Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wasiirka Duulista Hawada oo shaaciyay in 8da bisha...

$
0
0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cali Axmed Jaamac Jengali ayaa shaaca ka qaaday in Maalinta Arbacada la hakiyay guud ahaan howlihii duulimaadka ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, maadaama maalinkaasi ay dalka ka dhici doonto doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Wasiirka ayaa Xusay in iyadoo la fulinayo Amar kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari la joojiyay dhaqdhaqaaqii garoonka Aadan Cadde si lamid ah sida loo hakiyay isusocodkii gaadiidka magaalada Muqdisho dhexdeeda ahaa. "Waxaan ku wargalineynaa Shirkadaha Duulimaadyada in maalinta Arbacada la hakiyay duulimaadyadii Garoonka Aadan Cadde, waxaa la xirayay hawada Muqdisho, waana amar ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna arrintan ku egtahay Maalinta Arbacada oo kaliya" ayuu yiri Mudane Jengali. Mudane Cali Axmed Jaamac Jengali ayaa Xusay in Tallaabadani aysan saameyn ku yeelan doonin garoomada kale ee dalka, maadaama Doorashadu ay ka dhaceyso magaalada Muqdisho.


Wasiirka Duulista Hawada oo shaaciyay in 8da bisha...

$
0
0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cali Axmed Jaamac Jengali ayaa shaaca ka qaaday in Maalinta Arbacada la hakiyay guud ahaan howlihii duulimaadka ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, maadaama maalinkaasi ay dalka ka dhici doonto doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Wasiirka ayaa Xusay in iyadoo la fulinayo Amar kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari la joojiyay dhaqdhaqaaqii garoonka Aadan Cadde si lamid ah sida loo hakiyay isusocodkii gaadiidka magaalada Muqdisho dhexdeeda ahaa. "Waxaan ku wargalineynaa Shirkadaha Duulimaadyada in maalinta Arbacada la hakiyay duulimaadyadii Garoonka Aadan Cadde, waxaa la xirayay hawada Muqdisho, waana amar ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna arrintan ku egtahay Maalinta Arbacada oo kaliya" ayuu yiri Mudane Jengali. Mudane Cali Axmed Jaamac Jengali ayaa Xusay in Tallaabadani aysan saameyn ku yeelan doonin garoomada kale ee dalka, maadaama Doorashadu ay ka dhaceyso magaalada Muqdisho.

Hargaysa: Siyaasiyiin aan xisbina ka mid ahayn oo...

