Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Gadoodkii milateriga Ivory Coast oo la soo gebagabeeyay

$
0
0

Askartii gadooday ee dalka Ivory Coast ayaa ogolaatay heshiis dowladda ka yimid oo lagu soo afjarayo kacdoonka milateriga.


Trump oo Difaacay 'Xogtii' uu la Wadaagay Ruushka

$
0
0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta difaacay "Xuquuqda uu u leeyahay" inuu akhbaaraad la wadaago saraakiishii Ruushka ee Aqalka Cad soo booqday toddobaadkii tagey.

Iska horimaad khasaaro geystay oo ka dhacay...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Sh M Network)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhimasho ee ka dhashay is-rasaaseyn Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ku dhexmartay Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadkan uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamo ka amar qaata Taliyha qeybta bari ee Booliska Soomaaliyeed , Maxamed Xuseen ay weerareen Hooy uu halkaasi ka dagan yahay Sarkaal ka tirsan militariga guutada 1-aad, Cali Xuubeey.
Ugu yaraan labo Askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen israsaaseynta u dhaxeysay labada dhinac.
Taliyha qeybta bari ee Booliska Soomaaliyeed , Maxamed Xuseen oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa beeniyay in uu weerar ku qaaday Hooyga Sarkaal Cali Xubeey, balse waxuu tilmaamay in Ciidamadiisa iyo kuwa militariga uu muran soo kala dhex galay, taasina ay keentay iska horimaadka labada dhinac.
Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay militariga oo ku aadan iska horimaadkii ka dhacay Magaalada Muqdisho .
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Gadoodkii milateriga Ivory Coast oo la soo gebagabeeyay

$
0
0

Askartii gadooday ee dalka Ivory Coast ayaa ogolaatay heshiis dowladda ka yimid oo lagu soo afjarayo kacdoonka milateriga.
Askarta waxaa loo sheegay in islamarkiiba la siin doono in ka badan 8 kun oo doollarka Mareykanka ah, kharash kalana la siin doono dhammaadka bisha June ee foodda inagu soo haysa.
Tan iyo Jimcihii ciidammada ayaa rasaas cirka u ridayay oo wax ay jidgoogooyin dhigeen magaalooyin ku yaal dalka.
Askartan waxa ay qeyb ka yihiin ciidammadii fallaagada ee sanado u dagaalamayay sidii uu awoodda dalka u qaban lahaa Madaxweyne Alassane Ouattara ka hor inta aanan lagu dhafin milateriga qaranka Ivory Coast.
Afhayeen u hadlay ciidammada ku sugan Boake, oo lagu magacaabo Cissee, ayaa sheegay inuu dhammaaday murankii ciidammada kala dhaxeeyay dowladda.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo Garoowe ku...

$
0
0

Garoowe(RBC Radio) Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa maanta 16 May 2017 ku qaabilay qasriga madaxtooyada Garoowe wefti uu hogaaminayey Qunsulka dalka Masar u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr. Tamer Safwat El-Mahdy.
Weftiga uu hogaaminayey Qunsulka dalka Masar u qaabilsan Soomaaliya Mr. Tamer Safwat El-Mahdy ayaa kahor inta aanu madaxweyne kuxigeenku ku qaabilin madaxtooyada Garoowe waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, xildhibaano katirsan Barlamaanka DFS iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland.
Kulan gaar ah oo ay wada qateen Kusimaha Madaxweynaha iyo weftiga ka Socdey safaarada Masar ee Soomaaliya ayaa waxa uu madaxweyne kuxigeenku sheegay inay weftiga kawada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen Amniga, Caafimaadka, Waxbarasha, Korontadda, dib u soo celinta xidhiidhka ganacsi ee labada dhinac iyo sidoo kale kulamo ay weftigu la qaadan doonaan wasaaradaha Dawladda Puntland.
Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa xusay in weftiga socdaal koodani daarana laba arimood oo ah dhinaca horumarka iyo sidii ay u caawin lahaayeen dadka abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan degaanada Puntland.
Qonsulka dalka Masar u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankiisa ku amaanay dawladda Puntland mashaariicda horumarineed ee lagu kabayo kaabayaasha asaasiga ah iyo kuwa dhaqaalee ee Puntland kasocda gaar ahaan isha dhaqaalaha dawladda Puntland ee magaaladda Boosaaso, waxaana uu xusay in dalkiisa Masar uu diyaar u yahay dib u soo celinta xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeyey Masar iyo Soomaaliya.
RBC Radio

