Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Maayirkiii Laascaanod oo Xilkii laga qadday

0
0

Moshinkan xilka laga qadday maayirkii hore ayaa wax gobjoog ah ahaa maamulka Gobolka SoolLaascaanood (Waaheen)- Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa Maanta kalfadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen waxay xilkii ka qaadeen maayarkii degmada Laascaanood Cismaan Saleebaan Jaamac, waxaana ay doorteen maayar cusub oo lagu magacaabo Cabdicasiis Xusseen Taar-wade.
Kalfadhigan maayarka xilka lagaga qaaday ayaa waxa goob joog ka ahaa badhasaabka gobolka Sool iyo taliye ku xigeenka qaybta booliska gobolka Sool.
Sidoo kale kalfadhigan waxaa soo xaadirey 19 xildhibaan.


UNSOM accused of embezzling Funds meant for Media

0
0

The United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) has been accused of embezzling Funds intended to help the media houses cover the ongoing elections in the country.
A reliable sources told Radio Shabelles's Mogadishu station that UNSOM has contracted a Kenyan media company named CAT to work on the Somali election coverage.

Mid ka mid ah ganacsatada ugu caansan Muqdisho oo...

0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Kooxo hubeysan ayaa goordhow magaalada Muqdisho ku khaarijiyay Ganacsade Caan ah oo inta badan laga garanayo magaalada Muqdisho.
Kooxdani ayaa dilka Ganacsadaha ka dhex fuliyay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana dilka kadib halkaasi ka baxsaday Kooxihii dilka geystay.
Ganacsadaha la khaarijiyay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cismaan Aadan Qalab Xoor oo ka mid ahaa Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha, kana dhashay reerka caanka ka ah Muqdisho ee Qalab Xoor.
Cismaan Aadan Qalab Xoor ayaa sidoo kale billowgii toddobaadkii tagay ka badbaaday Qarax loogu xiray Gaarigiisa, waxaana xigtay in goor dhow lagu dilo toogasho.
Arrintan ayaa muujineysa in Cusmaan Aadan Qalab Xoor muddo ay ugaarsaneysay kooxda dilka gaystay oo weli aan la aqoon cidda ay yihiin.
Hay'adaha amaanka dowladda Soomaaliya wali kama aysan hadal dilka ganacsadaha, mana jirto cid ilaa iyo iminka loo qabtay dilkaasi.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Madaxweynaha oo ka Qaybgalay Aas Qaran oo loo...

0
0


Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka qaybgalay aas qaran oo loo sameeyey Allaah ha u naxariistee marxuum Maxamuud Axmed Xirsi (Dhool-dahable) oo ka mid ahaa odayaasha waxgaradka ah ee dalka, kaas oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa gelinkii dambe ee maalintii Jimcaha.
Waxa kaloo aaska marxuumka ka qaybgalay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada), madax-dhaqameed, siyaasiyiin, culimo iyo dadweyne aad u badan.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu Jannatul-fardawsa ka waraabiyo, ehelka, qaraabada iyo qaranka Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo, isagoo ku tilmaamay marxuum Maxamuud Dhool-dahable shaqsi wanaagsan oo door weyn ka qaatay nabadaynta iyo dib-u-dhiska dalka Somaliland.
"Geeridu waa xaq, waxa aynu nahay addoomo Ilaahay, dhammaanteenba waynu geeriyoonaynaa, waxa aynu maanta joognaa aaskii walaalkeen marxuum Maxamuud Axmed Xirsi (Dhool-dahable), Ilaahay (SWT) ha u naxariisto. Walaalkeen Maxamuud geerida ku timmi waxaannu ka tacsiyadaynaynaa qoyska, qaraabada, ehelka iyo dhammaan qaranka Somaliland, waa nin weyn oo qarankan ka baxay, waa nin ku suntan halgankii, nabadayntii iyo dib-u-dhiskii dalkan, Maxamuud waxa uu ahaa nin wayn oo culus, waxa uu ahaa garab weyn oo inaga baxay." Sidaana waxa yidhi Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi.
"Marxuum Maxamuud waxa uu ahaa nin caan ku ah mab'da adayg, run, daacadnimo, hawl karnimo dad yaqaan, dhul yaqaan, wuxuu ahaa shaqsiyad aad u qiimo badan oo aan laga faaloon karin si sahlo ah. Marxuunka Maxamuud Dhool-dahable iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmed Siilaanyo saaxiib weyn ahayd ahaayeen. Ilaahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo, isagana ha u naxariisto, inaga cabro ayaa inoogu sugan geeridiisa," ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada.
Somaliland.Org/Hargeysa

Wasiir Cukuse oo Sharaxay faa’iidooyinka Somaliland...

