Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Holland: Siyaasi ku hanjabay inuu masaajidda...

0
0

Siyaasi u dhashay Netherlands oo lagu magacaabo Geert Wilders ayaa sheegay inuu qoxootiga Muslimiinta ah ka hor istaagi doono inay dalkaasi galaan.
Wuxuu hadalkaasi sheegay xilli uu billaabayay ololaha doorashada ee xisbigiisa.
Wuxuu Mr Wilders sheegay in shacabka Holland ay go'aan ka gaari doonaan cidda dalkaasi loo ogolaanayo.
Holland: 'Dadka aan jeclayn dhaqankeena haka guuraan waddanka'
Suudaan oo rabta in ay burburiso 25 kiniisadood
Doorashada oo bil ay ka harsan tahay, taageerada uu xisbiga Wilders haysto ayaa la sheegayaa inay hoos u sii dheceyso.
Weriyaha BBC-da ee halkaasi ku sugan wuxuu sheegayaa in hadalladiisii uu ku taageeray Trump ay sababeen in taageerayaal badan ay ka haraan xisbigiisa.
Hadda hogaamiyayaasha ugu cadcad waxay kala yihiin, ra'iisul wasaaraha talada haya Mark Rutte iyo hogaamiyaha xisbiga The Green, Jesse Klaver.
Wilders ayaa wacad ku maray inuu sifeyndoono wax uu ugu yeeray "wasaqda Morocco".
Wuxuu ku eedeeyay inay jidadka ka dhigeen kuwa aan nabad ahayn.
Wuxuu shacabka Netherlands ka codsanayaan inay dalkooda dib ula wareegaan ayna u codeeyaan xisbigiisa diidan Muslimiinta.
Wilders waxaa si weyn u ilaalinayay ciidamo xilligii uu ku dhex lugeynayay magaalada uu taageerada badan ka haysto ee Spijkenisse.
"Wasaq badan oo Morocco ah ayaa taalla jidadka Holand, kuwaas oo wadada ka dhigay meel aan lagu nabad galeyn," ayuu yiri.
"Haddii aad dooneysaa inaad dalkiina dib u hanataan, dadka reer Netherlands u dhiibta talada, waxaadna u codeyn kartaa hal xisbi oo keli ah." ayuu yiri.
Sida Caalamka uu uga jawaabay go'aanka Trump
Swiss: Gabdhaha Muslimiinta waa inay la dabaashaan wiilasha
Albright 'oo diyaar u ah in lagu qoro diiwaanka Muslimiinta Maraykanka'
Geert Wilders ayaa sidoo kale sheegay inay xuduudda xiranayaan, 'uuna xiridoono Masaajidda'.
Wilders siyaasadaha uu uga deyanayo Trump waxay u muuqdaa in aan laga ogoleyn dalka Holland.
Dad badan oo ka mid ah codbixiyayaasha Netherlands waxay aaminsan yihiin in Trump uu halis ku yahay xasilloonida caalamka.
Siyaasiga hadda ugu shacbiyadda badan waa Jesse Klaver, kaas oo lala mid dhigo ra'iisul wasaaraha Canada, Justin Trudeau.


Dhageyso Martida Makrafoonka

0
0

Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Martida Makarafoonka, waxa London ka soo diyaariyay, islamarkaasina idin la socodsiinaya Ridwaan Xaaji Cabdiwali.

Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington

0
0

Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Caweyska Washington, waxana toddobaadkan la diyaar ah Sahra Ciidle Nuur.

Saraakiil Lagu Weeraray Muqdisho

0
0

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay laba weerar qasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh geystay, kaasoo ay ka danbeeyeen rag gubeysan.

Waaliddiin Walaac Ka Muujiyey Xakunkii Maxkamadda Boosaaso

0
0

Qaar ka mid ah waalidiinta 7 dhalinyaro ah oo ay todobaadki hore Maxkamad ku taalla magaalada Baasooso ku riday xakun dil ah ayaa sheegay in carruurtooda aysan helin xakun cadaalad ah.

