Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Daawo: Gudoomiyaha xisbiga Wadani ee G/Awdal oo...

$
0
0

Daawo: Gudoomiyaha xisbiga Wadani ee G/Awdal oo sharci daro ku tilmaamay xadhiga xildhibaanka deg. Borama iyo maamul xumo haysata Gobolkan


Ra’iisal Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax...

$
0
0

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon "Saacid" ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay iyadoo ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, Wasiiro, Xildhibaano ka kooban labada aqal, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo dadweyne kale.
Saacid ayaa uga mahadceliyey dadkii soo dhaweeyey, wuxuna sheegay Soomaaliya xilligan in ay ku jirto xaalad adag oo abaar iyo colaad hareeyeen, isagoo ka codsaday bulshada Soomaaliyeed ee wax haysata iyo beesha caalamka in taageero ay la gaaraan dadka ay saameeyeen abaaruhu.
Cabdi Farax Shirdon ayaa dhanka kale ka hadlay arrimaha doorashada dhowaan ka dhici doonta dalka, wuxuna hoosta ka xariiqay sida ay lagama maarmaan u tahay in dhinacyada tartamaya ay mar walba xusuusnaadaan danta guud ee dalka, kana hormariyaan arrimahooda gaarka ah.
"Waxaan ugu baaqayaa cid walba ee ay quseyso arrinta doorashadu in dalka sharafkiisa iyo wixii meel ku dhac ku noqon kara laga digtoonaado. Soomaaliya maanta waxay u socotaa jid wanaagsan oo u baahan in lagu gaaro xasillooni Siyaasadeed" ayuu yiri Saacd.
Cabdi Faarax Shirdoon ayaa hayay xilka ra'iisal wasaaraha Soomaaliya laga bilaabo 17 October 2012 - 12 Diseembar 2013, waxaana uu waayay codka kalsoonida ee ay xildhibaanadii baarlamaankii hore u qaadeen.Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Raiisal Wasaaraha dalka jarmalka oo booqasho ku...

$
0
0

Raiisal Wasaaraha dalka jarmalka Angel Meayaa ku tagtay booqasho hal maalin ah dalka Turkiga, isla markaana la kulantay Madaxweeyne Rajip Tayip Ertogan Booqashadan ay ku tagtay Angel Merkel dalka Turkiga ayaa noqonaysa tii ugu horreeysay, tan iyo markii dalkaasi Turkiga uu ka dhacay afgambigii dhicisoobay 15 kii bishii July sanadkii 2016kii. Ajandayaalka ugu horreyo ee Angel Merkel iyo Ertogan ay ka wada hadlayaan ayaa noqonaya sidii loo joogtayn lahaa iskaashiga dhinaca dadka soo galootiga ah ee soo mara waddanka Turkiga, taas oo Midowga Yurub iyo dowladda Turkiga ay horey uga wada hadleen, sidii Turkiga uu u joojin lahaa dadkaasi, taasi beddelkeeda Turkigana la siiyo taageero dhinaca dhaqaalaha iyo in uu Turkiga ka mid noqdo dalalka xubnaha ka ah Midowha Yurub. Midowga Yurub ayaa ugu deeqay dalka Turkiga Lix Bilyan oo Yeero, si ay ugu hayaan dadka soo galootiga ah gudaha dalka Turkiga oo aanay u soo gudbin dadkaasi Qaaradda Yurub.

Kenya oo ka hadashay weerarkii ay Shabaab kula...

