Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Three Somali shopkeepers murdered in South Africa

$
0
0

Three Somalian shopkeepers were killed within minutes of one another in Khayelitsha on Thursday night, Western Cape police said.
"The motives of the three incidents are yet to be determined and no one has been arrested as yet," Lieutenant Colonel Andre Traut said on Friday.
A 27-year-old man, who apparently owned a shop, was shot at 21:45. Five minutes later, at 21:50, a 22-year-old man was killed in his shop.
Around the same time, a 28-year-old man was shot dead in his shop in Solomon Tshuku Street. All the murders took place in Site C.Source: News 24


Kahda police chief, Soldiers arrested over civilian...

$
0
0

The police boss of the remote district of Kahda in Mogadishu Bashir Ali has been arrested, along with his security guards over the death of a civilian during violence.
Mohamed Sheikh Yusuf, an elder in the area has confirmed the detention of Kahda district police chief to Radio Shabelle over the phone on Saturday.
The arrest of the police commander and his fellow soldiers followed the murder of unarmed man by the area security forces who use excessive force to intervene local militia fighting.
The local police fired live bullets on crowd in the area, killing at least one, and injuring two more people, according to the elder who gave an interview with Radio Shabelle's station.

Xarrunta Doorashada oo Afisyooni Loo Baddalay

$
0
0

Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in la baddalay xarrunta lagu qabanayo doorashada madaxtinnimada Soomaaliya oo markii hore la qorsheeyay in ay ka dhacdo Akadamiyada Booliiska ee Muqdishu.

Sawirro+Muuqaal: Bayaan Xasaasi Ah oo Ay Soo Saareen...

$
0
0

Maanta oo ay taariikhdu tahay 03dii Febraayo 2017ka, waxaa bayaan wadajir ah soo wada saaray Wasiirada, Xildhibaanada, Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, bulshada rayidka ah, culumaa'uddiinka, waxgaradka, Qurba joogta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku abtirsata Gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Bayaankan oo nuxurkiisu yahay soo bandhigida dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee uu geystay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane. Shariif Xasan Sheekh Aadan kuwaas oo kala ah:
1. Madaxweynaha maamulka K/Galbeed oo mas'uuliyaddiisa aheyd u adeegida iyo ka shaqaynta danaha shacabka gobollada K/Galbeed, nasiib darro wuxuu gudan waayay waajibaadkiisa isagoo ku mashquulay doorashada Madaxda sare ee federaalka ee kasocota caasimada dalka, halkaas oo uu karaadinayo dano siyaasadeed oo isaga ugaar ah, isagoo doonaya inuu baabi'iyo doorkii siyaasadeed ee Xildhibaanada Federaalka laga soo doortay Gobollada K/Galbeed Soomaaliya.
2. Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed wuxuu ku bixiyay doorashadii Gudoomiyaha Golaha Shacabka in ka badan USD 1000,000/ hal milyan oo doolar, halka shacabkii uu magacooda kursiga ugu fadhiyay ay ku habsatay abaar, gaajo, cuduro iyo colaad iyagoo xoolahoodii baqtinayaan ayna heysato Biyo iyo baad la'aan, wuxuuna lacagtaas ku bixiyay si loo doorto mudane aan u dhalan Gobollada uu mas'uuliyadiisa saaran tahay, isagoo mudnaantiisa tahay inuu door ku yeesho dowladda dhexe iskana indha tiraya maamulka uu madaxda ka yahay.
3. Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed wuxuu deegaanadooda ka soo kaxeeyay oo Muqdisho keenay qaar kamid ah odoyaashii dhaqanka kana mid ahaa 135ta, kuwaasoo ahaa biro mageydadii gobolada K/Galbeed ee Soomaaliya si uu ugu fushado dano isaga u gaar ah, wuxuu deegaan ahaan u dejiyay goob aan amaankeeda la isku hallayn karin, qaraxii halkaa ka dhacay waxaa ku naf waayay Malaaq yada kala ah 1. Malaaq Malabow, 2. Malaaq Cabdirashiid, halka Malaaq Xasan Buule laga qaaday goobta isagoo dhaawac halis ah kuna geeriyooday Isbitaalka, ( Ilaah ha u naxariisto) waxaa kaloo goobta qaraxa ka dhacay laga qaaday malaaq Yuusuf Cabdiyow iyo Malaaq Cabdiyow Cali oo dhaawac ah, ilaahay caafimaad ha siiyee, haddaba waxaa is weydiin leh sababta odayaasha dhaqanka ee K/Galbeedna loo galiyay arrimo siyaasadeed oo aysan door ku lahayn, kana baxsan midka dhaqanka, halka odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay joogaan deegaanadii ay odoyaasha u ahaayeen.
4. Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed wuxuu mar walba Ku xadgudbaa sharuucda iyo qawaaniinta u degsan maamulka, waxaa ugu danbaysay ka dib markii kalfadhiga Baarlamaanka Maamulka K/Galbeed xeray iyadoo aysan fadhinin kooram (Guntan), isagoo uga dan leh inaan lala xisaabtamin, Furista iyo Xerista Kalfadhiyada Baarlamaanka maamulka wuxuu ku ansaxaa Guntan ama kooram, sida uu qabo Xeer hoosaadka Golaha.
5. Madaxweynaha Maamulka wuxuu u horseeday maamul xumadiisa in la joojiyo mashaariicdii iyo dhaqaalihii loogu deeqay maamulka K/Galbeed , halka loo ogolaaday Maamul Goboleedyada kale, taas oo sabab looga dhigay inuu buuxin waayay sharuudihii laga doonayay oo kala ahaa: a. Kabixida maamulka K/galbeed Kumeelgaarnimada. b. Dhisiddii hay'adihii Maaliyada iyo isla xisaabtanka. C. Xisaab celin la'aanta wixii horey loogu deeqay.
6. Iyadoo hubkii uu lahaa maamulka oo loogu tala galay sugida amniga deegaanada iyo gobolada K/Galbeed uu ku wareejinayo kuna hubeynaayo qabaa'ilada qaarkood kuwa kalena laga iibinaayo kooxaha nabad diidka ah, si qalqal loo galiyo nabad galyada deegaanadaas taasoo ujeedadiisu tahay inaan lala xisaabtamin maamulka laguna mashquulo amni darrada Goboladaa.
7. Madaxweynaha wuxuu Gobolka Sh/Hoose ka qaataa canshuur aad u badan, taasoo aan waxba loogu qaban Gobolka, isla markaana Madaxweynuhu wuxuu ka war haya isbaarooyinka yaalla waddooyinka halbowlaha u ah gobolka shabeelaha hoose, isbaarooyinkaas oo lacago baad ah looga qaado shacabka iyagoo kala kulma dhibaatooyin aad u badan.
8. Madaxweynaha Koofur Galbeed in kabadan boqolkiiba sideedan 80% waa uu kamaqan yahay xarunta Maamulka, wuxuu xarumo KMG ah ka dhigtay caasimada Muqdisho, isagoo hore u soo wata dhamaan shaqaalaha madaxtooyada K/Galbeed, wuxuu kaloo waqtigiisa ku dhameeyaa safaro dalka dibaddiisa ah kuwaasoo aan aheyn safaro shaqo, inta uu ka maqan yahay Baydhaba xarunta maamulka ma jirto Madaxweyne Kuxigeen sharci ah oo waafaqsan dastuurka siinaya awoodihii maamul si aanu u dhicin (Gap) ama firaaq.Gunaanad
Kadib markaan aragnay xasuuqii loogeystay Odoyaashii dhaqanka ee K/Galbeed iyo warbixintii hordhaca ahaa ee soo gudbiyeen guddiga loo xilsaaray baarista arintaas,
Kadib markaan u kuurgalnay abaarta, colaada iyo dhibaatada heysata Shacabka kunool Gobolada K/Galbeed ee Soomaaliya isla markaana uu dayacay Mudane Shariif Xasan Sh. Aadan Mas'uuliyadii ka saarneyd wax u qabashada shacabkaa.
Ka dib markay cadaatey daahfurnaan la'aanta maamulka K/Galbeed ayay hay'adaha iyo Beesha caalamka hakiyeen mashaariicdii iyo dhaqaalihii horey loogu ogolaaday Maamulka.
Kadib markaan aragnay ku xadgudubka Dastuurka iyo sharuucda u degsan maamulka isagoo goorwalba curyaamiya madaxbanaanida hay'adaha Sharci-dajinta iyo cadaalada si aan loo helin isla xisaabtan dhab ah.
Kadib markaan helnay qataraha amni ee ku soo wajahan shacabka gobolada K/Galbeed iyadoo hogaanka maamulkana ku mashquulsan yahay dano dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo isaga u gaar ah.
Hadaan nahay Xildhibaanada iyo mas'uuliyiinta kale ee shirka wadatashiga kasoo qeyb gashay waxaa u soo jeedineynaa inuu iska casilo xilka uu hayo Mudane. Shariif Xassan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed Soomaaliya mudo (7) todoba cisho gudahooda.Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Urdun oo IS ku weerartay gudaha Suuriya

