Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka hadlay Waxyaabaha...

$
0
0

BAYDHABO(RBC RADIO)Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka hadlay sababaha keenay in laga adkaan waayo Kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jirta Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa u sababeeyey laba Arimood dhibaatada Soomaaliya,wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay Amni u baahan tahay Madaxweyne Shariif Xasan ayaa hoosta ka xariiqay inaan Amniga la xaqiijin karin hadii aan dhaqaale la helein.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale xusay inaan dhaqaale iyo Maalgashi Shisheeye la heli karin hadii aan la xaqiijin Ammaanka dalka,Wuxuuna daaha ka rogay in Beesha Caalamka looga baahan yahay in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka si looga adkaado Kooxda Al-shabaab.
"Waxaan ka rajeynanaa Caalamka in la horumariyo Ciidamadeena oo Mushahar la siiyo,Mooralka loo dhiso,Cunaqabataynta laga qaado si ay u helaan hub culus oo ay ku dagaalamaan si ay cadowgan dowlad diidka ah god walba oo uu galo ay u ciribtiraan."ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed.
Shirkii dhawaan ka dhacay Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayuu Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ku dalbaday Beesha Caalmka in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya si Ciidanka Xoogga dalka ay u helaan hub ku filan oo ay ku hanan karaan Amniga dalka.
RBC RADIO


Wasaarada Waxbarashada Puntland oo wargalin kasoo...

$
0
0

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre Dowlada Puntland ayaa qodobo wargalin ah kazoo saartay habsami u socodka maamulka Imtixaanaadka oo ay sheegtay in looga sameeyay magaalooyinka Garowe, Gaalkacyo, Qardho iyo Bosaso xarumo lagu qeybinayo,iyadoo laga amba qaadayo Nabadgelyadda.
Warbxinta Wasaaradda ayaa lagu sheegay inay hawlgali doonaan saraakiisha waaxda Imtixaanaadka iyo kormeerayaasha guud kuwaas oo ay sheegtay inay fududeyn doonaan maamulka Imtixaanka.Waxaa ka mid ah qodobada Wasaaraddu soo saartay.

  1. Dhamaan Godoomiyeyaasha Waxbarashada Gobollada, Kormeerayaasha, ilaaliyaasha imtixaanaadka, ardayda iyo waalidkaba , Waxaa lagu wargalinayaa in nidaamkii imtixaan qaadisata wax wayn laga bedelay
  2. Kormeerayaasha iyo ilaaliyayaasha imtixaanaadka, kalkaaliyayaashooda iyo saraakiisha ka socota waaxaha imtixaanaadka iyo maamulka ee wasaaradda waxbarashada ee lagu qoray gobollada Bari, Sanaag, Haylaan iyo Gardafu waxaa lagu wargelinyaa in ay si toos ah isaga xaadiriyaan magalaada Boosaaso ugu dambyan maalinta arbacada ee bishu tahay 17/05, halkaas oo uu ka dhici doono kulankii wacyi gelinta ee hawl-wadeenada imtixaanka.
  3. Sidoo kale, kormeerayaasha ku qoran degmooyinka gobolka Mudug waxaa la farayaa in ay 17 bisha iska xaadiriyaan magaalada Galkacyo halkaas oo kuu ka dhici doono kulankii wacyi gelintu.
  4. Dhammaan hawl-wadeenada ku qoran gobolka Karkaar waxaa iyagana la farayaa in toos u aadaan magaalada Qardho.
  5. Kormeerayaasha, kalkaaliyayaasha iyo ilaaliyayaasha lagu qoray gobollada Sool, Cayn iyo Nugaal waxa ay igu toos u imaanayaan magaalada Garoowe.
  6. Dhammaan magaalooyinkaas waxaa lagu diyaariyay imtixaankii, halkaas ayaana laga qaadanayaa marka meelayntu dhammaato.
  7. Hawl-wadeenada imtixaanaadka ee sharafta mudan, waxaa lagu wargelinayaa inay muujiyaan xil kasnimo dheeraada ah ayna ku diyaar garoobaan guddoonada waxbarashada ee gobollada xilliga kor lagu soo sheegay.
  8. Haddaba, waxaan ka codsanaynaa hay'adaha dawladda ee kala duwan iyo qaybaha bulshadaba in ay kaalin mug leh ka qaataan meel marinta hawlaha imtixaanka maadaama uu yahay hawl qaran oo aan qofna lagu hallayn.

MahadsanidinAgaasimaha waaxda imtixaanaadka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare Axmed Maxamuud Warsame (Axmed Saahid)
The post Wasaarada Waxbarashada Puntland oo wargalin kasoo saartay Imtixaanaadka appeared first on Puntland Post.

17 Dead From Hunger near Mogadishu amid drought

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
At least 17 people, mostly women and young children have died from hunger and lack of water at sprawling IDP camps near Somalia's capital Mogadishu in the past few days.
An IDP camp administrator confirmed to Radio Shabelle, the deaths of the people, who were among thousands of locally displaced persons fled the drought-stricken regions in southern Somalia.
Thousands have been streaming into Somalia's capital, Mogadishu, in search of food aid, to escape from dying of hunger and thirsty due to the biting drought in the horn of Africa country.
The deaths of the IDPs came as the Somali National Drought Committee officials said they collected large sum of money as donation that was allocated to assist the drought-affected people.
The Somali National Drought Committee has been accused of misuse of the financial donations as people are dying of hunger and lack of water.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Maamuleyaal Loo Magacaabay Dar-dargalinta Ilaha...