$
0
0

Nairobi (Caasimada Online) - Dowlada Kenya ayaa goordhow ka hadashay weerar ay Maleeshiyada Al-shabaab kula wareegtay deegaanka Carabiya oo hoostaga Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Dowlada Kenya waxa ay sheegtay in weerarkaasi ay fuliyeen Maleeshiyaad dhan 21 kuwaa oo Saacado badan heystay deegaanka Carabiya iyo Saldhiga weyn ee deegaanka.
Maxamuud Saalax oo ah Xiriiriyaha Gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegay in Maleeshiyada ay geysteen xasuuq ba'an waxa uuna tilmaamay in iminka ay ka baxeen deegaanka.
Maxamuud Saalax waxa uu sheegay in goobaha ay la wareegen Alshabaab ay ku sugnaayen Ciidamada Kenya iyo kuwa Mandheera.
Waxa uu tilmaamay in Alshabaab ay isaga baxeen deegaanka waxa uuna tilmaamay in Ciidamo ay u direen Deegaanka Carabiya.
Geesta kale, Maamulka Mandheera ayaa sheegay in dadka ay laayen Alshabaab ay ku jiraan Ciidamo Kenyan ah.Caasimada OnlineXafiiska NairobiCaasimada@live.com

Dilalka ka dhacaya gobolka Bari oo kor-dhay

$
0
0


Boosaaso
Gaalkacyo (RBC Radio) Labo ruux ayaa ku dhimatay weerar toos ah oo xalay ka dhacay bar koontarool oo ku taalla dhinaca koofureed ee magaalada Boosaaso,sida laga soo xigtay saraakiisha deegaanka.
Weerarkan waxaa kalo ku dhaawacmay labo askari oo ka tirsan ciidanka amniga.
Dableyda hubeysan oo aan wali la aqoonsan ayaa rasaas ku furtay koontaroolka ku yaalla koonfurta magaalada Boosaaso,dadka deegaanka ayaana sheegay inay maqlayeen rasaasta ay is way-daarsanayeen ciidamada koontaroolka ku sugnaa iyo kooxda weerarka soo qaaday.
"Labo qof oo shacab ah ayaa weerarka ku dhintay,labo askari oo ciidamada ka tirsana way ku dhaawacmeen,"ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada ku sugnaa koontaroolka la weerarray oo la hadlay Raxanreeb.
Inta wuxuu ku daray inay baxsadeen kooxda weerarka soo qaaday oo u sheegay qaarkood inay dhaawacyo qabeen,sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay ciidamada ammaanka inay ku daba-jiraan kooxda weerarka geysatay.
Weerarkan wuxuu ku soo aaday xilli habeen ka hor lugu arkay duleedka deegaanka Karin oo 53 km u jirta degmada Qandala meydka saddex dhallinyaro ah oo madaxa laga jaray.
Dilal qorsheysan iyo weerarrada ka dhacaya gobolka Bari ayaa kordhay muddooyinkii dambe,iyadoo intooda badan mas'uuliyada weerarrada ay sheegato koox taabacsan Daacish oo ku sugan deegaannada ka tirsan gobolka Bari.
__RBC Radio

Maxkamadda ICJ oo maanta go’aan ka gaareysa dacwada...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa maanta lugu wadaa inay go'aan ka gaarto diidmada horudhaca ah ee ay Kenya ka keentay dacwadda ay Soomaaliya maxkamaddaasi u gudbisay.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u diiday soo jeedintii Kenya ee ahayd in heshiiska Is-afgaradka uu yahay mid suurtagelin karta inay labada dal ku heshiiyaan xadeynta badda.
Intii uu dhageysiga socday, waxaa soo baxday in labada dhinac ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin ujeedada laga lahaa Is-afgaradkaasi.
Kenya waxay ku cel-celisay in ujeedada heshiiskaasi uu ahaa in labada dal ay wadaxaajood ka yeeshaan muranka.
Dhagaysigan la soo gabogabeeyay ayaa khuseeyay oo kaliya diidmada ka timid dhinaca Kenya oo ku doodeysa in maxkamaddan aysan awood u lahayn in ay xaliso murankan.
Go'aanka maxkamadda ayaa noqon doona mid kama dambeys ah, oo ay tahay in labada dal ay u hoggaansamaan.
Haddii ay maxkamadu go'aamiso in Kenya aysan daw u lahayd diidmada dacwadda, waxay Kenya ku khasbanaan doontaa inay ka jawaabto dacwadda ay maxkamaddu geysay Soomaaliya sanadddii 2014-kii.
Balse taasi badalkeeda haddii garsoorayaasha ay qaataan dooda Kenya markaasi waxaa labada dal u furnaan doonta in ay khilaafkooda ku dhamaystaan wadahadal.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u caddeysay inaysan marna gorgortan ka gali doonin xad-gudubka Kenya ee biyaha Soomaaliya.
__RBC Radio

Guddiga doorashada oo qabanaya dooddii musharixiinta...

