Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Xog: Loolan hoose oo ka dhex socda musharaxiinta...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Murashaxiinta u tartamaya xilka madaxweyne ee Soomaaliya, kuwooda kasoo jeeda beesha reer Puntland ayaa bilaabay loolan dhexdooda ah oo midba ku doonayo inuu noqdo musharaxa kaliya ee ay tahay in la taageero.
Afarta murashax ee kala ah Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke oo kasoo jeeda jufada Cusmaan Maxamuud/Majeerteen, murashax Cali Xaaji Warsame oo jufo hoosaadka reer Mahad ee Cumar Maxamuud, Musharax Siciid Cabdullaahi Deni oo Cusmaan Maxamuud u dhashay iyo C/raxmaan Froole oo Ciise Maxamuud kasoo jeeda heybtiisa ayaa mid walba wuxuu aaminsan yahay inuu yahay murashaxa kaliya ee ku haboon inuu galo tartanka xilka Madaxweyne ee Soomaaliya.
Murashaxa Cali Xaaji Warsame oo ah nin qunyar socod ah, wuxuu isu arkaa inuu yahay shaqsiga kaliya ee xilkaasi qaban kara ama u tartami kara marka la eego murashaxiinta kale, isagoo isku qanciya inuu kasoo jeedo jufada reer Mahad, maadaama Madaxweynihii hore ee DKMG C/llaahi Yuusuf ahaa reer Mahad, cid ka mudan Majeerteenka kalena aysan jirin.
Waxaa sidoo kale loolanka kusoo biiray C/raxmaan Faroole oo isu haysta inuu yahay siyaasiga ugu khibrada dheer uguna waaya-aragsan murashaxiinta kale ee beeshiisa iyo guud ahaan kuwa kale ee beelaha kale.
Saciid Cabdullaahi Deni oo magaciisa dadka Muqdisho ka barteen boorarka murashaxnimadiisa kusoo bandhigay ayaa isagana loolankaan ka barneyn, wuxuuna kuwa kale kaga duwan yahay inuu yahay murashax muuqda oo xiriiro la sameeyay xildhibaanada beelaha kale.
Cumar C/rashiid, oo isna ah ra'iisul wasaarihii xukuumaddii hore oo ololahiisa doorasho dardar ku socdeen maalmihii dambe ayaa sidoo kale doonaya inuu noqdo musharaxa kaliya ee beesha u matalaya loolanka madaxweynaha.
Cumar oo horey u haystay taageerada dhaqaale ee Imaaraatka, balse la sheegay in hadda ay joojiyeen ayaa isagana dhankiisa wada olole uu xildhibaanada beesha kaga dhaadhicinayo inuu mudan yahay in isaga la taageero, maadaama uu yahay siyaasi laba jeer soo noqday ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, xaalada dalkana uu wax badan ka og-yahay.
Puntland waxay ku leedahay baarlamanka Soomaaliya xildhibaani badan oo miisaan yeelan kara, balse haddii ay codadkooda kala qeybiyaan, waxay keeni kartaa in midkoodna afarta musharax uusan meel fog gaarin.
Sidaa darteed waa muhiim inay codka meel isugu geeyaan, kadibna raadsadaan taageerada xildhibaanada beelaha kaliya, si fursad wanaagsan ay u helaan.Caasimada Online Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com


Warbixin: Laaluushka musharaxiinta iyo baahida...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Onlin) - Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda kulamo joogta ah oo u dhexeeya Musharaxiinta Kursi doonka ah iyo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Somalia kuwaa oo ka socda Hoteelada ugu caansan magaalada Muqdisho.
Musharaxiinta Madaxtinima doonka ah ayaa mid waliba xusul duub ugu jira Kasbashada Xildhibaanada Cusub waxa ayna taa sababtay in Musharax waliba uu damco Xildhibaanada u xiran Musharaxiinta kale.
Musharaxiinta oo kala dhaqaale badan ayaa mid waliba adeegsanaaya Dhaqaale iyo ballamo ku xiran guushiisa, taa oo damac gaara ku abuurtay Xildhibaanada Cusub oo aan wali qaadan wax mushaar ah.
Musharaxiinta qaar ayaa Xildhibaanada ku il duufsanaya bixin dhaqaale xoogan si aysan uga tagin, halka qaarna ay xili hore bilaabeen inay bixiyaan dhaqaalaha uu ku iibsanaayo codka.
Xildhibaanada qarkood ayaa la dejiyey hoteelo ay lacagta ay ku degan yihiin bil walba ay bixinayaan musharaxiin, taasi oo ah qeyb ka mid ah sababta musharaxiin badan u doonayaan in deg deg loo qabto doorashada, si qarashka ku socda uu u yaraado.
Xildhibaanada Cusub oo dhaqaalahooda ku bixiyay Ergooyinkii soo doortay ayaa iyaguna iminka ku hanweyn inay dib u hantiyaan dhaqaalaha ka baxay, waxa ayna taa shaki galisay Musharaxiinta oo mid waliba ka feejigan in dhaqaale uu ku bixiyo Xildhibaan aan u codeyn doonin.
Xildhibaanada ayaa iyagu doonaaya in Musharax waliba ay ka qaataan dhaqaale gaara, isla markaana xiliga Codeynta ay Codkooda siiyaan Musharaxa uu taageeraha u yahay waxa ayna taa meesha ka saareysaa in Xildhibaan waliba uu helo Lacagtii uu ku baadi-beeli lahaa.
Sidoo kale, Musharaxiinta ayaa iyaguna wada iibsashada Codadka, balse waxa ay codadka ku iibsanayaan mid gacansaar ah, si aanu u dhicin in Xildhibaankii uu iibsaday uu codka siiyo Musharaxa kale.
Si kastaba ha ahaatee, tani waxa ay mugdi galineysaa in Musharax waliba uu ku fududaado iibsashada codadka Xildhibaanada.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com

Dawladda Gambia 'oo la' 11 milyan oo doolar' ka dib markii uu Jameh dalka isaga baxay

$
0
0

In kabadan 11 milyan oo doolaar oo dawladda Gambia leedahay ayaa la la'yahay ka dib markii uu dalkaas isaga baxay madaxwaynihii muddada dheer xilka hayay Yahya Jammeh, sida uu sheegay lataliyaha madaxwayne Adama Barrow.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo hambalyeeyey...

