Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Haweenay baaritaan ku samaysay dilka gabadheeda oo iyadiina la dilay

0
0

Haweenay ganacsato ah oo reer Maksiko ah oo hagaaminaysay 600 oo qoys oo baaritaan ku haya eheladooda oo la waayay meel ay ku dambeeyeen ayaa la dilay.


Haweenay baaritaan ku samaysay dilka gabadheeda oo...

0
0

Haweenay ganacsato ah oo reer Maksiko ah oo hagaaminaysay 600 oo qoys oo baaritaan ku haya eheladooda oo la waayay meel ay ku dambeeyeen ayaa la dilay.
Miriam Rodriguez Martinez ayaa lagu toogtay iyadoo joogta gurigeeda oo ku yaalla magaalada San Fernando ee dalka Maksiko oo u dhaw xadka Maraykanka.
Waxaa lagu yaqaanay in ay si wanaagsan u dabo gashay afduubkii iyo dilkii ay gabadheeda u gaysteen burcadda darooga ka ganacsata ee Zetas.
Xogtii ay booliiska siisay ayaa keentay in xabsiga la dhigo xubno ka tirsan burcaddaas.
Laakiin bishii saddexaad ee sanadkan ayuu midkood baxsaday gabadhan saaxiibbadeedna waxay sheegeen in ay soo gaari jireen hanjabaadyo.
Saaxiibbadeed waxay sheegeen in ay booliiska waydiisatay in ay ammaankeeda sugaan balse ay dhagaha ka furaysteen.
Hay'adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Maksiko ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in ay cambaaraynayaan dilkan waxayna ku baaqeen in baaritaan buuxa la sameeyo.

