Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Daawo:Feysal Cali Waraabe:-Macquul Ma Ahan in...

$
0
0

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Maamulka Somali-land Enjineer Feysal Cali Waraabe oo dhawaan gaaray Magaalada laascaanood ee Gobolka Sool ayaa Umadda Soomaliyeed ugu baaqay In ay ka shaqeeyaan Midnida Soomali Weyn.
Feysal Cali Waraabe oo dadka ay ku barteen in uu mar walba difaaco Qadiyadda Soomali-land ayaa sheegay in macquul aheen Xiligaan in loo qeybsamo qabiil qabiil , wuxuu ilaahey ka baryay in Umaddiisa isku soo dhaweeyo.
"Waxaad ogaataan inaynu wax ku noqon karno Midnimo, Soomaaliya Inaga ayay inaga Sugaysaa, Reer Waqooyi Hadii aynu Nahay waa inaynu Caqligeena Midaynaa, Soomaali waa isku mid meel ay Joogtaba, Qabiil waxba laguma Noqdo, Qaranbaa wax lagu Noqdaa, NDF, Jabuuti iyo Kililka Shanaad way ina Dhaafeen".


Taariikh Nololeedka La-Taliyaha Amniga Qaranka...

$
0
0

Xuseen Macalin Maxamuud Sh. Cali waxaa 16kii Feberaayo 2017 loo magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 3dii sano ee ugu danbeysey Xuseen waxaa uu ahaa La-Taliyaha Sare ee Amniga oo uu weliba si gaar ah ugu qaabilsanaa dhanka Ka-hortaga Argagaxisada ee Dowladdii hore. Waxuuna xubin ka ahaa Golaha Amniga Qaranka oo ah hay'adda ugu sareeysa dalka ee go'aan gaariska arrimaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu weliba la bilaabay markii la hirgeliyey Golaha Amniga Qaranka. Xuseen waa shaqsi si istraatejiyad leh u fikira, waxuuna qoray Istraatejiyada La dagaallanka Argagaxisada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxuu qoray Istraatejiyadda iyo siyaasada dalka ee dib-u-heshiisiinta iyo cafiska loo fidiyo Al-Shabaab. Xuseen waxuu hormuud ka ahaa abuurista Xarunta Warbixinta Maaliyadda (Financial Reporting Center (FRC). Xafiiska Madaxtooyada ka hor Xuseen Sheekh-Cali waxuu muddo 4 sano ka badan ahaa Agaasimaha Waaxda Amniga Dibadda ee Hay'ada Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka (NISA). Howlaha uu qaabilsanaa waxaa ka mid ahaa La-dagaallanka Argagaxisada, La dagaallanka Burcad-badeeda, Lid-xuuraanka iyo xiriirka hay'adaha caalamiga ee ka howlgala Soomaaliya. Waxuuna mar noqday Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay'ada Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed. Xuseen waxuu heystaa shahaadada Bachelor ee Taariikhda iyo shahaadada Master-ka ee Arrimaha Amniga iyo [...]

Madaxweynaha Gambia oo maanta lagu caleemo saarayo Banjul

$
0
0

Madaxweynaha cusub ee Gambia, Adama Barrow, ayaa si rasmi ah loogu caleemo saari doonaa caasimadda Banjul, halkaas oo ay ka dhici doonaan dabaal degyada lagu xusayo 52 guuradii madaxbannaanida dalka.

Madaxa wakaaladda ilaalinta deegaanka Maraykanka oo xilka loo dhaariyey

$
0
0

Ninka uu madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, u magacaabay inuu noqdo madaxa wakaaladda ilaalinta deegaanka ayaa loo dhaariyey xilka.

Madaxa wakaaladda ilaalinta deegaanka Maraykanka oo...

