Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Magaalada Marka, madax xanuunka ugu weyn ee heysta...

0
0

Kn: Dagaalo u dhaxeeya beelo ayaa ka dhacay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose, waxaana lagu soo waramayaa in xaalada ay kacsantahay.
Magaalada Marka waxa ay marti u noqotey dagaalo u dhaxeeya beelo halkaasi wada dega, kuwaasi oo mararka qaar ay qeyb ka ahaayeen ciidamada dawladda.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marka waxa ay ka mid tahay meelaha ugu muhiimsan ee ay tahay in uu xal waara ka gaaro.
KismaayoNews.com


Xildhibaannada golaha Aqalka sare oo ansixiyay shan...

0
0


Muqdisho (RBC Radio) Xildhibaannada golaha Aqalka sare ee dowladda Faderaalka oo maanta Muqdisho ku shiray ayaa meel mariyay shan guddi iyo labo habdhowre,kuwaaso si kumeel-gaar ah u shaqeyn doona.
37 mudane ayaa soo xaadiray fadhiga golaha Aqalka sare,wuxuuna quseeyay Magacaabidda Guddiyo si ku-meelgaar ah u shaqeeya iyo Ansixinta Habdhowrka golaha, waxaana shir-gudoominayay Cabdixaashi Cabdullahi oo ah Guddoomiyaha Aqalka sare.
Guddigayada ay xildhibaannadu ansixiyeen waxaa ay kala-yihiin:-
1-Guddiga Amniga
2-Guddiga Miisaaniyada
3-Guddiga Gudiga Shaqaaleynta Shaqaalaha Aqalka Sare
4-Guddiga Xeer hoosaadka Aqalka Sare
5-Guddiga Sameynta Astaanta Aqalka Sare
Ugu dambeyntii,Xildhibaanada Aqalka Sare waxaa ay ansixiyeen Xildhibaan Cabdikaafi Macallin Xasan iyo Xildhibaan Fartuun Cabdiqaadir Faarax oo noqon doona Hab-dhawrayaasha Aqalka Sare.
__RBC Radio

Ciidamada amniga oo Boosaaso ku xiray nabadoon...

0
0


Gaalkacyo (RBC Radio) Ciidamada amniga Puntland ayaa magaalada Boosaaso ku xiray afhayeenka nabaddoonada gobolka Bari,Cabdiqaadir Ibraahim Xarago,sida ay baahisay idaacadda VOA-da.
Waxaa la sheegay ciidamada inay qabteen nabadoonka xilli uu ku sii jeeday degmada Waaciye ee gobolka Karkaar,lamana oga ilaa hadda halka la gayeeyay nabadoonka oo ka mid ah dadka sida weyn looga yaqaan gobolka.
Dowladda iyo maamulka gobolka midkoodna kama hadlin xariga nabadoon Xarago,kaaso ku soo aadaya maalin kaddib markii uu ka hadlay xakun dil toogasho ah oo lagu riday toddobo dhallinyaro ah oo lagu eedeeyey in ay ka tirsan yihiin ururka al-Shabaab,kaaso oo u sheegay in lugu jir dilay saldhiga weyn ee magaalada Boosaaso.
__RBC Radio

Madaxweyne Farmaajo oo magaalada Muqdisho dib ugu...

0
0


Muqdisho (RBC Radio) Madaxweyaha dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya,Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa galabtay ku soo noqday magaalada Muqdisho,kaddib safar muddo saddex cisho ah qaatay oo u ku tagay dalka boqortooyadda Sacuudiga.
Madaxweynaha iyo mas'uuliyiintii ku wahelisay safarka,waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho xubno ka tirsan golayaasha dowladda.
Inta uu joogay madaxweynaha dalka Sacuudiga oo u ku tagay caasumaad rasmi ah wuxuu kulan la qaatay boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, waxayna ka wadahadleen iskhaashiga labada wadan, boqorka ayaana ballan-qaaday inay garab istaagi doonan dowladda cusub ee Soomaaliya.
Madaxweynaha waxaa kalo kulamo la qaatay madax sare oo ka tiran dalkaasi, wuxuu sidoo kale booqday Majidka Nabiga (NNKH) ee Madiina iyo magaaladda Maka, halkaasi oo uu ku soo cumaraystay.
Booqashada uu ku tagay dalka Sacuudiga ayaa noqonaysa safarkii ugu horreeyay ee u dibadda ku aado madaxweynaha cusub,kaaso laga sugayo inuu baarlamaanka hor eego ra'iisul wasaaraha uu dhowaan magacaabay.
__RBC Radio

Sawirro: Farmaajo oo ka hadlay wada shaqeynta...