$
0
0

Muqdisho- 23 January 2017- Madaxweynah Jamhuuriyaddda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Xildhibaanadda Baarlmaanka Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta doortay guddoomiye iyo ku xigeenadiisa koowaad iyo labaad.
Doorashooyinkii Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya ee qabsoomay maanta, waxay muujinayaan sida dadka Soomaaliyeed ay ugu bisilaadeen siyaasadda leh hufnaanta iyo degenaanshiyaha. Waa tallaabo muhiim ah oo sahleysa horumar iyo horu-socod. Hambalyo ayaan leeyahay Guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa koowaad iyo labaad ee la doortayay maanta , waa masuuliyiin khibrad u leh xaaladda Soomaaliya, kartina u leh hoggaaminta, waxaana Allaah uga baryayaa inuu masuuliydaas cusub la garab galo " ayuu yiri Madaxweynaha
Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay musharaxiintii kale ee tartaranka ka qeyb gashay sida kartida dheeraadka ah ee ay u aqbaleen natiijada doorashadii guddoonka Aqalka Sare ee maanta dhacday.
Ugu dambeyntii, Madaxweynah ayaa mahad-celin iyo hambalyo u jeediyey guddoonkii KMG ahaa iyo guddigii doorashada guddoonka Aqalka Sare ee Baarlmaank oo si hufan ugu guuleeystay qabsoomida doorashada.
-Dhammaad-XAFIISKA WARARKA.GAALKACYOSHABAKADDA WARARKAWWW.HOBYONET.COMNAGALA SOO XIRIIR.CMAALIN17@GMAIL.COMHOBYOEDITOR1@GMAIL.COMTELL:25290-7647333/252678647333/252167150440

Kenya oo si rasmi ah u shaacisay inay heshiiska uga...

$
0
0

Nairobi (Caasimada Online) - Inkastoo uu qorshuhu ahaa in 13-kii December 2016 ay Diyaaradaha ka ambabaxa Somalia si toos ah uga degaan Garoomadda Diyaaradaha Wilson iyo Jomo Kenyatta ee magaalladda Nairobi ayaa waxa muuqata inay Dowladda Kenya sii adkeysay Baaritaanadda lagu hayo Diyaaradaha ka ambabaxa Somalia.
Agaasimaha Guud ee Hay'adda Duullimaadka Diyaaradaha Rayidka ee Kenya, Gilbert Kibe ayaa sheegay in ay waajib tahay in Diyaaradaha ka ambabaxa Muqdisho ee ku sii jeeda Nairobi sababo dhinaca Ammaanka loogu sii baari doono Garoonka Wajeer oo 490-KM dhanka W/bari kaga toosan magaalladda Nairobi.
Isagoo la hadlayey Wargeyska Africa Review ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, Gilbert Kibe waxa uu tilmaamay inay Wajeer tahay Aag-dhuleedlagu baarayo Shaqaalaha iyo Rakaabka Diyaaradaha, lana sii wadi doono in lagu baaro Diyaaradaha ka yimaada Somalia.Waxa uu intaasi ku daray inaysan jirin wax qorshe oo khasab oo lagu joojinayo Baaritaanadda dhinaca Ammaanka ee lagu sameeyo dhamaan Diyaaradaha ka yimaada Muqdisho, kuna sii jeeda Nairobi.
Hadalkaasi ayaa waxa uu meel ka dhac ku noqonaya Heshiiskii ay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta bishii September 13-dii ee sannadkii hore ku kala saxiixdeen magaalladda Muqdisho, kaasi oo ay isku af garteen in la qaado Xayiraaddii Qaadka laga keeno Kenya iyo inay Diyaaradaha si toos ah ugu kala gooshaan Muqdisho iyo Nairobi.
Inkastoo Dowladda Federalka dib u fasaxday Diyaaradihii Qaadka ka keeni jirey Kenya,waxaan dhinaca Kenya ka fulin in la joojiyo Diyaaradaha ka ambabaxa Somalia ee lagu baaro Garoonka Wajeer, iyadoo qorshuhu ahaa in Heshiiskaasi la dhaqan geliyo bishii December 13-dii ee sannadkii hore.
Safiirka Somalia u jooga Kenya, Jamaal Xasan waxa uu bishii hore sheegay inay Labada dowladood ku hershiiyeen in la fududeeyo dhinaca Duullimaadka, maadaama Garoomadda Muqdisho iyo Nairobi gacanta k uqaban karaa Ammaanka, lana baari karo qof kasta inta uusan raacin Diyaaradda.
Dhinaca kale, Duullimaadyadda Tooska ee Nairobi iyo Muqdisho waxay qaadan kartaa muddo hal saac iyo 27-daqiiqo, balse, marka ay sii maraan Wajeer, waxay ku qaadan kartaa ku-dhawaad 2-saac iyo bar.
Hawlgalka Baaritaanadda ee Garoonka Wajeer waxaa fuliya Ciiddanka Boliska iyo Ciiddanka Cirka Kenya, iyadoo isugu jirta baaritaanadda Iskaanka ee Shandadaha iyo Rakaabka iyo Nidaamka Socdaalka oo aad u dhibaato badan.
Shirakadaha Diyaaradaha ee Jubba Airways, African Express iyo Fly 540 ayaa waxay Duullimaadyo joogto ah maalin kasta isaga kala gooshaan Nairobi iyo qeybo ka mid ah Somalia iyo dalalka Gobalka.
Si kastaba ha ahaatee, Heshisikii Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta ayaa u muuqda Heshiis Dhalanteed Siyaasadeed, isla markaana ay Rakaabka Soomaalida dhibaato weyn ku qabaan Safarka dheer ee ay Diyaaradaha ku sii maraan Garoonka Wajeer, ka hor intaan loo fasixin inay u sii gudbaan Nairobi.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

‘Commando 2’ To Release In Hindi, Tamil, Telugu

$
0
0

Actor Vidyut Jammwals action film "Commando 2" will release in three languages -- Hindi, Tamil and Telugu, the makers have announced.
Adah Sharma also features in the film, which is a sequel to the 2013 movie "Commando: A One Man Army".
'Commando 2' to release in Hindi, Tamil, Telugu"All the big bang action films (are) dubbed in Tamil and Telugu because the audience there love action. 'Commando 2' is as big as it can get in the kind of action that Vidyut does. He is a champion. Also, Adah had a huge success in 'Kshanam' in Telugu, so her fans would love to see her doing the action," Vipul Shah, who has produced the film, said in a statement.
"Commando 2" is presented by Reliance Entertainment and Jayantilal Gada (Pen) in association with Sunshine Pictures Pvt Ltd.
Directed by Deven Bhojani, "Commando 2" will release on March 3.