0
0

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa shaaca ka qaaday in ay xukuumad ahaan ka qaybgalayaan shirar caalami ah oo lagaga hadlayo caafimaadka xoolaha nool.
Wasiirka Xannaanada Xooluhu waxa uu sheegay in hay'adaha caalami ah oo ka shaqeeya caafimaadka xoolaha nooli ay xaqiijiyeen inay bad-qabaan xoolaha Somaliland, isla markaana xukuumaddu caddaymahaasi ku soo bandhigayso laba shir oo ku saabsan xoolaha oo ka kala dhacaya dalalka Uganda iyo Imaaraadka Carabta.
Md. Cabdillaahi Cukuse oo waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyey telefishanka Qaranka ee dawladdu maamusho shalay, waxaannu isagoo arrintaasi ka hadlayey uu yidhi, "Waxa jira hay'ado caalami ah oo ay ka mid yihiin UBER iyo OIE waxay la socdaan xogta caafimaadka xoolaha dunida oo dhan, markaa bil bil ayey ula socdeen caafimaadka xoolaheenna, annagu markaa waxaannu waydiisannay inay inoo soo xaqiijiyaan caafimaadka xoolaheenna, waanay xaqiijiyeen oo markhaati-furkiina way noo soo direen oo waxay soo caddeeyeen inay markhaati ka yihiin in xoolaheennu caafimaad qabaan.
Waxa kaloo jira dadaal kale oo aannu ku jirno oo ah shirar in la qabto, kuwaas oo guusha kama dambaysta ahi ka soo bixi doonto, waxa ka mid ah shir aannu iminka tagayno (shalay) oo ka dhacaya Uganda oo hay'ado badan oo FOA, UBER iyo ururro kale oo caalami ah oo fara badani imanayaan, markaa ururradaasi ayaanu doonaynaa inay nagala qaybqaataan xoojinta shir caalami ah oo lagu qaban doono Imaaraadka marka dambe, kaas oo dawladaha aynu xoolaha u dhoofinno oo dhami ka soo qaybgali doonaan in innagoo markhaati-furkeenna wadana aynu shirkaasi tagno."
Dhinaca kale, Wasiir Cabdillaahi Cukuse waxa uu faahfaahin ka bixiyey faa'iidooyinka ugu jira Somaliland heshiis ay Imaaraadka Carabta kula gasho saldhig Millatari oo ay ka doonayaan dalka Imaaraadka Carabta, "In aynu bixinno saldhig Millatari oo aynu sida dawladda Jabuuti oo maanta intaas oo saldhigyo millatari dawladeed ay ku yaalaan, faa'iido ay ku qabaan mooyee khasaarena kuma qabaan, markaa innagana maxaa inoo diidaya? Abaal baynu ku qabnaa oo waxaynu Ilaahay maalin walba baryeynaa in la ina aqoonsado, in dalkeenna cid uuni timaado oo aqoonsigaasi uu Ilaahay inoogu ilhaamiyo, maxaynu innagu soo kordhinayaan? Way innala degayaan oo dalka ayey maalgashanayaan, way inna deganayaan oo waddooyinka, shaqo la'aanta, dhaqaalaha, wax beerashada, Kalluun la soo bixidda iyo shidaal soo saaridda ayey innagala qayb qaadanayaan, amnigeenna ayey innagala shaqaynayaan. Markaa innagu marka dawladda Imaaraadku timaado Alxamdullilaahi baynu leenahay, dawladaha kale ee adduunka iyagana miyeynaan meel u helayn, maxaa lala buuqayaa dalkeenna marka aynu cid heshiis la galnaba ee loo odhanayaa waxba yeynaa la galin heshiis, iyadoo laga ranayo faa'iidada laga helayo," ayuu yidhi Cukuse.
Waxa kaloo uu xusay in xukuumadda Somaliland ka sakow waxqabadka ay ka samaysay dalka ay ku guulaysatay in dalal iyo dawlado shisheeye aaminaan maalgashi ay ku sameeyeen sida heshiiska DP World ee casriyeynta dekedda Berbera, shirkadaha baadhaya shidaalka iyo kuwo kale.
"Anigu waxaan la yaabbanahay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, doorashadii waxyar baaba ka hadhaye haddii dekedda Berbera oo arrinkeedu Maasha Allaah yahay la galo tartanka miyey ka rajo dhigeen in ay nimcadaa iyagu xukumi doonaan? Mise waxay ka tahay uun yaan xaggan iyo xaggaa midna loo ciirsanin ee dalka iyo dadkuba ha isku bes-beelaan," ayuu hadalkiisa ku soo gunnaanaday Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse).
Somaliland.Org/Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland oo Wasaarada Caddaaladda ka...