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in la qaban doono dooddii musharrixiinta madaxweynaha oo horay loo baajiyay.
Guddoomiyaha guddiga doorashada,Cabdirixmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in laga tallaabay daruuftii markii hore loo baajiyay doodda,wuxuuna sheegay in mar kale leysku afgartay in dib loo qabto dooddii musharixiinta xilka madaxweynaha.
Waxa ugu weyn ee horay doodda loogu baajiyay waxaa lugu sheegay cilad ku timid Interneedka,maaddama doodda la doonayay si toos ah in loo baahiyay,guddiga doorashada ayaa hadda sheegay in interneed awood leh la helay.
Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa shaaciyay in 06 bishan Feberaayo oo ku beegan Isniinta soo socta la qaban doono doodda musharrixiinta madaxweynaha.
Qaar ka mid ah musharrixiinta madaxweynaha ayaa ku adkeystay in la qabto dood si toos ah warbaahinta ay u baahinayso,markii horay guddiga doorashada ay u sheegen doodda in laga saaray jadwalka doorashada.
24 musharrax ayaa u tartamaysa xilka madaxweynaha Soomaaliya tirada oo ah mid aad u badan,waxaana taarikhda ay noqonaysa haddii doodda loo qabto musharrixiinta markii ugu horreeysay oo Soomaaliya dood noocan ah musharrixiinta madaxweynaha ay dhex-mareyso.
__RBC Radio

Baarlamaanka oo musharrixiinta madaxweynaha ka...

$
0
0


Xasan Sheekh ayaa ka mid ah musharrixiinta hortagaya baarlamaanka
Muqdisho (RBC Radio) Musharrixiinta madaxweynaha dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa maanta billaabaya inay baarlamaanka u jeediyaan khudbadahooda,sida ay horay u shaaciyeen guddiga qaban qaabada doorashada.
Ilaa 24 musharrax ayaa u tartamaya xilka madaxweynaha,balse waxaa maanta baarlamaanka khudbadaha u jeedinaya siddeed musharrax oo noqonaya kuwa ugu horreeya.
Musharrixiinta waxaa ay ka hadli doonan wax qabadkooda haddii ay guuleystaan iyo warbixinno la xiriira taarikhda nolashooda.
Siddeeda musharraxa ee khudbadaha lugu furayo waxaa ka mid ah madaxweynaha xilka sii haya,Xassan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii ka horreeyay Shariif Sheekh Axmed.
Ilaa maalinta Axada ayay sii socon doonan khudbadaha oo ay taariikhdu ku beegan tahay 05 bisha Feberaayo.
Musharaxiinta maanta khudbadaha jeedin doona oo ay shaaciyeen Guddiga Doorashada Madaxweynaha ayaa kala ah:
1- Axmed Maxamed Cabdi
2- Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
3- Bashiir Raage Shiiraar
4- Jibriil Ibraahim Cabdulle
5- Xasan Sheekh Maxamuud
6- Saciid Cabdullaahi Deni
7- Saciid Ciise Maxamuud
8- Shariif Sheekh Axmed.
Marka ay soo dhammaadan dhageysiga khudbadaa musharrixiinta waxaa loo diyaargaroobi doona doorashada madaxweynaha oo la qabanayo 08 bishan Feberaayo maalinta Arbacada ah ee nagu soo foolka leh.
__RBC Radio


Suudaan oo rabta in ay burburiso 25 kiniisadood

$
0
0

Xukuumadda Suudaan ayaa doonaysa in ay burburiso 25 kiniisadood oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Khartuum sida uu qoray website-ka Radio Tamazuj oo fadhigiisu yahay dalka Netherlands.