Samsung: Baytariga ayaa keenay gubashada taleefanka Galaxy Note 7

$
0
0

Shirkadda Samsung oo baaritaan ku samaysay sababta uu la kululaanayay ama la gubanayay taleefoonkeeda Galaxy Note 7 ayaa ogaatay in mushkiladdaasi ay ka imanaysay cilad gashay baytariga.

Xal u raadinta Suuriya oo dib uga billaabanaysa Kazakhstan

$
0
0

Wadahadallo cusub oo looga golleeyhay xalinta dhibaatada Suuriya ayaa la filayaa in ay maanta ka billawdaan caasimadda dalka Kazakhstan ee Astana.


Wiilal yaryar oo maalintiina baalashlayaal ah habeenkiina wax ka barta mid ka mid ah iskuu

$
0
0

Dhageyste bal malee wiil yar oo ku jira da'da carruurta lagu geeyo iskuulada oo dan adduun ay ku qasabtay in maalinkastaa uu u kalaho suuqa halkii uu waxbarasho tegi lahaa.

I Tus oo I Taabsii: Run aadan ka ogeyn taliskii...

$
0
0

Dad badan baan ogeyn inuu Maxamed Siyaad Barre oo xukunkiisii faasidka ahaa ku billaabay kaaba-qabiilka beeshiisa bishii October 1969 uu maalintii Xamar laga ceyrinayey January 1991 uu ahaa kaaba-qabiilka jufadiisa, kaddib markii waxgaradkii iyo waayeelkii beeshiisu ay u qoreen warqad ay isaga beri-yeelayaan dulmiga uu ku halligay qarankii iyo qaraabadiisii. Sida uu record-gareeyey Cabdulqaadir Shire Faarax, buuggiisii Xeebtii Geerida, waxgaradka iyo odoyaasha ka soo jeeda beesha Maxamed Siyaad Barre ka dhashay oo ah dad lagu yaqaanno geesinimo, waxay sannadkii 1989-kii u qoreen keli-taliyaha dhambaal ay ku siinayaan talo walaaltinimo, iyagoo xusuusiyey inay ka xun yihiin gumaadka uu ka geystay gobollada waqooyi galbeed (Somaliland) iyo hubka uu isugu dhiibay qabiilada Soomaaliyeed, waxayna ku tirtinsiiyeen inuu si degdeg ah ku magacaabo Ra'iisal Wasaare u dhashay gobollada waqooyi, wixii halkaas ku dumayna dib loo dhiso. Maxamed Siyaad Barre wuxuu dhegaha gashaday suuf, waana diiday inuu taladii tolkiis raaco. Waa dhaqanka qabyaaladdu; waxay ku istaagtaa oo ku soo dhammaataa isla shaqsiga oo noqda anaani naftiisa mooyee aan cid kale u tureyn, xitaa xaas iyo carruur.
Dhibaatada uu Maxamed Siyaad Barre u geystay ummadda Soomaaliyeed kuma ekeyn oo keliya burburka qarannimo ee wuxuu xitaa si naxariis darro ah u silciyey xididkiisii iyo xigtadiisii. Waxaan saddex sano ka hor soo baxay buug yar oo ka kooban 186 pages oo af-Soomaali ku qoran, ayna soo saartay Shukri Aaden Shire 'Shukri Aaden Low' oo deggan London, kaas oo ay ka qortay aabbaheed Aaden Shire Jaamac 'Aaden Low' oo ahaa siyaasigii weynaa ee sumcadda lahaa oo ummadda Soomaaliyeed ay jecleyd. Aaden Low wuxuu ahaa hoggaamiyihii beesha Marreexaan ee 1950-meeyadii iyo 1960-meeyadii. Wuxuu ku jiray waxgaradkii iyo waayeelkii uu xabsiga ku xirtay Maxamed Siyaad Barre habeenkii uu inqilaabka dhigay. Saacaddu markey ahayd 04:00am subaxnimo, 21st October 1969, waxaa guriga reer Aaden Low ku daatay askar uu wato Axmed Suleymaan Dafle oo qabay gabadha Maxamed Siyaad Barre, una qaabilsanaa cabburinta, cadaadiska iyo xuuraanka xukunka militariga. Halkaas ayaa laga soo jeebeeyey Aaden Low, iyadoo aysan jirin wax dambi ah oo uu galay, oo aan ka ahayn Maxamed Siyaad Barre oo yiri 'aniga iyo isaga qabiilka isla xukumi mayno ee ii soo xira'. Maxamed Siyaad Barre wuxuu aaminsanaa inta uu Aaden Low nool yahay inuu ifka kula nool yahay nin damiir, diin iyo dadnimo leh oo aan ka yeeleyn inuu beeshiisa ku shaqeysto, kuna dulleysto ummadda Soomaaliyeed.
Shukri Aaden Low waxay ka warrantay inuu jiro dhaqtar u shaqeyn jiray Maxamed Siyaad Barre oo weli nool oo ahaa ninkii uu amarka ku siiyey Maxamed Siyaad Barre inuu sun ku duro Aaden Low oo xabsi ku jira, suntaas oo ah sunta uu u dhintay sannadkii 1973-kii. Shukri waxay kaloo wareystay hooyadeed Muraayad Xaaji Xaashi oo la dhalatay Dalaayad Xaaji Xaashi, xaaskii labaad ee keligii-taliyaha, taasoo - sida ku xusan buugga - bixisay caddeymahaan cajiibka ah ee xanuunka badan. Waxaa qiraalka Muraayad Xaaji Xaashi oo ah dumaashidiis uu ka marag-kacayaa sida damiirxumada leh ee uu Maxamed Siyaad Barre u silciyey aabbahood, isla mar ahaantaana u bahdilay, una bililiqeystay lacagtii yareyd ee uu odaygu kaga dhintay. Sheekada Muraayad waa mid uu la ilmeyn doono qof walba oo Soomaali ah oo damiir leh. Waxay Muraayad hadalkeeda ku billowday:Qiraal Caddeyn ah
"Aaden Shire [habeenkii xabsiga laga soo daayey] wuxuu ii sheegay in [c]irbad lagu muday. Irbadaas oo markii lagu muday uu bararay, codkii nuxuusisay, kaadidii oo dhiig isu beddeshay, Arrintaasu ay dhacday saddex bilood ka dib markuu xiraa. Aaden Shire markii aan weydiinnay sidii wax ugu dheceen, wuxuu ii sheegay oo yiri: "Aar, Suntii dhurwaaga lagu leyn jiray baa laygu duray". Xabsiga intuu ku xanuunsanaa ayaan Madaxtooyada qoraal u qortay, aan ku weydiisaneeyno inaan ku soo booqdo xabsiga iyo in na loo oggolaado in aanu dibedda ku daaweysano. Laba beri kadib waxaa timid warqad uu ku saxiixan yahay Jaalle Maxamed Siyaad Barre oo oranaysa: "Lama oggola ee sidaas Iimaanso".
