Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Midnimadu xaggee ka bilaabataa?

$
0
0

Markay ceelalyo heshiiso ayaa reer guri biyo cabbaan. Saldhigga midnimada soomaaliyeed waa in ay isku duubmaan madaxda dalka gaar ahaan baarlamaanka dhexdiisa iyo, Baarlamaanka iyo madaxtooyada , iyo madaxtooyada iyo golaha wasiirad.
Waxaa iyana saldhig ah in madaxda dowlada dhexe oo isku duuban xiriir adag la leeyihiin madax goboleedyada oo aysan dhicin in la isu adeegsado golayaasha dowlada ama dowlada iyo fowlad goboleedyada.
Haddii madaxda dowlada nin walba ama gole kasta fowlad goboleed walba gaarkiisa isugu dayo inuu awood u yeesho uma suurtoobayso, awooddii dawlada iyo tii ummadduna way wiiqmaysaa.
Haddaba waxaa la gudboon madaxweynaha cusub inuu dadka ka wada dhigo hal xisbi oo u midoobay xaqiijinta danaha danta diinta, dadka iyo dalka ee aysan u qaybsamin mucaarad iyo muxaafid.
Waxaa muhiim ah in aan dib loo milicsan marxaladii ololaha doorashada iyo wixii ragga dhexmaray ee lugu mashquulo mustaqbalka iyo sidii wax weyn loo wada qaban lahaa; waayo haddii loolan daakhili ah bilowdo afarta sano waxay dhamaanaysaa iyada oo meeshii la taagan yahay.
Gabagabadii haddii madaxda dowlada heerarkeeda iyo golayaasheeda kala duwan midoobaan oo isla jaanqaadaan dadweynuhuna way midoobayaan, waxna way wada qabsanayaan. Hadday kala qaybsamaana dadweynaha ninba nin buu raacin, ummadnimana u dhammaatay.
Sh. Axmed Cabdisamad


Trump 'oo todobaadyo ka hor' sii ogaa arrimaha Flynn

$
0
0

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sii ogaa in dhibaato ka jirtay taleefanadii uu Flynn kula hadlay Ruushka, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Aqalka Cad.

Xilliga la qabanayo caleemo saarka Farmaajo iyo...

$
0
0

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay PUNTLAND POST in loo asteeyay inay Muqdisho ka qabsoonto 22 bishaan Febuary 2017 xaflada caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Islamarkaana lagu casumay inay kazoo qeyb galaan Madaxweynayaasha dalalka Kenya, Brundi, Ugandha, Jabuti, Ethiopia iyo guud ahaan Dalal ka tirsan Midowga Africa.
Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa saacadihii u dambeeyay gaarsiisay madaxda dalalka Africa kazoo qeyb galka xaflada caleemo saarka Madaxweyne Farmaajo, taas oo sida la qorsheeyay lagu wado inay Muqdisho ka qabsoonto 22 Febraury 2017.
Soo ajiibida/kazoo qeyb galka xaflada caleemo saarka Madaxweyne Farmaajo Madaxweynayaasha dalalka Africa gaar ahaan kuwa ciidamada AMISOM ka joogaan Soomaaliya ayaa noqonaysa mid lagu kala saari doono aragtida rasmiga ee ay ka qabaan doorashadii uu dhawaan ku guulaystay Madaxweyne Farmaajo.
Waxaana dadka falan-qeeya arrimaha siyaasada qaarkood ku fasirayaan inay sawir ka bixin doonto kazoo qeyb galka madaxda dalalka Africa xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya , Waxayna ka turjumi doontaa haddii ay soo ajiibaan madaxda loo diray caasumaada sawir ka duwan midkii horey looga qabay inay cuqdad ka qabaan dalal ka tirsan qaarada Afrika guushii Madaxweyne Farmaajo.
Dhinaca kale haddii ay usoo diraan Madaxweynayaasha lagu casumay kazoo qeyb galka xaflada caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya wakiilo ka socda dalalkooda sida Wasiiradooda Arrimaha Dibada iyo Wakiilo kale ay taasina bedelkeeda noqon doonto mid xoojinaysa tuhunkii ku aadanaa in qaar badan oo ka mid ah dalalka ku yaala qaarada Afrika suluugsan yihiin doorashadii uu ku guulaystay Madaxweyne Farmaajo.Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Xilliga la qabanayo caleemo saarka Farmaajo iyo Madaxda Africa oo lagu kala ogaan doono appeared first on Puntland Post.

Dhageyso: Faroole oo arrin yaab leh ku sheegay...