0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay keddib booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.
Madaxweyne Farmaajo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay dalka aan walaalaha nahay ee Sucuudiga ayaa la kulmay boqor Salmaan Bin Cabdicasiis iyo labadiisa dhaxal suge isaga oo ka codsaday in ay dowladda Soomaaliya ka taageeraan dhinacyada horumarinta, kaabayaasha dhaqaalaha, qaadista xayiraadda ganacsiga xoolaha iyo gurmadka abaaraha.
Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay xasfiiskiisa ayaa sheegay in dhammaan codsiyadii ay u bandhigeen dowladda Sucuudiga laga aqbalay, isaga oo intaas raaciyay in Ra'iisul Wasaaraha magacaaban looga fadhiyo marka la ansixiyo kaddib inuu dhiso guddiyadii dhaqangelin lahaa qodobada la isla meel dhigay.
Qorshayaashii ay dowladda Soomaaliya hordhigtay Boqortooyada Sucuudiga waxaa kamid ahaa in la kabo miisaaniyadda dalka si loo bixiyo mushaaraadka ciidammada iyo shaqaalaha hey'adaha dowladda, dhismaha xarumo cusub oo ay hay'adaha Qaranku ku shaqeeyaan, garoon diyaaradeed oo cusub, dib u dhiska waddooyinka laamiyada ah ee isku xira magaalooyinka dalka iyo dib u hawlgelinta safaaraddii Boqortooyada Sucuudi Carabiya ay ku lahayd magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si faah-faahsan uga hadlay shaqsiyadda Ra'iisul wasaaraha uu dhowaan magcaabay Mudane Xasan Cali Kheyre iyo waxyaabaha uu ku doortay.
"Sidaad la socotaan, Ra'iisul wasaaraha aan magcaabay laba maalmood ka hor Xasan Cali Kheyre waa shaqsi leh aqoon maamul iyo mid bini'aadannimo, isla markaana ah ninka xilligaan la joogo ku habboon inaan wada shaqeynno, shacabka Soomaaliyeed uma baahna khilaaf ragaadiya madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha, dadka Soomaaliyeedna waxaan u sheegayaa in aysan arrintaasi ka wel welin oo aan afarta sanno ee soo socota aan wada dhammeysan doonno, waxaa ugu muhiimsan ee aan u doortay Xasan in uu yahay shaqsi aan aaminsanahay inuu igula shaqeyn kara mabaadiideyda iyo ammaanada ummadda Soomaaliyeed, sidoo kalena aan ka wada qeyb-qaadan karno la dagaallanka musuq-maasuqa" ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha Qaranka, ayaa ka codsadey Barlamaanka Federaalka ee labada aqal ah in ay si dhaqsi leh Kalsoonidooda u siiyaan Ra'iisul wasaaraha uu magcaabay, isla markaana ay dowladda cusub ee la soo dhisi doono garab istaagaan, si loo dardargeliyo howlaha adag ee hor yaalla dowladda, madaxweynaha ayaa intaa raaciyey in dhowaan Barlamaanka la geyn dooni miisaaniyad aad ugu ballaaran kuwii horey loo arki jiray, maadaama ay dowladdu heysato ballan-qaadyo waa weyn oo wax badan ku soo kordhin karna miisaaniyadda dalka, maadaama aysan jirin canshuur badan oo ay dowladdu ku shaqeyso xiligaan.

Madaxweynaha Puntland oo la hadal-hayo isku...

0
0


Gaalkacyo (RBC Radio) Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa laga sugaya isku shaandheyn uu dhowaan ku sameyn doono golaha wasiirrada,sida an ka soo xiganay saraakiil sare oo dowladda ka tirsan.
Isku shaandheynta uu sameynayo,madaxweyne Cabdiweli waxaa lugu sheegay mid ballaaran oo sabab u noqon karta inay xilalka waayaan wasiirro xukuumadda ka tirsan,halka kuwa kalana la isku badalayo.
"Qorshaha wuu socda,wuxuuna madaxweynaha isku shaandheynaya golaha wasiirrada,"ayuu yiri sarkaal ka tirsan dowladda oo codsaday inan la baahin magaciisa,maaddama usan fasax u heyn inuu ka hadlo qorshaha socda ee xukuumadda wax looga badalayo.
Ujeedooyinka uu ka leeyahay wax ka badalka lugu sameynayo golaha wasiirrada,madaxweynaha Puntland waxaa lugu sheegay inay ugu horreeyso sidii loo dardargalin lahaa shaqooyinka sida gaabiska ah hadda ku socda ee wasaaradaha maamulka.
Madaxweynaha ayaa ku aadiyay qorshaha la sheegay wali inuu socdo ee wax looga badalayo golaha wasiirrada xilli ay arrimo is biirsaday ka taaganyihiin Puntland,waxaa ugu horreeya abaarta oo sameynteeda ay xoogeysatay iyo amniga oo meelaha qaar ay ka dhacayaan weerarro jogta ah,sida magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso.
Sidoo kale,dowladda waxaa ay dhaliilo kala duwan kala kulmaysa siyaasiyiinta iyo dadka wax falanqeeya,waxaa ay sheegen shaqada xukuumadda inay hooseyso oo ballan-qaadyada dowladda ay yaryihiin wixii ka hirgalay.
Si dhaqso leh ayaa lugu sheegay inuu madaxweynaha u qaadayo tallaabada wax looga badalayo golaha wasiirrada,waxaana aad loo hadal-haya inay xukuumadda ka soo muuqan karan dad ku cusub siyaasadda.
Waxaa ka socda madaxtooyadda magaalada Boosaaso wada-hadallo iyo la-tashiyo uu wado madaxweynaha Puntland,kuwaaso ku aadan isku shaandheynta lugu sameynayo xukuumadda,waxaa ku biiray la-tashiyada madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Boosaaso gaaray,sidoo kale guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ku sugan Boosaaso.
Horay ayuu madaxweynaha sidan oo kale isagu shandheeyay golaha wasiirrada marka ma dhicin isbadalka weyn ee xilligan la hadal-hayo inuu dhaco.
Wixii ku soo kordha warkan,Raxanreeb ayaa idin la socodsiin doonta,insha allah.
__RBC Radio

