Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Mareykanka oo tallaabo u qaaday baabi'inta Obamacare

$
0
0

Aqalka wakiillada ee Mareykanka, oo xisbiga Jamhuuriga uu ku badan yahay, ayaa u codeeyay in la billaabo hannaanka lagu baabi’inaayo caymiska caafimaadka ee Obamacare.


99 Xildhibaan oo Qorshe cajiib ah u midoobay &...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa ka socda isku xirnaansho ay sameynaayan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo u diyaar garoobaya doorashada Madaxweynaha.
Ku dhawaad 100 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay u midoobeen isbadal ku yimaada hogaanka dalka Soomaaliya.
Xildhibanaadaasi waxaa horkacaaya Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo dhawaan looga guuleystay xilka gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.
Xidig, wuxuu sheegay in xildhibaanadaasi ay gabi ahaanba u midoobeen sidii ay xilka kaga tuuri lahaayeen Xasan Sheikh, laakiin si cad uma uusan sheegin.
Wuxuu sheegay in xildhibaanada ay yihiin kuwo isbadal doon ah, ayna ka shaqeyn doonaan sidii hogaanka dalka uu isbadal ugu imaan lahaa.
Waxa uu tilmaamay in shalay ay wada kulmeen Xildhibaanada Isbedel doonka ah, isla markaana maanta ay dib u wada kulmi doonaan si loo sameeyo Guddiyo.
Gudiyada la sameyn doono ayuu Xildhibaan Xiddig sheegay in si sharci ah ay uga shaqeyn doonaan Isbedelka la doonaayo in lagu soo dabaalo dalka.
Baarlamaanka Soomaaliya ayuu sheegay in isbadal uu kasoo bilowday.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Qarax Ciidamo ka tirsan kuwa DF lagula eegtay Ex...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network)-Warar Dheeraad ayaa waxa uu ka soo baxayaa Qarax Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya lagula beegsaday Isgoyska Ex-Kontarool Balcad ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxaa ku geeriyooday illaa 2 qof oo Shacab iyo Ciidmada isugu jiray.
Ciidamada la weeraray ayaa Qaraxa kadib rasaas xoogan furay oo aan la ogeyn waxyeelada ay geysatay.
Waxaana Ciidamadaasi la sheegay in Howlgal kooban ay nawaaxiga meesha wax ka dhaceen ka sameeyeen.
Warar ayaa sheegaya in halka wax ka dhaceen lagu arkay Meydadk 2 Dhalinyaro ah oo la ogeyn waxa ay ahaayeen.
Al Shabaab oo sheegtay Masuuliyadda Qaraxaasi ayaa tilmaamay in khasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen Ciidamada la beegsadeen.

XOG: Isbaheysi Qarsoon oo ka dhex sameysmay BFS iyo...

$
0
0

Isbaheysi xoog leh oo qarsoodi ah ayaa ka dhex sameysmay gudaha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Isbaheysigan ayaan qeyb weyn ku lahaa ololihii doorashada ee lagu doonayay in Guddoomiye Baarlamaan loogu doorto Xildhibaan C/rashiid Xiddig.
Xildhibaanada Dirta Waqooyi ee ka soo jeeda Somaliland ayaa marki ugu horeysay isku xirmay iyadoo in ka badan 30 xildhibaan oo ay hormuud u yihiin Fowsiya Xaaji Aadan iyo xubno kale ay ku xirmeen magaalada Hargeysa oo markii ugu horeysay laga hagayo xaaladda siyaasadda ee ka socota Muqdisho.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa la sheegay inuu si dadban kooxdan geed fadhi ugu noqday iyadoo wakiilo ka socda ay Muqdisho u yimaadaan isla arrimaha doorashda dowladda Soomaaliya.
Maamulaha Shirkadda Dahabshiil ayaa isna qaabilsan maalgelinta Isbaheysiga xildhibaanada Dirta Waqooyi ee Muqdisho oo la sheegay inuu isa Muqdisho u yimid arrimo ay ka mid yihiin ololaha Doorashada Soomaaliya.
Awoodda kooxdan ayaa markiii ugu horeysay laga dareemay Doorasahadii Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyagoo codkooda ku taageeray musharaxa C/rashiid Xiddig wuxuuna ujeedkoodu ahaa haddiiba ay suuragasho in Beesha Daarood ay Guddoomiye Baarlamaan noqoto in jagada raaEU(tm)iisal wasaaraha ay kula loolamaan Beesha Digil & Mirifle.
Siyaasiyiinta musharxiinta ah iyo xildhibaanada ayaa hadda ku baraarugay awoodda kooxdan cusub ee Dirta Waqooyi, waxayna tani noqon doontaa mid ka mida awoodaha qarsoon ee Baarlamaanka cusub ka dhex sameystay oo xisaabta lagu darsan doono ololayaasha Doorashada iyo Mooshinada.

