Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Daawo: Ciidamada Booliska Somaliland oo ka Hadlay...


Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeeray goobta...

$
0
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari"waxaa ku wehliyey kormeerka uu ku tagay goobta lagu qabanayo caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee la doortay Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey waxaana ay u kuur galayeen qaabka loogu diyaar garoobay Munaasabadda Caleema Saarka. Intii ay [...]

Wasiirka Warfaafinta oo Qodobbeeyay Gabood fallo BBC...

$
0
0

"Waxa kugu Adkaanaya Inaad kala Saarto Warbaahinta Muqdisho iyo BBC-da oo aad Moodo mid Laga wada Maamulo Xamar""Somaliland Laguma Dhex Toogto Laamiyada Suxufiyiinta Qaldama, Balse ka Gef Saxaafadeed Gala waxa la Mariyaa Dariiq Sharci"Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta
Hargeysa(Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda, Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa shaaca ka qaaday in laanta afsoomaaliga ee BBC-du ay ka baydhay wararkii xaqiiqada ku dhisnaa ee lagu yaqaanay.Waxa kale oo uu sheegay in idaacadaas aad moodo in Xamar laga xukumo. Waxaanu xusay inay qoraalo hore oo ay u direen aanay wax jawaab ah ka bixin, isla markaana ay ku foogan tahay dagaal ka dhan ah qaranimada Somaliland muddada ay hawada ku jirto.Wasiir Caddaani waxa uu sidaasi ka sheegay shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa magaaladda Hargeysa, waxa kaloo uu intaas ku daray in suxufiyiinta qaldama aan Somaliland lagu toogan jidadka ee la mariyo dariiqa sharciga ah iyadoo loo raacayo xeerka Saxaafadda.War-saxaafadeedka uu Wasiirku ka akhriyay shirkiisa jaraa'id oo dhammaystirani wuxuu u qornaa sidan:-
"Maanta oo taariikhdu tahay 21st February 2017 waxa aan iskugu kiin yeedhay shirkaygan jaraa'id in aan kaga hadlo BBC-da oo dhex dhexaadnimadii & wararkii xaqiiqda ku dhisnaa ee lagu yaqaanay ka baydhay oo u leexatay in ay noqoto mid dhinac ka raran iyo inay warar aan jirin oo dacaayad ah ka faafiyaan Jamhuuriyadda Somaliland.Waxa kale oo aan inyar ka taabanayaa xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee ka dhaxeeyey boqortooyada Ingiriiska iyo BBC-daba, iyada oo dadka reer Somaliland ahaayeen kuwii Soomaalida kale ku soo xidhey ee baray dhagaysiga BBC-da.La soo noqoshadii madax bannaanida Somaliland waxa aan filaynay in BBC-du door fiican ka ciyaari doonto qadiyadda jiritaanka qaranimada JSL, hase yeeshee, waxa ay bilowday BBC-du inay dagaal badheedh ah oo lid ku ah jiritaankayaga ku fooganaato muddada ay hawada ku jirto.Waxa ay buunbuuniyaan dhacdooyinka yaryar ee aan xikdido dheer lahayn ee gudaha Somaliland, iyaga oo sidoo kalena, daaha saara wixii horumar iyo waxqabad ah ee wanaagsan. Waxa ay had iyo jeer qaban qaabiyaan oo ay soo xushaan inta caanka ku ah nacaybka qaddiyada Jamhuuriyadda Somaliland & arrin kasta oo ay ku kala aragti duwan yihiin siyaaasiyiinta Somaliland oo ah qayb ka mid ah tiirarka dimoqraadiyadda.Arrimaha waxa ka mid ah oo ugu danbeeyey heshiiskii ay wada galeen dawladda Imaaraat ka Carabta & Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan shirkadda DP World ee dib loogu casriyeynayey Dekedda Berbera & heshiis hada ee saldhigga madaarka Berbera ee ay ansixiyeen 144-ka Xildhibaan oo ay BBC-du si khaldan uga turjumeen masiirka umadda Jamhuuriyadda Somaliland si ay u marin habaabiyaan ra'yul caamka.Sidoo kale, iyaga oo aan miisaamin aragtiyaha lagu kala duwan yahay oo aqlabiyada wanaagsani dhinac tahay.* Doodaha siyaasiga ah ee BBC-du, waa kuwa ka fog xaqsoor, waayo mar kastoo ay qabanayaan dood waxa ay makarafoonka soo fadhiisiyaan 3 qof oo Soomaaliya ah & qof Somaliland taasi oo aan ahayn wax isku dheelitiran.* Waxa ay taa waliba ku sii ladhaan dad ay sii diyaariyeen oo kala soo xidhiidha baraha bulshadda, kuwaas oo iyana aragtidoodu dhan ka tahay qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.* BBC-du waxa Jamhuuriyadda Somaliland marar badan ka dhigtaa mid ka tirsan gobollada loogu yeedho federaalka Soomaaliya, tusaale ahaan 3dii Feburary 2017 doodii lagaga hadlayey khilaafaadka dhinaca badda ee Kenya & Soomaaliya ayey xataa ku lifaaqeen xuduudaha bada Jamhuuriyadda Somaliland, ee bal xageebay iska soo galaan.* Waxa kale oo ay muran iyo doc ka wareen ku sameeyaan wariyeyaasha daadihinaya dooduhu mar kasta oo ay hadalka siiyaan hal-ka qof ee Somaliland, isaga oo aan wax ka taaban amba gaadhin qodobkii doodiisa.* Waxa kale, oo intaa u sii dheer in ay qayb ka siiyaan doodahaasi siyaasiyiin la shaqeeya ama loo tiriyo inay taabacsan yihiin xukuumadda Soomaaliya, kuwaas oo ay ugu yeedhaan aqoonyahanno dhexdhexaad ka ah arrimaha Soomaaliya & Somaliland balse, aan ahayn ee ku caan baxay nacaybka & lidka ay ku yihiin Jamhuuriyadda Somaliland.* Sidoo kale ka qaybgalka doodaha siyaasiyga ee xidhiidhka baraha bulshada waxay ku martigeliyaan inta aragtidoodu ka dhanka tahay Somaliland.* Iyadoo ay marka horeba si ka baxsan dhexdhexaadnimada ay u soo dhex dhigaan doodo hal dhinac ka raran ayey haddana waqti ka badan ka halka qof ee Jamhuuriyadda Somaliland siiyaan mid kastoo ka mid ah saddexda kale ee Soomaaliya.* Runtii waxa kugu adkaanaya inaad kala saarto warbaahinta Muqdisho iyo BBC-da oo aad moodo mid laga wada maamulo Xamar.* Dhammaan waxyaabahaa aan soo xusay, hore ayaanu ugu gudbinay madaxda sare ee BBC-da qeybta Afrika iyo ta laanta Afka Soomaaligaba, nasiib darrose, wax jawaaba kama hayno.* Hadda, qoraal kale ayaanu u dirnaynaa BBC-da, waxayse noqonaysaa in wixii intaa ka dambeeya ay nagu waajib tahay in aanu ku xisaabtano sidii aan u difaaci lahaynb jiritaanka qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kale, oo aan dib u eegi doonaa heshiiskii aan wada galnay BBC-da ee dhinaca baahinta.
Jamhuuriyadda Somaliland laguma dhex toogto laamiyada suxufiyiinta qaldama, balse ka gefsaxaafadeed gala waxa la mariyaa dariiq sharci iyada oo loo raacayo xeerka saxaafadda JamhuuriyaddaSomaliland." Waad Mahadsan tihiin.
Somaliland.Org/Hargeysa