$
0
0

Muqdisho, (SONNA):-Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ahan ku simaha Ra'iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta ka qayb qaatay kulan lagula dar-daarmayey maamulayaal loo magcaabay dekeda Muqdisho iyo Garoonka diyaaradaha ee Aden Cade oo ah Ilaha dakhliga uu ka soo galo dowladda, waxaana kulnka goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda, ku simaha Hanti dhowrka guud , Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha iyo Xeer Ilaaliyaha Qaranka.
Shaqalahaan ayaa ahaa kuwo ka howgala waaxyaha kala duwan ee wasaaradda, waxaana lagu badalay shaqaalihii hore oo ka shaqayn jiray maamulka Dekeda Muqdisho iyo Garoonka diyaaradaha Aden Cade.
Ugu horeeyntii Wasiiru Dowlaha Maaliyada Maxamud Xayir Ibraahim ayaa sheegay in dhaqanka shaqada ay ka mid tahay in shaqaalaha laysku badalo si ay u qaataan tababar iyo xirfado siyaado ah.
"Kulankaani waa mid ku salaysan kor u qaadida shaqada. Horumarka shaqada waxaa ka mid ah in shaqaalaha lay isku badalo si ay u noqdaan kuwo qayb kasta ka shaqayn kara oo aqoonteeda leh, qofka marka la leeyahay waa khibrad badan yahay macnuhu waxaa weeyey meelo badan ayuu ka soo shaqeeyey" ayuu yiri Wasiir Xayir
Wasiirka oo sii hadlaya ayaa yiri "Siyaasada dowladda Cusub waxaa udub dhexaad u ah la dagaalanka musuq maasuqa, marka laga hadlayo musuq maasuqna waxaa indhuhu qabanayaan waa wasaaradda maaliyadda, wasaaradduna waa tan ugu muhiimsan dowladda iyo waana ishii dhaqaalaha dalka. Kor u qaadida dakhligu waxay noo leedahay ahmiyad gooni ah si dakhli ka badan kii hore loo ururiyo waxaa lagama maarmaan ah in sbadal lagu sameeyo Hay'adaha ka shaqeeya, maxaa yeelay qofka cusub waxaa ku jira fir fircooni iyo nashaad uu wax badan ku qaban karo"
Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa dhinciisa sheegay in dayaca badan uu ka jiri jiray ilaaha dakhliga loona baahan yahay in deg deg loo saxo, ka xeer ilaaliyo ahaana ay diyaar u yihiin in ay cadaaladda ay horgayn doontaan cidii lagu helo faldanbiyeed iyo ku gabood falid hantida qaranka.
Ugu danbayntii Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ahna ku simaha Ra'iisul Wasaaraha yaa dhankiisa cadeeyey in ka soo qayb galkiisa ay calaamad u tahay muhiimada ay dowladda u leedahay hufnaanta dhanka maamulka, wuxuuna qayb ka yahaya barnaamijka isla xisaabtanka iyo dar dar galinta dakhliga dowlada.
"waxaa la idin saaray masuuliyad balaadhan, si loo damaanad qaado askari waardiyaha haya iyo kan difaacyada ku jira, ayaa laydinku magacaabay xilalkaan muhiimka ah si aad kor ugu qaadaan dakhliga iyo siyaasada dowladda lana dagaalantaa musuq maasuqa, wax isdaba marinta, eexda, lunsashada canshuurta iyo inaad ilaalisan shuruucda u dagan wasaaradda" ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Mudane Guuleed.

Xukuumadda Soomaaliya oo fasaxday Shaqaalaha...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan "Yariisow" oo ku hadlayay Afka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Shaqaalaha Dowladda la fasaxay maalinta Beri ah Munaasabadda xuska 15-ka May owgeed.
Xuska 15-ka May ayaa ah maalinta dhalinyarada iyo sannadguuradii 74-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ururkii SYL ee kaalinta weyn ka qaatey xornimadii Dalka.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMaamuleyaal Loo Magacaabay Dar-dargalinta Ilaha Dhaqaalaha Dalka+Sawirro

Maayirkii Degmada Xariirad oo Daad Qaaday iyo...

$
0
0

Marxuumka iyo xubnihii wehelinayay ayaa loo soo qaaday dhinaca degmadda Xariirad, halkaas oo ay marka horeba ku sii socdeen.
Hargeysa(Waaheen) Allaah Haw u naxariistee waxa uu daad qaaday Duqii Degmadda Xariirad Abokor Xasan Guuleed oo ay wada socdeen Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha somaliland, kuwaas oo ka yimid magaaladda Boorama isla markaana ku sii jeeday degmadda Xariirad.
Gaadhiga ay la socdeen labada masuul oo ay wehelinayeen askarigii iyo darawalkii ayaa xilliga uu daadku qaaday waxa ay marayeen meel u dhaxaysa Magaalooyinka Qolujeed iyo Boon.
waxaana la soo badbaadiyay wasiirkii dhalinyarada iyo ciyaaraha Cabdirisaaq Waabari Rooble, Dirawalkii iyo Askarigii, hasayeeshee Mawjadaha ayaa dhuftay Duqii Degmadda Xariirad Marxuum Abokor Xasan Guuleed, kaas oo maydkiisa ay soo heleen dad u soo gurmaday.
Marxuumka iyo xubnihii wehelinayay ayaa loo soo qaaday dhinaca degmadda Xariirad, halkaas oo ay marka horeba ku sii socdeen.

Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka oo Fariinta Xuska 18...