DHAGEYSO: C/rashiid Xiddig oo Hanjabaadii ugu...

$
0
0

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ku guuldareystay hoggaanka baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xilligaan ku dhawaad 100 mudane ay u diyaar garoobeen in isbadel uu ku yimaado hoggaanka Sare ee dalka Xilliga doorashada.
Waxaa uu sheegay in xildhibaanada Soomaaliya ay u baahan yihiin in laga hortago in uusan soo laaban hoggaanka dalka.
Xildhibaan Xidig ayaa sidoo kale sheegay in xildhibaanada Midoobay ay doonayaan in ay doortaan hoggaan cusub marka la gaaro xilliga doorashada.
Xildhibaan Xidig ayaa sidoo kale xusay in Isbadel ku yimaada Madaxda Qaranka uu yahay mid waxtar uleh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Hadalka Xildhibaan Xidig ayaa u muuqda Hanjabaad Culus oo ku socota Madaxweyne Xasan Sheekh oo doonaya inuu dib talada ugu soo laabto

Daawo:- Waayeel ku dayacan Puntland

$
0
0

PUNTLAND POST ayaa soo bandhigaysa xogta labo qof oo waayeel dumar ah oo ku dayacan deegaanka Geed-xagar oo ka tirsan Gobolka Bari ka dib safar shaqo oo ay halkaas u tageen maalmo ka hor wariyaal ka tirsan Warbaahinta PUNTLAND POST.
Aaamino Maxamed Yuusuf (Cade) iyo Khadro Cali Xuseen oo ah labo qof oo waayeel isdhalay ah Islamarkaana labaduba curyaan aan cagaha ku istaagi karin, wuxuu muujinayaa muuqaal ay xogtooda kusoo gudbinayso PUNTLAND POST dayac iyo daryeel xumo lixaad leh oo ay nolosha ka sheeganayaan.
Labadaan qof ee dumarka ayaa haysan cid daryeesha iyo qof ka warqaba toona, waxaana indhahooda buuxiyay Ilmo xilli ay u waramayeen Wariyaasha PUNTLAND POSTHaddaba nala daawo murugo qalbiga dhaawacaysa.
Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Daawo:- Waayeel ku dayacan Puntland appeared first on Puntland Post.

Mourinho Oo Ku Dhago Hadlay Liveprool, Aniga...

$
0
0

Tababare Mourinho ayaa hoosta ka xariiqay in xittaa hal daqiiqo uusan shaki ka qaadin kalsoonida uu isku qabo ka tababare ahaan ka dib biloowgii liitay ee uu xili ciyaareedkaan kula soo muuqday kooxda Man United .
Jose ayaa ku guuleystay in kooxsdaas ku hogaamiyo 9 guul oo isku xigta waana talaabo wacan ka dib biloowgii liitay ee ay ku biloowdeen
Ka hor kulanka axadda ee Liverpool tababre Jose ayaa yiri aEU hal habeen shaki iskama gillin awoodeyda macalinnimo waana wax aan waligeey samyn jiray oo xittaa haddii xaaladda cakiran tahay waxaan ahay shaqsi ku kalsoon in uu ka bixi karoaEU.
aEU Waxaan laba sano ka hor qaaday horyaalka Ingiiriiska ,ma ihi macalin 20 sano ka hor horyaalkaas ugu dambeysay sidaa darteed wax culeys ah madareemin biloowgii liitay ee Unitedee xilli ciyaareedkaanaEU.
aEU Waan garanayaa heerka awoodeyda iyo ujeedooyinkeyga , waxaan jira riyooyin badan oo aan weli bartilmaameysanayo waayo waxaan ahay tababare da`yar ,ma aqriyo wargeysyada mana daawado Tv-yada balse xanta la igu dhaleeceeyo waa ay isoo gaartaa base dhag jalaq uma siinayo aEUoe. ayuu sii raaciyay Jose Mourinho

Warbixin : Ka Hor Kulanka Liverpool Iyo United , Xog...