Ku dhowaad 100 Tahriibayaal ah ku qarqamay badda...

$
0
0

Maydadka 87 tahriibayaal ayaa laga helay xeebaha dalka Liibya. Waa musiibadii ugu dambeysay ee ka dhacdo gobolka Zawiya.
Waxaa loo malaynayaa inay doonayeen inay ka tallaabaan badda Mediterranean-ka, si ay u gaaraan Taliyaaniga.
Bilihii la soo dhaafay, tirada tahriibayaasha ku dhimatay badda Liibiya ayaa sare u kacday, sida hay'adaha ay sheegayaan.

  • Tahriibayaal badda lagu la' yahay
  • Boqollaal tahriibayaal ah oo dhanka Morocco ka galay Spain
  • Tirada tahriibayaasha ku dhintay badda

Doon bac ah oo dillaacday ayaa laga helay meel u dhow xeebta maydadka lagasoo aruuriyay.
Waxaa la rumeysan yahay in doonta noocaas ah lagu qaado 120 qof. Shaqaalaha gurmadka waxay sheegeen in ay suuragal tahay in maydadka qaar ay biyaha hoos u galeen.
Qaar ka mid ah dadka dhintay waa caruur, sida la sheegay.
Afhayeen u hadlay hay'adda Bisha Cas ee Liibiya wuxuu sheegay in maydad badan ay ka soo aruuriyeen xeebta.
Maxamed Al-Misrati wuxuu sheegay in maamulka deegaanka ay maydadka geeyeen qabuuro ku yaalla magaalada Tripoli.
hay'adda Bisha Cas ayaa baahisay sawiro muujinaya tobannaan maydad oo baco lagu xiray oo yaalla xeebta.
Hay'adda socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobeey ee IOM waxay sheegtay in doonta Axaddii ay ka safartay Liibiya, "waxaana saarnaa 110 qof".