Dhageyso: Farmaajo ma qaadan doonaa taladii uu...

0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Allaha u naxariistee abaanduulihii hore ee ciidamada xoogga Soomaaliyeed Jeneraal Cabdikariim Yuusuf Dhega-badan ayaa dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu siiyey talo aad u wanaagsan oo looga adkaan karay kooxda Al-Shabaab.
Jeneral Dhega-badan, oo Al-Shabaab u bixiyey "Jid iyo jiho diid" ayaa shaaciyey xeelado muhiim ah oo kooxda weeraradeeda lagu baajin karay, uga dambeynna looga adkaan karay.
Talooyinkiiisa ma aysanq aadan dowladdii Xasan Sheekh, balse waxay is-weydiinti tahay in madaxweyne Farmaajo qaadan doono talooyinkan oo laga heli karo codka nool ee Jeneraal-ka. Waxa uu yiri
"Aniga waxaan qabaa hawlgalada in laga billaabo Afgooye iyo Balcad inta u dhaxeyso, beertii Cali Mahdi, Mire Indha-yare, Saqiiro. Yaan argagax dadka lagu gelin Xamar baala soo galay."
"Nimanku goobaha ay degan yihiin in loogu taggo weeye. Marka meelaha ay isu soo uruursan karaan ama ka waxeysmi karaan waxa weeye Afgooye iyo Balcad inta u dhaxeysoo la nadiifiyo. Balcad illaa Dekedii Ceel Macaan in la nadiifiyo Gendershe iyo Ceelasha inta u dhaxeyso. Intaas haddii la nadiifiyo waxaan u arkayaa intaasu inay noqonayso arrin lagu guuleystay."
"Arrinta kale waxaan qabaa shacabka Somaliyeed inuu asagana qaato kabaha ay nimanku ku shaqeysanayaan. Waxaan u arkayaa Xamar bay soo galleen, waa soo buuxiyeen, intaasaa tmid waa argagaxin. Waxaan qabaa in si degan loo dejiyo jidka Soddonka, jidka Wadnaha, jidka Warshadaha, in ciidamadu sida jidka Maka Al Mukarama oo kale ay u suubiyaan, loo hagaajiyaa."
"Meelaha ay ka soo gelayaan sida Kaaraan, Huriwaa/Heliwaa, Dayniile, ayadana in la xiro oo ciidamada ay difaac ka dhigtaan iyo meesha la yiraahdo Abagado iyo soonahiisa in la xiro. Markaas kontoroolka gaadiidka imaanaayana meeshaa laga koontoroolo oo guryihiina laga suubiyo. Waxa jidadka isgoysyada la dhigo."
"Degmooyinka iyo Gobolada ay qaataan sida soo socota, degmo kasta ama cid kastaa inay fiiriso goobta ay joogto. Garaash maxaa baabuur ku jira? Degmadu inta baabuur u soo hooyatay waa inay taqaanaa, inta gaadiid joogto waa inay taqaanaa, waxa jira waa inay yaqaaniin. Xagey bay marka wax ka imaan karaan? Marka waxaan qabaa intaasoo dhan in hawlgalka laga suubiyo oo hawshaa sidaa lagu galo, adinkoo iga raali ah."
Caasimada OnlineXafiiska Muqdishocaasimada@live.com

Maxay ku kala duwan yihiin yihiin safaaradaha USA,...

