Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

quranka kariimka qaabka loo fasiro by sheikh maxamed abdi umal part 2


Ciidamo uu wato Attam oo la sheegayo iney kaabiga saareen Galgala

$
0
0

Deegaanka Galgala ee duleedka Magaalada Boosaaso ayaa la sheegayaa iney ka jirto xaalado kacsanaan ah iyadoo ay suurta gal tahay in dagaal kale ka dhaco halkaasi.

Cisbitaalka magaalada Boosaso ayaa waxaa la soo sheegayaa in la gaarsiiyay toban askari ka tirsan ciidamada Puntland, kuwaasi oo ku soo dhaawacmay dagaalkii u dambeeyay oo shalay ka dhacay Galgala.

Wasiirka amniga Max'uud Axmed Kheyr ee Puntland ayaa wuxuu sheegay inay ka go'an tahay inay la sii dagaalamaan Sh. Atam iyo ciidamadiisa, si meesha ay uga saaraan.

Sheekh Atam ayaa, dhinaciisa, wuxuu sheegay inay sii wadayaan dagaalada ilaa laga baabi'inayo wax uu ugu yeeray xad gudubyo Puntland ay ku heyso shacabka.

Ciidamada Puntland ayaa la dareemayaa inay u diyaar garoobayaan howlgalo hor leh oo ay la tagaan goobaha dagaaladu ay ka socdeen maalmihii u dambeeyay, taasoo ka dhigeysan xaaladda mid aan weli fari ka khodneen.

Ciiadamo Alshabaabka gobolka Gedo ku biiray!

$
0
0

Ciidamo ka tirsanaan jiray Dowlada KMG ah ayaa la sheegay in ay ku biireen maamulka Alshabaab ee Gobolka Gedo iyaga hub iyo saanad farabadan oo ey wateen.

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidan ka tirsan Dowlada ay ku biireen Kooxda Alshabaab Deegaanka Garbahaarey Ee Gobolkaasi Gedo xilli xiisada laga dareemayo deegaanadaasi.

Ciidanka shabaabka isku dhiibay ayaa gaarayay 8-askari kuwaais oo la soo baxsaday Hub iyo Saanad Ciidan oo aad u fara badan iyadoo soo kexeestay gaari nuuca dagaalka ah oo ay alshabaab u gacan galiyeen.

Ciidanka ayaa waxa ay ka mid ahaayeen askar dhaqdhaqaaq ka wada Deegaanka Doolow kuwaais oo laga baqanayay in dagaala ay ka bilaabaan Gobolka Gedo gudaha bishan Ramadaan sida saraakiishooda horay u sheegayeen. Askarta ku biirtay alshabaab ayaa waxa ay ahaayeen kuwa deegaan ahaan ka soo jeeda Grabahaaray waxaana ay ku soo tababar qaateen gudaha Dalka Ethiopia oo ay muddo ku sugnaayeen ka dibna ay soo galeen Deegaanka Doolow.

Ciidanka soo goostay ayaa saamayn ku yeelan kara qorshaha Dowlada ay ka waday dhawaanahan Gobolkaasi Gedo waxaana horay loo hadal haatay askar 1000-Kun ka badan oo ka goostay Dowlada kuwaasi oo weli aan meel lagu sheegin

Muxaadaro Cusub Cadaabul Qabriga Sh Yuusu Axmed Qeebta 1

Aw Xaaji Jeylaani oo ciidamo ka tirsan Xisbul islaam ka Afduuban mowlaciisa degmada Afgooye

$
0
0

Sheikh Aw Xaaji Jeylaani oo caan ka ah Gobalka
Sh/hoose, ayaa maalintii 2aad gacanta ugu jira kooxda Xisbul Islaam ka
dib markii ay ka afduubeen gudaha degmada Afgooye oo 30km u jirta
Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Sheikh Aw Xaaji Jeylaani oo ah qofkii ugu horreeyay ee gobolkaasi
Shabeelaha Hoose ka bilaabay isku daawaynta dhirta ayaa xarigiisa waxaa
si weyn uga xumaaday dadweynaha ku nool Gobalka, iyadoo walaaca ugu
darana uu ka hayo ehelkiisa.


Sheekha ayaa laga watay Mowlac uu ku leeyahay xaafadda 21ka October  ee
degmada Afgooye xilli uu ku dhex jiray xertiisa oo ay isla aqrinayeen
Sucab Soon (Qur’aan) oo ka mid ah cibaado ay dadka qaar joogteeyaan
Bisha Barakeysan ee Ramadaanka.


Degmada Afgooye, ayaa ka mid ah deegaanada ay ka arimiyaan Ururka Xisbul islaam ee uu hogaamiyo Sheikh Xasan Daahir Aweys iyagoo lagu eedeeyey iney dhowr mar tacadiyo ka geysteen.

