Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Maraykanka oo Kurdiyiinta Suuirya hubaynaya

$
0
0

Wasaaradda gaashaan dhigga Maraykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in Madaxweyne Donald Trump ansixiyey qorshe hub lagu siinayo xoogaga Kurdiyiinta ee la dagaalamaya kooxda la baxday Dawladda Islaamka ee Suuriya.


Maraykanka oo Kurdiyiinta Suuirya hubaynaya

$
0
0

Wasaaradda gaashaan dhigga Maraykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in Madaxweyne Donald Trump ansixiyey qorshe hub lagu siinayo xoogaga Kurdiyiinta ee la dagaalamaya kooxda la baxday Dawladda Islaamka ee Suuriya.
Ciidamada Kurdiyiinta ah ee qaybta ka ah huwanta mucaaradka ah ee la yidhaa Xoogagga Dimuqraadiga ah ee Suuriya ee magacooda loo soo gaabiyo SDF, ayaa qalab la siin doonaa si ay kooxda Daacish uga saaraan magaalada ay ku xooganyihiin ee Raqqa, sidaana waxa sheegtay af-hayeen u hadashay Pentagon-ka.
Waxa aanay intaa ku dartay in Maraykanku "aad u ogsoonyahay" walaaca Turkigu arintan ka qabo.
Turkigu fallaagada Kurdiyiinta ah ee Suuriya ka dagaalamaya wuxu u arkaa in ay yihiin aragagixiso, waxaanu doonayaa in aan loo ogolaan in ay dhul ballaadhan oo Suuriya ah gacanta ku dhigaan.
Xoogaga SDF waxay isugu jiraan Kurdiyiin iyo maleeshiyaad Carab ah waxa aanay haatan ba taakulo ka helaan ciidamada gaarka ah ee Maraykanka iyo kuwa diyaaradaha dagaalka ee xulufada Maraykanku hogaaminayo.
Waxa aanay haatan dagaal kula jiraan kooxda Dawladda Islaamka oo ay ku hirdamayaan gacan ku haynta magaalada Tabqa oo ah xarunta taliska ciidamada Daacish oo u jirta magaalada Raqqa 50 Km.
Xog ay BBC-du ka heshay Pentagon-ka ayaa sheegtay in qalabka la siinayo xoogaga Kurdiyiinta ay ka mid noqon doonaan rasaas, hubka fudud, boobayaal iyo qoryaha waaweyn iyo sidoo kale cagafcagaf yada dhismaha iyo baabuurta gaashaaman.
Xogta BBC-du heshay waxa ay intaa ku dartay in Maraykanku damacsanyahay in qalabkaa ay dib ula wareegaan marka magaalada laga saaro Daacish.

Juventus oo u soo baxday Final-ka Champions League-ga

$
0
0

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa caawa u soo baxday final-ka tartanka kooxaha horyaalada Qaarada Yurub ee Champions League-ga, kadib markii ay 2-1 ugu awood sheegtay kooxda As Monaco kulankii lugta labaad ee Afar dhamaadka tartankan oo marti ugu ahayd garoonkeeda Juventus Stadium.
Kooxda Juventus ayaa celcelis ahaan labadii kulan ee Afar dhamaadka tartankan uga badisay 4-1, waxayna tigidhada u jaray magaalada Cardiff ee dalka Wales oo uu ka dhici doono final-ka tartankan.
Juventus ayaa waxaa labada gool oo ay guusha ku qaaday u kala dhaliyay qeybtii hore ee ciyaarta Mario Mandzukic iyo Dani Alves, halka kooxda As Monaco uu goolka qura u dhaliyay Kylian Mbappe kaas oo noqday 18 sano jirkii ugu horeeyay oo gool ka dhaliya Afar dhamaadka tartanka Champions League-ga.
Juventus ayaa final-ka tartanka 3-da bisha soo socota ee June laciyaari doonta kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid midii soo baxda kulanka ay habeen danbe ku balansanyihiin.Liban YusufPUNTLAND POST
The post Juventus oo u soo baxday Final-ka Champions League-ga appeared first on Puntland Post.

