Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Farmaajo:-“Qofkii Soo Sheega Gaari Walxaha Qarxa...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi maxamed (Farmaajo) oo xalay booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay Xaafadda Kaawo Godey ee degmada Wadajir ayaa sheegay in dowladda Soomaliya ay u fidin doonto gar-gaar dhanka dibada ah dadka aan dalka Gudihiisa waxa loogu qaban Karin.
Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Cadowga Umada Soomaliyeed ee Al-shaabaab weerarkii shalay ay fuliyeen uu ka turjumaya bahalnimadooda,wuxuu ugu baaqay Ciidamada kala duwan ee Dowladda Soomaliya iyo shacabka Soomaliyeed in ay u midoobaan dagaalka Al-shabaaab lagula jiro.
Dhanka kale madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Farmaajo, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay u midoobaan arrintaan qatarta nagu ah, waxa uu ballan-qaadey in dowladdiisa ay ku abaalmarin doonto qofkii soo sheega Gaari walxaha qarxa lagu sameynayo 100,000 (Boqol Kun oo Dollar), ciidammada Qalanka Sida ayuu sheegay in dhowaan ay qaadi doonaan tallaabooyin adag loo arrimahaasi looga jawaabayo.
"Qod walba oo dowladda kusoo wargaliya waxyaabaha qatarta ku ah shacabka iyo dowladda, islamarkaana lagu guuleysto soo qabashada qofkaas,dowladdda waxa ay ku abaalmarin doontaa 100,000 (Boqol Kun oo Dollar),"ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed (Farmaajo).
The post Farmaajo:-"Qofkii Soo Sheega Gaari Walxaha Qarxa Lagu Sameynayo 100,000 ayaa Lagu Abaalmarin Doonaa", appeared first on Puntland Post.


DFS oo go’aan aan la fileynin ka qaadatay Canshuurta...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Warqad kasoo baxday Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka Nuur Faarax Jimcaale, ayaa waxaa lagu hakiyay Canshuuro Sharci darro ah ee laga qaadi jiray Ganacsatada Soomaaliyeed.
Warqada kasoo baxday Xafiiska Hanti dhowrka Qaranka, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in ilaa iyo amar danbe la hakiyay Khidmada lasiiyo rugta Ganacsiga.
Hanti dhowrka Qaranka waxa uu sheegay in sababaha loo hakiyay ay qeyb ka tahay Cabashooyinka isdabajooga ah ee ka imaaneysa Ganacsatada.
Ganacsatada ayaa cabasho xoogan ka muujinayay Khidmadda qaadisteeda ay Mas'uulka ka tahay Rugta Ganacsiga iyo shaqsiyaad si iskood ah Ganacsatada uga aruuriya lacago ay ku sheegeen Canshuuraad.

Xogo dheeraad ah oo laga helaayo Qarax ka dhacay...

$
0
0

Jowhar (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax culus oo ka dhacay guri ku yaal meel ku dhow Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle ee magaalada Jowhar.
Qaraxa ayaa la sheegay in lagu diyaarinaayay guriga uu ka dhacay, waxaana la sheegay inuu geystay khasaaro kala duwan.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay hal gabar, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay Gabar kale.
Guriga qaraxa ka dhacay ayaa la sheegay in ay degenaayeen qaar ka mid ah mas'uuliyiinta Dowlada Hoose ee magaalada Jowhar balse waa ay ka badbaadeen oo waxba kuma noqon sida ay sheegeen weriyaal ku sugan magaalada Jowhar.
Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa gaaray guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre iyo guddoomiyaha degmada Jowhar Cabdiqaadir Buurfuule iyo taliyaha ciidamada nabadsugida gobolka Sh/dhexe Xaayow.
Si dhab ah looma oga sababta ka danbeysay Qaraxa, walow ay jiraan warar sheegaya in Qaraxa uu ahaa mid diyaarsan oo meel ku wajahnaa.Caasimada OnlineXafiiska JowharCaasimada@live.com

