Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wasiirka Shaqada DF Somalia oo si qabyaaladeysan u...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Sh M Network)-Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ee dowlada soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa la sheegayaa in uu ku tilaabsaday go'aan uu ku joojinayo shaqooyinka wax loogu qabanayo dalka Soomaaliya iyo hay'adaha dowladda.
Saalax Axmed ayaa ku dhawaaqay in uu joojiyay barnaamijka loogu talagalay tayaynta shaqada dowladda kaasoo loo yaqaano Capacity Injection Programme - CIP oo uu ku taageero bankiga adduunka dowladda federaalka si loo tayeeyo waxqabadka dowladda.
Cadeymo ay heshay idaacada Shabelle ayaa tilmaamaya in Saalax Axmed Jaamac uu ku wargeliyay masuuliyiinta barnaamijka CIP in ay Wasaarada Shaqada hakisay gabi ahaanba ayadoo aan wax sabab ah loo sameynin.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegeen in Saalax Axmed Jaamac uu doonayo in uu culeys ku saaro masuuliyiinta maamula barnaamijka CIP iyo World Bank in asaga loo ogolaado in loo shaqaaleysiiyo dad isaga u gaar ah oo ay heyb ahaan isku beel yihiin.
Barnaamijka CIP ee World Bank ayaa ku howlan dowladda u shaqaaleysiiyo shaqsiyaad aqoon leh oo xirfad wanaagsan si adeegyo tayaysan loogu qabto dadka Soomaaliyeed. Balse Saalax Axmed ayaa dhaliiyaya barnaamijka si cadaadis ugu saaro CIP in ay u shaqaaleysiiyaan shaqsiyaad uu asaga wato.
Arrintaan uu ku dhaqaaqay Wasiir Saalax Axmed Jaamac ayaa ah mid si weyn uga hor imaanayso dadaalka ay ugu jiraan masuuliyiinta sare ee dalka ee doonaya in ay kula dagaalamaan musuq-maasuqa iyo maamul xumada.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter


Donald Trump oo Booqashadii ugu horeysay ugu...

$
0
0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa booqashadiisii ugu horeysay tan iyo markii uu xilka qabtay ugu baxay dalka Boqortooyada Sucuudi Caraabiya.
Madaxweyne Donald Trum ayaa safar Sideed maalmood qaadan doona ku soomari doona Sucuudiga, Israel iyo Talyaaniga oo ay ku yaalaan goobaha ay weeneeyaan dadka haysta diimaha Islaamka, Kirishtanka iyo Yahuuda.
Donald Trump ayaa Sucuudiga kula kulmi doona hogaamiyaan badan oo Carab iyo Islaamba ah, waxaana hogaamiyaashaan ka mid ah sida ay Warbaahinta PUNTLAND POST heshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo maalinta Bari ah la filayo in uu u ambabaxo Sucuudiga.
Safarka Donald Trump ayaa ku soo aadaya iyadoo Aqalka Cad ay xiisadi ka taagan tahay, iyadoo qaar ka mid ah dadka faaleeya siyaasada ay qabaan in xiisada Aqalka Cad ay u dhiganto fadeexadii Watergate ee uu xilka ku waayey madaxweynihii Mareykanka ee Richard Milhous Nixon.
Tramp ayaa shalay iska fogeeyey in uu culays ku saaray hay'adda FBI-da in ay soo xirto baari taankeedii ku aadanaa gacan yare aad ugu dhawaa Tramp, isagoo su'aalana ka keenay baahida looqabo dacwad Ooge gaar ah oo baara hadii ay jirtay faragalin uu ku sameeyey Ruushku doorashadii 2016, si ay umarin habaabiyaan hanaankii Doorashada.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trum ayaa booqashadiisa Sacuudiga laga yaabaa in ay wax ka badasho aragtii hore ee ay wadamada Islaamku ka qabeen.Liban YusufPUNTLAND POST
The post Donald Trump oo Booqashadii ugu horeysay ugu Ambabaxay Sucuudiga appeared first on Puntland Post.