$
0
0

Ciidanka cirka ee Urdun ayaa sheegay inay weerarro ku qaadeen bartilmaameedyo ay kooxda dawladda islaamiga ku leedahay xudduudda dhinaca koofureed ee Suuriya.

Urdun oo IS ku weerartay gudaha Suuriya

$
0
0

Ciidanka cirka ee Urdun ayaa sheegay inay weerarro ku qaadeen bartilmaameedyo ay kooxda dawladda islaamiga ku leedahay xudduudda dhinaca koofureed ee Suuriya.
Hadal uu milaterigu soo saaray ayaa lagu sheegay in tiro dagaallameyaal ah lagu dilay ama lagu dhaawacay.
Bartilmaameedyada waxaa ku jiray meel hubka lagu kaydiyo iyo geerash ay kooxda IS ku samayso gawaarida qaraxyada lagu xiro.
Urdun ayaa ka mid ah xulafada Maraykanku hogaamiyo ee la dagaallanta kooxahaas mayalka adag, laakin waxaa la rumaysan yahay in ilaa laba sano ay iminka tahay muddada aysan dayaaradahooda dagaalku wax weerar ah ku qaadin Suuriya

Banaanbaxyo ka dhacay Niger

$
0
0

Kumanaan qof ayaa dalka Niger ka dhigay banaanbax ay kaga soo hor jeedaan madaxweyne Mahamadou Issoufou iyo xukuumadiisa. Waxay ka cabanayeen musuqmaasuq, waxayna ku baaqeen in xukuumaddu yarayso lacagta ay siiso xildhibaannada.

Baraf dad ku laayey Afghanistan

$
0
0

Baraf xoog leh oo isugu jira mid da'ay iyo mid buuraha ka soo rogmaday ayaa waqooyiga bari ee Afghanistan ku dilay ugu yaraan 10 qof.


Banaanbaxyo ka dhacay Niger

$
0
0

Kumanaan qof ayaa dalka Niger ka dhigay banaanbax ay kaga soo hor jeedaan madaxweyne Mahamadou Issoufou iyo xukuumadiisa.
Banaanbaxa ka dhacay magaalada caasimadda ee Niamey waxaa soo abaabulay dhowr urur oo ah kuwa bulshada rayidka.
Waxay ka cabanayeen musuqmaasuq, waxayna ku baaqeen in xukuumaddu hoos u dhigto caddadka lacagta ay ku kharash garayso xubnaha baarlamaanka.
Shaqaalaha dawladda qaarkood ayaa sheegay inay ka maqan yihiin lix ilaa todoba bilood mushaarkii ay qaadan lahaayeen.
Dibad baxayaashu waxay kaloo dhaliileen joogitaanka milateriga reer galbeedka ee Niger.
Dalalka Faransiiska, Jarmalka iyo Maraykanka ayaa dalkaas saldhigyo ku leh, si loola dagaallamo islaamiyiinta xagjirka ah ee gobolka Saaxil.

Baraf dad ku laayey Afghanistan

$
0
0

Baraf xoog leh oo isugu jira mid da'ay iyo mid buuraha ka soo rogmaday ayaa waqooyiga bari ee Afghanistan ku dilay ugu yaraan 10 qof.
Saraakiil ayaa sheegay in daraasiin dad ah laga yaabo inay ku xanniban yihiin barafka hoostiisa, gobolka Badakhshan, ka dib markii uu baraf ku habsaday, kaasoo burburiyey guryihii, wadooyinkiina jaray.
Qaybo kale oo waddanka ka tirsan oo uu ku jiro gobolka bartamaha ee Bamiyan iyo Balkhab oo ah dhinaca waqooyi ayaa sidoo kale waxaa ka da'ay baraf xoog leh oo khalkhal galiyey safarradii la isaga gooshayey.

Xukuumadda US oo racfaan ka qaadatay xukunkii la isku hortaagay amarkii dhoofka ee Trump

$
0
0

Daqiiqadihii u dambeeyey ayaa lagu dhawaaqay in waaxda cadaaladda ee Maraykanka ay racfaan ka qaadatay xukunkii uu riday xaakim jooga Seattle, kaasoo dhan ka ahaa amarkii uu Donald Trump ku joojiyey inay waddanka soo galaan dadka ka imaanaya 7 dal oo Muslim ah.

Xukuumadda US oo racfaan ka qaadatay xukunkii la...

$
0
0

Daqiiqadihii u dambeeyey ayaa lagu dhawaaqay in waaxda cadaaladda ee Maraykanka ay racfaan ka qaadatay xukunkii uu riday xaakim jooga Seattle, kaasoo dhan ka ahaa amarkii uu Donald Trump ku joojiyey inay waddanka soo galaan dadka ka imaanaya 7 dal oo Muslim ah.
Hadalkan ayaa waxaa daba socday qoraallo uu Twitter soo dhigay Mr Trump, kuwaasoo uu ku cambaareeyey qaaddigii xukunka riday, wuxuuna ka digay in 'dad xun oo khatar ah' ay Maraykanka ku soo qulquli doonaan arrintaas darteed.
Shirkadaha dayaaradaha qaarkood ayaa mar kale u ogolaaday muwaadiniinta u dhalatay dalalka ay arrintan saamaysay inay raacaan dayaaradahooda u duulaya Maraykanka.
Dhanka kalena, banaanabaxyo dheeraad ah ayaa ka sii socday Washington, kuwaasoo looga soo horjeedo xayiraadda safarka ee uu xukuumaddu ay soo rogtay.
Banaanbaxyadaas oo kale ayaa ka dhacay magaalooyin kale oo Maraykanka ku yaalla sida Miami, iyo qaar ka mid ah caasimadaha dalalka Yurub.

