Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Ra’isulwasaaraha Itoobiya “Soomaaliya waxaan...

$
0
0

Kn: Ra'isulwasaaraha dalka Itoobiya Heila Maryam Deseleg oo wareysi siiyey taleefishinka Universal TV, kaasi oo dhawaan la baahiyey ayaa ka shanqariyey arrin muddo dadka Soomaaliyeed ay aaminsanaayeen, taasi oo ah damaca Itoobiya ee ah in Soomaaliya ay qabsato.
"Waxaan la tartamaynaa dalalka Shiinaha iyo Hindiya oo aan dhaqaale kula tartamaynaa, sidaasi darteedna waa in aan leenahay dad badan, oo aan midoownaa, Soomaaliya, Jabuuti iyo Kenya iyo Intoobiya intuba waa in ay midoobaan, saas ayaa fiicnaan lahayd" ayuu yiri Ra'isulwasaaraha oo lagu wareystey magaalada Jig Jiga ee Dawlad deegaanka Soomaalida.
Iyada oo la joogo xili doorasho ayaa waxaa aad loo hadal hayaa farogalinta dawladaha dariska ku heyso doorashada, musharixiin gaar ahna ay taageeraayaan, hadalkani uu sheegey Ra'isulwasaarahana waxa uu sii kordhiyey shakigii la qabay.
Hoos Ka Daawo Wareysiga
KismaayoNews.com

Xulka Cameroon oo ku guuleystay Koobka Qaramada Africa

$
0
0

Xulka kubadda cagta dalka Cameroon ayaa caawa markii 5-aad ku guulaystay koobka Qaramada Africa ee AFCON 2017, kadib markii uu guul soo laabasho ah ka gaadhay xulka Masar.
Ciyaarta finalka oo ka dhacday magaalada Libreville ee dalka Gabon ayaa ku soo idlaatay 1-2 oo ay guushu ku raacday xulka Cameroon.
Xulka Masar ayaa iska lumiyey gool ay qeybtii hore ee ciyaarta hogaanka ku qabteen, kadib markii Mohamed Elneny uu daqiiqadii 21-aad dhaliyey kubabad xagal ahayd. Cameroon ayaana qeybtii hore ee ciyaarta awoodi wayday in ay difaaca Masar dhaafto oo ay la timaado goolka barbaraha, ciyaarta ayaana lagu kala nastay 1-0.
Markii qeybtii labaad laysku soo laabtay ayaa xulka Cameroon helay goolka barbaraha, kadib markii uu gool madax gantaal ah u saxiixay Nicolas N'Koulou isagoo caawin ka helay Benjamin Moukandjo Bile waxayna ciyaartu noqotay 1-1.
Cameroon ayaa dhinaca ka urogtay natiijadii hogaanka daqiiqadii 88-aad ee dhamaadka ciyaar, ka dib markii gool layaab leh shabaqa ku ruxay Vincent Pate Aboubakar , isagoo ciyaarta ka dhigay 1-2 oo ay hogaanka ku hayso Cameroon.
Xulka Cameroon oo koobka Qaramada Afrika labo final oo hore ay guuldaro kala kulmeen Masar ayaa ugu danbayn ku guuleystay.
PUNTLAND POST
The post Xulka Cameroon oo ku guuleystay Koobka Qaramada Africa appeared first on Puntland Post.

Goobta ay ka dhacayso Doorashada Madaxweynaha...

$
0
0

Muqdisho (SONNA) Waxaa hadda aad loo diyaariyay goobta lagu qabanayo doorashada madaxweynaha oo ku taala xarunta ciidanka cirka ee Afisyooni. Sidoo kale waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa diyaar garowga doorashada, iyadoo ammaanka si wayn loo adkeeyay. Ciidammada dowladda ayaa xiray haatan inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho xili duqa Muqdisho uu horay u sheegay maalinta doorashada [...]

Nigeria: Buhari oo doonayo in loo kordhiyo fasax...

