Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Khilaaf ka dhex Dilaacay Maareeyaha Dekeda Berbera...

$
0
0

Maareeye ku-xigeenka oo la sheegay in uu Hargeysa u joogo dacwad ka dhan ah Maareeyaha
Hargeysa(Waaheen) Maalmihii u Danbeeyay Ayaa waxa Soo Baxaya Muran Xaga Maamulka ah oo u Dhexeeyay Maareeyaha Dekada Berbera Axmed Yuusuf Dirir iyo Maareeye Ku Xigeenkiisa Cabdi Cabdilaahi Xasan Mataan,
Wararka Laga Hellayo Illo Xog Ogaala Ayaana Tibaaxay In Xiligan Maareeye Ku Xigeenkii Dekadu Ku Maqanyahay Ashkato Dhanka Madaxtooyada Somaliland Ah,
Khilaafkana Ayaa Bishii Ugu Horaysay,ba Debada Usoo Baxay Markii Aya Shaqada wada Bilaabeen Labada Mareeye,Taasi oo Ku Beegnayd Xilli uu Mareeye Axmed Yuusuf u Ambabaxay Safar Dibada ah.
Murankan Ayaa waqtigaa Waxa Dhexgalay oo Dhameeyay Rag mudakar ah oo Reer Berbera Ah,
Hadaba wararka u Danbeeyay ee Sadexdii Casho ee u Danbayasay Debada Usoo Baxay Ayaa Iftiimyayay in Markale Uusoo Laba kacleeyay Murankii Labada Mareeye Ee Dekada Berbera Waxaana Wararka Qaarkood Sheeegayaan in uu ISCASILAY Mareeye Ku Xigeenkii Dekada Berbera in kasta oo aan la hubin.
Wararka kale Ee Laga Hellayo Dekada berbera Ayaa Sheegaya in Si Kumeel Gaadha Shaqadii Maareeye Ku Xigeenka Dekada Berbera uu Xiligan Usii Hayo Sarkaal sare oo ka Tirsan Dekada Berbera oo Magaciisu Yahay Siciid Aadan Diiriye.


MPs start voting for deputy speakers of the parliament

$
0
0

The voting for the deputy speakers of the newly inaugurated Somali federal parliament has kick started in Mogadishu, the east African war-recovering capital.
The country's lawmakers are expected today the first and second deputy speakers of the lower house of the parliament, just a day after re-electing Mohamed Sheikh Osman Jawari.
The candidates competing for the 1st seat include MP Farah Abdulkadir and former women's affairs and human rights minister, current lawmaker Khadija Mohamed Dirie.

Sababihii Yagleelidii British Somaliland W/Q: Cali...

$
0
0

Ingiriisku wuxuu xoog ku qabsaday dhulka yamanta koonfureed xarunteeda Cadan sannadkii 1839-kii. Hadaba danaha ugu weyn ee ingiriisku ka lahaa aasaaska British Somaliland ayaa lagu sheegaa dhawr arrimood oo ay ugu weyn yihiin:

  • Inay u fududaato safarada maraakiibta u kala goosha Hindiya iyo Somaliland
  • Inuu iska ilaaliyo awood kale oo soo degta Somaliland oo khatar galisa awood uu ku leeyahay geeska afrika.
  • Inuu helo hilibka macaan ee xoolaha Somaliland oo ay jeclaayeen ciidamada ingiriisku.
  • Markii la furay biyo-isku-xidhaha Masar ( Suweys Canal) sannadkii 1869-kii ayuu ogaaday mihiimada iyo istaraatijiyada ay leedahay Somaliland.