0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Dad badan ayaa isweydiinaya safiirada dalalka caalamka usoo magacaabaan magaalada Muqdisho iyo halka ay ku shaqeeyaan.
Safaaradaha ku yaala magaalada Muqdisho oo ah kuwo kooban ayaa ka dhaqdhaqaaq wanaagsan safaarado badan oo aan ku oolon masina warqadaha aqoonsiga laga gudoomay.
Safiirada Mareykanka, Canada, UK, Talyaaniga, Midowga Yurub iyo dalal kale oo dhowr ah ayaa ku shaqeeya dhismooyin Teendhooyin ama kunteenaro ka sameysan oo ku yaala Xarunta Xalane.
Marka aad gudaha u gasho dhismaha Xalane, waxaad dareemeysaa in Xalane ay tahay xarun ajaaniib oo Soomaalida ay ku yar tahay, waxaana ugu wacan safaaradaha badan ee ku dhex shaqeeya.
Laakiin Safaarada Turkiga ayaa ka duwan oo waxay dhisme dhaqaalo badan uu ku baxay ay ka dhisteen degmada C/casiis, walow ay dhisteen meel xeebta ku teedsan.
Haddana waxaad moodaa inay mareyso sharciga saxda ah ee agu yaqaano safaarad maadaama ay ku shaqeyneyso dhisme ay leedahay.
Sidoo kale safaarada Jabuuti ayaa ka duwan oo waxay maalintii Arbacada ay dhagax dhigtay dhisme ay ku shaqeyn doonto.
Haddii hantida ajaaniibta ay geliyaan gudaha magaalada Muqdisho, waxaana muuqanaya in la wada eegi doono amaanka dalka oo hantidooda ay difaacan doonaan dadka ajaaniibta ah, balse hadda haddii ay doonaan daqiiqad gudaheed ayay dalka dhan kaga tagi karaan.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com


Xog: Madaxweyne Farmaajo oo dalab muhiim ah hor...

0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Madaxweynaha Maxamed C/llahi Farmaajo oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa kulan khaasa la yeeshay sii hayaha xilka ra'isul wasaarihii hore ee Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Cumar C/rashiid ku amray inuu diyaariyo dhammaan Dukumiintiyada Khuseeya Heshiisyadii Dowladda ay gashay intii uu xafiiska joogay, waxa uuna ka dalbaday in dhow uu kula shaqeeyo Ra'iisul wasaaraha magacaaban.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale Cumar C/rashiid ugu baaqay in Ra'isul wasaaraha la magacaabay uu kala shaqeeyo Howlaha qaranka mudada laga gaaraayo sharciyeenta Ra'isul wasaaraha cusub.
Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'isul wasaaraha magacaaban ayaa lagu wadaa in kulan guud ay la qaataan Ra'isul wasaarihii hore Cumar C/rashiid si ay u wadaagaan Macuumaadka khuseeya shaqooyinkii uu horay usoo qabtay iyo kuwa qabyada ah.
Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa wada qorsho lagu dadajinaayo sharciyeynta Ra'isul wasaaraha magacaaban Xasan Cali Kheyre.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Xog: Farmaajo oo ka feejigan in golaha wasiirada...

0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Madaxweynah JFS ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ka feejigan yahay in Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia lagu daro Xildhibaano ka tirsan labada Aqal.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in Xukuumada cusub uu u diyaarinaayo Siyaasiyiin aan xubin ka aheyn labada Aqal ee BFS.
Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu dhaliilay Hanaanka ay ku shaqeyn jireen Dowladihii isaga ka horeeyay waxa uuna iminka isku diyaarinayaa in Xukuumada cusub uu ka ilaaliyo inay kamid noqdaan Xildhibaanada.
Qorshaha Farmaajo ayaa la sheegay inuu kamid yahay in la kala qaado shaqooyinka Xildhibaanada iyo Golaha Wasiirada, isagoo arrintaani sabab uga dhigay in Xildhibaanada ay dayacayaan shaqooyinkooda isla markaana ay caqabad ku noqonkaraan isbedelka Siyaasadeed ee uu dalka ku talaabaayo.
Farmaajo ayaa Xukuumada cusub u badin doona Siyaasiyiin uu aqoon u leeyahay waxqabadkooda kuwaa oo ka dhex imaan doono Beelaha Soomaaliyeed si aan looga weecan saami qeybsiga Xukuumada.
Dhinaca kale, Farmaajo ayaa horay u ballanqaaday inuu soo dhisi doono Dowlad ka madaxbanaan Musuqa, Nin jecleysiga iyo ku tagrifalka waxa uuna sidoo kale shacabka ka dalbaday inay la shaqeeyaan cida uu u arko inay wax ka bedelikarto xaalada dalka ee uu magacaabo.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Xog: Maxaad ka ogtahay qorshaha Farmaajo ee golaha...