$
0
0

Fariinta Madaxweynaha Somaliland Ee 18 May Iyo AbaarahaHargeysa(Waaheen) Bismillaahi Raxmaani Raxiim,,,Asalaamu Calaykum Wa-raxmatulaahi Wa-barakaatu,Mudanayaal iyo Marwooyin, Xuska Maalinta Qarannimada Somaliland, waa mid ku weyn quluubteenna, mana jirto habayaraatee cid weydeyn kartaa. Hasayeeshee, dabaaldeggii iyo damaashaadkii 18-ka May, 2017-ka, waxaannu u beddelnay in aynu doorkan dareen la wadaagno, isla markaana daryeelno dadkeena abaaruhu toysta iyo tabaalaha u geysteen.
Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa Shacbi-weynaha Somaliland, meel kasta oo ay dunida dacalladeeda ka joogaan, in ay si xil-kasnimo, xamaasaad iyo xasanaad-raadis leh, uga qayb-qaataan qaadhaan uruurinta balaadhan, ee Guddida 18-ka May aan u magacaabay samaynayaan maalmaha qaran ee (18-ka May iyo 26 June) iyo maalmaha bisha barakaysan ee Ramadaan.
Barnaamijka qaadhaan uruurinta, waxa looga gol-leeyahay, si aynu dadkeena ugu caawinno mashaariic waaweyn oo ay kaga soo kabtaan abaaraha aafeeyey. Dhinaca kalena ka hortag u noqon kara abaaraha soo noq-noqda, Waxaan leeyahay, waa in aynu istaageernaa, oo isku tashannaa, ILAAHAYNA talo saaranaa.
CEELNA UMA QODNA, CIDINA UMA MAQNA
Ugu dambayn, waxa inala gudboon ummad ahaan, in aynu midayno maskaxdeenna, muruqeenna, iyo maalkeenna, isla markaana aynu isu-naxariisanno, si Eebe inoogu naxariisto. Wa Billaahi Tawfiiq... Madaxweynaha Jmahuuriyadda SomalilandMudane Axmed Maxamed Silaanyo
Dhanka kale Madaxwyene Ku-xigeenka ayaa diray Fariin waxanu yidhi. "Waxaan Ilaahay ugu mahadnaqeynaa inuu inoo shubay raxmaadkiisa abaartii kululeydna inaga jabiyay. Sidaad la socotaan dalka intiisa badan roobabkii way wada gaadheen, abaartu se waxay inagaga tagtay riiq aad u dheer oo wakhti ina sii heysanaysa.
Waxaan ku hambalyaynayaa shacabka reer Somaliland gudo iyo dibedba sidii wacneyd ee aan u taakulaynay dadkeeni abaartu ay halakeysay hadday tahay ganacsato, qurbejoog iyo haddii ay tahay madaxda kala duwan ee qaranka ee lacagta ku bixiyay sidii loo taageeri lahaa dadkooda.
Ummadda reer Somaliland waa ummad isku tashata waxaanu idinku hoggaaminay inaynu isku tashano markii sannadkii hore abaartu dilaacday inagoo aan tii horeba ka soo kaban wataan isku tashay intii aan sugeynay qaylo dhaantii bulshada caalamka, degdegna aynu ku ururinay laba milyan oo dollar oo halmilyan xukuumaddu bixisay inta kalana ganacsatadu bixisay taaso keentay in wax lala gaadho dadkii aabaartu haleeshay.
Guud ahaan waxaan ugu mahadnaqayaa shacabka Somaliland iyo dhamaan ciddii gacan ka geysatay iyo waddamada aanu jaarka nahay Jabuuti, Ethiopia, Sucuudiga, Imaaraadka iyo beesha caalamka oo walow ay soo dib dhaceen hadana gacantoodu na soo gaadhay hadday noqoto cunto,biyo dhaamis iyo daaweynba.
Waxaan ugu baaqaynaa shacabka in aynu maanta marxalad adag ku jirno oo ah sidii aan uga soo kaban lahayn abaartaa xoolaheenii ku dhamaadeen sidaa daraadeed Waxay xukuumaddu go'aamisay in dabaaldegii 18 may ee qarannimada maalintii gooni isu-taaga somailand lagu dhawaaqay in aynu u badelno soo kabashada abaarta oo halkii aynu ka dabaaldegi lahayn ee aynu xaflado ka samayn lahayn inaynu u baddelno taakulaynta dadkeena abaartu ay saamaysay gudo iyo dibedba.
Waxaanu markaa qorshaynay in lacag xaddi badan ah laga helo shacabka meel u joogaba, dowlad ahaana aanu dib isku baadh-baadhno si aynu u xoolayno dadkii xooluhu ka dhaamaadeen, biyahaa ina dhaafayana intii itaalkeena ah ee aynu qabsan karno aan qabsano wixii wax soo saar ah dhanka beeraha aanu wax ugu qabano ayaynu u qaadanay soo kabashada abaartii inagu daba dheeraatay.
Sidaa daraadeed waxaan reer Somaliland ugu baaqayaa meel ay joogaanba inay ka qayb qaataan soo kabashadaa abaarta gaar ahaan qurbajoogtu in qoys walba uu qoys dadkeena reer Somaliland ah uu kafaalo qaato.
Waxaan leeyahay waa inaan ciyaartii iyo dabaaldagii aad u badeshaan taakuleynta dadkeena ay abaartu halakeysay ee ay xoolihii ka dhamaysay oo u sii baahan muddo inta neefkoodu u soo noolaanayso in cunto la siiyo intaa markay ka soo kabtaana dib loo xooleeyo.
Hawl badanbaa inoo taalla waxaan mar labaad iyo mar seddexaadba idinku adkeynayaa inaad ka qayb qaadataan abaartan dabada dheeraatay sidii aan uga soo kaban lahayn oo nin waliba wixii itaalkiisa ah uu ku daro,ilaa ardeyga uu hal doolar kaga qaybgalo, taasi oo ina tusaya in aan tijaar uun xoogga la saarin ee cidwaliba wixii ay awooddo ay ku tabarucdo.Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda SomalilandMudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)

Amina Muuse Weheliye oo ka Sheekeysay Gumaysi uu 12...

