Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

RW Ku-Xigeenka oo Baarlamaanka kala wareegay lacag...

$
0
0

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha ee heer Qaran ayaa maanta ka guddoomay lacag dhan $360,000 (saddex boqol iyo lixdan kun), Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Lacagtaas oo ah 50% lacagti laga uruuriyay Musharixiinta jagada Madaxweynenimo u tartamaysay oo horey Xildhibaanada labada Aqal u go'aamiyeen in wax [...]


Akhriso:- Go’aanka Maxkamadda ICJ ay ka gaartay...

$
0
0

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee ICJ ayaa maanta go'aanka ka gaartay Dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo ahayd in Maxkamadda ay gali karto muranka u dhaxeeya labada dalka iyo in kale, waxaana maxkamaddu ay ku dhawaaqday inay qaadayso Dacwadda Badda ee haatan u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. HALKAAN RIIX ee Akhriso Go'aanka Maxkamadda

Kaalmo lacageed oo ka timid Jaaliyadda Sweden oo la...

$
0
0

Munaasabadan deeqda lacagta ah lagu guddoonsiinayay Wakiilo Maamulka degmada Balcad u qaabilsan dhanka abaaraha, isla markaana ay soo dhiibeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Sweden, loona soo wakiishay dhallinyaro waxbartay oo ku nool Muqdisho ayaa waxa ka qeyb galay maamulka Degmada Balcad, qeybaha bulshada iyo xubno kale. Maxamuud Maxamed Cabdulle Deeqow oo ka wakiil ahaa kaalmada lacageed ee loogu talagalay dadka ay abaartu ku saameysay degmada Balcad iyo tuulooyin hoostaga ayaa sheegay inay ka koobantahay toban milyan oo shillin Soomaali ah, isla markaana ay u soo wakiilatay Nasro Maxamed Cali oo ah Guddoomiyaha Jaaliyadda Xamar iyo Xamardaye ee wadanka Sweden. "Lacagtan waa toban milyan oo shlin Soomaali ah, waxaana loogu talagalay in loogu gurmado dadka ay saameysay abaaraha ka jirta degmada iyo tuulooyin hoos yimaada, si biyo dhaamin iyo adeegyo kale loogu qabto, waxaana rajeynaa in tani aysan noqon doonin tii ugu horeysay, uguna dambeysay" ayuu yiri Deeqow. Ugaas Maxamed-weli Ugaas Xuseen oo ka mid ah guddiga degmada balcad u qaabilsan dhanka abaaraha ayaa uga Mahadceliyay dhallinyaradii isa soo xilqaantay ee kaalmada lacagta ah soo gaarsiisay, isagoo bulshada intee kale ka codsaday inay u gurmadaan walaalahood ee ay saameynta ku yeelatay abaarta. "Waxaan u mahadcelineyna dhamaan dhallinyarada aqoonyahanka ah ee lacagtan [...]

Cumar Cabdirishiid oo ka hadlay baddii uu muranka...

$
0
0

Kn: Ra'isulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirishiid ayaa soo dhaweeyey go'aankii ay gaartay maxkamadda caddaalada adduunka ee ku saabsanayd dhul badeedka Soomaaliya ee ay Kenya Sheeganayso.
Cumar ayaa ahaa ra'isulwasaarihii meelmariyey heshiiskii isfahamka ahaa ee ay Kenya u cuskatay in ay ku sheegato badda Somaaliya.
"Waxaan ku kalsooneyn in Soomaaliya ay ku guuleysaneyso dacwadaan. Maanta, waxaan aragnaa natiijada dadaalka xukuumadaha ku meel gaarka iyo xukuumadda hadda jirta ay ugu jireen difaaca xuduudaheena. Waa dadaal isku dhaf ah oo loo galay difaaca israacsanaanta dhulkeena," ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha.
"Waxaan u hambalyeynayaa qareenada Soomaaliyeed ee ka dooday dacwadaan muhiimka ah. Waxaan rabaa in aan xasuusiyo Soomaalida, gaar ahaan hoggaamiyeyaasha siyaasadeed, in ay muhiim tahay in hal hadaf la wada yeesho. Dacwadaan waxaa ay ka dhexeysaa labo dal ee ka ma dhexeyso Soomaali. Waa in hadafku uu noqdaa in lagu guuleysto dacwada oo la difaaco xuduudaheena ee maahan hadafku in loo adeegso hadaf siyaasadeed . Waxaan idiin sheegayaa in marxaladdan ay tahay mid taariikhi ah," ayuu yiri.