$
0
0


Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga caanka ah ee Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa shirka 12-ka bisha uu Madaxweyne Siilaanyo dalbaday inay isugu yimaadaan labada gole baarlamaan [Guurtida iyo wakiilada] ku tilmaamay mid Somaliland lagu baabiinayo, waxaanu shacabka ugu baaqay inay maalintaas Axadda isugu yimaadaan xarunta baarlamaanka oo ay dareenkooda muujiyaan.
Eng. Maxamed iyo xubno kale oo ka tirsan madasha wada tashiga oo shalay shirjaraa'id qabtay, waxa uu si adag uga horyimid shirka uu Madaxweynuhu dalbaday oo uu ku soo hordhigayo arrinta saldhiga milatari ee Imaaraadka Carabtu doonayo, wuxuu ku tilmaamay shir aan sharci ahayn. "Shirka la qaban doono Axadda ee ay isugu imanayaan labada gole Baarlamaan oon ahayn shir caadiya oo labada gole isugu iman karaan, laakiin loo doonayo qolada guurtida inay codka badiyaan, shirkaasi waa shirkii Somaliland lagu baabiin lahaa, kaas oo ah dawlad aan ina ictiraafsanayn ayaa maanta loo wadaa inaynu noqono kalkaaliyayaashii Somaliland baabiinaysay oo la isugu yeedho labada gole oon xaq u lahayn inay isugu yimaadaan arrimahaas oo kale." sidaas ayuu yidhi Maxamed Xaashi, waxaanu intaas raaciyay "Dhibaatadu markaas waxay tahay, waxa la doonayaa heshiis aan la tusin baarlamaanka oon cid saxeexday war loo haynin ayaa la leeyahay heshiiskaas ayaan taageeraynaa, heshiiska Xasan Sheekh laga soo saxeexay oo kale oon Somaliland shaqo ku lahayn, maalintay yimaadaan ee saldhigaas la furo ayay xorriyadii Somaliland baaba'day, Somaliland markaas ayaa ugu dambaynaysa, maanta ayaynu banaanka joognaaye waa in laga fikiraa."
Maxamed Xaashi, wuxuu yidhi "Labadaas gole shirkay isugu iman lahaayeen maaha, waa inaanay isu iman, guurtida waxa loo doonayaa waa inay tirada kordhiyaan, markaas Somaliland waa loo soo tabcay, dad badan ayaa u dhintay, markaas maanta tii inan yari intuu meelahaas tago oo uu Abu-dhabi soo war-wareego uu dabadeedna odayaasha ka wada awood bato oo uu wixii uu doonayo marsado maaha.
Inankan yarina cagaha ha dhigo, umadaana waxan halaga daayo, waxaanu leenahay dagaal uma baahnin, nabad ayaan ku jirnaa, nabadeenaas yaan la dhaawicin, ciidanka la keenaan ciidan ma haystaan Imaaraadku ee waa Koonfur Afrikaan oo waa kuwii hore la inoogu soo kiraystay. Waxaan leeyahay balaayada inagu soo socota aynu siday tahay u aragno, Somaliland in la burbriyo uma baahna, in Xasan Sheekh waraaqo uu inoo soo saxeexay la inaga qariyo oo la yidhaahdo odayaashoow ku raacana maaha, waxaad saxeexaysaan haddii aan la idin horkeenin, waxaad saxeexaysaan muxuu noqonayaa."
Isagoo ugu dambayn shacabka farriin u diraya, wuxuu Maxamed Xaashi yidhi "Arrintani siday tahay u qaata, Somaliland ayaa lagu baabinayaa, Wixii shirkaas ka qayb gala ee gacanta u taaga waa qof Somaliland ka soo horjeeda oo baabiinaya, dadweynahana waxaanu leenahay maalintaas la isu imanayo meesha isugu kaalaya oo masiirkiina ka taliya oo wixii aad ka qaban kartaan halaga qabto."
Eng. Maxamed Xaashi, wuxuu qoyska Madaxweynaha ugu baaqay inaanay Somaliland ku celin dhibaatadii ay ka soo dabaalatay, isagoo madaxweynaha ugu baaqay inuu wax ka qabto arrimaha hoostiisa ka socda, "Odayaasheenan baarlamaanka ee la isugu yeedhayo waxa uu inan yari Xasan Sheekh ka soo qaaday oo laga qarinayo oo la leeyahay ogolaada annagoon idin tusin wixii lagu soo heshiiyay, taasina mid aan qaadna karno maaha. Madaxweynaha iyo ciddii dhashay yarkan yar ha hakiyeen oo ha dabreen, oo dalkan qarda-qardada haka daayeen, yarkaasi wuu ina dhibay ee haka baxo meesha." ayuu yidhi.
Isagoo qoyska Madaxweynaha la hadlaya wuxuu Maxamed Xaashi yidhi "Reer Siilaanyo maanta yay ku celinin Somaliland dhibaatadii ay ka soo baxday, madaxweyne ka fiirso oo ka qabo dadka waxa hoostaada ka socda ayaanu ku leenahay, cid kale meesha soo dhigo maxaa ku xeeray uun intan aad wadato adigu."
Waxa iyaguna halkaas ka hadlay guddoomiyaha madasha wada tashiga Mujaahid Xasan Guure iyo Prof Cabdisalaan Yaasiin, kuwaas oo si adag uga horyimid in saldhig milatari Berbera laga siiyo dawladda Imaaraadka Carabta.
Geeska

Hargaysa: Labada Aqal ee Guurtida iyo Wakiilada oo...

