Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Safaaradda Soomaaliya ee K.Sudan oo Dhalinyaro...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Jubba ( Sh.M.Network)-Safaarada Soomaaliya ee Magaalada Jubba ee - Koonfurta Sudan ayaa ku guuleysatay in ay dib xuriyadooda u helaan 11 dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku eedeysanaa in si sharci daro ku soo galeen Dalkaas kuna sii jeedeen xeebaha Liibiya.
Dhalinyaradaan ayaa laga soo qabtay Magaalada Faluj oo ku taal xadka wadamada Sudan iyo Koofurta Sudan waxaana galabta ka duuleen magaalada Jubba iyagoo sii maray dalka Kenya.
Xoghayaha 2aad ee safaarada Soomaaliya ee Dalka Koofurta Sudan Mudane Mohamed Ali Mohamed ayaa uga digay waalidiinta in ay caruurtooda u ogolaadaan tahriibka wuxuuna sheegay in lagala kulmo qataro aad u farabadan inta ay ku jiraan tahriibta.
Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Koofurta Sudan ayaa u muuqata mid howlaheeda Dar dar ay ku socdaan iyadoona Tallaabooyin soo jiitay qeybaha Bulshada Soomaaliyeed ay u sameysay muwaadiniin Soomaaliyeed oo dhibanayaal ku ahaa Dalka Koofurta Sudan.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter


Uhuru Kenyata:-“Ciidamada Kenya Soomaliya Way Sii...

$
0
0

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata oo ka qeyb galaya Shirka Loogu hadlaayo arrimaha Soomaliya ee Magaalada London ayaa sheegay in Ciidamadiisa ay sii joogi doonaan Soomaliya inta Kenya ay ka noqonayso meel amni ah.
Isagoo wariyayaasha kula haday Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ka hor inta uusan u duulin Magaalada london ayuu sheegay in Ciidamada Kenya ay ujeedo u joogaan soomaliya islamarkaana muhiimadda ugu weyn ay tahay in Kenya ay Amni hesho kadinba ay ka bixi doonaan Soomaliya.
Arrimaha shirka looga hadlayo ayaa waxaa qeyb ka ah howl galka AMISOM ee Soomaliya , iyadoo ajandayaasha shirka uu ka mid yahay dhismaha ciidamo gaaraya 18-kun askari oo qorshahooda yahay inay la wareegaan Ammaanka dalka iyo goobaha ay ka baxayaan Ciidamada AMISOM dhamaadka 2018-ka.
"AMISOM halkan uma joogto arrimo gaar ah ee waa mid amniga lagu sugayo, wadamada dariska ah ee AMISOM kujira waxey Somalia uso galeen si amnigeena ay u sugaan, Dabcan Somalia waxay u baahantahay in iyada ay isdifaacdo, laakiin sax maahan in AMISOM ay iska baxdo, iyadoo an Soomaaliya amni laga dhigin, taasina waa hadafka aan dooneyno inaan gaarno"ayuu yiri Madaxweynaha Kenya oo Wariyeyaasha kula hadlayay Nairobi, ka hor inta uusan u ambabixin London.
Ciidamada kenya oo Soomaliya soo galay sanadkii 2011-kii ayaa ku sugan qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaliya, waxayna dagaalo kala kulman dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post
The post Uhuru Kenyata:-"Ciidamada Kenya Soomaliya Way Sii Joogi Doonaan Inta Kenya ay Amni Ka Noqonayso" appeared first on Puntland Post.

BURTINLE: Xukun Lagu Riday Nin kufsaday Gabar 13-jir ah

$
0
0

Maxkamada degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal ee Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah shan sano oo xarig ah ku riday Bashiir Cabdulqaadir Daahir oo lagu helay dambi ah inuu ka dambeeyay kufsigii Gabadh 13 sano oo lagu kufsaday degmadaas.
Maxkamadda degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal ee Puntland waxaa kale oo ay ku xukuntay saddex milyan oo ganaax ah iyo meherkii gabadhaas oo dhan 44 sako oo Ari ah, madaama uu Gabarnimadeeda seejiyay.Hoos ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha.
http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/05/Xukunka-maxkamada-burtinle-gudoomiye-salaad-10-5-2017.mp3
Xasan Maxamed Samatar Cowke puntland Post
The post BURTINLE: Xukun Lagu Riday Nin kufsaday Gabar 13-jir ah appeared first on Puntland Post.