FALLO: Soomaaliya waxay u baahan tahay garab istaag

0
0

Muqdisho(SONNA)--Dowladda Ingriisku waxay Soomaaliya u qabatay dhowr shir, kaasi oo ka soo bilowday sanadkii 2012-kii, kan haatanna waxa uu ka dhigan yahay kii 3-aad oo lagu qabto Magaalada London ee Cariga Ingiriiska, ujeedka shirarkaasi ayaa lagu sheegay in mar walba lagu soo jeediyo indhaha Caalamka, si aan loo iloobin, waayo waxaa gudaha Dalka laga sheegaa abaaro soo noq noqda, colaad ay abuuraan Kooxo nabad-diid ah iyo kuwa kale sidaasi awgeed ayaa loo qabtaa shirarkaasi, islmarkaana waxaa loo aruuriyaa kaalmo lacageed wax looga qabto arrimahaasi.
Haddaba shirkii ugu socday Magaalada London oo looga hadlayay arrimaha amniga iyo dhaqaalaha iyadoo qodobo muhiim u ah Somaliya ay ka soo baxeen, Madaxda ka qeybgashay shirka ayaa si weyn uga hadalay xaaladda ammaanka Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa inay si buuxda ula wareegto Masu'uuliyadda ammaankeeda.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyadda ay leedahay alkumidda barnaamij ay Soomaalida hormuud u tahay oo lagu tababarayo ciidammada qaranka Soomaaliya, wuxuuna shirka ka sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay inay laba jibbaarto dadaalada looga hortagayo macluusha Soomaaliya, isagoo sidoo kale cadeeyay in Soomaaliya ay ka taageerayaan dhinac kasta.
Ra'iisal-wasaaraha Britain, Theresa May ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay iskaashi dhaw oo ku aadan qaabka loo wajahayo dhismaha ciidan qaran oo ay Soomalaiya leedahay, iyadoo xustay in Ciidamada AMISOM aysan maareyn karin sugidda amaanka ee Soomaaliya, loona baahanyahay in si deg deg ah loo dhiso ciidammada Soomaaliya oo weliba laga qeyb geliyo kuwa maamulada haatan jira laguna salaynayo qaabka federaalka.
"Heshiiska dhinaca amaanka ee aan halkan ku soo bandhigayno waxa lagu salayn doonaa heshiiskii taarikhiga ahaa ee ay dhowaan gaareen dowlada Federaalka iyo maamulada ka jira dalka oo ka heshiisyey tirada ciidanka, halka ay ka hawlgeli doonaan, maalgelintooda iyo cidda hagaysa" ayay tiri, ra'iisal wasaaraha Britain.
Ra'iisal-wasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in ay Soomaaliya siin doonto taageero dhinacyo badan iyadoo si gaar ah u cadeysay in UK bixin doono 21 milyan oo gini, lacagtaasoo oo loogu talagalay dhismaha iyo tababarka Ciidan qaran ee uu dalku yeesho.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay furtaanka shirka, wuxuuna sheegay in dowladdiisu ay dadaal badan ku bixisay Bad-baadinta dadka Soomaaliyeed oo ay Abaaruhu saameeyeen, wuxuuna u mahadceliyay Beesha Caalamka iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa, waxaa kaloo uu intaasi raaciyay in dowladdu ay dagaal kula jirto seddex Cadow oo kala ah Argagixisada, Musuqa iyo Faqriga, isagoo Caalamka ka codsaday in Soomaaliya laga qaado cuna qabataynta dhinaca Hubka ee saaran.
Waxaa kaloo xusid mudan in Madaxweyne Farmaajo oo la hadlayay Qurbo joogta ku dhaqan Cariga Ingiriiska uu u sheegay in Ciidamada iyo Kooxda Al-shabaab ay wada heystaan Qoriga AK-47, taasi ayaa ah in aan laga guuleysan karin in laga adkaado cadowga Ummadda, haddaan Soomaaliya la qaadin cunaqabateynta dhinaca hub ee saarnaa in muddo ah.
Madaxdii ka hadashay madasha shirka waxaa kaloo ka mid ahaa Moussa Faki Maxamed oo ah Madaxa Midowaga Afrika ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto dib u xoraynta Dalka, wuxuuna tilmaamay in haatan la wiiqay Awooda Al-Shabaab.
Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni, oo isna shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dalkiisu yahay Dalkii Ugu horeeyay ee Soomaaliya u dira Ciidamo, haatana loo baahan yahay in Soomaalidu ay la timaado siyaasad ku dhisan Wadaniyad.
Uhuru Kenyatta, oo ah Madaxweynaha kenya ayaa ka hadlay dagaalka lagula jiro Maleeshiayada Al-Shabaab oo ay wadaan Ciidanka AMISOM, wuxuuna Sheegay inay muhiim tahay in la sii xoojiyo taageerada ciidamada Midowga Afrika.Waxaa sidoo kale kulankan ka qeybgalay madaxda dalalka ku tabarucay howlgalka AMISOM. Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa ku baaqay in 4000 oo askeri oo dheeraad ah lagu daro ciidammada AMSIOM oo gaaraya hadda 22,000. Waxa uu sheegay in AMISOM aysna ka bixi karin Soomaaliya ilaa iyo inta si buuxda loo dhisamyo ciidammada qaran oo ay Soomaalid leedahay.
R/wasaaraha Wadanka Itoobitya Hailemariam Desalegn ayaa asna dhankiisa ka hadlay sida ay xiligaan Muhiimka u tahay in la sii tayeeyo lana dhiso Ciidanka Qaranka Soomaaliya, wuxuuna sheegay si taasi loo gaaro inay muhiim tahay in Soomaaliya laga qaado cuna qabataynta Hubka ee Saaran.
Sidoo kale waxaa jira Madax badan oo kale oo Shirkaan Khudbado ka jeediyay kuwaas oo cadeeyay inay Soomaaliya xiligaan horay u socoto loona baahanyahay in la sii taageero si dadaalada dowladdu wado ay u guulaystaan.
Waxaa ka qeybgalay shirkaasi in ka badan 42 dowladood iyo ururo Caalami ah oo daneynaya arrimaha Soomaaliya, iyadoo Madaxdii ka qeybgashay ay isku raaceen is Soomaaliya uu ka jiro isbedel dhanka horumarka ah, waxaana ugu dambeyntii Soomaaliya ay beesha caalamka ugu yaboohday adduun lacageed gaaraya 600 Milyan oo Dollarka Maraykanka ah, waxaa kaloo xusid mudan in Soomaaliya ay deyntii lagu lahaa ay cafiyeen qaar ka mid ah Wadamada Carabta.
War murtiyeed oo ka kooban dhowr bog ayaa laga soo saaray shirkii arrimaha Soomaaliya ee London, iyadoo ay si wadajir ah u shir Gudoominayeen Raiisul-wasaaraha Dowladda UK therasa May, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Xoghayaha guud ee qaramada Midoobey ee Antonio Guteres, waxaa laga soo saaray War-murtiyeed, waxaa ka mid ahaa qodobada ugu muhiimsan ee warmurtiyeedkaasi:-
!. Arrimaha bani'aadanimada, 2. xoojinta amniga qaranka, 3. xasilooni siyaasadeed oo loo dhan yahay, 4. dardargelinta dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka iyo 5. qorshaha cusub ee taageerada Soomaaliya.
Haddaba Soomaaliya waxay gabi-dhacleeysaba waxay hadda la soo gaartay waqtigii la garab istaagi lahaa, waxayna u baahan tahay in laga kaalmeeyo dhisid Ciidan qaran oo hanan kara howlaha Amni ee Dalka iyo kaalmo dhaqaale oo lagu horumariyo adeegyada arrimaha Bulshada, waxaana la gudboon Madaxda Soomaaliyeed inay la yimaadaan hab dhaqan ka duwan kuwii lagu yiqiin Xukuumadahii Dalka soo maray.
Qallinka: C/laahi Ruush

