Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

DAAWO SAWIRRADA: Banaan bax lagu taageerayay Ra...

$
0
0

Banaan baxan ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal dadweyne oo ka kala yimid 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir ayaa isugu yimid taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, kaasi oo lagu taageeraayay Ra'iisul wasaaraha Cusub ee uu soo magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo. Isu soo baxan Nabadeed oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa ka qeyb galay galay Guddoomiyaha Gobolka, kuxigeenadiisa, qaar ka mid ah Guddoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, Nabadoonno iyo dad weyne aad u fara badan. Dadweynihii ka soo qeyb galay banaan baxan oo u badnaa haween ayaa watay calanka Soomaaliya, Sawirada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre. Nabadoon Axmed Diiriye iyo Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah nabadoonadii ka qeyb galay dibadbaxaasi ayaa ka dalbaday Dowlada Cusub in ay ahmiyad gaar ah siiyaan daryeelka kor u qaadista tayada Ciidamada Qaranka. Gudoomiye ku-xigeenka arrimaha Siyaasadda iyo amniga Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka ee gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa si wada jir ah Barlamaanka uga codsaday inay garab istaagaan Ra'isul wasaare Xasan Cali Kheyre oo ay siiyaan codka kalsoonida. Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xusen Jimcaale Madaale ayaa sheegay in xiligan Ummadda Soomaaliyed [...]


Isu soo bax lagu taageerayay Ra’iisul wasaaraha oo...

$
0
0

Banaanbaxaan lagu tageerayay Ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Degmada Gaalkacyo ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas'uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo boqalaal dadwewyne oo isugu jiray bulshada qeybaheeda kala duwan, kuwaasi oo kala yimid xaafadaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Dibad baxaan ayaa intii uu socday waxaa halkaasi hadalo kasoo jeediyay qaar ka mida ka qeyb galayaashii kuwaasi oo sheegay in ay si weyn usoo dhaweeynayaan magacaabista uu Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo u magacaabay Ra'iisul wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre, waxaana dhamaan ay si isku mid ah u taageereen Ra'iisul wasaaraha cusub ee Dalka, iyagoo kula dar daarmay in uu noqdo mid ku shaqeeya caddaalad iyo wadaninimo Ugu Danbeyna duqa Degmada Gaalkacyo ayaa ka hadlay dibad baxa taageerada ah ee maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobalka Mudug, waxaana uu ka dhawaajiyay in ay soo dhaweeynayaan in madaxweyne Farmaajo uu soo xushay qofkii uu u arkay in ay ka wada shaqeyn karaan sidii dalka Soomaaliya looga saari lahaa marxaladda adag ee uu marayo, isku soo baxa maantana uu yahay mid bulshada Gaalkacyo ay ku muujinayaan sida ay raali uga yihiin xulashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Waxaa Diyaariyay Wariye [...]

DEG DEG: Qarax Xoogan oo ka dhacay Magaalada Boosaaso

$
0
0

Boosaaso (Sh M Network) -Wararar goordhow naga soo gaaray Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Qarax Xoogan laga maqlay qeybo ka mid ah Magaaladaasi.
Qaraxan oo weli aan nuuciisa la shaacin ayaa waxuu lagu beegsaday sida la tilmaamay Xarunta Bangiga Dhexe ee Magaaalada Boosaaso.Kala soco www.shabellenews.com waxii warkan ku soo kordha hadii Alla Idmo

Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Gaas oo...