Markii Aaden iyo raggii la xiraa la soo daayey oo Aaden Low gurigiisa ku soo noqday, 1dii April 1973, isagoo aad u xanuunsanaya oo garbaha la hayo. Soo bixitaankiisii ka dib, erayo kaftan ah, runse ahaa oo uu igu yiri, wuxuu ahaa "Muraayadeey, aar la igama adkaan, mar haddii aanan soo noqon adigoo dharkii cagaarnaa ee Guulwadayaasha ku lebbisan, oo leh: Aadenow soo xiro albaabka guriga, Golaha Hanuuninta ayaan aadayaaye".
Aaden Shire, hoos ahaan ayuu iigu warramay, 'nin iyo xaaskiis' ahaan, isagoo ii sheegay in xubinta taranka iyo xiniinyaha laga soo tumay, uuna si aan caadi ahayn u jir-dilanyahay. "Ka warran haddii aanan maanta xagga ninnimada, aanan adiga waxba ku dhaamin" ayuu igu yiri. Markii Aaden Low laga soo daayey xabsiga, wuxuu ahaa nin il-geeriyaad leh. Xanuun uusan la seexan jirin. Xubnaha muhiimka ah ee laga tumay ka sokow, isha bidix ayaa dhacsaneyd, waxayna ahayd il dhimatay oo gebi nahaanba la riday.
Aaden Shire wuxuu ii sheegay: In bunkhukh dabadiis 'Butt' looga dhuftay isha, ayna ishu sidaas uga soo dhacday intii uu xabsiga ku jiray. Wuxuu ii sheegay in lala bixi jiray, mar, laba, seddex iyo ka badan, iyadoo lagu soo fulinayo howlgallo jirdil ah. Aaden Shire wuxuu ka walwal qabay inay adkaan doonto in aan qoys ahaan ka badbaadno Taliska Maxamed Siyaad, wuxuuna ahaa nin ay u sii muuqato in dhaawaca iyo jirdilka ku maqani sababi doonaan geeridiisa. Waxaan weydiiyey, Aaden Shirow maxaa talo ah? Wuxuu iigu jawaabay: "Si ilmahaagu kuugu badbaadaan, raac isaga (Maxamed Siyaad), hadii aad diido, kuwa dad kuu xiga ayuu adiga iyo ilmahaagaba u adeegsan doonaa".
Aaden Shire, isla habeenka laga soo daayey xabsiga, subaxeedii waxaa guriga ugu yimid Dr Cusmaan Nuur Cali Qonof iyo Dr Foodcadde oo xubino [xubno] ka ahaa Guddiga Caafimaadka Qaranka. La kulan iyo wareysi caafimaad ka dib, isla fiidnimadii maalintas oo ku beegnayd 2dii April 1973, waxaa fariistay Guddiga Caafimaadka Qaranka, waxayna go'aamiyeen in Aaden Shire si degdeg ah loogu qaado dibadda, iyadoon gudaha Dalka caafimaadkiisa wax looga qaban karayn. Isla maalintii bisha April ahayd 3, 1973, warqaddii Guddiga Takhaatiirta, waxaa Maxamed Siyaad u geeyey aniga iyo walaashay Dalaayad Xaaji Xaashi. Maxamed warqaddaas waa ka soo jawaabay, wuxuuna ku jawaaabay in aan nin siyaasi ah dibedda loo qaadi karin. Todobaad ka bacdi waxaa soo baxay, rag siyaasin ahaa oo dibadda loo ogolaaday.
Intaas ka dib, waxay noqotay in aan anagu qoys ahaan isku abaabulno sidii aan odayga dibedda ugu soo daweysan lahayn. Waxaan 'Rahaamad' gelinay guri aan ku lahayn xaafadda Taleex. Kaas oo aan Bankiga uga qaadanay deyn. Waxay nagu qaadatay ilaa 9 bilood in aan AadenShire u diyaarinno dhoofitaan. Laakiin, nasiib darro, waxaa la diiday in qoyskiisa cidi ka raacdo, iyadoo Aaden ahaa bukaan intii la doono il-daran, xanaano iyo la socod u baahan. Doorasho ma jirin, Aaden Low oo sakaraad ah ayaan diyaarad Muqdisho Airport ka saaray, maalintii bisha December ahayd 11, 1973, isagoo la socda diyaarad ay lahayd Shirkaddii Alitalia, kuna sii jeedday magaalada Roma. Hase ahaatee, Fiumicino International Airport oo Roma ku yaal, markii diyaaraddii ka soo degtay, Aaden Shire wuxuu waayey cid halkaas inta ka qaadda, geysa Isbitaalkii loo soo qabtay (Gemmelli), wuxuuna 8 saacadood oo dambe ku dhex silcayey gudaha Fiumicino Airport.
Saadiq oo ka mid ahaa diblomaasiyiinta Safaarada Soomaaliyeed ee Roma, oo dad ku sagootinayey gegida diyaaradaha (airport) ayaa si lama filaan ula kulmay Aaden Shire oo dhex yaal gudaha hoolka weyn ee dhoofayaasha (Arrival's hall). Saadiq gurmad ayuu u sameeyey Aaden Shire, wuxuuna dejiyey Hostel magaalada ku dhexyaal, ka dibna wuxuu arrinta Aaden Shire u gudbiyey Safaaraddii oo markaas uu Danjire ka ahaa [Maxamed Saciid] Gacaliye. Aaden Shire isbitaalkii loo qabtay mid aan ahayn ayaa la geeyey, nabadna uguma soo noqon. Muuse Galaal oo ay Aaden Shire saaxiib ahaayeen ayaa xaaladda caafimaadkiisa, telefoon iigu soo gudbin jiray. Wuxuuna maalmo ka dib, telefoonkii ugu dambeeyey iigu sheegay in Aaden Low geeriyooday oo aanan dib dambe u arki doonin isagoo nool. Farriin dardaaran ah oo Aaden Shire ii soo dhiibay, iina soo faray Muuse Galaal, waxay ahayd: "Taladii markii isugu keen dambeysay aan ku siiyey, yeel oo ku camal-fal, si carruurtu kuugu badbaado".
Guriga reer Aaden Low waxaa ka socday abaabulka, dhaqdhaqaaqa meel geeri taal. Hase ahaatee, waqti yar ka dib, askar ayaa timid, waa Koofiyad Gaduud (Military Police), waxaana la ii kaxeeyey xagga xaruntii Ciidamada ee Afizoone. Halkaas oo aan ku xirnaan doono maalin iyo habeenkii xigay, iyadoo la igu haysto in aan falkicin ah sameynayey, warka ku saabsan Geerida Aaden Low!.
Laba maalmood ka dib waxaa timid diyaaraddii siday meydka Aaden Shire, hal maalin ka dibna waxaa lagu aasay qabuuraha Sheekh Suufi ee ku yiil dhabarka dambe ee Golaha Murtida iyo Madadaalada. Markii laga soo kala dareeray aaskii Aaden Shire, waxaa la yimid guriga oo duco iyo quraan loogu akhrinayey Marxuum Aaden Low. Waxaa fadhiyey dad badan oo asxaab, ehelo, culumo, Soomaali cid kasta. Sidii loo fadhiyey ayaa waxaa soo galay Sarkaal sare oo uu soo diray General Maxamed Siyaad Barre. Wuxuu ahaa Cabdi Madoobe, oo uu u soo dhiibay boqshad weyn oo wax ku jiraan. Si gaar ah in uu iigu dhiibo boqshadda iyo waxa ku jira ayuu iga codsaday, aniguna waxaan ku adkeystay in uu dadka hortooda ku furo, oo la isla arko tacsida madaxweynaha.