$
0
0

Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari oo dalka Britain u joogo baaritaan caafimaad ayaa baarlamaanka dalkiisa ka dalbaday inay u kordhiyaan wakhtiga fasixiisa.
Mr Buhari ayaa dalka Nigeria ka tagay laba isbuuc ka hor waxaana lagu wday inuu maanta dib ugu laabto.
War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu ku sheegay in dhakhaatiirta ay kula taliyeen inuu sugo natiijooyinka baaritaanno caafimaad oo lagu sameeyay.
Kaaliyaha madaxweynaha Garba Shehu ayaa sheegay in aan madaxweynaha la seexinin isbitaalka, xaaladiisa caafimaadna aysan ahayn mid daran.
Mr Shehu, oo wareysi siiyay BBC-da ayaa haseyeeeshee ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo xanuunka madaxweynaha.
Dadka ka faalooda arrimaha Nigeria ayaa sheegaya in maqanaashaha madaxweyne Buhari ay wax u dhimi karto kalsoonida lagu qabo maamulkiisa oo wajahaya cadaadis la xiriira dhaqaalaha sii liicaya iyo dagaalka ka dhanka ah Boko Xaraam.
Waa markii labaad oo uu madaxweyne Buhari gargaar caafimaad dibedda u raadsado muddo ka yar sanad.
Buhari oo xaaskiisa u sheegay inay jikada ku ekaato

Sawirro: Daawo hoolka lagu qabanayo doorashada iyo...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka socda diyaar garowga Doorashada heerka Madaxweyne ee Somalia.
Guddiga qabanqaabada Doorashooyinka ayaa iminka bilaabay diyaarinta Hoolka ay ka dhici doonto Doorashada Madaxweynaha.
Doorashada ayaa waxaa u sharaxan 23 Musharax oo dooneysa inay qabato talada dalka mudada 4 sano, kuwaa oo qeexay waxyaabaha ay qaban doonaan haddii ay ku guuleystaan Doorashada.
Doorashada Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay qabsoonto 08-02-2017 waxay ka dhacaysaa xarunta ciidanka cirka ee Afisyooni.

VOA oo Dood u Qabatay Musharaxiinta (Qeybta Labaad)

$
0
0

VOA-da ayaa u qabatay qaar ka mid ah musharaxiinta dood ay barnaamijka iyo siyaasadda ay ugu talagaleen Soomaaliya wax looga weydiinayo.

Al-Shabaab oo Afar Qof ku Gowracay Jamaame

$
0
0

Degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyada Al-Shabaab muddo aad u dheer ayaa lagu diley 4 qof oo la sheegay in ay ahaayeen dad rayid ah.

Doorashada Somalia oo Musuqa Lagala Dagaalmayo

$
0
0

Guddiga la dagaalanka musuq maasuq lagu sameeyo doorashada madaxweynaha oo dhawaan uu magacaabay baarlamanka Soomaaliya ayaa soo saaray qodobo lagula dagaalamyo in doorashada la musuq-maasuqo

Puntland oo laga saaray barnaamij muhiim ah oo ay...