Akhriso: Khudbadii xiisaha lahayd ee Danjire...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Danjire Maxamed Cali Ameeriko oo ka mid ah musharaxiinta ugu cadcad ee u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa khudbad xasaasi ah, oo aad loo hadal hayo maanta u jeediyey xildhibaanada labada gole ee baarlamanka Soomaaliya.
Haddaba hoos ka akhriso qoraalkan. Mudanayaal iyo Marwooyin.Guddoomiyayaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare Guddoomiye ku xigeenada Labada Aqal iyo Xildhibaanada Labada Aqal Gudiiga DoorashooyinkaDhamaan Murashaxiinta xilka Madaxweyne ee SoomaaliyaSaraakiisha Ciidamada DowladdaBahda Saxaafadda, & dhamaan marti sharafta kale ee ka soo qeyb gashay Munasabadan: Asalaama Alaykum, Nabad iyo naxariis dushiina ha ahaato, Galab Wanagsan - Galab Fayle .Xildhibanada Sharafta leh ee labada gole Waxaa sharaf weyn ii ah inaan maanta hortiina imaado anigoo ah Musharax u taagan inuu qabto xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ee 4ta sano ee soo socota, oo aan idiinla qaybsado bareerahayga siyaasadeed ee ku aadan haddii aad ii doorataaan xilka Madaxweynaha Soomaaliya sida uu ahaan doono waxqabadkayga shaqo haddi Allah idmo. Inta aanan u guda gelin hadalkayga waxaan rabaa in aan halkan ugu mahad naqo dhamaan intii door ka soo qaadatay Soomaaliida iyo Beesha caalamka, in Soomaaliya ay maanta soo gaarto maraxaldan in marki labaad dalkeena gudihiisa lagu qabto doorasho Madaxweyne dagaaladii sokeeye kadib, waxaan aad u hanweynahay in doorashada soo socoto ay ahaato mid ay shacabka Soomaaliyeed si toos ah u soo doortaan madaxda dalkooda.
Waxaan si gaar ah oo xushmad ku dheehan tahay ugu mahadcelinayaa cidamada aminga oo iyagu habeen iyo maalin u taagan inay sugaan amniga waddankeena, iyadoo aan ogsoonahay xaaladaha adag ay ciidanka ku shaqeeyaan.
Cid walba way balan qaadi kartaa hadal quruxoon oo la isku toosiyay, balse dhabta waa cid walba ma fulin kartaa balan qaadkeeda, sidaas darteed cid walba waxaa lagu tixgeliyaa wixi lagu bartay muddada ay dalka iyo dadka u shaqeynayay.
Ruux walba oo u tartamayo xilka Madaxweyne waxaa aad u quruxbadan in ay xildhibaanada sharfta leh ee labada aqal ku tixgeliyaan taariikhdiisa shaqo iyo waxqabad.Maalinta 8da Feberaayo waa maalin taarikhi ah oo xildhibaan walba ee labada Aqal uu go'aansan doono musharaxa uu u dooran doono Madaxweynaha Soomaaliya. Waad dareemi kartaa in taladii iyo masiirkii dalka ay ku jirto gacantiina oo aad mataleysaan shacabka Soomaaliyeed.
Sidaas daraadeed, waxaan jeclaan lahaa inaan idinla wadaago barnaamijkeyga siyaasadeed ee aan doonayo in aan dalkeyga ku hoggaamiyo, anigoo ballanqaadaya marka ugu horeysa inaan noqdo Madaxweyne ku dhaqma dastuurka, kuna shaqeeya wadajirka iyo midnimada hay'adaha dastuuriga ah ee dalka.Mudanayaasha Sharafta leh Waxaan idiin ballanqaadayaa inaan noqdo Madaxweyne u naxa, ka damqada, u istaaga danaha shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabkeena tabaaleysan. Waxaan ku dadaalayaa inaan soo yareeyo farqiga u dhaxeeya danyarta iyo taajiriinta.
Waxaan aaminsanahay inaan si Soomaalinimo ah wax u wada qabsan karno oo waddan walba waxaa u istaaga shacabkiisa, waana inaan joojinaa ku tiirsanaanta shisheeyaha ee dhanka siyaasada, dhaqaalaha, gargaarka iwm. Ma dhici doonto in askariga Soomaaliyeed ee naftiisa u huraya maalin walba inuu badbaadiyo shacabka aan dayacno oo uusan helin xaquuqdiisa.
Ummadii tashan wayso waa loo talinayaa ee aan tashano, oo u tashano sidii nabad, cadaalad iyo midnimo u helo lahayn.
Ma dhici doonto in shaqaalaha dowladda aysan helin xaquuqdooda, mana dhici doonto in ganacsatada aysan bixinin canshuuraha ku waajibay, mana dhici doonto in hantida qaranka la lunsado, mana dhici doonto isla-xisaabtan la'aan.
Soomaaliya waxey u baahantahay Madaxweyne fahmi kara daruufaha na haysta, isla markaasna diirada saara waxyaabaha ugu muhiimsan si loo gaaro dowlad wanaag ku dhisan isla xisaabtan dhab ah iyo maamul hufan oo ku howlgala wadatashi, is qancin, is-faham, isu samir, iyo horusocod joogta ah.Marwooyin iyo mudanyaal wax yar aan idiin dul maro taariikh nololedkayga, waxan ku dhashay magalada Muqdisho ama aan dhaho XAMAR CADDE Cisbital la dhihi jiray Ospedale di Ravo 12kii Oktober 1962 oo ku yaali jiray agagaarka Barlamanki hore. Aniga iyo Soomali badan waxaan wax ku soo baranay canshuurta laga qaaday dadweynaha Soomaaliyeed, quranka waxaan ku soo bartay Dugsiga Macalin Abukar (Allaha u naxaristo), dugsiga hoose ilaa sare Xamar baan ku soo dhigtay, markaan dhameeyay dugsiga sare 1980kii, waxaan wax barasho Jaamacaded u aaday Wadanka Maraykanka, oo aan ka soo qalin jibay 1985tii, kolki aan waxbarashadaydi Jaamacadeed dhameystay, waxaan dib ugu soo laabtay dalkayga si aan ugu shaqeeyo wixii aan soo bartay, waxan shaqo ka bilaabay 1986dii Bankiga Dhexe ee Somaliya ilaa 1991kii.