Maamulka Cusub ee loo magacaabay Waxda Cashuuraha...

$
0
0

Kormerkaan oo ay maanta ku tageen Waaxda Canshuraha Garoonka Diyaradaha Aadan Cadde Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Hanuunita Dadweynaha Eng C/raxman Cumar Cusmaaan , Wasiir ku xigenka Wasarada Maaliyada Cabdullahi Sheikh Cali Qaloocow iyo Wasiiru dowlaha Wasarada Maaliyada Maxamuud Xaayir Ibrahim ayaa aheyd u kur galida howlaha shaqo oo ay halkaas ka bilaween maamulka cusub ee dhawaan loo magcabaay Waxda Canshuuraha ee Garoonka. Maamulka Cusub ee dhawaan loo magcabaay Waaxda Canshuraha ayaa ka warbixiyey howlaha shaqo ay qabteen ayagoo sheegay iney si wanagsan shaqada u wadaan ayne soo sareen faa'iido ka badan tii hore boqolkiba soddan muddo labo malmood gudahooda ah. Wasiir ku xigeenka Waasarada Maaliyada xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Sheikh Cali Qaloocow iyo wasiiru Dowlaha Maaliyada Maxamuud Xaayir Ibraahim ayaa ku dhiira galiyey dhamaan maamulka iyo shaqalaha iney dar dar geliyaan shaqada ay u hayaan bulashada wax qabad wanaagsane laa imadaan iskane ilaaliyaan wax walibo oo shaqadooda ku keeneyso dhibaato. Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha Xukumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay iney jireyso isla xisaabtan ku aadan howlaha shaqo kuwi ka horeyeyna lala xisaab tami doono isagoo sheegay ineysan jiri doonin waxa isdaba marin danbe.

DHAGEYSO Barnaamij looga hadlayo cadaalad darida...

Muqdisho: 3 Askari oo Qarax Lagu Dilay

$
0
0

Wararka ka imaanaya magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegay in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku Qarxay degmada Wadajir ee gobalka Banaadir, sida uu sheegay Afhayeenka Gobalka Banaadir.
Ciidamadda amaanka ayaa gacanta ku dhigay gaariga qaraxa siday ka hor intii uusan qarxin, waxayna wararku intaas ku darayaan in intii uu socday baaritaanka uu Qarxay Gaariga, halkaasi ay ku geeriyoodeen Ilaa iyo Saddex Askari oo ahaa ciidamadii ku wareegsanaa baabuurka qarxa.
Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeeyay qaraxaasi, sidoo kale dowladu faahfaahin dheeraad ah kama bixin khasaaraha qaraxaasi.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com


Madaxweynaha Puntland oo U Digay Xildhibaanada...