0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Wararka aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu wado qorsho lagu soo koobaayo Golaha Wasiirada ee la filaayo in dhawaan lagu dhawaaqo.
Wararku waxa ay sheegayaan in qorshaha Madaxweynaha uu yahay in Wasiirada ka mid noqon doona Golaha la koobo isla markaana leysku daro Wasaarado dhowr ah, si dhaqaalaha ku baxaaya Golaha uu u noqdo mid kooban.
Wasaaradaha kamid noqon doona Xukuumada cusub ee aan leysku dari doonin ayaa la sheegay inay kamid yihiin Sida Wasaarada Arrimaha Gudaha, Amniga, Dibadda, Cadaaladda iyo Dastuurka, Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.
Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Madaxweynaha uu wado qorsho leysugu daraayo Wasaaradaha kale kuwaa oo ay ku jiraan Wasaarado aan xiligaani la gaari howlihii ay qaban lahaayen.
Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa sidoo kale la sheegay inuu badin doono Wasiiro Dowlayaasha iyo Agaasimayaasha Wasaaradaha oo lagu qancin doono Beelaha u taagan saami qeybsiga.
Lama oga inuu dhaqan gali doono qorshahaani uu fulinteeda ku taamaayo Madaxweynaha, walow ay jiraan Beelo dhowr ah oo iyagu calaameystay Wasaarado gaar ah.Caasimada Online Xafiiska MuqdishoCaasimada@live.com

Xog: Daljir oo u dhow inay gacanta ku dhigto xilka...

0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa ka socda qorshe la doonayo in guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho lagu siiyo beesha Habar-Gidir, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Qorshahan ayaa wxaaa iska kaashanaya Axmed Macallin Fiqi oo ka tirsan kooxda Daljir iyo Ugaaska beesha Mudullood Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, oo la sheegay in lacag badan ay siiyeen kooxda Daljir, oo halgan xooggan ugu jirta jagadan, kadib markii ay weysay xilka ra'iisul wasaaraha.
Kooxdan ayaa la sheegay in Ugaas Maxamuud ay ka dhaadhicisay in beesha Mudullood ay kala shaqeynayaan sidii ay u heli lahayd xilka madaxweynaha Hir-Shabelle, oo hadda uu socdo mooshin looga qaadayo Cali Cabdullaahi Cosoble. Waxaa sidoo kale shaqsiyan loo ballan qaaday Ugaaska lacag badan.
Cabdulle Xaaji Cusmaan, oo ka mid ah odayaasha Mudullood oo sheegay inuu arrintan ka war-helay ayaa Caasimada Online u sheegay in xilka uu si gaar ah u doonayo Axmed Macallin Fiqi, oo waayey xilka ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale macquul ah in la kala qaado xilka gobolka iyo duqa Muqdisho, mid ka mid ahna la siiyo Fiqi, sida aan xogta k helnay.
Cabdulle waxa uu ka digay cawaaqib xumada ka dhallan karta arirntan, haddii madaxweyne Farmaajo uu dhageysto warka Axmed Fiqi iyo Ugaaska, oo uu sheegay inuu yahay nin la iibsaday.
Qorshaha Axmed Macallin Fiqi iyo Ugaaska ayaa sidoo kale ah in beesha Xawaadle laga tuuro xilka Hir-Shabelle ugu sarreeyaa, ayaga oo sida la sheegay aaminsan inuu meesha ka baxay madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegeen inuu beeshan xilkan siiyey.
Qorshahan ayaa abuuri kara is-beddelo siyaasadeed oo xasarado dhallin kara.Caasimada Online Xafiiska Muqdishocaasimada@live.com

Halista Somalia uga soo wajahan ciidanka Imaaraadka...