Eng. Yariisoow oo marti ku ahaa barnaamijka kulanka ...

0
0

Barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho iy9 Telefishinka Qaranka waxaa marti ku ahaa wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan "Yariisoow" oo si faahfaahsan uga hadlay qorshaha waxqabad ee dowladda, faa'iidada ugu jirto Soomaaliya shirkii lagu soo gabagabeeyay London iyo arrimo kale Halkan hoose ka dhageyso barnaamijka oo dhameystiran http://www.radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2017/05/BAR-KULANKA-JIMC...

Wasiir Xoosh “Culumada Soomaaliyeed door muhiim ah...

0
0

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah la qaadatay Culumada Soomaaliyeed oo ay kamid ahaayeen kuwo magac iyo maamuus ku leh bulshada dhexdeeda, ujeedka shirka ayaa ahaa sidii loo dhageeysan lahaa talada Culumada ee ku saabasan ololaha hanaanka dib u eegista Dastuurka.
Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in Wasaaraddu ay diyaar u tahay in iskaashi layeeshaan Culumada.
"Waxaa inaga go'an in hanaanka dib u eegista Dastuurka uu waafaqo shareecada Islaamka, sidaa darted, waxa aan u baahannahay ra'yigiina inaga oo xiriir dhow idin la yeelan doonno" ayuu yiri Wasiir Cabdi Xoosh.
Avv Cabdi Xoosh oo ka hadlay sida Dastuurka qabyo-qoraalka ah ee hada jira lagu sameeyay ayaa sheegay in 2012 ay jireen caqabado badan oo ka hor taagnaa in wadatashiyo badan la sameeyo.
"Annaga 2012kii markii Dastuurka aan ka shaqeeyneynay waxaa la inagu dhaliilay in kulamo wadatashiyo ah oo badan aanan la qaban, runtii waxaa inaga hortaagnaa kooxaha nabaddiidka oo wadanka badankiis gacanta ku hayay, laakiin xiligan waxa aan ballanqaadeynaa in aan wadatashiyo ballaaran sameeyno Culumaduna ay helaan waqti badan oo ay uga qaybgalaan Geedi-socodka" ayuu yiri Wasiirka.
Ugu dambeyn, Wasiir Cabdi Xoosh ayaa dhamaan Culumada Soomaaliyeed ka codsaday in ay si dhow u la shaqeeyaan Wasaaradda oo ay doorkooda aadka u muhiimka ah ka qaataan Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka.
FAAFINTA PUNTLAND POST
The post Wasiir Xoosh "Culumada Soomaaliyeed door muhiim ah ayey ku leeyihiin Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka" appeared first on Puntland Post.