0
0


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/WM/222-4481/012017 uu Wasaaradda Cadaaladda kaga wareejiyey Maamulka Shaqaalaha iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose, Kaaliyayaasha, Gaadhsiiyayaasha iyo Adeegayayaasha ka hawl gala Maxkamadaha Hoose ee Dalka kuna wareejiyey Maxkamadda Sare ee JSL, Maamulka iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose ee Dalka. magaca Wasaraaduna uu noqon-doono "Wasaarada Cadaaladda JSL", sida uu dhigayo Qodobka 106aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.
Wareegtada Madaxweynaha JSL:
Ku: Wasiirka Wasaaradda Cadaalada
Ku: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda
Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
Og: Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda
Og: Xubnaha Guddida Cadaaladda
Og: Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada
Ujeeddo: Wareegto Madaxwayne Wareejinta Maamulka iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose
!!
Mudanayaal iyo Marwo,
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobbada 37aad, 97aad, 99aad, 106aad, 107aad iyo 108aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerka Nidaamka Garsoorka Xeer Lr. 24/2003;
Markaan Arkay: Qodobka 97aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo dhigaya in Waaxda Garsoorku ay hawlaheeda u fuliso si waafaqsan Dastuurka, iyada oo ka madax-bannaan Waaxaha kale ee Qaranka;
Markaan Arkay: Qoraalka summadiisu tahay MS/GMS/G-7/69/2016 ee ku taariikhaysan 27/01/2016, ujeeddadiisuna ahayd codsi ka soo wareejin Wasaaradda Cadaaladda Maamulka iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose, qoraalkaas oo ka soo baxay Xafiiska Guddida Cadaaladda 27/01/2016;
Markaan Arkay: Qoraalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL ee summadiisu tahay MS/GMJ/G-18/27/2016, ee ku taariikhaysan 21/02/2016, ujeeddadiisuna ahayd in lagu soo wareejiyo Maxkamadda Sare ee JSL Maamulka iyo Miisaniyada Maxkamadaha Hoose;
Markaan Ogaaday: In Wasaaradda Cadaaladdu ay Miisaniyadda Maxkamadaha Hoose ku maamuleysey Digreeto Madaxweyne Lr. 47/1996 kaas oo ka horreeyay Dhaqan-gelkii Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qoraalka Garyaqaanka Guud ee Qaranka ee summadiisu tahay TIX/XGGQ/X/H/138/2016, kuna taariikhaysan 20/12/2016, ujeeddadiisuna ahayd Talo-bixin Sharci ee Maamulka Maaliyadda Maxkamadaha Hoose ee Dalka;
Markaan Tix-geliyey: Qoraalka ka soo baxay dhammaanaba Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Rafcaanada Gobollada Dalka, kuwaas oo ku caddeeyey qoraalaadaasi tabasho ay ka qabaan Maamulka iyo Miisaniyadda Maxkmadaha Hoose ee ay Wasaaradda Cadaaladdu gacanta ku hayso;
Waxaan soo saaray;
1. In laga bilaabo Sannad Miisaaniyadeedka 2017-ka, waxaa Wasaaradda Cadaaladda laga soo wareejiyey Maamulka iyo Miisanayada Maxkamadaha Hoose ee Dalka.
2. In lagu wareejiyo Maxkamadda Sare ee JSL Maamulka iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose ee Dalka, si loo kala madax bannaaneeyo Waaxaha Qaranka, sida ay dhigayaan Qodobka 37aad, Faqraddiisa 2aad iyo Qodobka 97aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
3. In Kaaliyayaasha, Gaadhsiiyayaasha iyo Adeegayayaasha ka hawl gala Maxkamadaha Hoose ee Dalka, la hoos geeyo Maxkamadda Sare, nidaamka shaqaalayntoodana iyada oo loo raacayo Qodobka 108aad, Faqraddiisa 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerka Nidaamka Garsoorka ee Xeer Lr. 24/2003.
4. In magaca Wasaraaduna uu noqdo "Wasaarada Cadaaladda JSL", sida uu dhigayo Qodobka 106aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.
Haddaba, waxaan farayaa Wasiirka Wasaarada Cadaaladda in uu si dhamaystiran ugu Wareejiyo Maxkamadda Sare Maamulka Shaqaalaha iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose ee Dalka.
Sidoo kale, waxaan farayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Hay'addaha kale ee ay khusayso in ay dhaqan geliyaan Wareegtadan, isla markaana ay ka gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Muran Ka Dhex Jira Masuuliyiinta Wakaalada Biyaha Burco