$
0
0

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo booqasho ku jooga Dalka Norway ayaa uga digay xildhibaanadda labada aqal ee dowladda federaalka in shido iyo dhibaato lagu abuuro xukuumadda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra'isul Wasaare Xasan Cali Khayre.
Madaxweynaha oo ka hadlay xaflad ay jaaliyadda Soomaaliyeed ku soo dhaweeynayeen, wuxuu ku tilmaamay xildhibaanadii Nairobi ku shiray kuwa qaswadayaal ah, oo aan awood u lahayn inay dumiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya.
"Sida aad la socotaan waxaa Magaalada Nairobi ku shiray Xildhibaano ka tirsan Gollaha Shacabka Soomaaliya iyo aqalka Sare,waxaan u sheegaynaa ka yeeli mayno in dowlad 3 bilood Jirta in la shideeyo,"
Wuxuu sheegay in dowlada Cusub ee federaalka ay ka go'antahay inay fuliso dhammaan heshiisyadii ay gashay, islamarkaana ay ka go'antahay in la dhiso ciidan qaran oo waajibkiisa guta.
Gabagabadii, Bishan May ayaa xildhibaan tiradooda lagu qiyaasay 100 mudane waxay ku shireen magaaladda Nairobi, iyagoo guddoomiye u doortay xildhibaan Xiddig oo hore u ahaa murashax guddoomiyaha barlamaanka Federaalka Soomaaliya, islamarkaana ay aad isugu dhawaayeen Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Xasan shiikh Maxamuud
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Ra’iisal Wasaare Khayre oo Kormeeray Dekeda...

$
0
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo weheliyaan qaar kamid ah Golaha Wasiirada ayaa maanta kormeeray Dekeda Magaalada Muqdisho. Waxayna kulan looga hadlayay dardargelinta hawlaha shaqo la qaateen Maamulka Dekeda.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa kala hadlay Maamulka hawlaha ka socda Dekeda iyo sidii loo horumarin lahaa shaqada, waxuuna weydiiyay waxyaabaha loo baahan yahay ee ka dhiman Dekeda Muqdisho. Isagoo la fallanqeeyay geedi socodka shaqada iyo qorsha dhow ee la rabo in wax looga bedelo qaab dhismeedka Dekeda.
Dhanka kale wuxuu Maamulka Maaliyadda, gaar ahaan qaybta Furdada Xamar kala sheekeystay sida loo maareeyo dakhliga ka soo xarooda Dekeda iyo meelaha ay ku baxaan, waxaana uu madaxda ugu baaqay inay ka fogaadan musuq maasuqa, oo uu sheegay Ra'iisul Wasaarahu inuu yahay cadowga koowaad ee dowladnimada.
"Waxaan idinka codsanayaa in aad soo sheegtaan qofkii aad ku aragtaan ama aad dareentaan isgoo samaynaya qorshe la xariira musuq-maasuqa in aad sheegtaan,waxaan idin balan qaadaynaa tallaabo sharci ah in aan ka qaadno." Ayuu yir Ra'iisal Wasaare Khayre.
Khayre ayaa intii uu ku guda jiray kormeerkiisa boggaadiyey horumarka baaxadda leh ee ka socda Dekeda, iyadoo ka dalbaday Maamulka iyo shaqaalaha in ay sii wadaan hawsha ay Qaranka u hayaan.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Wararka Dibada: Madaxweyne-yaasha Mareykanka Iyo...

$
0
0

Kadib markii ay ku kulmeen Aqalka Cad, ayaa madaxweynayaasha Mareykanka iyo Turkiga Donald Trump iyo Recep Tayyip Erdogan waxa ay ammaaneen xiriirka xooggan ee labada dal, iyaga oo aan soo hadal qaadin farqigooda ku aadan habka loola dagaalamayo kooxda Daacish.
Trump iyo Erdogan ayaa labadaba ku qeexay xiriirkooda mid adag. "Waxaan leenahay xiriir aad u weyn" ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka, "Waxaana ka dhigi doonnaa mid kasii wanaagsan sida uu hadda yahay".
Labada madaxweynaba ma aysan ka hadal go'aankii uu Trump qaatay toddobaadkii tagay ee uu hubka ku siinayo kooxda Kurdish-ka ee YPG ee ka dagaalanta dalka Syria, qeybna ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.
Turkiga oo tan iyo sanadii 1984-kii la dagaalameysay mucaaradka Kurdish-ka ee gooni u goosadka ayaa walaac ka muujisay in kooxda YPG ay qeyb ka ahaato dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.
Erdogan ayaa ku dooday in xiriirka kooxda YPG ay la leedahay kooxda PKK uu macnaheedu yahay in hub kasta oo Mareykanka kooxdaas uu siiyo la keeni doono Turkiga, lagulana dagaalami doono ciidamadiisa.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Kullan Ku Saabsan Qiimaynta Mashaariicada...