$
0
0

Garowe(PP):- Barnaamijkan oo lagu magacaabo "The Temporary Return of Qualified Nationals (TRQN)", waa barnaamij dadka xirfadaha leh ee soomaaliyeed ee degan wadamada Yurub gaar ahaan Holland, loogu dirayey Soomaaliya si ay xirfadahooda halkaas ay uga soo shaqeeyaan, ayaa iminka waxaa muuqata in Puntland laga reebay. Waxaana barnaamijkaas lagu soo koobay dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland.
Barnaamijkan oo la cusboonaysiiyey mudo 4 sano ah ayaa lagu caawinayaa wasaaradaha beeraha, howlaha guud, xanaanada xoolaha, dowladaha hoose iyo jaamacadaha.
Hay'adda IOM ayaa dowladda Holland u wakiilatay in ay barnaamijkan fuliso, waxaan la garanayn sababta Puntland oo mudo dheer barnaamijyadaan oo kale ka shaqaynayeen markaan looga reebay.
Warqad ay heshay warbaahinta Puntland Post loona diray qaybo ka mid ah qurbo-joogta soomaaliyeed ayaa u qornayd sidan:Dear Somali Diaspora experts,
I am happy to inform you that as a follow up of the successful IOM TRQN program, Connecting Diaspora for Development (CD4D) program started recently for three years and is supported by the Dutch Ministry of Foreign Affairs.
The program targets the following countries: Afghanistan, Ethiopia, Ghana, Morocco, Sierra Leone and Somalia. IOM implements the project in close cooperation with the key stake holders both in the country of origin and the Netherlands and diaspora members. In the countries mentioned there is a great need for skills, expertise and experience.
CD4D program aims to contribute to improvement and strengthening of the capacities of local institutions in Somalia through involving of highly skilled Somali diaspora professionals to transfer their knowledge, skills and experiences. Through short physical assignments in the agriculture/food security and infrastructure sectors and establishing institutional linkages between institutions, the Somali diaspora experts will contribute to the development of their country or origin.
IOM acts as a facilitator and bridge builder between Diasporas and organizations in both countries of origin and the Netherlands. IOM matches the candidates' expertise with the needs of institutions in the target countries, and then selects candidates in close cooperation with the selected institutions.
Recently IOM in cooperation with the Somali and Somaliland government's program partners conducted a needs assessment in the field of agriculture and infrastructure. Based on the needs assessment 7 institutions have been identified and selected as CD4D target institutions.
The 5 selected health institutions are:
1. Ministry of Agriculture, the Federal Government of Somalia
2. Ministry of Fisheries and Marine Resources, the Federal Government of Somalia
3. Ministry of Livestock, the Federal Government of Somalia
4. Ministry of Public Works, Housing and Reconstruction, the Federal Government of Somalia
5. Somali National University
6. Banadir Regional Administration (Municipality of Mogadishu)
7. Ministry of Fisheries & Marine Resources (Somaliland)
8. Ministry of Agriculture (Somaliland)
9. Ministry of Livestock (Somaliland)
10. Ministry of Public Works Housing and Transport (Somaliland)
11. Ministry of Water Resources (Somaliland)
12. Municipality of Hargeisa
13. Ministry of Interior (Somaliland)
The post Puntland oo laga saaray barnaamij muhiim ah oo ay maalgeliso dowladda Holland appeared first on Puntland Post.

Presidential hopefuls make TV debate ahead of the poll

$
0
0

Somalia's presidential candidates have concluded their long-running campaign after making Televised debate on Monday ahead of February 8, 2017 election.
During the first-ever TV debate, 23 presidential hopefuls spoke about the agenda and political program to lead the horn of Africa, if elected for the next four years.
Somali parliament, consisting of 275-member Lower house and 54 senators will elect a new president in the coming election which is scheduled for Wednesday, February 8.
The caretaker president Hassan Sheikh Mohamud, and outgoing PM Omar Abdirashid Sharamarke are among the 23 candidates competing for the seat of the president.

Al-Shabaab oo Afar qof qoorta ka jaray

$
0
0

MUQDISHO (SONNA) Wararka laga helayo degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Maleeshiyada Al-Shabaab ay meel fagaare ah qoorta uga jareen afar nin oo ay ku eedeeyeen inay u shaqeeyaan sirdoonada Soomaaliya, Kenya, iyo Maraykanka. Ragaan Argagixisada Al-Shabaab ay laayeen ayaa waxay kala yihiin. Siyaad Cali Cabdi oo 26 jir ah. Yuusuf Makaraan [...]

