Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Nafaqo darri ba'an oo ka jirta Suudaanta Koofureed

$
0
0

Heerka gaajada ka jirta gobolka Unity ee Suudaanta Koofureed ayaa waxaa shaaca ka qaaday qoysas soo gaaray xarun ay Qaramada Midoobay leedahay.


Axmed M. Seed oo Shaaciyey Sababaha uu ku Doortay...

$
0
0

Boorama (Waahee )-Guddoomiye-ku-xigeenkii koowaad ee hore ee xisbiga WADDANI Md. Axmed Muumin Seed oo haatan ka tirsan saraakiisha sarsare ee xisbiga KULMIYE, ayaa shaaciyey sababaha uu u doortay inuu dhiso murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE, ahna Guddoomiyaha xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi ee uu uga doortay saaxiibkiisii hore ee murrashaxa xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro.
Axmed Muumin Seed oo maanta ka hadlayey madal uu xisbiga KULMIYE kusoo dhaweynayey saraakiishii xisbiga WADDANI ugu sarraysay gobolka Awdal, waxa uu sheegay inuu ku arkay Muuse Biixi dhammaan astaamaha uu leeyahay hoggaamiye, sidaasi darteedna uu ku doortay inuu ku raaco, "Calaamadaha aan Muuse Biixi ku doortay waxa ka mid ah Muuse maaha beenaale, waana nin hadallo cad oo marka uu halkaas soo socdo waxaad garanaysaa inuu amba ku dilayo amba ku noolaynayo, waana nin go'aan qaadan kara oo aan mus-dambeed lahayn, musdambeedkiisuna waa aqoonta, wuuna leeyahay dhammaan calaamooyinkii hoggaaminta," ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.
Waxa kaloo uu ka hadlay waxa keenay in aannu xil ka qaadan xisbiga KULMIYE kadib markii uu soo galay, waxaannu sheegay inuu ixtiraamka iyo qaddarinta ugu hayo xeerarka iyo shuruucda dalka, isaga oo tallaabo sharciga baal marsan ku sifeeyey xilka hoggaamiyenimo ee uu xisbiga WADDANI u cumaamaday wasiirkii hore ee wasaaradda madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Axmed Muumin Seed waxa uu iftiimiyey in waqtigii uu hoggaanka WADDANI ka tirsanaa ay Ex. Wasiir Xirsi u dhiibeen xil uu ku tilmaamay mid waraabe u-taag ah oo aan xeerarka ku jirin, waxaannu yidhi, "Annagu markii aanu WADDANI ahayn golihii wasiirrada ee Dawladda ka yaacay maalintii ay nagu soo biirayeen, Xirsi waxanu siinay waraabe-u-taag oo waxanu ku nidhi Hoggaamiye ayaad tahay, laakiin Hoggaamiyuhu meel uu sharciga xisbiyada kaga jiraa ma jirto."
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu jawaab ka bixiyey su'aalo dadku iska weydiiyaan dheefta laga siiyey xisbiga uu kamidka yahay ee KULMIYE, waxana uu hoosta ka xarriiqay in hammigiisu yahay sidii uu murrashax Muuse Biixi Cabdi u dhisi lahaa, isla markaana aanu marnaba diyaar u ahayn inuu damaciisa ku xidho wax aan xeerarka dalka ku jirin, "Aniguna ilaa maalintii aan xisbiga KULMIYE ku biiray dadku waxa ay isweydiinayaan guddoomiye-ku-xigeenkii baad tahay oo musharrax madaxweyne-ku-xigeen baad u socotaye KULMIYE muxuu ku siinayaa, balse waxan go'aan ku gaadhay inaanan qaadanin kursi aan ku qornayn distoorka Somaliland ama shuruuc hoosaadka xisbiyada ku qornayn oo aanan Somaliland sharci-darro u horseedin, waxana aan go'aansaday inaan masiirkaygii, taageerayaashaydii, awooddaydii dhaqaale iyo tii karitiyeed ee ilaahay i siiyeyba ku dhiso Muuse Biixi Cabdi aniga oo aan wax shuruud ah ku xidhaynin, waayo waxa aad u muhiim ah inaynu shuruucda dalka oo aynu ta xisbiyada dhawrno, haddii uu maanta Muuse Biixi ii magacaabo Hoggaamiye meel uu shuruucda kaga qoran yahayna ma jirto waana waraabe u taag uun markaa intaan waraabe-u-taag noqon lahaa waxan door biday inaan Muuse dhiso oo aan abaalkayga dib u dhigto," ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

Hargeysa: Dallad ay ku Bahoobeen Dhallinyarada...