$
0
0


Hargeysa (Geeska)-Shir Guddoonka Golayaasha Sharci dejinta ee Guurtida iyo Wakiilada ayaa shalay shir albaabadu u xidhanaayeen oo muddo qaatay ka yeeshay warqada codsiga ah ee uu Madaxweynuhu u soo gudbiyey oo uu kaga dalbanayo Shir deg deg ah oo Labada Gole uu iskugu yeedhay.
Shirkani markii uu dhammaaday ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ahna Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani ayaa ka hadlay ajandaha ku qoran codsiga Madaxweynaha waxaanu tilmaamay in ajandaha warqada loo soo gudbiyey in ilaa hadda aanay caddeyn, oo ay ku kooban tahay oo qudha arimaha nabadgalyada,
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo aanu ugu horeyn weydiinay in shirkan uu Madaxweynuhu iskugu yeedhay labada Gole ay ku saabsan tahay arinta Saladhiga Milatari ee Imaraadka ayaa yidhi "Wey jirta codsi ka yimid Madaxweynaha, oo uu iskugu yeedhay labada Gole, oo uu codsanayo in la iskugu yeedho labada Gole, laakiin wax ku qoran oo ajando ahi Saldhigna kuma qorna wax kalena kuma qorna, arimo nabadgalyo in laga hadlayo ayaa ku qoran, marka ajandaha aanu ogaano ayaanu ka warami karaynaa".
Dhinaca kale mar aanu Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), weydiinay sida uu u arko Saldhiga Milatari ee ay doonayso inay Xukuumaddu Imaraadka ka siiso Berbera, ayaa si kooban u yidhi "Xisbi ahaan mawqif ayaanu ka soo saari doonaa maanta (shalay), arinkaa haddii ALLE yidhaah"
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo isna warbaahintu wax ka weydiisay waxa warqada codsiga ah ee uu Madaxweynuhu labada Gole kaga dalbanayo inay iskugu yimadaan Shir deg deg ah ayaa sheegay inuu Madaxweynuhu xaq u lahayn inuu isagu yeedho labada Gole, qasabna tahay inay iskugu yimadaan Shirka deg dega ah ee uu ka dalbaday, waxaanu yidhi "Xafiiska wey taala bay ila tahay, shalay waan maqnaa ee isha allaah waan arki doonaa, xaq buu u leeyahay haddii uu wax u baahdo, wuxuu qaranka u sheego, waa qasab haddii uu Madaxweynuhu codsado labada Gole".
Geeska

Cabdi Qaasim oo ka Hadlay Doorashada

$
0
0

Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ka mid ah madaxweynayaashii Soomaaliya soo maray oo haatan ku suggan magaalada Qaahira ayaa ka waramay dareenkiisa doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Cabdi Qaasim oo ka Hadlay Doorashada

$
0
0

Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ka mid ah madaxweynayaashii Soomaaliya soo maray oo haatan ku suggan magaalada Qaahira ayaa ka waramay dareenkiisa doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo diyaarad khaasa u diray Shariif...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Muqdisho kasoo degay Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, kadib markii uu diyaarad khaasa u diray Musharax Xasan Sheekh Maxamuud.
Shariif Xasan ayaa goortii uu kasoo degay Garoonka loo galbiyay Madaxtooyada Somalia, waxa uuna halkaasi uu kulan khaasa kula qaatay Musharax Xasan Sheekh Maxamuud.
Shariif Xasan iyo Xasan Sheekh oo ilaa iyo hadda uu socdo kulankooda ayaa waxaa lagu wadaa in kulankaasi kadib ay kulan kale wada qaatan Xildhibaanada laga soo doortay Koonfur Galbeed.
Shariif Xasan ayaa khadka Teleefanka ku ballamiyay Xildhibaanada Koonfur Galbeed, kadib markii si guud uu Xasan Sheekh u casuumay Xildhibaanada taageersan.
Waxaa goordhow lagu wadaa in Madaxtooyada Somalia uu ka dhaco kulan gaara oo u dhexeyn doona Xasan Sheekh, Shariif Xasan iyo Xildhibaanada BFS garabka laga soo doortay Koonfur Galbeed.
Shariif Xasan ayaa Xildhibaanada ku amri doona in codadka ay siiyaan Xasan Sheekh Maxamuud, maadaama ay labaduba ku heeshiiyen in laga shaqeeyo guusha.
Lama oga waxa ay sida gaarka ah uga wadahadli doonaan Xasan Sheekh, Shariif Xasan iyo Xildhibaanada markii laga soo tago Doorashada berri dhaceysa.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Saldhigga Millateri: Socdaalka Madaxweynaha Ee...

