Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Obama oo digniin u jeediyay Trump

$
0
0

Madaxweyne Obama ayaa xalay qabtay shirkiisii jaraa'id ee ugu dambeeyay ka hor inta uusan rasmiyan xilka ku wareejin madaxweynaha la doortay Donald Trump berri oo Jimca ah


UNICEF oo ka dayrisay waxbarashada carruurta reer Suuriya ee Turkiga

$
0
0

Hay'ada carruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa sheegtay in boqolkiiba afartan carruurta reer Suuriya ee Turkiga qaxootiga ku ah aysan haysan waxbarasho.

Xaaladda dalka Gambia oo cakiran

$
0
0

Xaalad cakiran ayaa ka jirta dalka Gambia, waxaana la dhaafay xiligii ay wadamada galbeedka Afrika u qabteen madaxweyne Yahye Jammeh in uu xilka ku wareejiyo.

Xaaladda ganacsiga Soomaalida Kisumu ee dalka Kenya

$
0
0

Soomaali badan ayaa ku ganacsata magaalada Kisumu oo ah magaalada saddexaad ee dalka Kenya, ayaa waxay ku taallaa goob u dhaw xadka dalalka Uganda iyo Tanzania oo xiriir ganacsi oo fiican la leh Kenya.

Turkiga: Baarlamanka oo ka doodaya wax ka bedelidda dastuurka dalka

$
0
0

Baarlamaanka Turkiga ayaa maanta ka yeelanaya dooddii ugu dambaysay in waxa laga beddelo dastuurka oo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan loo siiyo awoodo cusub oo dheeraad ah.

Gebi baraf ah oo dad uu ku dumay ku laayey Talyaaniga

$
0
0

Sarkaal ka tirsan shaqaalaha gurmadka Talyaaniga ayaa sheegay in tiro dad ahi dhinteen ka dib markii gebi baraf ahi ku soo dumay hudheel ay deganaayeen. Waxaana la rumaysanyahay in dhulgariirkii Arbacadii dhacay sababay in gebigaa barafka ahi soo dumay.

USA: Madaxweyne Bush-kii hore oo cusbitaal la dhigay

$
0
0

Madaxweynihii hore ee Maraykanka, George HW Bush iyo xaaskiisa Barbara Bush, ayaa la dhigay cisbitaal ku yaal magaalada Houston ee gobolka Texas, sida uu sheegay af-hayeen u hadlay qoysku.

Barrow oo Lagu Caleemo Saarayo Senegal

$
0
0

Madaxweynaha la doortay ee dalka Gambia Adama Barrow ayaa maanta sheegay in caleemo saarkiisa lagu qaban doono safaaradda Gambia ee dalka deriska la ah ee Senegal, kadib markii hoggaamiyaha muddada dheer hayey talada Yahya Jammeh uu diiday inuu xukunka ka dego.


Gambia: Madaxweynaha cusub oo lagu dhaarinayo Senegal

$
0
0

Madaxweynaha la doortay ee Gambia, Adama Barrow, ayaa sheegay in xafladda lagu dhaarinayaa gelinka dambe ee maanta dhici doonto, laakiin waxay ka dhici doontaa buu yidhi safaaradda Gambia ku leedahay Dakar oo ah xaruta dalka ay olloga yihiin ee Senegal.

Maxaabiis ka baxsatay Xabsiga Magaalada Gaarisa

$
0
0

Lix maxaabiis oo lagu hayay xabsiga saldhiga Booliska ee Gaarisa ayaa baxsaday kadib markii ay ka boodeen darbiga dambe ee xabsiga.Lixda maxaabiis ee baxsaday ayaa kamid ahaa 21 maxaabiis oo ku xidhnaa saldhiga booliska ee magaalada Garissa.
Booliska magaalada Garissa ayaa bilaabay hawlgal balaadhan oo ay ku baadi goobayaan maxaabiista baxsatay.Magacyada maxaabiista baxsatay oo da'adooda lagu sheegay inta udhaxaysa 15 jir ilaa iyo 21 jir ayaa la shaaciyay:-Suleyman MaxamedAnwar Saciid MaxamedMowliid MaxamedCabdi MuuseDida Maxamed iyoAadan CumarPUNTLAND POST
The post Maxaabiis ka baxsatay Xabsiga Magaalada Gaarisa appeared first on Puntland Post.

Dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay Degmada Afgooye &...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal aad u qaraaran ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha kaa oo u dhexeeyay ciidamada Dowlada iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyaadka Al-shabaab ay weerar gaadma ah ku qaaden fariisimo dhowr ah oo ay ku sugnaayen ciidamada Dowlada.
Dagaalka ayaa inta uu socday waxaa leysu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la xaqiijiyay inuu ka dhashay khasaaro kala duwan.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkeen meydad dhowr ah oo labada dhinac ay kala disheen, waxa ayna sheegen in dagaalka Al-shabaab looga dilay ilaa 7 Maleeshiyo, halka dowladana laga dilay 4 Askari.
Maamulka iyo Saraakiisha Degmada ayaan wali ka hadal dagaalka dhowrka saac qaatay, walow dadka deegaanka ay tilmaameen in dagaalka uu ahaa mid jahwareer ku riday maamulka Degmada.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Munaasabad lagu taageerayay guddoonka baarlamanka oo...

$
0
0

Xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Boqortooyada Sucuudiga ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu taageerayay gudoomiyaha baarlamanka Mudane Jawaari iyo ku xigeennadiisa. Munaasabadan ayaa intii ay socotay waxaa laga jeediyay khudbado kala duwan oo dhamaantood lagu muujinayay sida ay jaaliyaddu u taageersanyihiin gudoonka baarlamanka ee dhawaan la doortay. Sidoo kale jaaliyadda ayaa gudoonka baarlamanka ugu hambalyeeysay xilkaasi, iyagoo ku boorriyay iney wax kasta ka hormariyaan mas;axada iyo horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Dhinaca kale Jaaliyaddu waxey ballan qaadday iney gacan ka qeysan doonto dib u dhiska dalka, waxeyna muujiyeen baahida ay u qabaan iney mar uun arkaan dalkeena oo ka baxay burburka islamarkaana hiigsanaya horumarka wadamada kale ee caalamka.

Muxuu Xasan Sheekh ka yiri Gabadhii la faraxumeeyay...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xili danbe ka hadlay falkii kufsiga iyo jirdilka ee loo geystay Gabar da'yar oo kamid ah dadka dega Goldogob.
Xasan Sheekh waxa uu sheegay in maamulka Puntland lagala xisaabtami doono dhalinyarada falkaasi geysatay waxa uuna ka digay in lala baalmaro sharciga.
Xasan Sheekh waxa uu tilmaamay in Puntland ay uga fadhiyaan in dhalinyaradaasi la mariyo waxa uu sharciga Islaamka ka qabo falkaasi, waxa uuna dhankiisa ka ballanqaaday in garab muuqda uu ka geysan dooono xal u helida xaalada ay ku jirto Gabadhaasi.
Isagoo arrinkaasi walaac ka muujinaayo ayuu yiri "Aad iyo aad ayey ii xanuun jisay falkii kufsiga iyo jirdilka ahaa ee ka dhacay Goldogob. Waxaan ku dhiirra-gelinayaa maamul Gobolleedka Puntland in sharciga la marsiiyo kuwii ka dambeeyey kufsiga gabadhaas"
Waxa uu intaa raaciyay "Dowladda Soomaaliya dulqaad uma laha kufsiga iyo cabsi gelinta dumarka oo ah sharafta ummadda Soomaaliyeed, waxaan qirayaa in Dowladu aysan hortaagneyn xukunka dhalinyarada falkaasi ku kacday"
Geesta kale, Xasan Sheekh waxa uu qoyska Gabadha la faraxumeeyay u ballanqaaday caafimaad gudaha iyo mid dibadda ah.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Madxaweynaha cusub ee Gambia oo lugu dhaariyay dalka...

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha dhawaan ku guuleystay doorashadii ka dhacday dalka Gambia ee Adama Barrow ayaa lugu dhaariyay dalka dibadiisa,kaddib markii madaxweynihii hore ee Gambia,Yahye Jammeh uu diiday inuu xilka ka dego kadib markii laga guulaystay.
Munaasabadda dhaarinta ayaa ka dhacday safaaradda dalka Gambia ee ku taalla caasimadda dalka Senegal ee Dakar,wuxuuna ku dhaartay kitaabka qur'aanka oo loo gacan-galiyay.
Hadal uu jeediyay madaxweynaha cusub,wuxuu usoo jeediyay in la taageerro waxa ay doonayaan dadka reer Gambia,isagoo si gaar ah dalkan ugu diray urur goboleedka Galbeedka Afrika, ECOWAS iyo Qaramada Midoobay.
Wuxuu sheegay dalkiisa inuu doonayo horu-socod inuu ku hoggaamiyo oo waxbadan laga badalo nidaamka dalka mudda dheer lugu soo maamullay.
Barrow, wuxuu si gaar ah ula hadlay ciidamada Gambia oo u ku dhiirigaliyay inay joogaan xeradooda, wuxuuna sheegay kuwa aan joogin xerada in loo arki doono mucaarad.
Dhaarinta madaxweynaha cusub ee Gambia ayaa ku soo aadaysa,iyadoo wali uu xukunka isku dhajinayo madaxweynaha laga guuleysay,laakin dalalka galbeedka Afrika ayaa cadaadis ku saaraya inuu xilka baneeyo madaxweynihii hore.
__RBC Radio

Donald Trump oo si rasmi ah madaxweyne u noqonaya...