AMISOM iyo Guddoomiyaha Banaadir oo isku baadi maqan

$
0
0

Kn: Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabid waxa uu soo saaray amar uu gaadiidka ciidamada AMISOM oga mabnuucayo wadada Maka Al Mukarama, balse AMISOM arrintaasi kama warheyso
Afhayeen u hadlay AMISOM , lana hadlayay qaar ka mid ah warbaahintaayaa sheegay in uusan ka warqabin amar ah ku saabsan arrintan, balse ay ku arkeen oo kaliya baraha bulshada.
Joe Kibet ayaa sheegay in hadii warqad uu soo gaarsiiyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ay noqoneyso mid Taliska oo dhan ay ka shiraan go'aan ka gaaraan.
"Illaa iyo hadda taliska wax amar ah oo arintan ku saabsan oo soo garay malaha, hadii ay na soo gaartana Taliska oo dhan ayaa ka shiraya, go'aan ayaa ka soo saari doonaa"ayuu yiri Afhayeenka AMISOM
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed amar ka soo baxay looga mamnuucay gadiidka AMISOM in ay isticmaalaan waddada Maka Al-Mukarrama oo ah jidka ugu muhiimsan - uguna mashquulka badan.
Tallaabada AMISOM looga joojinayo isticmaalka waddada ayaa ah mid wanaagsan, maadaama horay ay u geysteen shilal kala duwan, balse amar kasta oo soo baxa waxay u baahan tahay fulinteeda, waxaase la ogeyn sida ay u dhaqan gelin doonaan ciidamada AMISOM
Gadiidka AMISOM ayaa inta badan loo jeediyaa eedeymo ah in ay dadka shacabka ku dhibaateeyaan jidadka -, waxaana jiray dad horay gadiidka AMISOM ay u jiireen, hasse ahaatee aan wax tallaabo ah laga qaadin.

Madaxweyne Shariif Xasan Oo Caawa Soo Gaaray...

$
0
0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa waxay kasoo dageen - Dalka Ingriiska ee London.
Waxaa safarkan Madaxweynaha Koonfur Galbeed ku wehliyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed Maxamed Cabdullahi Mursal iyo Agaasimaha Madaxtooyada Cali Shaamey.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa u yimid dalka Ingiriiska inuu kaga qeybgalo shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo khamiista uu ka furmi doono London.
Shirkan ayaa waxaa shir guddoomin doona Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Ra'iisal Wasaaraha Britain, Theresa May.
Shirkan oo hal maalin oo keliya socon doono ayaa waxaa la fillayaa in laga soo saaro War Murtiyeed Soomaaliya looga taageerayo arrimaha dib u dhiska Ciidamada, Amniga, Siyaasadda, Xoojinta Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Arrimo kaloo muhiim ah.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Dawladdu marna ma aqbali doonto Isbaarooyin Sharci...