  • Spain oo qabatay Tahriibe boorso lagu xiray
  • Midowga Yurub oo xakamaynta tahriibka ka arrinsanaya
  • UNHCR: Tirada dhimashada tahriibayaasha sare ayey u kacday

Ugu yaraan 5,000 oo qof ayaa badda ku dhimatay sanadkii la soo dhaafay. Dhammaan waxay ahaayeen dhallinyaro tahriibeysay oo ku wajahneyd Yurub.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo booqday Isbitaalka ...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa maanta booqday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan dhaawacyada dadkii dhawaan ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Xaafadda Kaawo Godeey ee Degmada Wadajir.
Guddoomiyaha ayaa mid uga wareystay Xaaladahooda Caafimaad , waxaana intaas kadib uu u qeybiyay Lacago Shiling Soomaali ah isagona midkiiba siiyay 1 Million oo Shling Soomaali ah.
Intaas kadib Guddoomiyaha oo la hadlay Warfidiyeenada ayaa u Mahad Celiyay Saraakiisha Caafimaadka Isbitaalka Madiina kuwaas oo kaalin wax ku ool ah ka geystay sidii dadkaasi xaaladooda Caafimaad ula tacaali lahaayeen.
Waxaana intaas sii raaciyay in dowladda Federaalka kaalintii kaga aadaneed ka geysan doonto xaaladaha dadkaasi isagoo ballan qaaday in ay ku dadaali doonaan sidii dadka Xaaladdooda Caafimaad ay liidato in dalka Dibaddiisa daryeel Caafimaad loogu qaado.
Dhawaan ayey ahayd markii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu booqday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Mashquulka telefoonka 'wuxuu sababaa walwal'

$
0
0

Seynisyahano ayaa sheegay inay ogaadeen in telefoonka ay dhallinta ku kala mashquulaan ay sababi karto "is bedel dabeecadeed".

Wakiilka Warbaahinta Qaranka ee Mudug oo deeq lacag...

$
0
0

Deeqda lacageed oo ah 200$ oo uu ku soo taakuleeyay cajaa;ib oo ah gabar yar oo 13 jir ah isla markaana naafo ah muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Bashiir Maxamed Xasan oo ku nool Dalka Denmark ayaa waxaa wakiilka warbaahinta Qaranka ee Gobalka mudug wariye C/risaaq Maxamed Axmed uu gaarsiiyay deeqdaan lacageed gabadhaan yar oo ku nool xero ka mid ah xeryaha ay kusoo barakaceen dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku yaala Degmada Ceel Guula Gobalka Mudug Wariye c/risaaq Maxamed Axmed ayaana sheegay in deeqdaan lacageed uu kusoo sadaqeystay gabdhaan yar ee naafada ah ee lagu magacaabo Cajaa'ib Maxamed Nuur, haddana ay geeriyoodeen labadii waalid ee dhalay, waxaana gabadhaani ay la nooshahay Ayeeyadeed oo lagu magacaabo Saaqo Horeeye oo iyadu ka mid ah dadka ku xoola beelay abaaraha ka jira Gobalka Mudug Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha maamulka iyo maaliyada gobalka Mudug Axmed Maxamed Shirew (Qoodaar) ayaa isna gabadha yar gaarsiiyay gaari nooca loogu tala galay in ay isticmaalaan dadka naafada ah, Isagoo uga mahad celiyay Bashiir Maxamed Xasan deeqdaan lacageed ee uu usoo wakiishay wariye C/risaaq Maxamed Axmed oo soo gaarsiiyay gabadhaan yar. Ugu danbeyna Saaqo Horeeye oo ah ayeeyada gabadhaan yar oo loogu dhiibay deeqda lacageed ayaa ka mahad [...]

Xafladda caleemo saarka Madaxweye Farmaajo oo soo...