$
0
0

Ninka uu madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, u magacaabay inuu noqdo madaxa wakaaladda ilaalinta deegaanka ayaa loo dhaariyey xilka.
Scott Pruitt, oo hore u dhaliili jiray wakaaladda ayuu ansixiyey aqalka Senate-ka ee ay aqlabiyadiisa haystaa xisbiga Jamhuurigu, inkasta oo ay isku dayeen Dimuqraadigu in ay horjoogsadaan.
Garsoore ka tirsan maxkamadda gobolka Oklahama ayaa Khamiistii ku amary inuu ugu dambayn maalinta Salaasada ah soo badhigo e-mail o ay isweydaarsadeen isaga iyo madaxda shirkadaha gaasku.
Xubnaha xisbiga Dimuqraadiga kaga jira Senate-ka ayaa hore u qaadacay kulan hore oo cod loogu qaadayay in aanu soo bandhigin e-mail-ladiisa waxaanay ku doodeen inuu aad ugu xidhan yahay shirkadaha gaaska.

Madaxweynaha Gambia oo maanta lagu caleemo saarayo...

$
0
0

Madaxweynaha cusub ee Gambia, Adama Barrow, ayaa si rasmi ah loogu caleemo saari doonaa caasimadda Banjul, halkaas oo ay ka dhici doonaan dabaal degyada lagu xusayo 52 guuradii madaxbannaanida dalka.
Barrow waxa bishii hore lagu dhaariyey safaaradda Gambia ku leedahay dalka ay olloga yihiin ee Senegal ka dib markii ninkii mudada dheer dalka ka talinayey diiday inuu xilka iskaga dego markii doorashada lagaga adkaaday.
Gambia waxay madaxbannaanidiisu 52 jirsanaysaa manta laakiin Adama Barrow wuxu noqonayaa madaxweynihii saddexaad ee mudaa dalku yeesho.
Wuxu ballan qaaday inuu waa cusub u bariin doono dalkan mudada dheer uu gacanta bira ku hayey Yahye Jammeh.
Jammeh waxa lagaga adkaaday doorashadii dhacday bishii Diisember, laakiin xilka wuu isku sii dhejiyey ilaa xoogag ka tirsan ciidamo goboleedka Galbeedka Afrika ay ku dirqiyeen inuu xilka ka dego.
Gambia waxay haatan ku biiri doontaa ururada caalamiga ah ee ay ka midka yihiin Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah iyo Ururka Barwaaqo Sooranka.
Kumanaan qof ayaa la filayaa in ay ka qayb galaan xafladda caleemo saarka oo ka dhicci doonta garoonka weyne ee kubbada cagta ee ku yaal caasimadda.

WFP iyo UNICEF oo dalbaday Boqolaal Million oo...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network)-Hay'adaha WFP iyo UNICEF oo hoostaga Qaramada Midoobay ayaa waxa ay shaca ka qaadeen in loo baahan yahay lacag dhan 450 Million oo dollar oo wax looga qabto arrimaha Beni'aadanimo ee Soomaaliya.
Labadaan Hay'addood ayaa xusay in lacagtan lagu bixin doono gargaarka bini'aadannimo ee ay u baahan yihiin Qoysas badan oo Soomaaliyeed.
Ku Xigeenka Agaasimaha Hay'adda WFP ee Dlka Soomaaliya, Laurent Bukera ayaa waxuu sheegay in malaayiinkaasi dollar ay wax badan uga qaban doonaan abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.
Mas'uulkan ayaa sidoo kale waxuu tilmaamay in lacagtaasi loo baahan yahay bilaha soo socda maadama buu yiri ay ka sii dareyso Xaalada Dadka ku nool Degaanada ay ku dhufteen abaaraha.
Gobollo dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka jira abaaro xoogan oo sameeyn ku yeeshay Dadka iyo Duunyada, waxaana muddooyinkii dambe soo baxayay qeylo dhaan xoogan oo ay jeedinayeen Shacabka halkaasi ku nool.

Faransiiska Oo Kenya ka taageeraya la dagaalanka...