Cosoble “Muqdisho iyo Banaadir waa kala labo”

$
0
0

Kn: Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku biirey dadka u aadka ugu ololeeynaya meeqaamka caasimadda, xili maalmahan aad loo hadalhayay sida laga yeelayo gobolka Banaadir.
"Muqdisho iyo Gobolka Banaadir labo ayay kala tahay, meesha uu qaladka ka jira waa midaas, Muqdisho waa caasimadda dalka, waxaa ku taala, Madaxtooyadii, Safaaradaha ayaa degan, Garoonka diyaaradaha iyo Dekeda, laakiin Gobolka Banaadir waa gobol waa deegaan, dad fac ka fac degenaa, dadka ayaa deegaanka is ka leh, in gobolka banaadir sababta uu u jiro micnaheeda waxa weeyaan inuu yahay deegaan dad leeyahay"ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.
Hadalka Cosoble waxa uu dabo socdaa qorshe muddo laga hadlayay oo sheegayay in degmooyin ka mid ah caasimadda oo ah inta ay ku yaalaan goobaha uu tilmaamay laga dhigo caasimadda, inta soo hartayna laga dhigo maamul goboleed la mid ah kuwa kale, iyada oo waxa ugu weyn ee lagu doodayo ay yihiin tirada dadka ku nool degmooyinkaasi iyo waliba tirada degmooyinka oo ka badan maamul goboleedyada qaarkood.
Dhawaan Ra'isulwasaare Kheyre iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit ayaa ka dhawaajiyey in meeqaamka gobolka Banaadir wax laga badalayo.KismaayoNews.com

Zambia oo 22 askari usoo dirtey Soomaaliya

$
0
0

Kn: Dalka Zambia ayaa kusoo biirey dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, waxaana lasoo direy 22 askari oo ah ciidamada booliiska oo ku biiraya AMISOM.
Saraakiisha Booliska dalka Zambia, ayaa waxaa ay bixin doonaan tababaro la siin doono ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya, si ay amniga u xaqiijiyaan.
"Zambia waxaa ay dalka Soomaaliya usoo daadgureysay ciidamo Police ah markeedii ugu horeyay, inkastoo horay Soomaaliya ay uga joogeen ciidamo Military ah", sidaasi waxaa lagu yiri qeyb kamid ah War-Saxaafadeedka kasoo baxay AMSIOM.
22,000 oo Askari oo ka kala yimid; Burundi, Kenya, Djibouti, Ethiopia iyo Uganda, ayaa hadda Soomaaliya jooga waxaana ay ku howlgalayaan magaca AMISOM.KismaayoNews.com

30,000 Somalis Return From Conflict-hit Yemen

$
0
0

Some 30,600 Somalis have reportedly returned to Somalia from Yemen since the beginning of war in Yemen in 2015, China's Xinhua news agency reported the UN refugee agency as saying on Friday.
The UNHCR said an increasing number of Somalis are approaching the agency for assistance to support their return, citing safety concerns and limited access to services in Yemen.
"UNHCR is now providing some support to those choosing to return on their own," the UN agency said in a statement.
"In 2017, UNHCR is able to assist up to 10,000 Somali refugees who have made the choice to return, based on the information received at Return Help Desks on conditions in Somalia and the assistance package that is being offered both in Yemen and Somalia," it said.
Yemen has been both a destination and a transit hub for refugees and migrants from the Horn of Africa and beyond. The overwhelming majority of refugees in Yemen, 91 percent or some 255,000, are Somali refugees.
The UNHCR said its humanitarian operations in Yemen will continue to provide support to refugees who remain in Yemen.
It said most Somali refugees registered in Yemen originate from Banadir, Lower Shabelle, Bay, Middle Shabelle and Woqooyi Galbeed regions in Somalia.
In Yemen, most reside in Aden, Sana'a and Lahj governorates, the latter of which is where Yemen's only refugee camp, the Kharaz refugee camp, is located.
The UNHCR said most refugees opt to return to Mogadishu, in the anticipation that assistance and services will be more accessible and available.
Related