Farmaajo & Gaafow oo shacabka usoo bandhigay fursad...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa mar kale shaaciyay in cidii sheegtaa Al-shabaab uu siin doono lacag dhan $100,000.
Madaxweynaha waxa uu sheegay in lacagta intaa dhan uu ku abaalmarin doono cidii soo sheegtaa macluumaadka looga hortagi lahaa Gaari walxaha qarxa lagu xiray.
Madaxweynaha waxa uu mar kale sheegay in shacbiga Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka faa'iideystaan fursadaani oo loogu magac daray "hal maalin ku taajir".
Sidoo kale, waxaa isna ballanqaad sameeyay Taliyaha Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud oo sheegay in dadka soo sheegay Qaraxyada iyo Maleeshiyaadka ku hubeysan Bastoolada uu siin doono lacag dhan 10,000 oo Dollar waa sida uu sheegay Taliyaha NISA.
Gaafow waxa uu tilmaamay in dadka shacabka ah ay kala soo xiriiri karaan lamberka 991 NISA oo uu sheegay inuu yahay mid xili waliba la dul taagan yahay.
Dhinaca kale, ballanqaadyada noocaani ah ayaan intabadan waxaan fulin Taliyayaasha Hay'adaha amaanka oo iyagu mararka qaar sheegida macluumaadkaasi qaab kale u fasira.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Malayshiya oo u yeertay danjiraheeda dilkii Kim ka dib

$
0
0

Dilkii aan wali la ogaanin cidda ka dambaysay ee Kim Jong-nam ayaa dareen kala dhexdhigay Malayshiya iyo Kuuriyada Waqooyi

Farmaajo oo sheegay in $100 kun oo dollar la siindoono qofkii qarax soo sheega

$
0
0

Madaxweynaha ayaa hadalkaasi sheegay ka dib markii uu cisbitaalka ku booqday dadkii ku dhaawacmay qarixii shalay ka dhacay Muqdisho oo ay ku dhinteen in ka badan 34 qof.

Muqdisho oo u diyaargaroobaysa Caleemasaarka...

$
0
0

Muqdisho-(SONNA)-Maalinta Beri ah oo taariikhdu ku beegan tahay 22/02/2017 ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho ka dhacdo Munaasabadda Caleema Saarka Madaxweynaha Cusub ee dhawaan la doortay Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo. Muqdisho ayaa u muuqato mid u diyaarsan in ay qaabisho Wufuudda Caalamiga ah ee la filaayo in ay kasoo qayb galaan Caleema Saarka Madaxweynaha Cusub [...]

Kooxo Burcad ah oo qof shacab ku dilay Muqdisho.

$
0
0

Koox hubeysan oo watay Mooto bajaaj ah ayaa wax yar ka hor ku dilay nin dhalinyara ah agagaarka suuqa Khaliifa ee ka tirsan suuqa weyn ee Bakaaraha waxaana ay wararka sheegayaan in ay ka dhacayeen Mobile uu watay Marxuumka la dilay. Marxuumka la dilay oo magacaabayey Saciid ayaa ka mid ahaa Ganacsata ka shaqeysta Suuqa [...]


Islaamiyiinta Soomaaliya & dhisidda Dowlad Madani ah...