$
0
0

Garoowe (Caasimada Online) -Madaxweynihii hore ee Puntland haddana ah Xildhibaan ka tirsan aqalka sare ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud Faroole oo maanta dib ugu laabtay Garoowe ayaa madaxda madasha usoo jeediyey baaq loo riyaaqay.
Xildhibaankaan ayaa Madaxda Madasha ugu baaqay in aysan ku mashquulin Madaxweynaha cusub ee la doortay, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) islar markaasna soo jeediyey in waqti fiican la siiyo madaxweynaha si uu usoo doorto shaqsi ku haboon Xilka Ra'isulwasaaraha.
Faroole ayaa ku sheegay sababta uu uga soo tagey Muqdisho inay tahay dad badan oo ku dhibay inuu Madaxweynaha ula tago si loogu magacaabo xilka Ra'isulwasaare isagoo ballan qaaday inuu sii joogi doono Garoowe inta uu Farmaajo ka magacaabayo Ra'isulwasaaraha.
Mar uu saxaafadda la hadlayey Faroole ayaa shacabka ugu baaqay inay Madaxweynahooda cusub taageero fiican siiyaan maadama ay dowladda Soomaaliya tahay mid aan heysan lacag fiican.
Faroole ayaa sheegay inaysan dowladda ku filneyn dhaqaalaha ka soo xarooda Dekeda Muqdisho, sidaasi daraadeedna aan loo baahnayn in Madaxweynaha lagu fara geliyo cidda uu soo magacaabi doono, lana rabo in la iimaansado cidda uu soo xusho.
" waxaan ugu baaqayaa maamul Goboleedyada inay dadkooda abaart aheyso u gurmadaan intii ay ku mashquuli lahaayeen cidda uu Farmaajo soo magacaabayo iyo shaqadiisa madaxweynimo" ayuu hadalkiisa kusoo xiray Faroole.
Caasimadda OnlineXafiiska Garoowecaasimada@live.com

Xog kasoo baxeysa sababtii uu CC u diiday inuu la...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Cumar Cabdirashiid oo ah Ra'isulwaaraha Kumeel gaarka ah uu diiday inuu la kulmo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo usoo diray codsi ah inay wada qaataan kulan wadatashi ah.
Cumar Cabdirashiid ayaa ku andacooday inuu weli madaxweyne Farmaajo fadhiisan halkii uu dalka ka maamuli lahaa isla markaasna aysan macquul aheyn inuu Hotel kula kulmo madaxweynaha.
Wiilka uu dhalay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa diiday inuu Farmaajo kula kulmo Hotel Jazeera taasoo marki dambe uu ka roonaaday madaxweynaha cusub wuxuuna u diray wafdi la kulmo Cumar Cabdirashiid.
Fahad Yaasiin Xaaji ayuu madaxweynaha hoggaamiye uga dhigay wafdiga loo diray Cumar Cabdirashiid oo laga dareemayo isla weyne iyo arrimo aan la fahmi karin ujeedkooda.Caasimadda OnlineXafiiska Muqdishocaasimada@live.com

Kolonyada Ciidamada Dowladda oo Wiil 8 jir ah ku...

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network) - Kolonyo ay wateen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wiil 8 jir ah waxuu ku jiiray Isgooyska Tarbuunka ee Magaalada Muqdisho.
Shilkan ayaa yimid kadib markii Wiilkan oo doonayay in uu ka gudbo laamiga uu ku yimid Gaari nuuca Dagaalka, kaasi oo xawaaro sare ku socday, sida Hooyada dhashay dhibanaha ay u sheegtay Idaacadda Shabelle.
Hooyo, Cudbi Saciid Maxamed ayaa sheegtay in dhaawaca wiilkeeda loo qaaday Isbitaal, si halkaasi loogu soo dabiibo, balse uu ku dhintay Isbitaalka gudihiisa.
Waxaa ay shaaca ka qaaday in Ciidamada la socday Gaarigaasi aysan joogsan shilka kadib, iyadoo intaasi ku dartay in Ciidamada ay ku sii jeedeen Wasaarada Gaashaandhiga.
Hooydan ayaa ka dalbatay in Saraakiisha Wasaarada Gaashaandhiga ay ka hesho xuquuqda Wakiilkeeda oo ku geeriyooday shil ay sabab u noqdeen Ciidamada Dowladda.
Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan shilka Wiilkaasi uu ku dhintay oo Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Muuse Biixi oo Taageeray Go’aankii Labada...