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha doorashada Marekanka ku guuleystay ee Donald Trump ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegaya,wuxuuna noqonaya madaxweynaha 45-aad ee Mareykanka.
Barak Obama oo ah hoggaamiyihii ugu horreeyay oo madow ah kaaso labo mar doorashada Marekanka ku guuleystay ayaa xilka ku wareejin doona Donald Trump.
Munaasabad lugu caleema-saarayo madaxweynaha cusub oo lugu dhaarinayo ayaa la qabanaya,waxaana lugu wadaa inay ka soo qayb-galaan dad ka badan hal milyan oo ruux,halka malaayiin ruuxna ay ka daawan doonaan shaashaddaha caalamka.
Donald Trump oo xalay hadal ka jeediyay xalfad horu-dhac u ahayd caleema-saarkiisa oo lugu qabtay xarunta Lincoln Memorial ee magaaladan Washington ayaa sheegay wax dareen gaar ah inuusan u heyn haddii cimilada ay caqabado ku noqoto munaasabadaha uu xilka kula wareegayo.
Inta wuxuu ku daray , in caalamka oo dhan uu daawan doono waxa maanta ka dhaci doono Mareykanka.
Caasimada Marekanka ee Washington DC ayaa la filaya roobab khafiif ah iyo jawi qaboow inay gasho,cimilada ayaana laga yaaba inay wax u dhinto munaasabadaha la qabanayo.
__RBC Radio


Xafladda caleema saarka Donald Trump oo maanta ka...

$
0
0

Dalka Mareykanka maanta waxaa ka dhacaysa xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub ee waddankaasi Donald Trump oo ah madaxweynihii 45 aad. Boqolaal kun oo qof oo isugu jira madax iyo dadweyne ayaa ku sii qulqulaya goobta ay ka dhaceyso xaflada caleema saarla madaxweyne Trump. Halkan hoose ka akhriso sida ay u dhaceyso xaflada caleema saarka Donald Trump. Aroornimada saaka Trump wuxu ka qayb geli doonaa duco lagu dhigi doono kaniisadda St John's Episcopal oo u dhaw Aqalka Cad, iyadoo isaga iyo afadiisa Melania ay shaaha aroornimo la cabi doonan madaxweyne Obama iyo marwada koowaad Michelle Obama. Kaddibna labada qoys waxa kolonyo baabuur ah lagu geyn doonaa Capitol. 9:30 subaxnimo (14.:30 GMT) ayaa xafladda caleemo saarku ku bilaabmi doontaa bandhig muusig ah. 1:30 (16:30 GMT) Trump wuxu ku dhaaran doonaa dhaarta dastuuriga ah, waxaana dhaarin doona gudoomiyaha maxkamadda sare Roberts. Kaddibna wuxu jeedin doonaa khudbadiisa caleemo saarka. 3-5 galabnimo (20:00 -22:00 GMT) Trump iyo Pence waxay billaabi doonaan socod 1.5 mayl ah (2.4km) oo ay ku mari doonaan waddada weyn ee Pensnsylvania Avenue halkaas oo dad taageersan iyo kuwo ku mudaharaadayaaba tubnaan doonaan. 7-11 galabnimo (00:00-4:00 SGA) Trump iyo Pence iyo xaasaskooda ayaa ka qayb gali doonaa saddex xafladood oo caleemo saar [...]

Sawirro: Jawaari oo la kulmay Xildhibaanada Labada...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Xildhibaanada Labada Aqal ee dhawaan laga soo kala xulay Caasimadaha Gobolada dalka.
Jawaari ayaa waxaa kulanka ku wehlinaayay Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahin Muudeey, waxa uuna kulanku ahaa mid looga hadlaayay arrimaha Doorashooyinka.
Guddoomiye Jawaari iyo Muudeey ayaa inta ay Xildhibaanada ku howlanaayen Cashada ka dalbaday in lala imaado isbedel dhanka howlaha, waxa ayna usoo jeediyeen in looga baahan yahay inay ka tashtaan doorashada Madaxweynaha badbaadin lahaa dalka.
Jawaari iyo Muudeey waxa ay Xildhibaanada u sheegen in sidoo kale loobaahan in mudada lagu gudajiro Doorashooyinka la muujiyo isku xirnaan iyo in mar waliba laga shaqeeyo maslaxada dalka.
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ayaa halkaasi ka jeediyey khudbado ku aadan xaaladda uu Baarlamaankan ku shaqo bilaabay iyo shaqooyinka ay ka dhowrayaan umadda Soomaaliyeed.
Xildhibaanadu waxa ay khudbadahooda ka turjumeysay baahida loo qabo isbedel ku imaada shaqooyinka Baarlamaanka.