$
0
0


Garowe-(RBC Radio)-Xarrunta Wasaaradda Waxbarashada Puntland ee Garowe waxaa ka furmay shir heer sarre ah oo lagu qiimaynayo mashaaricda ay maalgaliso EU ee waxbarashada Puntland.
kullanka oo gallinkii danbe ee shalay ka furmay Hallka shirarka ee wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Waxbarashada Puntland, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxabarasahada iyo Tacliinta sare Dr Maxamed Cali Faarax iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada Maxamed Abdulaqadir Cismaan, Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Waxbarashada, Khuburada la shaqaysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Xubno ka socday Midowga Yurub iyo dhaamaan hay'addaha Taageera Waxbarashada Puntland siada CARE, SCI, ADRA, RI, UNICEF,EAT,WV,EU Delegats,GBE. Mercy Crops.
Kullanka oo daah furay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland Prof Abashir Yuusuf Aw Ciise ayaa ugu horayn uga mahad-celiyey midowga Yurub taageerada ay la garab taaganyihiin waxbarashada dhallaanka soo koraya ee Puntland sidii ay u heli lahaayeen waxbarasho wanaagsan, Wasiirka ayaa sheegay in mashruuca ay maalgaliso Midowga Yurub ee Waxbarashadu Waa Iftiin uu marayo meel wanaagsan isagoo sheegay in la doonayo in horay loo sii wado si looga faaidaysto mashruucaas baaxadda wayn.
Sidoo kale waxaa ayaguna kullanka intii uu socday ka hadlay Waftigii ka socday Midowga Yurub kuwaas oo sheegay in ay u yimaadeen Garowe sidii ay qiimayn buuxda ugu samayn lahaayeen mashruuca waxbarasho ee ay ka wadaan Puntland.
Wafatiga iyo Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa kormeer ku soo sameyey iskuuladii ay fuliyeen midowga Yurub.
Kullanka qiimaynta Mashaariicda Waxbarashada ee ay maalgaliso Midowga Yurub ayaa socday muddo 2-maalmood ah, maalmaha uu socdana waxaa lagu soo bandhigi doona habkii loo fuliyay mashaariicdaas .Sawirro.
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
____RBC Radio

Kulan looga hadlayey sidii loo heli lahaa Maqaamka...

$
0
0

MUQDISHO(RBC RADIO)Kulan looga hadlayey sidii loo heli lahaa Maqaamka Siyaasadeed ee Gobolka Banaadir ayaa Maanta lagu qabtay Hotelka City Palace ee Magaalada Muqdisho,Kulanka ayaa waxaa uu daba socdaa kulamo hore Muqdisho uga dhacay kuwaasoo lagaga arinsanayey Maqaamka Caasimadda Muqdisho.
Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay Sanataro ka tirsan Aqalka Sare, Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka,Siyaasiyiin,Aqoonyahano iyo Odayaal Dhaqameed kasoo jeeda Beelaha Hawiye,waxaana kulanka looga hadlay qaabka ugu haboon ee lagu heli karo Maqaamka Muqdisho.
Madaxweynihii hore ee Galmudug Maxamed Axmed Caalim oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inaan kulankan lagu Mucaaradeen Dowladda Soomaaliya,wuxuuna soo jeediyey in la joogteeyo kulamada lagaga hadlayo raadinta Xaqa Siyaasadeed ee Gobolka Banaadir oo aan wax matalaad ah ku lahayn Aqalka Sare ee dalka.
Dhammaan dadka kasoo qaybgalay kulankaas ayaa si isku mid ah u sheegay inaan kulanka lagu Mucaaradeen Dowladda Soomaaliya,Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa loogu baaqay iney raadiyaan Xaqa Siyaasadeed iyo Maqaamka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Madashii hogaamiyayaasha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya ayaa hore ugu guuldaraystay iney ku heshiiyaan isla markaane ay go'aan kasoo saaraan Maqaamka Magaalada Muqdisho,Dadka u ololeynaya Xaqa Gobolka Banaadir ayaa ku doodaya in Malaayiinta qof ee kunool Caasimadda ay xaq u leeyihiin iney helaan Maamul Goboleed isla markaane ay xubno ku yeeshaan Aqalka sare ee dalka.
RBC RADIO

Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare oo...