$
0
0

Hargeysa ( Waaheen )- Xisbiga KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey dhallinyaro fara badan ku bahoobay dallad la yidhaa AL-BACAS oo ay leeyihiin kooxaha ciyaartoyga kubadda cagta ee degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge ee Koonfurta magaalada Hargeysa, kuwaas oo si rasmi ah ula midoobay xisbiga.
Xaflad ballaadhan oo dhallinyaradani u sameeyeen midowga dhexmaray xisbiga KULMIYE oo ka dhacday huteelka Scandinavian ee magaalada Hargeysa shalay, wax aka qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, Xoghayaha Guud ee xisbiga Md. Xasan Siciid Yuusuf, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cige, madaxda heer gobol ee xisbiga, xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Somaliland iyo dhallinyaro tiro badan oo ka socotay kooxaha kubadda cagta ee degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge ee ku bahoobay dalladda Al-Bacas iyo masuuliyiinta dalladda aqoonyahanka Horseed oo iyaguna dhawaan ku biiray xisbiga.
Guddoomiyaha dalladda Al-Bacas Mr. Axmed Nuur Xuseen oo ugu horreyn ka hadlay xafladda ayaa faahfaahin ka bixiyey dalladdooda oo uu sheegay inay ka kooban tahay toddoba kooxood oo ka dhisan xaafadaha labada degmo ee Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge, kuwaas oo sheegay inay si buuxda isugu raaceen taageerada xisbal-xaakimka KULMIYE, waxaannu yidhi, "Annagu waxaannu go'aansanay in aannu maanta cuddudayada taageero, caqligayada iyo aqoontayadaba in aannu ku taageerno xisbiga KULMIYE. Haddaannu nahay dalladda kooxda Al-Bacas waxa naga xaaraan ah saddex qodob oo kala ah; kow, balwadda oo waxaannu nahay qayb ciyaareed, laba dhallinyaro ayaa xisbi ka soo baxday oo mid kale u digo-rogotayna waa naga mamnuuc oo waxaannu nahay dad meel iyo mowqif keliya uun haysan karaya, saddex, annagoo ka tirsan xisbi ayaanu mid kale oo olole maalintaa wada raacaynaa oo basaskiisa fuulaynaana waa naga xaaraan."
Sidoo kale, Guddoomiye-ku-xigeenka dalladda Al-Bacas Maxamed Yuusuf Cismaan, Tababaraha kooxda Dalsan Liibaan Cabdirisaaq Caydiid iyo Tababaraha kooxda Danab Khadar Xasan Aadan, ayaa iyaguna dhammaantood ka xog-warramay ku biiristooda xisbiga KULMIYE iyo ujeeddada ka dambaysa oo ay ku tilmaameen inay tahay mabda' iyo hiigsigooda in horumar dalku gaadho oo ay u arkeen in KULMIYE yahay xisbiga keliya ee ka midho-dhalin kara.
Guddoomiyaha dalladda aqoonyahanka Koonfurka Hargeysa ee HORSEED Mr. Cabdiraxmaan Suudi Cabdillaahi iyo Xamse Cabdillaahi Maxamed oo iyaguna xafladda ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey tallaabadan kooxaha ciyaartoygu kula midoobeen xisbiga KULMIYE oo ay ku tilmaameen sii xoojinaysa oo qorshihii iyaga ka aqoonyahan ahaan ay kaga midka noqdeen xisbal-xaakimka toddobaadkii hore.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil, Guddoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga ee Gobolka Marwo Xusni Maxamed Warsame iyo Guddoomiyaha Haweenka ee Maxamuud Haybe, ayaa si mug iyo miisaan leh u soo dhaweeyey dhallinyaradan cusub ee ku soo biirtay xisbiga oo ay sheegeen inay xoog, cod iyo miisaanba ku soo kordhinayaan xisbiga.
Waxa kaloo iyaguna xafladda ka hadlay Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga Md. Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo ka tirsan mudanayaasha xisbiga ee Golaha Wakiillada iyo Xuseen Xasan Faarax (Badmaax) oo ka mid ahaa garabkii xisbiga UCID ee Jamaal Cali Xuseen ee dhawaan la bahoobay KULMIYE, kuwaas oo qalbi furan ku qaabilay dhallinyaradan si aad ahna u soo dhaweeyey, waxaanay ka mid noqoshadooda xisbiga KULMIYE ku tilmaameen mid wax wayn ka beddelaysa taageerada xisbiyada ee Gobolka Maroodi-jeex, isla markaana dariiqa u sii xaadhaysa guul baaxad leh oo xisbiga KULMIYE ka soo hooyo doorashooyinka soo socda.
Ugu dambayntii, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa si farxad iyo qadarin wayni ku dheehantahay u soo dhaweeyey dhallinyaradan, waxaannu yidhi, "Anigoo magaca Guddoomiyaha iyo xisbigaba ku hadlaaya waxaan aad iyo aad u soo dhawaynayaa oo u baarigaynaa, waxaannu u arkaynaa inay hiil tahay ururka Horseed ee xafladdiisii aannu qabanay Khamiistii iyo ururkan Al-Bacas labadaba si gaar ah oo xurmo iyo xushmad leh baanu u soo dhawaynaynaa. Maanta marka laga bilaabo xisbiga KULMIYE ayeynu ka wada midnahay, kaasi ayeynu ku wadashaqaynaynaa, kaas ayeynu caqligiisa iyo cuddudiisaba isu gaynaynaa."
Waxa kaloo uu u ballanqaaday toddobada kooxood ee dallada Al-Bacas ka kooban tahay in xisbigu ka taageerayo dirayska iyo qalabka ciyaaraha kubadda cagta sida koobabka.

