Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Daawo: Heshiis dhexmaray Somaliland iyo khaatumo oo...

$
0
0

Daawo: Heshiis dhexmaray Somaliland iyo khaatumo oo Djibouti ka socday iyo bayaan ka soo baxay


Daawo: Gudoomiyaha Wakiilada ahna Musharaxa M/wayne...

$
0
0

Daawo: Gudoomiyaha Wakiilada ahna Musharaxa M/wayne ee xisbiga Wadani oo fariin digniin ah u diray xubnaha aqalka wakiilada taas oo ka hadlaysa saldhiga UAE

Somaliland parliament OKs UAE’s military agreement

$
0
0

Somalia's breakaway northern territory of Somaliland has said the United Arab Emirates can establish a military base in its territory.
The Emirati government in January submitted a formal application seeking permission from the Somaliland government to open a military base in the port town of Berbera.
The parliament of Somaliland on Sunday approved the UAE plan. The plan is controversial and the neighboring countries of Ethiopia and Djibouti are opposed to it, according to local reports.
In Sunday's vote 144 lawmakers were in favor of the military base, two voted against and two abstained. Nine others opposed to the base shouted against President Ahmed Silanyo and were led out of the chamber by soldiers. Silanyo had spoken in favor of the base, saying it would create jobs in Somaliland.
The UAE government is planning to establish a naval base with warships that would be used to attack Shia Houthi fighters fighting the government in Yemen, according to a Somaliland official who insisted on anonymity because he is not authorized to speak to the press.
Speaking at the parliament session, Somaliland's president said that the military base would benefit Somaliland most and help create jobs.
The plan follows a multimillion dollar, 30-year contract for UAE's international ports operator, DP World, to manage Somaliland's largest port, Berbera.
The former British protectorate of Somaliland declared a unilateral independence from the rest of Somalia in 1991 and has succeeded in establishing peace and stability. But no country has so far recognized it as an independent state.

Akhri: Nuruxka heshiiska rasmiga ah Xukuumada oo...

$
0
0

Hargeisa(Waaheen)Halkan ka akhri Heshiiska Rasmiga ah ee Somaliland iyo Imaaraadka

Saddex waxyaabood oo uu ku fashilmay maamulka Cabdi...

$
0
0

Madaxwayne Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa qeyb ka ah madaxweyne goboleedyada hoostaga dowlada federaalka Soomaaliya, waxaase lagu xantaa in uu kamid yahay xerta Xasan Sheekh Maxamuud uu jaanta ku wato.
Balse dadka naqdiya siyaasad Guuleed ayaa sheega in uu yahay nin afgaaban oo aan cadkiisa wax badan ka dhacsan karin, xilli qolyaha uu ka dhashayna ay yihiin dad aan qaboobeyn oo cad goosiga ku wanagsan.
Waxaase ay idin soo gudbinaysaa Shabakada Caasimadda oo aad ugu baratay daba galka dadka caanka ah iyo xaqiiqooyinka siyaasada gudaha, Saddex Waxyabood oo uu ku dhacay Guuleed in uu kasameyo Galmudug tan iyo markii la doortay.1) La Macaamilka Urur Diimeedka Ahlu Sunnah Wal Jamaacah
Urur diimeedkan digriga caanka ku ah ayaa dood badan iyo tuhun ka qaba sida uu wax u maamulo madax wayne Cabdi kariin madaama uu hoos tago madaxtooyada Soomaaliya, sidaa darteeda Ahlu Sunnah ayaan waligood aamini doonin aragtida siyaasadeed ee Guuleed.
Sheekh Maxamed Shaakir ayeey ku andacoodaan Ahlu Sunnah in uu yahay madax waynahooda, taas oo la micna ah in aysan u riyaaqsaneyn taliska Cadaado fadhigeedu yahay.
Cabdi Kariin ceebta ugu wayn ee haysta ayaa ah in uu yahay siyaasi af gaaban taas oo aan la amaanin marka lagu jiro masraxa siyaasada.2) Xalinta Dagaalada Soo Noq Noqday Ee Gaalkacyo
Kaliya Guuleed qalad kuma laha joogsiga dagaalka iyo fashilkiisaba, dhanka kale Gaas ayaa isna kistiisa ka qaadanaya, balse anaga waxaan kaliya diirada saaraynaa kaalinka Guuleed madaama uu yahay qofka ay sheekadan taabanayso.
Tan iyo markii Cabdi Kariin Xuseen Guuleed loo magacaabay Maamulaha Xukuumad goboleedka Cadaado waxaa soo noq noqday dagaal beeleed yada u dhexeeya Puntland iyo Galmudug, taas oo aan la arag xal rasmi ah oo laga gaaray.
Mararka qaar Galmudug ayaa horjooga ka ah dagaalada qaar ay la galaan Puntland taas oo la micna ah in ay tahay qodob kale oo ay ku dhacday xukuumada Guuleed.3) La Falgalka Maamulada Kale
Ma jirto saameeyn wayn oo uu ku leeyahay Guuleed maamulada dalka ka jira, waxaase loo aaneeya in uusan ahayn qof dabiici u ah siyaasada, iyo qabiir daraasadaha siyaasad ku wanaagsan.
Axmed Madow, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cabdi Wali Gaas ayaa lagu tilmaamaa in ay yihiin siyaasiyiinta ugu saameeynta badan madaxda maamusha gobolada soomaalida, waxaase taas ay ka dhigan tahay in ay Galmudug heleen hanad kii ugu xumaa ee soomara maadaama ay yihiin dad dhiiga iyo siyaasada u dhashay.
Waxaase la rajeynayaa in uu sii ahaado maamulaha Galmudug xilli uu watto Xasan Sheekh Maxamuud maamulka magac u yaalka lagu marin habaabiyay dadka gobolada dhexe.Qalinkii Cabdi Wahaab Axmed Cali

Xog laga bixiyey nuuca ra’iisul wasaare ee uu...