$
0
0

Madaxweynaha Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Warqad u qoray Shir-guddoonnada labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada, taas oo la sheegay inuu ugu sheegay inuu dalbanayo in Mudanayaasha labada Gole fadhi wada-jir ah isugu yimaaddaan 12-ka bishan aynu ku jirno.
Iyaddoo Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani uu Guddi u saaray ka soo talinta mawqifka ay xisbi ahaan ka qaadanayaan Saldhigga Millateri ee Xukuumaddu Berbera ka siinayso dawladda Imaaraadka Carabta, Gudoomiyaha xisbiga UCID-na uu hore u shaaciyay taageeradiisa saldhigaa, ayaa dhanka kalena xoggo uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay Illo lagu kalsoon yahay ay tibaaxeen in lagu wado in Madaxweynuhu khudbad sannadeedkiisa labadda gole uu kaga hadli doono arimo uu ka mid yahay heshiiska saldhigaasi.
Xogahaasi siday tibaaxeen, khudbad sannadeedka Madaxweynaha waxa qayb ka ah Saldhiggaa Millateri, isla markaana waxay tilmaameen in uu khudbadiisa kaga dalbi labadda gole meel marinta heshiiskaa, kaasoo aanay kala cadayn in loo sii gudbiyay shir gudoonka golayaasha iyo in loo bandhigi doono isla waqtiga uu Madaxweynuhu la hadli doono labada aqal. Wararku waxay intaa ku dareen in Madaxweynuhu u gudbiyay Shirgudoonadda Golayaasha dalab ku saabsan inay fadhiisiyaan labada aqal bishan 12keeda, xilligaas oo uu hortegi doono una jeedin doono khudbad sannadeedka.
Geesta kale, Xogahaasi waxay sheegeen, in Madaxweynaha iyo wefti uu hogaaminayaa lagu wado inay socdaal ku tagaan magaaladda Addis Ababa maanta iyo berri midkood, isla markaanna waxay xoguhu intaa ku ladheen in socdaalku salka ku hayo martiqaad ay ka heleen xukuumadda Itoobiya. Illaha aanu xogahan ka soo xiganay waxay tilmaameen in weftiga Madaxweynaha raacaya ay ka mid yihiin Wasiiradda Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi, Arrimaha Dibedda Sacad Cali Shire iyo xubno kale, halka illo kale ay ka tibaaxeen in ay maanta tegayaan dalka Itoobiya Wefti uu hogaamin doono Wasiirka Madaxtooyadu, kaasoo ay xubnihiisa ka mid yihiin Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo xubno kale. Xogahaa uu Ogaal ka soo xigtay illahaa kala duwan ka sokow ma jiraan warar madax banaan oo kala xaqiijinaya jiritaanka arrimahaa oo ka soo baxay dhnacyada ay khusayso, isla markaana noomay suuragalin in aanu helo masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo aanu xaqiijinta arrimahaa xidhiidh dhanka isgaadhsiinta ah kala samaynay.
Wasiirro iyo masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan ayaa marar kala duwan ka hadlay arrinta saldhiga millateri, kuwaasoo dhamaantoodba dooddoodu u dhacaysay in faa'iido wayni ugu jirto Somaliland, halka siyaasiyiinta mucaaradka qaar badan oo ka mid ahi ay ka dardaar weriyeen gelitaanka heshiis noocaas oo kale ah, kaasoo ay sheegeen in aanu dan u ahayn Somaliland. Hase yeeshee ilaa hadda xukuumaddu ma soo bandhigin heshiiska saldhigaa, isla markaana waxay hore u sheegtay in aanuu noqonayn qarsoodi ee ay hor gayn doonaan Baarlamaanka.
Dhinaca kale, ila-wareedyo xalay goor-dambe Wargeyska Ogaal helay, ayaa tibaaxay in Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanku ay la kulmeen Madaxweyne Siilaanyo oo la sheegay inuu kala hadlay sidii ay Golayaasha dhexdooda ugaga ololayn lahaayeen meel-marinta Heshiiska Imaaraadku ku doonayo Saldhigga Millateri ee Berbera, kuwaas oo la sheegay inuu kulankooda xalay ka soo shaqeeyey Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ka tirsan Mudanayaasha Xisbiga Kulmiye ee Golaha Wakiillada. Inkasta oo la sheegay in Xildhibaannadaas Lacag fiican loo ballan-qaaday, haddana xogtu ma muujin xaddiga Kharashkaas.
Ogaal


Musharax MD Sh. Shariif oo ka dalbaday Xildhibaanada...