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta 24, Febuary 2017 si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntlabnd, waxayna kasoo laabteen magaalada Muqdisho iyagoo ka qayb galay munaasabaddii caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku wehelinayay Guddoomiyahya Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Wasiiro, Xildhibaano, masuuliyiin ka tirsan hay'adaha Dawladda iyo saraakiil ka mid ah Madaxtooyada Dawladda Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso kusoo dhoweeyey masuuliyiinta maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso iyo sidoo kale masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dawladda Puntland.
Madaxweynaha ayaa warbaahinta la hadlay wuxuuna ka waramay safarka uu kaga soo laabtay magaalada Muqdisho " Waxaan kasoo qayb galnay munaasabaddii caleema saarka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay sidoo kale kasoo qayb galeen madax kala duwan, farxad ayayna noo tahay inaan qayb ka ahaano geeddi socodka Soomaaliya oo meel wanaagsan marayay, waxaan hambalyo mar kale u dirayaa Ra'iisal wasaaraha cusub ee la magcaabay waxaana rajaynayaa in ilaahay u sahlo shaqadana u fududeeyo, waan ku faraxsanay sidoo kale in waddankii oo nabad ah aan kusoo laabano" ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
_____
RBC Radio

Qaraxyo goordhow lagu weeraray xarunta Bankiga Dhexe...

$
0
0

Bosaso (Caasimada Online)-Qaraxyo xoogan ayaa goordhow ka dhacay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, gaar ahaan xarunta Bankiga Dhexe.
Qaraxyada ayaa la sheegayaa in lagu weeraray Xarunta Bankiga Dhexe oo ku aktaala xarunta Gobolka Bari.
Qaraxyada oo labo ahaa ayaa la sheegay in loo adeegsaday Labo Bambo gacmeed, waxaana la soo warinayaa in Ciidamada ku sugnaa Bangiga ay rasaas ooda ka qaaden.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarka ay geysteen labo dhalinyaro oo Qaraxyada kadib goobta ka baxsaday, sida laga soo xigtay goobjoogayaasha.
Sidoo kale, Goobjoogayaasha ayaa sheegay in Qaraxyada ay ka dhasheen Khasaaro kala duwan, inkastoo aan la xaqiijin inta ay la egyihiin.
Magaalada Boosaaso, ayaa waxaa bilihii ugu danbeeyay ka dhacaayay Dilal loo geysanaayo Saraakiisha iyo shaqaalaha maamulka.Caasimada OnlineXafiiska BosasoCaasimada@live.com

Ra’iisul wasaaraha cusub oo la kulmay Safiirka UK ee...

$
0
0

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta la kulmay Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya David Concar, iyadoo Safiirka uu soo dhoweeyay magacaabista Mudane Kheyre, uguna hambalyeeyay xilka culus ee loo wakiishay. Safiirka UK ayaa sheegay in dowladda Britain ay si dhow ula shaqeyneyso Ra'iisul Wasaaraha cusub iyo Xukuumadda uu soo dhisi doono, waxaana uu Danjire David Concar tilmaamay in UK ay ugu deeqday Soomaaliya lacag gaareysa boqol milyan oo gini oo ah gargaar cusub, si wax looga qabto abaaraha iyo xaaladda 600, oo carruur oo soo wajahday xaalad nafaqo darro ah. Sidoo kale Safiirka UK ayaa uga warbixiyay Ra'iisul Wasaaraha cusub qaban qaabada shir heer sare ah oo ay marti gelineyso dowladda UK, kaasoo dhowaan ka dhici doono magaalada London, waxaana shirka ka soo qeyb geli doona dowlado badan, iyadoo looga hadlayo arrimaha amniga, dhaqaalaha, abaaraha iyo dib u dhiska Soomaaliya, waxaana la filayaa in Soomaaliya loogu deeqo dhaqaale. Ra'iisul Wasaaraha cusub ee dalka Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo taageerada UK ay had iyo jeer la garab taagan tahay Soomaaliya, waxaana uu ka mahad celiyay booqashada iyo is barashada Safiirka cusub ee UK u qaabilsan Soomaaliya. Ra'iisul Wasaaraha magacaaban Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa [...]

Kheyre oo qorshihiisa 4ta sano ka iibinaaya...