$
0
0

Labada koox ee ugu koobabka badan wadanka England ee Manchester United iyo Liverpool ayaa ku balansan garoonka old Trafford ee magaalada Manchester kulan Ka tirsan koobka horyaalka Wadanka England.
Labadan Koox ee Liverpool iyo Manchester United kana wada dhisan waqooyi galbeedka England ayay Ka dhexaysaa cadaawad soo jireen ahi Waxayna United Axada garoonkeeda Old Trafford ku soo dhawayn doontaa Reds.Taariikh yar oo ku saabsan kulamada Liverpool iyo Man United:-
Labadan koox ee Liverpool iyo Manchester United ayaa kulmay kulankoodii ugu horeeyey 28 April 1894 kulan ka tirsanaa Football league waxaana ay 2-0 guushu ku raacday kooxda Liverpool oo ay ku garaacday kooxda Man United oo wakhtigaa wadatay magaca (Newthon Heath ).
Labadan koox ee ku xafiiltama taariikhda iyo koobabka wadanka England ayaa kulmay 197 kulan inta taariikhda kubada cagta la ogyahay.
Kooxda Liverpool ayaa badisay 65 kulan halka ay kooxda kale ee Manchester United guulaysatay 79 kulan Walow ay barbaro galeen 53 jeer.
Kooxda reer Merseyside ee Liverpool ayaa haysata darajada guusha ugu goolasha badan Hal kulan waxaana ay kooxda ay xafiiltamaan ee Man United ay ku xaaqday 7-1 kulan dhacay 12 October 1895 waana guusha ugu Weyn ee ay Reds ka gaadhay cadawgeeda Man United.
Kooxda Manchester United ayaa iska leh xiddiga ugu safashada badan kulamada labada koox waxaana hogaaminaya (Ryan Giggis ) Oo saftay 48 kulan Oo labada koox dhexmaray halka ay kooxda Liverpool haysato xiddiga ugu goolasha badan taariikhda kulamada labadan koox waxaana 9 gool ku hogaaminaya kabtankii hore ee Reds (Steven Gerrard).
Kulamada labadan koox dhexmara ayaa lala barbardhigaa kulamo badan oo dunida Ka caana sida El Classico oo Spain laga ciyaaro,Derby della madonnina oo ah kulan italia Iaga daawado iyo super Elclassico Oo Ka dhaca qaarada koonfur America.
Xamaasada iyo xafiiltanka Ka dhexeeya Liverpool iyo Manchester United ayaa Ka awood badan Xafiiltanka marka ay la ciyaarayan kooxaha ay magaalooyinka wadaagaan sida Derby Manchester iyo Derby merseyside Oo Ka Mida kulamada ugu xamaasada badan cariga England.Koobabka Labada Koox
Sida dadka oo dhami ay ogyihin Liverpool wax horyaal ah kuma ay guulaysan tan iyo sanadkii 1990 markaa oo laga joogo 27 sano ,sidaa oo ay tahayna wax farqi badan oo kala duwanaansho ahi xaga horyaalka uma dhexayso labada koox Walow ay kooxda Manchester United mudadaas ku guulaysatay 13 horyaal hadana ay haysato 20 horyaal halka ay kooxda reer merseyside ay haysato 18 horyaal iyadoona mudo badan Ka qatan caleemo saarka Epl Oo ay sanadkan si dhaba ugu tartamayso.
Marka la isku daro tirada koobabka labada koox ayaa noqonaya 38 horyaal,8 champion league,3 eufa cup,4 eufa super cup,19 FA cup,12 league cup,1 Fifa club World Cup.1 intercontinental cup iyo 36 community shield.inkasta Oo ay yihiin kooxaha ugu koobabka badan gudaha England hadana Liverpool ayaa haysata tirada ugu badan ee koobabka Yurub halka Man United haysato tirada horyaalka ugu badan gudaha England.
Hadii aan kala saarno koobabka labada koox, kooxda Liverpool Ayaa haysata 18 horyaal,7 FA cup,8 league cup (EFL ),15 community shield iyo 1 super cup,kooxda Reds Ayaa haysata (49 koob ) Oo ah kuwa laga ciyaaro gudaha England halka kooxda Manchester United ay haysato 57 koob Oo laga ciyaaro Isla gudaha England Oo Kala ah 20 horyaal,12 FA cup,4 leageu cup iyo 21 community shield.
Hadii Aan markale u jeesano koobabka Ka baxsan gudaha England,kooxda Liverpool ayaa ah kooxda ugu badan ee ku guulaysatay koobabka ugu badan ee ay kooxaha reer England ka soo ciyaareen qaarada Yurub waxaana Liverpool qasnadaheeda lagu hubaa inay ugu jiraan 5 Champion league,3 Europe leage iyo 3 eufa super cup ah waxaana hogaanka ku haysaa 11 koob Oo European ah halka ay kooxda Manchester United ku guulaysatay kaliya 5 koob Oo. European ah Oo Kala ah 3 champion league,1 eufa super cup iyo 1 European cup winners.
Waxaana Weli sii socda xafiiltanka labada koox ee Ku guulaysiga koobabka Ka baxsan England iyo Yurub, waxaana ay kooxda Man United dhigeeda Liverpool ku garaacday koobabka Ka baxsan Yurub iyo gudaha England iyadoona laba jeer ku soo guulaysatay 1 Fifa club World Cup iyo 1 intercontinental cup ah halka aanay Liverpool weligood ku guulaysan koobab caalami ah Oo Ka baxsan Yurub iyo England.
Dhamaan isku darka koobabka labada koox Ayaa ah 124 koob Oo Kala duwan waxaana ay kooxda Liverpool ku guulaysatay koobab dhan 60 koob halka ay kooxda reer great Manchester Ay ku guulaysatay 64 koobWaxaa Isku Soo Duway Abu Nawal Abdiqadan