0
0

Imaaraadka Carabta waxa ay bixiyaan qeyb ka mid ah gunooyinka ciidamada militariga xooga dalka iyagoo fulinaya siyaasadooda Geeska Afrika, Inta badan ciidamadda Imaaraadka uu qarashka ku bixiyo waxa uu siyaa tababaro ka duwan kuwa dowladaha kale ay u tababaraan Somalia, iyagoo ciidamada ku tashkiiliya inay yihiin ciidamo si toos u hoos taga dalka Imaaraadka .
Khatarta Imaaraadka waxa ugu badan balanqaadyo ay ciidamada u sameeyaan sida deganaasho iyo fiisooyin bilaasha iney ku tagi karaan dalkooda, waliba ay awood u yeelan karaan mustqbalka iney guursadaan dumarka dalkooda.
Arintan ayaa waxa ay dhiiri galin u tahay dhallinyarada ay u qortaan qaab ciidan.
Ciidamada inta badan waxa ay ku cadaadiyaan iney qataan siyaasadda ay la damacsan yihiin oo ah iney si toos u hoos tagaan taliskooda, kii diidana waxa ay ka eryaan tababarka.
Ujeedada ayaa ah in ciidankan loo isticmaalo awood ka baxsan tan dowladda Soomaaliya, waxayna khatar ku tahay ammaanka dalka; waayo ciidamo aanan hoos iman taliska qaranka waxay noqon karaan ciidan Imaaraad.
Hadaba arrimahan ayaa looga gol-leeyahay in lagu qal-qal galiyo qaranimada umadda Soomaaliyeed iyo in lala diriro qaran Soomaaliyeed.
Safaarad xebeedka ay Imaraadka ku leeyihiin Muqdisho , waxay cabsi ku tahay Somalia iyadoo anan laga warqabin waxa ay lasoo dagi karaan waqtiyada xiliyadda habeenkii.
Ka sokow danaha fog ee faragalinta iyo saldhigyada Berbera, Imaraadka waxa uu xifaal-tan kula jiraa danaha Turkiga ee Somalia isagoo marwalba ku mashquulsan in Turkida laga saaro Somalia! Imaraadka horey waxa uu ku guleestay in Iiraan laga saaro Somalia si aynaan danihiisa u wiiqmin.
Doorka Imaaraadka qaranimada Soomaaliya waa khatar u baahan siyaasad cad oo aanan laga sii fakirin.
Dowladda Soomaaliya iyo Xukuumada cusub haddii ay sii fiirsadaan gunooyinka yar yar ee ay bixiyaan Imaaraadka oo aanan la iman siyaasad dheela tiran oo Imaaraadka lagu yareynayo siyaasadooda, waxa ay keeni kartaa qal-qal siyaasadeed iyo mid ammaan.
Somaaliya waxa ay la daala dhaceysaa danooyin isdiidan Geeska ilaa iyo Beriga Dhexe walow ay u dheer tahay danaha reer Yurub; waa murugo ku baaheysa gayiga Geeska Afrika oo ah mandiqad laga cabsi qabo iney u kala go'do dowladdo yar yar sida uu yahay (vision)-kooda.
Imaraadka hub ayuu gooni u siiyaa Maamul goboleed kasta, Berbera waa uu la wareegay, Ciidamo ayuu qoranayaa, siyaasadiina waa uu u-yeerinayaa.
Siyaasiyiintu waxa ay kala dooranayaan dalxiiska iyo laalushka Imaraadka Carabta ama waxa ay noqonayaan hogaamiyayaal qaran.W/Q: Xuseen Anteeno Fallanqeeyee-Siyaasadeed twitter: @HusseinAnteeno

Xog: Imaaraadka oo qarka u saaran dekedda Boosaaso ...

0
0

Dubai (Caasimada Online) - Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa qarka u saaran inay gacanta ku dhigto maamulka dekedda magaalada Boosaaso, sida ilo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.
Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in wada-hadallo muddo sanad ka badan u socday Imaaraadka iyo madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Gaas ay hadda gebo gebo ku dhow yihiin, lana filayo in dhowaan labada dhinac ay kala saxiixdaan heshiis rasmi ah.
Heshiiskan ayaa waxaa maamulka dekedda Boosaaso kula wareegi doonta shirkadda Imaaraatiga ee DP World, oo sidoo kale horey u hantisay maamulka dekedda Berbera, taasi oo qalabeyn iyo dayactir ku sameyn doonta dekedda Boosaaso.
Sarkaal ka tirsan maamulka Puntland oo codsaday inaan la magacaabin ayaa Caasimada Online u sheegay in Cabdi Weli Gaas uu shaqsiyan heshiiskan ku qaadan doono 15 milyan oo dollar, oo ah lacag aysan shaqo ku lahayn dowladda Puntland.
Waxaa sidoo kale suurto-gal ah in heshiiskan aan la horgeyn baarlamanka Puntland oo lagu saxiixo kaliya amar madaxweyne.
Imaaraadka ayaa isku dayaya inuu gacanta ku dhigo dhammaan dekedaha waaweyn ee Soomaaliya, waxayna hadda wadaan qorshe la rabo in Turkiga looga saaro Soomaaliya, si ay ula wareegaan dekedda Muqdisho.
Xeel-dheerayaasha ayaa rumeysan in haddii Soomaaliya ay nabad noqoto oo dekedaheeda dhisato ay ganacsiga kala wareegi doonto dekedda Dubai, maadaama Soomaaliya ku taallo marin ka wanaagsan Dubai.
Heshiisyada Imaaraadka ay la galayaan Soomaalida oo badankood ah illaa 30 sano, ayaa u saamaxaya in muddadaas aysan wax halis ah ku iman, maadaama ayada ay maamuleyso dekedaha Soomaaliya, ayna xaqiijin doonto inaysan dhaafin inay noqdaan dekedo gudaha kaliya ah.
Madaxda dowladda Soomaaliya ayaan ka hadal heshiisyada Imaaraadka ay la galaan maamul goboleedyada, maadaama lacag biil ah ay bishii ka qaataan.
Madaxweyne Farmaajo ayaan la ogeyn isna waxa uu arrimaha ka yeeli doono, inkasta oo weli uusan ka hadal heshiiskii saldhigga Berbera.Caasimada Online Xafiiska Muqdishocaasimada@live.com

Puntland oo Nabadoon caan ah u xirtay sabab yaab leh...