Cabdi Madoobe ma uusan aqoon waxa ku jira gudaha Boqshadda looga soo dhiibay Madaxtooyada. Taas oo markii dadka dhexdiisa lagu furay noqotay shan boqol oo shillin Soomaali ah, kanna kooban shan shan iyo toban toban. Lacagtaas Cabdi Madoobe lagama guddoomin, waxaana ka codsaday in uu dib ugu celiyo ciddii u soo dhiibtay, waana la noqday, wuxuuna u celiyey halkii laga soo dhiibay.
Run ahaan, agoonta reer Aaden Low oo tacsida u fadhida iyadaa lacagi uga maqan tahay Madaxtooyada, waayo waxaa jirtay US20,000 oo ka soo noqotay lacagtii daaweynta Aaden Low loogu qaaday Roma. Taas oo lala keenay Meydkiisa. Meydka Aaden Shire waxaa Roma ka soo raacay Guuleed Maxamed Siyaad, oo markii uu Muqdisho yimid, ku wareejiyey 20-kii kun Madaxweynaha (waa aabihiis) iyo boorsadii ay ku jirtayba. Markaas ka dib, Maxamed Siyaad wuxuuu yeeray Xuseen Aw Maxamuud (Koofiyad Cadde), wuxuuna ku wareejiyey lacagtii, isagoo amray in uu Akoonka Dawladda uu ku shubo, waana uu ku shubay.
Wuxuu ii soo jeediyey in aniga, isaga iyo Cabdinuur Xaaji Xaashi aan isku raacno Madaxtooyada, xoogna la saro in agoonta lacagteeda loo soo celiyo. Saddexdaydii (aniga, Cabdinuur iyo Koofiyad-cadde) ayaa israacay oo tagnay Madaxtooyadii. Laakiin waxaan la soo noqonay faro marnaan iyo quus".
Falanqeyn Kooban
Soomaalidu waxay tiraahdaa 'ninka hooyadiis har u jiidi waayey, ayeydii har uma jiido. Qiraalka Muraayad Xaaji Xaashi oo ahayd Maxamed Siyaad Barre dumaashidiis wuxuu caddeyn buuxda u yahay sida foosha xun ee awooddii dowladnimo loogu adeegsaday in lagu aarguto. Su'aalaha is weydiinta mudan ee ay tahay taariikhyahannadu inay jawaab u helaan waxay yihiin: muxuu Maxamed Siyaad Barre illaa heerkaas ula gaaray Aaden Low oo marna ina adeerkiis ah, marna oori wadaag ay yihiin? Muxuu ka aargudanayey oo uu ka halleeyey? Waxaa dadka qaar leeyihiin wuxuu ku haystay 'muxuu qabiil iigu hiilin waayey markii uu Aden Low ahaa Madaxa Xafiiska Ra'iisal Wasaare Cabdullaahi Ciise kontomeeyadii iyo markii dambe oo uu noqday Wasiirka Caddaaladda lixdameeyadii?'. Waxaa xusuus mudan inuu Maxamed Siyaad Barre ku doodi jiray weligiis inuu isagu xaq u lahaa in laga dhigo Taliyaha Ciidanka Police-ka halkii laga dhigay General Maxamed Abshir (fiiri buugga The Cost of Dictatorship by General Jama Mohamed Ghalib). Waxaase xusid mudan in Aden Low uu ahaa nin ka mid ah dhaqdhaqaaqii SYL ee la dirirayey qabiilka, qabiileysiga iyo qabyaalada.
Magacyada ku jira qiraalka Muraayad Xaaji Xaashi si aan u fahamsiinno in badan oo la marin habaabiyey, waxay kala yihiin. 1. Muuse Galaal oo ahaa caalim sare oo u dhashay beelaha Isaaq. Nin iskala weyn inuu u adeego keligii-taliyaha ayuu ahaa, wuxuuna goostay inuu dibadda ku noolaado, halkaas oo uu ku dhintay Sacuudiga sannadkii 1980-kii. 2. Cusmaan Nuur Cali Qonof iyo Foodcadde waxay ahaayeen laba nin oo Majeerteen ah. Kan hore wuxuu ku jiray xoghayeyaashii u horreeyey ee Maxamed Siyaad Barre magacaabay, wuuse ka fakaday markii dambe. 2. Saadiq wuxuu u dhashay beesha Habar Gidir/Saleebaan, laakiin waxaa habaryar u ahayd Maama Khadiija, isla markaana wuxuu qabay gabar ay eeddo u tahay maamada. 3. Gacaliye wuxuu ahaa kuwii qabyaaladdu madax martay ee Maxamed Siyaad ugu adeegi jiray inay isku qabiil yihiin, markii dambena ka goostay oo billaabay inuu afka kula diriro (akhri wargeyska Faransiiska ee Le Monde). 4. Koofiyad-Cadde wuxuu ahaa kuwii uu keligii-taliyuhu ku shaqeysan jiray isagoo ku xodxodanaya qabiil (akhri wargeyska sirdoonka Faransiisku qoraan ee Africa Confidential). 5. Cabdi Madoobe wuxuu ahaa adeegihii gaarka ahaa ee gadaal ka istaagi jiray keligii-taliyaha.
Buugga qiraalku ku jiro waxaa cinwaankiisu yahay Xabbaddii Dunida Gilgshay: Aaden-Low iyo Dhacdadii Walwaal, iskudubaridka iyo Tifaftiriddaq by Shukri Aaden Low, bogagga 144 illaa 148. Waxaan u mahadcelinaya Cabdirahmaan Cumar Jirrac oo loo yaqaanno Cunaaye oo ah odayga Shukri Aaden Low oo haddiyad ahaan iigu keenay buugga. Waxaan qoyska reer Aden Low uga baryayaa Ilaahey inuu samir iyo iimaan ka siiyo sida foosha xun ee uu Maxamed Siyaad Barre u qaarajiyey aabbahood. Waxaan ka codsanayaa inay ka cafiyaan ummadda Soomaaliyeed aamusiddii ay ka aamuseen arrintaas, qaarkoodna kuba taageereen keli-taliyaha inuu sidaas sameeyo. Baaqeennu waa is cafis iyo towbad keen, si aan dib ugu dhisanno dowladnimadii dhabta ahayd oo aan ahayn tan beenta ah ee maanta socota.
W/Q: Mohamed Haji Ingiriis: Mohamed Haji Ingiriis wuxuu shahaadada PhD ee taariikhda iyo daraasaadka Afrika ka diyaariyaa Jaamacadda Oxford, isagoo ku taqasusaya mawduuca dowladnimada iyo qaran burburay dib u dhiskiisa. Wuxuu kaloo cilmi-baare ka yahay Jaamacadda King's College London. Waxaa lagala xiriiri karaa: ingiriis@yahoo.comAfeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra'yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com