0
0


Hargeysa(Waaheen) Mareeyaha Wakalada Biyaha Burco Ayaa Shaqadi Ka Joojiyay Agaasimaha Shaqada Iyo Shaqalaha Wakalada Biyaha Burco Axmed Aadan Xaaji Maxamed Oo La Sheegay Inuu Mareeyuhu Uu shalay Xilka Kaga Qaaday Saababo La Xidhiidha Inay Isku Deegaanyihiin Hogaamiyaha Xisbiga Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Mareeyaha Wakalada Biyaha Burco Ayaa Mudooyinki Udanbeeyay Ku Kacay Falal La Xidhiidha Inuu Shakhsiyaad Ka Tirsan Xisbiga Wadani Uu Ka Joojiyay Isla Markaana Ka Jaray Biyii Ku Jiray Gurigiisa Ee Ay Gacanta Ku Haysay Waakalada Biyaha Burco,
Masuulkan U Mareeyaha Wakalada Biyaha Burco Uu Ka Qaaday Xilka Ayaa La Sheegay Inuu La Xidhiidhinayo Inay Isku Deegaan Yihiin Hogaamiyaha Xisbiga Mucaradka Ee Wadani
Sida U warbaahint au U Xaqiijiyay Cabdifataax Bashiir Oo Ka Mida Aqoonyahanka Gobolka Togdheer Kana Warhayaha Wakalada Biyaha Burco

Madaxweyne Siilaanyo oo Baalasha ka Rifay Wasaaradii...

