Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Pirates Moving in to West Africa - The Epoch Times

$
0
0

Pirates Moving in to West AfricaThe Epoch TimesUN Office on Drugs and Crime (UNODC) Director Yury Fedotov (R) speaks with a Somali inmate at the UN-funded prison in Hargeisa, the capital of Somalia's self-declared state of Somaliland, on March 29, 2011. (Tony Karumba/AFP/Getty ...


Muqdisho: Kulan looga hadlayay arrimaha gargaarka

$
0
0

Xarunta madaxtoyada Soomaaliya ee MuqdishoKulan looga hadlayay sidii gargaarka loo gaarsiin lahaa dadka dhibaateysan, oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG, saraakiisha ciidamadda iyo gudomiyayaasha degmooyinka ayaa lagu qabtay magaaladda Muqdisho.Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee DKMG, Cabdisamad Macallin Maxamuud oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la gargaaro dadka ay abaaruhu saameeyeen, iyadoo la sameynayo iskaashi iyo wadashaqeyn joogta ah.Qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo qaarkood ka hadlay kulanka ayaa soo bandigay fikradahooda ku aaddan sida gurmad loo gaarsiin karo dadka dhibaateysan, iyagoo ballan qaaday inay gacan buuxdo ka geysanayaan sidii howlaha gargaarka loo fidin lahaa.Waxaa leysla gartay in la dardargeliyo qeybinta deeqo gargaar oo ay keeneen hay’adaha samafalka iyo qaar ka mid ah dalalka caalamka, oo wali ay dowladda gacanta ku heyso.Maqaaladda La Xiriira:

  1. Kulan looga hadlayay daruufaha shaqo ee howlwadeennada AMISOM ee Muqdisho
  2. Muqdisho: Kulan looga hadlay dhibaatooyinka Jubbooyinka
  3. Muqdisho: Kulan dhibaatooyinka dhallinyarada looga hadlayay oo la qabtay

Aayadda Maanta: Suuratul Maa’ida Aayah 2

Barnaamijka Waxbarashada

Xildhibaan ka soo jeeda Puntland oo ku taliyay in Garowe aan lagu qaban wejiga 2aad ee Shirka Wadatashiga Soomaaliya

$
0
0

Mid kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeedo maamulka goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ka digaya in Shirka wadatashiga Soomaaliya wejigiisa 2aad lagu qabto magaalada Garowe.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xasan oo Weekiyo ku magac dheer ayaa mar uu xogwareysi siinayay idaacadda maxaliga ah ee Shabelle Radio wuxuu sheegay in ammni darada ka jirta Puntland darteed aan madaxda dalka shir loogu qaban karin Garowe.

Mudanahan oo ka sii hadlay dhibaatada ka jirta halkaas  ayaa waxaa uu dhanka kale sheegay in colaadihii ka jiray Koonfurta Soomaaliya ay haatan u soo wareegeen dhanka Puntland, sidaas darteedna aan la isku haleyn karin ammaanka Puntalnd.

Hadalka Xildhibaankan ayaa dhabar-wareen ku noqonaya hamiga Madaxweyne Faroole iyo heshiiskii uu madaxda dowladda kula galayay in shirka Wadatashiga Soomaaliya wejigiisa labaaad lagu qabto Garowe.

halgankanet@gmail.com

Booliska Kenya oo gacanta ku dhigaan Muwaadiniin u dhalatay Ingiriiska oo lagu tuhmay in al Shabaab ay xiriir la leeyihiin

$
0
0

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa xaqiijiyay in magaala Xeebeedka Kenya ee Mombasa ay ku xireen saddex nin oo u dhashay dalka Ingiriiska.

Booliska Kenya ayaa saddex nin oo Mombasa dalxiis ku joogay xabsiga u taxaabay ka dib markii looga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin xoogga al Shabaab ee Soomaaliya ka dagaala, xoogaggaas oo liiska argagixisada caalamiga ku jira.

Taliyaha ciidamada booliska Kenya oo warbaahinta qaarkood uga warbixiyay saddexda nin ee ay xireen ayaa sheegay in hadda ay ciidamadu wadaan baaritaan, baaritaankaas natiijada ka soo baxdana ay dib ka shaacin doono.