somalia - BingNews

$
0
0

http://www.bing.com:80/news/search?q=somalia&FORM=YFNR&format=RSSSearch resultshttp://www.bing.com/rsslogo.gifhttp://www.bing.com:80/news/search?q=soma... \xc2\xa9 2017 Microsoft. All rights reserved. These XML results may not be used, reproduced or transmitted in any manner or for any purpose other than rendering Bing results within an RSS aggregator for your personal, non-commercial use. Any other use of these results requires express written permission from Microsoft Corporation. By accessing this web page or using these results in any manner whatsoever, you agree to be bound by the foregoing restrictions.http://www.bing.com/news/apiclick.aspx?ref=FexRss&aid=&tid=C372072FB6D64... United Nations is warning that Somalia could soon be facing a famine without urgent international action, raising concerns about a repeat of 2011's famine which killed more than a quarter of a million people. The country is in a severe drought after ...Thu, 02 Feb 2017 12:52:00 GMTNPR Newshttp://www.bing.com/th?id=ON.52E1726AD8055411A86F1333BD496A40&pid=Newsw={0}&h={1}&c=7700435http://www.bing.com/news/apiclick.aspx?ref=FexRss&aid=&tid=C372072FB6D64... far did you have to walk to get clean water this morning? For me, it was 10 feet. A cool glass of life-sustaining water was enjoyed without a second thought. But millions aren't so fortunate. As the second famine to hit Somalia in six years looms, the ...Fri, 03 Feb 2017 07:21:00 GMTChristian Todayhttp://www.bing.com/th?id=ON.D0AAB1DAB83BF1C2C18BD74B640072F1&pid=Newsw={0}&h={1}&c=7700417http://www.bing.com/news/apiclick.aspx?ref=FexRss&aid=&tid=C372072FB6D64... will elect a new President on February 8 as the country strives to overcome its history of decades-old conflict. About 24 candidates have been cleared to run for the top post and their fate will be decided by 329 members of the Lower and Upper ...Fri, 03 Feb 2017 08:53:00 GMTStandard Grouphttp://www.bing.com/th?id=ON.32E0C028D2780AD3454FBDEE8797802C&pid=Newsw={0}&h={1}&c=7504336http://www.bing.com/news/apiclick.aspx?ref=FexRss&aid=&tid=C372072FB6D64... observed that the soldiers are not serving the intended mission and should return home to avoid further fatalities. The terrorist group has been behind attacks in Somalia and Kenya in a bid to oust the Somali government and impose a caliphate.Fri, 03 Feb 2017 09:40:00 GMTDaily Nationhttp://www.bing.com/th?id=ON.DCCAF63ACFF9BE66BDC2B1B669871653&pid=Newsw={0}&h={1}&c=7425262http://www.bing.com/news/apiclick.aspx?ref=FexRss&aid=&tid=C372072FB6D64... (Thomson Reuters Foundation) - Somalia is on the brink of its second famine in six years, with drought already killing people in the north and crisis looming on a catastrophic scale, the United Nations said on Thursday. "In six months, we'll be ...Fri, 03 Feb 2017 01:35:00 GMTReutershttp://www.bing.com/news/apiclick.aspx?ref=FexRss&aid=&tid=C372072FB6D64... faces a "very real risk" of famine, with more than six million people, half its population, facing acute food insecurity in the country, three UN agencies have warned. Humanitarian groups in Somalia cautioned there was a "small window" to ...Fri, 03 Feb 2017 11:18:00 GMTThe Irish Timeshttp://www.bing.com/th?id=ON.D1FA7A2AA43AD26B62E9F74D71A2E2F3&pid=Newsw={0}&h={1}&c=7300160http://www.bing.com/news/apiclick.aspx?ref=FexRss&aid=&tid=C372072FB6D64... number of people in need of food aid has risen to 6.2 million from 5 million in September, according to the U.N. "This is the time to act to prevent another famine in Somalia," said the Humanitarian Coordinator for Somalia, Peter de Clercq, during ...Fri, 03 Feb 2017 01:31:00 GMTafricanews.comhttp://www.bing.com/th?id=ON.B2B9A06905F04CD67F901A11C8A6E0E4&pid=Newsw={0}&h={1}&c=7400225http://www.bing.com/news/apiclick.aspx?ref=FexRss&aid=&tid=C372072FB6D64... HAGUE The United Nations' highest court ruled on Thursday it has the authority to adjudicate in a maritime boundary dispute between Kenya and Somalia over stretches of the Indian Ocean potentially rich in oil and gas. Somalia asked the International ...Thu, 02 Feb 2017 09:49:00 GMTReutershttp://www.bing.com/news/apiclick.aspx?ref=FexRss&aid=&tid=C372072FB6D64... Court of Justice (ICJ) yesterday dismissed Kenya's opposition to Somalia's case on maritime boundary. By a majority of 13 judges, the top UN court ruled that it had powers to hear the dispute between the two countries. Kenya had put up ...Fri, 03 Feb 2017 07:09:00 GMTgeeskaafrika.comhttp://www.bing.com/th?id=ON.9014E5410A93A34029C16CD901C50317&pid=Newsw={0}&h={1}&c=7324160http://www.bing.com/news/apiclick.aspx?ref=FexRss&aid=&tid=C372072FB6D64...'s maritime dispute with neighbouring Somalia will now proceed to full trial at the International court of Justice (ICJ) at The Hague. UN's highest court agreed on Thursday to hear a case by Somalia brought against her neighbour Kenya, after the ...Fri, 03 Feb 2017 04:22:00 GMTafricanews.comhttp://www.bing.com/th?id=ON.DFE9B607FDEA7AB5B3DEA1BEA7771005&pid=Newsw={0}&h={1}&c=7400225
Weblinks: 