Madaxweyne Guuleed oo Xilkii Ka Qaaday wasiirka...

$
0
0

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa xilkii loogu qaaday Wasiirkii Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Galmudug Mudane Jaamac Xasan Salaad, Waxa uuna xilkaas u magacaabay Mudane Maxamed Xayir Nuur.
Madaxweynaha ayaa wasiirka ku eedeeyay xil gudasho la'aan iyo in uusan soo xaadirin kulamada ay yeeshaan Golaha Wasiirada dowladda Goboleedka Galmudug.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya In wasiirka xilka loogu qaaday hadal uu sheegay oo ahaa in ay dhacday Xukuumaduu hogaaminayay Madaxweyne C/kariin Xuseen Guulleed oo kalsoonida ay kala laabteen xildhibaanada Galmudug.
PUNTLAND POST
The post Madaxweyne Guuleed oo Xilkii Ka Qaaday wasiirka arimaha Gudaha Ee Maamulkaasi appeared first on Puntland Post.

Daawo Fadeexo:- Xildhibaanadii Xilka ka qaaday C...

$
0
0

Ciidamada maamulka Galmudug ayaa Weerar kusoo qaaday Hool ay ku Shirayeen Xildhibanaadii dhowaan Xilka ka qaaday Madaxwaynaha maamulka Galmudug C.kariim Xuseen Guuleed, Waxaana Madasha ka dhacay Buuq iyadoo ay gudaha usoo galeen Qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamadu.HALKAN KA DAAWO VIDEO
Xildhibaanada oo intaasi kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay Wado Sharci ah Xilka uga Qaadeen Madaxwaynaha Galmudug, Waxa la isku Haystana ay tahay Sharciga, Sidoo kale waxay ka Jawaab Celiyeen Hadalkii kasoo yeedhay Xubnaha Madasha iyo Beesha Caalamka.
"Qoryo ma wadano, Dhib kale ma Wadno, Warqad ayaanu Kula Xisaab tamaynaa, Dadkii Naftayada Badbaadiyey waanu u mahad Celinaynaa, Sharciga hadii laga Tago Cadaado waan ka tagayaa." Ayay tidhi mid kamid ah Xildhibaanadu.