Madaxweyne Farmaajo oo Shir hordhac u ah Shirka...

$
0
0

shirkan oo hore dhac u ahaa shirweynaha caalamiga ah ee arimaha Soomaaliya oo maalinka Barita ah ka furmaya Magalada london waxaa looga hadlay doorka ururada bulshada rayidka iyo qurba joogta ay ku leeyihiin hormarinta Qaranka waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxda Maamul goboleedyadda iyo wakiilo ka socday beesha Caalamka .
Fartuun C/salaan gudomiyha hay'adda xaquuqul insaanka Elman oo ka mid ahaeed dadkii ka hadlay shirkan ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin bulshadda rayidka inay ka qeyb qaataan hormarka dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane maxamed C/laahi Farmaajo oo shirkan ka hadlay waxa uu sheegay inay dowladu dhisayso hay'adda Qurbajoogta Qaranka si ay u fududeyso taakulada Qurba joogta ee hormarka Qaranka .
" Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay sameynaysa Hay'adda Qurba joogta Qaranka taasoo caawinayso islamarkaana fududeynaysa doorka qurba joogta ay ku leeyihiin hormarka dalka
Madaxweyne Farmaajo waxa uu qiray doorka muhiimka ee ururada bulshada rayidka ay ku leeyihiin hormarka Qaranka.
"dhinaca kale dowladda federaalak Soomaaliya waxa qiraysa doorka qeybta wanaagsan ee bulshada Rayidka ka qaateen dowladnimadda Somaaliya, Dowladaydu waxa ay wajahaysa dhibaatoyinka iyo caqabadaha haysta ururada bulshadda rayidka waxaana fududeynaynaa doorka wanaagsan ee ay qaadanayaan,."
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn tilmaamay inuu jiro kulan weyn uu kula hadlayo Soomaalida Ingiriska ku nool waxaana qurba joogta iyo bulshadda rayidka uu ka codsaday inay ka soo qeyb galaan .
waxaan kale oo rabaa inay ku dhawaaqo inaan leenahay kulan weyn oo aan kula hadlo guud ahaan bulshadda Soomaliyeed ee nool Ingiriiska waan idin casuumayna qurba joogta dhamaan iyo bulshada rayidka waxaana jiri doono dood weyn"
Shirkan waxa uu muhiim u ahaa dhegeysiga aragtida qurba joogta iyo bulshada rayidka ee hormarka dalka waxaa uu imaanaya xili maalinka Barrita ah uu Magaaladda London ka furmayo Shirka caalamiga ah ee taageeradda dib dhiska, nabada iyo xasiloonida SoomaaliyeHoos ka Daawo Sawiro.
Faafintii Puntland Post
The post Madaxweyne Farmaajo oo Shir hordhac u ah Shirka London ka qeeybgalay appeared first on Puntland Post.

Garowe:-Xildhibaano ka tirsan Dowlada Somalia oo su...

$
0
0

Waxaa magaalada Garowe lagu qabtey kulan dhinacyo ka socda maamulka Gobolka Nugaal, Waxgaradka, Haweenka iyo Dhalinyaradu su,aalo ku weydiinayaan Xildhibaano ka tirsan Dowlada Federalka Soomaaliya.
Waxaa goobjoog u ahaa kulankaan saddex mudane oo kala ah Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi oo ah Gudoomiyaha Xildhibaanada kazoo jeeda Puntland, Xildhibaan Sharmaake Garaad Buraale iyo Xildhibaan Saadiq Warfaa oo dhamaantood ka tirsan Xildhibaanada ku fadhiya kuraasta Puntland ku leedahay Dowlada Federalka Soomaaliya.
Mudanayaasha kazoo qeybgalay kulanka su,aalaha lagu weydiinayay ayaa qof walba uga jawaabayay su,aasha uu weydiiyo.Daawo su,aalaha la weydiiyay Xildhibaanada.
Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Garowe:-Xildhibaano ka tirsan Dowlada Somalia oo su,aalo lagu weydiiyay appeared first on Puntland Post.

Ciidamo Gadoodsan Oo La Wareegay Deegaanka Xarfo Ee...