Ololaha Doorashadu waa Bilo Dhammaystay

$
0
0

Caasimadda Soomaaliya, Muqdisho waxaa soo buuxiyay Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo mudanayaal aqalka Sare, siyaasiyiin looga soo adkaaday kuraasta, salaaddiin, Madax iyo shaqaale Dowlad Goboleedyo, dallaalliinta siyaasadda oo badiyaa la arko marka ay doorasho jirto ama marka xiisad siyaasadeed ay oogan tahay oo cod loo baahdo, Madax iyo shaqaale aanay munaasab ahayn in ay olole doorasho [...]

XOG: Xasan Sheekh oo adegsanaya qalab lugu oggaanayo...

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Ol olaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku jira saacadihii ugu dambeeyay,waxaana musharrixiinta ay kulamo joogta ah la qaadanayaan xildhibannada labada Aqal ee wax dooranaya.
Qaar ka mid ah musharrixiinta madaxweynaha ayaa waqti badan galinaya sidii ay codad la isku haleen karo uga heli karaan baarlamaanka Soomaaliya,waxaa lugu sheegay musharrixiinta qaarkood inay ku yartahay waqtiga nasashada.
Musharrixiinta dadaalka ugu badan sameynaya waxaa ka mid ah madaxweynaha xilka haya ee Xasan Sheekh oo mar kale doonaya inuu guul ka gaaro doorashada la qabanayo maalin kaddib oo ku beegan 8 febaraayo.
Madaxweyne Xasan,waxaa la sheegay inuu doonayo ka hor xilliga doorashada ay billaabaneyso ogaal uu ka heysto xildhibaannada u codeynaya,waxaana la soo bandhigay qalab la sheegay inay xildhibaannada ku muujin doonan marka ay codeynayaan ama ay saxiixayaan warqada musharrixiinta loogu codeynayo.
Warar madax banaan oo ay helayso Raxanreeb ayaa sheegaya madaxweyne Xasan Sheekh inay ka caawin doonan ol olihiisa doorashada saraakiil ajaanib ah oo ay ugu horreeyaan kuwa ka socda dalka Itoobiya.
Wal walka laga qabo musuq maasuq doorashada ka dhacaya ayaa kordhaya saacad walba
Xildhibaannada waxaa loo diyaariyay qalab aan muuqan karin oo wax laga dhex arki karo,waxaa ka mid ah saacado kaamirooyin leh,ookiyaalayaal iyo qalab lugu xirayo dharka ay gashan-yihiin.
"Waxay doonayaan xildhibaannada inay cododkooda lacag badan ku helaan,madaxweyne Xasan xildhibaan walba oo doonaya inuu codka ka gato,wuxuu sharuud uga dhigay inay muujiyaan codka ay siinayaan iyagoo adegsanaya qalab uu diyaariyay,"sida waxaa u sheegay Raxanreeb xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo codsatay inan la baahin magaciisa.
Xilli horaba musharrixiinta madaxweynaha ayaa arrintan wal wal ka muujiyay,waxaa ay dalbadeen in si dhow looga baaro xidhibaannada inay adegsanayaan qalab laga arki karo cida ay codka siinayaan.
Guddiga doorashada iyo midka anshaxa saraakiil ka tirsan oo aan la xiriirnay,waxaa ay sheegen inay dadaal ku bixin doonan si aysan u dhicin in goobe kale lagala socon karo cida ay codka siinayaan xildhibaannada baarlamaanka.
__RBC Radio

Xarumaha dowladda oo labo maalin xirnaan doona

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Dowladda Faderaalka waxaa ay fasax labo maalin ah siisey shaqaalaha u shaqeyn jiray.
Waqtigaa waxaa dhacaya oo la isku diyaarinaya doorashada madaxweynaha,waxaana la sheegay dhamman hay'adaha dowladda inay shaqada joojin doonan.
Ku Simaha Wasiirka Shaqada iyo Hormarinta Shaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xismaan Libaax Ibraahim ayaa Sheegay in Maalmaha Talaadada iyo Arbacada ay Fasax yihiin Shaqaalaha Dowladda iyo kuwa Gaarka ah, taas oo loo Sameynayo Doorashada Madaxweynaha ee 08 Bishaan ka dhici doonta magaalada Muqdisho.
"Shaqaalaha waa fasax labo maalin,waa xilliga ay doorashada dhacayso,"ayuu yiri Xismaan Libaax sida ay baahisay wakaaladda warark SONNA.
Qorshahan wuxuu qayb ka noqon doona dadaallada ay doonayso dowladda Faderaalka in lugu xakameeyo isku socodka caasimada Muqdisho inta ay soo dhammaaneyso doorashada.__RBC Radio

Guddiga anshaxa doorashada madaxweynaha oo ilaalin...