0
0

Bosaso (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Boosaaso lagu xiray Nabaddoon C/qaadir Axmed Xarago oo ah afhayeenka odayaasha dhaqanka ee gobolka Bari.
Xariga Nabadoonka ayaa waxaa geystay Ciidamada maamulka kuwaa oo xiliga lagu guda jiray xiritaankiisa kula kacay jir dil.
Xariga Nabadoonka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo booqasho uu ugu tagay 7 dhalinyaro oo dhawaan maamulka Puntland ay ku xukumeen dil Toogasho ah.
Sababta xariga Nabadoonka ayaa la sheegay inay tahay kadib markii uu baahiyay warar sheegaya in dhalinyaradaasi loo geysto jir dil, ka hor inta uusan dhicin xukunkooda dilka ah.
Maamulka ayaa si weyn uga carooday hadalka Nabaddoonka , islamarkaana ay xabsiga dhigeen.
Dhinaca kale, Xukunka dhalinyaradaasi todobada ah lagu riday ayaa waxaa kasoo horjeestay inta badan waxgaradka gobolka Bari oo sheegay in xukunka uusan aheyn mid Caddaalad ah.Caasimada OnlineXafiiska BosasoCaasimada@live.com


Ciidamada NISA oo Muqdisho kuu soo Bandhigay...

0
0

Ciidamada amaanka Dowlada Soomaliya ayaa Magaalada Muqdisho ku qabtay haweeneey u dhaxday Sarkaal ajnabi ah oo Katirsan Al-Shabaab.
Leyla Cumar Baaruud oo uu qabay Nin u dhashay Dalka Itoobiya oo kamid ah Saraakiisha Al-Shabaab ayeey Ciidamada amaanku ku soo bandhigeen Xabsiga Dhexe ee Ciidamada NISA ee Muqdisho.
Leyla ayaa wareeysi la la yeeshay ku sheegtay in ay Al-Shabaab iyana u qaabilsaneeyd dhanka iyo tashkiilinta dadka.
NISA ayaa haweeneeydaan ku raadjoogtay muddo 5 bilood ah ugu dambeeyntiina haweeneeydaan ay soo qabteen xili ay ku sugneeyd afaafka hore ee hooygeeda oo ku yaala Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho
The post Ciidamada NISA oo Muqdisho kuu soo Bandhigay Haweeneey uu qabay Sarkaal Ajnabi ah Al-Shabaab. appeared first on Puntland Post.

Xoogagga Suuriya oo ku durkay fallaagada

0
0

Wararka ka imaanaya Suuriya waxay sheegayaan in xoogagga dawladda ay guulo ka gaareen laba aag oo ay kula dagaallamayeen kooxda dawladda islaamiga, ayagoo meelo kalena ka wada weerarrada cirka ee ka dhanka ah fallaagada.

Seed oo Shaaciyey Sababaha uu ku Doortay inuu Dhiso...