Marwada Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Hadhimo...

$
0
0

Hargeysa(Waaheen):-Marwada Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Marwo Farduus Maxamed Rooble, ayaa hadhimo sharafeed aad u heer saraysa maanta gurigeeda ugu sameysay Marwada Madaxweynahii hore ee Somaliland Marwo Huda Barkhad Aadan oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay ka dib socdaal ay iyada iyo Madaxweyne Ra'yaale ugu maqnaayeen dalka dibaddiisa.
Hadhimo-sharafeeddan ay Marwadu u sameysay Huda Barkhad Aadan, ayaa waxa sida oo kale ka soo qeyb-galay wasiirkii hore ee haweenka Xukuumaddii Daahir Ra'yaale Marwo Faadumo Suudi, la taliyaha Murashaxa Madaxweynaha ee WADDANI Marwo Faadumo Siciid, xildhibbaan Baar Siciid iyo weli ba sida oo kale haldoor iyo haween aad u tira badan.
Marwada Madaxweynaha WADDANI Marwo Farduus Maxamed Rooble iyo weli ba sida oo kale haweenka kale ba, waxa ay si aada ugu dheeraadeen doorkii ay Marwo Huda Barkhad Aadan ay ka soo qaadatay dhismaha qaranka Somaliland iyo weli ba sida oo kale halkii ay iyada iyo seygeeda Daahir Ra'yaale Kaahin ay soo gaadhsiiyeen, waxaana ay si aada ugu ammaaneen in Huda Barkhad ay ahayd Marwo kaalin muuqata kaga jirtay dhismaha dalka iyo horumarkiisa ba.
Ugu dambeyntii na Marwo Huda Barkhad Aadan oo iyadu na dhankeeda la hadlaysay Marwada Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, ayaa ugu horreyn uga mahad-celisay hadhimo-sharafeedda ay ku maamuuseen, waxaana ay xustay in ay reer WADDANI ku ammaaneyso dedaalka ay ugu jiraan ka qeyb-qaadashada dhismaha dalka iyo weli ba sida oo kale gaadhsiinta kaalin muuqata oo horumarineed.
Marwada Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Hadhimo-sharafeed Ku Maamuustay Marwada Madaxweynahii hore ee Somaliland

Khasaaraha dab ka kacay kaalin ku taala Ceeri gaabo

Deeq Ay Qurbo Joog Soo Direen Oo La Soo Gaadhsiiyey...