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network) -Musharax Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxuu ka hadlay arimo badan oo ka mid yihiin doorashada Madaxtinimo ee Dalka.
Mr. Sheekh Shariif ayaa waxuu shaaca ka qaaday in loo baahan in doorashada Madaxtinimo ee Dalka ay noqoto mid ka nasahan musuq maasuq.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu u mahadceliyay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xildhibanaada labada Aqalka.
Musharaxan ayaa markale ku celiyay in Xildhibanaada labada Aqal ay doortaan maadaama uu sheegay in uu yahay shaqsi ka soo baxi kara islamarkaana gudan kara xilka lagu aaminay.
Ugu dambeyn, Musharax Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa waxuu si qoto dheeer uga hadlay abaaraha sameeyay kumaanka Ruux ee ku dhuftay Gobolada qaar ee Dalka Soomaaliya, isagoona ku baaqay in loo gurmado Dadkaasi dhibaateysan.
http://www.shabellenews.com/wp-content/uploads/2017/02/Shirkii-jaraa-id-ee-maanta-ay-Muqdisho-ku-qabtey-madaxweyne-sh-shariif-sheekh-axmed-by-baffo.mp3

Musharaxiinta C/qaadir Cosoble iyo Cadoow Cali...

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network)--Iyadoo ay soo baxayeen warar ku aadan ku dhawaad 7 Musharax in ay ka tanaasulaan hankooda ku aadan qabashada xilka Madaxtinimo ee Dalka ayaa warar hoose oo ay heshay Idaacadda Shabelle waxey xaqiijinayaan in Musharaxiinta qaadi doona dhabahaasi ay noqonayaan Musharax Madaxweyne C/qaadir Cosoble iyo sidoo kale Cadoow Cali Geeseey, kuwaasi oo haatan ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in Musharax Madaxweyne C/qaadir Cosoble lagu wado in saacadaha soo aadan uu ku dhawaaqo in uu tanaasulay maadaama sida la tilmaamay uu la kulmay cadaadis xoogan.
Sidoo kale, Musharax Cadoow Cali Geeseey oo isna u taagnaa qabashada Xilka Madaxtinimo ayaa isna ku dhow in uu ka tanaasulo xilkaasi, waxaana Siyaasiyiinta qaarkood ay sheegayaan intaasi ay hordhac u tahay ku dhawaad 7 musharax oo la filayo in ay ka tanaasulaan tartanka Madaxtinimo ee Dalka.
Siyaasi ka soo jeeda Gobolada Jubbooyinka, aadna ula socda howlaha doorashooyinka, oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Cadoow Cali Geeseey uu noqon doono qofka ugu horeeya oo saacadaha soo aadan ka tanaasula xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Dhinaca kale, C/qaadir Cosoble oo ah musharax Madaxweyne ayaa lagu wadaa isna in saacadaha soo aadan uu ka tanaasulo tartanka Madaxweyne oo doorashadiisa la filayo in la qabto maalinta barrito ah.
Musharax C/qaadir Cosoble ayaa lagu eedeynayaa Dadka dhibaatooyinka u horseeday Soomaaliya, waxaana C/qaadir Cosoble uusan kalsooni badan ka heysan Shacabka, sida uu qirayo Danjire Owliya oo Safiir horey uga soo ahaa, Dalka Senegal.
Sikastaba, maanta ayaa Musharax Madaweyne C/raxmaan Faroole waxuu ku dhawaaqay in uu isaga tanaasulay u tartanka xilka Madaxtinimo ee Dalka Soomaaliya.