$
0
0

Munaasabadan lagu maamuusayay caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyeyaasha labada gole ee shacabka iyo Aqalka sare, sidoo kale Guddoomiye ku-xigeeenada labada aqal, Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Madaxweyneyaashii hore ee dalka Madaxweynayaasha Dalalka Jabuuti, Kenya, Madaxweyne ku-xigeenka Dalka Sudan Ra'iiul wasaaraha Ethiopia, wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya iyo marti sharaf kale oo aad u fara badan. Wakiilada Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in maanta ay Soomaaliya u tahay maalin taariikhi ah, ayna soo dhaweynayaan xafladda lagu caleemo saarayo Madaxweynaha dalka, iyagoo balan qaaday inay la shaqey doonaan dowladda Soomaaliya. Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia ayaa ugu horeyn u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay ku talaabsatay nidaamka dimoqraadiyadda oo ay ku guuleysteen in ay xilka si nabad gelyo ah isugu wareejiyaan. Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay ka qeyb galka xafladda caleema saarka, waxaana uu intaa ku daray in dowladdiisu ay diyaar u tahay inay xoojiso xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya, waxaana uu Madaxweyneyaashii hore ee dalka uga mahadceliyay sida ay xilalka isugu kala [...]


Guddiga gurmadka abaaraha ee degmada Kaxda oo...

$
0
0

Guddiga Gurmad Abaaraha ee Degmada Kaxda ayaa ka warbixiyay xaaladda dadkii ku soo barakacay Degmada iyo gurmad loo fidiyay dadkaasi, aygoo baaq ujeediyay hay'adaha samafalka iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya . Guddiga gurmadka Abaaraha degmada Kaxda iyo Maamulka Degmada ayaa wada dadaallo loogu gurmayo dadkii ku soo barakacay abaaraha ka jira qaybo ka mid ah Gobollada Dalka ee soo gaaray Degmaasi Inkastoo Dadku aysan helin gurmad ku filan oo daboola baahiyaha ugaar ah ee ay qabaan ayaa waxaa socda hawlo raashin qaybin ah iyo biya dhaamin oo ay si wadajir ah uga qayb qaadanayaan Maamulka Culimaa'udiinka iyo Qaybaha Bulshada ee Degmadaasi Guddoomiyaha Guddiga Gurmada Abaaraha Dedmada Kaxda Sheekh Cabdiqaadir Yuusuf Gabyaa ayaa sheegay inay meel wanaagsan mareyso gurmadka loo fidinayo dadka ku soo barakacay degmada ee ka kala yimid qaar ka mid ah gobollada dalka ee ay abaartu ku dhufatay. Guddiga ayaa si wada jir ah ugu baaqay qaybaha bulshada, Dawladda iyo Hay'adaha Samafalka inay doorkooda ka qaataan ugumarashada dadka tabaalaysan ee Walaalahood ah ee Soo Barkacay Gudoomiyaha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir Maxamad Ismaaciil Cabdullaahi ayaa uga mahadceliyay guddiga Samafalka ee Degmada isxilqaanka ay mujiyeen ee ku aadan ugurmashada dadka ku soo barakacay degmada, isagoo ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay [...]

Madaxweyne Farmaajo oo la Caleema-saaray

$
0
0

Munaasabadda Caleema-saarka, waxaa marti ku ahaa, Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Seekh Shariif Sh. Axmed, Sidoo kale Madaxweynaha Jabuuti, Madaxweynaha Kenya, Ra'iisul wasaaraha Ethiopia, wakiillo ka socdey waddamada Caalamka, waxaana yimd munaasabadda madax ka socotay 124 dal. Madaxweyne Farmaajo, waxaa wehlisay marwadiisa. Munaasabadda waxaa khudbado ka jeediyey, wakiillo iyo madaxweyneyaal, Wakiil Q.M ee Soomaaliya , Wakiillo ka socdey Turkiga, Jaamacadda Carabta, Midowga Africa iyo Suudaan, ayaa iyagana sheegay in si dhab ah ay ula shaqeyn doonaan oo ay taageeri doonaan dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz waxa uu sheegay in doorashadii Soomaaliya ka dhacdey ay muujineyso nidaam iyo dowladnimo dimoqoraadi ah. Madaxweynaha dowladda Kenya Uhhuru Kenyata, ayaa u hambaleeyey Madaxweyne Farmaajo iyo Shacabkiisa, waxa uu sheegay in uu abuurayo xiriir ku dhisan Derisnimo, walaalnimo iyo Iskaashi dowladda Kenya-na ay diyaar u tahay garab istaagga Soomaaliya. Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaaa sheegay in Soomaaliya ay tusaale fiican u tahay dalalka dagaallada ka soo baxay, waxa uu intaa raaciyey in guusha hadda ay Soomaaliya u horseeddo nabad iyo barwaaqo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa kula taliyey shacbiga Soomaaliyeed in ay sii wadaan taageerada ay u hayaan Madaxweynaha iyo dowladdiisa, dowladda [...]