Q.M. Oo Faahfaahin Ka Bixisay Abaarta Soomaaliya

0
0

Qaramada Midoobay ayaa faahfaahin ka bixisay heerka ay gaarsiisantahay dhibaatada abaarta ee waddanka Soomaaliya ka jirta waxayna ka digtay in meelo-badan ay ku jiraan xaalad u dhow macluul.

Madaxweynaha Jubballand iyo Wafdi uu hoggaaminayo...

0
0

Kismaayo ( Sh. M. Network)-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku soo wajahan Magaalada Muqdisho.
Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha Jubbaland ayaa Shabelle u xaqiijiyay in u jeedka Safarka Madaxweynaha Maamulkaas uu ugu soo wajahan yahay Muqdisho u jeedkiisu yahay sidii uu uga qeyb gali lahaa Caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Hoggaamiyaha Maamulka Jubbaland ayaa ka mid ah Madaxweynayaashii sida weyn u soo dhaweeyay Doorashadii Madaxweyne Farmaajo.
Caleemo saarka Madaxweyne Farmaajo oo 22-ka bishaan ka dhaceysa Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb gali doono Wufuud kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwa heer Caalami ah.

AMISOM fires mortars at civilian areas near Qoryoley

0
0

African Union forces in Somalia known as (AMISOM) have fired a salvo of mortar rounds at civilian areas outside Qoryoley district in Lower Shabelle region on Saturday night.
Local residents in Farhane, a small village located about 7Km south of Qoryoley town, told Radio Shabelle that more than 20 mortar shells fired by AMISOM have hit their settlement.
Several others villages around Qoryoley were hit by the AMISOM's indiscriminate mortar bombing, according to the residents who spoke on condition of anonymity.
Details of the casualties are yet sketchy, with residents saying some of the mortars smashed into houses in Farhane area, which is under the control of Al Shabaab militants.
AMISOM is yet to release a statement on why they targeted the residential area.


Senator Walaac ka muujiyay Xaaladaha Nololeed ee ka...

0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah Senetor laga soo doortay Maamulka Koofur Galbeed ayaa isagoo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay xaaladda deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Koofur Galbeed.
Sanetorka ayaa ku nuux nuuxsaday in xaalado abaar oo aad u daran in ay ka jiraan deegaanada Maamulka Koofur Galbeed.
Caqabadaha ka jira deegaanada Koofur Galbeed ee bulshada halkaas ku nool saameysay ayuu sheegay in ay ka mid yihiin Cudurka Shuban Biyoodka , Biyo la'aan iyo baad la'aan isku biirsaday dadkaasi.
Sidoo kale Senetorka ayaa hoosta ka xariiqay in inkastoo ay soconayaan dadaallo ballaaran oo loogu gurmanayo dadkaasi hadana ay jiraan meelo qaar aan wax gurmad samafal ah la gaarsiin Karin oo dad Danyar ah ay ku sugan yihiin goobahaas oo sida uu sheegay ay ka arrimiyaan Xarakada Al Shabaab.
Abaaro aad u daran ayaa waxa ay ka jiraan deegaanno kala duwan oo dalka ka tirsan waxaana deegaanada Maamulka Koofur Galbeed lagu tiriyaa meelaha ugu daran ee Abaaruhu saameeyeen.

Alin calls for ‘real’ probe into Hagafey’s murder

0
0

Former Galmudug state President Mohamed Ahmed Alin has called for a real investigation into the murder of ex spokesman of Himan and Heeb administration Mohamed Hagafey.
Speaking to Radio Shabelle over the phone, Mr Alin has urged the security agencies of in Mogadishu, to categorically probe into the official's assassination and bring culprits to justice.
"The cold blood murder of Hagafey should be investigated accurately and bring the killers into justice," said Alin during the interview with Radio Shabelle.
Somali police said they detained several suspects for the murder of Hagafey.
Al Shabaab has claimed responsibility for Saturday's drive-by shooting attacks in Mogadishu that left former Himan and Heeb spokesman dead, and a top Intelligence official wounded.