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya deegaanka xarfo oo ka tirsan gobalka mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay la wareegeen ciidamo gadoodsan oo ka tirsan ciidanka daraawiishta maamulka puntland.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidanku ay qabsadeen goobaha muhiimkaa ee deegaankaasi xarfo sida kastamka canshuuraha deegaankaasi.
Ciidanka ayaa la sheegay in ay ka cabanayaan mushaar la.aan ayagoo in mudaa aan qaadan wax mushaar ah hama yaraatee.
Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan in taasina ay keentay in ay gadood ku qabsadaan deegaanka xarfo ee gobalka mudug.
Wixii ku soo kordha lasoco.
XAFIISKA GAALKACYO-GALMUDUGSHABAKADDA WARARKAWWW.HOBYONET.COM NAGALA SOO XIRIIR.CMAALIN17@GMAIL.COMHOBYOEDITOR1@GMAIL.COMTELL:25290-7647333/252678647333/252167150440

Dhagayso: Galmudug Oo Ku Dhawaaqday Dagaal ka Dhan...

$
0
0

Madaxwayne Ku xigeenka galmudug maxamed xaashi cabdi carabeey oo warbaahinta kula hadlay magaalada cadaado ee - kmg ah ee galmudug ayaa ka hadlay isbaarooyin kusoo laabtay deegaano ka tirsan galmudug.
Carabeey ayaa sheegay in ciidanka galmudug oo iskugu jira kuwa daraawiishta booliska iyo nabad sugidu ay ka howlgali doonaan sidii loo qaadi lahaa isbaarooyinka yaal deegaanada galmudug.
Hadalka madaxwayne ku xigeenka galmudug maxamed xaashi cabdi ayaa imaanaya xili isbaarooyin hor leh lasoo bilqay wadada xariirisa magaalooyinka gaalkacyo iyo cadaado ee galmudug.
http://hobyonet.com/wp-content/uploads/Galmudug-State.mp3

Suuriya: Isbahaysiga mucaaradka oo sheegay in ay magaalada Tabqa ka qabsadeen Daacish

$
0
0

Isbahaysiga dagaalyahannada Kurdiyiinta iyo Carabta Suuriya ayaa sheegay in ay kooxda la baxday Dawladda Islaamka ka qabsadeen magaalo istiraatijiyadeedu muhiim tahay.


Suuriya: Isbahaysiga mucaaradka oo sheegay in ay...

$
0
0

Isbahaysiga dagaalyahannada Kurdiyiinta iyo Carabta Suuriya ayaa sheegay in ay kooxda la baxday Dawladda Islaamka ka qabsadeen magaalo istiraatijiyadeedu muhiim tahay.
Isbahaysigan oo la yidhaa xoogagga dimuqraadiga Suuriya ayaa sheegay in ay "gabi ahaan ba ka xoreeyeen" Daacish magaalada Tabqa iyo biyo xidheen 40 Km u jira magaalada ay kooxda Daacish ku xoogan tahay ee Raqqa.
Hadalkan ka soo baxay isbahaysigani wuxu ku soo beegmay maalin uun ka dib markii Maraykanku sheegay inu uu hubaynayo Kurdiyiinta Suuriya ee qaybta ka ah xulufadan mucaaradka ah.
Go'aankaa Maraykanku wuxuu ka cadhaysiiyey Turkiga oo Kuridiyiinta Suuriya u arka urur argagxiso ah oo xidhiidh la leh ururka PKK ee dagaalka hubaysan ee ay ku doonayaan is maamul hoosaadka kula jiray Turkiga soddonkii sanadood ee la soo dhaafay.
Madaxweyne Racep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro kooxaha jihaad alooska ahi aanu haboonayn in uu noqdo mid ay ka qayb galayaan "kooxo kale oo argagixiso ahi".

Golaha Adeega Garsoorka oo Xilka ka qaaday Afar Mas...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Golaha Adeega Garsoorka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay xil ka qaadis ay ku sameeyeen Afar mas'uul oo ka tirsan Garsoorka dalka.
Luul Maxamed Taabid oo ah xubin ka tirsan Golaha Adeega Garsoorka oo u warantay Radio Shabelle ayaa sheegtay in xilkii ay ka qaadeen Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka, Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir.
Waxa ay intaasi ku dartay in xilka qaadistooda ay u cuskadeen tabashooyin iyo qeyla dhaan aan kala joogsi laheyn oo ka soo yeertay Bulshada qeybaheeda kala duwan, kuwaasi oo ku eedeeyay mas'uuliyiinta xilka laga qaaday cadaalad daro iyo musuq maasuq.
Luul Maxamed Taabid ayaa hoosta ka xariiqday in xil ka qaadista mas'uuliyiintan ay u gudbiyeen Madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana isaga laga sugayo in aqbalo xilka qaadistaasi.
Dr. Mukhtaar Nuur Abuukar oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay Garsoorka dalka ayaa sheegay in Golaha Adeega Garsoorka ay xaq u lee yihiin in ay xilka ka qaadaan mas'uuliyiintan.
Mas'uuliyiinta Golaha Adeega Garsoor ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen wali kama hadlin go'aankaas soo baxay.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Maamulka Shabeellaha Hoose oo gargaar gaarsiiyey...