Madaxweyne Farmaajo oo arrimo badan uga hadlay...

$
0
0


Madaxweyne Farmaajo oo ay dhinacyo taaganyihiin labadi madaxweyne ee ka horreysay
Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta si rasmi ah loo caleema-saaray,kaddib munaasabad weyn oo lugu qabtay magaalada Muqdisho.
Xalfadda caleema-saarka waxaa ka qaybgalay,wakiilo ka socda 120 waddan oo caalamka ah,waxaa ka mid ahaa oo munaasabadda joogay madaxweynayaasha dalalka Jabuuti,Itoobiya,Kenya iyo madaxweyne ku-xigeenka Sudan.
Hoggaamiyeyaasa iyo mas'uuliyiinta hadlay dhammantod,waxaa ay sheegan inay taageerri doonan oo ay gacan siinayaan dowladda cusub ee Soomaaliya oo u hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo.
Hadal-jeedinta markii ay soo dhammaaday waxaa khudbad ka jeediyay munaasabadda madaxweynaha cusub Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isagoo soo qaaday arrimo badan.
Madaxweynaha khudbadiisa wuxuu ku ballan-qaaday inuu dib usoo celiyo sumcaddii iyo magacii ay Soomaaliya ku lahayd dunidda,inta wuxuu ku daray inuu ka shaqeyn doono sidii looga tallaabi lahaa kala qob qobka dhexyaalla dadka Soomaaliyeed.
"Waxaa ceeb nagu ah in 2017 ay weli kala qoqobanyihiin dad walaalo ah oo wada dhashay, markii la i doortay meelaha qaar oo aan hore la isugu gudbi jirin waa la isu gudbay,"ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha waxaa kalo uu sheegay inuu u mahad-celinayo dalalka ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in sugidooda amniga ay suurto-gelisay inay doorasho dalka ka qabsoonto.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay qabaan rajo aad u sarreysa, balse xaqiiqdu ay tahay in wax walba aan lagu qaban karin afarta sano ee uu madaxweynaha yahay, sida uu sheegay.
Waxa uu sheegay in Soomaalida laga faafiyey aragti aad u xun oo ah in ay yihiin dad musuq maasuq badan oo ay kaalinta ugu hooseysa ka galeen qiimeynta dowlad wanaagga dunida, hase yeeshee uu doonayo in Soomaaliya ay kaalinta koowaad gasho.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono dib u heshiisiinta, Galkacayo,marka wuxuu u mahdceliyay dadkii ka horreeyay ee nabadeynta Gaalkacyo qayb ka ahaa.
Madaxweynaha waxaa kalo uu shaaciyay inuu tagayo dhamman xarumaha dowlad-gobolleedyada dalka,si ay wada shaqeyn xoogleh u dhexmarta dowladda iyo maamullada.
Waxaa kalo uu madaxweynaha ka hadlay dagaalka lugula jiro al-Shabaab,isagoo ugu baaqay inay nabadda qaatan oo ay dhibaatadda ka joojiyaan bulshada Soomaaliyeed.
"Nabad diidka al-Shabaab,waxaan u sheegaya inay nabadda qaataan,12 milyan oo Soomaali ah ma hor istaagi kartaan,waana soo dhaweynayna cidii horumarka Soomaaliya ka qaybqaadanaysa,"ayuu yiri madaxweynaha.
Wada-hadalka dowladda dhexe iyo Soomaaliland oo u ka hadlay wuxuu sheegay dowladdiisa inay sii wadi doonta,isagoo marka yiri "Arrinta Soomaaliland waan sii wadeyna wadahadalka, waxaanuna wadayna ilaa aan ka miro dhalino".
Ugu dambeyntii,madaxweynaha oo marku khudbada uu jeedinayay dhinacyada ay ka tagnaayeen labadii madaxweyne ee ka horreysay,wuxuu shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay la shaqeeyaan dowladda si wada-jir loogu guuleysto.
__RBC Radio