//-->

Lacagtii musharixiinta ay bixiyeen oo kala bar lagu...

$
0
0

Kn: Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha ee heer Qaran ayaa maanta ka guddoomay lacag dhan $360,000 (saddex boqol iyo lixdan kun), Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Lacagtaas oo ah 50% lacagti laga uruuriyay Musharixiinta jagada Madaxweynenimo u tartamaysay oo horey Xildhibaanada labada Aqal u go'aamiyeen in wax looga qabto Abaaraha dalka ka jira.
Mudane Carte ayaa u mahad celiyay dhammaan Musharixiinta iyo Xildhibaanada labada Aqal isaga oo sheegay in lacagtan ay gaarsiin doonaan dadkii loogu talagalay.
"Xildhibaanada labada Gole iyo Musharixiinta aad ayaan uga mahad celinayaa doorka ay ka qaateen in loo gargaaro dadkeenna dhibaateysan; waxa aan Ilaahay hortiis iyo hortiinaba ka ballan qaadayaa in lacagtani ay ku bixi doonto sidii loogu talagalay".KismaayoNews.com

Trump oo cunaqabatayn saaray Iran ka dib markii ay...

$
0
0

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa cunaqabateyn ku soo rogay Iiran ka dib markii ay dhawaan tijaabisay gantaal.
Waaxda maaliyadda ee Maraykanka ayaa shaacisay tallaabooyin ka dhan ah 13 qof iyo daraasiin shirkado oo dalka Iraan laga leeyahay.
Netanyahu oo Iran ku eedeeyay tijaabinta gantaal
Iran 'oo samaysanaysa maraakiib ku shaqaysa nukliyeer'
Madaxweyne Trump ayaa bartiisa Twitterka waxa uu ku soo qoray mar sii horaysay ''Iiraan dab iyo holac ayey ku dheelaysaa, ma fahansano naxariista uu Obama u muujiyey. Aniga taa iga ma helayaan''.
Iraan ayaa dhinaceeda sheegtay in aanay dhag u raaricin doonin waxa ay ugu yeertay cagajuglayn aan micno lahayn oo ka imaanaysa ayey tiri ''qof aan khibrad lahayn''
Kooxaha cunaqabataynta la saaray waxay ku sugan yihiin Imaaraadka Carabta, Lebnaan iyo Shiinaha.
Isbuucan ayaa la taliyaha dhinaca amaanka ee madaxweyne Trump Michael Flynn, ayaa sheegay in maamulka Mareykanku uu digiin u diray Tehran.

Maraykanka oo difaacay weerarkii ay dadka badan ku...