Muxaadaro Cusub Cadaabul Qabriga Sh Yuusu Axmed Qeebta 2

quot;Aduunyo Jacaylkaquot; by Dr. Cali Maxamed Salax(3/7)

quot;Aduunyo Jacaylkaquot; by Dr. Cali Maxamed Salax(5/7)


quot;Aduunyo Jacaylkaquot; by Dr. Cali Maxamed Salax(6/7)

Muxaadaro Cusub Cadaabul Qabriga Sh Yuusu Axmed Qeebta 3

quot;Aduunyo Jacaylkaquot; by Dr. Cali Maxamed Salax(7/7)

quot;Aduunyo Jacaylkaquot; by Dr. Cali Maxamed Salax(4/7)

Muxaadaro Cusub Cadaabul Qabriga Sh Yuusu Axmed Qeebta 4

Muxaadaro Cusub Cadaabul Qabriga Sh Yuusu Axmed Qeebta 5

Muxaadaro Cusub Cadaabul Qabriga Sh Yuusu Axmed Qeebta 6


Muxaadaro Cusub Cadaabul Qabriga Sh Yuusu Axmed Qeebta 7

Xaaji Jeylaani Macalin iyo Sadex ilmood ee uu dhalay oo magaalada Afgooye ay ku xireen Ciidamada Xisbul Islaam

$
0
0

Ciidamada Xisbul islaam ee degmada Afgooye ayaa xabsiga u taxaabay Shiikh Xaaji Jeylaani Macalin iyo sadex carruur ah oo uu dhalatay sababo aan weli la shaacin dartood.

Ehelada iyo arxibada kale ee Xaajiga oo lala xiriiray ayaa sheegay in Xaajiga gurigiisa laga kaxeystay dabadeedna xabsiga loo taxaabay iyadoon wax dacwad ah lagu soo oogin waa sida ay hadalka u dhigeene.

Horay ayeey Xaaji Jeylaani Macalin Ciidamada Xisbigu xabsiga u dhigeen waloow la sii daayay waxaase hadda la isweydiinayaa aayaha dambe ee Xaajiga iyo Carruurtiisa.

Xaajigan ayaa ah nin dhirta wax ku dabiiba waana nin caan ka ah deegaanada Afgooye ku xeeran.

halgankanet@gmail.com  

Alshabaab oo ciidamo aad u fara badan soo dhoobay jiida dagaalka ee Waqooyiga Muqdisho iyo cabsi halkaas ka jirta

$
0
0

Ciidamo aad u fara badan oo ku hubeysan Qorayha fudfud oo laga kala keenay gobolada Koonfurta Soomaaliya  qaarkood Alshabaabna ka amarqaata ayaa la geeyay jiida hore ee dagaalka Dowladda iyo Alshabaab u dhexeeya gaar ahaan dhinaca Waqooyiga Muqdisho.

Ciidamada Dowladda ee dagaalka kula jira Alshabaab ayaa dhankooda bilaabay dhaqdhaqaaq xoogan si ay uga hortagaan haddii weerar lagu soo qaado waxaana dadka deegaanka ee ka agdhow jiidaha dagaalka Waqooyiga Muqdisho la soo deristay Cabsi Xoogan.

Dhanka kale ciidamada  Amisom ayaa bilaabay in ay duleedka Madaxtooyada soo dhoobaan Taangiyadooda si ay u difaacaan Villada oo meelo aan sidaas uga fogeyn ay ku jiraan Xoogaga Mucaaradku.

Xaaladu ilaa iyo  hadda waa degan tahay laakiin wixii war ah ee soo kordha kala soco qeybaha dambe ee wararkeene haddii Alle Idmo.-

halgankanet@gmail.com

Aston Villa 3 - 0 West Ham: Horyaal Ingiriiska oo bilowday

$
0
0

Aston Villa ayaa Westham uga adkaatay 3 iyo 0.

Isla markaa Aston Villa waxay shabaqeeda ka difaacatay West ham oo waxba la gaari weyday.

Stewart Downing ayaa goolka koowaad u xaqiijiyay Aston Villa.

Stiliyan Petrov ayaa goolka labaad madaxa ku saxiixay.

James Milner oo laga yaabo in uu katago kooxda ayaa goolka saddexaad ka soo toogtay 18 yaardi meel u jirtagoolka.

Cayaartan oo ay dhegeystayaasha BBC si toos ah
ugala socdeen idaacadda iyada oo af Soomaali ah, ayaa waxay ahayd cayaar
ka tirsan tartanka Premier League.

Chelsea ayaa iyaduna 6 iyo 0 uga badisay West Brom.

Cayaaraha kale ee maanta dhacay waxaa ka mid ahaa:

Natiijooyin kale

Blacburn 1 - 0 Everton
Bolton 0 - 0 Fulham

Sunderland

2- 2

Birmingham

Tottenham 0 - 0

Man City

Wigan 0 - 4 Blackpool
Wolves 2 - 1 Stoke

Muxaadaro Cajiib ah

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live