0
0

Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/WM/222-4481/012017 uu Wasaaradda Cadaaladda kaga wareejiyey Maamulka Shaqaalaha iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose, Kaaliyayaasha, Gaadhsiiyayaasha iyo Adeegayayaasha ka hawl gala Maxkamadaha Hoose ee Dalka kuna wareejiyey Maxkamadda Sare ee JSL, Maamulka iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose ee Dalka. magaca Wasaraaduna uu noqon-doono "Wasaarada Cadaaladda JSL", sida uu dhigayo Qodobka 106aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.Wareegtada Madaxweynaha JSL:
Ku: Wasiirka Wasaaradda Cadaalada
Ku: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL ahna uddoomiyaha Guddida Cadaaladda
Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
Og: Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda
Og: Xubnaha Guddida Cadaaladda
Og: Wasiirka
Wasaaradda Madaxtooyada
Ujeeddo: Wareegto Madaxwayne Wareejinta Maamulka iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose
Mudanayaal iyo Marwo,
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobbada 37aad, 97aad, 99aad, 106aad, 107aad iyo 108aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerka Nidaamka Garsoorka Xeer Lr. 24/2003;
Markaan Arkay: Qodobka 97aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo dhigaya in Waaxda Garsoorku ay hawlaheeda u fuliso si waafaqsan Dastuurka, iyada oo ka madax-bannaan Waaxaha kale ee Qaranka;
Markaan Arkay: Qoraalka summadiisu tahay MS/GMS/G-7/69/2016 ee ku taariikhaysan 27/01/2016, ujeeddadiisuna ahayd codsi ka soo wareejin Wasaaradda Cadaaladda Maamulka iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose, qoraalkaas oo ka soo baxay Xafiiska Guddida Cadaaladda 27/01/2016;
Markaan Arkay: Qoraalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL ee summadiisu tahay MS/GMJ/G-18/27/2016, ee ku taariikhaysan 21/02/2016, ujeeddadiisuna ahayd in lagu soo wareejiyo Maxkamadda Sare ee JSL Maamulka iyo Miisaniyada Maxkamadaha Hoose;
Markaan Ogaaday: In Wasaaradda Cadaaladdu ay Miisaniyadda Maxkamadaha Hoose ku maamuleysey Digreeto Madaxweyne Lr. 47/1996 kaas oo ka horreeyay Dhaqan-gelkii Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qoraalka Garyaqaanka Guud ee Qaranka ee summadiisu tahay TIX/XGGQ/X/H/138/2016, kuna taariikhaysan 20/12/2016, ujeeddadiisuna ahayd Talo-bixin Sharci ee Maamulka Maaliyadda Maxkamadaha Hoose ee Dalka;
Markaan Tix-geliyey:Qoraalka ka soo baxay dhammaanaba Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Rafcaanada Gobollada Dalka, kuwaas oo ku caddeeyey qoraalaadaasi tabasho ay ka qabaan Maamulka iyo Miisaniyadda Maxkmadaha Hoose ee ay Wasaaradda Cadaaladdu gacanta ku hayso;
Waxaan soo saaray;
1. In laga bilaabo Sannad Miisaaniyadeedka 2017-ka, waxaa Wasaaradda Cadaaladda laga soo wareejiyey Maamulka iyo Miisanayada Maxkamadaha Hoose ee Dalka.
2. In lagu wareejiyo Maxkamadda Sare ee JSL Maamulka iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose ee Dalka, si loo kala madax bannaaneeyo Waaxaha Qaranka, sida ay dhigayaan Qodobka 37aad, Faqraddiisa 2aad iyo Qodobka 97aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
3. In Kaaliyayaasha, Gaadhsiiyayaasha iyo Adeegayayaasha ka hawl gala Maxkamadaha Hoose ee Dalka, la hoos geeyo Maxkamadda Sare, nidaamka shaqaalayntoodana iyada oo loo raacayo Qodobka 108aad, Faqraddiisa 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerka Nidaamka Garsoorka ee Xeer Lr. 24/2003.
4. In magaca Wasaraaduna uu noqdo "Wasaarada Cadaaladda JSL", sida uu dhigayo Qodobka 106aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.
Haddaba, waxaan farayaa Wasiirka Wasaarada Cadaaladda in uu si dhamaystiran ugu Wareejiyo Maxkamadda Sare Maamulka Shaqaalaha iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose ee Dalka.
Sidoo kale, waxaan farayaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Hay'addaha kale ee ay khusayso in ay dhaqan geliyaan Wareegtadan, isla markaana ay ka gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL


UNSOM oo lagu eedeeyay in ay lunsatay dhaqaalo loogu...