$
0
0

Ilo-wareedyo ku dhow madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xog ka bixiyey nooca ra'iisul wasaare ee madaxweynaha uu raadinayo, xilli beelo badan ay xusul duub ugu jiraan xilkan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in qabiilku aanu wax qeyb ah ku lahayn astaamaha uu ku soo xulayo ra'iisul wasaaraha cusub, sidaa darteedna orodka ay ku jiraan beelaha qaar aanu wax macno ah sameyn doonin.
"Madaxweynuhu wuxuu raadinayaa shaqsi marka ugu horreysa ay Somaalinimada ku weyn tahay, oo ka fog qabyaaladda, islamarkaana lagu aamino karo xilka loo dhiibayo" waxaa sidaas yiri qof ka mid ah dadka ku dhow madaxweynaha oo goor dhow Calanka24.com la hadlay balse codsaday inaan la magacaabin.
"Dabcan waxa uu noqon doonaa qof ka dhashay un beelaha Hawiye, madaxweynuhu xitaa taas ma eegi lahayn, balse nidaamkan Soomaalida ay degsatay ee hadda uu rabo in laga gudbo ayaa qasbaya".
"Balse marka ay noqoto wixii dhaafsan Hawiye, marnaba madaxweynaha ma eegayo qabiilada hoose, oo macno uma sameeneyso" ayuu sii raaciyey qofka la hadlay.
"Waxa uu doonayaa qof daacad ah, naxariis badan oo u naxa dadka kuwa ugu nugul, islamarkaana gudan kara xilka loo dhiibay, oo madaxweynaha ay is fahmi karaan"
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale laga soo xigtay inuu rajeynayo ra'iisul wasaare shaqeeya afar sano oo ay isfahmi karaan, isaga oo ku rajo weyn inaanay is-qaban, haddii ay is qabtaanna ay danta qaranka un isku qabtaan.
Warka kasoo baxay dadka ku dhow madaxweynaha ayaa meel cidla ah dhigaya qaar ka mid ah beelaha Hawiye ee isku garbinaya xilkan, waana astaan kale oo muujineysa sida Farmaajo uga duwan yahay madaxdii ka horreysay ugan fog yahay qabyaaladda.XAFIISKA WARARKA.GAALKACYOSHABAKADDA WARARKAWWW.HOBYONET.COMNAGALA SOO XIRIIR.CMAALIN17@GMAIL.COMHOBYOEDITOR1@GMAIL.COMTELL:25290-7647333/252678647333/25216715044

Farmaajo oo dhambaal ka guddoomay Safiirka Talyaaniga

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa la kulmay safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Carlo Campalina.
Madaxweynaha J.F.S Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhambaal ka guddoomay safiirka dowladda Talyaaniga Ambassador Carlo Campalina, kaas oo uu ka siday Ra'iisul wasaaraha dalkaasi, madaxweynaha iyo safiirka ayaa iska wareystay xiriirka labada dal oo ah mid taariikhi ah oo muddo dheer soo jiray.
"dowladda Talyaaniga waan uga mahadcelinayaa sida ay u garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxaan hubaa inaana ilaawi doonin kaalinta mugga leh ee aad ka qaadataan dib u dhiska dalkaan, sidoo kale waxaa uga mahadcelinayaa madaxweynaha Talyaaniga Hambalyada uu ii soo diray" ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha ayaa dowladda Talyaaniga ka codsaday in ay si dhab ah uga qeyb-qaataan gurmadka ay u baahan yihiin dadka Soomaaliyeed ee ay abaaraha saameeyeen, isagoo si qiiro leh u sheegay in dowladda Talyaaniga looga fadhiyo in ay sida lagu garanayeyba ay sameyso dedaal dheeri ah oo dadka gurmadka u baahan lagu gaarsiinayo waxyaabaha deg degga ah sida cunnada, Biyaha iyo dawooyinka.
"waxyaabaha dowladeeda ugu muhiimsan waxaa ka mid ah amniga iyo dhismaha ciidammada Qaranka,
waxaan mar kale ka codsanayaa masuuliyiinta sare ee dalka Talyaaniga in ay gacan buuxdo naga siiyaan tababarrada iyo taakuleynta ay ciidanka Soomaaliyeed u baahan yihiin, dedaal xooggan ayaan u geli doonaa sidii arrinta amniga iyo dhismaha ciidanku u noqon lahaayeen kuwa hirgala" ayu yiri madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Dhinaca kale Safiirka dowladda Talyaaniga Carlo Campalina ayaa madaxweynaha cusub u sheegay in uu heysto taageerada shacabka Soomaaliyeed oo middeysan, taasina ay muhiim u tahay dowladda uu soo dhisi doono, waxa uu sheegay in dowladda Talyaaniga ay si ka wanaagsansidii hore uga caawin doonto dowladdiisa dhinacyada ay ka wada hadleen, lagama maarmaanna ay tahay in laga faa'ideysto awoodda shacabka, waxa uu intaa raaciyey in hoggaaminta madaxweyne Farmaajo ay tahay mid ummadda Soomaaliyeed ay ku kalsoon tahayXAFIISKA WARARKA.GAALKACYOSHABAKADDA WARARKAWWW.HOBYONET.COMNAGALA SOO XIRIIR.CMAALIN17@GMAIL.COMHOBYOEDITOR1@GMAIL.COMTELL:25290-7647333/252678647333/25216715044

Fallanqeyn: 3 waxyaabood oo uu ka liito Shariif...

$
0
0

Shariif Sheekh Axmed waa mid kamid ah hogaamiyayaasha la bartay bilawga qarnigan 21-aad marka loo eego qaab siyaasadeeydka uu ku bilawday, xilli da'diisu aad u yartahay.
Shariif ayaa kusoo hana qaaday Maxkamadihii Islamiga ahaa ee dalka ka dilaacay bilawgii qarnigan, waxaana uu ugu dambeyn noqday hogaamiyaha Maleyshiyaadkii Islaamiga ahaa ee 2006-dii dalka oo idil la wareegay.
Waxaa lagu amaanaa ninkan in uu yahay siyaasi afmiinshaar ah islamarkaana diinta aad u yaqaana, hadanase waxaan idin soo gudbinaynaa Saddex ceyb oo uu leeyahay Shariif inta aadan ku arkin masraxa siyaasada sanadkan.
Cilada koowaad ee uu leeyahay Shariif waa

  1. Dhalinyaro Liidnimo

maadaama uu yahay qof dhalinyaranimada dhawaan uun ka baxay Shariif ayaan diirada saarin in uu door wanaagsan ka ciyaarsiiyo dhalinyarada Talisyada uu soo maamulay, waxaana lagu tilmaamaa in ka doorbido Odayaasha iyo culimada intii uu door wanaagsan ka siin lahaa Dhalinta.
Balanqaadyada ugu waa wayn ee uu sameyo kamid ma ahan dhiira galinta Dhalinyarada oo lagu tilmaamo in ay yihiin Udub dhaxaadka Qowmiyada Soomaalida waxaana lagu qiyaasaa in 70% dadka Soomaalida ay da'doodu ka hooseeyso 30 sano.
Sidaa darteeda waa cilad kamid ah ciladaha uu leeyahay Shariif Sheekh Axmed, waxaana mudan in aad si hufan ula socoto balanqaadyada uu sameynayo ka hor inta aan la gaarin doorashada dalka.