Sawirro: Qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Qarax khasaare geystay ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay wadada Via Balcad ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ahaa qarax ka dhex dhacay gaari nooca raaxada ah.
Goob joogayaal ku sugan halka ay wax ka dhaceen ayaa sheegaya in wadadaasi gaar ahaan inta u dhaxeysa Beexaani iyo Isgoyska Markalyoni uu ka dhacay qaraxan.
Gaariga qarxay ayaa yaalla meel la sheegay in lagu sameeyo taayerada Gaadiidka, dhanka degmada Kaaraan, waxaana halkaasi ku dhaawacmay qof la sheegay inuu gaarigaasi wadey.
Ciidamada ammaanka ayaa halka qaraxa uu ka dhacay gaaray, iyaga oo durba bilaabay howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.
Laamiga qaraxan uu ka dhacay waxa uu kamid yahay wadada Via Balcad, waxaana sidoo kale laamigan uu kala qeybiyaa degmooyinka Shibis iyo Kaaraan.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Xog: Cabsida musharaxiinta oo sababtay in ay hal...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Wararka aan ka heleyno dhanka Musharaxiinta xilka Madaxweyne, ayaa sheegaya in walaac dhanka amniga ah uu lasoo darisay kadib markii ay heleen xogo muujinaaya in Al-shabaab ay wado qorsho lagu beegsanaayo.
Musharaxiinta ayaa sheegay in xiligaani ay fooda nagu soo heyso Doorashada ay leeyihiin Cadow dhanka Siyaasada iyo mid Al-shabaab ah, loona baahan yahay in laga gaashaanto ka hor inta aanu dhicin falal amni darro oo lidi ku ah.
Musharaxiinta oo intooda badan degnaa Hoteelada waaweyn ee magaalada Muqdisho, ayaa iminka isku uruursaday Hoteel Jazeera oo ku dhow Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay walaac gaara ka muujiyeen in lagu weeraro Hoteelada kale oo aan amnigooda sugneyn.
Musharaxiinta qaar ayaa qaatay dhowr Gaari nooca dagaalka ah ee loo yaqaan Cabdi-bilaha si ay uga gaashaantaan walaaca dhanka amniga ah ee lasoo darisay.
Musharaxiinta aan heysan dhaqaalaha ku filan ayaa iyaguna qaatay ciidamo dhowr ah, oo ay uga gaashaantaan weeraro kaga imaada dhanka Al-shabaab iyo kuwa la Siyaasadeeyay.
Musharaxiinta ayaa saacadihii ugu danbeysay ay lasoo daristay Cabsi dhanka Al-shabaab, waxaana xusid mudan in Maxamed Maxamuud Culusow oo kamid ah Musharaxiinta uu sheegay in ugaarsi lagu hayo Musharaxiinta.
Si kastaba ha ahaatee, walaaca Musharaxiinta ayaa sabab u noqday inay ka guuraan Hoteelada qaar, iyagoo isku uruuriyay Hoteel Jazeera ee magaalada Muqdisho.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Mareykanka oo u Digay Dowladda Iran

$
0
0

La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Donald Trump ayaa arbacadii cambaareeyey tijaabo gantaal oo Iran ay sameysay, waxaana uu sheegay in Tehran ay halis gelineyso heshiiskii nuclear ee ay sanaddii 2015 la gashay Mareykanka iyo quwadaha kale ee adduunka.