0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Xafiiska Warfaafinta ee UNSOM oo Musuq maasuqay Dhaqaalaha loogu talo galay Tabinta Doorashooyinka Soomaliya.
Xog lagu kalsoonyahay oo aan helnay ayaa sheegeysa in uu fashilmay Qorshe uu Xafiiska Warfaafinta ee UNSOM ku musuq maasuqay dhaqaale Qaramada Midoobay u qoondaysay in lagu fududeeyo tabinta hawlaha Doorashooyinka.
Xogta ayaa sheegaysa in Gabadha Madaxda ka ah Xafiiskaas oo lagu magacaabo Cassandra Nelson iyo nin ay Sxb yihiin oo lagu magacaabo John Hutchings oo madax ka ah IST ay heshiis qarsoodi ah la galeen Shirkad Kenyan ah oo lagu magacaabo CAT team taas oo ka shaqaysa hawlaha tabinta iyagoo kula heshiiyay in ay saxiixaan heshiis ku kacaya labo boqol oo kun balse ay qaataan afartan kun oo Doolar.
Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo aan arinkan waxba kala socon ayaa mar danbe ku baraarugtay, kadibna waxaa Wasaaraddu waydiisatay UNSOM in ay cadayso Sababta loo bixiyay qandaraas aanay ka war hayn Wasaaradda isla markaana shaqo ay maalin kasta qabtaan Telefishinada Soomaalida ay usiiyeen Shirkad Ajnabi ah hase ahaatee UNSOM weey diiday in ay ka jawaabto weeydiinta.
Wasaaradda ayaa dhankeeda diiday in ay Dalka soo gasho Shirkadda Kenyanka ah iyadoo aan fasax ka helin Wasaaradda taas oo keentay in ay shirkadaasi Imaanweyso., wasaaradda oo isticmaalaysa Tv-ga Qaranka ee SNTV ayaa ufududaysay dhamaan Qalabka Warbaahinta in ay si dhamaystiran u baahiyaan doorashada.
Xafiiska baarlamaanka oo hugaaminayay hawlaha Doorashada ayaa isku dayay in uu arinta xalliyo balse Kooxda Qaabilsan Warfaafinta UNSOM oo ku adkaystay in shaqadaan ay qabanayaan Shirkadda Kenyanka ah, balse ku dhamaatay in laga maarmo Ajaanib maadaama ay tahay Shaqo ay ku filan yihiin Soomaali badan.
Arintaan ayaa xadgudub ku ah Dawladnimada Soomaaliya iyo Mas'uuliyadda UNSOM oo u taagan in ay ku taageerto Dawladda Soomaaliya wixii ay uga baahato, waxeey kaloo muujinaysaa heerka u gaarsiisan yahay Musaqa Kooxda Warfaafinta ee UNSOM ,iyadoo sharci ahaan aanay banaanayn in shaqo ay qaban karaan dad muwaadiniin ah la siiyo ajaaniib,sidoo kale waxaa la yaab ah in UNSOM aanay soo bandhigin wax tartan ah oo ku saabsan shaqadaan isla markaana aan wax talo ah laga siin Wasaaradda Warfaafinta Iyo Xafiiska Baarlamaanka taas oo ah qalad wayn oo laga galay Qarannimada Soomaaliya.

Warqad-Furan. Somaliland Hu’ga waxbarasho ee Hablaha...

0
0

Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham.
Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Maxamuud "Siilaanyo" Og: Wasiirka Waxbarashada Somaliland, mudane Cabdilaahi Ibraahim Habbane.
Barqo-kulul san, mudana Madaxweyne,waa amminta aan dhambaalkan qoraye, wanaagsan goor kasta oo uu qoraalku ku soo gaadho. Mudane madaxweyne waxa aan u kuur-galay in hablaha dugsiyada Somaliland wax ka barta ay dhib weyni ka haysato hu'ga madow ee labbiska waxbarashada u ah oo qorraxda soo jiita!
Goorta la dejinayo hu'tacliineed si joogto ah loo lsticmaalayo, isla markaa, arday faro-weyn taabanaya noloshooda, wuxu mudan yahay, in loo saaro guddi ay gadhwadeen u yihiin, xeel-dheerayaasha cilmiga deegaanka; si ay u sii odorasi karaan, is-beddellada ay suuro-galka tahay in dhawaan deegaan ahaan ay u yimaaddaan. Sidoo kale, Iyana waxa lama huraan ah in lagu jaan-gooyo barta dalku adduunka ka dhaco.
Dalkeennu waa Jasiirad-u-yaal inta badan dhirtu ku yar tahay, wuxu u dhow yahay dariiqa dhul badhaha adduunka, waa dhul inta badan oomane ah, kulkiisuna sarreeyo. Qorraxdu qummaati ayay ugu soo dhacdaa, magaalooyinkana waxa ku badan baabuurta iyo dadka, intaas oo arrimood oo is biirsaday ba caqabad bay ku yihiin, xidhashada hu'tacliineedka madaw ee gabadhaha dugsiyada Somaliland wax ku bartaa xidhaan. Waa na tan sababta aan u leeyahay markii la doorayay midabka madow aad looga ma baaraan-degin; Midab ahaan baa loo qaatay, ee cilmi ahaan looma qaadan oo dhinacyo badan laga ma eegin.
Mudane madaxweyne waxa aan si naxariisi ku jirto kaaga codsanayaa in aad arrintaa hoos u eegto oo aad dareento kulka ay dareemayaan hablaha yaryar ee qorraxda kulul hoos jooga ee haddana dharka madow xidhan; intaa na ay u dheer tahay in badan koodu aanay wax gaadiid ah helin ee ay cagahooda maalaan milic kulaylka.
Abbaarta iyo gun-gaadhka qoraalkaygan; "Munaasib kuma aha hablaha labbiska madoobi, sababo dhinaca deegaanka ah darteed." Cabidnaasir Axmed Abraham.