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay wasiirka socdaalka,...

0
0

Madaxweynaha J. F. Somalia Mudane Mohamed Abdullahi "Farmajo" ayaa magaalada London kula kulmay Wasiirka Socdaalka, Qaxootiga iyo jinsiyadaha dalka Canada xildhibaan Ahmed Hussein oo ah muwaadin Soomaali-Canadian ah islamarkaana ka qeybgalay shirka looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ee lagu soo gebagebeeyey xarunta Lancaster house. Madaxweynaha iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, dardar gelinta iyo kordhinta taageerada Dowladda Canada siiso Soomaaliya. Madaxweyne Farmajo ayaa aad ugu amaanay wasiirka socdaalka Canada heerka uu ka gaaray siyaasadda Canada islamarkaana ay muujineyso dedaal dheeraad ah, waxa uuna uga mahadceliyey dowladda Canada taageerada joogtada ah oo ay la garab taagantahay shacbiga Soomaaliyeed. Wasiirka socdaalka qaxootiga iyo jinsiyadaha Canada mudane Ahmed Hussein ayaa ballanqaaday inay dowladda Canada sii joogteyn doonto taageerada dhaqaale iyo mashaariicda horumarineed ee ay ku caawineyso shacabka Soomaaliyeed, isagoo farta ku fiiqay in xukuumadda Canada ay malaayiin doollar ku bixisay gurmadka abaaraha iyadoo laga jawaabayo baahida iyo dhibaatooyinka abaaraha iyo macluusha saameysay malaayiin qof oo ku sugan geeska Afrika si dadkaas u helaan cunno iyo biyo nadiif ah.

Mugabe 'ma jiifee indhuhuu nasinayaa'

0
0

Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe ma jiifo marka uu indhaha isku qabto iyadoo uu kulamo dhaadheer ka qaybgalayo ee indhaha ayuu nasiyaa, sida uu sheegay afhayeenkiisu.

Mugabe 'ma jiifee indhuhuu nasinayaa'

0
0

Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe ma jiifo marka uu indhaha isku qabto iyadoo uu kulamo dhaadheer ka qaybgalayo ee indhaha ayuu nasiyaa, sida uu sheegay afhayeenkiisu.
"Madaxweynuhu ma xamili karo iftiinka badan ee nalalka" waxaa sidaas yiri George Charamba sida uuu qoray wargayska ay dawladdu leedahay ee Herald.
Charamba ayaa madaxweyne Mugabe la simay Nelson Mandela oo ku caanbaxay siddii uu uga dhiidhiyay midab takoorka oo ay indhihiisa waxyeelo ka soo gaareen xabsigii Robben Island ee uu soo maray.
"Lama ogola in aad qol uu ku jiro ku dhex adeegsataan kaameerooyinka nalka daara marka ay wax sawirayaan" ayuu sii raaciyay.
Mugabe oo 93 jir ah ayaa la arkay isaga oo ku dhex hurda kulamo badan, taas oo horseeday in la hadal hayo xaaladdiisa caafimaad.
Wuxuu doonayaa in uu u tartamo doorashada madaxtinimada ee sanadka soo socota.
Madaxweynaha ayaa hadda dawayn khaas ah oo dhanka indhaha ah ku qaadanaya Singapore.
Mugabe ayay dhawaan hurdo ku qabatay isaga oo ka qaybgalaya kulan lagu lafagurayay dalalka uu dhaqaalahoodu nugulyahay oo qayb ka ahaa Shirka Caalamiga ah ee dhaqaalaha Adduunka oo lagu qabtay Koonfur Afrika horraantii bishan.
Markaas wuxuu sheegay in Zimbabwe ay tahay mid ka mid ah dalalka ugu horumar badan ee qaaradda Afrika.