ICJ says can rule Somalia-Kenya boundary case

$
0
0

The United Nations' highest court ruled on Thursday it has the authority to adjudicate in a maritime boundary dispute between Kenya and Somalia over stretches of the Indian Ocean potentially rich in oil and gas.
Somalia asked the International Court of Justice (ICJ) in The Hague to rule on the maritime boundaries between the two coastal nations in 2014 after negotiations over the 100,000 square kilometre stretch of sea floor broke down.
The ruling means Somalia's boundary demarcation claim against Kenya can proceed, potentially affecting hydrocarbon exploration and exploitation rights Kenya has already granted in the roughly triangular area of contested ocean.
Companies that have been awarded Indian Ocean exploration blocks by Kenya include Tullow, Erin Energy, FAR and Dominion, though it is not clear if their parcels lie within the affected area.
Judges rejected Kenya's claim that a 2009 agreement between the two countries amounted to a commitment to settle the matter out of court, depriving the court of jurisdiction.
"The court finds that Kenya's preliminary objection to the jurisdiction of the court must be rejected," presiding judge Ronny Abraham said, reading from the judgment in the tribunal's ornate courtroom.
Speaking outside the court, Kenya's Attorney General Githu Muigai said his country would "vigorously prosecute its case" in the upcoming hearings on the demarcation dispute, which have yet to be scheduled.
Kenya had a central role to play in fighting the maritime security risk from the Al Shabaab Islamist militant group in the pirate-infested waters, he added, and said the court case would not change this.
"Kenya maintains the view that litigation can resolve only one aspect of a wide range of complex issues the parties must agree upon," he said.
Cases at the ICJ, which rules on disputes between states over international treaties, can last many years. Its rulings are binding, though the court has no enforcement powers and countries have been known to ignore its verdicts.

Suuqa ugu weyn Soomaaliya oo dhawaan laga hirgelin...

$
0
0

Garowe(Puntland Post)- Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa lagu wadaa in dhawaan laga hirgeliyo Magaalada Garowe ee caasimada Dawlada Puntland, sida ay warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyeen ganacsatada ku hawlan dhismaha suuqan weyn oo dhawaan bilaaban doona.
Suuqan oo noqon doona kii ugu horeeyey ee noociisa ah oo laga hirgeliyo Dalka ayaa ka koobnaan doona qaybo kala duwan sida Moolal waaweyn oo ay Dadku ka adeegtaan, beeraha nasashada, Baakino gawaarida la dhigto, astaanka gawaarida iyo gadiidka kale uga safraan guud ahaan Gobaladda kala duwan ee Dalka iyo dibadaba iyo sidoo kale goobo kale oo ganacsi.
Suuqan oo ku fadhin doona dhul baaxadadiisu le'eg tahay dhowr Kilo Mitir ayaa loo asteeyey dhinaca koonfureed ee magaalada Garowe.
Mid ka mid ah ganacsatada ku hawlan dhismahan ayaa u sheegay Puntland Post inay rajaynayaan in suuqana marka uu hirgalo uu sidoo kale abuuri doono fursado shaqo oo muhiim ah.
Magaalada Garowe ayaa sanadihii danbaba samaynaysay kobac xawli ku socda iyo Horumaro kala duwan, iyadoo ay ganacsiyo kala duwan ay kusoo kordhiyeen qurba joog Soomaaliyeed oo ka kala yimi daafaha caalamka iyo weliba Dadka ku nool gudaha Dalka oo iyaguna si xoogan u maalgashanaya magaaladan, waxayna Dad badan sheegaan inay ugu wacantahay nabadgalyada buuxda iyo cimiladeeda oo ah mid si aada loo amaano.PUNTLAND POST
The post Suuqa ugu weyn Soomaaliya oo dhawaan laga hirgelin doono magaalada Garowe appeared first on Puntland Post.

Ra’iisul wasaare Sharmarke oo soo dhoweeyay go...