$
0
0

Nairobi ( Sh.M.Network(0Safiirka cusub ee Dowladda France u fadhin doona Magaalada Nairobi, Antoine Sivan ayaa waxuu sheegay in taageero xoogan ay siin doonaan Dowladda Kenya.
Danjire Antoine Sivan ayaa waxuu shaaaca ka qaaday in diyaar ay u yihiin Dowladda Kenyan in ay ka taageeraan Dagaalka ka dhanka ah Xoogaga Xarakada Al Shabaab.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu cod dheer ku sheegay in Dowladda France ay isha ku heyso dadaalada Ciidamada Dowladda Kenya ay ka wadaan gudaha Dalka Soomaaliya.
Danjirahan ayaa balan qaaday in Dowladda France ay soo dhaweyneyso howlgalka Ciidamada Dowladda Kenya ee AMISOM oo ka socda Koonfurta iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya.
Dowladda Kenya ayaa wajaheysa dhibaatooyin ay ka mid yihiin Weerarada Al Shabaab oo mararka qaarkood ka dhacay qeybo ka mid ah Dalkeeda


Ku dhawaad 30 qof oo Abaaraha dartood ugu...

$
0
0

Diinsoor ( Sh.M.Network)-Guddoomiyaha Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Ubraahim Maxamed Nuur Shigshigow oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay Xaaladda Abaaraha baahsan ee ka taagan Gobolkaasi.
Waxaana guddoomiyuhu shaaca ka qaaday in ku dhawaad 30 qof Xaaladaha Abaaraha ay ugu geeriyoodeen deegaanno hoostaga degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Sidoo kale Guddoomiyaha Diinsoor ayaa sheegay in aysan jirin illaa iyo haatan wax Gurmad ah oo dadkaasi sida ba'an ay u saameysay Abaartu heleen balse weli ay yihiin kuwa Rajo ku nool ah.
Qeylo dhaanta xagga Abaaraha ayaa cirka isku sii shareereysa iyadoona weli aanu jirin wax ka qabasho muuqda si loo samata bixiyo dadka iyo Duunyada ku nool meelaha ay halakeeyeen abaaruhu.

Maamulka Gobolka Banaadir oo Gurmad u fidiyay Dadka...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network)-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa billabay Howlo samafal ah oo ay ugu gurmanayaan dadka Xaaladaha Abaaro ee ku dhuftay Gobolladii ay degenaayeen uga soo barakacay islamarkaana haatan deegaansanaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir Ismaaciil Macallin Guure ayaa sheegay in qeybtii ugu horreysay oo gargaar loogu tala galay dadka danyarta ah ee Magaalada Muqdisho ku soo barakacay iyagoo ka soo cararay qaar ka mid Gobollada Dalka ay gaarsiiyeen.
Deeqdaan oo ka koobneed Raashiin iyo Agab kala duwan ayaa Maamulka Gobolka Banaadir waxa ay sheegeen in ay bilow u noqon doonto howlo kaloo Gurmad ah oo qeybo kala duwan oo dalka ka tirsan ay ugu Gurmanayaan.
Qeybo badan oo Gobollada Dalka ka tirsan ayaa waxaa ka jira dhibaatooyin abaaro oo baaxad leh kuwaas oo saameyn xoogan ku yeeshay Dadka iyo Duunyada ku nool Gobolladaasi.

Howlgallo Ciidamada Dowladda Federaalka ay ka...

$
0
0

Garbahaareey ( Sh. M. Network)-Gaashaanle dhexe Faarax Cabdi Casharo oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgallo saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah Gobolka Gedo ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen Al Shabaab.
Waxa uu sheegay Gaashaanle Dhexe Faarax Cabdi Casharo in 3 dagaalyahan ay ku dileen howlgalkooda 2 kalana ay ku dhaawaceen sida uu hadalka u dhigay.
Sarkaalkaan ayaa xusay in howlgalladu ay weli soconayaan ayna ku doonayaan in deegaanno ay iminka maamulaan Al Shabaab kala soo wareegaan.
Howlgalladana ayaa ku soo beegamaya xilli Isbedel dhanka hoggaanka ah uu dalka ka dhacay iyadoona Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sheegay in qorshayaashiisa ugu horreeyo ay ka mid tahay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab si dalka looga sifeeyo.

Saamaynta Abaarta oo korortay deegaannada gobolka...