XOG CULUS + SALDHI MILIYARY BERBERA+ Tvga Laga...

0
0

XOG CULUS + SALDHI MILIYARY BERBERA+ Tvga Laga Leeyahay Dalka Lubnaan Oo Ka Shifay Xadiga Lacageed Ee Lagu Kireeyay Saldhiga Ciidan Ee Berbera Laga Samayn doono Iyo Dawladaha Daaha Dabadiisa Ku Jire Ee Saldhiga Yeelan Doono Oo La Sheegay" SOMALILAND CITIZEN / admin / 19 hours ago Telefishan ama muuq baahiye laga leyahay Dalka Lubnaan oo lagu magacaabo Mayadeen.net oo ka faalooda arimaha ciidamada iyo Saldhigyadooda ayaa galabta shantii galabnimo siidaayay barnaami uu ugu magacadar Maydaaniya, barnaamijkaas oo ay daadihinayeen khabiiro ku takhasusay arimaha ciidamada iyo Saldhigyadooda ayaa lagu qaadaa dhigaayay Saldhiga ciidan ee la shdeegay in dawlada Isutaga imiratka carabtu ka doonayso Somaliland gaar ahaan nagaaloo xeebeeda Berbera iyo saamaynta uu ku yeelan karo guud ahaan madaqada geweska afrika iyo Somaliland gaar ahaan magaalada Berbera ee La sheegayo in Saldhigaas laga samayn doono Masaafo dhan 70KM oo ka bilaamanta garoonka diyaaradaha Berbera oo raacsan xeeliga bada ee dhinaca galbeedka Berbera. Sidoo kale Waxa ay khabiirada sharaaxad lafa gurka ah ku samaynaayay Saldhigaasi sheegeen markii ay dabagal balaadhan ku sameeyeen inaanay jirin dawlada carbeed oo Saldhigaas ciidamo keesanaysaa hase yeeshee ay dilaal macal qabad ah ka yihiin sidii saldhigaasi Berbera uga hirgalilaa iyaga oo gadh wadeen u ah dawlado ay kamid yihiin Israail Iyo maraykanka oo xulufo ah sida ay warbixintaas Tvgaas laga siidaayay daaha ka fayday. Khabiirada sharaxaad ku lafa guraayay amuurtan Saldhiga Ciidan ee Berbera la xidhiidha ayaa ahaa kuwo hore uga tirsanaan jiray Ciidamada dalalka khaliijka iyo wadamada reer galbeedka sida yurub iyo maraykanka. waxaanay dhamaantood sheegen in Saldhigaasi lagu kiraystay lacag dhan Bilyan iyo afar Boqol Oo Milyan oo Dollarka maraykanka ah waa gacanta hore ee Dawlada imiraatka carabtu dhiibtay halkay Masuuliyiinta Somaliland ee Qoyska Madaxtooyaduna qaateen lacag dhan afar Boqol oo Milyan sidoo kale Madaxweynihii hore ee dawlada Xamar Xasan Sheekh Maxamud ayaa isaguna qaatay Konton Milyan oo Doolar waxaanu lacagtaas ku qaatay kaliya saxeex iyo ogolaansho lagu Xidhay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamud Xasshi Cabdi Iyo Wiilka Madaxweyne Siilanyo Sodoga Uyahay ee Baashe Morgan oo ah wakiilka Somaliland ee dalka isutaga imiraatka Carabta oo iyagu ah labada Masuul ee hawshan Saldhiga Ciidan iyo Kireynta