Sawiro:Qunsuliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Cadan...

$
0
0

Qunsuliyada Guud ee Caden oo oo sii ambaqaadaysa dadaaladeeda ku aadanaa badbaadinta qaxootiga Soomaaliyeed ee wali ku xaniban dalka yemen oo ay wali ka socdaan dagaalo sokeeye tan iyo horaantii 2015 , ayaa ku guulaysatay in iyada oo kaashanaysa hayadda Qaxootiga Qaranka Soomaaliyeed ' IOM iyo Hay'ada Malik Salmaan in diyaarad looga soo qaadi doono magaalada caden qaxooti gaaraya 152 qofood oo isugu jira qoysas wata caruur , dad waawayn iyo bukaan , lana soogaarsiin doono magaalada Muqdisho maalinta Talaadada oo ku beegan 17Janayo 2017. Kuwaas oo ku xanibnaa magaalada Caden mudo dheer. Qoxootigan lakenayo magaalada muqdisho ayaa badankoodu ka soo jeedaan gobolada koofureed ee soomaaliya . Waana qaybtii 2aad oo laga soo qaado cadan oo lasoogaarsiiyo Soomaaliya , horaantii Nov 2016 ayey ahayd markii dooni ay soo kiraysay IOM ay ka sooqaaday magaalada Caden qaxooti gaaraya 180 qoys lana soo gaarsiiyey dekeda Berbera. Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya cadan mudane Axmed Cabdi Xassan Axmed Suudaan ayaa si gaar ah uga mahad celiyey dhinacyadii ka qayb qaatay suurto galinta barnaamijka lagu samata bixinayo qaxootiga soomaaliyeed ee wali ku xaniban dalka yemen una baahan in loo fidiyo gurmad badbaadin, isagoo sheegay inay jsii wadi doonaan dadaalada loogu celinayo qaxooti [...]

Scores of refugees missing after boat sinks off Libya

$
0
0

Nearly 100 people are missing after a boat packed with refugees and migrants sank off the Libyan coast, killing at least eight, according to the Italian coastguard.
Search operations continued after nightfall in poor weather and sea conditions, officials said on Saturday.
"The bodies of eight people have been recovered. Four people have been saved, and they say 107 migrants were onboard the boat," the coastguard's press office said.
A French warship, patrolling under the European Union's Frontex border operation, picked up the survivors and two merchant ships were heading for the area, located about 50km north of the Libyan coast.
A Frontex jet and an Italian naval helicopter also joined the search and rescue operation.
On Friday, around 550 refugees and migrants were picked up from four inflatable dinghies by Italian coastguard vessels, an Italian naval ship, an NGO boat and a merchant vessel.
In recent years, Italy has been on the front line of refugees and migrants arriving across the Mediterranean Sea and has been pushing for agreements with governments in North Africa to facilitate returns.
People smugglers have exploited the chaos in Libya since the 2011 ouster of leader Muammar Gaddafi to traffic refugees and migrants in boats to Italy 300km away.
According to the Italian interior ministry, over 180,000 refugees and migrants landed in Italy last year, an annual record.
The United Nations has said more than 5,000 people died in 2016 trying to cross the Mediterranean, most of them on the Libya-Italy route.
In another incident, the bodies of six people were found washed up on beaches near Algeciras, the port on the southern tip of Spain near Gibraltar, the Spanish sea rescue service said on Saturday.
The six were all men, apparently from sub-Saharan Africa.
More than 361,000 refugees and migrants reached European shores by boat last year, according to the UN's refigee agency.
In 2015, more than a million people fleeing war and economic devastation made the same journey.Source: News agencies

Weeraro kala duwan oo ka dhacay Gobolka Shabeelaha...