$
0
0

Aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday deegaanka ay Al-Qaacida ku xoog badan tahay ee dalka Yemen oo ay u badan tahay in ay shacab badan ku dhinteen in uu ahaa "mid aad looga fiirsaday".
Ugu badnaan 23 ruux oo shacab ah ayaa lagu dilay weerarka oo ka dhacay tuulada ku taala gobolka Yakla Sabtidii, waxaana ka mid ahaa 10carruur ah sida ay sheegtay hay'adda xuquuqda aadanaha u ol'oleysa ee Reprieve.
Wararka Yemen ka imaanayana waxay sheegayaan in dadka ay waxyeeladu gaartay ay ka mid tahay gabadh uu dhalay Anwar Ak-awlaki oo ahaa nin malayshiyada ka mid ahaa oo lagu dilay weerar uu Maraykanku qaaday 2011kii.
Weerarkan cusub ayaa ahaa kii boobaad ee noociisa ah ee uu amro madaxweyne Donald Trump.
Milatariga Maraykanka ayaa markii hore sheegay in uu ku dhintay weerarkaas William 'Ryan' Owens oo 36 jir ah oo ka mid ahaa ciidammada badda ayna saddex kale ku dhaawac meen. Laakiin taliska dhexe ayaa markii dambe sheegay in laga yaabo in dadka dhintay ay carruur ku jiraan.
Britain oo eedeysay Sacuudiga
Maraykanka oo weeraray raadeerada Yemen
Yemen: Duqeyn lagu dilay rayid
Waxaa lagu soo waramay in weerarkaas ay ka qayb qaateen dhawr ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca. waxaana ku dhintay 14 ka mid ah malayshiyada oo ay ka mid yihiin saddex ka mid ah hogaamiyeyaasha Al-Qaacida sida ay milatariga Maraykanku sheegeen.
Afhayeenka Aqalka Cad, Sean Spicer ayaa saxafiyiinta u sheegay "way adagtahay in aad guul dhamaystiran sheegato marka ay nafi kaa dhimato ama dad kaa dhaawacmaan.
"Laakiin waxaan u malaynayaa marka la isku duuduubo waxa noo qabsoomay si aan u baajino in mustaqbalka dad nalaga laayo markaas waxaan filayaa waa hawlgal guulaystay marka dhankaste laga fiiriyo".
Marnaba ma uusan soo hadal qaadin in dad shacab ah waxyeelo ka soo gaartay.
Galinkii hore ee Khamiista ayay hay'adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Reprieve sheegtay in canug markaas uun dhashay uu ka mid ahaa 10 carruur ah oo ku dhimatay weerarkaas.
Waxaa kale oo ay soo xigatay warar deegaanka ah oo sheegaya in haweenay xaamilo ah caloosha laga toogtay oo ay dhashay ilmo dhaawac ah oo markii dambana dhintay.
Carruur kale oo dhawr ah oo dhimatay ayaa sawirradooda la soo dhigay baraha bulshada, waxyar uun ka dib marka uu weerarku dhacay.


Madaxa Uber oo iska casilay xil uu Trump u hayay

$
0
0

Travis Kalanick, oo ah madaxa shirkadda adeegga tagaasida ee Uber, ayaa iska casilay xil uu ka hayay kooxda madaxweyne Trump kala talisa arrimaha dhaqaalaha, ka dib markii si weyn loo dhaliilay.
Uber ayaa ka mid ah dhowr shirkadood oo ka walaacsan saamaynta ay xanibada uu Trump saaray muhaajiriinta ku yeelan karto shaqaalahooda.
Shirkadaasi ayaa sheegtay in ay 3 milyan oo dollar ay u asteysay sidii ay dhanka sharciga uga caawin lahayd shaqaalaheeda uu saameeyay amarka Trump, kuwaasoo u badan darawaliinta Uber.
Mr Kalanick oo u muuqday in uu ka xunyahay qaabka ay warbaahinta uga hadashay ka mid ahaanshihiisa kooxda Trump la talisa, ayaa sheegay in asaga iyo Uber toona aanay waafaqsaneyn ujeedooyinka maamulka cusub.
Todobaadkii lasoo dhaafay, xilli ay tagaasida kale wadeen shaqa joojin lagu diidan yahay amarka Trump ee qaxootiga iyo Muslimiinta ku aaddan, ayaa Uber waxa ay dhintay qiimaha gawaarideeda lagu raaco.
Tallaabadaasi ayaa dhalisay in baraha bulshada laga billaabo olole loogu magac daray "#DeleteUber" oo micnihiisu yahay tirtir barnaamijka telefoonnada ku shaqeeya ee Uber lagula xiriiro.
Balse Uber ayaa sheegtay in ujeedkeedu ahaa in ay dibed baxayaasha u sahasho sidii ay qiimo jaban ku gaari lahaayeen goobaha ay mudaharaadyada ka socdaan, gaar ahaan garoomada diyaaradaha.