Dagaaladi sokeeye kaddib waxaan aaday Maraykanka iyo Canada oo aan shaqoyin kala duwan ka soo qabtay. 2004tii waxaan ka qayb galay shirkii dib u heshinta ee ka dhacay Kenya. 2005tii kaddib marki la doortay Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Ahmed(Allaha u naxaristo) oo dowladii ku meel gaarka ahayd la dhisay, ayaa la ii magacaabay Agasimaha Guud ee xafiska Raysul Wasaraha oo xiligaas si ku meel gaar ah ugu shaqayn jiray Nayrobi.
2006tii waxaa la ii magacaabay ku sime safiir oo aan dib u furay Safarada Soomaaliya ee Kenya oo la xeray sagashameeyadii.
2007dii waxaa la ii magaabay safiirka Soomaaliya wakiilka uga ah Kenya, aniga oo matalayo dowlada Soomaaliyed iyo Jaaliyadda Somaliyeed ee ku nool Kenya, gaar ahaan qaxotiga Soomaaliyeed oo gaarayaya 400,000 oo ku nool xerada qaxotiga ee Aduunka uga wayn ee Dhadhaab iyo Kakuma.
Inti aan safirka ahaa aniga iyo diblomasiyinta ila shaqaynaysay oo uu ka mid aha Maxamed Cusman Adan Edson (Allaha u Naxaristo), qunsuliki safarada, waxaan ku gulaysanay inaan 2006dii dib u bilawnay dacwadi gurigii safarada Soomaaliya ay ku lahayd Nayrobi oo si sharci daro ah looga iibiyay ganacsade Kenyan ah.Alhamdullillahi December 2010kii ayaan ku gulaysanay inaan si sharci ah u soo ceshano dhulkeeni, isla maalintaasna aniga iyo jaaliiyaada Somaliyeed aan dib uga taagnay calankeena quruxda badan dhulkii Safaarda Soomaliya. Waxaan xilka safirnimada warejiyay April 2015tii. Muddadaas aan safiirka ahaa waxaan aaminsanahay inaan shaqadeydi u gutay si hufan, waxaana taa markhaati ka ah ummadda Soomaaliyeed.Mudanayaal iyo Marwooyin, bishii May 2015tii ayan dib ugu soo laabtay waddanka oo aan bilaabay Socdaalki nabadda oo aan ku soo maray waddanka oo dhan. Magaaloyinka qaar waxan ku tagay diyaarad, magaaloyin badana gaari ama baabuur ayaan ku soo maray oo marar badanna anigaa watay. Socdalkaas waxaan la kulmay, oo aan shaah la cabay, la shekaystay muwadhiniin Somaliyeed oo fara badan, waxayna ii sheegeen dhibaatooyinka iyo daruufaha kala duwan ee haysta, oo ay ka mid yihiin amniga, waxbarashada, cisbitaal la'aan.
Hooyo aan la kulmay waxay ii sheegtay in markay haweenka ku nool magaladaas u baahdan gargaar caafimaad in cisbitaal uusan laheen magaladooda oo ay ku qaadato maalin safar ah si ay u tagaan cisbitalka ugu dhow.
Sidoo kale, Nin oday ah oo da'diisa aan ku qiyaasay 80 jir ayaa isna wuxuu sheegay in markii ugu dambaysay oo uu arko qof masuul ka ah ama ka ahaa dowladda ay ugu dambaysay xiligii 'TOWRADDA' waa ka hor sagaashameyadii. Wuxuu igu yiri"Adeer dowladda Somaliya ma waxay ka shaqeysaa Muqdisho keliya?" Kaddib markaan soo dhameeyay Socdalkaygi Nabadda oo aan soo arkay dhibaatoyinka ay tabanayaan haystana dadki aan la soo kulmay, waxaan go'ansaday Sebtember 4, 2016 inaan isku soo sharxo xilka Madaxweyne ee Soomaaliya.Mudanayaasha sharafta leh;
Waxaan aaminsanahay inaan waqtigeyga intiisa badan ku howlanaa u adeega dowladda iyo wax u qabadka bulshada. Waxaan ka mid ahaa shaqsiyaadkii fursada u helay inay waxbarasho iyo caafimaad bilaash ah ku soo barbaaray, sidaas daraadeed, waxaa iga go'an inaan ummadda u horseedo sidii shaqsi walba oo Soomaaliyeed uu u heli lahaa waxbarasho iyo caafimaad dhameystiran.Mudanayaal iyo Marwooyin, Xildhibaanada sharafta leh ee labada aqal Waxaan maanta hortiina ka balan qaadayaa haddii aad igu sharaftaan in aad ii doorataan xilka Madaxweynaha Soomaaliya in aan si buuxdo dib u soo wada nooleyno dhamaan arrimaha astaanta u ah dowladnimo haddii Allah weyn idmo.
Astaamahaas oo ay ka mid yihiin sharaftii calanka Soomaaliya, xuduudaheena oo aan difaacno, lacagta Shillin Soomaaliiga oo dib loo soo celiyo, ciidamo ku shaqeeyo amaradda dowlada, iyo qoraalka afkeena Soomaaliga oo laga dhigo skuulaadka oo dhan.Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxaan abuuri doonaa xasilooni siyaasadeed oo aan ka bilaabi doono magacaabidda Raysul Wasaare ama Wasiirka Kowaad oo aqoon iyo karti leh aaminsanna Soomalinimo, una madax banaan xukuumadiisa, kaddib marka labada gole ay u codeeyaan.
Waxaan ka shaqayn doonaa danta guud ee Ummadda Soomaliyeed. Waxaan sidoo kale balan qaadayaa in aan Golaha xukuumadda, labada aqal ee baarlamanka iyo hay'adaha ku shaqada leh sharci dejinta, dhamaantood ku dhiirigeliyo in si dhaqsi ah loo soo saaro sharciya kala qeexayo awoodaha maamul ee dowlada dhexe ee Federaalka iyo maamulada ka dhisan dalka, isla markaasna la asteeeyo qaabka wada shaqeyn ee ka dhaxeeyo dowlada federaalka iyo maamulada dalka.

