Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Booliska Turkiga oo qabtay nin lagu eedeeyay weerarkii Istanbul

$
0
0

Booliska dalka Turkiga ayaa sheegay in ay qabteen ninka lagu tuhunsan yahay in uu ka dambeeyey weerarkii lagu qaaday goob lagu caweeyo oo ku taala magaalada Istaanbuul, weerarkaasi oo dhacay billowgii sanadkan.


Burundi oo ciidankeeda kala baxaysa Soomaaliya

$
0
0

Madaxtooyada Burundi ayaa si rasmi ah uga codsatay wasaaradaheeda difaaca iyo arrimaha dibedda, in ay billaabaan hannaanka ay ciidanka dalkaasi uga baxayaan AMISOM, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Ninkii ugu dambeeyay ee dayaxa ku socda oo geeriyooday

$
0
0

Cir bixiyeen Gene Cernan oo u dhashay Maraykanka, ahna qofkii ugu dambeeyay ee cag dhiga daxaya, ayaa geeriyooday asagoo 82 jir ah.

Faransiiska: Yurub uma baahna talooyinka Trump

$
0
0

Madaxweynaha dalka Faransiiska Francois Hollande ayaa ku gacanseyray hadal ka soo yearay Donald Trump oo dhaliil u soo jeediyay siyaasadaha dalka Jarmalka ee ku aadan soogalootiga.

Ninka Lagu Tuhmayo Weerarkii Istanbul oo la Qabtay

$
0
0

Ra’iisul wasaaraha Turkiga Binali Yildirim ayaa xaqiijiyey in ay ciidamada amniga xireen ninkii la sheegayinuu ka danbeeyey weerarki habeenki curashada sanadkan 2017-ka lagu qaaday goob lagu caweeyo oo ku taalla magaalada Istanbul, halkaas oo ay ku dhinteen 39 qof.

Ra'iisalwasaaraha UK Theresa May ayaa diiday xubinimo aan buuxin ee Midowga Yurub

$
0
0

Theresa May ayaa maanta hadli doonta ka bixitaanka Midowga Yurub iyadoo sheegi doonta in " UK aysan ogolaanayn xubinimada Midowga Yurub oo aan buuxin"

Amisom oo ka Hadashay Shil ay ku Lug Yeesheen Ciidankooda

$
0
0

Ciidamada Amisom ayaa sheegay inay ka qoomameynayaan shil uu ku lug yeeshay mid ka mid ah baabuurtooda oo ay ku dhinteen dad shacab ah, waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Xisbiyada Somaliland oo Isku Raacay in Doorashada Dib Loo Dhigo

$
0
0

Xisbiyada siyaasadda Somaliland ayaa maanta go'aan ku gaadhay in doorashada madaxtooyada dib loo dhigo muddo lix bilood ah, waxaanay go'aankan u gudbiyeen guddida doorashada.


QM oo ka dayrisay abaarta Soomaaliya

$
0
0

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xaaladda abaarta Soomaaliya ay meel xun marayso, ka dib markii ay curan waayeen roobabkii gu’ga iyo deyrta ee la filayay sanadkii tegay.

Wasiirro iska casilay xukuumadda Gambia

$
0
0

Ugu yaraan saddex wasiir oo ka tirsan xukuumadda Gambia ayaa iscasilay, waxaana ka mid ah wasiirka arrimaha dibedda Neneh Macdouall-Gaye.

Dhakhtar Soomaali ah oo ka Shaqeeya Afghanistan

$
0
0

Dr. Ciise Cabdi Jaamac, waa dhakhtar Soomaali ah oo ku sugan gobolka Helmand ee dalka Afghanistan, wuxuuna lixdii sano ee ugu dambeeyey ka soo shaqaynayey goobo badan oo colaado ka socdeen sida dalka Yemen oo kale.

Warbixin ku Saabsan Kufsi ka Dhacay Goldogob

$
0
0

Maamulka, culumada iyo ehellada laba gabdhood oo fal kufsi ah lagula kacay degmada Goldogob ee maamulka Puntland ayaa la tacaalaya inay xal ka gaaraan arrinkaan.

QM oo $864 Milyan u Dalabtay Gargaarka Somalia

$
0
0

Hay’adaha bani’aadminimada ee Soomaaliya ayaa raadinaya $864 million oo dollar oo ay gaadhsiiyaan 3.9 million oo qof oo u baahan badbaadin iyo gargaar bani’aadminimo, gudaha dalka Soomaaliya.

Galdogob: Caro ka dhalatay gabar la kufsaday

$
0
0

Waxaa maalmahan baraha bulshada qabsaday oo dadku ay aad u hadal hayeen kufsi la sheegay in lagu la kacay Gabdh kunool magaalada Galdogob ee dalka Soomaaliya. Olole lacag loogu uruurinaya gabdhahaasi ayaa ka billowday internetka.

Hooyada Mid ka Mid ah Gabdhihi la Kufsadey oo VOA la Hadashey

$
0
0

Shugri Cabdullaahi Sheekh Cabdirixman waa hooyada dhashey mid ka mid ah labada gabdhood ee kufsi iyojirdilba loogu gaystey banaanka magaalada Goldogob ee gobolka Mudug


Milatariga Nigeria oo duqeeyay dad rayid ah

$
0
0

Ciidamada cirka dalka Nigeria ayaa lagu soo waramayaa in ay si khalad ah cirka uga garaaceen xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku taala waqooyiga bari dalkaasi.

Dalxiisayaal ka qaxaya dalka Gambia

$
0
0

Kumanaan qof oo dalxiisayaal ah ayaa laga daad gureynayaa dalka Gambia, halkaasi oo madaxweyne Yaxya Jammeh uu diidan yahay in uu xilka ka dego, waxa uuna dalka geliyay xaalad deg deg ah.

Eedaymihii Faraxumaynta oo Trump ku soo labo kacleeyay

$
0
0

Gabadh horay ugu eedaysay madaxwaynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump in uu isku dayay in uu iyada faro xumeeyo ayaa maxkamad gaysay dacwad ku aadan in uu sumcaddeeda wax u dhimay.

Masar oo ciyaaryahan caan ah ku dartay liiska argagixisada

$
0
0

Dawladda Masar ayaa liiska dadka argagixisada ah ku dartay Maxamed Aboutrika oo ah ciyaar yahan hore oo caan ah.

60 Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Mali

$
0
0

Koox xagjir ah oo xiriir la leh ururka al-Qaida ayaa sheegatay mas,uuliyada weerar isqarxin ah oo Arbacadi shalay lala eegtay xero milatari oo ku taala waqooyiga dalka Mali, halkaas oo ay ku dinteen ugu yaraan 60 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 115 kale.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live