Xog-warran: Madaxda maamul goboleedyada iyo...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Shanta Madaxweyne Dowlad-gobaleed Soomaaliya ayaa saameyn xooggan ku leh doroashada madaxweynaha Soomaaliya ee beri dhaceysa, waxaana soo haaca baxaya xiriirka ay la leeyihiin Murashixiinta Madaxweynbaha.
Madaxdan oo ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa joogitaankooda Muqdisho waxa uu u muuqdaa inuu hal sabab leeyahay, taasi oo ah inay qeyb ka ahadaan dhaqdhaqaaqa Ololaha Murashixiintaasi.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam "Madoobe" ayaa la filayey inuu maanta (Talaado) yimaado Muqdisho, balse Ilo-wareed ayaa sheegay inay Shaqsiyaadka u qaabilsan (Protocol)-ka mar hore soo gaareen magaalladda Muqdisho, lana kulmeen Murashax Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Sheekh Shariif iyo Axmed Madoobe waxay wadaagaan dan mideysan, waxayna xiriir lahaayeen tan iyo xilligii Maxkamadaha Islaamka.
Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Axaddii la soo dhaafay yimid Muqdisho, waxayna ilo ku dhow sheegayaan inuu taageerayo Murashaxnimada Madaxweyne ee Cumar C/rashiid.
Ilo-wareedyo ayaa sheegay inuu Madaxweyne Gaas dhaqaale ku taageerayo Ololaha Cumar C/rashiid , oo isagana horey Gaas ugu taageeray markii uu u tartamayey Madaxweynaha Puntland.
Sidoo kale, Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la soo weriyey inyy taageerayo Murashax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib, markii ay Dowladda Ethiopia dhexdhexaadisay.
Go'aanka uu Shariif Xasan ku taageerayo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa timid, kadib, markii uu Shariifka farsamo ahaan xayiraad kala kulmay Nidaamka Awood-qeybsiga ee 4.5.
Heshiis qarsoodi ah oo labadooda dhex maray waxaa la arki doona waxa uu Shariif Xasan ka yiraahdo in Ra'isul-wasaaraha laga soo xulo Jubbaland iyo Puntland iyo in Ku-xigeenka Duqa Muqdisho laga dhigo nin ka soo jeeda Maamulka K/galbeed.
Waxa kale oo uu Madaxweyne Shariif Xasan wajahayaa in isaga loo qaado Codka Kalsoonida ee ay wadaan Xildhibaanadda isaga ku eedeynaya inuu ku fashilmay Talada uu hayo ee Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed.
C/kariim Xuseen Guuleed, Madaxweynaha Galmudug waxa uu muddo dheer jaal la ah Madaxweynaha haatan ee DFS, Xasan Sheekh Maxamuud.
Labadooda waxay ka yimaadeen isku Xisbi Siyaasadeed, waxaana la sheegaa inuu Madaxweyne Xasan gacan ku lahaa sidii Guuleed ugu guuleysan lahaa Madaxweynaha Galmudug, kadib, markii uu iska casilay Xilkii Wasiirnimo ee Xukuumadda Federalka, isagoo Xildhibaanadda kala kulmay cadaadis daran.
Haatan. Waxa uu haystaa 36 Xildhibaan oo ka yimid Galmudug, inkastoo uu mucaarado xooggan kala kulmayo Cadaado.
Xildhibaanadda Barlamaanka Galmudug waxay ku sii kordhaya walaaca xooggan ee ay ka qabaan doorka C/kariim Xuseen Guuleed ee Ololaha Xasan Sheekh iyo inuu ku bixinayo Kharajkii loogu talagalay Horumarinta Galmudug.
Waxa uu ku naaloonayaa Taageeradda uu ka haysto Xasan Sheekh marka ay timaado Codka Kalsoonida.
C/kariim Xuseen Guuleed waxa uu sheegaa inuu yahay ninka maamula Dhaqaalaha Ololaha Doorashadda ee Xasan Sheekh.
Madaxweynaha Maamulka curdanka ee Hirshabelle, Cali C/llaahi Cosoble waxa uu Sheekh iyo Cumar C/rashiid ka helay taageero markii uu u tartamayey inuu noqdo Madaxweynaha HirShabelle.
Cali C/llaahi Cosoble waxa uu sheegaa inuu taageersan yahay Xasan Sheekh, balse waxa uu si qarsoodi ah u taageeraa Cumar C/rashiid, sida ay sheegen ilo isaga aad ugu dhow.
Waxaa la sheegay inuu Heshiisyo kala duwan la galay Xasan Sheekh iyo Cumar C/rashiid, iyadoo Murashax kasta rajeynayo Taageeradiisa.
Afarta Murashax ee ugu sarreysa Murashixiinta Madaxweynaha ayaa kala ah: Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Murashax Farmaajo ayaa loo arkaa inuu yahay Murashaxa keliya ee ugu sareeya oo aan wax taageero ah ka helin mid ka mid ah Madaxweynayaasha Dowlad-gobaledyadda.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

DEG DEG: Dagaal culus oo goordhow ka bilowday...

$
0
0

Afgooye (Caasimada Online)-Dagaal culus ayaa waxa uu Caawa ka socdaa Degaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo ay ku dagaalamayaan Ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab.
Dagaalka socda ayaa la sheegayaa inuu yimid kadib markii Maleeshiyada Al-shabaab ay weerar culus ku qaaden Saldhig Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin Ceelka Arbacow oo u dhaw Degaanka Ceelasha Biyaha.
Ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab ayaa isku adeegsanaaya Hubka culus oo ku dhacaaya qeybo kamid ah Degmada iyo Xaafadaheeda.
Dagaalka ayaa waxaa goordhow ku biiray Ciidamada Dowlada ee halkaasi ka howlgalaayay, walow warar hadda nasoo gaaraya ay sheegayaan in ciidamada AMISOM ay iska difaaceen ciidamada Dowlada ee gurmadka u ahaa.
Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro kala duwan oo aan ilaa iyo hadda la xaqiijin karin heerka ay gaarsiisan tahay.
Docda kale, waxaa la maqlayaa rasaas xoogan oo labada dhinac ay is weydaarsanayaan.Caasimada OnlineXafiiska AfgooyeCaasimada@live.com

Xildhibaano dib uga laabtay Xarunta Doorashada ay ka...