  1. La Gaashaanbuurta Qab Qablayaasha

Yuusuf Siyaad Indha Cade iyo Shaqsiyaad kale ayaa kamid ah dadka uu jaanta ku wato Shariif Sheekh Axmed kuwaas oo qeyb ka ah qab qablayaashii dagaalka ee waqti dalka heystay.
Axmed Daaci iyo magacyo kale ayeey hubanti tahay inay soo noqdaan hadii uu markale madaxtooyada soo fadhiisto Shariif Sheekh Axmed, maadaama ay isku gaashaanbuur yihiin taas oo markale dadka soo xasuusinaysa dhibaatadii ay dadka ku hayeen qab qablayaasha dagaalka.
Tani waxay qeyb ka tahay Ciladaha uu leeyahay hogaamiyihii hore ee dowladii kumeel gaarka ahayd ee Soomaaliya.

  1. Xiriirka Dowladaha Dariska

Tan marka dhan loo fiiriyo waa amaan uu leeyahay wiilka xuduntiisu Shabeelaha DHexe ku duugan tahay, balse marka loo dhankale loo fiiriyo waxay u muuqataa in ay tahay liidasha siyaasadiisa Arimaha dibada.
Ethiopia ayaa qeyb kamid ah Siyaasadeeda ku qarash gareysa Soomaaliya, Balse Xiriir wanaagsan kala ma dhaxeeyo Shariif marka loo eego sida ay iskugu wanaagsan yihiin hogaamiyaha dhawaan waqtigiisu dhamaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud.
Taas waxay ka dhigan tahay in ay ku adkaan doonto in uu noqdo hogaamiyaha xiga ee dalka hadii uusan hagaajin Siyaasadiisa la dhaqanka Ethiopia oo hadda meel hoose ah.W/Qoray: Cabdi Wahaab Axmed Cali: MAS"UUL KAMA AHI SIDA AAD U FAHANTAY BALSE WAXAAN MAS'UUL KA AHAY QAAB QORAALKEYGA.Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra'yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com


Majaro-habaabinta Cirro Iyo Waafaqsanaanta Dastuurka...

$
0
0

Hargeysa- (Somaliland.Org)-Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. Cabdiraxmaan M. Cabdillahi (Cirro), ayaa ka been-sheegay qodobadda dastuurka Somaliland ee loogu dhaariyey inuu ku dhaqmo, isla markaana sheegay hadal lagu majaro-habaabinayo, loolana jeedo in layskaga horkeeno shacabka Somaliland.
Gudoomiye Cirro ayaa ku sheegay hadal uu xalay jeediyey inaanu dastuurku ogolayn, isla markaana, Madaxweynaha JSL aanu isugu yeedhi karin fadhi labada GOLLE oo lagu ansixinayo nuxurka heshiiska Somaliland ugu ogolaanayso in saldhig Milateri dawlada Imaaraadka carabtu ku yeelato dalka, waxaanu daliil ugu soo qaatay khudbadiisii xalay:
"Dastuurku waxa uu qodobka 38aad uu ku caddeeyey farqaddiisa lixaad in waxyaabaha ay labada Gole iskugu iman karaan ay fadhi wada-jir ah ka yeelan karaan, se heshiis ay Xukuumaddu la gasho dal kale kuma jiro waxyaabahaas oo marka heshiis ay noqoto ama ansaxin waxa uu dastuurku siiyey Golaha Wakiilada sida ku qoran ee ku cad qodobka dastuurka ee 53aad, farqaddiisa saddexaad, wixii ansaxin ahna dhammaan waxa iska leh Golaha Wakiilada sida aad ka warqabtaan, haddii ay Miisaaniyad tahay iyo haddii ay tahay ba wasiiro la ansaxiyo iyo heshiisyo ba. Fadhigaas na waa keliya ee aanu ku tix-gelinay waxa weeye oo keliya in uu soo codsaday Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland in uu la kulmo labada Gole Baarlamaan ee Somaliland. Walaaleyaal fadhigani waxa uu khilaafsan yahay nidaamka ku xadidan dastuurka ay ku shaqeeyaan Goleyaashu, taasi na waxa ay innoo sheegaysaa in aanu sharcigu guur guurin ee dadku guur guuro.".Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro
Halkana akhriste ka eeg waxa DASTUURKA SOMALILAND ka qabo fadhiyada WADAJIRKA ee LABADDA GOLLE BAARLAMAAN yeeshaan iyo waxyaalaha lagu ansixiyo, taasoo qeyb ka yahay HESHIISKA SALDHIGA MILATERI ee Maanta la ansixiyey, kaastoo SAAMAYN GOBOLEED ama CAALAMI leh................
QODOBKA 61AAD ee Dastuurka Somaliland
FADHIYADDA WADAJIRKA AH EE LABADA GOLE EE BAARLAMAANKA
Labada gole ee Baarlamaanku, fadhiyo wada jir ah ayey ka yeelanayaan arrimaha ay ka mid ka yihiin;
B - Dhegeysiga warbixinta madaxweynuhu ka jeediyo furitaanka labada gole midkood.
T- Marka laga doodayo ku biirida Jamhuuriyadda Somaliland urur ama huwan goboleed ama caalami ah ama ansixinta heshiisyada leh dabeecad goboleed ama caalami.
J - Go'aaminta iyo ku dhawaaqida xaaladaha dagaal marka Jamhuuriyadda Somaliland la soo gudboonaado dagaal.
X - Ka doodista dhawrsanaan ka qaadida Madaxweynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenka.
KH- Doodaha ku saabsan Aafooyinka dabiiciga ah;
D- Doodaha la xidhiidha xeerarka degdega ah;
R- Doodda lagu ansixinayo magcaabida guddoomiyaha Maxkamada sare; iyo
Sh - Arrimaha kale ee 2da gole la haboonaada inay fadhi wada jir ah ka yeeshaan.
Akhriste, bal adigu la kaasho maskaxdaada labada qodob, kalana soo bax natiijada XUKUUMADDA iyo XISBIGA WADANNI midka sharciga ku taagan iyo ka BAAL-MARSAN!XIGASHO: Somalilandspan