$
0
0

Muqdisho, May 10, 2017----Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin lagu soo afjarayo Isbaarooyinka sida sharci darrada ah u yaalla wadooyinka muhiimka u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka, gaar ahaan gobolka Shabellaha Hoose oo laga qaaday dhowr Isbaaro oo u taaley dad adeegsanaya magacyada Ciidanka, kadib, amarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ee ku aadanaa la dagaalanka Isbaarooyinka Sharci darrada ah.
Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. C/laahi Cali Caanood, ayaa sheegay in la qaaday isbaarooyinkii yaaley wadada dheer ee isku xirta Magaalooyinka Afgooye, Bariire, No 50 iyo deegaano dhowr ah oo ku xeeran, isla markaana la xiray askartii isbaaradu u taaley, xilkiina laga qaaday Saaraakiishii xukuntay askarta isbaarada dhigatay.
"kadib, amarkii uu bixiyey Madaxweynaha J.F.S Mudane M. C/laahi Farmaajo ee ahaa in la qaado isbaarooyinka, waxaan xirnay 11 askeri oo la qabtay iyagoo isbaaro u taalo. Waxaan cadaynayaa askariga Isbaarada dhigta iyo sarkaalka xukuma in isku mid ay yihiin". Ayuu yiri Gen. Caanood.
"Waxaa qaadeynaa howlgallo ballaaran oo lagu furayo wadooyinka, gaar ahaan kuwa yaala deegaanada isku xira Shabellaha Hoose iyo gobolka Bay, sidoo kale waxaa howlgal isna wadooyinka lagu furayo laga sameynayaa deegaanada Jubbooyinka." Ayuu raaciyey.
Ugu danbeyn, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen C/laahi Cali Caanood ayaa tilmaamay in ay xoojinayaan weerarada lagu bartilmaameed-sanayo maleyshiyaadka sharci darada ah ee dhiganaya Isbaarada, gaar ahaan kuwa yaalla meelaha ka fog magaalooyinka.-DHAMMAAD-Xafiiska Warbaahinta iyo XiriirkaMuqdisho, Somaliamedia.opm@gmail.comTwitter: @SomaliPM

Nabad Ilaaliyeyaal lagu Dilay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe

$
0
0

Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa cambaareeyey dilka afar askari oo nabad ilaaliyayaal ahaa loogu gaystay dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, kadib weerar lagu qaaday kolonyo baabuur oo ay la socdeen, kaasi oo lagu tuhmayo mintidiinta anti-Balaka.

Gudaha baarlamaanka Australia oo markii ugu horaysay ilmo lagu dhex nuujiyay

$
0
0

Larissa Waters oo ah haweenay reer Australia ah ayaa noqotay siyaasiyaddii u horaysay ee ilmaheeeda naas ku dhex nuujisa baarlamaanka dalkaas.


Gudaha baarlamaanka Australia oo markii ugu horaysay...

$
0
0

Larissa Waters oo ah haweenay reer Australia ah ayaa noqotay siyaasiyaddii u horaysay ee ilmaheeeda naas ku dhex nuujisa baarlamaanka dalkaas.
Larissa oo ka tirsan xisbiga garabka bidix ee Greens party ayaa quudisay gabadheeda labada billood jirta ee Alia Joy iyadoo codayn ay socotay Talaadadii.
Aqalka hoose ee baarlamaanka ayaa meelmariyay sanadkii hore in dumarka xubnaha ka ah ay carruurta ku nuujisan karaan aqalka gudihiisa, waxaase go'aankaas uga sii horeeyay Aqalka Senate-ka inkastoo midkoodna uusan fulinin hadda ka hor.
Arrintani waxay dabo socotay dhaleecayn ay la kulmeen 2015kii ka dib markii ay Kelly O'Dwyer oo wasiirad ah ay ka dalbadeen in ay ilmaheeda u sii listo naasaha si aysan u seegin hawlaheeda baarlamaanka.
Larissa ayaa Facebook-geeda ku soo qortay "Waxaan u baahanahay waalid badan oo baarlamaanka ku jira
"Waxaana sidoo kale u baahannahay goobo qoysaska u wanaagsan iyo shaqo dabacsan iyo hannaan caafimaadka carruurta qaabilsan oo qof walbe awoodi karo", ayay hadalka sii raacisay.

Nabad Ilaaliyeyaal lagu Dilay Jamhuuriyadda Afrikada...

$
0
0

Xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa cambaareeyey dilka afar askari oo nabad ilaaliyayaal ahaa loogu gaystay dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, kadib weerar lagu qaaday kolonyo baabuur oo ay la socdeen, kaasi oo lagu tuhmayo mintidiinta anti-Balaka.

Xildhibaanada golaha deegaanka Bandarbayla oo eedeyn...