Qodobbada uu khudbadiisa uga hadlay madaxweyne...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha 9 aad ee jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah loogu caleema-saaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,madaxweynaha cusub ee Soomaaliya xalfadda lugu caleema-saaray waxaa ka qaybgalay 120 wakiil oo ka socday caalamka,hoggaamiyayaal ay ugu horreeyaan madaxweynayaasha Jabuuti,Itoobiya,Kenya iyo madaxweyne ku-xigeenka Sudan ayaa ka qaybgalay.
Madaxweynaha ayaa munaasabadda gabagabadeeda ka jeediyay khudbad uu arrimo badan ka soo qaaday,waxaana ka mid ahaa qodobbada uu uga hadlay:-
"Waxaa sharaf noo ah in maanta halkan ay fadhiyaan madaxweynayaashii iga horeeyay ee aan soo wada shaqeynay. Muuqaalkan wuxuu dhidibada u aasay dimuquraadiyada Soomaaliya ka hanaqaaday xilligii ay xoriyadda qaadatay", ayuu yiri Farmaajo.
"Waxaan shacabka u cadeynayaa in waxa la qaban karo ay koobnaan doonaan, maadaama itaalka iyo dhaqaalaha dowladda aysan xooganeyn".
"Dhibaatooyiinka jira waxay soo taagaanaayeen 26-sano oo colaad iyo abaaro ah. in ka badan 20 sano oo kale ayaan u baahan nahay si aan u soo kabsano."
"Caqabada ugu waaweyn waxaa ka mid ah, amni xumo, abaaraha, dhameystirka dib u heshiisiinta, dib u soo celinta kalsoonida shacabka, yareynta faqriga, kobcinta dhaqaalaha, jiheynta muqurqa dhallinyarada, xoojinta dowladda, xoojinta federaalka, iyo xoojinta xiriirka arrimaha dibadda.
"Waxaan hubin doonaa in ciidammaneeda geesiyada ah ay helaan mushaarkooda, qalabkooda, iyo xarumo"
"AMISOM ciidammada nagala jooga, howl wanaagsan ayey qabteen. Waxay naf iyo maalba u hureen Soomaaliya".
"Hadda waxaan u baahannahay inaan muddo kooban ku dhaqan gelino dhisidda ciidammadeena dalka".
"Waxaa dalka aafeeyay abaaro dad iyo duunyaba baabi'iyay. Dhibaatada muuqata waa mid xanuun badan".
"Way soo noqnoqdeen abaaraha. Xukuumadda oo kaashaneysa khubaro waxaan la imaan doonnaa istiraatiijiyad cad wax oo looga qabanayo abaarta soo noqnoqotay".
"Dib u heshiisiinta waa geeddi socod mar hore soo bilowday. waxaan dhameystiri doonnaa dib u heshiisiintaas. Waxaa ceeb nagu ah kala qobqobnaanta Soomaalida wada dhalatay".
"Waxaan xoogga saari doonnaa dib u heshiisiinta magaalada Gaalkacyo. Waxaan si cad wax uga qaban doonaa colaadaha Soomaaliya dacaladeeda ka taagan."
"Waxaan sii wadeynaa wadahadallada Somaliland lala lahaa si aan uga mira dhalino".
"Dowladdeena waxay dib u eegis ku sameyndoonaan nidaamka cadaaladda. Waxaan hormuud ka noqon doonaa in sharciga loo sinnaado".
"Waa in la soo celiyo kalsoonida shacabka ay ku qabaan dowladda. Waa in dowladdu ay noqotaa mid u adeegta oo aan iyadu ka adeegan shacabka. mid u turta shacabka, oo aan ku tuman."
"Shacabka waxaan ka rabnaa inay na taageeraan, waxaan ka rabnaa inay amniga naga taageeraan, waxaan ka rabnaa inay canshuurta bixiyaan".
"Cadowgeena labaad waa faqri. Taasi waxay keentay inay dhallinyarada u baxsadaan Yurub. Kuwa badan waxay ku dhammaadeen badaha, kuwa badanna xabsi ayey ku jiraan, kuwa badanna waxaa marrin habaabiyay kooxaha xagjirka ah".
"Waxaa taabagelin doonnaa barnaamijka dowladdii iga horeysay ee shaqa abuurista, qorshahaasi wuxuu cadeynayaa hormarinta dhaqaalaha iyo shaqasiinta dhallinyarada".
"Waxaa qeyb ka ah taabagelinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxaan hubin doonnaa in arrintaas ay ka turjunto baahida dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada".
"Waxaan xoojindoonnaa xiriirka dowladda kala dhexeeya maamul goboleedyada. Si gaar ah waxaan dowlad goboleedyada isaga kaashan doonnaa dhaqaalaha, amniga, iyo cadaaladda".
"Dowladeenu waxay la imaan doontaa siyaasad arrimo dibadeed oo laba arrimood u taagan oo kala ah is kaashi iyo ixtiraam".
"Is kaashi ganacsi ayaan la yeelan doonnaa dowladaha kale, waxaan sameyn doonnaa wakaalad qaabilsan maalgashiga dibadda si loo helo dalal Soomaaliya maalgashada".
"Waxaan dalalka aan deriska ah kula dhaqmi doonnaa ixtiraamka ay naga mudan yihiin oo ah inaanaan arrimahooda gudaha faragelin. ayaguna intaas in la eg ayaan ka fileynaa".
Wuxuu Alshabaab kula dardaarmay "Umadda Soomaaliyeed ma hor istaagi kartaan. waxaan idiin sheegayaa in Soomaali ay isku duuban tahay, waxaan idiin sheegeynaa in maanta laga billaabo aydaan dhibaateyn dadka Soomaaliyeed".
"Kuwa u shaqeeya Al-Qaacida iyo Daacish, waxaan idiin sheegeynaa in laga soo gudbay waqtigii dadka ay qeybsanayeen.
Fursad ayaad haysataan ee dadkiina ku soo biira, diyaar waxaan u nahay inaan idiin ku soo dhaweyno gacmo furan. haddii aad diidaan, Soomaali oo dhan kama hor tagi kartaan".
"Waxaan ku shaqeyndoonnaa amaanada naloo dhiibto. Musuq ayay caalamku nagu barteen. Sanadkii la soo dhaafay waxaan noqonay dowladda ugu hooseysa".
"Waxaan dooneynaa inaan noqono dowladda koobaad ee caalamka ee musuqmaasuq uusan ka jirin".