Ruushku Jabsashada kombiyuutarada 'wuxuu uga...

$
0
0

Ruushka ayaa qaadaya ol'ole joogto ah oo uu ku jabsanayo kombiyuutarada isaga oo bartilmaameedsanaya dimuqraadiyadda iyo kaabeyaasha kale ee muhiimka ah ee Yurub, sida uu ka digayo wasiirka difaaca ee Britain, Sir Michael Fallon.
Ruushka ayaa "hub ahaan u adeegsanaya xog been ah" isaga oo doonaya in uu ballaariyo galaangalkiisa oo uu burburiyo dawladaha reer Galbeedka uuna wiiqo xulafada Nato, ayuuyiri wasiirku.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa noqday mid "istaraatiijiyad kula tartamaya" reer Galbeedka
Sir Michael ayaa sheegay in ay aad muhiim u tahay in xubnaha xulafadu ay sare u qaadaan difaaca dhanka kombiyuutarada.
Hadalkan ayuu ka sheegay khudbad uu ka jeedinayay jaamacadda St Andrews, wuxuuna hadalkaasi ku soo aadayaa xilli ra'iisalwasaaraha dalkaas Theresa May ay isku dayayso in shir aan caadi ahayn oo Malta ka dhacaya ay u adeegsato in xubnaha Midawga Yurub ka dhaadhiciso in ay sare u qaadaan lacagaha ay u adeegsadaan dhanka difaaca.
Sir Michael ayaa sheegay in Nato looga baahan yahay wax ka qabashada beenta uu xaqiiqada ka dhigayo Ruushka.
Wuxuu sheegay in weerarada Ruushku ay ka mid ahaayeen midkii lagu qaaday Tiifiiga TV5Monde ee dalka Faransiiska bishii Afraad ee sanadkii 2015kii, iyo weerarkii kale ee lagu bartilmaaameed saday aqalka hoose ee baarlamaanka Yurub.
Weerar kale dhanka internerka ah oo lagu qaaday Bulgaria bishii tobnaaad ee 2016, ayuu madaxwaynuha dalkaasi ku tilmaamaay midkii "ugu cuslaa" uguna "darnaa ee ka dhaca koonfurta_bari ee Yurub.
Sir Michael ayaa sidoo kale ka hadlay tuhunka ku saabsan in Ruushku uu dhac u gaystay labada xisbi siyaasadeed ee dalka Maraykanka ugu wayn
Tijaabinta Nato
"Maanta waxaan aragnaa dal hub ahaan u adeegsanaya warar khalad ah taas oo keentay wax aan maanta u arki karno in ay sax yihiin". ayuu yiri wasiirku.
Wuxuu sheegay in ay caddahay in Ruushku uu tijaabinayo Nato uuna rabo in uu kordhiyo galaangalka uu ku leeyahay, uuna burburinayo dalalka uuna wiiqayo gaaashaan buurta.
"Waxay meel uga dhacayaan amaanka dalal xulafada ka tirsan iyo shuruucda caalamiga ah.
Wuxuu sheegay in ay dantooda tahay in Yurub ay Nato ka dhigto mid awood badan leh.
Sir Michael wuxuu taageeray baaqa Madaxweyne Donald Trump ee ku aadan in dhamaan dalalka Nato ku jira ay difaaca ku bixiyaan ugu yaraan boqolkiiba labo dhaqaalaha dalkasta soo gala.

Maraykanka: 'Deegaamaynta Cusub ee Israa'...