$
0
0

Deeqdan iskugu jirtay lacag iyo raashin ayaa waxa loogu tala galay dadka ay abaartu saamesay ee ku dhaqan deeganada iyo degmooyinka gobolka Shabellaha Hoose waxa ayna ka timid guddiga Gurmadka Qaran ee abaaraha waxana loo soo marsiiyay maamul goboledka Koofur Galbeed. Deeqdan oo isku jirtay raashin iyo lacag ayaa waxaa la gaarsiyay kumanaan dadka a abaartu saamesay ku nool degaanada num 50 ceeljaale shalanbood iyo degmada qoryooley waxaaana goobta lagu qeybinayay raashinka iyo lacagaha ku sugnaa maamulada degmooyinka gudomiyaha gobolka shabellaha hoose taliyaha qeybta boliiska gobolka shabellaha hoose iyo wasiir ku xigeenka wasarada gar gaarka iyo daryeelka nafada Koofur Galbeed. Deeqdan raashinka iyo lacagta isu jirta waxaa ka faa,idestay dad ay sameysay abaarta ee ku dhaqan deeganada iyagoo ka mahadceliyay deeqdan ay soo garsiyen maamulka Koofur Galbeed. Waxaan u mahacelineynaa deeqdan rashinka ah masuuliyinti na sooo garsiisay baahi ayaan u qabnay dadka ay abartu saamesay ayaan nahay waxan codsaneyna in deeqa kale nala soo arsiyo Wasiir ku xigeenka wasaarada gargaarka iyo dayeelka Koofur Galbeed Mohamed Ali gaani ayaa shegay in deeqdan ay ka timid guddiga Gurmadka Qaran ee abaaraha ayna gaarsiyen dadki logu tala galay Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Najax ayaa shegay in ay soo gabagabeyen wajiga labaad ee qeybinta gargaarka [...]

Mid kamid ah Ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada...

$
0
0

MUQDISHO(RBC RADIO)Koox hubaysan ayaa galinkii danbe ee Maanta Xaafad Albaraka ee Degmada Hodan waxa ay ku toogteen mid kamid ah Ergooyinkii Magaalada Cadaado kusoo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Koox bistoolado ku hubaysan ayaa Xaafada Albaraka ee Magaalada Muqdisho ku dishay Alle ha u naxariistee Sayid Cali Cismaan Abtidoon oo kamid ahaa Ergooyinkii Magaalada Cadaado kusoo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa kusoo badanaya dilalka qorsheysan ee loo geysanayo Ergooyinkii soo doortay Xildhibaanada Qaranka,Qoyska Marxuum Sayid Cali Cismaan Abtidoon ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dilkiisa.
Kooxdii ka danbeysay dilka Sayid Cali Cismaan Abtidoon ayaa baxsatay,Laamaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku fashilmay iney gacanta kusoo dhigaan Kooxaha Muqdisho ka geysanaya dilalka qorsheysan.
RBC RADIO