Al Shabaab vows to fight new Somali government

$
0
0

Al Shabaab has vowed to continue the fight against the weak western-backed Federal government of Somalia in Mogadishu, as a new president set to take office next week.
Al Shabaab has on Sunday paraded 800 new fighters in the southern town of Jilib, where The Al Qaeda-linked militant group leaders have repeated their commitment to wage the war.
The militant commanders, speaking to hundreds of newly trained fighters and dozens of residents at a square in Jilib, said they will attack the new government's installations.
Despite losing large ground, Al Shabaab has been waging war against Somali government and the African Union forces in the country for nearly a decade.
A new President Mohamed Abdullahi Farmajo is expected to be inaugurated next week, after his election last Wednesday by the MPs of Federal parliament in Mogadishu.

Danjire Baashe “Somaliland waxay Qaadday Jidkii...

$
0
0

Hargeysa(Somaliland.Org)- Safiirka Somaliland ee dalka Imaaaraadka Cabarta Danjire Baashe Cawil,ayaa si qoto dheer u faah faahiyay faa,iidooyinka uu u leeyahay saldhigga Millatari ee dalka Imaaraadka Somaliland ay ka siinayso magaalada Berbera.
Waxaanu intaa ku daray in saldhigga Millatari ee Imaaraadka Carabta la siinayo Bebera uu yahay jid Somaliland u soo kordhiyay Saaxiibbo kale oo ay ku yeelato guud ahaan beesha caalamka.Danjiraha Somaliland u fadhiya dalka UAE waxaa akle oo uu ku ammaanay bulshada reer Somaliland sida ay isu garab taaaan wax kasta oo danta aranka ah oo ay uga horraysiiyaan danaha shaqsiga ah.
Danjire Baashe oo u waramay Maareeyaha TV-ga Qaranka Khadar Cakuule,ayaa hadalkiisa ku bilaabay. "marka hore waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa xildhibaanada labada gole oo cod aqlabiyad ah ku meel mariyay heshiiska saldhigga Millatari ee aynu siinayno dalka Imaaraadka Carabta oo ah heshiis qaran oo ay wada galeen laba dawladood waxaanu saldhigga Mllatari ee aynu siinay dalka Imaraadka Carabtu wuxuu inoo soo kordhinayaa saaxiib labaad oo dhaw oo ah dalka UAE inaoo hore dalal kale aynu saaxiibtinimo wanaagsan u wada lahayn oo ay kow ka tahay dalka Itoobiya maanta waxaa inoogu soo biiray Imaaaadka Carabta oo noqonaya saaxiibkeena labaad, waxaa kale oo aan aad ugu hambalyaynayaa guud ahaan shacabka Somaliland oo si weyn u taageeray heshiiska saldhiiga Millatari ee aynu Imaaraadka siinay,waxaanaynu reer Somaliland haddii aynu hanay aynu caado u leenahay in aynu wax kasta ka doodno oo wax iska waydiino laakiin marka ugu dambaysa aynu danta uud ee qaranka wax ka eegno oo aynu ta guud horumarino oo aynu isla qaadano waana wax lagama maarmaan ah in aan dan shaqsi ah iyo qof doonistiisa aar ahaaneed aan loo curyaamin danta qaranka markaa guud ahaan ummadda reer Somaliland oo aad u taageertayna waan ku ammaanayaa,dawladda Imaaraadka carabta oo aynu horena heshiis maal gashi aynu u wada galnay shirkadda DPW oo dalkaas laga leeyahay in aynu imikana saldhig Millatari heshiis ku wada galno oo aynu wada gallo,waxaanu jidka u xaadhayaa in Somaliland ay saaxiibo ay ku yeelato kale caalamka oo aynu ku kasbano."
Danjire Baashe Cawil oo ka jawaabayay su'aal laga waydiiyay Somaliland xidhiidhka ay la leedahay dallaka Khaliijka Carabta ee ay hirgalisay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo sida uu u soo korayo,ayaa yidhi. "Markii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo talada dalka la wareegtay waxay awoodda saartay in ay xidhiidho hdaw la yeelato oo ay saaxiibbo ku yeelato dalalka Carbeed ee aynu walaalaha nahay, Somaliland markii horeba caalamka xidhiidhi wanaagsan ayay la lahayd gaar ahaan dalalka deriska oo ay Itoobiya ka mid tahay iyo Yurub-ba xidhiidho wanaagsan ayaynu la lahayn laakiin dalalka Carabta wax xidhiidh ah lamaynu lahayn laakiin markii u Madaxweyne Axmed Siilaanyo xilka la wareegay waxaa uu sameeyay in uu soo celiyo xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee ay bulshada reer Somaliland iyo dalalka Carbeed ay wada lahaan jireen,socdaalkii ugu horreeyay ee Madaxweynaha Somaliland uu ku tegay dalka Imaaraadka Carabta ee uu xidhiidhka labada dal uu ku bilaabmay iyo halka uu maanta marayaa aad ayay kala duwan yihiin oo socdaalka madaxda Somaliland ku tagaan Imaaraadka Carabta waxay kala kulmaan mid la mid ah qiimaynta iyo maamuuska madaxda caalamku ay ka helaan dalka Imaaraadka carabta waxaanu Madaxweyne Siilaanyo mar kasta oo uu dalkaa tago uu la kulmaa Madaxweynaha dalkaas iyo madaxda ugu sarraysa.
Socdaaladii guusha ahaa ee uu Madaxweynuhu ku tegay Kuwait iyo Imaaraadku waxay ka mid ahaayeen safarada caalamka uu ku tegayay Madaxweynuhu ee uu madaxda dunida kaga dhaadhicinayay qadiyadda Somaliland iyo qarannimadeena iyo sidii aynu caalamka aqoonsi uga heli lahayn iyo sidii aynu dalalka caalamka xidhiidho saaxiibtinimo ula yeelan lahayn caalamka gaar ahaan calalka carbeedna waxay inoo leeyihiin muhiimad gaar ah oo waa dad aynu dadyawga kale isaga dhawnahay oo aynu walaalo nahay,daladda Imaaraadkuna maanta sida ay ula macaamisho Somaliladn kama duwana sida ay uala macaamisho dawladaha kale, dawladda Imaaraadku markii ay ku qanacday nabada iyo hurumarka ay dawladda iyo dadka reer Somaliland ay sameeyeen mudada 25-ka sano ah ee ay jirtay ayay ku qanacday in ay bedesho mawqif keedii hore ee ahaa in aanay wax tix galin ah siinin waxaanay diyaar u tahay in aynu iskaashi wayn oo walaalnimo aynu wada yeelano. Maantana waxaa halkaa inooga soo kordhay saaxiib dhaw oo wanaagsan oo la is kaashan karo oo danaha labada dal ee nabad gelyo, dhaqaale ganacsi sisaasaeed diblamaasiyadeed iyo bulsheedba la wadaagi karo."
Danjire Baashe oo ka hadlayay jidka Somaliland ay xilligan u dhaqaaqday ayaa yidhi "Somaliland markii aynu xornimada la soo noqonay waxaynu bilawnay nabadayn iyo dadka oo la walaaleeyo in xasiloonida oo aynu ka shaqaynyay mduud badan waxaa kale oo aynu u gudubnay in aynu dhisano dawlad dimuquraadi ah oo ka timaada hannaanka asxaabta badan waxaanan ku tallaabsanay dimuquraadiyad aan ka suura galin dalal badan oo la aqoonsan yahay oo dunida ka mid ah, imikana waxaynu u gudubnay marxaladii maalgashiga iyo hurumarinta dhaqaalaha taana waxaa indhaha caalamka ku soo jeediyay markii aynu heshiiska la galnay shirkadda caalamiga ah ee DPW oo lacag 200 iyo dheeraad milyan ah ku maalgalinaysa Dekeda Berbera taasoo ah guul ay leeyihiin shacabka reer Somaliland oo iyagu leh hirgalintiisa isla markaana cid kasta oo ka soo hor jeesata iyagu runta u sheega oo isla qabta waxaa kale oo guusha leh xukuumadda hir galisay eek u dhiiratay eek u tallaabsatay taasina waxay sababtay in dalal badan oo leh shirkado waawayn oo maalgashi in ay noo yimaadaan oo ay yidhaahdaan waxaanu doonaynaa in aanu Somaliland maal gashi ku smayno markaa waxaan maanta u dhaqaaqnay dhankii horumarka dhaqaalaha iyo maalgashiga caalamiga ah oo Somaliland ay caalamka tustay in ay tahay dal sharci leh oo lagu kalsonaan karo isla markaana dawladnimadiisu ay tahay mid aan wax shaki ah laga qabi karin."
Somaliland.Org/Hargeysa