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra'isul wasaaraha la magacaabay Xasan Cali Kheyre ayaa maanta lagu wadaa inuu la kulmo Guddoomiyayaasha labada Gole ee BFS.
Ra'isul wasaaraha la magacaabay Mr Kheyre ayaa labada Guddoomiye kala hadli doona qorshihiisa shaqo, waxa uuna ka dhaadhicin doonaa in labada Aqal ay dhankooda ka fududeeyan ogolaanshiyaha.
Kheyre ayaa labada Guddoomiye sidoo kale ku qancin doona wada shaqeynta iyo inuu dhisi doono Xukuumad loo dhan yahay oo ka duwan kuwii hore.
Kheyre ayaa sidoo kale labada Guddoomiye usoo bandhigi doono shaqooyinka uu qaban doono sanadka ugu horeeyo.
Sidoo kale, Kheyre ayaa magaalada Muqdisho ka bilaabay kulamo uu la qaadanaayo Madaxdii hore, si uu uga kororsado aqoonta shaqo.
Dhinaca kale, Ra'isul wasaaraha ayaa wajahi doona Baarlamaanak labada Aqal, si uu uga helo kalsoonida.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Xildhibaanada Hirshabelle oo Kutlad ay ku sheegeen...

$
0
0

Jowhar ( Sh. M. Network)-Xildhibaanada dhawaan Mooshinka ka keenay Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Jowhar ayaa kaga dhawaaqay Kutlad ay ku mideysan yihiin Xildhibaanadaasi.
Masuuliyiintii kulankaasi ka qeyb gashay ayaa sheegay in Kutladaan ay tahay mid ay ku badbaadinayaan jiritaanka Maamulka Hirshabelle kagana soo horjeedaan in sahqsi ay u gacan gasho Masiirka Hirshabelle.
Kutladaan oo tiro ahaan Xildhibaanada ku bahoobay ay gaarayaan 65 Xildhibaan ayaa Guddi u Magacaabay 13 ka mid ah Xildhibaanadaasi, waxaana ay sheegeen in ay la kulmi doonaan Beelaha Saluugsan sida uu wax u qeybiyay Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle sida uu Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay Afhayeenka Kutladasi Xildhibaan Khaliif Muumin Tooxow.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa Cadaadis Siyaasadeed waxa uu kala kulmayay Xildhibaanada Hirshabelle tan iyo markii uu soo Magacaabay Golihiisa Wasiirada.


AMISOM: 17 Al Shabaab fighters died in IED blast

$
0
0

African Union Mission in Somalia known as (AMISOM) said Saturday at least 17 Al shabaab fighters lost their lives in an Improvised explosives device in Middle Shabelle region.
"17 Al Shabaab members lost their lives after a vehicle they were carrying an IED in exploded prematurely at an area, 23km from Biyo Caddle," AMISOM said in a Twitter post.
Meanwhile, AMISOM has called on all Somalis to continue working with the security forces in their areas to pacify the country, according to the statement posted on its Twitter account.

#AMISOM calls on all Somalis to continue working with the security forces in their areas to pacify the country. #Somalia#AlShabaab.
-- AMISOM (@amisomsomalia) February 25, 2017
Al Shabaab however did not comment on the deaths of 17 militants died in IED blast near Biyo-Adde, and the statement of the African Union Mission in Somalia (AMISOM).

Masiixiyiinta Masar oo ka qaxaya Sinai

$
0
0

Tobanaan qoys oo Masiixiyiinta Qibdiyiinta reer Masar ah, ayaa ka qaxay degmada woqooyiga Sinai ka dib markii dad doora oo masiixiyiin ah ay ku dileen todobaadyadii la soo dhaafay mitidiin loo malaynayo in ay islaamiyiin yihiini.