$
0
0

Marka ( Sh.M.Network)-Guddoomiyaha Deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose Abuukar Cabdullaahi Isaaq Al Cadaala ayaa ka warbixiyay Qarax miino oo lagu aasay Saldhiga Ciidamada Amniga deegaanka Leego ku leeyihiin.
Waxaana Guddoomiyuhu qiray in Qaraxaasi uu geystay khasaaro Nafeed iyo bur bur hantiyadeed isugu jirtay.
Qaraxaasi Miino ayaa waxaa ku dhaawacmay qaar ka mid ah Ciidamada Ammaanka deegaanka Leego oo uu ku jiro Taliyaha Ammaanka deegaankaasi.
Sidoo kale Taliyaha ayaa xusay in uu jiro bur bur baaxad leh oo Qaraxaasi ka soo gaaray dhismayaal ku yaalla nawaaxiga Saldhiga deegaanka Leego.
Dhanka kale Ciidamada Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weeraray deegaan lagu Magacaabo Yaaq Doomaar oo u dhow isla deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Deegaankaasi la weeraray ayaa waxaa ku sugan dagaalamayaasha Xarakada Al Shabaab.
Mana cadda khasaaraha labada dhinac ay isugu geysteen dagaal ka dhashay oo ka dhacay deegaankaasi Yaaq Domaar.

AMISOM Commander meets UK Ambassador

$
0
0

The Force Commander of the African Union Mission in Somalia Lt Gen Soubagleh met with the new UK ambassador to Somalia David Concar in Mogadishu on Saturday.
Lt General Soubagleh has briefed the UK's ambassador to Somalia on the ongoing fight against Al Shabaab in Somalia, according to statement posted on Twitter by David Concar.
"The role of AMISOM troops in the peace of Somalia remained vital as the AU forces continue pursuing Al shabaab in the rural areas after defeating them in fight," Soubagleh said.
The UK government is helping Somali government in the battle against Al shabaab and state-building process as the horn of Africa country is expected to elect next Govt this month.

Wiil uu dhalay sarkaal ka tirsan ururka al-Shabaab...

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Weerar ka dhacay xabsi ku yaalla degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan waxaa lugu dilay wiil uu dhalay sarkaal sare oo ka tirsan ururka al-Shabaab ee gobolka,sida laga soo xigtay dadka deegaanka.
Dilka ka dhacay xabsiga degmada Maxaas,waxaa fuliyay nin ka careysna walaalkii oo ururka al-Shabaab ay ku dileen degaanka Moqokori oo ay kooxda maamullan.
Deegaanka Moqokori,waxaa al-Shabaab guddoomiye uga ah Aabaha dhalay wiilka lugu toogtay xabsiga degmada Maxaas,kaaso qaab aarsi ah u dhintay.
Maamulka deegaanka ayaa ka gaabsaday faah faahin inay ka bixiyaan dilka ka dhacay xabsiga degmada Maxaas oo ay ku xiran-yihiin tiro ka mid ah ururka al-Shabaab.
Gobolka Hiiraan ayaa deegaanno ka tirsan waxaa wali maamulla ururka al-Shabaab.
__RBC Radio


Dhallinyaro Soomaali ah oo ku dhibaateysan Talyaani...

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Ku dhawaaday 130 dhallinyaro Soomaali ah ayaa dhibaatooyin waxaa ay ku heystan gudaha dalka Talyaaniga,waxaa kalo jira kuwo geeryooday,sida ay sheegen qaarkood oo warbaahinta la hadlay.
Dhallinyaradan wuxuu dab ka qabsaday hoygii ay deganayeen oo markii hore ahaa mid bililiqo ah oo ay jabiyeen xubno ka tirsan mucaaradka dowladda Talyaaniga oo dhallinyarada gacan-siinayay.
Dabka qabsaday guriga ay dhallinyarada degnayeen waxaa ku dhintay mid ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed oo la sheegay naqaska inuu ku dhagay,markuu doontay warqado u dhaxyaallay guriga.
Banaan-baxyo cabasho ah ayay dhallinyarada dhigeen,sida uu sheegay Cabdicaziiz Cabdullaahi Abtidoon oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyed dalka Talyaaniga.
Inta ay socdeen isku soo baxyada ay dhallinyarada dhigayeen oo ka dhacay magaalada Firenze ee dalka Talyaaniga waxaa ay isku dhaceen booliska oo isku dayay inay joojiyaan banaan-baxyada ay dhallinyarada ku dalbanayeen inay helaan goob ay ku aasan wiil dhallinyaro ah oo dabka qabsaday guriga ay deganaayeen ee dabka uu qabsaday.
Markii dambe waxaa dhallinyarada oo isagu jirta rag iyo dumar la dejiyay garoon kor ka dedan oo kubadda koleyga lagu ciyaaro,balse waxaa la sheegay dhallinyarada inay wali ku dhibtoonayaan sidii ay u aasi lahaayeen wiil dhallinyaro ah oo uga dhintay hoyga dabka uu qabsaday.
Dhibaatooyinka ay la kulmayaan dadka Soomaalida ah ee qabka tahriibka ah ku galaya waddamada Yurub ayaa muddooyinkii dambe korartay,waxaana kordhay tirada muhaajiriinta ee tagaya qaaradda Yurub.
__RBC Radio