Shirqool loo maleegayo Jiritaanka gobolada Jubaland?

$
0
0

Kn: Waxaa maalmahan dambe soo badanaya dareen ka dhex aloosan golaha wasiirada Jubaland oo lagu maaggan yahay in golaha wasiirada la mariyo lagana ansixiyo qorshe lagu laalayo, laguna tirtirayo sadexda gobol ee Jubaland ka koobantahay sida Jubada Hoose, Jubada dhexe iyo Gedo. Qorshan ayaa qeexaya in degmo kastaayi goonideeda u madaxbanaanaato oo mid midda kale hoos tagtaayi aysan jirayn isla mar ahaantaana daaqadda lagaga saarayo gudoomiyeyaasha gobolada iyo waliba ahmiyadda uu gobolka ku fadhiyo.
Hawshan soo jeedinteeda waxaa sameeyey isla markaana soo diyaariyay xoogag iskor saaran waxaana laga leeyahay dano gaar ah oo aan hadda muuqan balse loo dhigayo iney maslaxo u tahay Jubaland. Haddaba maxay noqon kartaa maskaxda ka dambeysa iyo danta laga leeyahay in gobolo sharci ah oo xuduudo la yaqaan leh lasoo jeediyo in la tirtiro, xaggeese laga keenayaa fikirka noocan ah?
Dalka Soomaaliya waxaa la qaatay nadaam wadaag ah ( Federal) oo ka koobma dawlad dhexe iyo dawlad goboleedyo lagu xirey shardi ah in labadii gobol iyo ka badan ay sameysan karaan dawlad goboleed. Markii la dhiraandhirinayay nadaamka Federaalka iyo sameysinka dawlad goboleedyo ayaa doodda ugu badan ka dhalatay sidee la isku raaci karaa, yaase noqon kora dawlad goboleed. Nadaamka Federaalka ah ee dalku qaatay ( Ha joogto in la rabo iyo inkalee) waxuu hadda u sameysmey midka ku qoran Dastuurka KMG ah waana midka ay dawlad goboleedyada sameysmey sanadihii dambe lagu dhidbey.
Mar haddii la ogaa sidaas oo Jubaland oo ahayd dawlad goboleedkii ugu horeeyey ee askumey kadib 2012-kii laguna asteeyey saddex gobol oo leh xad iyo dagmooyin sharci ah, maxaa hadda keeney in la dhaho gobolka meesha halaga saaro. Maxay noqon karaan dhibaatooyinka soo muuqanaya haddii ay arimahaasi dhacaan;
1- Waxaa wiiqmaya nadaamka isku xirka dagmooyinka waxaana meesha ka baxaya wada tashigii gobol iyo deegaan iyo awooddii amni, dhaqaale iyo maamul ee gobolkaasi kulmin jiray.
2- Waxaa dhib noqoneysa in kaalmooyinka, fursadaha, amniga iyo dhaqaalaha la maareeyo maaddaama oo ay sameysmayaan isgarab yaac badan mar haddii dagmooyinka dhan laga dihigo garba siman.
3- Waxaa wiiqmaya isku dubaridka awoodda ciidamada amniga iyo baahida loo qabo in gobolku ahaado taliska amniga ciidamada iyo meesha ay kusoo aruureyso xogta dhabta ah si markaas loo gaarsiiyo meesha ay khuseyso sida madaxweynaha dawlad goboleedka markaasna wax looga qabto.
4- Waxaa wiiqmaya isla markaana isku dhexyaacaya arimaha gargaarka iyo ka jawaabidda masiibooynka mar haddii aysan jirin meel dhexe oo dagmooyinka laga hago marka uu dhib jiro
5- Waxaa la wiiqayaa awoodda dawlad goboleedka oo kursigii madaxweyne saddex gobol waxuu noqonayaa guddoomiye gobol dad badan mar haddii ay yihiin degmooyin bas ah waxa la xukumo
6- Waxay arintani ka dhan tahay nadaamka dawliga ah ee dalka oo ah nadaam ku saleysan 18 gobol mana dhici karto in hal dawlad goboleed la dhaho goboladooda hala tirtiro meesha dawlad goboleedyada kale ay raadinayaan iney sameeyaan gobolo kale
7- Degmooyinku way kala dhaqaale badan yihiin waxaana keyd u ah gobolka oo loo soo cararaa markii wax loo baahdo balse haddii gobolkii laga saaro meesha ma jirto degmo degmo caawineysa waxayna halis ku tahay hormarka deegaanka.
8- Ma jiro caalamka meel aan lahayn Degmo iyo gobol waana nadaam dawli ah waana halis in arinkani hirgalo
9- Dhamaan nadaamka awood qaybsigu waxuu ku laaban doonaa gobol iyo degmo waxayna arintani dhaawac ku keeneysaa dawlad goboleedka Jubaland iyo awoodda madaxweynaha, baarlamaanka iyo golaha wasiirada.
Markaii laga yimaaddo caqabadahan muuqda ee aan kor kusoo xusay, bal aan eegno ujeedka ka dambeyn kara arinkan aan marna socon karin. Ujeedka waxaa wata dad kooban oo is qarinaya oo raba iney abuuraan awood degmo laga yaabo iney reer ahaan degan yihiin balse hadda laga xukumo gobol.
Haddaba si ay degmadaas ugu noqoto mid aan cidna ka amar qaadanin ayaa waxaa loo burburinayaa nadaamkii dalku lahaa ama ay dawladdu ku taagneyd.
Dawladda Jubaland iyo dhamaan dawlad goboleedyada Soomaaliyeed waxey ka kooban yihiin gobolo iyo dagmooyin mana jirto sabab keeneysa in gobolka Gedo, Jubada Hoose ama kan Jubada dhexe la horgeeyo golaha wasiirada isla markaana la dhaho aan tirtirno gobolo abuuran oo shaqeeyey.
Arinkani waa caqabad, dib udhac iyo dagaal hoose oo ay shakhsiyaad wataan iska dhigaya iney Jubaland danteeda ka shaqeynayaan balse dhab ahaantii raba wax kale. Golaha wasiirada Jubaland, Baarlamaanka iyo Madaxweynaha waxaa saaran in arinkaas laga hortago lana joojiyo maaddaama oo uu khatar ku yahay jiritaanka Jubaland iyo shacabkeeda. Shakhsiyaadka hawshan wadana waxaan leenahay dhabarkiina ayaa muuqda!
WQ: Abdirahman Ahmedhormuud232@gmail.com