$
0
0


????????????????????????????????????
Garowe-(RBC Radio)-Madax ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada oo ahaa kuwa ka shaqayeynayey Waxbarashada in ka badan 40 Sano kuwaas oo ka qayb qaatay guulo Wawayn oo Waxbarashada Puntland iyo guud ahaan soomaliya ka qayb qaatay kuwaas oo soo shaqayeyey Qarankii soomaliya iyo mudadii ay Puntland jirtay.
Sidoo kale Madaxdaa shaqada ka fariistay ayaa waxay ku soo shaqeeeyen daruufo kala duwan una huray naftooda sidii Waxbarashada Puntland hormar wayn uga gaari lahayd.
Ugu danabayn Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinat sare ee Dowlada Puntland Prof: Abshir Yuusuf Aw Ciise iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare, Dr Maxamed Cali faarax. Iyo Agaasimaha Guud Maxamed C/qaadir Cismaan iyo dhaan shaqaalah Wasaaradda iyo Bahda Waxbarsahada Puntland waxay leeyaihiin mahadsanidin waxayna u rajaynyaan guul iyo nolol Wacan.
????????????????????????????????????
Sidaas daraadeed, waasaaraddu waxay go'aamisay inay howl gab ka dhigto shaqaalaha hoos ku xusan oo kala ah:
1-Mohamed Ismail Finiin Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Tooska ah.
ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliina sare.
2-Safia Ismail Sugule - Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Dadban ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliina sare.
3-Isse Mohamed Isse - Madaxa Manaahijta waaxda Tayeynta Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare
4- Sahal Mohamed Gacayte - Kormeere Gobolka Bari
5-Ahmed Aden Jama - Gudoonka Waxbarashada Degmada H-landSawirro.
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
___RBC Radio

Daawo: Beesha Hawiye oo Muqdisho Ku Yeelatay Kulan...


Wasiir Yariisow:-“30% Canshuurtii saxda aheyd...

$
0
0

Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Maaliyada iyo Wasiir-ku-xigeenka ayaa booqday garoonka diyaaradaha ee Aden Adde ee Muqdisho si ay u dhiirigeliyaan shaqaalaha oo muddo labo cisho ah oo Maamulka cusub ee Furdada garoonka diyaaradaha Muqdisho oo labo cisho canshuurta jaadka ku kordhiyey $34,000 dollar.
Wasiirka Warfaafinta Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) oo warbaahinta kula hadlay xafiiska Furdada ee garoonka Aden Adde ayaa yiri "muddo labo cisho ah canshuurta laga qaaday Jaadka soo gaara Muqdisho uu dhammaa in ka badan $130,000 tanoo u dhiganta koror ka badan $34,000 oo u dhiganta $550.000 bishii inaan la ogeyn meeshii ay aadi jirtey.
Waxaana muuqata in 30% canshuurtii saxda aheyd in la lunsaday oo aan la ogeyn meel ay ku baxday. Lacagtaas aan sida sharciga ah loo xareyn ayaa looga faa'iideyn karay in mushaar $100 lagu siiyo in ka badan 5000 askar ah."
Wasiir Eng. Yarisow ayaa sheegay in ay jiri doonto baaris iyo isla xisaabtan dhab ah si loo joojiyo musuqmaasuqa baahsan ee jira.
Mas'uuliyiinta booqatay xafiiska Furdada ee garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa ammaanay maamulka cusub ee Furdada oo la dagaalay musuqmaasuqa isla markaasna badbaadiyey in ka badan $34,000 muddo labo cisho oo ay maamulka la wareegeen.
Waxeyna ku dhiirigeliyeen inay dadaalkooda sii wadaan, dowladdana ay diyaar u tahay inay abaal-mariso shaqaalaha iyo maamulka la dagaala musuqmaasuqa si dalka looga joojiyo musuqmaasuqa jira.DHAMAAD.Faafintii Puntland Post
The post Wasiir Yariisow:-"30% Canshuurtii saxda aheyd Garoonka Muqdisho waa la lunsaday" appeared first on Puntland Post.