$
0
0

Islaamiyiinta Soomaaliya & dhisidda Dowlad Madani ah
Mahdi Musemahdimuse@hotmail.comFebruary 21, 2017Qeexid:
Ereyga Islaamiyiinta ma turxaan baxsana, mana ku niyad sami adeegsigiisa, waliba Dal & Dad Muslim ah, laakiin waa magac u yaal caan baxay, oo ku suntan dhaq-dhaqaaqyada diiniga ee ka soo hor jeeda mabaadida Caanka ka ah wadamada Reer galbeedka, sida Cilmaaniyada, Lebraliyada & Shuuciyada.
Dowladda madaniga waxay xariir la leedahay Fahamka wadaniyada ee Casrigan baahay. waxay ka dhaxeysaa umad ku kala duwan Dinta, dhaqanka, Caadaadka & Luqada. Waxayna u balan qaadeysaa wada noolaansho siman oo caddaalad ah. nasiib wanaaag Soomaalidu baahidaa ka mjirto, laakiin waxaa jira Fikrado kala duwan oo laga soo min-guuriyay wadamo ku kala duwan arimaha kor ku xusan.Taarikhda Islaamiyiinta:
Dhaq-dhaqaaqa Islaamiyiinta Soomaaliya, waxaa laga bilaabi karaa horaanti Todobaatameeyadii. Intii ka horeysay Kacaankii Oktoobar 1969 ma jirin dareen Siyaaasi oo Magac islaami wata. fariintii Shiikh Nuur Cali Coloow, aasaaas ha u haato Dacwada Salifiyada ee soomaliya, haddana ma aheyn mid leh ficil Siyaasi oo Talaaabo qaad maaggan.
Maadada Tafsiirka ee Shiikh Maxamed Macalim, xad- gudubkii Kacaanka Oktoobar ee Xeerka Qoyska, labaduba waxaa la dhihi karaa waa Muuqaalka kala saaray Islaamka Siyaaasiga ee Soomaaliya & Dacwadii ay Culumadu horey u wadeen, ha ahaaadeen kuwa Salafiyada ee Xijaaz naga soo gaaray ama kuwa Azahar ee masar ka soo biyo cabay.
Taariikhda Soomaaliya, ma soo marin Dhaq-dhaqaaq xagga fikradda ah, Xisbiyadii Siyaasi & siyaasiintuba, waxey ahaayeen garab rarato maalinba meel u jeeda. tiro yar ayaa fikardaha cilmaaniyada & Shuuciyada ka soo qaatay Wadamadii ay waxbarashada u tageen (Yurubta & Midowga Sofiyeeti) ayaguna ma aheyn xisbi nidaamsan , oo leh diyaar gareyn qof, Bulsho & dowlad toona.
Islaamka Siyaasiga, waxuu noqday dhaq-dhaqaaq Siyaasi oo leh Mabda & Maamul dhisan kii u horeeyay Taraiikhda Soomaaliya. Waxuu kulansaday dhaqan aan soomaliya horey looga aqoon. waxuu ka gudbay xeyndaabki qabiil, oo ay Bulshada Soomali isku sooci jirtay. waxuuna ku baahay gudaha Bulshada Soomaali oo dhan, waliba asagoo magac diin wata. waxaa si siman u raacay Saraakiishii Ciidmada, Shaqalihii Dowladda, Dhalintii & Dumarki.Hanaqaadka Islaamiyiinta:
Kacaanki Oktoobar Shuuciyada ka sokoow, waxuu dareen ka qaaday fal-galka Islaamiyiinta ee Bulshada, waxuuna is tusay in dhawaaqa Masjidka uu cariiri galin karo Bulsho BIladii Oreteeshinka lagu hayay. waxuu qaaday dagaal saf dheer ah. Xabsi, Musaafirin & Dil intuba wuu ku dayay xubnihii Islaamiyiinta ee markaa muquday, laaakin Mabda,a dartii & tarbiyada qofka oo adkeyd waxba ma saameyn fal-celintii uu Kacaanku u adgesaday in uu uga hor tago islaamiyiinta Soomaaliya.
Dhawaaqa Islaamiyiintu waa kululaa, waxuuna xoogga saaray qadiyada xaakimayada. waagaa waxaa hal-heysa ahaa, oo carabka islaamiyiinta ku badnaa Aayadaha Xaakimiyada ka hadla, kuwaa oo ku maldahan gaaleysiin Magaca Dowladda & waxii xariir la leh, xataa mararka qaar gaaleysiintu waa gaareysay shaqalaha Dowladda sida Boliska & Manashiibiyada suuqa kala hagta.
Banabaaxii Masjidka Shiikh Cali Suufi, ee ku sunatanaa 11-July-1989, waxuu ahaa mid sawiray Muqaalka awoodda Islaamiyiinta Soomaaliya. waxuuna siiyay Dowladda dareen ah in Dagaalka soo socda uu noqonayo Masjidka & Madxtooyada, laakin Fal-celinta Dowladda markan wuu ka yaraa inti la filayay. Si taa ka duwan Islaamyiinta ayaa Talaabo dheeri qaaday. waxaa faafay Dhawaaqooda,sida in Dowladdu ay ogaal u leedahay, raalina ka tahay, sidoo kale waxaa billoowday aragtida jihaad doonka ah, oo ayana naga soo salaantay Afganistan. arimahan oo leh Fikradda Galeysiinta Dowladda, Iska caabinta & u diyaargaroowga qaadashada hubka, intuba waa talaabo ay Islaamiyintu uga qeyb qaateen Bur-burinta magacii Dowlad ee Soomaaliya.
Dhicitaanki Siyaad Bare26-Jan-1991 ma noqon jab gooni ku ah kacaanki Oktoobar. Waxuu calaamad u noqday bur-bur haleela Qarnimadi Soomaaliya, waxuuna laaalay damacii laga qabay in la helo Dowlad Madani ah oo dadka sinaaan & cadalaaad ku idleysa. Waxaa booski kaligi talisnimo buuxiyay, fowdo & Colaaad qabiil, oo aan cidna ku liibaanin.Islaamiyiinta & Qaranimada Soomaaliya:
Islaamiyiintu door ha ku lahaadeeen kicintii Bulsahda, laaakiin uma u suuro galin in ay wajahaan xaaladda cusub ee ay Soomaaliya gashay, waxaa sii dheer in aysan la iman Mashruuuc siyaasi oo hadafkooda gaarsiin kara. taa badalkeeda waxaa ku yimid hooos u dhac saameeyay Jirtaankoodi mideysnaa. waxaa soo baxay ururo hubka qaaday oo ka farcmay Islaamiyiinta qaar, kuwaa oo hadaf ka dhigtay Dowlad Islaami ah, laakin awoood ku dhisan, taa oo ka fog isla tashi & wax isku darsi. waxaase laga dhaxlay guul daro reebtay damaaar Dad & Deegaan ah.
Garabyada Madaniga ee Islaamiyiinta,ma laheyn awoood ay Bulshada ku saameyn karaan, Masaajidda & Goobaha Tacliinta waa booska kaliya ee ay farintooda si fiican ugu guteen, laakiiin Macnaha Dowladnimo & Mashruuc Siyaaasi oo islaami ah waa ka fogaayeen, waxeyna Uga sugnaayeen xaalad faqri oo aysan garab u heysan, taa oo fasireysa in islaamiyiintu ay magac Dowlad Bulshada ugu yeereen, laaakin aysan akhrisan xaraf ka mid ah xarfaha dhigaya macnaha dowladnimo.
Kacdoonki Maxkamadaha Islaamiga, ha,ahaado mid shacbiyad leh, haddana waxaa lagu tilmaami karaa Aalad ay adeegsadeen Islaamiyiinta Soomaaliya, si ay u gaaraan Hadafkoodi dowladnimo.
Dhagarta dibada ka sokow Islamiyiintu way maareeyn waayeen Mu,asasada weyn ee Magaca Maxkamadaha ku kulmay. waxaana ka dhashay in ay si fududu u qeybsamaan, waxaa ka daran taa in ay gacanta u galeen Dowlado shisheeye oo mashruucoodi hantay, aygoo u arka Saaxiibbo & naasixiin shaqo wadaag la,ah, taa oo la dhihi karo waa ubucda xujada ah ee sugtay in islaamiyiinta Soomaaliya aysan u bisleyn mashruuuc dowladeed gaarsiisan heer caalamka lagula fal-galo
Garabkii Maxakamadaha ee Shiikh Shariif, waxaa u suuro galay in ay soo gudbiyaan mashruuc nabadeed, si ay qorshahooda ugu gaaraan, waxuu u muuqday mashruuc siyaasi oo dhaxal gal ah, laakiin kala duwanaanta afkaarta, Kalsooni yarida xubnaha garabka & dabeecada kaligii talisnimo ee Soomalida ku abuuran, intuba waxey u badashay mashruucii mid aan dan & dheef toona laheyn.
Shiikh Shariif waxuu noqday Madaxwxeynaha Soomaliya, xubno badan oo islaamiyiintana waxay buuxsheen Golihii fulinta & kii Sharci dajinta ee Dalka, haddana ma muuqan hal Mashruuc oo la dhihi karo waa isabdal ay ka sameeyeen magacii Dowlad & macnihii ay u dhigneyd, iskdaaye waxaa batay tuhmada ah in masuq-maausqu uu ku baahay golayaasha dowladda, waliba xafiisyada ay Islaamiyiintu u sareeyaan.
Daliiil tan ugu dhow ayaa noqon karta Dowladdi Xasan Shiikh. Waxaa ku hareereysnaa garab ka mid ah islaamyiinta Soomaaliya, waliba xubno aqoon & Xirfad leh, haddana shakiga Fasaadka, Caddaalad darida & waliba gacan saarka dhow ee ay la yeesheen Dowladda Itoobiya, intuba waxuu u dhameeyay mashruuci Islaamiyiinta ee Dowlad Islaami ah, taa oo badel ka noqota Dowlad Madani oo ah tan suuqa ka heysata caalamka, Soomaaliduna u dhago nugshahay manta.Fahamka Dowlad wadaagga:
Khudabadi Shiikh Bashiir, uu ka jeediyay Baarlaanka maalinti Doorashada madaxweynaha, waxey aheyd billoooow muujinaya in Islamiyiinta Soomaaliya ay u bislaadeeen fahamka Dowladnimo, suuro galna ay tahay in masjidka & Madaxtooyadu ay wadaag ku noqon karaan hanaan Dowladnimo oo Soomaali weyn ka dhaxeyso, aydoo laga duulayo danta guud ee bulshada.
Shiikh Bashiir waxuu codkiisa ku biiriyay in la taageero cidda qaadi karta amaanda Dalka & dadka Soomaali. trio badan oo Islaaamiyiin ah ayaa lahaa cod bixinta, sidoo kale musharxiinta tartamayay, waliba Sadexdi xubno ee isku soo haray (Farmajo, Xasan Shiikh & Shariif) labada dambe waxey gacan saar la ahaayeen Islaamiyiinta Baarlamaanka dhoobnaa, haddana sidaa ay tahay waxaa codkii si siman loogu biiriyay Sanduuuqi Mudane Farmaajo, oo heystay kalsoonida shacbka, una muuqday Nin karmeed jili kara Dowladda madaniga ee Sooomaaliya loo rabo.
Tusaalahaa & fahamka Guud ee Culumada qaar, waxay na siineysaa natiijo ah in islaamiyiinta Soomaaliya ay dhacday in Dowladnimadu ay wadaag tahay, diyaarna u yihiin la jaan- qaadka Dowlad kastaa oo Soomaaliya ka dhalata, taa oo xad u yeeleysa Dagaalka diimeeed ee ka dhaxeeya Masjidka uu fadhiiyo Shiikh Maxamed & Madaxtooyada uu ka taliyo Maxamed kale oo isna Islaam ah.