Indonesia: Badhasaablka Jakarta oo isagoo af-legaado diineed loo haysta hadana doorasho u taagan

$
0
0

Dadka degan magaalo madaxda Indonesia ee Jakarta ayaa u dareeray cod bixin lagu dooranayo badhasaab cusub, doorashadaasna waxa hadheeyey dacwadda ku socota badhasaabka haatan oo lagu eedeeyay af-legaado diineed.

Israel: Danjire Govrin hore ugu noqon maayo Qaahira

$
0
0

Maamulka Israel ayaa sheegay in danjirahooda Masar sii joogi doono Israel sababo cabsi nabad gelyo oo jira awgood ah.

Indonesia: Badhasaablka Jakarta oo isagoo af-legaado...

$
0
0

Dadka degan magaalo madaxda Indonesia ee Jakarta ayaa u dareeray cod bixin lagu dooranayo badhasaab cusub, doorashadaasna waxa hadheeyey dacwadda ku socota badhasaabka haatan oo lagu eedeeyay af-legaado diineed.
Basuki Tjahaja Purnama, oo lagu naanayso "Ahok" ayaa noqday masiixigii ugu horeeyey ee ka isirran qawmiyadda Shiinaha ah ee ku nool dalka aqlabiyaddiisu Muslimiinta yihiin ee markii ugu horayaysay qabta xilkaa muddo 50 sanadood ah.
Dacwad ayaa ku socota lagu soo eedeeyey inuu af-legaadeeyay Islaamka ka dib markii uu nin ay tartameey ku eedeeyay inuu Aayado Quraan ah u soo xigtay si uu cod bixiyeyaasha ugu marin habaabiyo.
Tobanaan milyan oo dadka reer Indonesia ah ayaa ka qayb qaadanaya doorashooyinka heer gobol ee dalka ka dhacaya.
Cod bixintu waxay bilaabmaysaa 07:00 aroornimo ee wakhtiga dalkaas waxaanay ka dhacaysaa todoba gobol iyo 18 magaalo oo lagu dooranayo hogaamiyeyaasha 76 degmo.
Doorashada Jakarta ka dhacaysa ayaa loo arkaa in ay bilkeedinayso dulqaadka diineed eek a jira Indonesia, oo ah dalka ugu Muslimiinta badan dunida. Qiyaastii 85% bulshada dalkaasi waa Muslimiin laakiin dalku wuxu si rasmi ah u aqoonsanyahay lix diimood.


Muuqaal: Dhamaadka bishaan oo dunida lagu arki doono...