$
0
0

"Sidee bay ku dhici kartaa in ninkii hab-maamuuska saddexaad ee dalka ahi inuu distoorka ka horyimaado" MuuseGabiley ( Waaheen)- Guddoomiyaha xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynenimo ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay go'aankii ay dhawaan labada gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Golaha Wakiilladu ku meel mariyeen mariyeen inay xukuumadda Somaliland la gasho dalka Imaaraadka Carabta heshiis u ogolaanaya inay saldhig millateri kaga samaysanayaan madaarka Berbera, waxana uu si weyn usoo dhaweeyey go'aankaas, isaga oo dadka dhaliilayana digniin adag u diray.
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo maanta fagaaraha Khayriyada Gabiley kala hadlay shacabka reer Gabiley oo soo dhaweeyey isaga iyo wefti uu hoggaaminayey oo ka soo laabtay dalka Itoobiya, waxa uu caddeeyey in xisbiga KULMIYE si buuxda u taageersan yahay qorshayaasha maalgashiga dalka ee Madaxweyne Siilaanyo wado oo uu ka go'aankani ka mid yahay, waxaannu yidhi, "Xisbiga KULMIYE waxa uu garab taaganyahay hoggaankiisa aasaasay xisbigan oo Madaxweynihii dalkan afh oo halyeygii SNM ahi guulaha waaweyn iyo mashaariicda uu dalka hore ugu marinayo, kuwaas oo ay ugu dambaysay mashruuca saldhigga Berbera oo dad badani ka qayliyeen."
Guddoomiyuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu tilmaamay inuu Madaxweyne Siilaanyo go'aankaas u talo badsaday, isla markaana uu horgeeyey labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada si uu u bayaamiyo xalaalnimada heshiiskaas, "Madaxweynuhu iyada oo distoorku awood u siiyey inuu heshiis soo galo, kadibna uu goleyaasha ka ansixiyo waxa uu ka door biday isaga oo talo-wadaagga iyo tixgelinta dadkiisa eegaya inuu qodobadii uu heshiiska kula geli lahaa dawladdaas aynu heshiiska gelayno inuu qoddobadii oo aannu weli saxeexin ayuu labada gole soo hordhigay, taasina waa waayeelnimo iyo dimuqraadiyad waxaanu yidhi ka taliya oo wixii xunna ka saara wixii wanaagsanna igu raaca, horena looma arag Madaxweyne awooddiisa u gudbiya sidaas oo kale," ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi, waxaannu intaa sii raaciyey, "Labadii gole waxay ku ansixiyeen 144 cod, mashruucaasina waxa uu noqday mid la isku raacay oo intii Qaranka metelaysay ee saddexdii gole ee Guurtida, Wakiillada iyo kii dawladduba isku raaceen oo horumarka dan u ahaa, caalamkana sida dimuqraaddiyadda lagaga dhaqmo marka hore fikradda timaada waa laga tashadaa, marka la codeeyo ee talada la qaatona ninka ka daba hadlaa waa fidmo-wade aan doonayn in hore loo socdo."
Waxa kaloo uu sharraxay awoodda iyo heerka meeqaamka uu lahaa fadhigaasi lahaa, waxaannu yidhi, "Labada gole labadoodii Guddoomiye ayaa fadhiyey, saddexdii madaxda qaranka ahaa ee hab-maamuuska distoorka lahaa oo kala ah Madaxweynaha, Guddoomiyaha Guurtida iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka (Wakiillada) ayaa meesha fadhiyey, labadii gole oo yeedhistooda distoorku ogolyahay in waqtiyo cayiman loo yeedhaana meeshay fadhiyeen iyaga oo boqol iyo dhawr iyo toddobaatan ahi.
Waan soo dhaweynayaa go'aankaa ay labada gole gaadheen, dadka warbaahinta ka hadlona waxaanu leenahay marka arrinku dhammaado ka daba taggiisu sax maaha, haddii aynu KULMIYE nahayna waxa inoo ballan ah oo aynu ku wada soconaa horumarinta dalkeena Bari ilaa Galbeed iyo inaynu wax wada lahaanno oo is aaminno."
Murrashax Muuse Biixi Cabdi waxa uu dhaliilay dadka naqdiyey heshiiskaas, xillli sharciga la waafajiyey, isaga si gaar ah ula hadlay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Cirro oo uu ayaan-darro ku tilmaamay go'aanka uu qaatay, "Waxa nasiib-darro ah oo aan caalamka hore loogu arag Guddoomiye Baarlamaan oo baarlamaankiisii uu hoggaaminayey marka ay codkii isku raacaan aqlabiyadoodu ka baxa golaha caalamka waa kow, dimuqraaddiyaddana meel-ka-dhac ayey ku ahayd, mana aha siyaasad hufan oo ilbax ah, Guddoomiyaha Baarlamaanka, afarta ka baxay fadhiga iyo inta ka daba qaylinaysa ee xisbigiisu ma waxay garan la'yihiin inuu distoorku qorayo halka aqlabiyaddu (majority) maro in la raacayo.
"Sidee bay ku dhici kartaa in ninkii hab-maamuuska saddexaad ee dalka ahi inuu distoorka ka horyimaado oo uu fagaare intaasi fadhiyey ee uu hoggaaminayey ka dhaqaaqo, sidee buuse xisbigaas dhammi ugu badheedhayaa inuu ku gefo oo uu yidhaahdo haddii taydii la yeeli waayey waxba kama jiraan oo halkii aan doonaan ka qaylinayaa, taasina maaha sidii uu qaranku ku heshiiyey iyo distoorkii, WADDANI-na waxan leeyahay waad garanaysaan halka ay majooratigii mareen, madaxweynaha maanta ee dalkuna ma aha nin lagu tuhmayo inuu dhibaato dalka u horseedo, naftiisana dalka wuu u huray," ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiye Muuse waxa uu sheegay inaan Madaxweyne Siilaanyo looga baqo qabin inuu dalka wax aan u dan ahayn ku dhaqaaqo, isaga oo WADDANI-na uga digay inay ka hor yimaadaan wixii ay goleyaashu isku raaceen, "Ragga maanta Siilaanyo taas ku caayayaa miyaanay ahayn raggii 20-ka sanno Somaliland meel walba ku soo gawracayey ee meel walba kaga soo horjeeday, raggaas labaatanka sanno Somaliland ka soo horjeeday ee gole walba soo joogay inay maanta yidhaadaan waxaas iyo waxaas baa dhacay taas ka dhegaysan mayno."
Ugu dambayntii waxa uu Guddoomiyuhu uga digay masuul ka tirsan maamulka Muqdisho oo dhawaan ka hadlay saldhigga millateri ee Imaaraadka Berbera ka dhisanayo, waxaannu tilmaamay inay Somaliland arrimaheeda u madax bannaan tahay oo aanay cid kale go'aamadeeda u daba fadhiisanaynin.