$
0
0

Deegaamaynta cusub ee Israa'iil "waxaa laga yaabaa in aysan gacan ka gaysanaynin" in xal nabadeed lala gaaro Falistiiniyiinta ayuu yiri Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka.
War qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Cad ayaa intaas ku daray "in maamulka madaxweyne Donald Trump uu san go'aan rasmi ah ka qaadanin arrinta deegaamaynta Israa'iil".
Bishii 12 ee sanadkii hore Donald Trump ayaa dhaliilay qaraar Qaramada Midoobay oo Israa'iil ugu baaqaya in ay soo afmeerto ficiladaas oo kale.
Khamistii booliiska Israa'iil ayaa dad ka kaxeeyay goobo ay daganaayeen oo aysan sharci u haysanin oo ka tirsan dhulka la haysto ee Falastiiniyiinta.
Arrintaas ayaa dabo socotay amar maxkamadeed oo ahaa in dadka halkaas laga raro.
Israa'iil oo dad ka rartay dhul aysan fasax u haysanin
Qaramada Midoobay oo cambaaraysay deegaamaynta Israa'iil
Israa'iil oo "qaabileysa agoonta Suuriya"
Dhanka kalana ra'iisal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu deegaamayn cusub ka samaynayo Daanta Galbeed markii u horaysay muddo labaatan sano ka badan.
In kabadan 600,000 oo yuhuud ah ayaa ku nool 140 deegaan oo la dhisay tan iyo markii ay Israa'iil qabsatay Daanta Galbeed iyo bariga magaalda Qudus sanadkii 1967dii.
Waxaa kale oo jira 95 deegaan oo yuhuudu ka dhisatay Daanta Galbeed iyagoon fasax ka haysanin dawladda Israa'iil.

Xog Rasmi Ah:Cumar C/rishiid Oo Kenya U Haysato...

$
0
0

Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Waqtigeedu idlaaday ee Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa galabta safar deg deg ah ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, maalin ka dib go'aankii Maxkamadda Caalamiga ee ICJ.
Cumar C/rashiid ayaa diyaarad gaar ah ka qaaday magaalada Magaalada Muqdisho, iyadoo safarkiisa Kenya uu ku soo aaday xilli xasaasi ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Mr Cumar C/rashiid uu kulamo ku leeyahay Magaalada Nairobi, sidoo kale Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan inuu la balansan yahay Mas'uuliyiin Kenyan ah.
Maxkamadda Caalamiga ayaa shalay diiday dalabkii dowladda Kenya oo ahaa in murankii dhinaca badda ahaa lagu xaliyo wada xaajood, iyadoo Maxkamaddu go'aamisay inay dacwada qaado, taasoo aheyd codsigii dowladda Soomaaliya.
Ra'iisul Cumar C/rashiid oo ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa ahaa maskaxdii ka dambeysay heshiiskii is afgaradka Badda ee la saxiixay sanadkii 2009, isagoo xilligaas ahaa Ra'iisul Wasaare, kuna amray Wasiirkii Qorsheynta C/raxmaan C/shakuur inuu saxiixo heshiiskaas.
Ololihii Cumar C/rashiid ayaa haatan hoos u dhac weyn ku yimid, waxaana dad badan ay rumeysan yihiin in waxyaabaha saameynta ku yeelanayo ay ka mid tahay arrinta Badda.XAFIISKA WARARKA.GAALKACYOSHABAKADDA WARARKAWWW.HOBYONET.COMNAGALA SOO XIRIIR.CMAALIN17@GMAIL.COMHOBYOEDITOR1@GMAIL.CO

QM oo cambaaraysay tacaddiyada lagu hayo Muslimiinta Rohingya ee Burma

$
0
0

Xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramada midoobay ayaa sheegay in ciidamada dalka Myanmar oo sidoo kale loo yaqaanno Burma ay dambiyo ka dhan ah aadanaha kula kaceen qowmiyadda Muslimiinta Rohingya.

Xildhibaan ka digay in ololaha Doorasho lagu galo...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Sagal C/risaaq oo kamid ah Baarlamaanka Somalia, ayaa ka digtay in la Siyaasadeeyo badbaadinta Badda Somalia.
Xildhibaan Sagal, ayaa sheegtay inay muuqaneyso in amuuraha Badda Somalia laga dhiganaayo mid lagu socodsiiyo ololaha Musharaxiinta qaar, waxa ayna tilmaantay inaan ololo lagu gali karin arrimaha Badda.
Xildhibaanada ayaa tilmaantay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay ka dharagsan yihiin waxa uu Musharax waliba yahay, hayeeshee aysan cid gaara ku dooran doonin arrimaha badbaadinta Badda Somalia.
"Ma aqbaleyno in Badeena Somalia lagu galo ololaha doorashada, ka Xildhibaan ahaan waxaan ka digayaa in sumcad ama magac lagu raadiyo Badda, waayo cid waliba ayay mas'uuliyad ka saaran tahay Badda Somalia yaanan laga dhigin wax khaas ah"
Xildhibaan Sagal ayaa dhinaca kale sheegtay in Baarlamaanka Somalia uusan ka gaabin doonin wax kabedelka xaalada ka taagan dalka, waxa ayna cod dheer ku sheegtay inay u muuqato wanaaga ay sameyn doonaan Xildhibaanada.
Haddalka Xildhibaan Sagal C/risaaq, ayaa imaanaya xili Musharax Xasan Sheekh uu eedeynta Badda Somalia dusha uga tuuray Musharaxiin iminka kula tartameysa xilka Madaxeyninimo.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimad@live.com

QM oo cambaaraysay tacaddiyada lagu hayo Muslimiinta...