$
0
0

Sida ay qortay jariiradda The Independent Shirkadda taleefoonada ee Nokia ayaa ka dhawaajisay inay sanadkaan 2017 dib usoo celin doonto moobelkii ugu tayada wanaagsanaa oo ay ebed soo saartay kaasoo lagu magacaabi jiray Nokia 3310.
Taleefoonkaan ayaa la filayaa in mar kale lagu arko suuqayada caalamka waxayna midaan imaaneysaa 17 sano kadib markii uu taleefoonkaan suuqa ka baxay sanadkii 2000.
Daraasado la sameeyey ayaa lagu ogaaday inuu taleefoonkaas ahaa midkii ugu tayada wanaagsanaa noocyadii ee ebed sameysay shirkaddaan sida ay warbixin ku sheegtay.
Shirkadda Nokia ayaa ka dhawaajisay in markaan taleefoonka lagu soo sameeyey isbadal weyn waxaana lagu soo daray geemamka Masaska, Calculator iyo meel keyd ah oo aad ku shuban karto waxaad rabto.
Shirkadda Nokia ayaa taleefoonka kusoo bandhigi doonto shirka Moobeelada adduunka oo lagu wado inuu dhaco dhamaadka bishaan February.
29-ka maalmood ee ugu horeeyo taleefoonkaan waxaa lagu iibin doonaa qiimo lacageed oo gaarayo ilaa 29 Pound (lacagta Ingiriiska) wixii markaas ka dambeeyana wuu isbadali doonaa qiimihiisa.
Shirkadda Nokia ayaa suuqayada ka fadhiisatay dhawaanahaan waxaana moobeelada ay soo saarto lagu iib geeyaa magaca HMA oo ah shirkad laga leeyahay dalka Filand waxayna dhawaan rajeeneysaa inay magaceeda dib ugu soo celiso adduunka.
Sidoo kale xafladaas waxay shirkadda Nokia kusoo bandhigi doontaa moobeelo kale oo ay iyada soo saartay oo kala ah Nokia 3,5 iyo Nokia 6.

Israel: Danjire Govrin hore ugu noqon maayo Qaahira

$
0
0

Maamulka Israel ayaa sheegay in danjirahooda Masar sii joogi doono Israel sababo cabsi nabad gelyo oo jira awgood ah.
Warbixin ay soo saartay laanta nabad sugidda gudaha ee Shin bet ayaa sheegtay in "sababo nabad gelyo oo jira awgood loo hakiyey in shaqaalaha wasaaradda arimaha dibaddu ku noqdaan Qaahira".
Warbixintu may sheegin goorta uu danjire David Govrin ku noqday Israel. Laakiin warar saxaafadu heshay ayaa tibaaxay in Govrin iyo kooxdii la shaqaynaysay ba aanay Qaahira u dhoofin tan iyo badhtamihii Diisember, sababtana waxa lagu sheegay in ay ka cabsi qabaan in dabley bartilmaameedsato.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, wasaaradda arimaha dibadda Israel way diiday in ay ka hadasho arrintan.
Danjire Govrin wuxu waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyey madaxweynaha Masar, Cabdelfattax Assisi bishii Ogost ee 2016.
Safaaradda Israel ku leedahay Qaahiri waxay shaqadeeda dib u bilowday sannadkii 2015 qiyaastii afar sanadood ka dib markii loo xidhay mudaharaaddo rabshada wata oo laga hor dhigay.
Xidhiidhka Masar iyo Israel wuxu mar labaad dib u hagaagay markii ciidanku casileen madaxweynihii Islaamiga ahaa ee Maxamed Mursi sannadkii 2013 oo mudaharaado dawladda lagu diinaa dhaceen.

Madaxweynaha oo la Kulmay Hay’adaha Gargaarka iyo...

$
0
0

Muqdisho 13 Feberaayo 2017 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta qaabilay wufuud ka socotay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya si ay uga wada hadlaan sida ay beesha caalamka uga qeyb qaadan karto gurmadka abaaraha.
Wafdigan oo uu hoggaaminayay K/Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isu duwaha arrimaha gargaarka ee Soomaaliya Mudane Peter de Clerq ayaa isku afgartay in si degdeg ah loo qabto kulan ay goobjoog ka yihiin dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, hay'adaha gargaarka iyo guddiga gurmadka abaaraha kaas oo lagu lafa gurayo sidii kaalmo degdeg ah loo gaarsiin lahaa meelaha ay abaaruhu ku dhufteen.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Mudane Alexander Rondos iyo Danjire Veronique Lorenzo oo hormuud u ahaa wafdi ka socday Midowga Yurub, waxayna ka wada hadleen sidii Midowga Yurub uu u xoojin lahaa taageerada dhaqaale ee ay ku bixiyaan dhismaha hay'adaha amniga Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ka guddoomay Mudane Xasan Bin Xamza oo madax ka ah safaaradda Qadar ee Soomaaliya, hambalyadaas oo ay soo direen Amiirka Qadar Mudane Tamim Bin Hamad Al Thani, Ku Xigeenkiisa iyo Ra'iisul Wasaaraha dalkaas, waxayna u rajeeyeen madaxweynaha cusub ee la doortay inuu Alle u fududeeyo hawlaha culus ee horyaalla.
Dhammaad
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada
Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya

What should president Farmajo say in his first...