Wixii intaasi ka dambeeyey waxay dareemeen mihiimada guud ahaan geeska afrika gaar ahaana Somaliland. Waxa ay soo dedejisay tartarankii reer Yurub u galeen guud ahaan dhulka geeska afrika. Dabayaaqadii qarnigii 19-naad waxa geeska afrika qaybsaday dalalka Ingiriiska, Talyaaniga, Faransiika iyo Itoobiya oo heshiis la gashay reer yurub. Dhinca kalena Boqortooyadii Cumaaniyiinta oo ay Masar wakiil ka tahay ayaa soo galay tartanka loo galay galayo Geeska Afrika. Sannadkii 1870-kii ayaa guddoomiye reer Masar ah loo magacaabay dhulka Somaliland iyo qaybo ka mid ah Soomaaliya.
Laga soo bilaabo Saylac ilaa Gardafui. Waxay saldhig ciidan laga ka samaysteen dekeda Saylac iyo Berber. Waxa kale oo saldhig laga sameeyey magaalaga Harar oo Itoobiy ku taal. Xarumahan waxa toos u maamulayey Boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo Masar lafteeda dusha ka haystay. Horaantii sannadkii 1885-kii ayey si kedis ah ciidamadii Masar uga baxeen dhulka Somaliland, sababta bixitaanka ayaa ahaa culays kaga yimid kacdoonkii Mahdiga Suudaan iyo ciidamadiisii Daraawiishta oo laga cabsi qabay inay Masar soo weeraraan.
Ka bixitaankani wuxuu ku soo beegmay iyadoo reer yurub ku mashquulsan yihiin kala qaybsiga qaarada Afrika. Ingiriiska oo markii hore raadinayey fursad uu saldhig ugu yeesho geeska afrika gaar ahaan Somaliland, si qiil ugu helo inuu gaadho dhulka Somaliland ayaa Cusmaaniyiinta ogaysiisyey inay laba beelood oo soomaali ahi isku laynayaan agagaarka Saylac, oo in la kala dhexgalo ay mudan tahay. Waana horaantii 1884-kii. Wakhtigan waxay ahayd markii uu intii ugu dambaysay ciidamadii Masar kala baxeen dhulka Somaliland. Ka dib Cusmaaniyiinta ayaa ogolaaday inuu ingiriisku dhexgalo oo kala qabto. Taasina waxay noqotay fursadii ugu horaysay ee ku helo inuu soo galo dhulka Somaliland.
Arrimihii Keenay Heshiiskii uu Ingiriisku la galay Odayaasha Somaliland.
Sannadkii 1825-kii ayaa markab la odhan jiray Mari Anne lagu weeraray meel u dhow magaalada Berbera. Waxaana dab la sudhay markabkii kuwii saarnaa waxa laga dhigay wax la dhintay iyo wax dhaawac ah. Ka dib waxa dhacday inuu ingiriisku dalbado heshiis lala galo beesha Habar Awal gaar ahaan Nuux Ismaaciil oo wakhtigaasi gacanta ku hayey magaalada Berbera.
Taasina waxay keentay inay beesha Habar Awal bixiso mag-dhaw dhan 64 Ginni oo lacagta ingiriiska ah. Ka dib la galo heshiiskii ugu horeeyey sannadkii 1827-kii. Waxa kale oo dhacdadaasi ku xigtay weerarkii loo geystay sahamiye Richard F. Burton oo isku magaacabay ( Sh. Cabdalla) balse gaal ahaa iyo saaxibadii oo qaarkood si xun loo dhaawacay sannadkii 1856-kii. Markii ay labadan dhacdo qabsadeen ingiriiska ayey khasab ku noqotay inuu heshiis la galo odayaasha Somaliland. Waxaana qoraal kooban ku sheegay wakiilkii ingiriiska inay khasab tahay heshiis lala galo beelaha Somaliland, oo ah gaar ah ku adag dhaqanka iyo diinta. Mudadii u dhexaysay 1884-kii ilaa 1886-kii ayuu dhacay heshiisyadii ingiriiska iyo odayaashii beelaha Somaliland.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan.Calicoomay@hotmail.com
Tixraacyo:
Taariikhda xeebaha soomaalida.............. Prof. Yuusuf Baane
The Arab and Somalis............................. Xuseen A. Khayre
Hadimadii Gumaysiga.............................C/Qaadir Aroma

Muuqal Ciidanka Boolisku ka Duubeen Haween Khamri...