“Kowda Bisha Sadexaad Ayaa Shirkada Dp World Ay Si...

$
0
0

Hargeysa ( Waaheen) Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa shaaciyey in kowda bisha soo socota ee sadexaad ay Xukuumadda Somaliland si rasmi ah shirkada DP World ugu wareejin doonto maamulka marsada Berbera.
Wasiirka ayaa sidoo kalena ku dhawaaqay inay Xukuumaddu bixinayso oo ay diyaarisay xuquuqaha shaqaalaha dekeda ee dawlada u shaqayn jiray, sidoo sidoo kalena sheegay in aanay shaqaalahaasi ku dhici doonin shaqo la'aan.
Wasiirka oo ka mid ahaa wefti balaadhan oo ka socda Xukuumadda Somaliland oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ee Berbera ka dib kormeer ay ku sameeyey Dekeda Berbera ayaa sidoo kalena sheegay inay Xukuumaddu diyaarisay dhul baaxad leh oo maalgashi loogu talo galay in uu noqdo free zone area, sidoo kalena dhawaan heshiisyo arrimahasi ku saaban ay Xukuumaddu qalinka ku duugi doonto.
Wasiir Xaashi ayaa waxa hadladiisii ka mid ahaa " Waxa aynu ku jirnaa marxaladii la qabyo tiri lahaa mashruucii dekeda qarankan ee Berbera, ee aynu maamulkeeda ugu wareejin lahayn shirkada DP World, inaga oo uga gol leh in la balaadhiyo, in la weyneeyo, si ay u noqoto deked weyn oo casri ah oo la jaanqaada dekedaha mandaqadan, kowda bishada sadexaad 01/March ayaa xil wareejintu halkan ka dhici doontaa, shirkada DP World-na ay si buuxda ula wareegi doontaa maamulka dekedeena, dhamaan shaqaalhii ka shaqaynayeyna loogu wareejin doonaa, shaqaalahaa maanta dhawr iyo labaadhanka sanadood ka shaqaynayey dekeda ee kala dambeeyey, sanad ilaayo dhawr iyo labaadan sanadood dadkii ka shaqaynayey waxa u waajibtay xuquuq. Dadkaas muwaadiniinta ah ee shaqaalaha ah waxaanu ku hambalyeynaynaa qarankan hawlhii ay u soo qabteen, siday u soo doojeen, samirkii, iyo dhabar adaygii duruufihii adkaa ee ay mararka qaarkood gacmahooda waxa ku wadi jireen, mid ku xamaala iyo mid waxa ku qoraba, maanta sidii ay shalay ahayd maaha way soo roonaatay qalab ayey dekedu haysataa, imikana waxa aynu rabnaa inaynu ka casrinayno, dadkaasna aad ayaanu u hambalyeynaynaa."
Md. Maxamuud Xaashi ayaa hoosta ka xariiqay in aanu jirin shaqeele dhimis la samaynayaa waxaanu yidhi " Shaqaalahaas ma jiro qof shaqo waayayaa, waxay shaqaalaha dekedu ka wareegi doonaan gacantii dawladda kowda bisha, waxana ay noqon doonaan shaqaale shirkad caalami ah u shaqeeya, xuquuq caalami ah leh, heshiis caalami ahna gala oo saxeexa, waxa markaa imika laga gacan siinayaa wixii ay qarankan u qabteen iyo xuquuqdii ay dawladda ku lahaayeen ayaa la siinayaa. Ma jiro qof shaqo waayayaa, meesha waxa aynu u balaadhinaynaa ee u weynaynaa inaynu shaqo helno, shaqo inaynu abuurno, inaynu horumar abuurno ayeynu doonaynaa, waxaanu hoosta ka xariiqaynaa inaynu wax korodhsano ayeynu doonaynaa ee ma rabno inay wax inaga dhacaan, waxaanu maqlaynaa meelahaas warar laga sheegayo oo leh adeegyo halkan dekedu bixin jirtay oo la waayi doono, wax la waayayaa ma jiro wax inoo kordha mooyaane."
Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa geesta kale la hadlay dhul maalgashiga loogu talo galay oo ay Xukuumaddu diyaarisay, waxanau yidhi " Hawsha labaad waxa weeye, sida maamulka gobolku sheegay inagoo jecel inaan u mahad-naqo sida isku duubnida, kartida iyo hufnaanta lahayd ee ay u wajaheen xiliga kala guurka, waana xiliyada ugu dhibta badan ee ugu xanuunka badan runtii waananu ku hambalyeynaynaa. Waxaanu Xukuumad ahaan iyadana wadnaa in dhawaan la saxeexo heshiiskii Free Zone-Ka, waxa aynu abuuraynaa Free