Guddoomiye Jawaari oo xal u la’ waqtiga doorashada...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa bilaabay la tashiga Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia si xal waara looga gaaro Doorashada Madaxweynaha ee shakiga badan galisay Musharaxiinta.
Guddoomiye Jawaari oo siyaabo kala duwan ula kulmaaya Xildhibaanada ayaa mid mid u weydiinaaya xili ay munaasib tahay in la qabto Doorashada Madaxweynaha oo dhicitaankeeda lagu ballamay dabayaaqada Bisha aan ku jirno.
Xildhibaanada uu Jawaari arrintaasi ka wareystay qaarkood ayaa qaba in Doorashada lagu qabto mudada lagu ballamay, halka qaarna ay qabaan in la qabto dabayaaqada Bisha fooda nagu soo heysa.
Doorashada Madaxweynaha ayaa waxaa diyaarin doona Guddiga ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka, waxaana xiliga Doorashada go'aan ka gaari doona Xildhibaanada Baarlamaanka oo arrinkaasi kulan ka qaadan doona.
Docda kale, Jawaari qudhiisa ayaa qaba in Doorashada Madaxweynaha loo dibdhigo Bisha soo socota bartamaheeda, iyadoo sababta uu taa ku doortay lagu sheegay in mudada ka harsan Doorashada ay aad u yartahay, waxa uuna arragtidaasi ula gol leeyahay si loo helo Jawi degan oo ay ku diyaariyaan Doorashada muranka dhalisay.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Xog-warran: Maxaa wiiqay awoodii iyo saameyntii...