James Matts” Waxaan amray Taliyaha Africom in si...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
London ( Sh.M.Network)-Wasiirka Gaashaandhiga Maraykanka Jeneraal James Mattis ayaa ku amaanay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu yahay Mid meel isaga dhigay Nasiinada Naftiisa siduu u gudan lahaa Waajibaadkiisa.
" Mudane Madaxweyne waxaa kugu Hambalyeyneynaa sida ay kaaga go'antahay in aad soo celiso Heykalkii Dowladeed ee Soomaaliya oo Amniga uu ugu horreeyo, waxaana ka mid ah xaqiijinta taas Mideynta Dalka iyo Ciidamada Qalabka sida"sidaas waxaa yiri James Matts Wasiirka Difaaca Dowladda Maraykanka.
Sidoo kale Xoghayaha Difaaca Maraykanka ayaa soo dhaweeyay Hadalka Madaxweyne Farmaajo ee ku aadanaa in Sugida Amniga Hub iyo Ciidan kaliya uusan ku imaaneyn balse in laga hortago Musuqmaasuqana ay door Muhiim ah ka ciyaari karto iyo weliba dib u heshiisiinta.
Jeneraal James Matts ayaa intaas ku daray in Dowladda Soomaaliya iminka ay kasbatay Kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed islamarkaana iyada iyo Shacabkeeda ay meel uga soo wada jeedaan Naceebka dhibaatooyinka Wax uu ugu yeeray Argagixisada Al Shabaab oo dil iyo iyo Falal kale oo uu ku tilmaamay kuwa wuxuushnimo ah ka geysta Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhiga Maraykanka ayaa sheegay in uu ku war geliyay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee ka howlgala Qaaradda Africa kuwaas oo loo yaqaanno Africom General Waldhauser in ay billaabaan qorsho toos ah oo Tiro Cayiman oo Ciidamo Soomaaliyeed ah ay ku tababarayaan weliba laguna siinayo Tababarro heerkoodu sareeyo si ay awood ugu yeeshaan in ay ka adkaadaan Xarakada Al Shabaab.
Tababarrada Maraykanka uu siinayo Ciidamada Soomaaliyeed ayaa waxaa qeyb ka noqonaya sidii ay u ilaalin lahaayeen Shacabka ku nool deegaanada ay howlgallada ka sameynayaan ayuu sii raaciyay hadalkiisa Jeneraal James Matts Wasiirka Gaashaandhiga Maraykanka, Ka jawaabida Baahida Rayidka iyo dhowrista Xuquuqul Insaanka iyo weliba dhowrista Sharciga.
Dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay soo dhaweyneyso qorshaha dib u dhiska Ciidamada Qaranka Sooamaliyeed taas oo loo arko in kaalin wax ku ool ah ay ka geysan karto la dagaalanka Al Shabaab si looga maarmo Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Baarlamaanka Puntland oo kuraas dheerada ah lugu...

0
0


Gaalkacyo (RBC Radio) Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in la kordhinayo Baarlamaanka si ay matalaad ugu yeeshan qabaa'il badan oo degga gobolka,kuwaas oo aan hadda kuraas ku lahayn golaha Baarlamaanka.
Cabdiweli oo xalay khudbad ka jeediyay xalfad ka dhacday London ayaa sheegay in guddoomiyaha Baarlamaanka uu u diray qoraal uu uga codsanayo in la furo Baarlamaanka si kuraas dheerad ah loogu darro.
Madaxweynaha ayaa sheegay dadka deggan Puntland 50% inaysan wax matalaad ah ku lahayn Baarlamaanka,taas oo qasbaysa in isbadal la sameeyo oo golaha la ballaariyo.
"Waxaan qoraal u gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, waxaan ka codsaday inuu furo Baarlamaanka , si dadka ka maqan ee reer Puntland ay xubno ugu yeeshaan." Ayuu yiri madaxweyne Gaas oo inta ku darray "Dad badan ayaa ka maqan xitaa beelaha dhexdeeda , Majeerteenka dhexdiisa dad waa ku jiraan kuwana kuma jiraan, maxay ku dhacday , marka awal xal haday ahayd sidan hada xaq baan raadinaynaa ."
Baarlamaanka Puntland ayaa ka kooban 66 xubnood,tirade oo la jaangooyay sanadkii 1998 waqtigii la aas aasay Puntland ma jirin wax isbadal ah oo lugu sameeyay,waana qorshihii ugu horreeyay oo hadda lugu doonayo kuraas dheerad ah in lugu soo darro.
RBC Radio