Al Shabab oo lagala wareegay deegaanno hoostaga...

0
0

Baladxaawo ( Sh.M.Network)-Cismaan Nuux Xaaji Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Gedo oo Shabelle u warramayay ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada Maamulka Gobolka Gedo iyo kuwa Kenya ay u suura gashay in ay la wareegaan gacan ku heynta deeganano shalay ay kula dagaalameen Al Shabaab.
Meelaha lala wareegay ee Guddoomiye ku xigeenka shaaca ka qaaday ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Nusdariiq ee u dhexeeya degmooyinka Baladxaawo iyo Ceelwaaq ee Gobolka Gedo iyo Tuulooyin ku dhow dhow.
Goobahaasi ay Ciidamada huwantu gaareen ayaa shalay dagaal culus oo u dhexeeyay iyaga iyo Al Shabaab ku dhexmaray halkaas.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo ayaa hoosta ka xariiqay in ay wadaan baaritaanno xoogan oo ammaanka meelaha ay tageen lagu xaqiijuinayo, isagoo carabka ku dhuftay in hub ay ku qabsadeen deegaanada ay gaareen.
Ma jiro wax hadal ah oo Al Shabaab ay ka soo saareen dagaalkaasi la sheegay in loogala wareegay gacan ku heynta deegaanno hoostaga Gobolka Gedo oo ay iyagu horay uga arriminayeen.

Baarlamaanka Turkiga oo taageeray in awoodo dheeraad ah la siiyo Erdogan

0
0

Baarlamaanka Turkiga ayaa si hordhac ah u meelmariyay dastuur cusub oo awoodo dheeraad ah siin doona madaxwayne Recep Tayyip Erdogan.

Diyaarad kuwa Xamuulka ah oo ku Burburtay Dalka...

0
0

Diyaarad nooca xamuulka qaada ah oo ku wajahneed garoonka Mans ee dalka Kazaqistan ayaa gabi ahaanba bur-burtay iyada oo ugu yaraan ay ku dhinteen 20 ruux oo saarnaa kuwaa oo intooda badan daganaa halka ay diyaarada ku burburtay xili ay isku dayeysay in ay degto.
Maamulka Garoonka ayaa sheegay in diyaaradu caga dhigan rabtay balse ay joogsan weysay taa oo ka sooo socdaashay magaalada Istanbul kuna sii wajahneed magaalada Hong-hong ee dalka shiinaha.
Burburka diyaardan ayaa sidoo kale saameeyay dhismaha ugu yaraan 15 guri sida uu sheegay gudoomiyaha maareynta masiibooyinka iyaga oo xusay Haween iyo caruur in ay u badnaayeen dadka qaasarahan uu soo gaaray oo kor u dhaafay dhowr iyo 20 ruux.PUNTLAND POST
The post Diyaarad kuwa Xamuulka ah oo ku Burburtay Dalka Kazaqistan appeared first on Puntland Post.