Ciidamada DF oo sheegay in deegaan ka tirsan Gedo ay...

$
0
0

Garbahaareey ( Sh.M.Network)-Dagaalkani ayaa ka dambeeyay kadib weerar Ciidamada Milatariga Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku qaadeen deegaanka Fiidmo oo qiyaastii 50 Km u jira Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo halkaasi oo ay ku sugnaayeen dhaq dhaqaaqa Al Shabaab.
Col Guhaad Maxamuud Macallin Cumar oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dileen 3 Dagaalyahan oo Al Shabaab ka tirsanaa islaamrkaana ay deegaanka Fiidmo kula wareegeen weerarkooda.
Al Shabaab ayaan weli ka hadlin weerarkaasi ka dhacay deegaanka Fiidmo ee Gobolka Gedo. .
Mana jirto ilo Madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Saraakiisha Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee ku aadan Khasaaraha la gaarsiiyay Al Shabaab iyo la wareegista deegaankaasi.

Waa maxay sababta ay wali macaluushu u jirto?

$
0
0

Qaramada Midoobay ayaa macaluul kaga dhawaaqday qaybo ka mid ah Suudaanta Koonfureed, waana markii koobaad ee meel adduunka ka mid ah lagaga dhawaaqo muddo lix sano ah. Haddaba waa maxay sababta ay macaluushu u soo laabatay?

Madaxweyne Farmaajo oo 12 arrimood kaga hadlay khudbadiisii maanta

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullahi Farmaajo ayaa maanta lagu caleemo saaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.


UK oo 100 Milyan oo Gini Ugu Deeqday Somalia

$
0
0

Dowladda UK ayaa maanta ku dhawaaqday xirmo cusub oo taageero ah oo la siinayo dalalka Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed, oo ah laba dal oo wajahaya abaar iyo macluul qarka saaran.

Sawirro: Sidee madaxweyne Farmaajo loogu soo...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa goordhow gaaray magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.
Madaxweyanha ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay Madax dhowr ah oo xilal kala duwan ka haya Dowlada Sacuudiga.
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa Wafdigiisa kamid ahaa Wsaiirka Arrimaha Dibedda C/salaam Hadliye iyo Mas'uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Somalia.
Madaxweynaha Somalia ayaa Saacadaha nagu soo aadan kulan khaas ah la qaadan doona Boqor Salmaan Bin C/casiis iyo Madax kale, ka hor inta uusan soo gudanin Waajibaadka Cimradda.
Qodobada ay labada Mas'uul kawada hadli doonaan ayaa waxaa kamid ah xoojinta xiriirka soo jireenka ah, Iskaashiga Gobalka ee la-dagaalanka Xuutiyiinta, Abaaraha Somalia, Dhismaha Saldhiga militeriga Imaaraadka ee Berbera iyo Taageeradda Sacuudiga ee Dowladda Federalka.
Intaa kadib waxa ay isla eegi doonaan dhinacyadda Siyaasadda Gobalka, Dhaqaalaha iyo Ammaanka, walow Muuqaal Sir ah oo dhawaan lasoo bandhigay uu muujinaayo in Sacuudiga uu halis ku yahay jiritaanka Somalia.
Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaaya kii ugu horeeyay oo uu uga baxo Somalia tan iyo markii loo dhaariyay xilka.

Taliyaha ciidanka Booliska oo dar dararan u jeediyay...