Kenya ayaa mudooyinkan difaac uga jirtay xoogagga al Shabaab ee ku teedsan xuduuda kala qeybisa dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

halgankanet@gmail.com

Madaxweyne Shariif iyo R/Wasaare Gaas oo qoorta isugu jira iyo xil ka qaadis la sheegayo in lala damacsan yahay Gaas

$
0
0

Waxaa la sheegayaa in jahwareer iyo mugdi siyaasadeed uu soo kala dhex galay Madxweynaha dowladda KMG Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda.
Sida ilo lagu kalsoonayahay oo ku sugan Xafiiska Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ay sheegeen waxaa Madaxweyne Shariif lagu wadaa in uu xilka ka ka qaado Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Dr.C/wali Max’ed Cali Gaas.

Ilaha lagu kalsoonyahay waxa ay sheegeen in uu jahwareer iyo mugdi uu soo kala dhex galay Madaxweynaha dowladda iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda kadib markii dhexdoodu uu ka dhashay is fahan waa ku adaana ka qeyb galka shirka guud ee Qaramada Midoobay oo ka socda Magaalada New York ee dalka Maraykanka ah.

Madaxwenaha dowladdda KMG Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu aad uga carooday ka qeyb galka shirka New York ee Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya maadaama halkaasi uusan u diran Madaxweynaha, waxaana Madaxweynaha la tibaaxay in uu ka qeyb galka shirkaasi uu u rabay  in uu u xusho ergo kale.

Arintaasi ayaa waxa ay dhalisay in fahan wa iyo jahwareer soo kala dhex galay Madaxweynaha dowladda iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda oo iminka laga casbi qabo in uu waayo Xafiiskiisa.

Ilo wareedyada ku sugan Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in Madaxweynaha uu ka carooday markii wadamadii ka qeyb galayay shirkii ka socda Magaalada New York ay ku ooriyeen Madaxweynaha dowladda Iran Max’ud Axmed Najaad kaasi oo intiisa badan qudbadihiisa ku weerara wadamada reer Galbeedka, waxaana la tilmaamay in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda uu ka mid ahaa dadkii ku ooriyay Madaxweynaha dowladda Iran.

Arintaani ayaa waxa ay ka caraysiiyay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana ilaa iyo iminka aan la’ogayn halka uu ku dambeyn doono jawhwareerka siyaasadeed iyo mad madowga soo kala dhex galay Madxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda.

Wangari Maathai oo dhimatay

$
0
0

Gabadhii ugu horaysay ee Afrikaan ah ku guulaysatay biladda nabada ee Nobel Peace Wangari Maathai ayaa dhimatay


Wangari Maathai oo dhimatay

$
0
0

Gabadhii ugu horaysay ee Afrikaan ah ku guulaysatay biladda nabada ee Nobel Peace Wangari Maathai ayaa dhimatay

M.Faroole oo ku Sii Jeeda UK

$
0
0

London:-Warar laga helayo Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa sheegaya in maalmaha soo socda u kicitimi doono Madaxweyne Faroole London, halkaas oo la sheegayo inay martiqaad u fidiyeen Qurba Joogta Jaaliyadda Ingiriiska.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in Jaaliyadda dibadda ay codsatay inuu kala soo qeybgalo kulan lagu qabanayo Dalka Ingiriiska si ay ugala hadlaan arrimaha dalka ka jira gaar ahaan Gobolada Puntland oo sanadihii ugu dambeeyey Dagaalo Beeleedyo, Dilal iyo Qaraxyo ku soo kordheen.
Jaaliyadaha dibadda ee Puntland ayaa aad uga wel welsan xaalada Puntland iyo wararka inta badan dhagahooda ku soo dhacaya ee Dilalka iyo Isku dhacyada Beelaha. waxay kaloo aad uga murugaysan yihiin qeybsananta Deegaanada Puntland oo maanta xaalku uu marayo State-yo badan inay abuurmaan iyadoo uu dalka joogo Madaxweyne Faroole, taasoo muujinaysa in talo faraha ka baxday.
Jaaliyadda Puntland ee Dalka UK ayaa qaban qaabinaya kulan weeyene looga arinsanayo xaalada guud ee Soomaaliya iyo tan Gudaha Puntland, waxaana la tilmaamayaa inay kulankaas isugu yimadaan kooxaha taageersan Maamulka C/raxmaan Faroole Madaxweynaha ka yahay iyo kuwa diidan oo dhaliilsan xaalada guud ee Puntland sida uu u maamulayo Faroole, taasoo muujinaysa in si aad ah la isu xag xagan doono oo madashaas runta la taabsiin doono Faroole iyo Taageerayaashiisa halka ay ku wadaan Puntland.
 