Natiijada doorashada xubnaha aqalka sare ee matalaya...

0
0

Muqdisho (Caasimada online)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya lagu qabtay doorashada xubnaha aqalka sare u matalaya Somaliland.
Doorashadaasi oo xiiso gaar ah la heyd ayaa waxaa ugu xiiso badnaa kursiga koowaad oo ay ku tartamayeen dad siyaasada Soomaaliya muddo kusoo dhex jiray.
Waxaana ugu dambeyn kusoo baxay kursiga beelaha kasoo jeeda gobolka Awdal Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo muddo kusoo dhex jiray xukuumadihii ugu dambeeyay.
Ayuub Ismaaciil ayaa helay 39 cod, waxaana uu ka sara maray musharixiintii kale ee la tartameysay.
Sidoo kale waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada labo kursi oo matalaya gobolada Somaliland.
Labo kursi oo kale ayaa ka dhiman xubnaha Somaliland u matali doono aqalka sare, waxaana ka taagan kuraastaasi Murun xoogan.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Askari ka badbaaday weerarkii Ceel-cadde oo sanad...

0
0

Muqdisho (RBC Radio) Kenya waxaa lugu qabtay munaasabad lugu maamusay weerarkii al-Shabaab ay ku qaaden saldhigga ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Cee-lcade ee gobolka Gedo,weerarka muddo sanad ah ayaa ka soo waregtay.
Munaasabadda waxaa ka qayb-galay 400 oo qoys oo u badnaa qoysaska askartii ku dhimatay weerarka Ceel-cadde.
Tan iyo markuu dhacay weerarka lama heyn tiro sax ah oo muujinaysa askarta Kenya weerarka ugu dhimatay,laakin sarkaal ciidamada weerarka ka badbaday ayaa ka hadlay dhimashada uu ogyahay.
Wuxuu caddeeyay 173 askari weerarka in lugu dilay,waxaa kalo al-Shabaab ay nolasha ku qabteen 13 askari,sida uu sheegay.
Al-Shabaab ayaa fuliyay weerarka,iyagoo marka sheegay labo boqol oo askari inay dileen.
Waxaase weerar ka dhacay Ceel-cadde sanadkii hore loo arka midkii ugu khasaaraha badan ama dhimashada ugu badan ay ka soo gaartay ciidamada Kenya oo qayb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.
__RBC Radio


Maxaabiis Guantanamo Bay laga sii daayay oo Cumaan gaaray

0
0

Dawladda Cumaan ayaa sheegtay in ay dalkeeda soo gaareen 10 maxbuus oo laga soo daayay xabsiga millatariga Maraykanka ee Guantanamo Bay.

32 Qof oo ku Dhintay Diyaard ku Burburtay Kyrgyzstan

0
0

32 qof oo ay caruur ku jireen ayaa geeriyootay kadib marki diyaarad kuwa xamuulka qaada ah oo laga leeyahay dalka Turkiga ay aroornimadi hore ee maanta ku bur burtay meel u dhaw garoonka diyaaraha caalamiga ah ee ugu weyn dalka Kyrgyzstan.

Oman oo Lagu Wareejiyey Maxaabiis Guantanamo ku Jiray

0
0

Dowladda Oman ayaa maanta sheegtay inay milatariga Mareykanka ka aqbashay 10 maxaabiis ah oo ku jiray xabsiga Guantanamo Bay ee Cuba.
Magacyada iyo dhalashada maxaabiistan ayaan weli la shaacin.

Sideed qof oo la dhaqaale ah 3.6 bilyan oo qof

0
0

Sideeda qof ee ugu taajirsan dunida ayaa haysta dhaqaale la mid ah midka ay haystaan 3.6 bilyan oo qof oo ah kala bar dadka ugu saboolsan dunida, sida lagu sheegay warbixin ay shaacisay hay'adda Oxfam.

Kyrgyzstan: Diyaarad xamuul ayaa ku dhacday guryo

0
0

Diyaarad xamuul oo uu Turkiga leeyahay oo ka soo duushay Hong Kong ayaa ku dhacday meel u dhow Bishkek, iyadoo dishay ugu yaraan 37.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live