$
0
0

Ciidanka Booliska ayaa Habeen iyo maalin heegan ugu jira sidii ay gacanta ugu dhigilahaayeen Dadka Khamriga dalka soo galiyeHargeysa(Waaheen) Muqaal laga soo duubay Haween khamri xambaarsanaa sida ka muuqatay muuqalka la soo dhigay Baraha Bulshadu ku kulanto ee Facebook ayaa dood kululi ka dhalatay hanaankii loo duubay muqaalkaasi oo dad badan ka cadheysiiyey.
Haweenkan oo sida muuqalka ka muuqatay ka koobnaa Afar haween ah ayaa sida Booliskii soo qabtay muuqalkaasi ku sheegen in ay soo qabteen iyaga oo saran Baska iskaga kala goosha Hargeysa iyo Jawaale ee Barri iyo galbeed la yidhaahdo.
Muuqalkan oo u muuqda mid mobile lagu duubay ayaa isla markana Ciidankaasi qabtay haweenku ka duubeen, arrinta dooda keentay ayaa ahayd waxa muuqalkaasi ka muuqda haweenkaasi oo Bilaa masaro ah isla markana ciidanka ka duubayey Filimku ay ku leeyihiin hadalo bulshadu diiday oo ay ka mid tahay in ay xaafada Daami ee Hargeysa ka yimaadeen, iyada oo u muuqatay in xaafadaasi eeda saarayaan.
Mid ka mid ah muuqaladaasi baraha bulshada la soo dhigay ee Facebook oo Wargeyska Waaheen soo xiganayo ayaa waxa faalooyin ka bixiyey in ka badan labba kun oo qof halka ay dawadeen dad ka badan toddoba kun oo qof Isaga oo muqaalkaasi muddo kooban ku jiray, dadka badankooda ayaa booliska ku dhaliilay hanaanka ay u soo bandhigeen oo ahayd in aan loo bahan in muuqalkaasi facebookyada iyo Youtubyada la soo dhigo, kuna haboonayd in muuqalkaasi meelaha cadeynta looga bahan yahay sidda maxkamdaha uun loo daayo, inkasta dadkaasi ay booliska ku aamanayeen qabashada qorshayasha cusub ee la doonayo in dalka lagu soo galiyo Khamriga in ay ku mahad san yihiin balse dadku waxay soo jeediyeen in madama wax la qabtay haween ahayeen in loo daayo haweenka Booliska si ay u baadhan madama dumarku cawro yihiin.
Ciidanka booliska Somaliland ayaa habeen iyo maalin heegan ugu jira siddii ay gacanta ugu dhigilahaayeen cid kasta iyo farsamo kasta oo la damco in khamriga Somaliland lagu soo galiyo, waxaanay farsamada haweenkani adeegsanayeen ay ahayd mid layaab noqotay iyada oo mid walba cagado khamri ku jiran xambarsanay sidda ciidankaasi qabtay sheegen.

Wasiirka Arrimaha Dibada oo Sheegay in Ay...