Sawiro: Xaflada Soo dhaweynta madaxweynaha Galmudug...

0
0

Xaflad si weyn losoo agaaasimay oo lagu qabtay waqooyiga magalada London ayaa lagu soo dhaweeyay madaxweynaha cusub EE Dowlad goboleedka Galmudug Ahmed Du"ale Geele Xaaf , Munaasabada ayaa waxaa kasoo qaybgalay qaybaha kala duwan EE jaaaliyada Soomaaliyeed EE Galmudug
MAdaxweynaha Hirshabeele Cosoble ayaa kasoo qaybgalay xaflada Galmudug oo ay si diiran usoo dhaweeyeen jaaaliyada Galmudug. Masuuliyiintii kasoo qaybgalay ayaa waxaa kamid ahaa Gudoomiye kuxigeenka 1 aaad EE barlamaanka Galmudug Xareed Ali Xareed, Ambassador Soomaaliya u fadhiya Belgium Iyo maduuliyiin kale
Dhanka fanaaniinta ayaa waxaa joogjoog ahaaa Maryan Mursal, C/risaq Gaadaco iyo Gaas iyo Sidoo kale fanaanin iyo abwaano

Gudoomiye Ku Xigeenka Gobalka Mudug Ee Galmudug Oo...

0
0

Allaha u naxariistee waxaa magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug ku geeriyooday gudoomiye ku xigeenkii arimaha bulshada maamulka gobalka mudug ee galmudug kornayl maxamed cali ruush.
Kornayl ruush ayaa u geeriyooday xanuun soo wajahay oo uu baryihii dambe la ildarnaa sida uu mudug24 u sheegay gudoomiyaha gobalka mudug ee galmudug c/rishiid xaashi cartan oo geerida marxuumka tacsi ka diray.
" Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun waxaa gaalkacyo ku geeriyooday kornayl maxamed cali ruush gudoomiye ku xugeenkii arimaha bulshada maamulka gobalka mudug ee galmudug kornayl ruush wuxuu ahaa ruux in badan kasoo shaqeeyay hormarka iyo nabada bulshada gobalka mudug ayuu yiri c/rishiid xaashi cartan gudoomiyaha gobalka mudug ee galmudug wuxuuna marxuumka alle uga baryay in uu janadiisii fardowso ka waraabiyo"
Marxuum maxamed cali ruush gudoomiye ku xigeenkii arimaha bulshada ee gobalka mudug ayaa lagu wadaa in lagu aaso magaalada gaalkacyo oo uu marxuumku ku dhintay

Cabdiweli Gaas iyo Axmed Madoobe oo labo aragti oo...

0
0


Kismaayo (RBC Radio) Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland,Axmed Maxamed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo dhigiisa Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isugu jawaabay musaanaddo ka dhacay magaalada London,halka oo ay ku wada-suganyihiin.
Madaxweynaha Jubbaland,Axmed Madoobe ayaa ka sheegay xalfad habeen ka hor ka dhacday London inuusan shaqsiyadiisa aaminsaneyn faderaalka,marka wuxuu muhiimadda ku sheegay inay tahay hal meel in la isagu yimaaddo.
"Anniga shaqsiyan waxaan ahay dadka aan aaminsaneyn faderaalisimka." Ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.
Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Gaas oo xalay u muuqday inuu ka jawaabayo hadalka Axmed Madoobe wuxuu ku sheegay nidaamka faderaalka inuu Soomaaliya daawo u yahay.
"Sharciyada dalku waa federaal maanta , ama rab ama ha rabin, ama jeclow ama ha jeclaan. waxaa la isweydiiyaa ma xunyahay mise ma fiicanyahay, annigu waxaan ogahay in uu Soomaali daawo u yahay." Ayuu yiri madaxweynaha Puntland.
Doodda ku aadan nidaamka ayaa tagneyd tan iyo markii uu dalka qaatay,si is la'eg ayaana inta badan loo diida ama lugu soo dhaweeya,waxaana ku dhismay nidaamka faderaalka ee u dalka qaatay ilaa afar maamul-gobolleed,waxaana dhammantod oo ay ku jiraan Puntland iyo Soomaaliland oo diidan Soomaaliya uu dastuurku faraya inay hoostagaan dowladda faderaalka.
RBC Radio