Dab ka kacay suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

$
0
0

Wararka laga helayo magaalda Muqdisho waxay sheegayaan in uu dab wayn ka kacay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Uuro wayn ayaa wali kacaysa, taas oo laga arkay qaybo badan oo magaalada ah.
Dabka ayaa billawday waaberigii illaaa haddana socda sida uu BBC u sheegay qof goob jooge ah.
lama oga khasaaraha ka dhashay balse dabdamiska iyo dadkii hantida ku lahaa suuqa ayaa la sheegay in ay gaareen, si ay isugu dayaan in ay badbaadiyaan hantida una xakameeyaan dabka.

Abaarta ka jirta Waqooyi Bari Kenya

$
0
0

Guud ahaan waddamada geeska Afrika waxaa ka jira abaaro baahsan oo si weyn looga dayrinayo. Gobolka waqooyiga bari ee Kenya ayaa ka mid ah meelaha sida weyn loogu rafaadsan yahay.
Reer miyiga ayaa isugu tagay deegaano kooban oo ay xoolahooda la aadeen, ka dib markii biyo la'aan weyn ay la soo daristay.
Deegaan u dhow magaalada Gaarisa ayaa waxaa isugu tagay xoolo dhaqato kumanaan ah. Meelaha biyaha yar laga helo waxaa wada caba dad iyo duunyaba. Cabdirisaaq Xaaji Catoosh oo goobtaasi booqday ayaa warbixintan inooga diyaariyay


Qaraxyada iyo Saameynta Shacabka

$
0
0

Magaalada Muqdisho, waxyeelada qaraxyada iyo weerarrada lala beegsado xaruumaha dowladda iyo baraha ciidamadaba waxay saameyn ku yeeshaan qoysas wada dhashey amma is dhaley

Taariikhdaa Tusmayn Doonta Haddii Waddani Garabsaday...