$
0
0

Warka Suldan Wabar wuu jira, laakiin sababta uu u yimid, ciida ka danbeysa iyo wuxu doonayo meel lagu cadeyey anigu ma ogi
Itoobiya Bad malaha laakiin in ay ka warwarto wax kasta oo saameynaya Marinadeedu waa mid warwarkeeda leh
Hargeysa (Waaheen) Wasiirka wasaarada Arrimaha dibada Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in dawlada itoobiya walaac ka qabto Saldhiga Milatari ee xukumada Somaliland siisay dawalada Imaaradka carabta.
Wasiir sacad waxa kale oo uu ka hadlay wararka sheegaya in Suldaan Wabar dib uu maleeshiyo beeled uga qoranayo xududka Somaliland iyo Itoobiya.
Wasiir Sacad oo wax laga waydiiyey walaac dawlada Itoobiya ay ka qabto in saldhig milatari imaaradku ku yeesho berbera waxa uu yidhi. "Kolay labbada waddan waa waddamo aynu saaxiib nahay, Saldhigyo Milatarina warwarkoodana way leeyihiin, Manfacoodana way leeyihiin, Somaliland waxa u yaalla waa sidii labadoodaba aynu u ilaashan lahayn, Itoobiya waa waddan bada ka xidhan, waxaanay isticmaalana Dekeda jabuuti oo kali ah, qorshuhuna waxa weeyan in ta Berbera isticmaalan, marka in Itoobiya ay ka warwarto wax kasta oo saameynaya maarinada ay la leeyihiin baddaha waa waajib"Ayuu yidhi.
Sacad Cali Shire waxa kale oo uu ka hadlay warar sheegaya in Suldan Wabar uu dib fidmo uga abaabulayo xuduudka u dhexeya Somaliland iyo Itoobiya halkaas oo uu maleeshiyo beelled ku urursanayo waxanu yidhi. "warkaasi wuu jira, laakiin sababta uu u yimid, ciida ka danbeysa iyo wuxu doonayo meel lagu cadeyey anigu ma ogi, marka hore ayaanu uga hadalnay ma ogolin cid ka soo horjeedda itoobiya oo Somaliland soo gasha, iyaguna waa sidaasi oo kale heshiisna waaynu kala dhiganay, marka waxaan jecel lahay in cid walba ay fuulindoonto heshiiskasi"Ayuu yidhi

Doorashada Guddoomiye Ku Xigeenada Oo Bilaabatay,...

$
0
0

Doorashada guddoomiye ku xigeenada 1 aad iyo 2 aad ee golaha shacabka ayaa ka bilaabatay xarunta golaha ee magaalada Muqdisho, kulanka, ayaa waxaa shir guddoominaya xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ah guddoomiyaha KMG ah.
Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka golaha shacabka xilhibaan Dr C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in doorashada labada guddoomiye ku xigeen hal ay la wada dooran doona taa oo micinaheedu yahay in xildhibaanka labo warqadood loo dhiibi doono si waqtiga looga faa'ideysto.
Iyadoo labo santuuq lagu kala ridi doono isla markaana warqadaha labada guddoomiye ay midab ahaan kala duwan yihiin.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka oo maanta la...

$
0
0

Muqdisho (SONNA) Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dooranaya Guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo Labaad ee golaha shacabka Soomaaliya, xili shalay ay doorteen Guddoomiyaha Baarlamaanka. Xilka Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa u taagan ilaa iyo Lix Xildhibaan, iyadoo guddoomiye ku xigeenka Labaadna ay u taaganyihiin ilaa iyo 10-Mudane. Guddiga Qaban qaabada Doorashada [...]

Doorashada guddoomiye ku-xigeennada baarlamaanka Soomaaliya oo billaabatay

$
0
0

Waxaa goor dhow xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ka bilaabatay Doorashada Guddoomiye Ku xigeenada baarlamaanka Soomaaliya.


Mareykanka oo Qirtay Dilka 33 Shacab Afghanistan Ah

$
0
0

Howlgal milatari oo sida wada jir ah horraantii bishii November looga fuliyey waqooyiga dalka Afghanistan ayaa waxaa lagu dilay 33 qof oo shacab ah, ayada oo 27 kale lagu dhaawacay sida ay sheegeen milatariga Mareykanka.

Doorashada Guddoomiye ku Xigeenada BF oo Socota

$
0
0

Xarunta baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa maanta ka socota doorashada guddoomiye ku xigeenada baarlamanka Soomaaliya ee kala ah koowaad iyo labaad.

Suuriya oo Israa'iil ku eedeysay Duqeymo Dalkaas ka...

$
0
0

Wararka ayaa sheegaya in garoon ciidan oo ku yaalla duleedka Dimishiq in madaafiic lagu garaacay.

El Salvador oo dilka uu caadi ka yahay oo markii ugu...