GalGalanews.com
 

Nabad Sugida Dowlada oo soo bandhigtay dhalinyaro ka soo baxday Al-Shabaab lacagna gudoonsiisay

Uganda Oo Shaaca ka qaaday In saraakiil Sarsare ay ugu Geeriyoodeyn Muqdisho

Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dayactir ku sameyneyso isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Baarlamanka KMG Soomaaliya oo Cadeeyey in sanadka soo socda uu yahay Musharax.

Madaxweyne Faroole oo is-badel ku sameeyey taliska ciidanka Police-ka ee Puntland


Hayada Culumada Soomaaliyeed oo dadka kula talisay inay is Gargaaraan

Madaxweynaha Dalka Yemen oo sheegay xilka inuu ku wareejiyey ku xigeenkiisa Cabdul Rabbo Mansour Al-Hadi.

Orod-yahanka Weyn ee Moh Farah oo si xamaasad leh loogu soo dhaweeyay M agaalada Gabilay

$
0
0

Hargeysa (Somaliland.Org)-  Orod yahanka  caalami ga ee Moh Farah oo u dhashay Somaliland iyo Britain,  ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Gebilay.
Waxa  orod yahankan soo dhawayntiisa ka qayb qaatay maamulka gobolka,ka degmada gebiley iyo dadweyne tiro badan.
Maayarka Magaalada Gabilay Marwo Khadra Xaaji Gaydh  ayaa sheegtay inay ku faraxsan yihiin booqashada uu ku yimid ciyaaryahankan weyni gobolka Gabilay oo uu ka soo jeedo.
Orod yahanka Caanka ah Moh Farah, oo la hadlay Boqolaal dadweyne ah oo ku soo dhaweeyay magaalada Gabilay ayaa sheegay inuu si weyn ugu mahad celinayo dadweynaha magaalada Gabilay sida xamaasada leh ee ay ugu qaabileen magaaladiisii.
Moh Farah waxa uu balan qaaday inuu adduunka u bandhigi doono sidii Somaliland looga caawin lahaa horumarinta noocyada kala duwan ee ciyaaraha.
Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com

Ruwaayad: Hoygaagi dib ugu noqo (Q.19aad)

Urdun oo Soomaaliya u soo direysa dhaqaatiir iyo gargaar

$
0
0

Dowladda Urdun ayaa sheegtay in ay Soomaaliya u direyso bisha soo socota dhaqaatiir gaaraya ilaa 10 qof iyo gargaar bini’aadannimo oo isugu jira cunno iyo dawo, taasoo qeyb ka ah dedaallada ay Urdun ugu jirto samatabixinta dadka Soomaalida ah ee u dhimanaya gaajada iyo cudurrada.Qunsul sharafeedka Urdun u fadhiya Soomaaliya, Caarif Artiima oo u warramayay wakaaladda wararka Urdun ee Petra ayaa sheegay in ay sii wedi doonaan taageerada iyo gargaarka ay dowaladda Urdun siineyso Soomaaliya, isagoo tilmaamay in boqorka Urdun, Cabdalla Athaani uu ku boorriyay hay’adaha gargaarka ee xukuumadda iyo kuwa aan dowliga aheyn in ay u istaagaan sidii ay u caawin lahaayeen Soomaalida dhibaateysan.Caarif Artiima ayaa xusay in ay sii xoojin doonaan gargaarka ay gaarsiinayaan dadka Soomaalida ah ee dhibaateysan iyagoo la kaashanaya hay’adaha gargaarka ee ka howlgala Soomaaliya.Dowladda Urdun ayaa xilli sii horreysay waxay Soomaaliya keentay gargaar isugu jira cunno iyo dawo, kuwaasoo ay ugu talagashay dadka ay saameeyeen abaaraha.Maqaaladda La Xiriira:

  1. Jordan oo gargaar u direysa Soomaaliya
  2. Sacuudiga oo gargaar looga soo daabulayo Soomaaliya
  3. Iran oo gargaar u direysa Soomaaliya
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live