War-murtiyeedkii shirka London-Akhriso

$
0
0

War murtiyeed oo ka kooban dhowr bog ayaa laga soo saaray shirkii arimaha Soomaaliya ee London, ayadoo ay si wadajir ah shir gudoominayeen dowladda UK, madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo xoghayaha guud ee qaramada midoobey ee Antonio Guteres. Waxaa ka qeybgalay shirkaasi in ka badan 42 dowladood iyo ururo caalami ah oo daneynaya arrimaha Soomaaliya, ayadoo madaxdii ka qeybgashay ay isku raaceen is Soomaaliya uu ka jiro isbedel dhanka horumarka ah. Waxaa kamid ahaa qodobada ugu muhiimsan ee warmurtiyeedkaasi. (Humanitarian) Arrimaha bani'aadanimada; Ilaa shan qodob ayuu ka koobnaa waxaana ugu muhiimsanaa in walaac laga muujiyay xaaladda bani'aadanimo ee Soomaaliya xilliga ka jirta, waxaana loogu deeqay $600 boqol oo milyen oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen,lana aqoonsaday dadaalada gudiga gurmadka iyo dadka kale ee is xilqaamay. Dowladda ayaa lagu bogaadiyay sida ay ahmiyad weyn u siisay gurmadka dadka abaaruhu saameeyeen iyadoo sameysay wasaarad qaabilsan arimaha gargaarka. Waxaana la isla gartay in la sameeyo qorshe lagu caawinayo dadka abaartu halakeysey si dhaqaale abuur loogu sameeyo, isla markaana looga fogaado in markale dhibaatada oo kale la kulmaan. (Strengthening national security) xoojinta amniga qaranka; Iyadoo uu qodobkan Waxyaabaha ugu muhiimsan ay kamid aheyd in taageeray codsigii dowladda Soomaaliya ee ahaa in [...]

Judicial Service Commission fires officials for...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
The Judicial Service Commission has kicked out members of Somalia's justice sector, including the appeals court chairman and the Attorney General after being accused of corruption, power abuse.
Luul Mohamed Thaabit, a member of the Commission told Radio Shabelle that they have sacked high court chief, the appeals court chairman, Attorney General and Benadir regional court head.
She added that the legal officials have been removed from offices by Somalia's Judicial Service Commission after receiving public complaints over widespread injustices and corruption.
Thaabit highlighted that the Judicial Service Commission has sent the dismissal memo of the above mentioned public servants to the office of Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo for approval.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Dagaal culus oo Al-shabaab iyo Ciidamada Itoobiya ku...

$
0
0

HIIRAAN(RBC RADIO)Dagaal culus ayaa Ciidamada Itoobiya iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Garasyaani ee Gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-shabaab ay wadada u galeen Kolonyo ay wateen Ciidanka Itoobiya oo kasoo ambabaxay deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan,Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday Ciidanka Itoobiya xilli ay marayeen deegaanka Garasyaani.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya iyo Al-shabaab uu dhexmaray Dagaal culus oo saacado badan socday,Labada dhinac ayaa isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud,Lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalkaasi.
Al-shabaab ayaa ku sheegtay Baraha ay Internetka ku leeyihiin inye khasaare lixaad leh Dagaalkaasi ku gaarsiiyeen Ciidamada Itoobiya,Maamulka deegaanka Halgan ayaa ka gaabsaday iney wax faah faahin ah ka bixiyaan Dagaalka Al-shabaab iyo Ciidanka Itoobiya ku dhexmaray deegaanka Garasyaani,waxaa lasoo sheegayaa inuu jiro khasaare soo kala gaaray dhinacyada Dagaalamay.
RBC RADIO


Maxkmada Ciidanka Qalabka sida oo Xabsiga dhigtay...

$
0
0

MUQDISHO(RBC RADIO)Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ayaa Xabsiga dhigtay Sarkaal lagu Magacaabo Cabdishakuur Mursal Maxamed oo 24kii bishii April ee sanadkan Gaari ku jiirsiiyey Irida Madaxtooyada Marxuum Tahliil Jimcaale Hubane oo ka tirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta.
Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Maxkamada loosoo gudbiyey dacwad ka timid qoyska Marxuum Tahliil Jimcaale Hubane,Wuxuuna tilmaamay iney baaris kadib Xabsiga dhigeen Cabdishakuur Mursal Maxamed oo kamid ah Saraakiisha Ilaalada Madaxtooyada.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadashay dhacdadii uu ku geeriyooday Marxuum Tahliil Jimcaale Hubane,Dowladda ayaa gacanta ku haysa baxnaanada Haweeney sidoo kale ku dhaawacantay Shilkaasi.
RBC RADIO