$
0
0

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goordhow dib uga laabtay Xarunta Afisyooni oo ay ka socoto Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Xildhibaanadan oo ka badan 10 Xildhibaan ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay kula dhaqaaqeen falal ka baxsan xasaanada Xildhibaanada.
Xildhibaanada ayaa sheegay in ay ku xad gudbeen Ciidamada AMISOM islamarkaasina ay go'aansadeen in ay dib uga laabtaan.
Waxaa hadda soconayo dadaalo la doonayo in dib loogu ciliyo Xildhibaanada hoolka Baarlamaanka oo ay doorashada ka socoto.
Wali si rasmi ah uma bilaaban Doorashada waxaana soo xaadiray iminka inta badan Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Xildhibaano dib uga laabtay Xarunta Doorashada ay ka socoto appeared first on Puntland Post.

DEG DEG: Doorashada Madaxweynaha oo goordhow ka...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka bilowday Doorashada Madaxweynaha Somalia, taa oo ka dhaceysa xarunta Ciidamada Cirka Afisiyooni ee magaalada Muqdisho.
Doorashada ayaa waxaa si wada jira uga qeybqaadanaaya Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia oo gabi ahaantooda iminkaba ku sugan xarunta ay Doorashadu ka dhaceyso.
Hoolka ayaa waxaa sidoo kale jooga Musharaxiinta 22 ee u taagan qabashada xilka kuwaa oo naawilaaya in mid waliba kusoo baxo Doorashada.
Waxaa sidoo kale ku sugan guddiyo ka socda Beesha Caalamka oo indha indheyneysa qaabka Doorashada kuwaa oo loogu magacdaray martisharaf.
Xildhibaanada codka bixin doona ee ku sugan Hoolka Doorashada ayaa la sheegay inay dhanyihiin 329-Xildhibaan kuwaasi oo loo idmaday inay Madaxweyne cusub doortaan.
Doorashadan ayaa ah mid adag lana aaminsan yahay in ay ugu yaraan laba ama saddex wareeg ay marayso, waa adag tahay in musharax keliya la saadaaliyo, waxaana qiyaasta saxda ah soo bixi kartaa wareega hore.
Waxaa tartami doona 22-tan musharax madaxweyen oo kala ah:-
1 Sheekh Shariif Sheikh Axmed
2 Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke
3 C/qaadir Cosoble Cali
4 Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo)
5 C/raxmaan C/shakuur Warsame
6 Jibriil Ibraahim Cabdulle
7 Xasan Sheekh Maxamuud
8 Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)
9 Maxamed Cali Nuur (Ameeriko)
10 C/naasir Maxamed Cabdulle
11 Cali Xaaji Warsame
12 Saciid C/laahi Dani
13 Maxamed Maxamuud Culusow
14 Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil.
15 Saciid Ciise Maxamuud
16 Bashiir Raage Shiiraar
17 C/laahi Ciilmooge Xersi
18 C/laahi Cali Gees.
19 Axmed Maxamed Cabdi.
20 Zakariye Maxamed Xaaji Cabdi.
21 Maxamed cali Jabarti
22 Maxamed C/risaaq
Geesta kale, Madaxweynaha la doorto ayaa noqonaya Madaxweynihii sagaalaad ee Jamhuuriyaddu yeelato.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Maleeshiyo ka dhex dagaalamaysa Hoteel ku yaalla...