$
0
0

Now that Somalia has elected Mohamed Abdullahi Farmajo as the next president, many well wishers and experts may inundate him with their sincere counsel and offers of assistance on various issues and challenges along the road. Some of these ideas could be emotional outbursts of joy while others could be thoroughly analyzed policies and strategies such as how to increase revenue generation for the government, set up efficient tax collection system, improving security situation, grow the economy, introduce democratic reforms to empower citizens, and how improve the quality of education, etc, etc.
I am not unmindful of the fact that the president has his own plans, but I feel duty-bound to put forward my two cents worth!Keep the People engaged: In my view the first order of business for the president should be to address the Somali people and jog their memory that just few days ago they have elected him as their president but now he needs their help to unite and rebuild the nation and that without their full support it would be difficult for him to succeed and achieve his plans. Also, he should always keep the public informed of the challenges and hurdles facing him, be honest with them, maintain good relations with them at all times, and seek their input on matters of importance. He should sympathize with them and offer his sincere apology for the difficulties they have gone through under different regimes since independence. He should promise us that such suffering should never happen again.Tax collection and Revenue Generation: The president should articulate to the public his policy on how to grow and open up the economy, create employment for the youth, discourage aid dependency mentality, develop ways to grow government revenue by creating efficient tax collection systems, and government services that improve the quality of life for the public.Growing the Economy: On the economic front, the President should give assurances that the government's role in the economy would be limited to developing long term economic plans, develop sensible business laws, act as the enforcer of these rules and regulations and, adhere to market oriented policies that are based on the laws of supply and demand.Security and the Rule of Law: The president should tell the people how he intends to improve security and the rule of law in the country, fight corruption, abuse of power, nepotism, extremism, and bring to justice those who steal or squander public resources. This would require independent and strong judicial branch, otherwise it would be impossible to prosecute violators.Protecting the Homeland: Other matters of profound importance that the public would like to hear from the president include: his plans on protecting the homeland from both internal and external enemies, building professional armed forces, capable intelligence agencies, and community serving police to keep the peace and fight extremism.Building Democratic Institutions: Without democracy and an eventual one-man-one-vote system, Somalia would revert back to tribal anarchism. Therefore, the president should support the formation of a maximum of three political parties (Left, Center, and Right) which are based on principles and not on tribalism or regions. People should be able to join one of these parties and run for office from any state within Somalia where she/he had resided for a full year, twelve consecutive months.Dealing with Regional Administrations: Somalia is one of few nations in the world that is homogeneous, thus, the current Federal setup is not suitable for Somalia. The fact is Somalia is just one ethnic group that shares the same language, culture, religion, race, etc, etc., and creating regional autonomous states would only challenge and weaken the authority of the central government which makes it very difficult for the Federal government to accomplish any policy agenda. Instead, States should be given the right to elect their governor and local government for their state. This would be more suitable to Somalia than the Federal system that is place now.Improving Education: The civil war had a devastating effect on education. A whole generation has been lost without proper education. The government needs to take concrete steps to improve the quality of Public educations and should provide free education up to the secondary level.Foreign Aid: foreign aid is an insidious way to help developing countries. It creates a culture of over dependency on foreign aid and compromises recipients' independence, productivity, and ambitions. It makes people lazy and creates vicious cycle of dependency syndrome. The government should instead encourage self dependency, hard-work, entrepreneurship, and make it easy for the people to make business in the country.
Further, instead of depending on foreign aid, the government should create a FUND called Somali development Fund Account where generous Somalis can contribute to help rebuild their country and/or help the poor and the disadvantaged.RegulatingNGO's: These so called not-for-profit organizations have an unfettered, unregulated access and powers to all segments of the society and in all regions of the country and they are not accountable to anyone. Their overreach must be properly regulated.Al-Shabab: Al-Shabab is made up of two camps. A group who has taken up arms to fight foreign troops that they consider as occupiers and, another that is widely believed to be agents for foreign countries for the purpose of infiltrating, collecting intelligence and defeating the former camp. I think it would easier for the president to make peace with the camp that is fighting foreign troop's occupation. The challenge would be identifying and defeating the group.Amisom: The president should vigorously negotiate for the gradual and the orderly withdrawal of the Amisom forces starting with regiments belonging to front line countries. Also a commission of enquiry to monitor troop withdrawals and investigate any crimes against humanity committed by this force must be created.Refugees Repatriation: Somali refugees in neighboring countries should be repatriated and the president should publicly state that there is no longer a need for them to stay in foreign countries that threaten them time after time that they will be deported or be subjected to protracted asylum processes that is humiliating.The Constitution: The constitution is still in Qabyo-qoral stage and needs to be completed. This administration should take upon itself to make sure that it would be completed as soon as possible. Also, the president should renounce the practice of clan based sharing. For example, the Parliament is currently based on the 4.5 Clan based sharing formula but if the country is to move ahead and unite the country, the selection of the cabinet should be based only on qualification, experience, education, loyalty and love to serve the country.Uniting the Country: the unity, sovereignty, and territorial integrity of Somalia are sacred. The president should clearly outline his vision to unite the country. He should pursue an aggressive policy that confronts countries that encroach on its territory. Those countries that infringe on Somalia's sovereignty and enter into agreements with regional administrations without first getting the approval of the Federal government should be taken to the relevant bodies in the UN and to the international court.Exploring and Extracting the Natural Resources: Somalia is rich in natural resources such as Oil, Natural Gas, Minerals, Fishing, Agriculture, and Live Stock but these resources have not been exploited in any meaningful way. The Farmajo administration must develop plans to fast track the exploitation of these resources. Companies that have been awarded exploration and subsequent production rights but failed to execute their contractual obligations should have their contracts annulled and not considered again for future contracts. The president and the Somali people should know that by the year 2050, China will be number 1 in world economy, India number 2, the U.S. number 3, Russia number 6, Japan number 8, and the U.K. number 10. If western companies do not want to honor their contractual obligations, we should shift our alliance to the East (www.pwc.com/world205#).Foreign Policy: we should review our relations with other nations and develop a long term foreign policy that is built on mutual respect.
For the neighbouring countries, it is in their best interest to refrain from interfering with the Somali internal affairs because if Somalia which is a homogeneous nations was easy to destabilize and break-up into different regions then it would be even much easier to disintegrate the more than 80 distinct ethnic groups of Ethiopia, and the more than 70 different ethnicities of Kenya who do not share a common language, culture, or religion. I think that it would be wise for all of us in the region to avoid destabilizing neighbouring countries. Again, peace and stability is not just a concern of Somalia ONLY because If popular uprising or political unrest were to start in Kenya or Ethiopia, peace and stability would be hard to regain sooner than the 25 years it took Somalia to regain it.
Finally, I think the president should take to heart all the ideas and advices from the public, organize them into categories and implement them in order of practicality, usefulness, expediency, and relevance until all of them have been implemented accordingly one by one. The president should tackle these issues head-on and without delay, fear, or ambivalence.
May GOD help Somalia
Ahmed Bashirbashir1631@gmail.com

Golaha Wasiirada oo maanta isugu yimid shir aan...

$
0
0

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn oo ay kaga doodayeen Miisaaniyadda 2017, iyo ansixinta xisaab-xirkii Miisaaniyaddii 2015. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carteh.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtay in guddoonka Baarlamaanku ka codsadeen in ay soo diyaariyaan Miisaaniyadda dowladda ee sannadkan si looga feejignaado in hawlaha dawladda ay istaageen maadaama miisaaniyadda hadda jirtaa ay ku egtahay bisha March.
Miisaaniyadda ayaa waxyaabaha lagu soo kordhiyay waxaa kamid ahaa kharashka Aqalka sare. Golaha Wasiirada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Miisaanyidda Qaranka oo la horgayn doono Golaha Shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka Maaliyadda ayaa golaha warbixin ka siiyaay xisaab-xirkii Miisaniyaddii 2015, sidoo kalena Golahu wuxu ansixiyay Xisaab-Xirka iyaga oo u gudbiyay Golaha Shacabka.
Ugu dambeyn, Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa guddi ka kooban Wasaaradaha Dekadaha, Shaqada iyo Shaqaalaha, iyo Maaliyadda u saaray in ay xaliyaan cabashada ka timid qaar kamid ah shaqaale ka shaqeeyn jiray Dekadda Muqdisho oo maanta baanaanbax sameeyay.
---DHAMAAD---

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live