$
0
0

Ra'iisul Wasaarahaha dowladda Federaalka Soonaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa soo dhaweeyay go'aanka Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ku saabsanaa Soohdinta Badda.
"Waxaan ku kalsoonaa in Soomaaliya ay ku guuleysaneyso dacwadaan. Maanta, waxaan aragnaa natiijada dadaalka xukuumadaha ku meel gaarka iyo xukuumadda hadda jirta ay ugu jireen difaaca xuduudaheena. Waa dadaal isku dhaf ah oo loo galay difaaca israacsanaanta dhulkeena," ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha.
"Waxaan u hambalyeynayaa qareenada Soomaaliyeed ee ka dooday dacwadaan muhiimka ah. Waxaan rabaa in aan xasuusiyo Soomaalida, gaar ahaan hoggaamiyeyaasha siyaasadeed, in ay muhiim tahay in hal hadaf la wada yeesho. Dacwadaan waxaa ay ka dhexeysaa labo dal ee ka ma dhexeyso Soomaali. Waa in hadafku uu noqdaa in lagu guuleysto dacwada oo la difaaco xuduudaheena ee maahan hadafku in loo adeegso hadaf siyaasadeed . Waxaan idiin sheegayaa in marxaladdan ay tahay mid taariikhi ah," ayuu yiri.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay ka codsatay maxkamadda in ay calaamadeyso soohdinta badda, go'aanna ay ka gaarto xuduudda. Maxkamadda ayaa go'aan ka gaartay in ay dhageysato dacwadda ka dibna calaamadeyso xuduudda.Ra'iisul wasaaraha ayaa soo dhaweeyay go'aanka Maxkamadda oo kama dambeys ah uguna baaqay Kenya in ay tixgeliso.--DHAMAADPUNTLAND POST
The post Ra'iisul wasaare Sharmarke oo soo dhoweeyay go'aankii Maxkamada ICJ appeared first on Puntland Post.


ICJ oo aqbashay dalabka Somalia, kuna cagan-sayrtay...

$
0
0

Hague (Sh M Network) -Maxkamada Caalamiga ee Cadaallada QM (ICJ) ayaa go'aan ka gaartay Dacwada la xiriirta Muran dhanka Badda ee u dhaxeeyo Somalia iyo Kenya, kaasi oo Labada dalka horey ugu heshiin waayeen.
Maxkamada ICJ ayaa meesha ka saartay Heshiiskii Is-afgaradka ahaa, ee Kenya iyo Somalia ku gaareen magaalada Nairobi sanadkii 2009, kaasi oo dhigayay in labada dalka ay ku xaliyaan Muranka meel ka baxsan maxkamadda.
Garsoorayaasha Maxkamadda ugu sareysa ICJ oo hoostagta QM ayaa sheegay inay aqbaleen Dacwada Somalia u gudbisay July, 2015, kaasi oo ay ku codsanayso in Maxkamada ay xadeyso Xuduud-badeeda.
Maxkamada ICJ ayaa go'aan ka qaadatay maanta kiiska soohidna badda ee Somalia iyo Kenya, waxayna sheegtay inay sii wadi doonta dhageysiga Dacwada, oo ah hanaan mudo sanado badan qaadan karo.
Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya Githu Muigai, ayaa sheegtay inay Maxkamada la safatay Somalia, sidoo kalena ay diiday codsigeeda ahaa in labada dalka loo daayo inay ku xalistaan Muranka Xuduud-badeedkooda Heshiisyo Is-afgarad ah.
Dhul-badeedka muranka uu ka taagan yahay oo lagu qiyaaso 142,000KM oo Labo-jibaar ah, ayaa la rumeysan yahay inuu ka buuxo shidaalka iyo saliidda badan.
Somalia waxay ICJ weydiisatay inay cayinto Soohdinta Badda ee Somalia iyo Kenya ee Badweynta India oo ay ku jiraan biyaha dalka, aagga dhaqaale ee gaarka ah, geyi-qaaradeedka iyo geyi-qaaradeed wixii ka baxsan masaafo dhan 200 oo nautical mayl.

Kumaandooska Somalia iyo kuwa Mareykan ah oo...