$
0
0

ANIGA IYO YUUSUF: Hor-dhac (Preview): Ma garanaayo ilaa iyo haddatan la joogo oo muddo dheeri ka soo wareegatay sababta uu ninkaasi igu maagay, mana garanaayo waxa aan ka bi'iyey, wuxuuse iigu xadgudbay si weyn, wuu i ciilay anigoo weliba ku nool dal aan la isku ciili karin oo sharcigu ku xoog badan yahay, malaha Soomaalinimadaan ugu turayee, malaha dumarnimadaa i nugleysiisay, malaha shaqada ha waayin baan is lahaaye, malaha dalkaagi dagaal baa halakeeyey shaqana kama jirto ee halkaan isku dhaji baan is lahaa, malaha caruur baad korsataaye ceyr ha mudan baan is lahaa, malaha, malaha, malaha ma garan karo sababta aan intaas oo dhibaato ah ugu dul qaatay, mudo sidaas u dheer.
Wuxuu igala dagaalay in aan horuumaro dhanka shaqada, wuxuu geed dheer iyo geed gaaban u istaagay in aanan dallicin, wuxuu ku tuntay xuquuqda asaasiga ah ee shaqaalenimo, kaligeyna ma ahayne badanaa shaqaalihii kale oo ila shaqeynaayey ayuu ku wada xadgudbaayey, laakiin aniga teydu waxey ahay maalin kasta, ma istaagto soo taagan oo aanu maalinna fasax ka qaadan, wuxuu noqday qofka ugu badan oo aan ka welwelo har iyo habeen muddo kow iyo toban sannadood ah oo uu madax ii ahaa.
Subaxdii markaan hurdada ka tooso oon shaqada isu diyaarinayo, waxaan la fekeri jiray bal waxa aan maanta kala kulmi doono, siduu iila dhaqmi doono, intaan shaqada u sii socdo oo aan trainka sii saaranahay, waxaan ka welweli jiray sida maalinteydu noqon doonto, markaan shaqada soo dhameeyo intaan aqalkeygii u sii safraayana waxaan ka ilmeyn jiray uurka iyo indhahaba wuxuu maalintaas igu sameeyey, siduu iila dhaqmay iyo siduu ii bahdilay.
Wixii i soo maray aniga iyo Ilaah iyo isaga igu gabood falay uun baa og, waase lama ilaawaan,waxaan xadgudbyada uu igula kacay ku mutay xanuun weyn, waxaana noqday dhibane aan cid difaaceysaahi jirin, ma hubo in aan cafin doono iyo in kale balse waxaan hubaa in aanan ilaawi doonin xasuusta mahadhada ah ee ay ugu reebeen xadgudubyadaas uu igula kacay nin ka madax ah meel yar oo iskaba kooban, shaqaale aan ka badneyn gebigoodaba 20 qof ka shaqeeyaan, waase mahadho taariikhi ah.
La soco qormooyin taxane ah oo ah qiso dhab ah oo aniga i qabsatay. W/Q: Amina Muuse Weheliye.


Laba Qof oo ku dhintay Shil baabuur oo ka dhacay...

$
0
0

Dadka Shilka galay ayaa ahaa Arday dhigata Dugsiyada Sare Magaalada Burco.
Sheekh (wAAHEEN) Alle Haw Naxaristee waxaa shalay Shilgaadhi oo ka Dhacay Afaafka Hore Buurta Dowga Sheikh Waxa ku Geeriyoday Laba Ruux Oo Kala ah ikraan Cabdiqaadir iyo Mid ka mid ah Sawirqadayasha Magalada Burco Laguna Magacabo Cabdixakiim Stiffer.
Wararka naga soo gaadhaya Magalada Sheikh ayaa Sheegaya in maydadkii iyo Dhawaciiba yalaan Cisbitalka Magalada Sheikh.
Dhinaca Kale Qaar ka mid ah Dadkii ku dhaawacmay shilkaasi gaadhi ayaa dhawacodii Waxa loo Qaaday Magalada Burco si loogu Dabiibo Xaladooda Cafimaad ka dib Markii ay adeeg ka wayeen Cisbitalka Magalada Sheikh.
Dhalinyaradani waxaa ay ahaayeen Arday dhigata Dugsiyada Sare Magaalada Burco.

Xukuumadda Somaliland oo Go’aamo adag ka soo Saartay...