Dekeda Berbera ee shirkada DP World ba dabada ka riixaayay danta ugu weyn ee ay ka laaheena ay tahay sidii ay lacag malaayiin dollar ah uga faraqabsan lahaayeen khayraadka dalka iyo ilaha dhaqaale ee dalka iyaga oo eegaya dantooda oo kaliya dalkiina hilfaha ulaabaya. dawladaha israail iyo Maraykanka sababta ay usoo abaansadeeen Dalka isutaga imiraatka carabta ayaa lagu sheegay in ay tahay Ictiraaf la,aanta aanay Somaliland Ictiraaf buux haysan taas sababteedana aanay dawladahaasi heshiis Saldhiga Ciidan lamayadeen.net - This website is for sale! - mayadeen Resources and Information.
This website is for sale! mayadeen.net is your first and best source for all of the information you're looking for. From general topics to more of what you would expect to find here, mayadeen.net has it all. We hope you find what you are searching for!ww11.mayadeen.net
gali karin dawlada Somaliland taas bedelkeedana ay soo abaansadeen dawlada Isutaga imiraatka Carabta oo dilaal weyn ka dhex qaadatay arinka Saldhiga. Warbixnta ama Barnaamijka uu Tvga Almaydeen.net siidaayay aya waxa uu ku sheegay in Saldhigaas ciidan ee dalalka Yuhuuda iyo maraykanku Berbera ku yeelanayaan halis dhinac walba leh kuhayn doono guud ahan shacabka reer Berbera gaar ahaan shacabka masaakiinta ah ee reer Berbera iyaga oo khabiirada arinkan sharaxaayay soo qaatay shuruudo ay sheegeen in ay kamid yihiin waxyaabaha lagu heshiiyay inaan Masaafo 40KM ah loo soo jirsan karin Saldhiga Ciidamadaas djhinacyada Bada iyo barigaba hadiiba uu hirgalo cidii masaafadaas kasoo gudubtana laabta rasaas lagala dhici doono cidina aanay siweydiin doonin Masuulna aanay Xukumada Siilanyo ka ahayn sidii uu hore usheegay wasiirka Madaxtooyada Somaliland markuu Hargaysa uga hanjabaayay dadkii fikirkooda ka dhiibtay Saldhigaas Ciidan ee Berbera laga samaynayo. waxa kaloo shuruudaha lagu heshiiyay ee dawlada isutaga iyo imiraatka Carabta iyo Israail iyo Maraykanku ku heshiiyeen kamida in masaafada Saldhigaas laga samayn doono oo dhan 70KM oo isku weer ah in laga raro reeraha reer guuraaga ah ee miyiga dagan oo aan lagu arki karin iyaga iyo xoolohoodaba hadii lagu arkana la toogan doono cid isweydiinaysaana aanay jirin. waxkasta oo Gudaha Saldhigaas ay Ciidamada dagani la galaana aan laga daba tagi karin macaa aanu Madaxweynaha dalku gali karin. Waxa kaloo la sheegay in Heshiisku yahay 36 sanadood halka ay Baashe Morgan wakilka Somaliland ee dalka isutaga imiraatka