'100 qof oo shaqada laga ceyriyay ka dib markii ay Trump ku bannaan bexeen

$
0
0

In ka badan 100 qof ayaa shaqada laga ceyriyay ka dib markii ay ka qeybgaleen dibadbax looga soo horjeeday xayiraaddii Trump ee ka dhanka ahayd Muslimiinta qaxootiga ah.

Dad isku qarxin rabay maxkamad oo Pakistan lagu laayay

$
0
0

Ugu yaraan hal qareen ayaa dhintay kuwo kalana way dhaawacmeen ka dib markii la weeraray maxkamad ku taala waqooyiga galbeed ee dalka Pakistan, sida ay sarakiishu sheegeen.

Aqriso magacyada iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan...

$
0
0

Muqdisho (Caasimadda Online) - Waxa shalay lagu dhawaaqay wasiirada cusub ee maamulka Hirshabelle, waxaana halkaan hoose idinkugu soo gudbineyaa liiska wasiiradaas iyo qabiilada ay kasoo kala jeedaan
NOMAGACAWASAARADDAQABIILKA1. Maxamed Cali CaadleArrimaha GudahaAbgaal - Agoonyar2. Xil. Cali Xaaji Cabdulle (Isgow)Beeraha Iyo WaraabkaShiidle 3. Xil. Eng. Cabdikarin Cali NurDekedaha Iyo Gaadiidka BaddaXawaadle - Agoon4. Xil. Iidle Siyaar Shekh Khalifkalluumeysiga Iyo Kheyraadka BaddaDir - Fuqu Maxamed5. Xil. Maxamed Ibraahim Cali (Sanbuur)AmnigaGaaljecel - Dirsame6. Xil. Maxamuud Sheikh CaliShaqada Iyo ShaqaalahaMakanne7. Sabriye Cismaan ToxobowGanacsiga Iyo WarshadahaAbgaal - Warsangali8. Dr. Maxamed Maxamuud CabdulleMaaliyaddaXawaadle, Cabdalle9. Xil. Mahad Xasan CismaanWarfaafinta iyo DalxiiskaReer Aw-Xasan10. Xil. Maxa'ed C/le Maxamud (Batalale)Gaadiidka Iyo Duulista HawadaAbgaal, Da'uud11. Maxamed Cabdi C/llaahi (Gabiley)Qorsheynta Iskaashiga Caalmiga Iyo Xiriirka Qurbe JoogtaBaadi-Cadde12. Xil. C/qaadir Cusmaan CabdusalaamGarsoorka Iyo Arrimaha DiintaJajeelle13. Xil. Shuceyb Cabdikarin MuminBiyaha, Macdanta iyo TamartaGaaljecel, Barsane14. Xil. Cabdiqani Aadan Jeele Xanaanada Xoolaha, Dhirta Iyo DaaqaGaaljecel, Makaa'iil15. Xil. Cabdullaahi Axmed CaddowBoostada Iyo Isgaarsiinta Xawaadle16. Xil. C/qani C/llahi Hilowle (Jenyo)Dhalinyarada, Isboortiga iyo Dhaqan Celinta MaleeshiyadaDagoodi.17. Xil. Dr. Cabdullahi Shekh AbukarWaxbarashadaAbgaal, Wacbuudhan18. Jamac Xuseen XaashiHowlaha Guud iyo Guryeeynta Moobleen19. Cabdikarin Nur Xasan (Doobyare)Bii'ada Iyo Hormarinta Reer GuuraagaHabar-gidir, Ceyr20. Axmed Cabdikarin MaxamedCaafimaadka Iyo Daryeelka Hooyada Iyo DhalaankaUjeejeen21. Sacdiya Maxamed Nur (Burus)Haweenka iyo Xuquuql InsaankaAbgaal, Abokor22. Xil. Khadar Xasan Maxamed Dastuurka iyo Arrimaha FederaalkaHillibi - Dalandoole23. Yusuf Axmed Hagar "Dabageed"Dib U Heshiisiinta iyo Isdhexgalka BulshadaXawaadle - Cali Madaxweyne
Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Xog kusoo korortay Hubka ay Dowlada Ethiopia ka...