Akhariso:-Maxaa Kala Socotaa Qaabka Loo Qaadayo...

$
0
0

Wargelin Sida uu qabo sharciga Waxbarashada Guud ee dalka, sannad dugsiyeed kasta dhammaadkiisa waa in arday kasta waxbarashadiisa la qiimeeyaa, la diiwaan geliyaa, la keydiyaa lana ogeysiiyaa natiijada imtixaanka. Sidaa daraaddeed arday kasta oo dhameyasta Dudsiga Sare waxaa ku waajib ah inuu u fariisto imtixaanka shahaadiga ah ee qaranka.
Waxaa guul weyn u ah Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare inay soo gebagebeysay diyaar garowgii weynaa ee loo galay howlaha imtixaanka, Hadaba, maalinta Sabtiga ah ee ay bisha Maajo tahay 20ka, 2017da waxaa la qaadi doonaa imtixaanka Shahaadiga ah ee heerka labaad ee waxbarashada qaranka (Imtixaanka Dugsiga sare).
Sannad dugsiyeedka 2016/2017 waxaa imtixaanka u fariisanaya 23000 oo arday waxaana lagu qaadi doonaa 77 xarumood oo ka tirsan afar maamul Goboleed oo kala ah Galmudug, Hiiraan Shabeelle, Koonfur Galbeed, Jubba Land iyo Gobolka Banaadir.
Waxaa si toos ah uga qeyb qaadanaya howlaha imtixaanka 77 kormeerayaal, 77 kaaliyeyaal, 1368 ilaaliyayaal, 962 amni sugayaal iyo saraakiil amni iyo shaqaale ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada.Codsi
Waxaan ka codsanayaa dhammaan bulshada Soomaaliyeed, waaliddiinta, ciidamada kala duwan ee qalabka sida iyo ciidamda ilaalinta nabad gelyada waddooyinka inay mas'uuliyad iska saaraan sidii loo xaqiijin lahaa qaadista imtixaanka, una fududeeyaan ardayda galista imtixaanka.
Waxaan si gaar ah uga codsanayaa madaxda iyo shaqaalaha Dowlad goboleedyada inay soo dhoweeyaan kormeerayaasha iyo howlwadeennada imtixaanka ee ka socda Dowladda Federalka ah, gacanna ku siiyaan sidii ay howlohooda ugu fududaan lahayd isla markaana ilaaliyaan ammaanka ardayda, howlwadeennada iyo imtixaankaba.Mahadcelin
Waxaan u mahad celinayaa dhammaan dadkii xaqiijiyay oo taabba-gal ka dhigay howlaha imtixaanka kuwaasoo ay ugu horreeyaan shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, heer federal iyo heer maamul goboleed.
Waxaan sidoo kale u mahad celinayaa Hey'adaha waxbarashada waaddaniga ah iyo kuwa caalamiga ah, ciidamada qalabka sida qeybohooda kala duwan oo ay ka mid yihiin Booliska, Nabad sugidda iyo Xoogga Dalka, doorkii ay ka qaateen xaqiijinta imtixaanka.
Waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo madaxdooda taageerada joogtada ah ee ay siisaan Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare xilliyada imtixaanka.PUNTLAND POST
The post Akhariso:-Maxaa Kala Socotaa Qaabka Loo Qaadayo Imtixaanka DF appeared first on Puntland Post.

Maxkmada Ciidamada Qalabka sida oo Xukun Dil ah...