Zone, maanta la lihin, waa mandaqad xor ah oo warshado lagu sameeyo oo wax walba lagu soo dejiyo, oo kumanaan kambani iman karaan, maanta Dubai waxa ka shaqeeeya Todobada kun iyo shan boqol oo kambani oo caalami ah, oo degan, ka ugu yar waxa ka shaqeeya dhawr boqol oo qof, markaa waxa aynu u baahan nahay inaynu abuurno Free Zone, aynu shaqo ka abuurno, shaqo la'aan ayaa maanta dalkeena ka jirta. Free Zone-ku dhul badan ayuu inooga baahan yahay in aynu astayno, markaa dhul ayaa Xukuumadu u jaangoysay, dhulkiibaanu soo kormeeraynay waa dhul ku filan markaa dhulkaa baa Madaxweynuhu uu wareegto ku soo saarayaa wakhti dhaw oo aan fogayn, dhulkaasi maaha dhul dad muwaadiniin ahi ay leeyihiin, ama ay sheegaynayaan ama u tirsan oo ay u arki doonaan in laga tacadiyey dhul ay leeyihiin."
Wasiirka Madaxtooyadda ayaa geesta kalena shaaciyey in Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo uu xayiraadii saarnayd ka qaaday dhul ku yaala magaalda Berbera waxaanu yidhi " Sida aynu ka wada war qabno dhulbaa xidhaa magaalada Berbera, Madaxweyne Cigaal Ilahay ha u naxariisto, Madaxweyne Rayaale iyo Madaxweyne Siilaanyo sadexduba dhulkaa wareegtooyin ayey ku xayireen dhulkaas waxa loo hayey dan-guud, maadaama la doonayo magaaladii in la dhiso qurux ay yeelato Madaxweynuhu wuxuu fasaxay dhulkii dadkaas muwaadiniinta ah dawlaha hoose ay siiyeen, inkasta oo Madaxweynayaal xayireen oo ay sharci ahayd, dhulkaas Madaxweynuhu wuu fasaxay guud ahaan, gaar ahaan wadada laamiga Hargeysa tagta dhinaca waqooyiga afar boqol oo mitir ayaa loo faxay dadkii muwaadiniinta ahaa ee lahaa ee sharciga u haystay, maaha kuwo cusub ayaa la siinayaa, dadkaa waxa laga doonayaa inay wax qurux badan ka dhisaan, masuuliyadaana waxa leh oo kormeeraysa dawladda hoose."


Xog kasoo baxday kulankii albaabada u xirnaa oo ay...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Kulan xasaasi ah ayaa caawa Hotel Jaziira ee magaalada muqdisho ku dhex maray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh. Shariif Axmed iyo Madaxweynaha cusub Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Kulankaan oo ahaa mid uu albaabada ku xirnaa oo weliba labada madaxweyne kaliya qol xirteen ayaa la sheegay in madaxweynaha uga gol lahaa inuu Shiikh Shariif kala tashto cidda ku haboon Ra'isulwasaaraha
Madaxweyne Farmaajo oo ka digtoon in dowladdiisu ay la kulanto xaalad adag oo dhanka siyaasadda, amniga iyo dhaqaallaha ayaa bilaabay in xiriiro qarsoon uu sameeyo.
Sida ay sheegayaan dadka ku dhaw dhaw Farmaajo, madaxweynaha ayaa shalay kulan kale oo hoose albaabadana u xirnaa la yeeshay isla Shiikh Shariif Sh. Axmed taasoo caddeyn u ah inuu soo hagaagay xiriirka labadaan shaqsi waana kulankii labaad oo xiriir ah muddo laba maalin.
Farmaajo ayaa muddo 6 bilood ka ahaa Ra'iisul wasaare dowladdii uu hogaaminayay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, taasi oo lala xiriirinayo in kaalin wacan ay ka qaadatay in bulshada Soomaaliyeed ay barato shakhsiyaddiisa iyo wax qabadkiisa.
Madaxweynaha ayaa dhawaan kulamo badan la yeelanayey siyaasyiinta, odayaasha, waxgaradka Soomaaliya si uu ugula tashto cidda uu u magacaabayo xilka Ra'iisul Wasaaraha oo ay dad badan ka war sugayaan.
Farmaajo ayaa si taxadar leh uga fikiraya cida uu Ra'iisul Wasaaraha u magacaabayo, waxaana maalmahan la gaarsiinayay dalabyo ka imaanaya beelaha Hawiye oo ku loolamaya xilka Ra'isulwasaaranimo oo ah shaqsiga qabto shaqada ugu badan ee dowladda.Caasimadda OnlineXafiiska Muqdishocaasimada@live.com