$
0
0

Kismaayo (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Dowlada Ethiopia ayaa Hubka noocyadiisa kala duwan ku daabuleysa magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland.
Hubka ayaa la sheegay in badankii laga dajiyay Garoonka magaalada Kismaayo isla markaana uu ahaa mid ku socday Maamulka Jubbaland.
Hubka ayaa waxaa ku jira noocyada casriga ah oo ay kamid yihiin nooca loo yaqaan Anti-tank oo aan laga helin suuqyada lagu iibiyo Hubka ee Somalia iyo Keydadka Hubka DFS.
Ujeedka Hubkaani ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay mid ay Dowlada Ethiopia ku hubeyneyso maamulka Jubbaland si ay ugu awood sheegato Dowlada Somalia ee cusub maadaama ay ka weecatay xiriirka ka dhexeyn jiray Ethiopia iyo Dowladihii hore ee ka talo qaadan jiray Dowlada Ethiopia.
Noocyada Hubkaani ayaa la sheegayaa inay yihiin kuwa sida ba'an loogu gumaado Shacabka oo ay ku jiraan qoryaha Baasuukaha iyo qoryo kale oo casri ah.
Waxaa hubka lagu daabulaayo magaalada Kismaayo ku jira miinooyinka casriga ah ee loo yaqaan C4 oo laga helo suuqyada Madow ee aanu xorta aheyn sida suuqyada Ukrenia.
Waxaa kaloo kamid ah shixnadaha Hubka ay diyaaradaha Ethiopia ku daabulayaan magaalada Kismaayo qoryaha loo yaqaan RBG-7 oo nooca danbe ah isla markaana tirro ahaan lagu sheegay 350.
Sidoo kale, waxaa qoryaha ay Ethiopia ku daabuleyso magaalada Kismaayo kamid ah qoriga loo yaqaan AT14 oo haddii la adeegsado aanu suuragali karin in Cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowlada ay galaan aagaasi.
Dowlada Ethiopia ayaa ka feejigan in dalka Somalia ay ka dhalato Dowlad Qaran, iyadoo taa ula gol leh baabi'inta awooda Qaranka Somalia.
Dowlada Ethiopia ayaa fashilinta Dowlada Cusub u adeegsaneysa Maamul Goboleedyada oo Dowladaasi ka hela dhaqaale aan sidaa usi badneyn, waxa ayna tani suuragalinkartaa hoos u dhac ku imaada halkii laga filaayay awooda Dowlada Somalia.
Geesta kale, Korneel C/wahaab oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowlada ee jubooyinka, ayaa cadeeyay in Dowlada Ethiopia ay arrimo halis galinkara ka dhexwado jubooyinka, waxa uuna carab dhabay in si joogta ah magaalada Kismaayo looga soo dajiyo Hub Casri ah.Caasimada OnlineXafiiska KismaayoCaasimada@live.com

Over 185,000 children face famine in Somalia: UNICEF

$
0
0

Almost 1.4 million children suffering from severe malnutrition could die this year from famine in Nigeria, Somalia, South Sudan and Yemen, the UN children's agency said Monday.
In Yemen, where war has been raging for nearly two years, 462,000 children are suffering from acute malnutrition while 450,000 children are severely malnourished in northeast Nigeria.
Fews Net, the famine early warning system, said some remote areas of Nigeria's Borno state are already affected by famine since late last year and the disaster is likely to continue as aid agencies are unable to reach those in need.
Drought in Somalia has left 185,000 children on the brink of famine but that figure is expected to reach 270,000 in the next few months, said UNICEF.
In South Sudan, over 270,000 children are malnourished and a famine has just been declared in parts of Unity State in the north of the country, where 20,000 children live.
UNICEF director Anthony Lake appealed for quick action. "We can still save many lives," he said.
UN Security Council ambassadors are due to travel to northern Nigeria, Cameroon, Chad and Niger next month to draw international attention to the humanitarian crisis triggered by the conflict with Boko Haram militants.