$
0
0

" Maanta ilaa Bari Lacag xoog leh ayaa la galinayaa suuqa, lacag aad dibada u diraysaan ma shaqaynayso"Wasiir Samsam Cabdi Aadan
Hargeysa (Waaheen) Wasiirka Maaliyada Somaliland, Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Gudoomiyaha Baanka Dhexe Mr Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale) ayaa sheegay inay lacag tiro badan oo dollar ah ay suuqa soo galinayaan si hoos loogu dhigo kor u kaca sarifka lacagta dollarka oo mudooyinkii u dambeeyey meel sare gaadhay.
Labadan Masuul ayaa sidoo kale ganacsatada dadka ugu baaqay inay dalka tudhaan oo ay umadda u naxariistaan, isla markaana ay ka jabiyaan maceeshada cirka isku shareertay.
Ugu horayn Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan oo shirkaasi jaraa'id ka hadashay ayaa waxa ay tidhi "Waxa aanu Maanta halkan u fadhinaa sicir bararka arintiisa, imika marka aynu dalkeena eegno, abaarahaasi dhacay ee aynu todoba bilood la tacaalayno, dawladahaa waaweyn qaar bay ku adkaan lahayd siday uga bixi lahaayeen hawlahaa. Laakiinse imika waxa aanu dareenay in shacbigii Somaliland gaar ahaana dadka ganacsatada ah lala hadlo, Ganacsatada waxa aan leeyahay wadankan Somaliland wadan ictiraaf haysta maaha waxa ay halkaa ku soo gaadheen in dadku isku tashadaan oo dadku ku tashadeen in Soamliland jiritaankeeda la xoojiyo, taasaa ganacsato iyo cid walba ay ka hawlgashay.
Anigu ilaa 1991-kii intii aan halkan ka shaqaynayey waxaan ogaa dad badan oo ganacsato ah oo Somaliland inay halkaa soo gaadho maanta ka shaqeeyey, maanta laakiin marka ay dawladnimadii sii yara korodhaba waxa aad moodaa in wadaniyadii ay ganacsatadii ay leeyihiin anagu markaa hore ayaanu samaynay oo aanu wax badan wadanka galinay oo imika in aanu macaash helno ayaanu u baahanahay.
Hadaba imikana waxa aanu idinka doonaynaa in ummadda loo tudho, oo umadda loo naxariisto oo imika marka wadankeena qof waliba xisaabtamo oo uu arko dollarka wadankeena soo gala halkuu inaga soo gala, waxa kuu soo baxaysa in dalkeenu aanu wax soo saar lahayn oo waxeenii uu noqday dhagax iyo dhisme oo aduunkii aynaan kula tartami karayn inaynu wax soo saarno oo aynu wax dhoofino oo tusaale ahaan toontii ayaa China la inooga keenaa, runtii inaynu dib u xisaabtano weeyaan.
Horta Baanka ayaa u qaabilsan inuu la socto Suuqa iyo Sicir Bararka Lacagta oo uu u jaangooyo lacagta, laakiinse Baankii hadii aanay lacagi soo galayn waa Af uun wuxuu ku joojinayaaye dhibaataa haysanaysa.
Imika shirar badan oo aanu la galnay baanankaa ku yaala wadanka haday Dahabshiil yihiin iyo Haday Telesom yihiin iyo Haday Salaam Bank yihiinba iyado laga faa'iidaysanayo wixii na soo maray oo hadaanu toban million oo dollar galino waa laguu jaakidhayaa oo tobankii milyan ayaa lagaala wareegayaa, wiig ayay lacagtii hoosaynaysaa, tobankii milyan dibada ayaa loo saarayaa, dabadeedna halkii ayaa lagu soo celinayaa, markaa waxa weeyaan lacagtii waddanka soo gashayna markaynu dibada u saarno, hadana waxa aad ku soo noqonaysaa in maalinta dambe aad lacag kale raadiso, tiina ma shaqaynayso oo waydinkaa arkaya oo Adhigii aynu dhoofin jirnay waa la joojiyey oo dollarkii ina soo galayey sidii hore wuu ka yar yahay.
Markaa waxa aan la hadlayaa Ganacsatada oo waxaan leeyahay waynu ognahay in idinkoo dollar aan sidan in aydaan waxba soo iibsan karin oo raashinkaa aad umadda u keenaysaan in aad dollar hadaydaan sidan aydaan soo iibsan karayn waanu ognahay, laakiinsse hadana marmar ayaa tudhaale la sameeyaa oo waxay ahayd in raashinka la jabiyo iyadoo Abaaro, Xoolihii oo la joojiyey iyo Xanuunaba ay jiraan oo dhibaatadaasi inagu dhacday in raashinka hadana la jabiyo ayay ahayd runtii. Maanta ilaa Bari Lacag xoog leh ayaa ayaa la galinayaa suuqa, lacag aad dibada u diraysaan ma shaqaynayso, waxa la doonayaa xisaabtan oo in lacagtaa suuqa la galiyey ay umadda ka jabiso sicir bararka oo ay wax tarto, hadii laga fursan waayo oo inta lacagtii dollarka ee Baanku suuqa soo galinayey la urursado oo la yidhaahdo waa caadadoodiiye aynu ka urursano oo aynu xarayno oo aynu halkii uun ka miisno ma shaqaynayso waxa uu qorshahayagu yahay oo shaqayn doonta in Raashinka ummadda ay dawladdu keento, dawlada ayaa keenaysa, maraakiib raashin ah ayay keenaysaa, sicir jaban ayaana dadka laga siinayaa oo wakaaladii ganacsiga umaddaa la soo celinayaa ee raashinka wax yar lagaga iibin jiray, hadii tudhaale la waayo taasina way iman doontaa. Ayay tidhi Wasiir Samsam Cabdi Aadan.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale) oo isna shirkaasi jaraa'id ka hadlay ayaa waxa uu yidhi "Waxa aanu shirkan jaraa'id maanta u qabanay in Suuqii iyo Sarifkii galayno oo baritoole hadii alle yidhaahdo aanu lacag fiican galin doono, oo runtii dadka danyarta ahi midhihiisa ay si dhakhso ah u dareemi doonaan in shilinkoodu qiimo usoo yeesho iyo siyaabo kale oo shilkoodu uu qiimo ku yeelanayo oo aanu usoo wadno si uu ula tartamo lacagta dollarka iyo lacagaha kale ee fududbka, sidaa darteedna waxa aanu sheegaynaa ganacsatada sidaa wasiirka Maaliyadu u sheegay inay qiimaha maceeshada ay dadka ka jabiyaan oo ay u naxariistaan" ayuu yidhi Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland.

Guddaha Ka Akhri: Nuxurka War-murtiyeed ka soo baxay...

$
0
0

UJEEDO: Warmurtiyeed: War Murtiyeed kan (press release) oo ka soo baxay xafiiska gudoomiyaha komishinka Maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa oo daba socda waraysiyadii uu bixiyay gudoomiyihii hore ee is casilay wuxuu waraysigaasi siiyay idacada VOA, barnaamijkeedii subaxnimo ee baxay taariilkdu markay ahayd 6/5/2017.
Hadaba wuxuu gudoomiyuhu ku sheegay waraysigaas eedaymo badan oo uu u soo jeediyay xukumada uu gadh-wadeenka kayahay Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud siilanyo, qodabada eedaynta ah ee uu soo jeediyayay, waxa kamid ahaa.

  1. Musuq maasuq ku baahay xukuumada
  2. Jiritaan la,aan siyaasadeed oo lagula dagalamayo musuqmaasuqa
  3. Warbixino laxidhiida musuq maasuqa oo badan oo uu madaxwaynaha u gudbiyay oo waxba laga qaban waayay
  4. Wasaarada Arimaha Dibeda iyo Wasaarada Macdanta iyo Tamarta oo uu eedeeyey.