$
0
0


Bayla-(RBC Radio)-Qaar kamid ah xildhibaanada golaha deegaanka degmada Bandarbayla ayaa eedayn u jeediyey gudoomiyaha degmadas Siciid Anteeno.
Xildhibaan Cabdirishiid Yuusuf Cali Jaamac Daacad oo kamid ah golaha deegaanka Bandarbayla ayaa ku eedeeyey gudoomiyaha degmada xil gudasho la,aan,talo marooqsi iyo musuqmaasuq lacageed.
Xildhibaan Cabdirashiid oo la hadlay Radio Garowe ayaa tilmaamay in mudo sanad ah aysan golaha deegaanku yeelan wax kulan ah isagoo ku eedeeyey gudoomiye Siciid inuu diiday furmida kal-fadhiga golaha deegaanka.
Wasaaradda arimaha gudaha dowladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Puntland ayuu ka codsaday inay soo wax qabato arimaha ka taagan degmada Bandarbayla.
Raxanreeb.com oo xiriir la sameeyey gudoomiyaha degmadaasi Siciid Anteeno ayuu ka gaabsaday inuu ka jawaabo eedaynta loo jeediyey.Halkaan ka dhegeyso Waraysiga Xildhibaanka.http://www.raxanreeb.com/wp-content/uploads/2017/05/Xildhibaan-Cabdirishiid-Yuusuf-Cali-Jaamac-Daacad.mp3____RBC Radio

Uhuru alarms premature AMISOM troops withdrawal

$
0
0

On the eve of the Third London Conference on Somalia, President Uhuru Kenyatta insists that it would be catastrophic for the African Union Mission in Somalia to exit before realising the extermination of the Al Shabaab terror group.
As the United States, a funder, sets its sights on a full hand-over of security functions to Somalia's own forces, President Kenyatta is adamant that AMISOM - whose drawdown was projected to commence next year - must be adequately facilitated to complete its mission.
"We can hurry to leave but what happens when an inadequately prepared Somali force is left to its own devices? A vacuum is left and the root of the problem will re-emerge."
He maintained that it is in the best interest of Kenya to take the fight, as it were, to the enemy and not risk compromising regional stability.
"It is not a Somali problem. It is in essence our problem."
His position is shared by the AMISOM Force Commander Lieutenant General Osman Noor Soubagleh who at the conclusion of the African Chiefs of Defence Conference said, "the draw-down will be depend with (sic) some conditions."
"We need to first help to degrade and contain Al Shabaab, to bring levels of violence to levels that are acceptable that can allow for the government as such to be present and exercise its functions all throughout the country."
Kenya has toward that end led in the push to secure assessed contributions for the fight from the wider United Nations as opposed to voluntary contributions; with the backing of UN Secretary General Antonio Guterres. "It's my belief that there is a responsibility of the international community to fund AMISOM."
A push that was given further impetus by a reduction in funding from the European Union despite a spirited campaign by President Kenyatta.
The US has opposed the UN assuming full ownership of the Mission in Somalia and given its significant financial contributions to the organisation, it's a deciding vote.
"Given the severity of remaining security challenges in Somalia, we do not believe it is appropriate at this time to transition to a UN peacekeeping mission," US Deputy Representative to the United Nations, Ambassador Michele J. Sison said.
Related

Maamulka Degmada Mahadaay oo ka hadlay qof dumar ah...

$
0
0

MAHADAAY(RBC RADIO)Maamulka Degmada Mahadaay ee Gobolka SH/Dhexe ayaa ka hadlay qof dumar ah oo Al-shabaab ay xalay ku gawraceen Gudaha Degmada Mahadaay.
Axmed Xuseen Afrax Gudoomiyaha Degmada Mahadaay ayaa sheegay in Al-shabaab ay xalay Saqdii dhexe usoo dheceen Guri ay daganeed Haweeney la oran Jiray Sacdiyo Maxamed Maxamuud oo kamid ahayd dadka kunool Mahadaay,Wuxuuna sheegay iney si arxan darro ah u Gawraceen.
Gudoomiyaha Degmada Mahadaay ayaa shaaca ka qaaday iney wadaan baaritaano la xiriira dadkii fududeeyey in Al-shabaab ay gudaha usoo galaan Degmada Mahadaay isla markaane ay fal dil ah ka geystaan.
Wuxuuna tilmaamay in dhibaatada ugu weyn ee ka jirtay Degmada Mahadaay ay tahay ineysan lahayn Difaac dusha sare ka ilaaliya Degmada iyo Ciidamada oo aan habeenkii samayn roondo Amniga lagu sugayo,wuxuuna tibaaxay in taasi ay sahashay in Al-shabaab ay si fudud kusoo galaan gudaha Degmada isla markaane ay dad ku dhibaateeyaan.
RBC RADIO

