baahan yahay. Cab biyo lagu daray liin dhanaan ama khalka tufaaxa.Hormari bakteeriyada fiican ee ku jirta dheef shiidka
Isku dheeli tirnaanta bakteeriyada fiican hadii ay meesha ka baxdo waxay horseedi kartaa caabuq raaga iyo finan. Hadii aad tahay dadka isticmaala kaniinka qalajiyaha, ogoo wuxuu dilaa bakteeriyada fiican iyo tan xunba.Shiid khudaarta iyo midhaha
Fiitamiinada iyo macdanada ku jira khudaarta cagaaran iyo midhaha sida tufaaxa iyo muuska, waa kuwo caawin kara in maqaarka uu wanaag sanaado. Sida ugu dhakhsiyaha badan ee looga soo saari karo fitamiinada iyo macdanta waa in la shiidoIsticmaal dacar
Dacartu waxay leedahay dawo wanaagsan, waxay ka hortag taa caabuqa iyo saameynta bakteeriyada, sidoo kale waxay hormarineysaa dib usoo kabsashada maqaarka.
Dacarta kala jeex, oo mari wajiga walaxda jiijiid meysa ee ka imaneysa meesha adka kala jeexda, ama soo iibso jelka ka sameysan dacar boqolkiiba boqol, oo mari meesha maqaar ee finanka leh ama guduudatay.Biyaha lagu daran liin dhanaan
Biyaha lagu daran liintaA waxay u fiican yihiin baabaaEU(tm)inta summadda finanka, si doo kale waxaa ku jira fitamin C badan, kaas oo ka dhigaya maqaarka mid siman oo iftiimaya
Madho biyo lagu daray liin maqaarka xiliga fiidkii. Kadib maydh 20 daqiiqo kadib adigoo isticmaalaya biyo diiran.

Khadka Tareen ee Jabuuti iyo Ethiopia oo la Furay

$
0
0

Khad tareen oo isku xiraya dalalka Jabuuti iyo Ethiopia ayaa maanta waxaa si rasmi ah xariga looga jaray munaasabad ka dhacda dalka Jabuuti.

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Musharaxiin is...

$
0
0

MUQDISHO (SONNA) Xildhibaan Aadan Isaaq Cali oo ah xoghaayaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka ee Soomaaliya ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa wuxuu ka hadlay jadwalka Doorashada ee Guddoonka Baarlamaanka. Wuxuu sheegay Beri oo Arbaco ah Taariikhduna ay tahay 11-Janaayo in la dooranayo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo [...]

Madaxtooyada Galmudug oo ka Jawaabtay xil ka...

$
0
0

Cadaado (Caasimada Online)-War ka soo baxay xarunta madaxtooyada maamulka Galmudug ayaa lagu qaadacay go'aankii xildhibaannada ee kalsooni kala noqoshada madaxweyne Cabdikariin Xusseen Guulleed.
Madaxtooyada maamulka ayaa sheegtay in go'aanka kasoo baxay Xildhibaanada maamulka uu yahay mid lala baalmaray sharciga.
Madaxtooyadu waxa ay sheegtay in go'aanka Xildhibaanada uu yahay mid aan laga fiirsan isla markaana aan aheyn shar.
"Maamulku waxa uu leeyahay sharciyo iyo nidaamyo ay dhigteen dadka Galmudug, wixii intaa baalmarsan waa sharci darro"
"Waxa maanta ka dhacay xarunta lagu magacaabo Badbaado, waxaan u aragnaa fowdo iyo sharci darro, mana aqoonsanin go'aankaa isaga ah"
Xildhibaannada maanta codka kalsoonida kala laabtay madaxweynaha ayaa ku eedeeyay xil gudasho la'aan, iyo in uu ka soo bixi waayay howlihii loo idmaday.
Go'aanka kasoo baxay Madaxtooyada maamulka ayaa imaanaya xili maanta 54 Xildhibaan ay ku dhawaaqen in Hogaamiyaha maamulka C/kariin Guuleed ay xilka ka qaaden.Caasimada OnlineXafiiska CaadaadoCaasimada@live.com

Al shabaab oo toogatay rag ay ku eedeysay inay isku galmoodeen

$
0
0

Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa meel fagaare ah ku toogtay sedex dhalinyaro ah magaalada Bu'aale ee xarunta gobolka Jubada Dhexe kadib markii maxkamadi ay sheegtay inay ku heshay danbiyo isugu jira galmo iyo asaasnimo.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live