$
0
0

Warar Goordhow ku soo dhacay Xafiiska Warqabadka Warbaahinta PUNTLAND POST ee Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in maxkmada ciidamada qalabka sida ay Goordhow dil ku fulisay Nin ku eedeeysnaa Al-Shabaabnimo.
Xukunkaan dilka ah ayaa waxa uu ka dhacay xarunta iskool Boloosiyo ee Tababarka ciidamada Booliska Muqdisho.
Dilkaan Waxaa Lagu fuliyay Cabdiqaadir Cabdi Xasan oo ahaa ninkii waday Gaari ku Qarxay Suuqa Beerta Degmada Waabari Ee Gobolka Banaadir 27-kii November 2016.
Qaraxaasi waxaa ku dhintay dad ku dhow 30 ruux ku dhowaad 50 kalena waa ay kud haawacmeen.
Maxkmada Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun dil ah horay ugu riday waxaana lagu fuliyay maanta oo ah Khamiis 18-ka May 2017.
Masuuliyiin katirsan Ciidamada Maxkmada qalabka sida ayaa ku sugnaa Goobta toogashada ay ka dhacday.Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Maxkmada Ciidamada Qalabka sida oo Xukun Dil ah fulisay goordhow appeared first on Puntland Post.

XOG:Munaasabad Taageero loogu Muujinayo Gudoomiyaha...

$
0
0

MUQDISHO(RBC RADIO)Munaasabad lagu taageerayo Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa Maanta lagu qabanayaa Hotelka City Palace ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabadan taageerada loogu muujinayo Gudoomiye Taabid Cabdi Maxamed oo qaban-qaabadeeda si weyn looga dareemayo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa iney ka qaybgalaan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya,Xildhibaanada labada Aqal ,Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqameed.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan saluug ay qabaan beelaha qaar kuwaasoo dhaliilsan qaabka xilka qaadista iyo Magacaabista Xilalka Dowladda oo ay u arkaan inaan loo marin hannaanka Awood qaybsiga Beelaha 4.5 oo ay Soomaalidu mudooyinkii u danbeeyey wax ku qaybsan jireen.
Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ka socda kulamo Siyaasadeed oo lagu doonayo in cadaadis lagu saaro Dowladda Soomaaliya,Kulamadan ayaa intooda badan salka ku haya sidii loo heli lahaa Maqaamka Muqdisho,lama oga Munaasabada lagu taageerayo Gudoomiye Taabid waxa ay ka bedeli doonto Mowjadaha kulamada Siyaasadeed ee ka socda Caasimadda Muqdisho.
RBC RADIO

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo Saaka xukun dil...

$
0
0

MUQDISHO(RBC RADIO)Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka fulisay xukun dil ah oo hore loogu riday Ninkii waday Gaari Miineysan oo ku Qarxay Suuqa Beerta ee Degmada Waaberi.
Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka Xukun dil ah ku fulisay C/qaadir Cabdi Xasan oo ahaa Darawalkii waday Gaari Waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyey oo 27kii bishii November ee sanadkii 2016kii ku Qarxay Suuqa Beerta kaasoo sababay dhimashada in ka badan 40 qof oo Shacab ah.
C/qaadir Cabdi Xasan ayaa waxaa saaka lagu toogtay Barxadda Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Gen.Kaahiye,waxaana goobta uu ka dhacayey Xukunka dilka ah ee lagu fuliyey dhagarqabanaha ku sugnaa Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.
Ninkan saaka la toogtay ayaa waxaa gacanta ku dhigay Ciidanka Dowladda Soomaaliya xilli uu qorsheynayey inuu Qarxiyo Gaariga Miineysan,waxaana la sheegay in markii ay qabteen Ciidanka uu Gaariga Qarxiyey Nin kale oo isaga la socday.
Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa hore sidan oo kale xukuno dil ah ugu fulisay rag ka tirsan Al-shabaab iyo Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda oo dil geysatay.
RBC RADIO

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live