carabta Waa wiilka uu Madaxweyne Siilanyo Sodoga uyahay iyo wasiirka Madaxtooyada somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi sheegen in heshiiskaasi yahay 25v sanadood iyaga oo been ka sheegay heshiiskaas kuna soo qoray waraaqo A4 ah oo afsomali ku qoran golayaasha horgeeyay sife sharcioga baalmarsana ku ansaxsaday, Xogaha uu Tvga Almaydeeniya.net baahiyay ayaa waxa kamid ahaa khudbadii Madaxweyne Siilanyo kaga hadlaayay Saldhiga Ciidan iyaga oo khabiiradu arinkaas sharaxaayay sheegay in aanu Madaxweynah Somaliland Caafimaad ahaan hagaagsanayn arinkan Saldhigana wax badan aanu kala socon balse dadka ku xeeran ee ay kamid tahay Marawdiisu wataan arinka Saldhiga iyaga oo macaash lacageed oo badan ka raadinaya wa sida uu tvgu baahiyaye. Sidoo kale warbixnta ayaa waxa lagu Xusay rag la sheegay inay kamid yihiin Qoyska Madxtooyada Somaliland oo uu kamid yahay Wiilka Qaba Hodan Luul Axmed siilanyo Baashe Morgan oo hutelada waaweyn ee wax lagu kala iibsado ee dalka isutaga imiraatka Carabta ufadhiya goor iyon habeen sidii bogcad kamida Bogcadaha qaniga ee Somaliland loo iibin lahaa. ugu dabayntii waxa ay sheegeen klhabiirada arinka Saldhiga Ciidan ka hadlaayay ama sharaxaayay in Saldhigaasi halis badan oo dhinaca nabad galiyada ah ku yeelan doono dalka somaliland oo iyagu ay ku tilmaamayeen Waqooyiga somaliya oo maamul hoosaadalmaydeen.netww7.almaydeen.net
dawlada Federaalka hoostaga samaystay, waxaanay xuseen inay kooxaha alqaacid iyo alshabaab labaduba iman doonaan Somaliland gaar ahaan magaalo xeebeda Berbera iyaga oo ugadhsan doona ciidamada Israaiil iyo mareykanka ee Saldhigaas dagi doona taasina ay abuuri doonto xaalad xasiloo daro oo ka bilaabanta Somaliland iyo Berbera oo saldhigu noqon doon. Gabagabdii ayaa waxa warbixinta Tvga Almaydeen uu baahiyay lagaga dayriyay Saldhigaas ciidan oo halsitiisa wata iyo hadiiba lays qabsado oio aanay Somaliland awood ulahayn inay heshiiskaas ka baxdo iskana saarto Ciidamadaas xoog iyo khasabna lagu haysan doono, waxa kaliya oo warbixintu cadaysay in Baajinta Saldhigaas ciidan uu awood buuxda uleeyahay Madaxweynaha Cusub ee Dawlada Somaliya Maxamed Cabdillahi Farmaajo oo lagu majeerto nin adag oo khayraadka iyo hantida ma guurtada ah ee Dalka Somaliya ku dhagan iyo isaga oo aad uneceb ciidamada shisheeye ee wixii laysku odhan jiray Somaliya jooga in laga saaro, Fahad Osman Ali(Abu Mursal) Free Journalist Dubai UAE Fahadi@gmail.com Visit website