Maxay tahay sababta loo kordhiyey lacagta laga qaado...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Mareeyaha Garoonka Aadan Cadde ayaa ku dhawaaqay inay sare u qaadeen lacagtii laga qaadi jiray dadka ka dhoofo garoonka diyaarahada isagoo ka dhawaajiyey in lacagtaas siyaasada ah la siin doono dadka ku nool Gobolada ay abaarta ku dhufatay.
Mudane Cabdi Ashkir ayaa Sheegay in dadka ka dhoofayo Garoonka Aadan Cadde una Socdaalaya Goballada Dalka Laga Qaadayo Lacag Dhan $5, Halka Dadka u safraya wadamada dibadda laga Qaadayo Lacag Dhan $10 iyadoo qofka lo jari doono boono ka socoto wasaaradda Maaliyadda.
Lacag kordhintaan ayaa lagu sheegay inay tahay Kumeel gaar oo ay socon doonto ilaa 3 bil go'aankaasna lagu gaaray kulan ay yeesheen wasiirada Dowladda Soomaaliya oo uu shir gudoominayey ra'isul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid.
Go'aanka ayaa sida Qorshuhu ahaa dhaqangalayay Maanta oo Arbaco, hase yeeshee Maamulka Garoonka ayaa Qaatay Go'aan kale oo dadweynaha lagu Ogeysiinayo waxyaabaha soo Kordhay kadib markii maanta uu caqabad ku noqday dadka ka dhoofayay garoonka, balse maanta la isla gartay in Fulinta Go'aanka la gaarsiiyo illaa Maalinta Jimcaha si dadweynhu ay ugu soo talagalaan.
Ugu Dambeyntii Maareeyaha Goroonka Aadan Cadde ayaa ka codsaday Muwaadiniinta Soomaaliyeed inay bixiyaan lacagaha lagu soo kordhiyay si loogu Caawiyo Walaalahooda Soomaliyeed Ee Abaartu ku dhufatay.Caasimadda OnlineXafiiska Muqdishocaasimada@live.com

Nabadoon Caawa Lagu Dilay Muqdisho

$
0
0

Magaalada Muqdishe ee caasimadda Soomaaliya, ayaa waxaa caawa lagu dilay nabadoon caan ah oo lagu magacaabo Muuse Maxamuud Rooble, sida ay VOA u sheegeen dad goobjoogayala ah.

Dadka ka dhoofayo garoonka Aadan Cadde oo loo...

$
0
0

Mareeyaha Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in lacago dheeri ah lagu soo rogay dadka ka dhoofayo garoonka sababo la xiriira Abaaraha ka jira dalka. Maareeyaha Garoonka Aadan Caddi Mudane Cabdi Ashkir ayaa Sheegay in dadka ka dhooray Garoonka Aadan Cadde una Socdaalaya Goballada Dalka Laga Qaadayo Lacag Dhan $5, Halka Dada u safraya Meelaha Dalka ka baxsana laga Qaadayo Lacag Dhan $10, Lacagtaasna lagu qaadi doono boono ay jareyso Wasaaradda Maaliyadda. Mudane Ashkir ayaa Sheegay in Tallaabadaani ay mid KMG ah oo Socon doonto muddo ku Eg Sadex Bil, go'aankaasina lagu gaaray kulan gaar ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya uuna shir guddoominayay ra'isul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid. Go'aanka ayaa sida Qorshuhu ahaa dhaqangalayay Maanta oo Arbaco, hase yeeshee Maamulka Garoonka ayaa Qaatay Go'aan kale oo dadweynaha lagu Ogeysiinayo waxyaabaha soo Kordhay kadib markii maanta uu caqabad ku noqday dadka ka dhoofayay garoonka, balse maanta la isla gartay in Fulinta Go'aanka la gaarsiiyo illaa Maalinta Jimcaha si dadweynhu ay ugu soo talagalaan. Ugu Dambeyntii Maareeyaha Goroonka Aadan Cadde ayaa ka codsaday Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay bixiyaan lacagaha lagu soo kordhiyay si loogu Caawiyo Walaalahooda Soomaliyeed Ee Abaartu Saameysay.