Gen. Caanood oo sheegay in aysan dowladu marnaba...

$
0
0

Gen Cabdullaahi Cali Canoed
Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin lagu soo afjarayo Isbaarooyinka sida sharci darrada ah u yaalla wadooyinka muhiimka u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka, gaar ahaan gobolka Shabellaha Hoose oo laga qaaday dhowr Isbaaro oo u taaley dad adeegsanaya magacyada Ciidanka, kadib, amarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ee ku aadanaa la dagaalanka Isbaarooyinka Sharci darrada ah.
Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. C/laahi Cali Caanood, ayaa sheegay in la qaaday isbaarooyinkii yaaley wadada dheer ee isku xirta Magaalooyinka Afgooye, Bariire, No 50 iyo deegaano dhowr ah oo ku xeeran, isla markaana la xiray askartii isbaaradu u taaley, xilkiina laga qaaday Saaraakiishii xukuntay askarta isbaarada dhigatay.
"kadib, amarkii uu bixiyey Madaxweynaha J.F.S Mudane M. C/laahi Farmaajo ee ahaa in la qaado isbaarooyinka, waxaan xirnay 11 askeri oo la qabtay iyagoo isbaaro u taalo. Waxaan cadaynayaa askariga Isbaarada dhigta iyo sarkaalka xukuma in isku mid ay yihiin". Ayuu yiri Gen. Caanood.
"Waxaa qaadeynaa howlgallo ballaaran oo lagu furayo wadooyinka, gaar ahaan kuwa yaala deegaanada isku xira Shabellaha Hoose iyo gobolka Bay, sidoo kale waxaa howlgal isna wadooyinka lagu furayo laga sameynayaa deegaanada Jubbooyinka." Ayuu raaciyey.
Ugu danbeyn, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen C/laahi Cali Caanood ayaa tilmaamay in ay xoojinayaan weerarada lagu bartilmaameed-sanayo maleyshiyaadka sharci darada ah ee dhiganaya Isbaarada, gaar ahaan kuwa yaalla meelaha ka fog magaalooyinka.
RBC Radio

Dowladda Maraykanka oo sheegtay iney Weerarkii SH...

$
0
0

WASHINGTON(RBC RADIO)Dowladda Marayanka ayaa markii ugu horeysay war kasoo saartay Weerarkii ay dhawaan ku qaadeen deegaano ka tirsan Gobolka Sh/Hoose ee dalka Soomaaliya.
War kasoo baxay Dowladda Maraykanka ayaa waxaa lagu sheegay in guul laga gaaray weerarkii ay ku qaadeen Gobolka SH/Hoose,Maraykanka ayaa sheegay iney weerarkaas ku dileen Taliyihii Ciidanka Al-shabaab u qaabilsanaa Gobolka SH/Hoose Macallin Cismaan Cabdi Baadil.
Maraykanka ayaa sheegay in weerarkaas uu kaga dhintay hal Askari isla markaane ay kaga dhaawacmeen 2 kale,Dowladda Maraykanka ayaa intaa raacisay iney weerarkaasi ka gaartay ujeedadii ay ka lahayd maadaama ay ku khaarajisay Hogaamiye Macalin Cismaan Cabdi Baadil iyo 3 kamid ah Ilaaladiisa.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhankeeda war kasoo saartay Weerarkii Gobolka SH/Hoose ay sida wadajirka ah uga fuliyeen Ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaaliya ayaa sheegtay in la dilay Macalin Cismaan Cabdi Baadil oo ay sheegeen inuu Al-shabaab u qaabilsanaa Gudoomiyaha Gobolka SH/Hoose,Balse Maraykanka ayaa sheegaya in Macallin Cismaan uu ahaa Taliyaha Ciidanka Al-shabaab ee Gobolka SH/Hoose.
RBC RADIO