$
0
0

Balcad (Sh M Network) -Wararka laga helayo Degmada Balcad ee Gobolka Sh.Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay weerar ku qaadeen Tuulo lagu magacaabo Basro.
Tuuladan ayaa qiyaas ahaan 15Km waxey u jirtaa Degmada Balcad ee Gobolka Sh.Dhexe.
Ciidamada Huwanta oo ka soo daatay Diyaarad Dagaal ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dageen tuulada waxaana halkaasi ay ka soo xireen ugu yaraan 5 Ruux oo lagu tuhmay in ay ka tirsan yihiin Xoogaga Xarakada Al Shabaab.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Ciidamadan iskaashanaya ay 5 qori oo nuuca AK-47-ka iyo Bistoolad ka soo qaateen Beeraley ku sugnaa Tuulada Basro ee Gobolka Sh.Dhexe.
Xildhibaan Xasan Maxamuud Qooreey oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle ayaa howlgalkan u xaqiijiyay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaankan ayaa sidoo kale waxuu sheegay in Ciidamada huwanta ay beegsadeen Dad Shacab ah oo ku sugan Tuulada Basro.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Xildhibaan Xasan waxuu sidoo kale ku eedeeyay Ciidamadan in ay lacago ka qaateen Dadkii ku sugnaa Tuulada Basro oo 15Km u jirta Degmada Balcad ee Gobolka Sh.Dhexe.
Inta badan Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Ajaaniib ah ayaa howlgallo qorsheysan waxey ka sameeyeen Degaano iyo Degmooyin dhaca qeybo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya.

Maxkamadda ICJ oo go’aamisay inay qaado dacwadda...

$
0
0

Xaakimyada maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobeey ayaa go'aan ku gaaray inay dhageysan karaan dacwadda ku saabsan murankaa badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xaakimiinta Maxkaamadda ayaa u codeeyay kiiska kaddib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya ee la timid ee ahaa in dacwadda si hoose loo dhameeyo. Maxkamadda oo la safatay Soomaaliya waxay meesha ka saartay doodda Kenya ee ah in labada dal ay muranka ku xalliyaan heshiiskii ay horey u wada saxiixdeen. Hadda kiiska ay Soomaaliya gudbisay ayaa sii socon doono muddo sanado ah, waxayna ugu dambeyn go'aan ka gaari doontaa dalka iskaleh qeybta badda ee lagu muransan yahay. Soomaaliya ayaa horay u dooday inay Maxakamaddaan ay awood u leedahay inay qaado dacwadaan, maadaama labada dowladood ay horay marar badan isku fahmi waayeen. Dhul badeedka muranka uu ka taagan yahay ayaa la rumeysan yahay inuu hodan ku yahay shidaalka iyo saliidda, iyadoo Soomaaliya ay leedahay kheyraadka nuucaasi ah. Talaabadan ayaa guul u ah shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Rai’isul Wasaare Sharmarke oo soo dhaweeyay go’aanka...

$
0
0

Rai'isul Wasaarahaha Jamhuuriyadda Federaalka Soonaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa soo dhaweeyay go'aanka Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ku saabsanaa Soohdinta Badda. "Waxaan ku kalsooneyn in Soomaaliya ay ku guuleysaneyso dacwadaan. Maanta, waxaan aragnaa natiijada dadaalka xukuumadaha ku meel gaarka iyo xukuumadda hadda jirta ay ugu jireen difaaca xuduudaheena. Waa dadaal isku dhaf ah [...]

RW Ku-Xigeenka oo soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda...

$
0
0

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa soo dhaweeyay go'aanka Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ay ku aqbashay dacwada Soomaaliya ee ku saabsan murranka soohdinta badda ee dalkeennu uu kala dhaxeeyay Kenya. Mudane Carteh ayaa ku tilmaamay go'aankaas guul weyn oo u soo hooyatay dhamaan dadka Soomaaliyeed, isaga oo kula [...]

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live