  1. AMNIGA IYO DHISMAHA CIIDANKA

Waddan aan amni lahayn horumar ma gaari karo. Amniga dalka wuxuu maraya meel aad u lidato oo aan indhaha laga qabsan Karin, sidaas darted, waxaan kula talin doonaa Xukaamadda inay xoogga saaraan sidii loo heli lahaa khubaro Soomaaliiyeed oo dejiya stratejiyada dib loogu habaynayo amniga dalka, iyadoo ciidamada la xaqiininaayo xuquuqdooda, sare loo qaadayo tayada ciidamada lana siinayo tababaro casri ah, loona dhamaystirayo agabkii ay hawshaasi ku fulin lahaayeen, stratejiyada waxaa ka mid noqon doono daryeelka ciidanka kuwa dhintay iyo kuwa dhaawaca ah iyadoo loo samayn doono cisbitaalo u gaar ah iyo goobo ay ku nastaan kuna kala warqaataan.
Magaala Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho waxaa bilihii u dambeeya ku arkaysaa in laga soo buuxiyay dhagxaan shub ah iyo juuniyo ay ka buuxaan ciid oo la hor dhigay xafisyadda dowladda iyo hotelada qaarkood! Wadooyinka yar yar ee xaafadaha dhex mara waxaa lagu gooyay isbaarooyin iyo dhagxaan.
Markaad dadka waydiiso yaa dhigay, waxaa lagu leeyahay gurigaas ayaa waxa degan masuul u shaqeeya dowladda ama waa hotel ay degan yihiin masuuliyiin!
Oo ma sidaas ayaa nabad ku imaanaysaa! Yaa ilaalinayaa masaakiinta! Sax ma aha in la curyaamiyo dadka dan yarta ah, oo loo diido inay guryahooda si nabad ah ku tagaan. Waxaan arkay hooyo suuq ka soo adeegtay oo gurigeeda u socota oo lagu yiri halkaan ma mari kartid ee kor ka soo wareego! Sidaas nabad kuma imaanyso!
Waxaad arkaysaa waddo baa la xerayaa, oo maxaa loo xeray, qof masuul ah ama masuuliyiin ayaa ku qadaynaayo hotelkaas! Hotelkaas waxaa ku dhow dukaamo, maqaayado kale, haween shaah ku gadaayo , caseeyaal, maalintaas kuligood waxa ku dhacayso shaqo la'aan!! Ilaah baan idiinku dhaarshay sidaas miyaa amni ku imaanayaa! Masaakiinta aan u naxariisano!
Waxa loo baahan yahay in shacabka la siiyo kalsooni, loo adeego si ay iyagana ula shaqeeyaan ciidamada amniga. Haddi la ii doorto Madaxweyne waxaan talo ku siin doonaa dowladda in la qaado dhagxaantaas iyo juuniyadda ciida ka buuxdo!
Waxaa kaloo ku talin doonaa in ciidamada faraha badan ee jooga Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobolada in loo sameeyo xeryooyiin lagu xareeyo, magaalooyinkana ay joogaan ciidan gaar ah oo boliis ah.
Waa in ciidanka Soomaaliyeed la tayeeyaa helaana xaqooda.
Si dalka loo nabadeeyo waxaa muhiim ah in dib-u habeyn lagu sameeyo hay'adaha amniga, oo aan ciidanka noocyadiisa kala duwan u helno xaquuqdooda oo dhameystiran si ay waajibaadkooda u gutaan.Waxaan maqlay Xamar amni ma laha ee magaala madaxda ha loo bedelo magaalo kale. Su'aasha aan iswaydiinayno waa horta amni darrada yaa ka dhigay Xamar, ma Xamar baa keentay amni darrada mise Soomali aya keentay? Magala magalamadaxda Soomaliya in la dhigo waxaa loo qaaday afti, oo Soomalida oo dhan u codaysay. Xamar waa la xumeeyay, waa in la xaal mariyaa.
Waxaan kula talin doona xukuumadda inay dar-dargeliyaan isku dhafka ciidanka si loo helo ciidan haybad Qaran leh iyo inay dib u eegis ku sameyaan Siyaasada Amniga Qaranka isla markaasna ay howlgeliyaan Khubaro Soomaaliyeed oo ku xeel dheer amniga iyo nabadeynta.
Waxaan u mahad naqayaa ciidanka AMISOM iyo kaalinta ay ka qaateen ilaalinta Nabada Soomaaliya, waxaan iyagana si weyn ugu mahadnaqeynaa dhamaan dowladihi gacan ka geystay dib u soo nooleynta dowlad Soomaaliyeed, Allah weyn kaddib.
Waxaan aaminsanahay in markay xukuumadda tayeeyaso Ciidankeena oo aan aaminsanahay inay damaanad qaadi karaan ilaalinta amniga iyo difaaca wadankeena, Ciidanka AMISOMna dib ayay ugu noqon doonan dalalkooda iyaga oo aad ugu mahadsan siday noo garab istaageen.2- Dib-u-heshiin
Hadduu Alle idmo waxaan kula talin doonaa Xukuumadda inay qabtaan iyadoo la qadarinayo dhibaatadii dadkeena uu kala kulmay taariikhdii madoobayd ee dagaalada sokeeye ee dalka ka dhacay horaantii 1991, waxaa ayaan darro ah inaan weli la samayn Dib u heshisiin dhab ah oo xoogga saari doonta Dib u heshiisiin ka soo bilaabato Tuullooyinka, Degmooyinka iyo Gobollada dalka iyadoo Madal dibu heshiisiin laysugu keeni doono dadkii dhibaatada loo gaystay iyo kuwa dhibaatada gaystay halkaasina looga dhageysan doono dadkii dhibanaha ahaa ee dulmiga lagula kacay, waxaana looga fadhiyaa dadkii dhibaatada gaystay haddii ay wax ka nool yihiin inay arrintaas ka garaabaan cafisna weydiistaan dadkii dhibka loo gaystay.
Shirweynahaas dib u heshiisiin qaran waxaa lagu qaban doonaa Soomaaliya gudaheeda, oo annaga aan maamulno, noqona doonaa wada hadal walaaltinimo is dhegaysi, xal keenis, kaas oo ay ka soo qeyb galaan dhaamaan qeybaha kala duwan ee bulshada sida (Culumada, Aqoon yahanada, Odayaasha dhaqanka, Siyaasiintii hore ee rugcadaada ahaa, ganacsatada, haweenka, abwaaniinta, saxaafadda iyo dhalinyarada iyo cidii loo arko inay muhiim tahay inay ka soo qayb galaan shirka).
Kaas oo looga hadli doono "Maxaa naga qaldamay , maxaan ku sixi karnaa iyo sidee u wada sixi karnaa " , waxaan hubaa hadii shirwaynahaas dhaco oo si calool fiyow oo aan cuqdad ku jirin loo wada hadlo inaynu heshiin doono , is cafin doono isla markaana isu tanaazuli doono ugu danbayna aan heli doono MIDNIMO iyo walaaltinimaddi Soomaliyeed ee naluga yaqaanay.