Somali Govt, Federal states discuss over fishing...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Somalia's Federal Government and the country's regional administrations are holding secret talks in Seychelles over the share of the fishing resources revenue, Radio Shabelle has learnt.
United States and several International organizations, are mediating the talks, to reach an agreement allows the western companies for fishing in waters of Somalia, according to the sources in Seychelles.
The meeting was first held in Mogadishu last month, but, it ended in failure.
Preliminary reports indicate that the regional administrations have suggested a sharing quota of 70% of the fishing revenue, while the central Somalia will get 30%.
Both sides are in deadlock over the sharing quota, after the central government has demanded 50%.
Foreign companies are seeking to form a legitimate government to sea fishing, and to pay the tax, which will be shared between the central government and the authorities of the Federal member states.
Cash income from Tuna Fishing will be deposited in the Central Bank of Somalia.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Warbixin: Muhiimadda Shirka London ee Soomaalida

$
0
0

Ku dhowaad 40 dawladood iyo ururro caalami ah ayaa isku diyaarinaya inay ka qayn galaan shirka caalamiga ah ee berri ka furmaya London, kaasi oo looga hadlayo Soomaaliya.
Shirkan ayaa xil gaar ah qabashadiisa ay iska saartay Britain, waxaana ergada soo gaadhay ilaa hadda ka mid ah madaxda Soomaalida oo uu ugu horreeyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda waddamada Geeska Afrika.
Warbixintan gaarka ah oo ku saabsan muhiimadda shirka waxaa noo diyaariyey Haaruun...

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo sheegay ciidamada ka...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Kenya,Uhuru Kenyatta ayaa sheegay dalkiisa iyo waddamada kale ee ku jira AMISOM inay ka go'antahay nabadgalyo ka dhalata Soomaaliya.
Wuxuu sheegay AMISOM iyo Kenya midkoodna danno gaar ah inaysan u joogin Soomaaliya balse ay doonayaan dalku inuu gaaro awood uu isku difaaco karo,marka wuxuu sheegay ciidamada Kenya inay joogayaan Soomaaliya ilaa la helo nabadgalyo buuxda.
"AMISOM uma joogto Soomaaliya arrimo gaar ah ee waa mid amniga lagu sugayo, waddamada dariska ah ee AMISOM kujira waxey Soomaaliya uso galeen si amnigeena ay u sugaan." ayuu yiri madaxweynaha Kenya.
Uhuru Kenyatta oo wariyeyaasha kula hadlay Nairobi ka hor inta uusan shalay u dhoofin London wuxuu yiri "Dabcan Somalia waxay u baahantahay in iyada ay isdifaacdo, laakiin sax maahan in AMISOM ay iska baxdo, iyadoo an Soomaaliya amni laga dhigin, taasina waa hadafka aan dooneyno inaan gaarno".
Madaxweynaha Kenya ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaal dhowr ah oo ka qaybgalaya shirka arrimaha Soomaaliya quseeya ee ka furmaya Khamiista berri ah magaalada London.__RBC Radio