Zambia joins AU mission to stabilize Somalia

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
AMISOM police travel to General Kaahiye Police Academy in Mogadishu to hand out supplies to Somali police. Beginning tomorrow, the AMISOM police force plans to hold several training sessions in order to teach skills on criminal investigation to the Somali police. AU-UN IST PHOTO / TOBIN JONES
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) confirmed Friday that Zambia has joined police contributing countries to AU mission to offer specialized skills to Somali police force.
A statement from the AU mission said a contingent of four senior Zambian police officers are part of a team of 22 newly deployed Individual Police Officers (IPOs) to AMISOM, who will train Somali police officers on security matters.
"Zambia has deployed to the police component of the AU Mission for the first time, although they have had military presence in Somalia," the AU mission said.
The officers will offer specialized skills to the local police force as it takes on bigger responsibilities of maintaining law and order.
"I can see hope that there is something going on, which we can build on and it is from there where we are emphasizing that we are going to help our brothers in Somalia, so that they come up with a proper police force," the Zambian police contingent commander Kasale Tresphord said.
Senior Superintendent of Police Zipporah Gatiria Mboroki from the Kenya Police expressed confidence on the state of policing in Somalia.
"We are going to support the Somali police so that they provide security to their people and also in the development of other institutions," Mboroki said.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Qaramada Midoobay oo sheegtay in Inkabadan 30 kun...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Sanca ( Sh.M.Network)-Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ayaa Bayaan ay soo saartay ku sheegtay in inta badan Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ay ku soo laabanayaan Dalkooda sababo ku aadan colaadda Dalkaas ka aloosan.
Waxa ay sheegtay Wakiilku in inkabadan 30 kun oo Qaxooti Soomaaliyeed ah ay ku laabteen haatan Dalkooda kuwaas oo ku sugnaa Yemen.
Dadkaas ayaa ka mid ahaa 255 kun oo Qaxooti ah kana dhigan 91% Cadada Qaxootiga ku nool Yemen.
Walow Yemen ay tahay Dalka kaliya ee Carbeed ee Aqbalay dib u dajinta Qaxootiga ee ka tirsan Dalalka La isku Yiraahdo Jasiiradda Carabta hadana waxaa muddooyinkii dambe Ragaadiyay Colaado xoogan.
Afhayeen u hadlay Wakiilka Arrimaha Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay ka caawiyeen 10 kun oo Soomaali ah dib ugu laabashada Dalkooda.
Waxaana uu intaas ku daray in ay isi soo tarayaan Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Yemen kuwaas oo Qaramada Midoobay ka dalbanaya in ay ka taageerto dib ugu celintooda Soomaaliya.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Madaxweyne Ruuxaani oo dib loo doortay

$
0
0

Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani, ayaa ku guulaystay doorashada madaxtinnimo ee shalay ka dhacday dalkaasi, sida uu sheegay telefishinka qaranka waddankaasi.


Eng. Camey oo 12,687 Arday u Daah-furay...

$
0
0

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Ahna sii hayaha Xilka Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta 20 May 2017 waxa uu safar shaqo ku tagay degmada qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, wuxuuna si rasmi ah u daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare ee Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka waxaa safarkiisa ku wehelinaya masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Waxbarashada Puntland, Wasiirka Amniga, Wasiirka Haweenka, Wasiir Xigeenka Arrimaha Gudaha, Xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.
Wasiirka Waxbarashada Puntland Abshir Aw-yuusuf Ciise ayaa ugu horrayn tilmaamay arrimo dhowr ah oo khuseeya imtixaanaadka, wuxuuna macalimiinta iyo ardayda ku amaanay sida wanaagsan ee ay ugu diyaar garoobeen imtixaanaadka dugsiyada dhexe iyo sare ee Puntland.
Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa dhankiisa dardaaran u jeediyay guud ahaan ardayda ka qayb galaysa imtixaanaadka shahaadiga ah ee Puntland wuxuuna ku adkeeyey inay is dejiyaan iskuna kalsoonaadaan isla markaana ay ilaaliyaan shuruucda ay Wasaaraddu u dejisay nidaamka imtixaanka si ay u helaan natiijo wanaagsan.
Imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare ee Puntland waxaa ka qayb galaya arday isugu jira wiilal iyo gabdho oo tiradooda dhan tahay 12,687, xarumaha lagu gelayo imtixaanaadkan tiradoodu waxay dhan tahay 85- xarunmood, sidoo kale waxaa imtixaanka kormeeraya 99- kormeere, iyadoo ay imtixaanka ilaalin doonaam mudada uu socdo 635-macallin oo kamid ah macaliinta Puntland.
Qorshaha lagu hagayo imtixaanaadkan waxaa sanad kasta isku dubba ridda oo hogaamisa Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, waxayna dedaal dheeraad ah ku bixisaa in ay hubiso in guud ahaan ardayda Puntland lagu ilaaliyo waxbarashada.
Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Eng. Camey ayaa xarunta maamulka Gobolka Karkaar ee degmada Qardho ku booqday guddiga tirakoobka shaqaalaha Dawladda Puntland oo beryihii u danbeeyey howlo shaqo u joogay magaalada Qardho, waxayna guddigu uga warameen Madaxweyne ku xigeenka shaqadu sida ay u socoto iyo waxyaalaha u qabsoomay.
PUNTLAND POST
The post Eng. Camey oo 12,687 Arday u Daah-furay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Madaxweyne Trump oo Sacuudiga booqanaya.