Hadaba Waxaan halkan ku cadaynaynaa ugu horayn anigoo ku hadlaya magaca xubnaha komishanka maamul wanaaga iyo la-dagaalanka musuq-maasuqa in aanan la qabin eedaymahaas uu soo jeediyay, oo ay isaga uun ku koobantahay,
marka xigana hadii aan qodob qodab u dul istaago eedaymahaasi, sida ta ka hadlaysa musuq-maasuq ku baahay xukumada anago mudo kooban joognay komishanka isaguna todoba sanadood soo maamulayay, hadaba majirto baadhitaano badan oo lagu sameeyay wasaaradadaha iyo ha'yadaha dawlada oo si rasmiya loo soo bandhigay oo uu madaxwaynuhu wax ka qaban waayay.
Ta labaad ee Gudoomiyihii hore uu ku sheegay in aanay jirin rabitaan siyaasadeed oo xaga xukumada ah, waxaan umada u sheegaynaa in madaxwaynuhu barnaamijkii xisbiga kulmiye ku daray in lala dagaalmo musuqa, sidoo kalana uu kaga dhabeeyay balanqaadkiisi ahaa in uu sameeyn doono Komishan madax banaan oo toosiya maamulka wasaaradaha iyo ha'yadaha dawlada sidoo kalana la dagaalama musuq-maasuqa iyo ku tagriifalka awooda dawladnimo.
Taasina waxay markhaati u tahay in ay mar walba madaxwaynaha ka go,an tahay la dagaalanka musuqmaasuqa ,maamul xumada iyo wax is daba marintu. Waxaa ka baxsan hab Maamulka dawladeed in la eedeeyo hayadaha dawlada iyadoon lagu hayn wax cad si looga dilo magaca. Waxay umadeenu caadaysatay markay ka tagaan xil ay Qaranka u hayeen inay cay iyo af xumo ku sagootiyaan iyagoon dib u eegin xil gudasho laantoodii hore.
Baadhitaanadii komishanku sameeyay 7 daas sanadood ee uu Gudoomiyaha ka ahaa, may jirin baadhis cadaysay in cid loo maxkamdeeyo. Kadib markaanu si gaara u eegnay faylashii uu carabaabay oo ahaa sanadkii 2012 kii ee wasaarada arimaha dibeda iyo wasaarada Macdanta iyo Tamarta waxaa nooga soo baxday in wax Maamul xumo ah ama musumaasuq ah aanaan ku arag, ama aan lagu sheegin.
Waxaan ku gunaanadayaa in aanaan la qabin eedaymahaa qaawan ee Gudoomiyihii hore uu usoo jeediyey dawladii uu ka tirsanaa 7da sanadood oo ay isaga oo kaliya ku kooban tahay eedaymahaaasi uu warbahaanta ku faafiyay.Mahadi Allay u SugnaatayAxmed Jaamac MaxamuudGudoomiyaha komishanka MW&LM

Madaxweyne Farmaajo oo Agaasime ku xigeen u...

$
0
0

MUQDISHO(RBC RADIO)Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Agaasime ku xigeen u Magacaabay Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada u Magacaabay C/llaahi Aadan Kulane oo kamid noqonaya Agaasime ku xigeenada Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Agaasime ku xigeenkan uu Magacaabay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaan la cadayn shaqada uu sida gaarka ah u qaban doono,Magacaabista C/llaahi Aadan Kulane ayaa kusoo beegmaysa xilli uu sii kordhayo khilaafka iyo xurgufta u dhaxaysa Agaasimaha Madaxtooyada Abukar Baalle iyo ku xigeenkiisa C/risaaq Shoole.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Masuuliyiin cusub u Magacaabay Shaqada Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.
RBC RADIO

TOOS U DAAWO:- Khudbadaha Munaasabadda 15-ka May

$
0
0

Toos u daawo Khudbadaha Munaasabadda 15ka May ee ka socota aqalka dowladda hoose ee xamar.

New Zealand provides $5m in humanitarian aid

$
0
0

New Zealand will provide a further $5 million in relief assistance to pressing humanitarian crises across Africa and the Middle East, Foreign Minister Gerry Brownlee has announced.
"An estimated 45 million people are in need of humanitarian assistance across South Sudan, Somalia, Nigeria and Yemen, of which 20 million face starvation and famine," Mr Brownlee says.
"Conflict and insecurity have exacerbated drought conditions, causing widespread humanitarian need.
"New Zealand will provide $2 million to the International Committee of the Red Cross in Yemen and Nigeria, and $2 million to the World Food Programme in South Sudan and Somalia.
"Not only will this provide emergency food assistance, it will also help fund food security initiatives such as school meals for children.
"We will also provide $1 million to support the International Committee of the Red Cross in Syria, where an estimated 13.5 million people are in need of assistance due to continuing conflict.
"The aid will go towards providing household items, as well as providing healthcare to the sick and wounded.
"The funding will also go towards training female heads of households so they can start income-generating activities.
"In each of these countries, the World Food Programme and International Committee of the Red Cross will be providing life-saving relief assistance in areas including emergency food, water, and healthcare to those who need it most.
"This announcement brings New Zealand's assistance to relief efforts across South Sudan, Somalia, Nigeria and Yemen to more than $7 million since the beginning of March.
"It also brings New Zealand's total assistance to the Syria regional response to $27 million since 2012," Mr Brownlee says.
Related

Madaxweyne Farmaajo “ololaha dalkaagaa wax u qabso...

$
0
0

Faaduma Cabdi Cali oo ku hadeysa magaca dhallinyarada Soomaaliyeed, ayaa ku bilowdey " Salaam dhammaan madaxda Qaranka, dhallinyarada Soomaaliyeed iyo ummadda Soomaaaliyeed, wey adag tahay in dhallinyarada magacooda lagu hadlo, laakiin waxaan ku sooo koobayaa xaaladda dhallinyarada Soomaaliyeed eee mustaqbalka ama afarta sanno ee soo socota dowladda waxaan u soo jeedineynaa qorshaha maareya dhallinyarada Soomaaliyeed in ay sameyso, kaas oo awood siinaya dhallinyarada, madaxda Qaranku waa in ay xasuustaan waajibaadka ka saaran xuquuqdeenna, waxaad hooggaamiyeyaal u tihiin dhallinyarada qaaradda Africa ugu geesisan, dadkeenna badankood waa dhallinyaro waana hantida Qarankeennu leeyahay maanta, kor qaadidda xirfado shaqo in loo abuuro dhallinyarada waa muhiim Sidoo kale waa in laga fakaaraa mustaqbalkooda manta iyo midka berri maxaa yeelay dhallinyarada waxa ay kow ka yihiin ciidammada Qaranka, sidaas darteed waa in laga faaa'ideystaa arrintaas oo la soo dadajiyaa Qorshaha Maareynta dhallinyarada, si dowladnimada u baahdo, annagana waxaan ahaan doonaaa safiirro u adeegga ummaddooda" ayeey tiri Faaduma Cabdi Guddoomiyaha gobollka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed waxa uu hambalyo u diray guud ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed, waxa uu xusay in la dayactiray Iskuulka 15-ka May, dhowaanna si rasmi ah ugu adeegga doona dhallinyarada Soomaaaliyeed, waxaa uu raaligelin ka bixiyey Biyo lagu furay dad isugu yimid garoonka [...]