$
0
0

Xisbiga Waddani iyo dawladda federaalka Soomaaliya, ayaa ku bahoobay dhaqdhaqaaqyo lid ku ah Qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland.Sida laga war helay waxa magaalada London iyo magaalooyin kale oo ku yaalla Ingiriiska ka socda hadimooyin xisbiga mucaaridka ah ee Waddani iyo dawladda Muqdisho shuraako ku noqdeen in ay Ingiriiska ka wada dhigaan dibad-baxyo loogu talogalay in lagu curyaamiyo heshiisyada caalamiga ah ee Somaliland gashay ee ay la kala saxeexatay shirkado caalami ah iyo dawladda Imaaraadka Carabta (UAE), mashaariicdaasi oo looga gol leeyahay in kor loogu soo qaado heerka nolosha ee bulshada reer Somaliland, isla markaana lagu doonayo in dalkan saboolka ahi uu beegsado Horumarka uu baahida weyn u qabo.
Xisbiga Waddani, wuxuu si xilkasnimo darro ah u iclaamiyay in mudaharaad laga sameeyo London 2-da Bisha March, kaas oo lagaga soo horjeedo saldhiga millateri ee Imaaraadku ka sameysanayo Dekedda magaalo xeebeeda Berbera oo Goleyaasha Baarlamaanka (Guurtidda iyo Wakiiladdu) ay cod aqbaliyad ah ku meelmariyeen heshiiskaas oo ay u arkeen in masaalix dhaqaale iyo kuwo siyaasadeedba ugu jiraan dalkan Jamhuuriyadda Somaliland.
Waddani waxa kaloo ay qoraal heshiiskan lid ku ah oo lagaga been sheegayo ahmiyadiisa u kala direen QM, EU, AU, Arab League, IGAD, Maraykanka, Ingiriiska iyo dalal kale oo ay ka dalbadeen taageero la xidhiidha inay soo farogeliyaan oo xanibaan Heshiiska saldhiga millatari iyo dhammaanba Heshiisyada horumarineed ee Somaliland la gashay dawladda UAE iyo shirkado caalamiya oo dhan, heshiisyadaas waxa ku jira shiidaal baadhista, casriyaynta iyo ballaadhinta Dekedda Berbera, kuwaasi oo dhammaantood xukuumadda Somaliland ka xalaaleysay dariiqii sharci ee ay ahayd in la mariyo wixii isfaham iyo heshiis caalamiya ee dawladdu gelayso.Dagaalkan la isku deyay in lagu hagaasiyo Qaranimadda Somaliland ee ay ku mataanoobeen xisbiga Waddani iyo dawladda Farmaajo ee Soomaaliya, waxa ka mid ah in maalinta Khamiista ee 2-da Bisha March 2017-ka ay dibad-baxyo ka dhigaan magaalada London gaar ahaan xafiiska Safaaradda Imaaraadku ku leeyahay UK.
Qabanqaabada mudaharaadkaas ayaa si qarsoodi ah uga socda magaalada London, iyadoo Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan Waddani ay kullamo joogto ah ku faaqidaan in mudaharaadkoodu noqdo mid u gogol xaadha hindiseyaal wakhti dheer qaadanaya oo ay isku garabsanayaan mijo xaabinta heshiiskan saldhigga iyo ka casriyaynta marsadda oo labaduba ah guulo siyaasadeed oo Somaliland horumar kaga sameysay iibgeynta qaaddiyadeedda.
Mudaharaadkan Waddani la kaashanayo Soomaaliya oo ah cadowga koowaad ee Somaliland, ayaa ah mid dadweynuhu diirrad weyneyso ah iskaga shaybaadhi doonaan Ajendeyaasha qarsoon ee xisbiga Waddani hulaaban yahay.Ugu dambeyn, waxaa qormadan ku soo khatimaynaa mudaharaadka Waddani iyo dawladda Farmaajo waa jidkii Somaliland ku baadhi lahayd facaa'ilka dhagarsan ee xisbiga Waddani xambaarsan yahay, waxaanu noqon doonaa qaar kama dambaysta fashilma marka shacabka xalaasha ah ee reer Somaliland dhabarka u soo jeediyaan himilooyinka lagu mijo-xaabinayo qaranimadooda qiimaha adag ku joogta.XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN

Dab Xoogan oo Waabarigii saakay ka kacay Suuqa...

$
0
0

Wararka ka imaanaya suuqa-weyn ee bakaaraha ee Muqdisho ayaa ku waramaya in dab xoogan uu ka kacay suuqaasi.
Dabka oo ah mid aad u xoogan ayaa ku fidaya meelo badan oo suuqa.
Dabka ayaa Biloowday sagaalkii saac ee habeenimo waxaana uu ku fiday meelo badan oo suuqa bakaaraha kamid ah.
Bacadlayaasha, Maacuunta iyo halka lagu gado daawo Soomaaliga ee Gudaha suuqa bakaaraha ayaa dabku uu bur buriyay.
dadka muqdisho ayaa badi saakay ku qulqulaya suuqa kuwaa oo doonaya in hantidooda ay bad baadsadaan.
Dhinaca kale waxaa suuqa. gaaraya booyado dabdemis ah.
Waa Dabkii labaad oo muddo labo bilood gudaheeda ka kacyo Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.Faah Faahinta dabka dib kala soco Insha allah.Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Dab Xoogan oo Waabarigii saakay ka kacay Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Weerar laga baajiyay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe

$
0
0

Ciidammada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ee dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa ka hortagay weerar koox maleeshiyo ah oo aad u hubeysan ay ku doonaysay in ay ku beegsato magaalada Bambari.

Weerar laga baajiyay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe

$
0
0

Ciidammada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ee dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa ka hortagay weerar koox maleeshiyo ah oo aad u hubeysan ay ku doonaysay in ay ku beegsato magaalada Bambari.
Afhayeen u hadlay halwgalka ciidamada nabad ilaalinta Qaramda Midoobey ayaa sheegay in qiyaastii 40 nin oo hubeysan oo ka tirsan maleeshiyaadka FPRC lagu arkay iyaga oo isku uruursanayo magaaladaasi.
Raggaasi ayaa waxa ay ku hubeysnaayeen qoryaha AK-47 iyo baasuukayaal.
Afhayeenka ayaa sheegay in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ee helikobtarka loo yaqaanno loo adeegsaday in lagu kala eryo raggii hubeysnaa ee halkaa isku uruursanayay.
Wuxuu intaa ku daray in hawlgalkaasi la fuliyay iyada oo la adeegsanayo waajibaadka Qaramada Midoobey ee ah in dadka rayidka ah laga badbaadiyo dagaalka u dahxeeya kooxaha maleeshiyaadka ah ee iska soo horjeeda.