$
0
0

Saamaynta abaarta ka jirta gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa marba marka ka dambeeysa sii badanaysa, waxaana kordhaya dhibaatooyinka nololeed ee ka dhalanaya. Deegaanda, Docoley, Dhagruur, Kaxandho, Qofsaar iyo Laasa-barin oo hoos yimaada degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa bulshada ku nool waxaa ka soo yeeraya cabasho lixaad leh oo la xiriirta dhibaatooyinka ka dhashay [...]

Qoysas abaarta ka soo barakacay oo deeq raashin ah...

$
0
0

Deeq isugu jirta raashiin iyo biyo nadiif ah ayaa loo qeybiyay boqolaal qoysas ah oo ka mid ah kuwa ka soo hayaamay deegaannada ay abaaruhu saameeyeen ee gobolada dalka ,isla markaana soo gaaray degmada Kaxda ee gobolka Banaadir. Dadkan oo u badan haween iyo carruur oo ay ka muuqato diifta ay ku reebtay abaarta ayaa waxaa deeqda gaarsiiyay Ururka Haweenka Qaranka oo ay u soo wakiisheen guddiga gurmadka abaaraha ee heer Qaran, iyadoo ay wehliyaan mas'uuliyiin uu kamid yahay ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir Ismaaciil Macalin Cabdi Guure iyo xubno kale oo maamulka gobolka katirsan. Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil C/laahi oo goobta ka hadlay ayaa waxaa uu u ka mahadceliyay dadkii soo agaasimey gurmadkan, isagoo sheegay in degmada maalin walba ay soo gaaraan dad aad u nugul oo abaarta saameysay. Batuulo Sheekh Axmed Gabale oo ah guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka ayaa ka hadashay noocyada deeqdan ay ka kooban tahay, waxayna dadka barakacyaasha ah ugu laab qaboojisay in ay ka bixi doonaan dhibaatada heysata dadkan. Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ahna ku simaha guddoomiyaha gobolka Ismaaciil Macalin Cabdi Guure ayaa sheegay in maamulada degmooyinka la amray in ay ka shaqeeyaan u gurmashada dadka soo barakacay, isagoo baaq u direy [...]

Madaxweynaha cusub ee Gambia oo maanta la caleemo...

$
0
0

Madaxweynaha cusub ee Gambia, Adama Barrow, ayaa si rasmi ah loogu caleemo saari doonaa caasimadda Banjul, halkaas oo ay ka dhici doonaan dabaal degyada lagu xusayo 52 guuradii madaxbannaanida dalka. Barrow waxa bishii hore lagu dhaariyey safaaradda Gambia ku leedahay dalka Senegal ka dib markii ninkii mudada dheer dalka ka talinayey diiday inuu xilka iskaga [...]

Koonfur Galbeed oo xoojinaysa dagaalka Al-Shabaab

$
0
0

Taliyaha Ciidanka Booliiska Koofur galbeed Soomaaliya Jeneraal Mahad C/raxmaan Aadan ahna Taliyaha qeybta Guud ee Ciidanka booliiska gobolka Baay ayaa sheegay in ay sii laba jibaari doonaan shaqada ay iminka ay hayaan isla markaana ay ka shaqeynayaan nabadeynta degaanada Koofur galbeed Soomaaliya. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay sii laba jibaarayaan dagaalka ay kula jiraan maleeshiyaadka Al-Shabaab. [...]


QM oo ka digtay khatarta ka dhalankarta Abaaraha ka...

$
0
0

Hay'addaha Qaramada Midoobey ee UNICEF iyo WFP ayaa warbixin ay soo saareen waxaa ay kaga digeyn in ay kasii darto abaarta ka jirta Soomaaliya hadii aan si deg deg ah wax looga qaban. Hay'adahaasi ayaa sidoo kale sheegay inta badan dadka Soomaaliyeed ay saameysay abaarta, islamarkaana ay la il daran yihiin cunto yari, iyo Biyo [...]

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay safiirrada...