$
0
0

Dalka ay aafeeyeen burcadda ee bartamaha qaaradda Amerika ayaan 24 saacadood aan qofna lagu dilin, sida wararka ay sheegayaan.

Baarlamaanka Nigeria oo taageeray in megelngelyo la...

$
0
0

Madaxweynaha Gambia waxaa la siindoonaa "meel uu ku nabad galo", si loogu qalqaaliyo inuu xilka wareejiyo. Arrintaas waxaa u codeeyay baarlamaanka Nigeria.

Beesha Caalamka oo ka walaacsan khilaafka u dhaxeeya...

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network)--Beesha Caalamka ayaa walaac xoogan ka muujisay murun siyaasadeedka u dhaxeeya Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi.
Saaxiibada Soomaaliya ayaa sheegay in murunkan Siyaasadeed uu sababay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay u codeeyaan in xil ka qaadis lagu sameeyo Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed, balse waxaa arintaasi si cod uga soo horjeestay Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Galmudug, sida lagu xusay bayaankan Beesha Caalamka.
Warsaxaafadeedka Beesha Caalamka ka soo baxay ayaa looga dalbaday Xubanaha Baarlamaanka, Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug, in wax waliba ay ku dhameeyaan wadahadal, si looga fogaado xasilooni darro.
Dhawaan ayee aheyd markii Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed uu ku dhawaaqay Xaalad deg deg ah oo uu ku rogay Degaanada Maamulkaasi, si loo soo celiyo xasiloonida iyo kala dambeynta.

Madaxweyne Shariif Xasan oo lagu eedeeyay musuq maasuq

$
0
0

Baydhabo (Sh M Network)--Xildhibaan Daahir Maxamed Cirro oo ka mid ah Xildhibaanadii Baarlamaanka KMG ahaa oo la hadlayay Idaacada Shabelle ayaa nasiib daro ku tilmaamay in shacabka Koonfur Galbeed ay hogaanka ku aaminaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah shaqsi musuq-maasuq badan sameeyay, sida uu hadalka u dhigay.
Daahir Cirro ayaa sheegay in Madaxweyne Shariif Xasan uu dayacay mas'uuliyadii ka saarneyd Shacabka, isagoo xusay in maamulka Koonfur Galbeed uu ka mid yahay maamulada dhulkooda ay leeyihiin qeyraad aad u fara badan, kaasi oo loo baahan yahay in shacabka looga faa'ideeyo.
Mr. Cirro oo hadalkiisa sii wato ayaa tibaaxay in shacabka Koonfur Galbeed looga baahan yahay in ay hal meel uga soo wada jeestaan maamul xumada Madaxwayne Shariif Xasan
Dhinaca kale, Daahir Ciiro ayaa ku eedeyay Madaxwayne Shariif Xasan in uu lunsaday lacago aad fura badan oo uu magaca dowladda iyo shacabka uu ku soo qaaday, lacagahaas oo uu ku sheegay in ay gaarayeen ku dhawaad hal malyan.
Si kastaba, maalmihii dambe ayaa waxaa jiray dhaliilo xoogan oo loo jeedinayay madaxwaynaha maamulka Koonfur Galbeed, taasi oo la xariirta in uusan xil iska saarin ka shaqaynta howlihii loo igmaday ee la xariirto u shaqaynta shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya.


Aqoonyahan Abshir: Meel ayaa looga dhacay Xoriyatul...