Madaxweyne Zuma oo u digey ajaaniibta

$
0
0

Kn: Madaxweynaha Dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa digniin adag u direy dadka ajaaniibta ah ee dalkaasi ku nool oo ay Soomaalida ka mid tahay, wuxuuna ku yiri "edeb yeesha".
Wuxuu hadlayay xili dalkaasi ay ka dhacayaan rabshado ka dhan ah ajaaniibta, wuxuuna Zuma sheegey in dalalka kale ay qaxootiga ku xareeyaan xerooyin, balse iyagu ay yihiin kuwa dulqaad badan oo dadka soo dhaweeya, balse wuxuu ka digey in soo dhaweyntaasi si qaldan looga faa'iideysto.
Wuxuu sheegey in haddii ajaaniibta ay dhaqan fiican la iman waayaan in dawladda ay faquuqi doonto, olana dhaqmi doonaan si ka duwan sidii hore.
Waa hadalkii ugu cuslaa ee uu jeediyo madaxweynaha dalkaasi xili laga filayay in uu wax ka qabto dhibaatooyinka dalkaasi ka dhacaya.
KismaayoNews.com

Masiixiyiinta Masar oo ka qaxaya Sinai

$
0
0

Tobanaan qoys oo Masiixiyiinta Qibdiyiinta reer Masar ah, ayaa ka qaxay degmada woqooyiga Sinai ka dib markii dad doora oo masiixiyiin ah ay ku dileen todobaadyadii la soo dhaafay mitidiin loo malaynayo in ay islaamiyiin yihiini.
Qoysaskaa badankoodu waxay haatan magan galeen Kaniisadda weyn ee magaalada Ismaaciiliya ee ku taal gacanka Suez.
Weeraradaa waxa cambaareeyay hogaanka Kaniisadda Qibdiyiinta waxaanay ku tilmaameen in looga dan leeyahay in "lagu kala qaybiyo" bulshada Masar.
Axaddii, ayaa mitidiinta kooxda la baxday Dawladda Islaamku waxay baahiyeen video ugu hanjabayey Masiixiyiinta laga tirada badanyahay ee Masar in ay ku soo qaadi doonaan weeraro kale.
Sannadihii u dambeeyey ayay kooxaha Islaamiyiinta mayalka adagi weerarro la beegsanayeen Qibdiyiinta oo 10% ka ah bulshada Masar ee wadarteedu tahay 90 ka milyan.
Weerarrada ay miditiinta Islaamiyiinta ahi qaadayeen sannadahan u dambeeyay, ayaa waxay badankoodu ka dhacayeen jasiirad la moodda Sinai, halkaas oo ay ka dhaqdhaqaaqaan kooxaha Jihaad alooska ah ee xidhiidhka la leh Daacish. Hase ahaatee magaalo madaxda Qaahira qudheeda ayaa weerarro is dabo jooga oo kuwaa la mid ahi ka dhaceen labadii sannadood ee la soo dhaafay.

President Osoble to reverse his cabinet after rejection

$
0
0

HirShabelle state President Ali Abdullahi Osoble has likely to review his new cabinet Following stiff rejection by some clans who accused him of power abuse and bias.
Sources in Jowhar, revealed to Radio Shabelle that over 60 HirShabelle Parliament members have filed a no confidence motion against Osoble over the controversial cabinet appointment.
HirShabelle state President Ali Abdullahi Osoble is facing a growing pressure and rejection from local clans and MPs since he appointed his 52-member Parliament last week.
Latest report from Jowhar indicate that President Osoble is expected to cancel the cabinet and appoint a new one in the coming few days, to end the increasing opposition against him.

Wareegto cusub oo kasoo baxday xafiiska madaxweyne...

$
0
0

Kn: Ku simaha madaxweynaha Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta soo saaray wareegto cusub oo uu shaqaalaha dawlad goboleedka ku farayo in ay dhawraan saacadaha shaqada xafiisyada.Wareegto saacadaha shaqada

Maamulka Gobolka Banadir oo Amar ku bixiyay in...