Obama oo saacadihii ugu danbeeyay Cafiyay Bradley...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Mareykanka ee xilka wareejinaaya Obama ayaa Cafis u fidiyay Askariga lagu magacaabo Bradley Manning kaa oo Sirta Qaranka Mareykanka bixiyay.
Bradley Manning, ayaa Sirtaasi bixiyay sanadu marka ay aheyd 2009, waxa uuna la wadaagi jiray Wikileaks, kadib markii loo baahday macluumaad ku aadan Ciidamada Maraykanka iyo Xasuuqii ay ka geysteen dalka Ciraaq.
Bradley Manning, ayaa lagu xakumay Xabsi dhan 35 sano, waxa uuna ka qaatay 7sano oo xiriir ah, halka tirada hartay uu ka cafiyay Madaxweynaha Mareykanka ee xilka wareejinaaya Obama.
Cafiska Askariga lagu magacaabo Bradley Manning, waxa uu ka danbeeyay kadib markii uu ku dhacay xanuunka dhimirka, waxa uuna ku sigtay in muddo laba jeer ah uu is dilo.
Sirta uu bixiyay Mr Bradley Manning, ayaa waxaa qeyb ka aheyd qoraaladii ay isdhaafsan jireen Diblumaasiyiinta Maraykanka ee caalamka ku kala sugan taa oo lagu shaacin jiray Shabakada Wikileaks.
Arrintaasi oo dhalisa xiisado badan maadaama dalal badan ay ogaadeen qoraalada sirta ah oo ay diblumaasiyiinta Marayanka ka diyaariyaan, ayaa markii danbe gaartay heer Maxkamadeed.
Geesta kale, Sarkaalkii ka baxsaday Maraykanka Edward Snowden oo isaguna sirta Maraykanka bixiyey oo hadda ku sugan Ruushka ayaa soo dhaweeyey go'aanka Obama, sidoo kale shabakada Wikileaks ayaa u riyaaqday go'aanka Madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Barack Obama.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Trump oo ballan qaaday inuu dalka mideeyo

$
0
0

Boqolaal kun oo taageerayaal iyo muddaharadeyaal iskugu jira ayaa la filayaa in ay ku soo xoomaan Washingto maanta, si ay u daawadaan dhaarinta Donald Trump loo dhaarinayo madaxtinimada Maraykanka.

Xog shaaca ka qaaday Al-Shabab iyo 6 koox diimeed oo...

$
0
0

Addis-Abaa (Caasimada Online) - Warbixin ay soo saartay xarunta Wada-xaajoodka, Cilmi-Baarista iyo Iskaashiga (Centre for Dialogue, Research and Cooperation (CDRC) ee xarunteedu tahay caasimadda dalka Ethiopia ee Addis-Ababa, ayaa lagu sheegay in xubno Al-Shabaab ah ay ku jiraan baarlamanka cusub ee Soomaaliya
Hay'adda CDRC ayaa waxa ay la shaqeysaa wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia, waxaana guddigeeda agaasinka ku jira wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Ethiopia Seyoum Mesfin.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in curiska baarlamanka cusub iyo shaqsiyaadka qaar ee ku jira ay caqabad ku noqon doonaan siyaasadda Soomaaliya.
Baarlamanka cusub ee Soomaaliya ayaa badankiis waxa uu ka kooban yahay, ayaa lagu yiri warbixinta, siyaasiyiin da' yar oo qurbaha ka yimid, wasiiro hore oo xiriir la leh kooxda Damu-Jadiid, iyo xubno taageera kooxda Al-Shabaab.
Waxay tani abuuri doontaa isbaheysiyo iska soo horjeeda oo ah kuwa calmaaniyiinta iyo kuwa diinta ku adag, xildhibaanada tujaarta ah iyo kuwa aan waxba haysan iyo koox diimeedyada kale sida Salafiyiinta, Suufida, Wahaabiyada, Islaaxa isbeddel doonka ah iyo Damu-Jadiid, iyo kooxda mayalka adag ee Ictisaam., sida lagu sheegay warbixinta CDRC.
Warbixinta hay'addan ayaa dhinaca kale shaaca ka qaaday in xildhibaanada cusub ee Soomaaliya ay kusoo baxeen lacag u dhaxeysa 20,000 (Labaatan kun) illaa 1,000,000 (Hal milyan) oo dollar qofkiiba.
Waxay tani dhalin doontaa, ayey tiri warbixinta, in codadka xildhibaanada ee doroashada madaxweynaha ay gaaraan qiimihii ugu badnaa abid.Warbixinta oo dhameystiran kuna qoran English halkan ka akhrisoCaasimada Online Xafiiska Muqdishocaasimada@live.com

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live