500 oo qaxooti oo lugu soo celinayo Soomaaliya

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga waxaa ay sheegtay in dib loogu soo celinayo Soomaaliya Isniinta berri ah 500 oo qaxooti,sida lugu sheegay warbixin hay'adda ka soo baxday.
Qaxaatigan waxaa laga soo celinaya xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya,iyadoo badankood la dejin doono deegaannada ay dalbadaan, waxayna qeyb ka yihiin heshiiskii seddex geesoodka ahaa ee dhexmaray dowladda Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR.
Mas'uuliyin u hadlayay hay'adda UNHCR ayaa sheegay in dadkaasi laga soo celinayo xeryaha Dhadhaab inay u dhameystiran yihiin adeegyada ay doonayaan oo caafimaadka uu ugu horreeyo.
Hay'adda ayaa sheegtay in tan iyo sanadkii 2014 gudaha Soomaaliya lagu soo celiyay qaxooti gaaraya 39,316 ruux, kuwaasi oo dhamaantood laga soo celiyay xerada Dhadhaab.
Ugu dambeyntii,heshiiskii seddex geesoodka ayaa ayaa dhigayay inaan qasab lagu soo celin qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.
__RBC Radio

Maamulka Degmada Xudur oo codsaday in la gargaaro...

$
0
0

Maamulka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa ka dalbaday Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Ha'aydaha Dowliga iyo maxaliggaba leh in ay gargaar lasoo gaaraan Dadka ku dhibaateysan deeganada Gobolka Bakool. Gudoomiyaha Degmada Xudur Mudane Maxamed Macalin ayaa sheegay dhibaatada ay abaaraha u geesteen deegaanada hoos yimaado magaalada Xudur in ay ka tan weynyihiin tabarta Maamulka waxa uuna xusay waxa kaliya ay ka galaan in ay tahay in ay soo bandhigaan dhibaatada abaaraha. Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa sii raaciyey in dadka abaaraha hareeyen aysan heysan biyo baadna warkiisa daa waxa uu xusay in ay u baahanyihiin in loo sameeyo biyo dhaamin isla markaan lala soo gaaro gargaar xoog leh .

Dooni degtay iyo dadkii saarnaa oo la la'yahay

$
0
0

Ku dhawaad 100 qof oo muhaajiriin ah ayaa lagu la'yahay gudaha badda Mediterranean-ka kaddib markii doonidii siday ay ku degtay meel ka baxsan xeebaha Liibiya.

Daawo:- Faarax Macalin oo kashifey sir u qarsooneed...

$
0
0

Guddoomiye ku-xigeenkii Hore ee Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin ayaa hadal dheer oo si qarsoodi ah looga duubey waxaa uuku sheegay arrimo badan oo gobolka Waqooyi beri iyo Soomaaliya ah ku saabsan, Sidoo kalana Warbaahinta Kenya ayaa ku Xidhiidhisay Muuqaalo kale oo horey looga duubay Faarax Macalin.HALKAN KA DAAWO VIDEO
Faarax Macallim oo hadlaya waxaa sheegayaa in Kenya aaney u gelin Soomaaliya wax aan ka aheyn in ay ka leedahay dano gaar ah iyo kheyraadka dalkaasi ee dabiiciga ah, Wuxuuna sidoo kale ka hadlayaa Qorshaha la doonayo in Soomaaliya Meesha looga saaro.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live