Somalia: 2 children killed in Mogadishu mortar shelling

$
0
0

At least two innocent children lost their lives, their parents sustained wounds in a mortar shelling around the country's Presidential Palace in Mogadishu on Thursday.
A witness said the children were killed by a mortar shell smashed into the house at 15 May area, located around Villa Somalia, the heavily fortified hill-top Palace in the Capital.
The mortars have been fired at Villa Somalia during a power transfer ceremony, whereas the new elected President Mohamed Abdullahi Farmajo was taking office from former President.
No group has yet claimed responsibility for the attack, but Al shabaab has carried out similar shelling on the Presidential Palace in the past.Scroll down for photos.

Rasaas khasaaro geysatay oo lagu furay Dhalinyaro ku...

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network)--Ugu yaraan hal Ruux ayaa ku dhintay, mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Askar ka tirsan Militariga Soomaaliya ay rasaas ku fureen Dhalinyaro ku sugnaa Kaamka Badbaado ee Degmada Dharkeenleey.
Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in Askartan ay doonayeen in dhac u geystaan Dukaan ay halkaasi ku leeyihiin Dhalinyadan, waxaan murun dhex maray labada dhinac uu sababay in rasaas lagu huwiyo Dhalinyaradaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadii falkaasi geystay ay isaga carareen goobta.
Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha amaanka iyo kuwa Maamulka Degmada Dharkeenleey oo ku aadan Dilkaasi.

Hoobiyayaal ku dhacay agagaarka madaxtooyadda...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Ilaa labo hoobiye ayaa xilli hore oo maanta ah ku dhacay meel ku dhow madaxtooyadda Soomaaliya ee ku taalla magaalada Muqdisho,sida u xaqiijiyay afhayeenka gobolka.
Ugu yaraan laba carruur ah ayaa ku dhintay hoobiyayaasha, ayada oo dhowr qof oo kale ay ku dhaawacmeen.
"Meel ka fog madaxtooyada ayay ku dhaceen hoobiyayaasha,xaafad ayay ku dhaceen oo labo carruur ah ayaa ku dhintay,"ayuu yiri afhayeenka gobolka Banaadir,Cabdifataax Cumar Xalane.
Xalane wuxuu sheegay inay socdaan baaritaanno lugu ogaanayo halka laga soo tuuray hobiyayaasha ku soo dhacay meel ku dhow xarunta madaxtooyadda Soomaaliya.
Hoobiyayaasha ayaa lasoo tuuray waxyar ka dib markii ay dhammaatay xafladdii ay xilka ku kala wareegeen madaxweynaha cusub iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
Kooxda al-Shabaab ayaa war ay baahisay ku sheegtay inay mas'uul ka yihiin madaaficda ku dhacday goob ku dhow madaxtooyadda Soomaaliya,idaacadda afka ururka ku hadasha ee Andalus ayaa sheegtay dagaal-yahanno al-Shabaab ah inay fuliyeen weerarka madaaficda ah.
Ammaanka iyo ka hortaga weerarrada ay fulinayaan al-Shabaab,waa qodobka ugu weyn ee ka hor imaanaya dowladda cusub oo u hoggaaminayo madaxweynaha taageerrada ka heysa shacabka.
__RBC Radio


DAAWO SAWIRRO: Munaasabadda uu xilka kula wareegay...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si rasmi ah xilka uga la wareegay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud keddib xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.
Intii ay xilwareejinta socotay ayaa madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku wareejiyay Faylka Qaranka Madaxweynaha cusub Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.
Xil wareejinta kaddib, madaxweynaha Soomaaliya Mudane Farmaajo, ayaa uga mahadceliyey madaxweynihii hore dedaalkiisii uu dalka ku soo hoggaamiyey afartii sanno ee uu xilka hayey, waxa uuna sheegay in Soomaaliya ay u bilaabatay waqti cusub oo shaqo adag laga sugayo xukuumaddiisa.
Mdaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in loo baahanyahay in shacabka Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan dowlad dhisidda Soomaaliya oo loo baahanyahay wada shaqeyn dhab ah oo ay yeeshaan shacabka iyo dowladda.
"Shacabka Soomaaliyeed waxaan ka rabaa in ay fahmaan sida dowladda ay ugu baahan tahay taageeradooda,. Waxaa lagama maarmaan ah in dowladda la siiyo waqti ku filan. Waxba kuma qaban karno bilo kooban laakiin waa inaan is cafinnaa oo aan u istaagnaa nabad-galyada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Dowladdu waa dowlad shacab." Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha dalka, ayaa u mahadceliyey beesha caalamka sida mar walba ay uga go'an tahay garab istaagga Soomaaliya, waxa uu ballan-qaaday in shacabka Soomaaliyeed uu u soo dhisi doono dowlad hanata kalsoonidooda, isla markaana la tartanta caalamka laakiin shacabiga Soomaaliyeed ayuu u sheegay in iyagana looga baahan yahay in la tartamaan dadyowga kale ee aasaagooda ah.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u mahadceliyey dhammaan hey'adaha dowladda, ciidammada Qalabka sida AMISOM, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka oo uu xusay in la'aantooda aan la soo gaari lahayn marxaladdan dimoqoraadiga ah.
__RBC Radio