$
0
0

Xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramada midoobay ayaa sheegay in ciidamada dalka Myanmar oo sidoo kale loo yaqaanno Burma ay dambiyo ka dhan ah aadanaha kula kaceen qowmiyadda Muslimiinta Rohingya.
Xoggaga amaanka ayaa lagu eedeeyay inay dilal kula keceen dad waaweyn iyo caruur, sidoo kalena u geysteen kufsi wadareedyo qorsheysan haweenka Muslimiinta Rohingya ee laga tirada badan yahay.
Qoraal uu xafiiskaasi daabacay ayaa lagu qorey in dhibaatooyinka dadkan loo geystay ay u dhigmaan dambiyo ka dhan ah aadanaha iyo isir-sifeyn.

  • Dibad bax ka dhan ah dhibka haysto Muslimiinta Rohingya
  • Runta, beenta iyo Aung San Suu Kyi

Baarayaal ka tirsan Qarmada Midoobay ayaa bishii Oktoobar wareysatay dad ka badan 200 oo qof oo ka qaxay dalka Burma una qaxay dalka ay deriska yihiin ee Bangaladhesh.
Kala bar ka mid ah qoysaskii ay Qaramada Midoobay wareysatay waxay sheegeen in in ugu yaraan xubin ka mid ah qoyskooda ay xoogagga ammaanka dileen.
Dowladda Myanmar oo hore u beenisay denbiyadan ayaa iminka sheegtay in ay si weyn uga baaraan degeyso eedeynta Qaramada Midoobay.
Afhayeen u hadley dowladunu waxa uu sheegey in dowladdu ay tallaabo adag qaadi doonto haddii ay hesho caddeymo adag.
Qiyaastii hal milyan oo Rohingya ayaa ku nool Myanmar, waxayna la kulmayeen takoor tobannaan sano.


Candidates’ campaign speeches at parliament

$
0
0

The second batch of eight presidential candidates have addressed the parliament Saturday, as the country is moving closer to the poll scheduled for nex Wednesday, February 8.
The candidates, including former government ministers delivered 30-minute speeches focused on their agenda if elected on 8th February as president for the next four years.
The country's parliament, comprising of Lower and Upper houses will vote for a new president in a secret ballot in Mogadishu on 8th February, 2017 under tight security.
In the tough race, 23 Presidential hopefuls are competing for the top seat of the country, an election that is expected to pave the way for a Universal suffrage in 2020.

Musharraxiinta u tartamaysa Madaxweynanimada Somalia...

$
0
0

Awdalpress - Muqdisho - Illaa iyo Jimicihii waxa magaalada Muqdisho ka socday dhegeysiga qudbaha ay Musharriiinta u tartamaysa Madaxweynanimada Somalia ay ka hor akhriyayeen ergooyinka kala dooran doona musharrixiintaasi. Waxana shalay u danbeeyey dhawr musharrax oo aad ka daawan doontaan video gan, hoose, ee ku soo dhawaada.
Awdalapress

Ra’isilwasaaraha Itoobiya oo Sheegay in ay...