Dad isku qarxin rabay maxkamad oo Pakistan lagu laayay

$
0
0

Ugu yaraan hal qareen ayaa dhintay kuwo kalana way dhaawacmeen ka dib markii la weeraray maxkamad ku taala waqooyiga galbeed ee dalka Pakistan, sida ay sarakiishu sheegeen.
Saddex ruux oo rabay in ay is qarxiyaan ayaa la dilay iyaga oo qorshaynayay in ay gudaha u galaan maxkamad ku taala agagaarka Tangi ee degmada Charsadda, sida ay warbaahinta deegaanku ka soo xigteen saraakiil.
Waxaa la maqlay qaraxyo iyo rasaas.
Pakistan waxaa maalmihii u dambeeyay ka dhacay qaraxyo badan oo ay sheegteen malayshiyooyin kala duwan kuwaas oo galaaftay nolosha in kabadan 100 ruux.
Pakistan oo bilowday dagaal ka dhan ah "mintidiinta"
Pakistan oo India ku eedeysay duqeyn
Pakistan oo mamnuucday isticmaalka warbaahinta Hindiya
Ugu yaraan 80 ruux ayaa ku dhintay ka dib markii uu ruux isku qarxiyay meel ay ku cibaadaysanayeen dad suufiyo ah oo ku yaalla magaalada Sehwan, waxaana sheegtay kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka.
Dawladda Pakistan oo arrintaas ka jawaabaysa ayaa billawday hawlgallo ammaan, waxayna sheegtay in ay dishay 100 ka mid ah malayshiyaadka.


'100 qof oo shaqada laga ceyriyay ka dib markii...

$
0
0

In ka badan 100 qof ayaa shaqadooda ku waayay bannaan bax ay ka qeybgaleen oo looga soo horjeeday go'aan uu gaaray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Dibadbaxa ayaa ahaa mid looga soo horjeeday go'aan uu Trump ku mamnuucay qaxootiga ka socdo todobo dal oo Muslimiin ah, sida warbaahinta dalkaas ay sheegayaan.
Tobannaan qof oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha dhismaha iyo kuwa maqaayadaha ayaa shaqada laga ceyriyay ka dib markii hal maalin ay ka maqnaayeen shaqadooda.
U jeedada isu soo baxa wuxuu ahaa in lagu muujiyo waxtarka soo galootiga ay ku leeyihiin Mareykanka.

  • Trump oo difaacay siyaasadihiisa
  • Donald Trump oo taageersan jirdilka
  • Dowladda Iraan oo u digtay Mareykanka
  • Dood ku saabsan 'caafimaadka maskaxeed' ee Trump

Mid ka mid ah maamulayaasha ayaa CNN u sheegay in shaqaalihiisa "ay heli doonaan qiimaha" waxa ay u istaageen ee ay aaminsan yihiin.
Jim Serowski, oo ah madaxa Warshad ku taalla Colorado, ayaa sheegay in uusan ka shalayneynin inuu shaqada ka ceyriyay 30 qof oo farsamo yaqaanno ah.
"Waan ugu digay, haddii aad sidan sameyso waxaad dhaawaceysaa shirkadda, haddii aad taageerto waxa ay kooxda rabaan, ka mid ma ahid", ayaa laga soo xigtay asigoo dhahaya.
Tirada rasmiga ah ee dadka shaqada waayay lama garan karo, laakiin warbaahinta Mareykanka waxay soo gudbinayaan dad badan oo shaqada laga ceyriyay.
Dadka shaqada waayay waxaa ka mid ah 12 qof oo ka shaqeynayay maqaayad ku taalla Tulsa, Oklahoma, iyo 18 qof oo ka shaqeynayay shirkad sameyso rinjiyeynta guryaha iyo qalabka oo ku taalla Nolensville, Tennessee.
Ganacsiga iyo iskuullada ku yaalla dhammaan gobollada Mareykanka waxay galeen qalqaly maalintii dibadbaxa, maadaama shaqaalaha iyo ardeydaba ay ka qeybgaleen isu soo baxa.
Donald Trump ayaa isbuucii la soo dhaafay sheegay inuu soo saari doono dikreeto cusub oo la xiriirta safarka ay Mareykanka ku galaan dadka ka soo jeeda todobo dal oo Muslimiin ay ku badan yihiin.
Wakaaladda wararka ee AP ayaa soo xigatay sarkaal sare oo ka tirsan laanta socdaalka oo sheegaya in amarka cusub la saari doono dalalkii horey loo xayiray ee Iraan, Ciraaq, Soomaaliya, Suuriya, Yaman, Sudan iyo Liibiya.
Dibadbaxyada waxay ka dheceen magaalooyiin kale duwan sida New York, waxaana lagu taaageerayay Muslimiinta. Waxaa laga soo horjeeday go'aamada Trump ee Muslimka ka dhanka ah.
Kumannaan qof ayaa la filayaa in Isniinta ay isugu soo baxaan Washington. madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa maalintaas ku noqonaya shaqada ka dib fasax uu u aaday Florida.