Gov’t asked to bring former NISA chief before court

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Somali government has been urged to bring former head of the National Intelligence and Security Agency (NISA) Gen Abdullahi Gaafow Mohamud before court for shielding his driver who killed a public servant.
The driver has shot dead Mursal Omar, who was a an employee of Somalia's high court in Mogadishu last week, and escaped to Gafow to escape from arrest and the justice, according the victim's relatives.
Speaking to Radio Shabelle, Hussein Mohamed Hassan Dhiqle, one of the Relatives of late Mursal Omar, who was a an employee of Somalia's high court have called on government leaders to serve the justice.
Dhiqle accused ex NISA boss for trying to defending the killer from the justice.
The relatives of the slain citizen took to the streets in Mogadishu, demanding justice from the government and arrest of Gafow's driver who killed their loved one, late Mursal Omar.
Meanwhile, Ali Ahmed Ciyoow (also known as Ali Hiiraan), a senior NISA officer, blamed General Gaafow for embezzling two Million of US dollar during his tenure as NISA head.
He pointed out the NISA soldiers lacked their salaries for 9 months under the leadership of Gen Gaafow.
The officer has called on the Federal Government to bring Gaafow before court for fraud.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Akhriso: War-murtiyeed laga soo saaray shirkii...

$
0
0

War-murtiyeed ka kooban dhowr bog ayaa laga soo saaray shirkii arimaha Soomaaliya ee London, ayadoo ay si wadajir ah u shir gudoominayeen dowladda UK, madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo xoghayaha guud ee qaramada midoobey ee Antonio Guteres.
Waxaa ka qeybgalay shirkaasi in ka badan 42 dowladood iyo ururo caalami ah oo daneynaya arrimaha Soomaaliya, ayadoo madaxdii ka qeybgashay ay isku raaceen is Soomaaliya uu ka jiro isbedel dhanka horumarka ah.
Waxaa kamid ahaa qodobada ugu muhiimsan ee warmurtiyeedkaasi.

  • (Humanitarian) Arrimaha bani'aadanimada;

Ilaa shan qodob ayuu ka koobnaa waxaana ugu muhiimsanaa in walaac laga muujiyay xaaladda bani'aadanimo ee Soomaaliya xilliga ka jirta, waxaana loogu deeqay $600 boqol oo milyen oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen,lana aqoonsaday dadaalada gudiga gurmadka iyo dadka kale ee is xilqaamay.
Dowladda ayaa lagu bogaadiyay sida ay ahmiyad weyn u siisay gurmadka dadka abaaruhu saameeyeen iyadoo sameysay wasaarad qaabilsan arimaha gargaarka.
Waxaana la isla gartay in la sameeyo qorshe lagu caawinayo dadka abaartu halakeysey si dhaqaale abuur loogu sameeyo, isla markaana looga fogaado in markale dhibaatada oo kale la kulmaan.

  • (Strengthening national security) xoojinta amniga qaranka;

Iyadoo uu qodobkan Waxyaabaha ugu muhiimsan ay kamid aheyd in taageeray codsigii dowladda Soomaaliya ee ahaa in laga qaado xayiraadda hubka ee saran Soomaaliya si hub iyo saanad military ay soo iibsankarto isla markaana ay u suurtagasho in ay xasiliso amniga wadanka.
Waxaa sidoo kale la isku raacay qorshaha amniga qaranka ee dowladda Sooomalaiya iyo maamul goboleedyada ay ku heshiiyeen 16 bishii tagtay.
Marka laga hadlayo amniga ayaa waxaa la taageeray horumarainta hanaanka maamul maamliyadeed ee dalka lagu lafaguri doono shir daba socoda kan maanta la qaban doono bisha October ee sanadkan.