Faahfaahinta dabkii suuqa Barakaaraha

$
0
0

Wararka u dambeeyay oo aan ka heleyno suuqa Barkaaraha ayaa sheegaya in dabkii saaka waaberigii hore qabsaday qeybo kamid ah suuqaas uu wali sii hurayo, waxaana bakhtinta dabkaas ku howlan gaadiidka dab-damiska ee gobolka Banaadir iyo kuwo kale. Suuqa Khaliifa oo aheyd meeshii markii hore uu dabka kacay ayaa mid kamid ah ganacsatada ku sugan suuqa Barakaaraha waxaa uu Radio Muqdisho u sheegay in gebi ahaanba suuqaas uu baabi'iyay dabka isla markaana hada lagu howlan yahay sidii aanu u gaari laheyd qeybaha kale ee suuqa weyn ee Barkaaraha. Ilaa iyo hadda lama soo warinin wax khasaare nafeed oo dabkan ka dhashay, hase ahaatee hanti aad u badan ayaa ku basbeeshay, iyadoo dad badan oo kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed oo hantidooda tiilay suuqa dabka uu baabi'iyay ay ku cerytoobeen musiibada ka dhacday suuqa Barkaaraha ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Baaq U Diray Beela  Ku...

$
0
0

Jowhar ( Sh. M. Network)-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Muqdisho ee uu howlo shaqo u joogo ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin Dagaal beeleedka ka dhacay deegaanno hoosyimaada degmada Cadale ee gobolka shabeelaha dhexe,Abaaraha ka jira deegaannada Hirshabeelle, iyo Golaha Wasiirada Hirshabeelle ee uu dhowaan Madaxweynuhu Magacaabay.
Ugu horeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay dagaal beeleedyo ka dhaca Guud ahaa dalka, isagoo wax lagu xumaado ku tilmaamay colaada deegaanno Hoosyimaada degmada Cadale ka soo cusboonaatay taasi oo u dhexeysa beela walaalaha ah oo halkaasi wada daga, waxaana uu ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dagaaladaasi. isagoo Eebe uga baryay in Janatul fardowsa uu ka waraabiyo intii dhaawacantayna waxa uu u rajeeyay in caafimaad deg deg ah uu Alle siiyo, waxaana sidoo kale uu ugu baaqay dadkaasi in si shuruud la'aan ah ay u joojiyaan dagaalada.
"Si deg deg haloo joojiyo colaadaasi, waxaana odayaasha, Culuma'udiinka,iyo qeybaha kale duwan ee beelahaasi walaalaha ugu baaqayaa in nabadda ay qaataan oo ay ka hortagaan in mar kale dhiig u ku daato halkaasi, marna ogolaan meyno colaadaha noocaan oo kale ah in ay soo noq noqdaan qorshe ayaana nooga degan sidii looga hortagi lahaa colaadaha noocaan oo kale ah" Ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.
Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ka hadlay golaha wasiirada Dowlad goboleedka Hirshabeelle ee uu dhowaan magacaabay, isagoo sheegay xubnaha golahaasi wasiirada in ay yihiin xubno ku yimid la tashiyo uu la sameeyay Xildhibaannada Hirshabeelle, iyo Xildhibaannada Federaalka Soomaaliya, talooyinkooduna uu ku soo dhisay golahaasi uuna rajeynayo in ay yihiin kuwa hanan kara waajibaadka shaqo ee laga sugayo, waxaana uu xusay haddii tabasho ay jirto la saxi karo, laakiin aysan muhiim aheyn in Xildhibaannada ay warbaahinta ay ka naqdiyaan Xukuumadda aan soo dhisay, iyagoo ku sixi kara Waxa jira Baarlamaanka dhexdiisa.
"Sax Ma aha Xildhibaanka haddii uusan noqon wasiir in uu ka soo horjeesto Xukuumadani, Xildhibaanno mudnaa Wasiiro iyo Wasiir ku xigeenno in ay helaan way jiraan oo waxaan u hambeynay in shaqada baarlamaanka ay sii wadaan oo ay hogaamiyaan Gudiyada joogtada ee Baarlamaanka, Beesha aan helin wasiiro laakiin waxay heli doonaan Jagooyin kale sida Agaasima guud suura galna ma aha in cid kastaa wasiir laga dhigaa, Shaqo abuur ayaan sameyn doonaa insha'allah, Maamulkani waa mid cusub hala taageero oo hala garab galo oo aan taageerno waxqabadka muuqda yeynan ku mashquulin in wax la naqdiyo" ayuu hadalkiisa Raaciyay Madaxweynaha.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble soo hadal qaaday arrimaha abaaraha ka jira deegaannada Hirshabeelle ayaa sheegay in abaar daran ay ka jirto deegaanadaasi ayna muhiim tahay in gar gaar dhab ah lala gaaro dadka abaartu ay saameysay, waxaana qurba joogta ku abtirsada deegaanka maamulkani,Hey'adaha Caalamiga, iyo dowladda dhexe uu ugu baaqay in gurmad ay u fidiyaan dadka abaartu ay ku saameysay deegaannada Hirshabeelle.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa tan iyo markii Loo doortay Xilkani Madaxweynenimo qabtay howlo aad muhiim u ahaa sida Doorashada Xubnaha aqalka sare ku matala maamulka xili muddo kooban uun uu jiray, doorashada xildhibaannada Golaha shacabka oo jowhar lagu soo doortay taasi oo ku timid dadaal maadaama wax aad u yar ay ka dhinaayeen ka gudbitaanka xiliga kala guurka, Waxaana shaqooyinka uu soo qabtay maamulkani Hirshabeelle iyadoo caqabdo ay ku horgudbanaayeen la dhihi karaa waa Maamul Muujiyay howlkarnimo ay soo dhoweeyeen dadka Soomaaliyeed.