Maamulka Dagmada Gaalkacyo Ee Galmudug Oo Digniin...

0
0

Xirsi yuusuf barre duqa dagmada gaalkacyo ee galmudug oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlaha shaqo ee uu wado maamulka dagmada gaalkacyo ee dhinaca galmudug.
Maayarka gaalkacyo ayaa sheegay in bilihii dambe uu jiray gaabis ku yimid hormarkii magaalada gaalkacyo taasina ay keentay dagaaladii kol hore galkacyo ka dhacay iyo xaalada cakiran ee abaaraha ka jira gobalka mudug.
Dhinaca kale xirsi yusuf barre duqa gaalkacyo ayaa mar uu ka hadlayay soolarada cadceeda ku shaqeeya ee laga hirgaliyay gaalkacyo waxa uu sheegay in ay jiraan dad qowlaysataa oo soolarada xatooyo u gaysta xiliyada habeenkii ah asagoo sheegay in dadkaasi talaabo cad laga qaadi doono
hadalka gudoomiyaha aya waxa uu ku soo aadaya xilli ay dameen badi nalalka cadceeda ku shaqeeya ee wadooyinka magaalada gaalkacyo ee xarunta gobokla mudug .

Kumbuutarrada 99 dal oo la weerraray

0
0

Weerrar ballaaran oo dhanka internetka oo la rumeysan yahay in loo isticmaalay qalab laga soo xaday Hay'adda Ammaanka Qaran ee Mareykanka ee NSA ayaa waxaa lagu qaaday hay'ado ku kala yaal daafaha dunida.
Shirkadda Avast ee ka shaqeysa ammaanka internet-ka ayaa sheegtay in ay aragtay 75,000 oo kiis oo ah waxa loo yaqaan WannaCry oo lagu doonayo madaxfurasho oo ka dhacay caalamka oo dhan.
Waxaa jira warar sheegaya in weerrarkan uu saameeyay 99 dal oo ay ka mid yihiin Ruushka iyo Shiinaha.
Meelaha sida weyn uu u saameeyay weerrarkan waxaa ka mid ah hay'adda Addeegga Qaran ee Caafimaad ee England iyo Scotland.
BBC-da ayaa waxa ay fahansan tahay in ku dhawaad 40 hay'adood oo hoos taga barnaamijka Addeegga Qaran ee Caafimaad iyo isbitaalada qaar ay arrintan saameysay, iyadoo la baajiyay ballamo iyo howlgallo la fulin lahaa.
Wararku waxaa kale oo ay sheegayaan in weerrarku uu saameyay dalal badan oo Yurub ah.
Dhowr shirkadood oo waa weyn oo Spanish ah ayaa iyana la weerraray, oo wararku waxa ay sheegayaan in shaqaalaha shirkadahaasi loo sheegay inay kumbuyuutarrada damiyaan.
Shirkado waa weyn oo laga leeyahay dalalka Portugal, Sweden iyo Ruushka ayaa sidoo kale waxaa saameeyay weerrarkan dhanka internet-ka ah.
Dadka ayaa barta Twitterka soo dhigayay sawirro muujinaya kumbuyuutarro weerrarku uu saameeyay oo ay ka mid yihiin shirkad maxali ah oo gadda tigidhada tareenada oo ku taal dalka Jarmalka iyo jaamacad ku taal waddanka Talyaaniga.
Wararka qaar waxa ay sheegayaan in Ruushka ay haleeshay saameyntii ugu ballaarneyd ee hal dal soo gaarta.