DAWLADNIMO AQOON LA’AANTA SOOMAALIDU ARMAY KA...

0
0

Astaamaha qaran aas aaska u ah waxa ka mid ah; dhul, dad, dawlad iyo sharci. Dhulka ayaa ugu horreeya isaga la'aantiina wax qarannimo ka suura-gali karaa ma jiraan.
Tusaale waxa kuugu filan dadka reer Falastiin iyo ummad weynta Kurdida oo dad haya se dhul loo aqoonsan yahay aannu jirin. Waana sababta ay qarannimadoodu u jaban tahay.
Dadka ayaa soo raaca, oo sugi kara xeerka qarannimada, waa se marka ay is ogol yihiin ee ay wada jiraan. Heshiiskaa bulsho ayaa qarannimo dhisi kara. Isla heshiiskaa bulsho ayaa ah dawladda aad maqasheen in badan. Iyada ayaana waa dawladnimada e, dhulka iyo sharafka umadda lagu ilaashadaa.
Dawladnimada heshiiska bulsho ku timid waa ta lagu unko astaamaha waara ee qaranka sida; calanka, lacagta iyo ciidanka. Dawladda lafteedu waa golayaasha sharciga iyo maamulka, sida barlamaanka, maxkamaddaha iyo xukuumadda.
Intaasina shaqo ma qaban karaan haddii aaney dajin sharci raali lagu kala yahay oo qarannimada lagu wado. Waxa se nasiib-darro ah in Soomaalidu astaamaha qaranka tusaale xun ka haystaan.
Ammuurtaa waxa caddayn u ah sida loo fahmay dhul oo beel heblaayo loo gu suntay mulkiyaddeeda, sida loo fahmay dad oo qabiil iyo abtirsiin aan lugo adag ku taagneyni hoggaanka u qabatay. Bal hadda eeg Federal ku sheega Soomaalida ee qabiilka lagu salleeyey.
Waana sida loo heshiin waayey ee aan loo fahamsaneyn dadnimada iyo sida ugu wanaagsan ee ay ku ilaashamayso. Dadnimo waxa ilaaliya sharci korniin maskaxeed ku yimi, dhaqaale fiican oo qurxiya jirniinka dadka iyo amni xasilliya nafaha baqashada badan ee aadannaha ku jira, isla markaana joojiya damaca halista badan ee cabsida sababta u ah.
Qarannimadu waa in dadnimo la helo, oo ummad sharafteedu jirta la ahaado. Ummadaha kale ee liita badi waa ummado la dulmay oo si uun loo ga xoog iyo xeelad roonnaaday. Soomaali se iyada ayaa is-dulmiday. Waxaa aad aragtaan ee la leeyahay waddamada jaarka ayaa na walaaqaya waa been.
Haddii ay ciddi cid walaaqayso Soomaali ayaa is walaaqaysa, oo meel aad u hoosaysa ka fekeraysa. Arrinta Federal ku noqon mayso mid shaqaysa waligeed. Soomaalida Koonfurta dhaqaale xumo weyn ayaa soo wajihidoonta iyo dawladdo yar yar oo aan sinaba isku bixin karin
Taas ayaa dib u burburrin doonta, oo dawladnimadooda halligi doonta. Ogow haddii dhaqaale la waayo waxa ugu horreeya ee faraha ka baxayaa waxa uu noqon doonaa amniga.
Maanta Soomaali waa ay dhawdahay haddii ay ka tanasullayso nidaamka Federalka oo ah mid aaney ku rabbaysmi karin. Waa nidaam shisheeye soo waariday oo aan dhaqanka iyo garashada Soomaalida midna ku tolmi doonin. Isla markaana,
nabad iyo dhaqaale dhis aan u adeegi doonin.
Mohamed Hagi Mohamoud

Ciidanka Ciraaq oo bilaabay duullaan ay ku...

0
0

Ciidanka Ciraaq ayaa billaabay guluf weyn oo ay dib kaga qabsanayaan qaybta galbeed ee magaalada Mosil mintidiinta Dawladda Islaamiga.
Wariye BBC ka tirsan oo la socda ciidanka Ciraaqiyiinta ayaa sheegaya in boqolaal gaari iyo rag badan ay ka qayb qaadanayaan, kuwaasoo ay cirka ka taageerayaan dayaaradaha dagaalka ee xulafada oo garaacaya fariisimaha mintidiinta.
Ilo xagga milateriga ah ayaa sheegay in ugu yaraan laba tuulo dib looga qabsaday kooxda.
Moosil ayaa ah halkii ugu dambeysay ee ay kooxda IS xoogga ku lahaayeen gudaha Ciraaq.
QM: Hala ilaaliyo rayidka ku go'doonsan Mosul
Xoogagga dawladda waxay bishii hore la wareegeen qaybta bari ee magaalada, ka dib todobaadyo ay dagaallo culus socdeen.
Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday xoogagga Ciraaqiyiinta inay xaqiijiyaan bedqabka boqollaal kun oo qof oo magaalada ku xayirmay.

Sheekh Cumar C/raxmaan oo ku dhintay xabsi Maraykanka ku yaalla

0
0

Wadaadka oo lagu eedeeyey inuu ahaa maskaxdii ka dambaysay tiro weerarro bambooyin ah oo la qorsheeyey in lagu qaado New York horraantii sagaashameeyadii ayaa ku dhintay xabsi ku yaalla Maraykanka, sida ay qoyskiisu sheegeen.