Si loo helo nabadeyn waarta waxaan xukuumada kula talin doona inay xooga saaraan dib-u-heshiisiin dhameystiran in dhalinyarada Soomaliyeed ee la maan dooriyay ee ka tirsan Al-Shabaab lala galo wadahadal si Soomaalinimo ah, oo marka hore ay ogaaladaan inay nabad ogolaadaan, kaddibna ay sameeyaan Guddi dib u heshiisiineed oo heer Qaran ah oo dhaqangeliya barnaamijka dib u heshiisiinta oo dhameystiran.4- Dhismaha Garsoorka iyo hay'adaha xiriirka la leh
Waxaa kaloo muhiim ah oo aan talooyinkayga ku dari doona in la dhiso Garsoor madax banaan oo ay u dhameystiran yihiin tiirarkiisa iyo in la dhiso Maxkamadda Dastuurka.
Waxaan balan qaadayaa in dadku ii wada sinaan doonaan oo aanan talada dalka hoos gayn doonin (koox gaar ah ama qabiil gaar ah). Soomaalinimo ayan aminsanahay.Mudanayaal iyo Marwooyin; Waxaan rabaa inaan idiin cadeeyo mowqifkayga ku aadan 4.5! Aad iyo aad baan uga soo horjeedaa in qof kula mid ah lagu tilmaamo NUS ama 0.5! Yaa tiriyay qabiiladka Soomaaliya oo sheegay in qabiiladda kale ay ka tira badan yihiin beesha 5aad. Waxaan aminsanahay inaan wada simanahay.
Waxaan ku shaqayn doonaa sinaan, haduu Ilaah yiraahdo waxan idinka codsanayaa inaad igala shaqaysaan sidaan u baabi'in laheen sharcigaas 4.5.5- Maamul wanaag iyo dowlad wadaag
Waxaan kaloo kula talin doonaa xukuumadda inay muhiim gaar ah siiyaan dhismaha hay'adaha dowliga ah si loo hirgeliyo maamul wanaag kalsooni buuxda siin kara shacabka. Waxaan hagaajin doonaa nidaamka maamulka iyo maareynta maaliyada oo saldhig u ah koboca dakhliga dowladda oo keeni kara inaan isku tashano oo ka maarano gacan hoorsiga caadada noqday ee caalamka. Waxaan si xoog leh ula xisaabtami doonaa hay'adaha caalamka oo ma dhici doonto inay mashaariic ka fuliyaan dalka aan ku iman nidaamka dowliga ah.
6- Dhammaystirka Dastuurka
Waxaan barlamaanka iyo hay'adaha ku shaqada leh sharci dejinta dalka ku dhiirigelin doonoo in si dhaqsi ah loo qoro dastuur dhameystiran oo ay raali ku yihiin ummadda Soomaaliyeed oo dhan iyo in dastuurkaas ay mudda gaaban cod ugu qaadaan shacabka Soomaaliyeed iyo sidoo kale in dadka Soomaaliyeed lagu sameeyo tirakoob sahlo in dalka ay ka dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod.Xildhibanada sharafta leh; Waxan Xukumada kula talin doonaa in ahmid gaar ah la siiyo dhameystirka howlaha dastuuriga ah. Dhammaan dowladihii dalka soo maray tan iyo 2000 waxey ku guuldareysteen inay diyaariyaan dastuur ka tarjumi kara danaha ummada Soomaaliyeed, in Xukumada dhameystirto dastuurka oo afti dadweyne loo qaado, lana dar-dargeliyo hirgelinta nidaamka dimoqraadiyeynta dalka oo dhan oo la hirgelinayo doorashooyinka heer dowlad goboleed, heer gobol, heer degmo iyo ilaa heer tuulo si shacabka ay u doortaan dadkii matali lahaa oo u istaagi lahaa danahooda.
Waxaan ka shaqayn doonaa in Golaha wasiirada iyo Labada Aqal ay yeeshaan wadashaqeyn buuxda si loo helo isla xisaabtan dhab ah oo keeni kara in dhammaan howlaha dastuurka uu na farayo ay ku qabsoomaan sida ugu dhaqsiyaha badan.
7- DhaqaalahaMudanayaal iyo Marwooyin
Dalkeena wuxuu ilaah ku manaystay khayraad dabiici ah, qorax joogto ah, hawo nadiif ah iyo webiyo, lafdhabarka dhaqaalaha dalkeena waa Xoolaha nool, Beeraha, Kalluunka, Shidaalka iyo Macdanta kuwaasoo aan Dowlada kula talin doono inay soo bandhigaan Qorshooyin horumarineed, maalgelin iyo muruqmaalkii ka hawlgeli lahaa, qorshooyinkaasi waxaa saldhig u ah cilmi baaris ka horeyn doonto fulinta qorshahaas iyo tababar sare loogu qaadayo farsamayaqaanka iyo shaqaalaha fulin doona hawlaha sektaradaasi.
Waxaa hubanti ah in Barnaamijkaas dhaqaalaha uu sare u qaadi doono Koboca dhaqaalaha dalka, soo xareynta lacag adag, suuqgayn sahli karto in wax soo saarka dalka uu galo suuqyada caalamiga ah gaar ahaan kuwa wadamada khaliijka carabta ee aad noogu dhow, iyo abuuris fursado shaqo oo aad u ballaaran inta badanna ay ka faa'idaysan doonaan dhallinyarada.
Waxaa kaloo kula talin doonaa dowladda inay barbar socdaan dib u habayn lagu samayn doono kaabayaasha dhaqaalaha (Infrastructure) ee hadda jira, kuwa cusubna la dhisi doono si horumarka dhaqaalaha dalka uu u noqdo mid isla jaanqaada.
Waxaan kula talin doona Xukuumadada inay muhimad siiyaan sii wadida baaritaanada lagu sameeyey Shidaalka, heshisyada cusub waxaa saldhig u noqon doono Heshiis wax soo saar wadaag (Production Sharing Agreement) iyo sharciga shidaalka dalka, si dadkeena ay uga helaan faa'dooyin dhowr ah mid maaliyadeed iyo mid shaqo, sidoo kale waxaa laga fogaan doonaa dhibaato kasta oo shidaalka u gaysto dhinaca deegaanka iyadoo laga soo saari doono shuruuc u gaar ah arrintaas.
Waxaan kula talin doonaa Xukuumadda inay dhiirigeliyaan ganacsatada, dhisida kabayaasha dhaqaale sida wadooyinka, dekedaha, garoomada diyaaradaha iyo korantada oo ay keenaan qubaro gacan naga siisa sidaan uga faa'iidaysan laheen qoraxda iyo dabaysha si ummadda Soomaaliyeed ay u hesho koronto qiimo yar, iyo inay abuurto fursado shaqo iyadoo horurmarin doono soona celin doona dayn siinta (line of credit) ganacsatada, xoolo dhaqatada, beeralayda iyo kaluumaysatada oo aan dib u soo celin doono shaqadi Bankiga Horumarinta iyo Bankiga Ganacsiga.
Raysul Wasaaraha waxan kula talin doona inuu soo dhiso dawlad abuurto jawi siyaasadeed, abuurta amni iyo inaan ka faaideysano kheyraadka wadankeena ka buuxo sida (macdanta, saliida iyo shidaalka).
Waxaan kaloo kula talin doona dowladda inay dardargeliyaan nidaamka Maamulka iyo Maareynta Maaliyada si loo kobciyo aruurinta dakhliga isla markaasna kharash bixinta ay noqoto mid isla xisaabtan dhab ah leh iyadoo la howlgelinayo dhammaan kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