$
0
0

Boosaaso (Caasimada Online) - Maleeshiyaad hubaysnaa, ayaa weerar ku qaaday Hotel ku yaalo magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Maleeshiyaadka hubaysan oo aanan la ogeyn tiradooda ayaa la soo sheegayaa inay gudaha u galeen Hotelka Village ee Magaalada Boosaaso.
Gudaha Hoteelka ayaa waxaa la sheegayaa in Maleeshiyada ay kasoo tuurayaan Bam gacmeedyo iyo rasaas xoogan waxaana Hoteelka ku hareereysan ciidamada maamulka.
Ciidamada Hoteelka ayaa dilay laba kamid ah Maleeshiyaadka ka hor inta aysan u gudbin gudaha Hoteelka.
Sargaal ka tirsan ciidamada maamulka ayaa sheegay in tirro ahaan ilaa 5 Maleeshiyo ay iminka ka dhex dagaalamayaan gudaha Hoteelka.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Hotelka uu deganaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdi Samad Maxamed Galan.
Dhinaca kale, Xaalada aagga Hotelka ayaa waxa ay tahay mid aad u kacsan, waxaana soo buux dhaafiyay ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Puntland.Caasimada OnlineXafiiska BoosaasoCaasimada@live.com


Dhawaaq Farax leh mooyee Dhiillo kama Sugaayo

$
0
0

Dowladnimada Soomaaliya ee xorta ah waxay soo billaabatay bartamihii 1960. Ilaa iyo hadda waxay maraysay marba heer. 2017 ma ahan markii ay ugu sarreysay. Haddana marka la eego burburkii ka dib, dhaliili ha jirto laakiin waxaa socda kororsiimo ay ku sii xoogeysanayso Dowladnimada Soomaaliya. Aniga oo ka faa'iideysanaya fursadda doorashada oo ay dadweyne fara badan [...]

Madaxa sirdoonka Maraykanka oo Turkiga booqanaya

$
0
0

Saraakiil Turki ah ayaa sheegay in madaxa sirdoonka Maraykanka (CIA) Mike Pompeo, uu soo booqan doono Khamiista si ay ammaanka uga wada hadlaan.
Booqashadan ayaa la qorsheeyay ka dib markii ay khadka taleefanka ku wada hadleen madaxweyne Tayyip Erdogan iyo dhigiisa Maraykanka Donald Trump.
Saraakiishaasi waxay sheegeen in labada hogaamiye ay ku heshiiyeen in iyaga oo wada jira ay la dagaalamaan kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ee Suuriya ku sugan.
Waxaa kale oo ay ka wada hadleen hirgelinta aag amaan ah, mashaakilka qaxootiga iyo guud ahaan la dagaalanka argagixisada.
Xukuumadda Ankara waxay sheegtay in Pompeo arrimaha ay ka wada hadli doonaan ay ka mid tahay malayshiyada Kurdiyiinta ee YPG iyo Fethuallah Gulen oo Maraykanka ku nool ooTurkigu uu ku eedeeyay in uu soo maleegay afgambigii dhicisoobay ee bishii July.

Toos: Halkaan uga Daawo Doorashada Madaxweyne ee...

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa halkaan toos idinkaga soo baahineyso Doorashada Madaxweyne ee Soomaaliya.

WATCH LIVE: Somali MPs in airport to elect president

$
0
0

Somali Lawmakers are gathering in the heavily guarded Aden Adde International airport in Mogadishu on Wednesday to elect a new President.
The election takes place as the city is under lock-down for the second day, to prevent Al shabaab from carrying out attacks to disrupt the presidential vote.WATCH LIVE THE ELECTION:

Guddoonka baarlamaanka ee labada Aqal iyo...

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Guddoonka baarlamaanka ee labada Aqal iyo musharrixiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa gudaha usoo galay hoolka ay doorashada ka dhacayso.
Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo hadalkooban jeediyay ayaa baarlamaanka iyo ka soo qayb-galayaasha ugu baaqay inay nidaamka dhowraan.
Wuxuu inta ku darey inay billaabanayso codeynta doorashada goor dhow.
Heesta calanka Soomaaliya ayuu amray guddoomiyaha baarlamaanka in la daaro,iyadoo ay istaagen dhamman dadkii ku sugnaa holka doorashada.
Doorashada waxaa ay ka dhacaysa,saldhigga ciidamada cirka ee Afisyooni oo ku dhegan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay ciidamada booliska ayaa ku sugan gudaha hoolka ay doorashada ka dhacayso,waxaana aad loo baaraya qof walba oo soogalaya hoolka ay doorashadu ka dhacayso.
Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa doorashada warbaahinta kala socda,iyagoo sugaya natiijada iyo cida ku guuleystan doonta doorashada,ilaa 22 musharrax ayaana mid ka mid ah la dooran oonta maanta.Wixii faah faahin ah kala soco Raxanreeb
__RBC Radio

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live