$
0
0

Madaxwyenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan looga hadlay howlgalka AMISOM la qaatay safiiradaa dalalka ciidammadooda joogaan Soomaaliya iyo Saraakiishooda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isu yeeray safiirrada dalalkooda ay ku jiraan ciidammada AMISOM iyo saraakiishooda, waxaana uu kala hadlay howlgalka AMISOM iyo in ay muhiim tahay waqtigaan dardargelinta [...]

Madaxweynah oo la kulmay safiirrada dalalka ku jira...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isu yeeray safiirrada dalalkooda ay ku jiraan ciidammada AMISOM iyo saraakiishooda, waxaana uu kala hadlay howlgalka AMISOM iyo in ay muhiim tahay waqtigaan dardargelinta howlgallada ka dhan ah kooxaha nabad-diidka. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey AMISOM iyo madaxdooda sida ay ciidammada Soomaaliyeed u gacan siiyeen, laakiin waxa uu xusay in lagama maarmaan ay tahay in ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya loo diyaariyo dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin sida qalabka iyo waxyaabaha kale ee la xiriira awooddooda, AMISOM-na looga baahan yahay in ay gacan ka geystaan dhismaha ciidammada Soomaaliyeed ee mar ka ugu dambeysa AMISOM kala wareegi doona amniga guud ee dalka. Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in dalka gobollo badan oo ka tirsan ay ka jiraan Abaaro, sidaa darteedna ay waajib tahay in si nabad ah dadka loo gaarsiiyo gurmadka ay u baahan yihiin, iyadoo ay iska kaashanayaan dowladda, ciidammada Qalabka Sida iyo AMISOM oo wadajira. Kulan waxaa joogey oo madaxweynaha ku wehliyey, Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, taliyaha dhanka amniga ee madaxweynaha agaasimaha Guud ee madaxtooyada, safiirka Soomaaliya ee Kenya iyo howl-wadeenno kale, waxaana la isku afgartay in si deg deg ah loo dardargaliyo howlgallada lagu soo afrjarayo kooxaha argagixisada ah [...]

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Ingariiska u soo magcaabdey Soomaaliya. waa safiirkii ugu horreeyey ee uu madaxweynaha J.F. S mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo warqadaha aqoonsiga ka guddoommo, safiirka dowladda Ingariiska Danjire David William Concar, waxaana looga guddoomay xafiiska madaxweynaha. Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka cusub ee dowladda Ingariiska [...]

Fadlan ka qeybqaado caawinta gabadh miskiin ah oo ku...

$
0
0

Farxiyo Diiriye waa curyaan misana dhimirka la,a Waxayna cadeeyeen dhakhaatiirta magaalada Garowe in madaxa buro kaga taalo Islamarkaana aan gudaha wadanka wax looga qaban karin,waxaana intaas usii dheer ma haysato Farxiya ehel iyo qof daryeela toona, waxayna kaga nooshahay Sandaqad uga dhisan bog-cad reero leeyihiin.
Abshir Siciid Jaamac oo ah wiil dhalinyaro ah oo daris la ah goobta ay ku nooshahay gabadhaan Islamarkaana gacanta ku haya ayaa PUNTLAND POST fariin u farey dhamaan ummadda islaamka iyo dadka Soomaaliyeed inay kala qeyb qaataan caawinta gabadhaan Curyaanta ah oo misana xanuunsan.
Waxa uu sheegay Abshir Siciid in muddo saddex sano ah ay ku jirtay Farxiyo Diiriye xaaladaan, Islamarkaana baahida ugu muhiimsan oo ay hadda la tacaalayaan la xiriirto sidii loogu heli lahaa goob ay kusii noolaato madaama sida uu sheegay reerihii lahaa goobta ay ku taalo sandaqa ay ku nooshahay Farxiyo ka dalbadeen in loo baneeyo booskooda oo ay sheegeen inay dhisanayaan.
Haddaba wixii faahfaahin ah ka daawo muuqaalka hoos ku jira, Sidoo kalena kala xiriir Telefon Number +252 907 672558
Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Fadlan ka qeybqaado caawinta gabadh miskiin ah oo ku nool Garowe appeared first on Puntland Post.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live