$
0
0

Markii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu ra'iisul wasaare ka dhigay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, maamulka Puntland waxay ku billaabeen dagaal siyaasadeed iyo cadaadis beesha caalamka oo ay gadaal ka riixayaan, kaasi oo ugu dambeyn qasbay in Farmaajo xilka ka tago laguna beddelo Cabdi Weli Gaas.
Labadii dowladood ee ugu horreysay ee Xasan Sheekh waxaa kala hoggaaminayey Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo Cabdi Weli Sheekh Axmed, oo labaduba ka dhashay beesha Mareexaan. Intii ay xilka hayeen, dowladda iyo Puntland waxaa ka dhex oognaa dagaal siyaasadeed oo aan dhammaad lahayn.
Waxay xiisaddu qabowday markii Cumar Cabdirashiid ra'iisul wasaare loo magacaabay, wixii ka dambeeyeyna dowladda waxay u muuqatay inay aad isugu soo dhowaadeen Puntland.
Puntlad waxay mar wlaba rumeysan tahay in jagada ugu sarreysa ee kusoo aadeysa beesha Daarood ay ayada xaq uga leedahay beelaha kale, waana taas sababta dowlad kasta oo aannu ku jirin qof reerkaas ka socda ay dagaal siyaasadeed ugu qaadaan.
Si ay Puntland usii dheereysato saameynta ay ku dhex leedahay dowladda, waxay soo hindistay Aqalka Sare, ayada oo qorhuhuna ahaa inay hesho guddoomiyaha Aqalkaas, sidaas darteedna ay usii weynaato saameynta ay ku leedahay dowladda.Qorshahaas ayaa fashilmay, markii maamul goboleedyada, dowladda dhexe iyo beesha caalamka isku raaceen in jagadaas la siiyo beesha Dir Waqooyi, sidaasna Puntland meel cidlo ah ugu soo dhacday.
Waxaa xigay in Puntland loolan u gashay jagada guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare, ayada oo soo sharaxday Cabdirisaaq Jurille, hase yeeshee waxaa xilkaas ku guuleystay Abshir Bukhaari oo ah Saleebaan/Habar-Gidir/Hawiye.
Jurile lagama adkaan kaliya ee xitaa wuxuu soo dhaafi waayey wareegga koowaad, inkasta oo ay jirto in Puntland ay Aqalka Sare ku leedahay xildhibaanada ugu badan.
Waxay tani astaan u noqotay saameynta siyaasaddeed ee Puntland ee sii wiiqmeysa, balse su'aashu waxay tahay maxaa ugu wacan?
Reer Puntland waxay aaminsan yihiin in Cabdi Weli Gaas yahay nin aad u jilicsan, islamarkaana aad ugu dhow Xasan Sheekh taasina ay dhalisay in Puntland ay ka hoos martay maqaamkeedii. Hase yeeshee dadka siyaasadda fallan-qeeya, gaar ahaan kuwa Muqdisho joga waxay sababeynayaan dhowr arrimood oo kale oo ay ka mid yihiin:-
1 - Ku taagnaanshaha dowladda iyo muranka joogtada ah oo Puntland u abuurtay cadaawad ay u qaadaan beelaha kale iyo maamul goboleedyada kale.
2 - Puntland oo aan inta badan adeegsan diblomaasiysad iyo siyaasad si u kasbato beelaha iyo maamulada kale, balse isku dayda in mar walba ay hanjabaad iyo khilaaf wax ku raadiso.
Xusuusnow lama joogo iminka, markii dalka ay ka jireen kaliya dowladda dhexe iyo maamulka Puntland. Waxaa hadda abuurmay afar maamul oo kale oo dheeraad ah, sidaa darteedna khilaaf kasta oo Puntland ka yimaada wuxuu sii dhaawacayaa sumcadeeda, kuna ifinayaan tooshka beesha caalamka iyo Soomaalida kale.
Haddii Puntland aysan la iman siyaasad ku dhisin diblomaasiyad, waxaa dhici doonta in xilka madaxweynaha ay waayaan, islamarkaana haddii madaxweynaha xiga uu mar kale noqdo Hawiye uu ra'iisul wasaaraha siiyo beelaha kale ee Daarood, taasi oo macnaheedu yahay in Puntland oo ah maamulka ugu faca dheer, uguna degan maamul goboleedyada aysan midna ka helin afarta xil ee ugu sarreysa dalka.W/Q: Yaasiin Axmed CabdiraxmaanBoosaaso, SoomaaliyaAfeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra'yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com

Xog: Loolan Muqdisho ka socda iyo xildhibaano u...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Waxaa magaalada Muqdisho ka socda kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeya Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia, kuwaa oo ka arrinsanaaya dib u dhac la sheegay in lagu sameynaayo xiliga lagu ballamay Doorashada Madaxweynaha.
Kulamada u socda xildhibaanada ayaa waxaa gadaal ka riixayaan musharaxiin u taagan qabashada xilka Madaxweynaha oo doorashada oo sii dheeraata u arka mid caqabad ku ah, maadaama kharash badan oo ku socdo.
Xildhibaanada oo ku kala qeybsan dib u dhaca Doorashada ayaa waxaa haddana Juhdi lagu bixinayaa inay u midooban ka hortaga qorshaha lagu dib dhigaayo Doorashada oo uu wado Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Go'aanka xildhibaanada ayaa waxaa la filayaa in si rasmi ah loogu soo bandhigo dooda uu Baarlamaanka Somalia ka yeelan doono go'aan ka gaarista mudada Doorashada Madaxweynaha.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa isna dhankiisa ka diyaarinaya Xildhibaano aad u faro-badan oo ra'yi ahaan ka mideysan in la dib dhigo doorashada heerka Madaxweyne ee Somalia.
Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia, ayaa sidoo kale doonaya in deg deg doorashada loo qabto, hase yeeshee Jawaari ayaa aaminsan inay jiraan arrimo dhowr ah oo ay tahay in laga gudbo ka hor inta aan doorasho la qaban.
Doorashada madaxweynaha ayaa la filayaa inay gaarto illaa bartamaha ama dhammaadka bisha Febraayo.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Toddoba qodob oo ay Tarsan iyo Donald Trump ay iska...