QM oo Kordhineysa Gargaarka Soomaaliya

$
0
0

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay kordhinayso gargaarka la gaarsiinayo Soomaaliya iyo waddamada deriska ah kadib cunno yaraan ka timid abaaraha, iyadoo meelaha qaarkood ay xaaladdu qarka u saaran tahay macluul.

Ku dhowaad 100 Tahriibayaal ah ku qarqamay badda Liibiya

$
0
0

Maydadka 87 tahriibayaal ah ayaa badda ay ku caarisay xeebaha dalka Liibiya. Waxay ahaayeen dhallinyaro u socotay Taliyaaniga.

Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland oo beenisay...

$
0
0

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dowlada Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamad iyo Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Xoolaha Puntland oo si wada jir ah shir jaraa,iid maanta ugu qabtay xarunta Wasaaradu ku leedahay magaalada Garowe ayaa been abuur ku tilmaamay warar lagu faafiyay baraha internetka Soomaalida.
Wasiir Cabdijamaal Cismaan ayaa ku eedeeyay dadka qorey warar ku saabsan in daawo dhacday lagu talaalay xoolaha deegaanada Puntland, Isagoona ku tilmaamay inay yihiin dad cadow ku ah danaha Soomaalida gaar ahaan Puntland ka dib markii uu sheegay in xooluhu lafdhabar muhiim ah u yihiin nolosha.
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dowlada Puntland Cabdijamaal Cismaan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in daawo dhacday Wasaaradiisu ku talaashay xoolaha, wuxuuna u cuskaday inaysan xilliga abaarta habayaraatee xoolaha aan la talaalin.
Cabdijamaal ayaa sheegay in sifo sharci ah uga daba tagi doonaan dadka ka dambeeya warkaan uu ku tilmaamay inuu yahay been abuur laga faafiyay Sumcada Xoolaha Puntland, Wuxuuna sheegay inay ka dalban doonaan Hay,addaha Garsoorka sidii cadaalada la isugu horkeeni lahaa warbaahinta daabacday Warkaan iyo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
Ma ahan markii ugu horeysay oo masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland ay beeniyaan warar ka dhan ah oo lagu faafiyay baraha Internetka ee Soomaalida.FG:- Goor_Dhaw kala soco PUNTLAND POST muuqaalka Shirka Jaraa,iid Ee Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland.Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland oo beenisay inay isticmaashay daawo dhacday appeared first on Puntland Post.

Akaademiyadda Cilmiga, Teknoolajiyada iyo Fanka Oo...

$
0
0

Akaademiyadda Cilmiga, Teknoolajiyada iyo Fanka JSL ayaa maanta Hargeysa lagu daahfurey iyada oo sidoo kalena loo dabbaaldegay Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo oo sannad kasta dunida laga xuso 21ka Feebarwari.Ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici iyo agaasimaha Guud ee wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdi Cali Jaamac ayaa maanta si rasmiya u daahfurey Akaademiyadda Cilmiga, Teknoolajiyadda iyo Fanka JSL sidoo kalena goob-joog u noqday xuska maalinta afka hooyo.
Madashan loogu dabaal dagayey maalinta qiimaha badan oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka iyo hawl-wadeenada Akaadamiyaddan la daahfurayey ayaa waxa sidoo kale kasoo qeyb galay Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Mudane Cali Xaamud Jibriil, Wasiir Ku Xigeenka Ciyaaraha Mudane C/rashiid Ismaaciil, Hormuudka Machadka Afafka Gaarriye ee Jaamacadda Hargeysa Qoraa Cabdiraxmaan Faarax Guri-barwaaqo, Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, Xubno kamid ah qorayaasha iyo hal-abuurrada dalka, iyo marti sharaf kale oo badan.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare Mudane Cabdi Cali Jaamac ayaa si waafiya uga warramay qiimaha ay leedahay maalinta Afka Hooyo, sidoo kale waxa uu ku dheeraaday faa'iidada iyo mugga ay ku fadhido Akaadamiyadda Cilmiga iyo Fanka JSL oo hoos imanaysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo maanta wanqalkeedii lagu ladhay maalinta Afka Hooyo. Waxaanna uu sidoo kale wax lagu farxo ku tilmaamay in Akaadamiyaddii la aasaasay oo ay waliba doorkeeda ka qaadatay Xuska Maalinta Afka Hooyo oo isla maanta la xusayo.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live