Sheekh Cumar C/raxmaan oo ku dhintay xabsi...

0
0

Wadaadka oo lagu eedeeyey inuu ahaa maskaxdii ka dambaysay tiro weerarro bambooyin ah oo la qorsheeyey in lagu qaado New York horraantii sagaashameeyadii ayaa ku dhintay xabsi ku yaalla Maraykanka, sida ay qoyskiisu sheegeen.
Sheekh Cumar Cabdiraxmaan wuxuu ahaa wadaad indha la' oo wacdi ka jeediya masaajid ku yaalla New York, waxaana 1996 lagu xukumay xabsi daa'in, ka dib markii lagu riday xukun ah inuu weerarro qorsheeyey.
Waxaa la sheegay inuu maleegay tiro weerarro ah, oo bartilmaameedkoodu ahaa goobo caan ah oo ku yaalla New York, isagoo ujeedadiisu ahayd inuu Maraykanka ka joojiyo inuu taageero Israa'iil iyo Masar.
Waxaa lagu eedeeyey inuu ahaa maskaxdii dhiirri galisay qaraxii xarunta ganacsiga adduunka , laakinse laguma helin inuu ku lug lahaa weerarka.
Xaakimkii dacwadiisa qaadayey wuxuu sheegay in haddii qorshayaashiisu ay fuli lahaayeen, ay kumanaan qof dhiman lahaayeen.
Geerida Shiikha waxaa Qaahira kaga dhawaaqay qoyskiisa.


Farmaajo oo cumreysanaya caleemo-saarka kadib

0
0

Kn: Safarkii ugu horeeyey ayaa lagu wadaa in uu dalka dibadiisa ku aado madaxweynaha cusub Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna u safrayaa dalka Sucuudiga halkaasi oo la sheegey in uu kusoo cumreysanayo.
Wuxuu safarkani aadayaa xili dalka hawlo aad u culus ay yaalaan, loogana fadhiyo waxqabad.
KismaayoNews.com

Madaxweyne Cali C/llahi Cosoble ayaa la filayaa in...

0
0

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Cali C/llahi Cosoble oo gaaray magaalada Jowhar ayaa warbixin kooban siiyey qaar ka mid ah shacabka uu Madaxweynaha yahay. Mudane Cosoble ayaa shacabkiisa u sheegay in uu ka xunyahay dib u dhaca ku yimid magacaabista Golahiisa wasiirada balse waxa uu xusay in ay howlo kale ku mashquulsaneyn isla markaana ay mashquul ku ahaayeen Masiir Qaran. Madaxweyne Cali Cosoble aya balan qaaday in uu si deg deg ah ku magacaabayo golahiisa Wasiirada si ay ula jaanqaadan dowlada cusub ee uu soo dhisayo madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya waxa uuna xusay in uu Muqdisho ku laaban doono si uu uga qeyb qaato Xaflada Caleema Saarka Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya.