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network)--Aqoonyahan Abshir Maxamed Aadan 70-kii ka soo shaqeeyay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in meel looga dhacay Dimuqradiyadda iyo Xoriyatul qowlka Saxaafada Soomaaliyeed maadaama warbaahinta madaxbanaan loo diiday in ay soo tabiyaan Doorashadii ka dhacdy Xarunta Golaha Shacabka halkaasi oo lagu dooranayay Ku Xigeenada 1-aad iyo 2-aad ee Guddoonka Baarlamaanka.
Khabiir Saxaafadeed Abshir Maxamed Aadan ayaa hoosta ka xariiqay in Madaxda cusub ee Dalka durbaba ay la soo baxeen caburinta Saxaafada madaxabanaan, taasina ay noqoneyso dib u dhaca la gelinayo xiligan, maadaama Warbaahinta Dowladda aysan soo tabinkrin mararka qaarkood xaqiiqooyinka jira, loona baahan yahay warbaahin madaxbanaan.
Shalay ayee aheyd markii inta badan Saxaafada madaxabanaan loo diiday soo tabinta doorashadii ka dhaceysay Xarunta Golaha Shacabka, iyadoo xusid mudan in Saraakiisha iyo Waaxda Warfaafinta ee Baarlamaanka aysan si wanaagsan ula dhaqmin Saxaafada madaxabanaan.

Madasha Hagaanka Qaran oo ka digtay in Xasilooni...

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network)-Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay khadka teleefanka 11-12 January 2017-da. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulankan, ayaa waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Ra'iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Ra'iisal Wasaare Ku Xigeenka, Maxamed Cumar Carte, Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha KoonfurGalbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed iyo Madaxweynaha Hirshabelle, Cali C/laahi Cosoble.
Shirkan ayey madaxda Madashu kaga wada hadleen dhawaqii ka soo yeeray xubno ka mid ah Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.
Madashu iyadoo qiimaynaysa marxaladda uu dalku maanta ku sugan yahay ee dhinaca abaaraha baahsan ee dalka guud ahaan ka jira iyo marxaladda kala guurka ah ee la xiriirta doorashooyinka dalka ka socda, sidoo kalena ahmiyad gaar ah siinaysa xasiloonida guud ee dalka ayey ka digtay talaabo kasta oo dalka guud ahaan ama gaar ahaan maamul gobolleedyada u horseedi karta xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amniba.
Madasha ayaa sheegtay inaan xiligaan la aqbali karin talaabo sharcidarro iyo fowdo huwan oo qalaalaase siyaasadeed ka abuuraya dowlad Gobolleedka Galmudug, waxayna Madashu ku baaqday in la ilaaliyo lana dhawro Dastuurka iyo Habraaca Baarlamaanka Galmudug.
Ugu dambeen Madashu waxay ku baaqday in la texgeliyo daruufaha gaarka ah ee ka jira degaanada Galmudug, sida abaaraha iyo dagaalka lagula jiro Kooxaha Nabad diidka ah.

Baarlamaanka cusub oo laga dalbaday wax ka badalka...

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network)--Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ah Musharax u taagan qabashada Xilka Madaxtinimo ee Dalka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxuu sheegay in loo baahn yahay in Baarlamaanka cusub ay la yimaadaan isbadal lagu faanikaro.
Musharax Tarsan ayaa sheegay in doorashooyinka ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka ay muujisay dabeyl isbadal, taasi oo uu ku tilmaamay wax lagu faanikaro.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay in Xildhibaan da'yarta aysan dooneyn lacago laaluush ah balse, taasi badalkeeda, ay sameeyeen in go'aankooda ay u weeciyaan halka u wanaagsan mustaqbalka Soomaaliya.
Musharax Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxuu shaaca ka qaaday in Guddoonka Baarlamaanka looga baahan yahay waqtiga ay dhaceyso doorashada madaxtinimo ee Dalka, isagoona xusay in laga talageliyo Musharaxiinta.
Ugu dambeyn, Musharax Tarsan ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay keenaan mooshin lagu dalbanayo in lacagta laga qaadayo musharaxiinta %50 lagu taageero Dadka ay halakeeyeen abaaraha ka jira Koonfurta iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Sudan oo wadnaha laga qalay

$
0
0

Madaxweynaha Sudan, Cumar Al-Bashiir, ayaa wadnaha lagaga qalay cusbitaalka wayn ee caasimadda Khartoum.

Sunil Shetty (Balwaan) oo og in Soomaalida ay taageeraan

$
0
0

Aflaanta Hindiga waxaa ay ka mid yihiin kuwa ay aadka ay u daawadaan Soomaalida.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live