Akhriso: War-murtiyeedka shirka Madasha Wasaaradaha...

$
0
0

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS),waxay qabatay kulan wadatashi oo ay kasoo qeyb galeen Wasiirada Darstuurka ee dowlad gobaleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabelle iyo Gobolka Benaadir laguna qabtay magaalada Muqdishu 14-16kii Maajo 2017. Kulankan wuxuu qayb ka ahaa wadatashi ballaaran oo ay Wasaaradda la sameeynayso dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulada dalka ka jira si loo taaba galiyo loona dar-dargeliyo hanaanka Geedi-socodka Dib-u-Eeegista Dastuurka. Sidoo kale waxaa kulankan furitaankiisa lagu martiqaaday kana soo qayb-galay xubno ka tirsan Baarlamaanka Federalka, Guddiga Madaxa Banaan ee Dib-u-Eegista iyo Hergelinta Dastuurka, wakiilo kasocda Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra'isul Wasaaraha, ururada bulshada raydka, haweenka, dadka baahida gaarka ah qaba, dhalinyarada, xisbiyada siyaasadeed ee abuurmaya iyo culumaa'udiinka. Shirka waxaa si rasmi ah u furay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh. Cusman Jawaari, waxaana kaloo qudbado ka jeediyay Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid (Juxa), Wasiirka Warfaafinta Eng. Yariisoow, Xildhibaan Cabdullahi Goodax Bare oo ah Gudoomiyaha Guddiga Kheyraadka ee Golaha Shacabka, Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Benaadir Maluuka C/Qaadir, Xog-Hayaha Guud ee Gobolka Benaadir Zubeyda Muqtaar, iyo Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Dr. Maxamed Daahir Afrax. Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdi Xoosh ayaa maanta soo xiray shirka isaga oo [...]

War-murtiyeedka shirka Madasha Wasaaradaha Arrimaha...

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS),waxay qabatay kulan wadatashi oo ay kasoo qeyb galeen Wasiirada Darstuurka ee dowlad gobaleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabelle iyo Gobolka Benaadir laguna qabtay magaalada Muqdishu 14-16kii Maajo 2017. Kulankan wuxuu qayb ka ahaa wadatashi ballaaran oo ay Wasaaradda la sameeynayso dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulada dalka ka jira si loo taaba galiyo loona dar-dargeliyo hanaanka Geedi-socodka Dib-u-Eeegista Dastuurka.
Sidoo kale waxaa kulankan furitaankiisa lagu martiqaaday kana soo qayb-galay xubno ka tirsan Baarlamaanka Federalka, Guddiga Madaxa Banaan ee Dib-u-Eegesta iyo Hergelinta Dastuurka, wakiilo kasocda Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra'isul Wasaaraha, ururada bulshada raydka, haweenka, dadka baahida gaarka ah qaba, dhalinyarada, xisbiyada siyaasadeed ee abuurmaya iyo culumaa'udiinka.
Shirka waxaa si rasmi ah u furay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh. Cusman Jawaari, waxaana kaloo qudbado ka jeediyay Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid (Juxa), Wasiirka Warfaafinta Eng. Yariisoow, Xildhibaan Cabdullahi Goodax Bare oo ah Gudoomiyaha Guddiga Kheyraadka ee Golaha Shacabka, Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Benaadir Maluuka C/Qaadir, Xog-Hayaha Guud ee Gobolka Benaadir Zubeyda Muqtaar, iyo Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Dr. Maxamed Daahir Afrax.
Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdi Xoosh ayaa maanta soo xiray shirka isaga oo ku tilmaamay in uu yahay tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday dhanka dhameeystirka Dastuurka iyo xoojinta dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna Wasaaradaha M/Goboleedyada ee Arrimaha Dastuurka ka ballanqaaday in uu si dhaw u la shaqeyn doono.
War-murtiyeedka:
KULANKA WADATASHIGA WAXAA KA SOO BAXAY QODOBADA HOOS KU XUSAN:
1) In la helo Dastuur Qaran oo dhameystirin si looga baxo Dastuurka hadda jira ee ku meel gaarka ah.
2) In la abuuro Madal ay ku mideysan yihiin Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS iyo Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada si loo xoojiyo wada shaqaynta Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.
3) Si loo xaqiijiyo dowrka Dowlad Goboleedyadda dalka ee ku aadan Dib-u-Eegista Dastuurka, waxaa la qaban doonaa kulamo wadatashi oo joogto ah (saddexdii biloodba mar, ama markii ay jirto xaalad deg deg ah).
4) Madashu waxay ka shaqaynaysaa danta guud, midnimada Ummadda Soomaaliyeed iyo in Dastuurka uu noqdo mid Soomaali leedahay ayna hogaamineyso.
5) In laga wada shaqeeyo in Dastuurka lagu soo gabogabeeyo muddo labo sanno gudahood.
6) Madashu waxay sahli doontaa daahfurnaan, xog-isweydaarsi, wadatashi, wadashaqeyn joogta ah iyo hogaan wanaagsan.
7) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, waxay ka shaqeyn doontaa in ay taageerto Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada baahiyooyinkooda kala duwan sida qalabeynta, tayeynta, tababarada iyo howlaha dhinaca Dastuurka.
8) In Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS ay ka tala-geliso Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada dalka arrimaha wacyi gelinta bulshada, waxbarshada madaniga ah iyo la tashiyada dadweynaha si loo hormariyo Geedi-socodka Dib-u-Eegista Dastuurka.
9) Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS waxay u xilsaarantahay diyaarinta iyo fududeynta habsami u gudashada howlaha Geedi socodka Dib-u-Eegista Dastuurka iyo xoojinta xiriirka hay'adaha ka qeybqaadanaya arrimaha Dastuurka.
10) Wasaaradda Arimaha Dastuurka ee XFS waxay balan qaadaysaa inay Wasaaradaha Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada ay kala shaqeyso sidii ay uga heli lahaayeen deeq bixiyaasha caalamiga ah iyo Dawladda Federaalka miisaaniyad ay ku gutaan howlahooda wacyigalinta bulshada ee la xirrirta dib u eegista Dastuurka
RBC Radio