Malayshiya oo u yeertay danjiraheeda dilkii Kim ka dib

0
0

Dawladda Malayshiya ayaa u yeertay danjirahoodii Kuuriyada Waqooyi ka dib markii uu ka sii daray muranka ku saabsan dilkii Kim Jong-nam oo ay isku aabo yihiin madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.
Kim Jong-nam ayaa si aan macluumaad badan laga haynin ugu geeriyooday magaalada Kuala Lumpur todobaadkii hore, booliisku waxay rumaysan yihiin in la sumeeyay isaga oo sugaya duulimaad.
Booliiska ayaa sheegay in ay hadda baadigoobayaan afar ruux oo Kuuriyada Waqooyi u dhashay.
Danjiraha Kuuriyada Koonfureed ee dalka Malayshiya ayaa sidoo kale su'aalo laga waydiiyay hadal uu horay u jeediyay.
Inkastoo uu jiro tuhun ballaaran oo ku aadan in Kuuriyada Waqooyi ay ka dambaysay dilkan, haddana wax caddayn ah looma hayo, Pyongyang illaa iyo hadda war rasmi ah kama aysan soo saarin dhacdadaas.
Kuuriyada Koonfureed ayaa sheecisay in Kuuriyada Waqooyi ay soo maleegtay dilkaas.
Dhanka kalana muuqaal u muuqda in uu muujinayo dilka ayaa soo baxay, waxaana laga sii daayay telefeshin Japan laga leeyahay.
Siduu ku yimid murankan dublamaasiyaddu?
Malayshiya ayaa ka mid ahayd dalal kooban oo joogteeyay calaaqaadka dublamaasi ee ay la leeyihiin Kuuriyada Waqooyi, balse dilkan ayaa murjiyay xaaladda.
Todobaadkii hore ayayna Malayshiya diiday in ay aqbasho dalab uga yimid Kuuriyada Waqooyi oo ahaa in ay fasaxaan Maydka Kim isaga oon baaritaan lagu samaynin sababta uu u dhintay.
Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo walaalkiis la dilay
Kuuriyada Konfureed oo xaqiijisay in la dilay madaxweynaha Kuuriya Waqooyi walaalkii
Baaritaankii maydka Kim Jong-nam oo la soo gabogabeeyay
Arrintaas ayaa sababtay in danjraha Pyongyang ee Malayshiya Kang Chol in uu Kuala Lumpur ku eedeeyo in ay "wax qarinayso"
Arrintaas ayaana sababtay in wasaaradda arrimaha dibadda ee Malayshiya ay si caro leh uga jawaabto iyada oo sheegtay in eedayntaasi "aysan sal lahayn". waxayna intaas ku dartay in ay masuuliyadooda tahay in ay baaraan dhimashada Kim maadaama oo uu Malayshiya ku dhintay.

Yaa gacanta ku haya ammaanka Muqdisho?

0
0

Inta badan shacabka Soomaaliya ayaa rajeynaya in dowladda cusub ay sugi doonto ammaanka dalka, sidaa oo ay tahayna waxaa weli taagan qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacaya caasimadda Muqdisho.
Qaraxii ugu dambeeyay ayaa shalay ugu yaraan 30 qof ku dilay suuq ku yaalla Muqdisho.
Madaxweynaha cusub Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo xalay qaar ka mid ah dadka qaraxaasi ku dhaawacmay ku booqday cisbitaalka Madina, ayaa sheegay in $100 kun oo doolar ay dowladdu siinayso qofkii soo sheega, gaari qarax sida ama xog wanaagsan ka keena ka hor intuusan qaraxu dhicin.
Haddaba xilligan la joogo yaa gacanta ku haya ammaanka Muqdisho?
Su'aashaasi iyo kuwo kale ayaan Suheyba Badqas weydiisay Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka fallooda arrimaha caalamka. Khadka telefoonka ee Muqdisho ayuuna ugu warramay.

Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Magaalada Jowhar

0
0

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle ayaa ku waramaya in qarax xoogan in uu ka dhacay meel ku dhow Madaxyooyadda Maamulkaas.
Qaraxa ayaa la sheegay in goobta lagu diyaarinayay islamarkaana la doonayay in lagu waxyeeleeyo mas'uuliyiin ka Tirsan Maamulka Hir-shabeelle oo guri daganaa sida ay inoo sheegeen dad halkaas ku sugan.
Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku dhintay hal gabar oo kamid aheyd qoyska, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay Gabar kale oo isla qoyska kamid aheyd.
Intaa kadib waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray guddoomiyaha Cusub ee gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka Hir-shabeelle Axmed Meyre iyo guddoomiyaha degmada Jowhar Cabdiqaadir Buurfuule iyo taliyaha ciidamada nabadsugida gobolka Shabeelaha Dhexe Xaayow.
ilaa haatan ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa.
The post Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Magaalada Jowhar appeared first on Puntland Post.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live