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa Amar waxa uu ku bixiyay in la furo dhammaan Waddooyinka jid Cadayaasha ah ee loo xiray arrimaha mniga Doorashooyinka.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in Amarkaan uu saameynayo Waddooyinka Muhiimka ah ee Dhegxaanta lagu jaray.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa faray Maamullada Degmooyinka Gobolka Banaadir in Amarkaan sida ugu dhaqsiyaha u fuliyaan , isagoo hoosta ka xariiqay in aysan u dulqaadan doonin Waddo Kaliya oo Shacabka ka xiran sida uu hadalka u dhigay.
Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in ay fureen Waddooyin dhowr ah oo xirnaa , kuwaas oo Shacabka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin ku qabeen maritaankooda.
Hadalkaan ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho waxa uu ka jeediyay Dhagax dhig loo sameynayay Garoon Kubadda Cagta ay ku Ciyaari doonaan Dhalinyarada Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir oo laga hir geliyay degmadaasi.


Kulan Ammaanka Deegaanka Garasbaaleey looga hadlayay...

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Kulankaan oo si wada jir ah u qaateen Masuuliyiinta iyo Saraakiisha Laamaha Ammaanka deegaanka Garasbaaleey ee Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay Ammaanka deegaanka Garasbaaleey iyo xaqiijinta Nabad gelyada Barakacayaasha ku soo qul qulaya deegaankaasi ee ka soo cararaya Abaaraha.
Masuuliyiinta kulanka ka soo qeyb gashay ayaa sheegay in Dadkaasi Barakacayaasha ah oo Banaanada Daadsan ay muhiim tahay in loo helo meelo ay gabaad ka dhigtaan.
Cabdiweli Garyare Guddoomiyaha deegaanka Garasbaaleey oo kulanka kadib la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Saraakiisha laamaha Ammaanka deegaanka Garasbaaleey ay ballan qaadeen xaqiijinta Ammaanka dadka Barakacayaasha ah ee soo gaaray deegaankaasi Garasbaaleey.
Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka ugu badan ee Barakacayaasha ah ee soo gaaray deegaanka Garasbaaleey ay yihiin kuwa ka yimid Gobollada Baay , Bakool iyo qeybo ka mid ah Gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaas oo uu sheegay in ay ka muuqato Diifta Abaarta.
Boqolaal Barakacayaal ah ayaa si isdaba jog ah u soo gaarayay deegaanka Garasbaaleey ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Nabadoon ka mid ahaa ergadii wax ka soo dooratay...

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Dablay hubeysan ayaa magaalada Muqdisho ku dhaawacday nabadoon ka mid ahaa ergadii wax ka dooratay xildhibaannada dowladda dhexe ee laga soo doortay Galmudug.
Waxaa lugu sheegay magaca nabadoonka la dhaawacay,Cismaan Khayre wuxuuna ka dhacay weerarka lugu dhaawacay Isgoyska Cali Kamiin ee u dhow garoonka ciyaaraha Muqdisho.
Kooxda weerarka geysatay ayaa goobta ka baxsatay,kuwaaso aan wali la aqoonsan cida ay yihiin.
Ciidamada ammaanka oo goobta gaaray,waxaa ay sameeyen baaritaanno aan cidna wali lugu soo qaban,sida u sheegay sarkaal booliska u hadlay.
Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada weerarka lugu dhaawacay nabadoonka oo qayb ka noqonaya weerarro dhowr ah oo ka dhacay caasimadda Muqdisho.
__RBC Radio