  • (More Inclusive Stable Politics) xasilooni siyaasadeed oo loo dhan yahay

Qodobkan ayaa waxaa lagu xusey in ahmiyadda ay leedahay hanaanka dibu eegista dastuurka oo keeni kara horumarinta amniga iyo xasiloonida siyaasadda dalka.
Xoojinta wada shaqeynta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa la taageeray si doorasho qof iyo cod ah dalka ya ka dhacdo marka la gaaro sanadka 2021.
Waxaa kale oo la go'aamiyay ahmiyadda ah leedahay in la soo wado wadahadaladii u dhxeeyay dowladda iyo maamulka Somaliland, iyadoo la soo dhaweeyay hamiga dowladu u heyso arintaas. Waxaan rajeynaynaa in doorashada madaxtinimada ee Somaliland oo dhici doono November 2017 ay keeni doonto fursad lagu dar dargelinyo wadahadalka ayaa lagu yiri warmurtiyeedka.
Waxaa kale oo la soo dhaweeyay doorta qurbe joogta ee horumarka dalka ay ku leeyihiin.4- (Accelerating Somalia's Economic Recovery ) dardargelinta dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka
Dhaqaale xoogan in la horumariyo waxaa ay keeneysaa in nolshada dadka Soomaaliyeed kor loo qaado lana sameeyo shaqo abuur. Xoojinta dkhliga gudaha ayaa aas aasu ah in la yareeyo u nuglaansha baaraha in la adkeeyo xasiloonida ayaa qeybka ah horumarinta iyo u adkeysiga xaaladaha adag una baahan in la sameeyo qorshe horumarineed oo joogto ah.
Shirkadaha xawaaladaha Soomaalida ayaa ah kuwo muhiim u ah nolshada dalka Soomaaliyeed isla markaana waxaa ay qeyb weyn ka qaataan kabaca dhaqaalaha dalka, waxaana loo baahan yahay in la xaqiijiyo bankigayada ay xiriirka ganacsi la leeyihiin, isla markaana la dejiyo shuruucdii lagu hagi lahaa.
Waxaa la soo dhaweeyay qorshaha dowladda cusub oo ah la dagaalanka musuq,iyadoo madaxda dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada lagu adkeeyay in ay xoojiyaan arintan isla markaana talaabo adag laga qaado dadka lagu helo musuq iyo wax isdabo marinta.

  • (New Partnership for Somalia)

Qodobka u dambeeya warmurtiyeedka ayaa waxaa uu ahaa qorshaha cusub ee taageerada Soomaaliya iyadoo la garowsday in qorshaha horumarinta qaranka uu yahay kan lagu wada shaqeyn doono, gaar ahaan amniga, dhismaha hey'adaha dowliga ah, xuquuqul insaanka, ku dhaqanka sharciga, maamul wanaaga, la dagaalanka musuqa iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka.Halkan ka Akhriso War-murtiyeedka oo English ahPUNTLANDPOST
The post Akhriso: War-murtiyeed laga soo saaray shirkii London ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Muqdisho:-Beelo shiraya oo lagu canaantay ka...

$
0
0

Taliyaha ciidanka Nabadsugida Dowlada Federalka Soomaaliya (NISA) C/llaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) ayaa ku wacyi galiyay Odoyaal,Ganacsato iyo Haween kazoo jeeda beel ama qabiil oo ku shiraya magaalada Muqdisho sidii ay uga gacan siin lahaayeen dowlada hanaanka geedi socod xasiloonida Muqdisho iyo Soo dhaweynta dadka kale ee martida ku ah.
Wuxuu hadalkiisa ku sheegay taliye Sanbalooshe inuu kazoo dul dhacay shirkaan oo uu sheegay inaan lagu casumin masuuliyiinta dowlada uga wakiilka ah Gobolka Banaadir, isagoona si kulul ula hadlay dadkii isugu yimid madasha shirku ka socday.
Si gaar ah wuxuu ugu dheeraadey Taliye C/llaahi (Sanbalooshe) Ahmiyadda ay u leedahay dadka ku nool Muqdisho inay ka shaqeeyaan Amniga, wuxuuna carabta ku dhuftay in beelaha ku nool looga baahan xilkasnimo.
Hadalka Taliyaha NISA oo lagu daabacay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa fasiraya jiritaanka cabashooyin ka dhan ah Dowlada uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.Dhagayso khudbadda Taliye Sanbalooshe.
Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Muqdisho:-Beelo shiraya oo lagu canaantay ka shaqeynta Amniga appeared first on Puntland Post.

War-murtiyeedkii ka soo baxay shirka London-Akhriso

$
0
0

War murtiyeed oo ka kooban dhowr bog ayaa laga soo saaray shirkii arimaha Soomaaliya ee London, ayadoo ay si wadajir ah shir gudoominayeen dowladda UK, madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo xoghayaha guud ee qaramada midoobey ee Antonio Guteres.
Waxaa ka qeybgalay shirkaasi in ka badan 42 dowladood iyo ururo caalami ah oo daneynaya arrimaha Soomaaliya, ayadoo madaxdii ka qeybgashay ay isku raaceen is Soomaaliya uu ka jiro isbedel dhanka horumarka ah.
Waxaa kamid ahaa qodobada ugu muhiimsan ee warmurtiyeedkaasi.