$
0
0

Ra'isul-wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desalegn, ayaa wareysi uu siiyey Universal TV kaga hadlay xaaladaha dalka Somaliya, sida Doorashooyinka, dibu-u-kabshada dalka, ciidamadooda ku sugan Somaliya iyo faragelintooda dalka.
Waxa uu sheegay in xukuumaddiisa ay saaxib dhow la tahay Madaxweynaha talada haya oo mar labaad xafiiska u tartmaya ee Xasan Sheekh.
Waxa uu bogaadiyay wax-qabadka dowladda Xasan Sheekh Maxamud ee afartii sano ee la soo dhaafay iyo Hoggaanka maamul-goboleedyada Somaliya.
Ra'iisul wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desalegn,ayaa hoosta ka xarriiqay in hoggaanka federaalka iyo dowlad-goboleedyada Somaliya dadkooda ku hageen hab taageeraya.
"Waxay ila tahay oo aan ku amaanayaa hoggaanka Somalida,ee haatan, guud ahaan hoggaanka federaalka iyo maamul-goboleedyada, maxaa yeelay waa iyaga kuwa hoggaaminaya hannaanka, waxay ku horkaceen hab gacansiinaya Somalida."
Ra'isilwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, Iyo Xasan Sheekh Maxamuud
Geesta kale, Ra'iisul wasaare Desalin, oo la weydiiyay in hadalkiisa loo qaadan karo inaysan lahayn Murashax gaar ah, ayaa yiri.
"Hagaag, kuwa annaga nala shaqeeya iminka waxaanu nahay saaxiibo isu dhow, haddii arrimahu ku sii socdaan sidaas, waanu doorbidi lahayn, taasi kama dhigna mid naga reebeysa dadka kale, sababtoo ah mid waloo ka mid ah waanu la soo shaqeynay oo xiriir ayaan leenahay. Marka taas laga tagana waxaanu la soo shaqeynay maaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha, waxaa kaloo aan la shaqeyn karnaa madaxweyne iyo ra'iisul wasaare cusub."
Hadalka Ra'isul wasaaraha Ethiopia, ayaa ku soo aadaya iyadoo Arbacadii aan ka soo gudubnay, oo ay bisha February kow ahayd, ra'iisul wasaaraha xilliga ka dhacay ee Somaliya Cumar Cabdi Rashiid, uu ka digay faragelin uu sheegay in dowladaha dariska ku hayaan doorashada Somaliya.PUNTLAND POST
The post Ra'isilwasaaraha Itoobiya oo Sheegay in ay Doorbidayaan in Xasan Sheekh uu Soo Laabto appeared first on Puntland Post.

Weriyaha ruug caddaaga ah ee Hareri ayaa waraysi...

$
0
0


Halkana ka daawo waraysi luxdan oo uu wariye Hareri la yeeshay ra'iisal wasaaraha Ethopia.
Awdalpress

Mid ka mid ah 24-kii Musharax Madaxweyne oo ku...

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Anigoo ah Eng. Cabdullaahi Cali Xasan waxaan Go'aan ku gaaray in aan ka tanaasulo u tartanka jagada Madaxweynimo ee Soomaaliya maanta oo taariikhdu tahay 04.02.2017, tanaaulkeyga musharaxnimada Madaxweynaha wiuxuu ku saleysanyahay sababaha hoos ku qoran:
Markii aan qiimeeyay xaalada qalafsan ee dalku ku suganyahay iyo baahida loo qabo in la helo hoggaan karti leh oo dalka u horseeda dowladwanaag, amni iyo kala dambeyn, cadaalad, iyo horumar bulsho iyo mid dhaqaale.
Markii aan arkay in musharixiin gaaraya 24 ay isku soo sharaxeen in ay u tartamaan xilka madaxweyne ee dalka taas oo markhaati u ah jahawareerka siyaasadeed ee dalkeena ka jira oo aysan ka tarjumayn baahida dalkeena iyo dadkeena oo ku jira xaalada qalafsan ee siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho.
Anigoo garowsan in is sharaxaadaydu aysan ku qotomin mar uun madaxweyne ha lagu yiraahdo oo ay daacad iga tahay Ilaah hortiisa in aan dalkeyga iyo dadkeyga ugu adeego si daacadnimo ah xil ama jago walba oo aan qabto,diyaarna u ah in amaanada ay umadaydo ii dhiibato aan u guto si daacadnimo ah oo Alle kacabsi leh.
Anigaoo la tashaday waxgarad badan oo Soomaaliyeed oo ka kooban qaybaha bulshada sida siyaasiinta, aqoonyahanada, dhallinyarada, haweenka, duubabka , odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa waxaan go'aansaday in aan tartanka madaxweynimo ka tanaasulo waqtigaan.
Waxaan mahad balaaran oo aan la soo koobi karin leh Ilaah subxaanuhu watacaalaa. Waxaan kale oo aan mahadcelin halkaan uga soo jeedinayaa taageerayaasheyda meel kasta oo ay joogaan dalka iyo dibada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed guud ahaan.
Sidoo kale musharixii ku guuleysta jagada madaxweynaha waxaan u soo jeedinaa in uu dalka daacad ugu shaqeeyo oo uu taarikhda baal dahab ah ka galo, jiilka soo socdana u reebo dhaxal wanaagsan.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live