$
0
0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gaaray caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyad

Itoobiya oo u baqaysa dadkeeda sharci darrada ku jooga Sacuudiga

$
0
0

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, ayaa sheegay in uu walaac ka qabo in muwaadiniinta dalkiisa ee sharci darrada kaga shaqaysta Sacuudi Carabiya ay dhibaato la kulmaan.

Iiraan: Xasan Ruuxaani oo xilka mar kale loo doortay

$
0
0

In kabadan 20 Milyan oo kamid ah shacabka Iiraan ayaa maanta Xasan Ruuxaani Madaxweyne u doortay.

Wasiir ku Xigeenka wasaradda Waxbarashada Puntland...

$
0
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda iyo taclinta sare ee dawlada Puntland, Dr. Maxamed Cali Faarax, ayaa maanta magaalada Bosaso ku Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Galaaska Afraad ee Dugsiga Sare iyo Galaaska Sideedaad ee Dugsiga Hoose dhexe.
Munaasabada Imtixaanka lagu Daah-furay ayaa ka dhacay Dugsiga Raascasayr, Ee Boosaso waxaana ka qayb galay Maamulka gobolka Bari, Maamulka Degmada Bosaaso iyo bahda Waxbarashadda .
Ardayda ka qabgalysa imtaxaanka Ee Gobolada Puntland ayaa Tiradoodu ay gaaraysaa 12,687 Arday wiil iyo Gabdho isugu jira, waxaana Imtixaanku uu si rasmi ah uga wada bilowday 86 xarumood oo ku kala yaala sagaalka gobol ee Puntland ay ka kooban tahay.
Tirada ugu badan ee Ardayda Imtixaanka u fariistay ayaa wax ka barta Gobolka Bari, waxaa Dugsiyada sare ee Gobolka Bari u fariistay 1266 arday, halka dugsi dhexena ay u fariisten 2568.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda iyo taclinta sare ee dawlada Puntland, Dr. Maxamed Cali Faarax, ayaa Ardayda kula dardaarmay inay Imtixaanka si degan u galaan, ayna ku kalsoonaadan Aqoonta ay barteen.
Wuxuu intaas ku daray'' Imtixaanka waxaa ardayga laga qaadaa labada marxaladood ee kala guurka ah, marka uu ka gudbayo marxallada dhexe ee uu 8 sano wax soo bartay, si loo qiimeeyo ardayga u gudbaya marxaladda Dugsiga Sare, sidoo kale waxaa imtixaankan u fariista ardayga dhammeeyey Dugsiga Sare oo u tallaabaya marxaladda Jaamacadda, waa laba marxaladood oo muhiim ah, loona baahan yahay in ardayga lagu sameeyo qiimayn dhab ah, taasoo uu qayb wayn ka yahay imtixaanka Shahaadiga ahi (Centralized Exam)''.
Mar uu ka hadlayay Muhiimada Imtixaamka Shahaadiga ah ayaa wuxuu yiri'' Imtixaanka Shahaadiga ahi kaalin mug leh ayuu ka qaataa tayada waxbarashada Puntland guud ahaan, wuxuu abuuray jawi tartan oo u dhexeeya ardayda u diyaargaroobaya imtixaanka, sidoo kale waxaa tartanka qayb wayn ka ah goobaha waxbarashada, maamulayaasha, macallimiinta, waalidiinta, madaxda gobollada.
Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo oo ka mid ahaa Mas'uuliyiinta ka hadlay Munaasabada, ayaa Wasaaradda ku booriyay hawlaha muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan.
Duqa degmada Boosaaso Yaasiin Mire Maxamuud, ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashadda iyo tacliinta sare ee Puntland ay tahay Wasaarad tayadeedu ay aad u sarayso, isla markaana hormar balaaran samaysay mudadii ay shaqaynaysay.
Ugu dambayntii wuxuu Wasiirku si rasmi ah u Daah-furay Imtixmaanka Shaadiga ah ee Puntland.
CABDIQANI BOOSPUNTLAND POST ,BOOSASO
The post Wasiir ku Xigeenka wasaradda Waxbarashada Puntland oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah Ee Gobalka Bari appeared first on Puntland Post.