Sucuudiga oo kabaya miisaaniyadda Soomaaliya

$
0
0

Kn: Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay kulan uu la soo qaatay boqor Salmaan Bin Cabdicasiis iyo labadiisa dhaxal-suge isaga oo ka codsaday in ay dowladda Soomaaliya ka taageeraan dhinacyada horumarinta, kaabayaasha dhaqaalaha, qaadista xayiraadda ganacsiga xoolaha iyo gurmadka abaaraha.
Qorsheyaasha Dowladda Federaalka hor dhigtay Sacuudiga ayaa kala ahaa:
1. in la kabo miisaaniyadda dalka si loo bixiyo mushaaraadka ciidammada iyo shaqaalaha hey'adaha dowladda,
2. dhismaha xarumo cusub oo ay hay'adaha Qaranku ku shaqeeyaan,
3. garoon diyaaradeed oo cusub,
4. dib u dhiska waddooyinka laamiyada ah ee isku xira magaalooyinka dalka iyo
5. dib u hawlgelinta safaaraddii Boqortooyada Sucuudi Carabiya ay ku lahayd magaalada Muqdisho.
KismaayoNews.com

Puntland oo gashay qalalaase siyaasadeed

$
0
0

Kn: Waxaa maanta is casiley agaasimihii madaxtooyada Puntland Deeq Suleeymaan, waxaa sidoo kale shir jaraa'id qabtay wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire kaasi oo si weyn u dhaliiley xukuumadda Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
Wasiir Faarax ayaa sheegay in hoos u dhac uu ku yimid Kalsoonidii iyo Himalladii ay Bulshadu ka qabtey Xukuumada Madaxweyne Gaas,isagoona Xusay in Amnigii faraha u ka baxay,dhaq dhaqaaqii dhaqaalahana u mugdi galay.
Sidoo kale, Wasiirkii hore ee Maaliyada Puntland Faarax Cali shire ayaa sheegay in waqtiga shacabka Puntland u Baahan-yihiin qaymeen iyo isi saxid dhab ah oo ay sameeyaan,isagoona intaas ku daray in Xukuumada Puntland xiligan fashilantay,taasina aanan la aqabli karin in la sii daawado.
Dhinaca kale,Wasiiir Faarax wuxuu hogaamiyaasha Dhaqanka,dhaqaalaha iyo Bulshada Puntland ugu baaqayn in hoos loo fiiriyo waxa Puntland ka jira waa sida uu hadalka u dhigay,isagoo xusay in baahi lo qabo doodo ay dadku uga hadlaan arimahooda khaaska u ah si ay wax wada-saxaan.
Waxyaabahan soo shaacbaxaya waxa ay qeyb ka yihiin xasilooni dari siyaasadeed oo ay gashay Puntland tan iyo markii la doortey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
KismaayoNews.com

Ciidamada ammaanka oo Muqdisho ku qabtay Haweeney uu...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Ciidamada ammaanka ayaa howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho,waxaa ay ku soo qabteen haweeney uu qabay sarkaal sare oo la sheegay inuu Ajanabi yahay kaaso ka tirsan ururka al-Shabaab ee dowladda la-dagaallama.
Howlgalkan waxaa ay ciidamada ka fuliyeen degmada Cabdi-casiis ee gobolka Banaadir,waxaana lugu sheegay magaca qofka haweenka ah ee la qabtay,Leyla Cumar Baaruud.
Leylo waxay u dhaxday oo qabay,sarkaal u dhashay dalka Itoobiya kaaso ka barbar dagaallama kooxda al-Shabaab ee dagaalka ka wada dalka,sida laga soo xigtay saraakiisha amniga.
Warkan oo sidoo kale lugu baahiyay wakaaladda wararka ee dowladda,waxaa la sheegay ciidamada amniga inay haweeneydan ku daba-jiraan muddo shan bilood ah oo ay ku dhuumaleysanaysay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Inta wuxuu ku daray warka in haweeneydan ay xubnin ka ahayd ururka,waxaana ay u qaabilsaneyd tashkiilinta iyo marin habaabinta carruurta,waxaa kalo ay dugsi xifdinta Qur'aanka kariimka ah lagu barto ku laheyd gobalka Jubbada hoose.
Laylo Cumar Baaruud oo ah hooyo labo caruur ah leh,waxaa xilligan su'aalo waydiinaya ciidamada amniga dowladda.
__RBC Radio

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live