$
0
0

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur "Tarsan" ayaa la sheegay in waxyaabo iska shaabahaan Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.
Tarsan iyo Donald Trump oo wakhti danbe kusoo biiray Siyaasada ayaa iska shaabaha meelo badan oo ay ugu weyn yihiin habdhaqanka siyaasadeed
Tarsan waxa uu dagaalka Dowlada u adeegsadaa Warbaahinta, halka Donald Trump uu isna Dowladii dhacday ee uu hogaaminaayay Obama kala dagaalami jiray dhanka Warbaahinta, isagoo si gaara u taabta shaqsiyada gaarka ah.
Haddaba Maxamuud Axmed Nuur "Tarsan" iyo Donald Trump ayaa iska shabaha qodobadan:-
1 - Fud fudeedka Joogtada ah: Tarsan oo muddo kooban ku jira Siyaasada Somalia ayaa tan iyo markii uu kusoo biiray Siyaasada kusoo galay Jawi u muuqda mid lagu Jahwareerinaayo Siyaasada Somalia, Halka Donald Trump uu isna Siyaasada Mareykanka kusoo galay Siyaasad aan miisaaneyn.
2 - Caga jugleynta: Tan iyo markii xilka laga qaaday Tarsan waxa uu Habdhaqan ka dhigtay Fadeexeynta iyo Caga jugleyn uu ku sameeyay Madaxda dalka, halka Donald Trump uu isna u caga jugleeyay Madaxdii ka horeysay iyo Musharaxadii uu kaga guuleystay Codeynta Heleri Kilintoon.
3 - Arbushaada: Tarsan waxa uu waayadaani danbe lidi ku ahaa Dowlada Somalia, waxa uuna ka shaqeynaayay Arbushaada Siyaasada Somalia ee laga laalay, Halka Donald Trump uu isna Arbushaad kusoo galay ololaha iyo Doorashada Mareykanka waxa uuna durba ku dhaqaaqay inuu kala daadiyo dhammaan Dowladii hore.
4 - Fadeexeynta: Tarsan waxa uu mar waliba ka hadlaa ama soo bandhigaa waxyaabaha lidiga ku ah Dowlada Somalia oo marka dhanka kale loo eego Fadeexad ku noqota Maamulka markaasi jira, waxaana dhaqanka noocaasi ah ay wadaagan Donald Trump oo Fadeexad la dabakacay Dowlada Obama iyo Muwaadiniinta kasoo jeeda dalalka kale ee heysta dhalashada.
5 - Faafinta Sirta: Tarsan iyo Donald Trump waxa ay iska shabahaan in si aan kutalo gal aheyn loo faafiyo Siraha Dowladaha Somalia iyo Mareykanka mana laha Siyaasad ay isku xakameeyan xiliyada ay kasoo muuqanayaan warbaahinta ama la qidaabayaan.
6 - Hal ku dhigga Ololaha Doorashada: Tarsan waxa uu ololihiisa u adeegsadaa hal ku dhig uga dhigay MAKE SOMALIA SAFE AGAIN, halka Donald Trump ka hor inta aan la dooran uu us isticmaalay MAKE AMERICA GREAT AGAIN.
7 - Ka faa'iideysiga qaladka: Donald Trump waxa uu aad uga faa'iideystaa khaladaadka yar yar oo ay gashay Dowladii dhacday oo uu Hogaaminaayay Obama, halka Tarsan uu isna ka eegto khaladaadka yaryar oo ay gasho Dowlada Xasan Sheekh.W/Q: Nuur Aadan Guure
Nairobi, KenyaAfeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra'yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com

Xasan wuxuu haystaa fursad uu cashar ugu dhigi karo...

$
0
0

Xildhibaanada ugu badan baarlamanka Soomaaliya waxaa lagu soo doortay Baydhaba, sidaa darteedna Shariif Xasan wuxuu leeyahay saameyn siyaasadeed xooggan, maadaama xildhibaano badan oo isaga raacsan ay ku jiraan baarlamanka.
Shariifka ayaa iska diiday fursad uu Xasan Sheekh horey ugu soo bandhigay oo ahayd inuu isbaheysi la sameysto, si xildhibaanada taageersan isaga uu Xasan ugu soo wareejiyo, taa beddelkeedna uu u helo xilal badan oo ay ku jiraan guddoomiyaha baarlamanka iyo dhowr wasiir.
Fursaddaas waa uu iska diiday Shariif, isaga oo soo sharxay Cabdirashiid Xidig oo beesha Ogaadeen u dhashay, si loogu doorto guddoomiyaha baarlamanka, taa beddelkeedna beesha Daarood u weyso labada xil ee dalka ugu sarreeya.
Hadda oo qorshahaas uu fashilmay, Shariifka wuxuu doonayaa inuu galo isbaheysi la mid ah kii uu horey uga diiday Xasan Sheekh. In kasta oo musharaxiin badan uu wada-hadal kula jiro, haddana musharaxa uu doorbidayo ayaa lagu sheegay madaxweynaha, maadaama uu ugu xildhibaano taageero badan yahay.
Hase yeeshee, Xasan Sheekh waa inuu baraa Shariifka in markii loo baahna uu diiday, hadda oo uu isaga wax u baahan yahayna, uu madaxweyne Xasan Sheekh yahay ninka qoraya heshiiska labad nin.
Madaxweynaha, waa inuu u ballan qaadaa Shariifka wixii uu doono, islamarkaana ka qaataa wixii taageero ah ee kuu heli karo.
Haddii Xasan Sheekh uu ku guuleysto xilka mdaxaweynaha, waa inuu Shariifka uga baxaa heshiiska, islamarkaana tusaa in markii isbaheysigiisu qiimo lahaa uu door biday siyaassad aan miro dhal ahayn.
Madaxweynaha haddii mar la doorto, kama cabsanayo in Shariif Xasan uu dhibaato kala kulmo. Waa tan koowaadee, Shariifka ma ahan guddoomiyaha baarlamanka, oo gadaal kama riixi karo wax mooshin ah. Waa tan labaadee, Xasan rajo kama lahan isbaheysi kale oo uu Shariifka la galo, maadaamo aysan dhici doonin inuu mar saddexaad tartamo, ama ugu yaraan galo doorasho ay xildhibaano codeynayaan.
Xasan Sheekh wuxuu haystaa fursad uu cashar siyaasaadeed ugu dhigi karo Shariifka.W/Q: Cabdullahi Maxamed GacalMuqdisho, SoomaaliyaAfeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra'yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com


Trump oo saxiixay in Maraykanku uu ka boxo ganacsiga xorta ah ee TPP

$
0
0

Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ka dhabeeyay samaynta mid ka mid ah waxyaabihii uu sheegay intii uu ku jiray ol'olaha doorashada isaga oo saxiixay in uu ka baxo heshiiska TPP loo yaqaanno ee ganacsiga xorta ah.

Nigeria oo ka digtay in carruur qarax loo adeegsanayo

$
0
0

Dumarka qaraxyada ka gaysta Nigeria ayaa hadda carruur qaata si ay uga badbaadan in la qabto ama la fashiliyo, sida ay ka digayaan masuuliyiinta dalkaas.

Wiil yar oo 15 jir ah ayaa lagu tooriyeeyay oo lagu dilay magaalada London

$
0
0

Wiil 15 jir ah ayaa lagu tooriyeeyay oo lagu dilay wado London ku taalla

Maxay tahay muhiimadda uu leeyahay shirka nabadda Suuriya ee Astana?

$
0
0

Waxaa maalintii labaad galay wadahadallada looga gol-leeyahay in lagu xalliyo colaadda ka taagan waddanka Suuriya.

Masar oo dib u eegeysa furriinka ah weedha "Waan ku furay"

$
0
0

Madaxweynaha dalka Masar, Cabdi Fatax Al-sisi ayaa muujiyay in heerka furriinka uu sare u kacay dalkaasi.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live