Cabdiweli Gaas oo ka hadlay sida ay u ekaan doonto...

0
0


Gaalkacyo (RBC Radio) Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hor-dhacay sida ay dowladda isugu diyaarineyso doorashada dhacaysa 2019,isagoo marka khudbad u jeedinayay jaaliyadda London.
Wuxuu sheegay madaxweynaha inay isku-dayi doonan sidii ay u dhici lahayd doorashada qof iyo cod ah,inta wuxuu ku darray haddii suragal ay noqon waydo doorashada inay sameyn doonan wixii hore wax ka qurux badan.
"Haddii aan gaarsiin weyno 2019 hal qof iyo hal cod , waxaan isku dayeynaa in wixii hore wax ka qurux badan in aan sameyno ayaan doonayna 2019 inshallah." Ayuu yiri madaxweyne Gaas.
Madaxweynaha ayaa dhowaan daahfuray hannaanka asxaabta badan,balse waxaa loo arka waqtiga kooban iyo diyaar garowga aan muuqan inay sababi karto doorasho qof iyo cod ah inaysan ka dhicin Puntland.
Markii la aas aasay Puntland oo hadda 19 sanno muddo ka badan laga joogo waxaa dooranayay madaxweynaha 66 xildhibaan,laakin madaxweynihii hore Cabdirixmaan Faroole oo isku dayay si dhaqso ah inay u dhacdo doorasho ay shacabku ka qaybgalaan uma suragelin.
RBC Radio

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafti uu hogaaminayo oo...

0
0

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, ka dib safar maalmo qaatay oo ay ugu maqnaayeen magaalada London ee dalka Britain.
Madaxweyne Farmaajo iyo waftiisa ayaa waxaa garoonka Muqdisho ee Adan Cade ku soo dhaweeyey masuliyiin ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya oo isugu jiray Wasiio, Xildhibaanada labada Aqal iyo Saraakill ciidan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galay shirkii 11-kii May ka dhacay magaalada London kaas oo looga hadalayey Arimaha Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa qodobadii looga hadalay Qorshaha Amniga, Dib u habeynta dhaqaalaha , Kaalmada abaaraha, dib u eegista Dastuurka iyo gaarista doorasho qof iyo cod ah sannadka 2020-ka.
Shirkaas oo ay ka qeyb galeen madax badan oo caalamka ka socotay ayaa waxaa ugu danbeyn laga soo saaray War-muryiyeed ku saabsan Arimihii looga hadalay .Liban YusufPUNTLAND POST
The post Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafti uu hogaaminayo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Kumbuutarrada 99 dal oo la weerraray

0
0

Weerrar ballaaran oo dhanka internetka oo la rumeysan yahay in loo isticmaalay qalab laga soo xaday Hay'adda Ammaanka Qaran ee Mareykanka ee NSA ayaa waxaa lagu qaaday hay'ado ku kala yaal daafaha dunida.

Dhalinyarada Qurbaha Laga Kaxeeyo Ee Wadankii La...

0
0


Assalamu Calykum
Dhaliinyarada iyo caruurta dhulkii lagu celiyo si "dhaqan celis" loogu soo sameeyo waa kuwama? Dhaqan celisku wax natiijo ah ma keenaa? Maxaa la gudboon waalidiinta, culimada iyo hogaanka jaaliyadaha Soomaalida ee qurbaha degan. Barnaamijkan iyo mid kale ee soo socda waxa aan isku dayi in aan su'aalahaas kaga jawaabo

Dhageyso Barnaamijka Martida Makrafoonka

0
0

Dhageyso Barnaamijka Martida Makrafoonka, oo aad dhageysataan xilliyadan oo kale. Waxa soo diyaariyay Ridwaan Xaaji Cabdiwali.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live