  1. Arrimaha Bulshada : Waxbarashada iyo Caafimaadka

Bulsho kasta waxaa horumarkeedu lagu qiyaasaa heerka ay ka gaarto daryeelka arrimaha bulshada. Haddaba haddii aan ku guulaysto xilka Madaxweynenimo waxaan Xukumadda kula talin doonaa inay xoogga saaraan in dalka laga hirgeliyo adeeg caafimaad iyo mid waxbarasho oo lacag la'aan ah si loo daryeelo bulshada u baahan adeeg caafimaad iyo mid waxbarasho.
Ummada Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin adeeg Caafimaad oo lacag la'aan ah, sanad walba Soomaaliya waxaa jira dad u dhinta cuduro ay sabab u yihiin daryeel la'aan ama awood la'aan ay dadkaas aysan isbitaal ku tagi Karin.
Intaan ku jiray Socdaalki nabadda oo aan ku soo maray waddanka, waxaan la kulmay dad fara badan oo haween ka mid yihiin oo ii sheegay inay haween fara badan gaar ahaan kuwa uurka leh ay dhibaatoyin badan kala kulmaan cisbaal la'aanta ama in cisbitallka ugu dhow uu ku yaalo tuulo ama magaalo ka dheer, taasoo keenta in haween badan iyo caruurtooda ay xanunsadaan ama dhintaan.
Sidaas awgeed waxaan xukumadda kula talin doonaa inay qorsheyaan in Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka danta yar ay helaan isbitaalo ama daawayn lacag la'aan ah, waxaan kaloo boogaadin doona isbitaalada gaarka loo leeyahay oo caawiya dadweynaha.
Iyo in sare loo qaado aqoonta shaqaalaha ka shaqeeya cisbitaalada iyo waxbarashada iyadoo saldhig looga dhigi doono cilmi baaris iyo tababarro casri ah.
Sidoo kale in la dhaqangeliyo Dugsiyo Farsamo oo qalabkooda u dhan yahay laguna barto Xirfadaha kala duwan si dhallinyaradeena ay u helaan xirfad ay ku shaqeysan karaan loogana maarmo in shaqaale ajnebi ah dalka la keeno.
Waxaan kaloo kula talin doonaa Xukuumadda inay tayeyaan waxbarashada iyo caafimaadka, si looga baxo Jahliga iyo si xun wax u fahanka waxaa laga maarmaan ah in dawladu ka shaqeyso sidii ay u dhiiri gelin lahayd iskuulada iyo jaamacadaha gaarka loo leeyahay ee hada ka jira dalka ayadoo ka taageeraysa dhanka Midaynta Manhajka, buugaagta iyo tababarida macalimiinta, sidoo kale waxaa jira dhalinyaro badan oo Soomaali ah oo aan haysan fursado waxbrasho ama awood dhaqaale ay wax ku bartaan iyagana waxay u baahan yihiin iskuulo iyo jaamacada dawli ah oo si bilaash wax uga bartaan, dowladda waxay u samayn doontaa skuuladkaas oo ay ardada ku dhigan doonaan lacag la'aan insha Allah.
Iyo inay isku taxaluujiyaan barnaamij sare loogu qaadayo ciyaaraha iyadoo dhallinyarada loo samayn doono garoomo ciyaaraha kala duwan si dhallinyarada ugu tababartaan iyadoo garoomadaasi lagu qalabayn doono qalab casri ah.9- Soo nooleynta Shillinka Somaaliga
Waxaa kaloo muhiim ah oo aan kula talin doonaa in Xukuumadda ay si dhaqsi ah ugu dhaqaaqdo sidii ay dalka dib ugu soo nooleyn lahayd lacagti SHILLIN SOOMAALIGA oo iyada astaan u ah haybadi iyo jiritaanka ummadeena.10- Siyaasada Dibada
Maadaama aan Danjire soo ahaa muddo badan, waxaan kula talin doonaa Xukuumadda inay kor u qaadaan xiriirada ay dowlada Soomaaliya la leedahay dowladaha Saaxibada la ah Soomaaliya iyo caalamka intiisa kale, iyo in la ilaaliyo oo la soo celiyo sharafti Soomaaliya ay lahayd.Dhinaca diboloomasiyada, waxaan Xukumadda kula talin doonaa inay aad u dedejiyaan sidii loo heli lahaa qaab ay dadka Soomaliyeed ugu fududaato helitaanka Visaha dalalka ay danaha kale ay ka leeyihiin, sidoo kale inay safaaradaha Ajnabiga u sameeyaan gooba u gaar ah, aminga goobahaasna ay dowlada balan qaadeyso, iyo in aan si deg deg ah u soo afjarno faragelinta dowladaha shisheeye ee arrimaha gudaha Soomaaliya si buuxdo. SOOMALIYA SOOMAALI AYAA ISKA LEH, ANIGA WAXAAN AMINSANAHAY SOOMAALINIMO.Xildhimanada sharafta leh ee labada gole, Dadweynaha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin Madaxweyne soo celiya haybadda iyo karaamadii qaranka, badbaadiya dadka, diinta iyo dalka, daryeelana ahna wehelka dhabta ah ee dan yarta, waxaan aminsanahay inaan buuxin karo dhamaan qodobadaas aan kor ku soo sheegay, sidaas awgeed, waxaan si sharaf leh oo xushmad ku dheehan tahay idinka codsanayaa idinkoo tixgelinayo taariikhdayda shaqo iyo shakhsiyadeyd in aad ii doorataan, iguna aamintaan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.Aad baad u mahadsantihiin.MUSHARAX MADAXWEYNEDANJIRE MAXAMED CALI NUUR (AMERIKO)

Maxaan ka ogaanay khudbadihii Ameeriko, Tarsan iyo...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Galabta gellinka dambe waxaa baarlamaanka ka hor khudbeeyay ilaa 5 murashax kuwaas oo kala ah: Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), Maxamed C/risaaq, Xaaji Maxamed yaasiin Ismaaciil iyo Axmed Maxamed Cabdi.
Ugu horeyn, Maxamed Nur Cali Ameriko waxaa uu sheegey in haddii la doorto uu gacan siin doono dadka dan yarta ah, uuna yareyn doono farqiga taajirka iyo faqiirka, waxaa kaloo uu ballan-qaadey in laga maarmi doono gargaarka iyo deeqaha shishiiye.
Cali Ameriko, waxaa uu balla-qaadey sidoo kale xasilooni siyaasadeed, mid amni, in ciidamo gaar ah Muqdisho ka shaqeyn doonaan, dib u heshiisiin iyo iscafis, garsoor madaxbanaan iyo in uu sameyn doono lacag shillin ah Soomaali ah oo qiimo badan.Maxamud Maxamed Tarsan oo goobta ka hadley waxaa uu baarlamaanka uga sheekeeyay Oorfanenimada uu ku soo korey, isbadalka uu ku dameeyay markii uu noqdey guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo arrimo kale.
Tarsan waxaa uu ballan-qaadey in uu dhisi doono ciidan tayo leh iyo sirdoon waxtar leh, ilaa 20,000 ciidan, askariga in uu qaadan doono $300, halkii askari in uu qaadan doono 4 joog oo dhar ah, 2 sano gudahood in uu yareyn doono 50% AMISOM, dhalinyarada in uu shaqo abuur u sameyn doono, in lacag badan u qori doono hey'adaha garsoorka iyo maxkamadaha iyo arrimo kale.Maxamed Cabdirisaq oo isna xildhibaannada la hadley waxaa uu sheegey in uu xogga saari doono xushmeynta dastuurka mar haddii uu noqonayo "Head of state" , isagoo intaa raaciyay in uu ka shaqeyn doono midnimada, dib u heshiisiinta, la dagaalanka musuqa, waxaa uu dhaleeceeyay in dowladda Itoobiya noqotey dowladda dhexe, waxaa kaloo uu sheegey in la faa'ideysan doono xoolaha, shidaalka oo Soomaaliya uu sheegey iney ku jirto 7bada dale e ugu shidaalka badan.Xaaji Maxamed Yaasin, waxaa Xildhibaannada ka hor sheegey in uu dalka ku xukumi kitaabka ilaahey, isagoo dastuurka ku sheegey mid shaqadiisu tahay kala maareyn, 57 sano oo xuriyaddii kadib ah waxaa uu leeyahay waa waqti ka lumey umadda Soomaaliyeed.
Waxaa uu Xaajiga la yaabey Xildhibaanno dhahaya waxaan ku jirnaa kutlo, xisbi ama koox gaar, codeynteenu waa halkaas, arrintaas uu ku sheegey mid ka hor imaaneysa qaabkii loo doortay iyo wax laga sugayo.
Xaaji Yaasin waxaa uu Xildhibaannada tusey khariidadda Soomaaliya isagoo sheegey in uu wax badan ka qaban doono shaqo siinta dhalinyarada oo marka la isku daro kalluunka, beeraha ay gaari doonaan ilaa 500,000 oo dhalinyaro ah oo ka shaqeyn doonta mid Raaskaambooni ilaa Zeylac.
Ugu dambeyntii waxaa uu umadda u sheegey u sheegey in Al-shabaab aanu dagaal kala hortagi doonin oo sida uu sheegey uu isaga uga horeeyay kitaab ku dhaqista Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale xildhibaannada ka hor khudbeeyay Axmed Maxamed Cabdi Malaadiin oo ka tirsan sirdoonka Imaaraadka, ninkan waxaa uu sheegey in uu xoogga saari doono dhismaha ciidan amni iyo mid mukhaabaraad oo tiro yar.Caasimada OnlineXafiiska Muqdishocaasimada@live.com