$
0
0

Sarkiisha ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa kulankoodii Khamislaha ah ku yeeshay Dugsiga tababbarka ciidanka Booliska Jeneraal Kahiye ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Taliyaha ciidanka booliska iyo saraakiil kale. Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed iyo Xidlhibaan Saciid Nuur Gariish ayaa ciidanka tababbarka ku jira ku wareejiyay Neef Geel ah iyo 20 Neef oo Ari ah, kaasi oo ay ugu talagaleen inay ku dhiiri geliyaan ciidanka tababbarka ku jira. Taliyaha Hogaanka Ilaalinta Canshuuraha Booliska Sareeyo Guuto Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa ugu deeqay 20 Neef oo Ari ah, iyadoo Taliyaha Hogaanka Nabadgelyada Waddooyinka Sareeyo Guuto Cabdinaasir Macalin Dalab uu isna ciidanka ku wareejiyay 10 Neef oo Ari ah, isagoo balan qaaday in hogaankoodu uu qeyb ka mid ah Xafiisyada Akadeemiyada dib u dhis ku sameyn doono. Taliyah Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa la dardarmay ciidamo Leyli Saraakiil iyo ciidamado kale oo dhawaan tababbar uu aadi doona dalka Jabuuti, kuwaas oo tiradooda ay gareyso 70, isagoo ku booriyay inay muujiyan dulqaad inta uu socda tababbarka oo ay ka soo faa'iideystaan. "Waxaad u socotaan tababbar oo dalka Jabuuti ah Hooyo iyo Abti meesha ma idinka horeyo marka waxaad sameysan dulqaad [...]

Wasaradda Kaluumaysiga Puntland oo ka Hadashay...

$
0
0

BOOSASO[Puntland Pos]shirkan Jaraa,id oo ay sida wada jir ka ah ay ugu Qabteen Xarunta Wasaaradda Kaluumaysiga Ee Boosaso masuuliyiinta ugu saraysa Wasaradda kaluumaysiga iyo khayradka Bada ee Puntland ayaa ah mid ay uga hadlayeen 7 Markab oo tagan Xeebta Magaalada Boosaso oo laga leeyahay dalka Jabuuti ku waas ay dawalad Puntland Hishiis kula gashaya in ay ka kaluumaystan Xeebaha Puntland.
Shacabka Reer Puntland Gaar ahaan kuwo Magaalada Boosaso ayaa is waydinayey Malmihii la soo dhafay ujeedka Marakiibatan ay u taagan yihiin Dekada Magaalaad Boosaso waxayna ay Masuuliyiintani si faahfaah san uga hadleen u Jeedada Marakiibatan ka danbaysay in ay yimadan Xeebata magaalada Boosaso.
Wasiirka wasarad kaluumaysiga Puntland CabdiNuur Cilmi Maxamud Bindhe ayaa ka war bixiyey Dalalka ay ka soo jeedan Markiibtan iyo sida oo Kale Sababta keentay Dekada Boosaso ee Xarunta Gobalka Bari,.
Wasiiru-dawalaha Wasaradda Kaluumaysiga iyo Khayradka Bada Puntland Dr Cabdiraxaman Aw Jaamaca Kulmiye mar ay saxafadu wax ka waydiisay Sababta keentaya in xiligan ay wasaradu ay ka hadasho Marakiibatan laga leeyahay Dalka Jabuuti oo Mar hore ay hishiis la galeen iyo in dawaladu ay si Qarsoodi ah ay u bixinayso Ogalanshaha ay ku kaluumaysan lahyeen Marakiibtan Xeebaha Puntland Waxa uu sheegay in ay Rabeen in bulshad Reer Puntland ay la socod siiyaan lakiin uu soo dag dagay Go-aanku.
Masuuliyiinta ugu Sarayasa Wasardda Ee Kaluumaysiga iyo Khayrada ka Bada ee Puntland waxay sheegen in Marakiibatan ay Sar nan doonan Mudada ay kaluumaysiga ka wadan Xeebaha Puntland Shaqale ay wasaradu Tababartay iyo Ciidamo Ka tirasan Puntland si ay ugu ilaaliyaan dhulka ay Puntland u Qoondaysay in Marakiibtan ay Ka kaluumaytan.
Goor dhaw la soco Shirka Jaraa,id Wasiirka Kaluumaysiga Puntland
CABDIQANI BOOSPUNTLAND POST
The post Wasaradda Kaluumaysiga Puntland oo ka Hadashay Marakiib Tagan Xeebta Boosaso appeared first on Puntland Post.

President to visit Saudi Arabia on first trip Abroad

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live