  • (Humanitarian) Arrimaha bani'aadanimada;

Ilaa shan qodob ayuu ka koobnaa waxaana ugu muhiimsanaa in walaac laga muujiyay xaaladda bani'aadanimo ee Soomaaliya xilliga ka jirta, waxaana loogu deeqay $600 boqol oo milyen oo loogu talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen,lana aqoonsaday dadaalada gudiga gurmadka iyo dadka kale ee is xilqaamay.
Dowladda ayaa lagu bogaadiyay sida ay ahmiyad weyn u siisay gurmadka dadka abaaruhu saameeyeen iyadoo sameysay wasaarad qaabilsan arimaha gargaarka.
Waxaana la isla gartay in la sameeyo qorshe lagu caawinayo dadka abaartu halakeysey si dhaqaale abuur loogu sameeyo, isla markaana looga fogaado in markale dhibaatada oo kale la kulmaan.

  • (Strengthening national security) xoojinta amniga qaranka;

Iyadoo uu qodobkan Waxyaabaha ugu muhiimsan ay kamid aheyd in taageeray codsigii dowladda Soomaaliya ee ahaa in laga qaado xayiraadda hubka ee saran Soomaaliya si hub iyo saanad military ay soo iibsankarto isla markaana ay u suurtagasho in ay xasiliso amniga wadanka.
Waxaa sidoo kale la isku raacay qorshaha amniga qaranka ee dowladda Sooomalaiya iyo maamul goboleedyada ay ku heshiiyeen 16 bishii tagtay.
Marka laga hadlayo amniga ayaa waxaa la taageeray horumarainta hanaanka maamul maamliyadeed ee dalka lagu lafaguri doono shir daba socoda kan maanta la qaban doono bisha October ee sanadkan.

  • (More Inclusive Stable Politics) xasilooni siyaasadeed oo loo dhan yahay

Qodobkan ayaa waxaa lagu xusey in ahmiyadda ay leedahay hanaanka dibu eegista dastuurka oo keeni kara horumarinta amniga iyo xasiloonida siyaasadda dalka.
Xoojinta wada shaqeynta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa la taageeray si doorasho qof iyo cod ah dalka ya ka dhacdo marka la gaaro sanadka 2021.
Waxaa kale oo la go'aamiyay ahmiyadda ah leedahay in la soo wado wadahadaladii u dhxeeyay dowladda iyo maamulka Somaliland, iyadoo la soo dhaweeyay hamiga dowladu u heyso arintaas. Waxaan rajeynaynaa in doorashada madaxtinimada ee Somaliland oo dhici doono November 2017 ay keeni doonto fursad lagu dar dargelinyo wadahadalka ayaa lagu yiri warmurtiyeedka.
Waxaa kale oo la soo dhaweeyay doorta qurbe joogta ee horumarka dalka ay ku leeyihiin.4- (Accelerating Somalia's Economic Recovery ) dardargelinta dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka
Dhaqaale xoogan in la horumariyo waxaa ay keeneysaa in nolshada dadka Soomaaliyeed kor loo qaado lana sameeyo shaqo abuur. Xoojinta dkhliga gudaha ayaa aas aasu ah in la yareeyo u nuglaansha baaraha in la adkeeyo xasiloonida ayaa qeybka ah horumarinta iyo u adkeysiga xaaladaha adag una baahan in la sameeyo qorshe horumarineed oo joogto ah.
Shirkadaha xawaaladaha Soomaalida ayaa ah kuwo muhiim u ah nolshada dalka Soomaaliyeed isla markaana waxaa ay qeyb weyn ka qaataan kabaca dhaqaalaha dalka, waxaana loo baahan yahay in la xaqiijiyo bankigayada ay xiriirka ganacsi la leeyihiin, isla markaana la dejiyo shuruucdii lagu hagi lahaa.
Waxaa la soo dhaweeyay qorshaha dowladda cusub oo ah la dagaalanka musuq,iyadoo madaxda dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada lagu adkeeyay in ay xoojiyaan arintan isla markaana talaabo adag laga qaado dadka lagu helo musuq iyo wax isdabo marinta.

  • (New Partnership for Somalia)

Qodobka u dambeeya warmurtiyeedka ayaa waxaa uu ahaa qorshaha cusub ee taageerada Soomaaliya iyadoo la garowsday in qorshaha horumarinta qaranka uu yahay kan lagu wada shaqeyn doono, gaar ahaan amniga, dhismaha hey'adaha dowliga ah, xuquuqul insaanka, ku dhaqanka sharciga, maamul wanaaga, la dagaalanka musuqa iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka.https://www.gov.uk/government/uploads/system/uploads/attachment_data/fil...

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live