Wararkii ugu dambeeyay Dagaal xalay ka dhacay...

$
0
0

Boosaaso ( Sh.M.Network)-Inta la ogyhaya 1 qof oo Shacab ah ayaa ku Geeriyooday 6 kalana waa ay ku dhaawacmeen oo 3 ka mid ah Ciidamada Maamulka Puntland ahaayeen kadib israsaaseyn Ciidamo Maamulka Puntland ka wada tirsna ku dhexmartay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Israsaaseyntaasi ayaa ka dhacday Isgoyska Xalwo Banaadir ee Bartamaha Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Waxaana isku dhaca Ciidamadaan uu ka dambeeyay kadib xariga dhawaan Magaalada Boosaaso loogu geystay Nabadoon Cabdiqaadir Xarrago.
Saraakiisha Laamaha Ammaanka iyo Masuuliyiinta maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin dagalkaasi ka dhacay Boosaaso.

Sawirro: Dabkii saaka baabi'iyay qeybo ka mid ah Bakaaraha

$
0
0

Dadkii saaka aroortii ka kacay suuqa Bakaaraha wuxuu geystay qasaare aad u weyn.

Sawirro: Dabkii saaka baabi'iyay qeybo ka mid...

Gudoomiye Jawaari oo Iclaamiyay xiliga uu furmaya...

$
0
0

Guddoonka Golaha shacabka ee baarlamanka Soomaliya ayaa shaaciyay in maalinta arbacada ah taariikhdana ay ku beegan tahay 1-bisha March uu furmi doono Kalfadhiga 1 aad ee Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.
Gudoomiyaha baarlamanka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamanka Soomaliya in ay isku soo diyaarinayaan furitaanka Kalfadhiga 1aad oo ah mid aad u xasaasi ah. Read more about Gudoomiye Jawaari oo Iclaamiyay xiliga uu furmaya...

Guddoomiyaha maxkamadda degmada oo lugu dhaawacay...

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live