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo guddoomiyay shir...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta shir guddoomiyey shirka Amniga, kaasoo ay ka qeyb galeen madaxda laamaha amniga dalka,waxaana lagu falanqeynayey sidii loo xasilin lahaa ammaanka guud ee dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.
Ra'iisul Wasaaraha oo shirka hadal ka jeediyay ayaa u soo jeediyey madaxda laamaha amniga in-ay dardar-geliyaan hawlaha sugidda amniga iyo xasilinta dalka. Dhankooda madaxda laamaha amniga qaranka oo iyaguna shirkaasi ka hadley ayaa ka warbixiyey waxqabadka iyo qorshe hawleedkooda, iyagoo dhanka kalena ka dalbadey shacabka inay taageeraan barnaamijyada dalka lagu xasilinayo.
Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in amniga uu yahay muhiimadda koowaad ee dawladda ay ku dhisan tahay xukuumadiisuna ay ka shaqynayso sidii lagu heli lahaa amni lagu kalsoon yahay, loona baahan yahay in guulaha laga gaarey la xajiyo, lana wajaho qaabkii dalka oo dhan amni buuxa looga dhalin lahaa.
Dhanka kale, Ra'iisul Wasaaraha ayaa kormeerkiisa joogtada ahaa ku tagey Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska, wuxuuna shaqaalaha Wasaaradda kala qeyb qaatay barnaamij loogu baroor diiqeyey Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas Siraaji. Isagoo ku tilmaamay shaqsi tusaale u ahaa jiilka soo koraya, isla markaana ahaa nin dhalinyaro oo wadani ah.
___
RBC Radio

Madaxweyne Farmaajo oo London kaga dhawaaqay in...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu maanta kaga qaybgalay magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska shirka quseeyay arrimaha bulshada rayidka iyo qurba-joogta,wuxuuna shirka horu-dhac u yahay shir weyne arrimaha Soomaaliya looga hadlayo oo khamiista berri ah furmaya.
Madaxweynaha ayaa shirka khudbad ka jeediyay,wuxuu sheegay qurba-joogta inay door wanagsan ka qaaten horumarinta dalka,wuxuuna soo bandhigay doorka laga doonayo qurba-joogta inay ka qaatan dib u dhiska dalka, kobcinta dhaqaalaha iyo arrimo kale.
Wuxuu madaxweyne Farmaajo shirka kaga dhawaaqay dowladda inay si dhaqso ah ku dhiseyso hay'adda qurba-joogta qaranka taasoo caawinaysa islamarkaana fududeynaysa doorka qurba joogta ay ku leeyihiin horumarka dalka.
Madaxweynaha waxaa kalo u khudbadiisa ku caddeeyay inay dowladda la socoto kaalmada qurba-joogta iyo dadka Soomaaliyeed,wuxuuna inta ku darray inay muhiimtay si wada-jir ah horumarka iyo dib u dhisa dalka in looga shaqeeyo.
Shirka inta uu socday waxaa hadallo ka jeediyay qaar ka mid ah qurbajoogta Soomaalida oo ka timid waddamo kala duwan oo Yurub iyo Ameerika ka mid ah,waxaana ay sheegen inay mar walba ka go'antahay sidii ay door muuqda uga qaadan lahaayeen dib usoo kabashada dalka.
Wakiilo iyo mas'uuliyiin kale oo matalayay beesha caalamka iyo ururo caalami ah ayaa sidoo kale shirka goobjoog u ahaa,waxaana khudbad jeediyay wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating oo soo bandhigay 4 hab cusub, si dowladda uga faa'ideysato xirfadda bulshada rayidka iyo qurba joogta.
Shirka ayaa laga soo jeediyay tallooyin kala duwan oo ay jeediyeen dadkii madasha ka hadlay, waxaana la isla qiray in qurba-joogta ay 20-kii sanno ee la soo dhaafay kaalin weyn ka geysteen Soomaaliya, isla markaana ay dhaqaale fara badan u direen.
Kulanka ayaa ku soo aaday xilli dowladda Ingiriiska ay marti galineyso shirkii saddexaad oo arrimaha Soomaaliya quseeya,shirka berri furmaya waxaa la filaya wada-jir inay u guddoomiyaan Madaxweyne Farmaajo, Ra'iisul Wasaaraha UK iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.
__RBC Radio

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live