PUNTLAND POST oo baaritaan ku samaysay been abuur ka...

$
0
0

PUNTLAND POST ayaa baaritaan dhab ah ku samaysay gabadh sawirkeeda loo isticmaalay Eedeyn ka dhan ah Xoghayaha Dowlada hoose GAROWE Cabdiqafaar Cabdiraxmaan, oo dad aan la garanayn maalintii shalay ay ku faafiyeen qaar ka mid ah baraha bulshada sida Facebook.
Waxaana lagu soo ogaaday baaritaanka PUNTLAND POST meesha laga soo xaday sawirka gabadhaan oo ah aqoonyahanad baal dahab ah ka gashay taariikhda Islamarkaana maamuus mug weyn ku dhex leh bulshada ku nool magaalada Burco, waxaana la yiraahdaa magaca rasmiga ee gabadha iska leh sawirkan Salma Cawil Saleebaan oo ka mid ah Ardeyda wax ka barta Jaamacadda Burco, gaar ahaan kulliyadda Caafimaadka, Taas oo markii u horreysay July 21, 2015 hal-abuur waxtar leh kusoo bandhigtay xafiiska kulliyada caafimaadka ee Jaamacada Burco.
Salma waxay samaysay baagagga gacanta lagu qaato ee adeega fudud lagu rito,waxay u samaysay si farshaxan iyo qurux leh ,waatan Salma oo ka hadlaysa sida ay ugu dhalatay fekredda curinta baagaga waxay tidhi: "Fekreddani waxay igu dhalatay intii aan Jaamacada Burco dhiganayey ,markii ay xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday in la mamnuuco oo la joojiyo bacda wax lagu qaato,waxaana igu beermay inaan sameeyo wax soo saar cusub oo lagu bedelo bacan wax lagu qaato," .
Xuquuqda sawirka waxaa leh: magudhenews.com @21 July 2015
Haddaba sawirka Salma oo loo isticmaalay been abuur baraha bulshada lagu faafiyay shalay 15 May 2017 ayaa laga soo xaday website-ka Magudhenews oo warbixin ka hadlaysa hal abuurka gabadhaan lagu daabacay sanadkii 2015-kii Akhri link-ga. http://www.magudhenews.com/warar/ardayad-ka-mida-ardayda-somaliland-ee-wax-ka-barata-jaamacadda-burco-ayaa-noqotay/.
Dhinaca kale Xoghayaha Dowlada hoose Garowe oo maanta wareysi kula hadlay PUNTLAND POST ayaa jawaab ka bixiyay Eedeynta loogu soo jeediyay oo ahayd inuu fal danbiyeed u geystay Gabadh ka timid magaalada Burco .Daawo Wareysiga Xoghaye Cabdiqafaar.
Ugu danbeyntii waxaa xaqiiqowday inuu been abuur yahay qoraal hoose ee shalay lagu faafiyay qaar ka mid ah baraha bulshada

DHACDO KAA ILMAYSIIN DOONTA.... .....Fadlan Share dheh marka aqriso.... Waxaan Rabaa inaan Umada walaalahay ah ee...
Posted by Muraayadda Times on Monday, May 15, 2017
Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post PUNTLAND POST oo baaritaan ku samaysay been abuur ka dhan ah D/hoose Garowe appeared first on Puntland Post.

Thousands back petition to protect human rights of...

$
0
0

Thousands flocked to online petition addressed to Somalia's President, Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo, and Prime Minister Hassan Ali Khaire to Stop attacks on journalists and other trade unionists.
More 5600 journalists and trade unionists around the world electrically and directly petitioned to two national leaders "to direct the Federal Government of Somalia to abide by the international rule of law by fully accepting and implementing in good faith ILO decisions on case 3113 of Somalia as approved by 328th Session of the ILO Governing Body, and end the attacks on the rights of the member journalists and leaders of the National Union of Somali Journalists (NUSOJ)."
Exercising constitutional right, NUSOJ in cooperation with the global trade union movement set this campaign in motion on 18 April 2017 in line with article 20 of Somalia's provisional constitution.
For several years, trade unions have bitterly resisted unprincipled, unfair and unjustified attacks by anti-trade union government officials, branding them an assault on fundamental human rights of freedoms of association, assembly and expression.
"It is not just enough for the laws and ratifications of international conventions to just look good on paper; they must be consistently enforced, particularly constitutional rights and international human rights instruments that Somalia endorsed", said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary General.
NUSOJ has implored decisive action from the leaders of the federal government against anti-trade union officials who believe that they have unfettered power to curtail human rights of journalists and other trade unions with impunity.
"We are committed to battle the nasty unconstitutional actions by anti-trade union elements with every ounce of our strength. Trade union rights are human rights. And we are simply demanding the government to vigorously safeguard basic human rights and confront impunity regardless of the profile of the perpetrator", added Osman.
Related

Trump oo Difaacay 'Xogtii' uu la Wadaagay Ruushka

$
0
0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta difaacay “Xuquuqda uu u leeyahay” inuu akhbaaraad la wadaago saraakiishii Ruushka ee Aqalka Cad soo booqday toddobaadkii tagey.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live