0
0

Boorama (Somaliland.Org)-Guddoomiye-ku-xigeenkii koowaad ee hore ee xisbiga WADDANI Md. Axmed Muumin Seed oo haatan ka tirsan saraakiisha sarsare ee xisbiga KULMIYE, ayaa shaaciyey sababaha uu u doortay inuu dhiso murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE, ahna Guddoomiyaha xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi ee uu uga doortay saaxiibkiisii hore ee murrashaxa xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro.
Axmed Muumin Seed oo maanta ka hadlayey madal uu xisbiga KULMIYE kusoo dhaweynayey saraakiishii xisbiga WADDANI ugu sarraysay gobolka Awdal, waxa uu sheegay inuu ku arkay Muuse Biixi dhammaan astaamaha uu leeyahay hoggaamiye, sidaasi darteedna uu ku doortay inuu ku raaco, "Calaamadaha aan Muuse Biixi ku doortay waxa ka mid ah Muuse maaha beenaale, waana nin hadallo cad oo marka uu halkaas soo socdo waxaad garanaysaa inuu amba ku dilayo amba ku noolaynayo, waana nin go'aan qaadan kara oo aan mus-dambeed lahayn, musdambeedkiisuna waa aqoonta, wuuna leeyahay dhammaan calaamooyinkii hoggaaminta," ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.
Waxa kaloo uu ka hadlay waxa keenay in aannu xil ka qaadan xisbiga KULMIYE kadib markii uu soo galay, waxaannu sheegay inuu ixtiraamka iyo qaddarinta ugu hayo xeerarka iyo shuruucda dalka, isaga oo tallaabo sharciga baal marsan ku sifeeyey xilka hoggaamiyenimo ee uu xisbiga WADDANI u cumaamaday wasiirkii hore ee wasaaradda madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.Axmed Muumin Seed waxa uu iftiimiyey in waqtigii uu hoggaanka WADDANI ka tirsanaa ay Ex. Wasiir Xirsi u dhiibeen xil uu ku tilmaamay mid waraabe u-taag ah oo aan xeerarka ku jirin, waxaannu yidhi, "Annagu markii aanu WADDANI ahayn golihii wasiirrada ee Dawladda ka yaacay maalintii ay nagu soo biirayeen, Xirsi waxanu siinay waraabe-u-taag oo waxanu ku nidhi Hoggaamiye ayaad tahay, laakiin Hoggaamiyuhu meel uu sharciga xisbiyada kaga jiraa ma jirto."
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu jawaab ka bixiyey su'aalo dadku iska weydiiyaan dheefta laga siiyey xisbiga uu kamidka yahay ee KULMIYE, waxana uu hoosta ka xarriiqay in hammigiisu yahay sidii uu murrashax Muuse Biixi Cabdi u dhisi lahaa, isla markaana aanu marnaba diyaar u ahayn inuu damaciisa ku xidho wax aan xeerarka dalka ku jirin, "Aniguna ilaa maalintii aan xisbiga KULMIYE ku biiray dadku waxa ay isweydiinayaan guddoomiye-ku-xigeenkii baad tahay oo musharrax madaxweyne-ku-xigeen baad u socotaye KULMIYE muxuu ku siinayaa, balse waxan go'aan ku gaadhay inaanan qaadanin kursi aan ku qornayn distoorka Somaliland ama shuruuc hoosaadka xisbiyada ku qornayn oo aanan Somaliland sharci-darro u horseedin, waxana aan go'aansaday inaan masiirkaygii, taageerayaashaydii, awooddaydii dhaqaale iyo tii karitiyeed ee ilaahay i siiyeyba ku dhiso Muuse Biixi Cabdi aniga oo aan wax shuruud ah ku xidhaynin, waayo waxa aad u muhiim ah inaynu shuruucda dalka oo aynu ta xisbiyada dhawrno, haddii uu maanta Muuse Biixi ii magacaabo Hoggaamiye meel uu shuruucda kaga qoran yahayna ma jirto waana waraabe u taag uun markaa intaan waraabe-u-taag noqon lahaa waxan door biday inaan Muuse dhiso oo aan abaalkayga dib u dhigto," ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.
Somaliland.Org/Hargeysa

Xoogagga Suuriya oo ku durkay fallaagada

0
0

Wararka ka imaanaya Suuriya waxay sheegayaan in xoogagga dawladda ay guulo ka gaareen laba aag oo ay kula dagaallamayeen kooxda dawladda islaamiga, ayagoo meelo kalena ka wada weerarrada cirka ee ka dhanka ah fallaagada.
Warbaahinta dawladda Suuriya ayaa sheegatay in milateriga ay u dhaqaaqeen meel dhowr KM u jirta Palmyra, halkaasoo ay kooxda I-S dib u qabsatay bishii Disembar.
Xoogagga dhanka dawladda u janjeera ayaa sidoo kale la soo sheegay inay I-S dhul ka qabsadeen, dhinaca koofureed ee magaalada Al-Bab oo ku taalla waqooyiga galbeed ee dalka. Dhawaan ayaa halkaas waxaa kooxaha mintidiinta ka saaray fallaagada.
Dadka u ololeeya arrimaha Suuriya waxay sheegayaan in dayaaradaha dagaalka ee xukuumadda ay iyaguna sii wadaan duqeynta magaalada ugu dambaysa ee fallaagadu haysato ee Xums, maalin ka dib markii mintidiintu ay weerar weyn ku qaadeen bartilmaameedyo xagga amaanka ah oo halkaa ku yaalla.

Nafaqo darri ba'an oo ka jirta Suudaanta Koofureed

0
0

Heerka gaajada ka jirta gobolka Unity ee Suudaanta Koofureed ayaa waxaa shaaca ka qaaday qoysas soo gaaray xarun ay Qaramada Midoobay leedahay.
Dumarka ayaa ka hadlayey todobaadyo ay ku noolaayeen meelo u dhow biyo-fariisadyo, ayna ku noolaayeen dhirta biyaha leh, miraha duurka biyo malab-duureed.
Wariye BBC ka tirsan oo xaruntaas joogay wuxuu sheegay carruur badan ay haysato nafaqo darro ba'an.
Qaramada Midoobay ayaa iminka wadaxaajood ka gashay sidii loo gaari lahaa deegaannada ay gacanta ku hayaan fallaagada Suudaanta Koofureed, si loogu ogolaado in gargaarkii ugu horreeyey la gaarsiiyo.
Hay'ada qaxootiga ee Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ay sare u sii kacayso tirada qaxootiga ka soo cararaya koofurta ee aadaya Suudaan, tan iyo billowgii sannadkan.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live