G/Xigeenka Barlamaanka Galmudug Iyo Xildhibaano Laga...

$
0
0

Diyaarad ay la socdeen G/xigeenka 1-aad ee Barlamaanka Galmudug, Xareed Cai Xareed iyo 15 Xildhibaan oo la socotay ayaa loo diiday inay ka degto Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda KMG Galmudug ee Cadaado.
Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Radio Dalsan in Ciiddanka Galmudug is-hortaageen Xildhibaano iyo dad kale oo doonayey inay Wafdiga uu hoggaaminayey G/Xigeenka Koowaad ee Barlamaanka Galmudug ku soo dhaweeyaan Garoonka Cadaado.
Wafdigaasi ayaa ka mid ahaa Xildhibaanadii horey u sheegay inay xilka ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed, inkastoo uu Madaxweynuhu gaashaanka ku dhuftay hadalkooda, soona rogay Xukun Degdeg ah.
Dhinaca kale, Diyaaradda ay la socdeen Wafdigaasi ayaa Duhurnimdii maanta dib ugu soo laabatay Garoonka Caalamiga Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaallada MuqdishoXAFIISKA WARARKA.GAALKACYOSHABAKADDA WARARKAWWW.HOBYONET.COMNAGALA SOO XIRIIR.CMAALIN17@GMAIL.COMHOBYOEDITOR1@GMAIL.CO


Maqal: Roobab ka da'ay deegaanno ka mid ah...

$
0
0

Gobolka Sanaag oo ka mid ah dhulka abaarta kulluli ka jirto ayaa deegaanno ka tirsan waxaa da'ay roobab kuwaasi oo si wayn loogu diirsaday, iyadoo dadka iyo duunyada la soo gudboonaadeen xaaladdo aad u adag oo abaaraha ka dhashay.Haddaba roobkii ka da'ay Gobolka Sanaag oo meelaha ee ay qaar biyo-dhigay ayaan ka wareysannay guddoomiyaha gobolka ee maamulka Puntland Maxamuud Ciyoon isago ku sugan degmada Badhan ayuu u waramay wariyaha BBC Mowliid Xaaji Cabdi.

Wareysi abaaraha ka jira goboladda dhexe ee Soomaaliya

$
0
0

Deegaanno badan oo Soomaaliyeed ayaa abaaro xoogan ka taagan yihiin, waxaa ka mid ah Goboladda dhexe ee dalka, Deegaanka Galinsoor ee maamulka Gal-Mudug
Cabdulaahi Cadceed Jimcaale (Afarindhood) oo ka mid ah odayaasha deegaanka Galinsoor ayaa khadka telefoonka ugu waramay wariyaha BBC Mowliid Xaaji Cabdi. wareystay saameynta abaaruhu sida ay u saameeyeen dadka iyo iyo duunyada.

Kulan Ay isugu yimaadeen Guddida Sicir Bararka iyo...

$
0
0

Hargeysa(Somaliland.Org)-Kulan Ay isugu yimaadeen Guddida Sicir Bararka iyo Ganacsatada dalku, ayaa markii uu soo dhamaaday waxa saxaafada la hadlay Wasiir ku-xigeenka maaliyadda Md Cali Axmed Maxamed iyo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Md.Maxamed Shukri Jaamac iyadoo ay saxaafaduna su'aalo dhawara ka waydiisay halka laysla marayo iyo sicirka suuqa ee wakhtigan
[embedded content]
-Somaliland.Org/Hargeysa

Dowlada maraykanka oo racfaan ka qaatay xukunkii...

$
0
0


Wanshington-(RBC Radio)-Waaxda cadaalada Maraykanka ayaa racfaan ka qaadatay xukunkii uu riday xaakim jooga Seattle, kaasoo dhan ka ahaa amarkii uu Donald Trump ku joojiyey inay waddanka soo galaan dadka ka imaanaya 7 dal oo Muslim ah.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trum ayaa qoraallo uu Twitter soo dhigay ku cambaareeyey qaaddigii xukunka riday, wuxuuna ka digay in 'dad xun oo khatar ah' ay Maraykanka ku soo qulquli doonaan arrintaas darteed.
Shirkadaha dayaaradaha qaarkood ayaa mar kale u ogolaaday muwaadiniinta u dhalatay dalalka ay arrintan saamaysay inay raacaan dayaaradahooda u duulaya Maraykanka.
Magaalada Washington iyo magaalooyin kale oo maraykanka ah ayaa waxaa ka dhacay banaanabaxyo dheeraad kuwaasoo looga soo horjeedo xayiraadda safarka ee uu xukuumaddu ay soo rogtay.__RBC Radio

Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyey Muqdisho

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta 05, Febuary 2017 safar shaqo ugu anba baxay magaalada muqdisho , waxaana si diiran loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaga Aadan Cadde Airport ee magaalada Muqdisho, soo dhoweynta madaxweynaha waxaa ka qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan golayaasha Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Dawladda Puntland waxaa safarkiisa ku wehelinaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi , wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.
Madaxweynaha ayaa soo dhoweynta ka dib waxaa uu ku nastay qaybta VIP-da ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Airport, waxaana uu warbaahinta u sheegay in isaga wafdiga uu hogaaminayo ay magaalada muqdisho joogi doonaan mudo kooban."Magaalada muqdisho waanu joogaynaa mudo kooban insha allaah, maadaama uu dalku ku jiro marxalad kala guur ah iyo doorashooyinka madaxtinimo ee dalka, waxaanuna rajaynaynaa in wax fiican ay kasoo bixi doonaan arrimaha doorashooyinka dalka oo heer gebo-gebo ah maraya" ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay geeddi socodka doorashooyinka iyo nidaamkii lagu soo dhisay labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna ku rajo weyn yahay in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay ku tallaabsadaan horumar iyo barwaaqo.-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.
The post Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyey Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live