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Guddiga anshaxa doorashada madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay inay ilaalin doonan hannaanka ay xildhibaannada u dhiibanayaan cododka,marka la gaaro waqtiga doorashada oo ay saacado ka dhiman-yihiin.
Guddoomiyaha guddiga anshaxa,Prof Cabdi Ismaaciil Samatar wuxuu sheegay inay waaqti galin doonan sidii doorasho muuqato oo xalaal ah u dhici lahayd.
Waxaa kalo uu sheegay in shaqada ugu weyn ee guddiga hortaalla ay tahay sidii ay u dhowri lahaayeen anshaxa iyo in doorashadu nadiif ka ahaato musuq maasuq iyo wax is daba marin.
"Shaqada ugu weyn ee na hortaala waa in aan ilaalino marka hore xalaalnimada codbixinta xildhibaannada, in la xadido dhaqdhaaqaqa goobta doorashada waqtiga ay codeynta socto iyo aynu si gaar ah ula socono in lacag la soo galiyo goobta doorashada."'ayuu yiri Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo u warramayay idaacadda VOA-da.
Inta wuxuu ku darray Prof Cabdi Ismaaciil in la shaacin doono haddii ay dhacaan wax is dama-marin iyo qaladaad ay sameeyaan musharrixiinta ama xildhibaannada.
Guddiga anshaxa doorashada wuxuu go'aankan shaaciyay xilli tuhun badan laga qabo doorashada inay u dhacdo si musuq maasuq ah,sidoo kale waxaa wal wal laga qaba in marka ugu danbeysan ee doorashada xarunta la geeyo lacago lagu gadanayo codadka.

Soomaaliland oo xaqiijisay inay Cali Khaliif Galaydh...

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Xukuumadda Soomaaliland waxaa ay xaqiijisay inay wada-hadal kula qaadan doonan dalka Jabuuti,madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh.
Galaydh oo maanta ay diyaarad ka qaaday magaalada Hageysa ayaa tagay dalka Jabuuti,halka oo sidoo kale la filayo mas'uuliyiin ka socda Soomaaliland inay tagaan si ay wada-hadallada labada dhinac u furmaan.
"Waa Run Cali khaliif Galaydh Hargeysa ayuu saaka yimid, isagoo ka soo anbo baxay gobolka Buuhoodle soona maray wadadda laamidda ah ee ka timaadad magaaladda Laascaanood, ee soo gasha magaaladda Burco,halkan buuna saaka ku soo waaberiistay waxaanu ka duulay garoonka Hargeysa isagoo usii jeedda wadanka Jabuuti oo uu ka furmayo wada hadaladdii isaga iyo Somaliland u dhexeeyey."Sida waxaa u sheegay saxaafadda Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Farotoon).
Mar uu ka hadlayay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliland in lugu soo dhaweeyay Hargeyso madaxweynaha Khaatumo,wuxuu sheegay inuu yahay muwaadiin reer Soomaaliland ah oo aaminsan firkad aan u cuntamin dadweynaha inteedda kale,sida u sheegay.
Soomaaliland waxaa ay dadaal ku bixinaysa sidii Cali Khaliif Galaydh uu ugu soo biiri lahaa,laakin Khaliif ayaa mucaaradad kala kulmaya dadka degan deegaannada Khaatumo oo diidan wada-hadallada uu madaxweynaha kula jiro Soomaaliland.