Cali Khaliif Galaydh oo maanta gaaray magaalada...

$
0
0


Gaalkacyo (RBC Radio) Madaxweynaha maamulka Khaatumo,Cali Khaliif Galaydh ayaa maanta diyaarad ku tagay magaalada Laascaanood ee xaruta gobolka Sool,halka oo lugu soo dhaweeyay.
Galaydh waxaa waheliyay mas'uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Khaatumo,waxaana ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Laascaanood mas'uuliyiinta deegaanka iyo dad-weyne kale.
Madaxweynaha Khaatumo oo si kooban saxaafadda ula hadlay wuxuu sheegay in ay u socdeen sidii ay wax uga qaban lahaayeen xaaladaha colaadeed ee ka jira gobolka Sool qaybo ka mid ah.
Sidoo kale, wuxuu ka hadlay wad-hadallada uu dalka Jabuuti kula soo qaatay maamulka Soomaaliland,hadalka uu ka sheegay wada-hadalka wuxuu ahaa mid rajo xumo ah,isagoo marka sheegay in wada-hadalladii ay la lahaayeen Soomaaliland uu qorshihiisu ahaa inay u wadahadlaan laba maamul, balse buu yidhi kama muuqato Soomaaliland, taasina in ay geedi socodka nabada ay ragaadinayso.
"Bilowga wada-hadalka wuxuu ahaa in loo wada-hadlo sida labo maamul,laakin taas kama muuqato Soomaaliland."ayuu yiri Galaydh oo inta ku daray "Qorashaha Soomaaliland wuxuu ragaadin karaa nabadda."
Inta kaddib madaxweynaha Khatuumo iyo mas'uuliyiintii la socotay waxaa ay markiiba u gudbeen magaaladda Widhwidh oo 100 Km dhanka galbeed uga beegan magaaladda Laascaanood.
Safarka uu maanta ku tagay magaalada Laascaanood,madaxweynaha Khaatumo waxaa uu ka dhigan-yahay 12 kaddib oo u tagayo xarunta gobolka Sool.
___RBC Radio

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay la-taliyaha amniga...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilalkii ugu horreeyay magacaabay,saacado un kaddib markii xilka madaxweynaha uu kala wareegay madaxweynihii hore.
Madaxweyne Farmaajo jagada ugu horreeysay ee u magacaabay,waxaa ay noqotay agaasimaha guud ee xarunta madaxtooyadda,xilka waxaa qabanaya danjire Cali Saciid Fiqi.
Fiqi ayaa xilkan loo magacaabay isagoo ah danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub ahna wakiilka Soomaaliya ee waddamada Belgium, Holland iyo Luxembourg.
Madaxweynaha waxaa kalo uu magacaabay madaxa baratikoolka iyo habmaamuuska madaxtooyada Soomaaliya,waxaana noqday Siyaad Maxamuud Shire.
Siyaad Maxamud Shire wali ku magacaaban yahay qusulka safaarada Soomaaliya ee dalka Sacuudiga.
Sidoo kale, Xusseen Macalim Maxamuud ayaa loo magacaabay in uu noqdo la taliyaha dhinaca amniga qaranka ee madaxweynaha.
Xilalkan waa kuwii ugu horreeyay,waxaana ay bilowday u tahay shaqada madaxweynaha cusub,iyadoo maalmahan la filaya in la magacaabo xilal kale oo cusub.
__RBC Radio

Somali President names interim team for Palace

$
0
0

Mohamed Abdullahi Farmajo has on Thursday released a statement to appoint an interim staff for his office, hours after taking power from Hassan Sheikh Mohamud.The appointed interim officials are as following;
Somalia's Ambassador to EU Dr Ali Said Fiqi was named as the interim Chief of Staff.
Senior NISA officer Hussein Moallim Mohamud appointed as the National Security Adviser to President Farmajo.
Siyad Mohamed Shire, was named the chief of protocol.

Madaxweyne xigeenka Angola oo Bortaqiisku dacwad ku soo oogay

$
0
0

Dacwad oogaha Bortaqiiska ayaa ku soo oogay eedo musuqmaasuq madaxweyne ku xigeenka Angola, Manuel Vicente.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live