Boqor Salmaan oo Riyadh ku soo dhaweeyey Donald Trump

$
0
0

Boqorka Sucuudiga Salmaan Bin Cabdulcaziz ayaa garoonka diyaarada caalamiga ah ee King Khalid ee magaalada Riyadh ku soo dhaweeyey madaxweynah Mareykanka Donald Trump oo ay waheliso xaaskiisa Melania Trump.
Donald Trump ayaa maanta la kulan gaar ah la qaadan doona Boqor Salmaan, waxaana uu sidoo kale maalinta Bari ah la kulmi doonaa hogaamiyaal badan oo ka socda dalalka Islaamka oo haalkaas shir kuleh, marka laga reebo madaxweynaha Sudan Cumar Al-Bashiir oo shirkaas aan ka qeyb galay.
Shirka Donald Trump iyo hogaamiyaasha Islaamka ayaa diirada lagu saari doonaa dagaalka ka dhanka ah Uururada Argagixisada.
Donald Trump ayaa intii uu ku guda jiray Ololihiisii doorashada sheegay in uu xanibaad kusoo rogayo Muslimiinta, sidoo kale markii uu xilka lawareegay waxa uu soo galidda Mareykanka ka mamnuucay 6 dal oo Muslim ah.
Trump ayaa booqashadii Sucuudiga uga gudbi doona dalalka Israel iyo Talyaaniga.Liban YusufPUNTLAND POST
The post Boqor Salmaan oo Riyadh ku soo dhaweeyey Donald Trump appeared first on Puntland Post.

WARBIXIN+SAWIRRO:- Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda...

$
0
0

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Ahna Sii Hayaha Xilka Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta 20 May 2017 waxa uu safar shaqo ku tagay degmada qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, wuxuuna si rasmi ah u daah-furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare ee Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka waxaa safarkiisa ku wehelinaya masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Waxbarashada Puntland, Wasiirka Amniga, Wasiirka Haweenka, Wasiir Xigeenka Arrimaha Gudaha, Xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.
Wasiirka Waxbarashada Puntland Abshir Aw-yuusuf Ciise ayaa ugu horrayn tilmaamay arrimo dhowr ah oo khuseeya imtixaanaadka, wuxuuna macalimiinta iyo ardayda ku amaanay sida wanaagsan ee ay ugu diyaar garoobeen imtixaanaadka dugsiyada dhexe iyo sare ee Puntland.
Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa dhankiisa dardaaran u jeediyay guud ahaan ardayda ka qayb galaysa imtixaanaadka shahaadiga ah ee Puntland wuxuuna ku adkeeyey inay is dejiyaan iskuna kalsoonaadaan isla markaana ay ilaaliyaan shuruucda ay Wasaaraddu u dejisay nidaamka imtixaanka si ay u helaan natiijo wanaagsan.
Imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare ee Puntland waxaa ka qayb galaya arday isugu jira wiilal iyo gabdho oo tiradooda dhan tahay 12,687, xarumaha lagu gelayo imtixaanaadkan tiradoodu waxay dhan tahay 85- xarunmood, sidoo kale waxaa imtixaanka kormeeraya 99- kormeere, iyadoo ay imtixaanka ilaalin doonaam mudada uu socdo635-macallin oo kamid ah macaliinta Puntland.
Qorshaha lagu hagayo imtixaanaadkan waxaa sanad kasta isku dubba ridda oo hogaamisa Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, waxayna dedaal dheeraad ah ku bixisaa in ay hubiso in guud ahaan ardayda Puntland lagu ilaaliyo waxbarashada.
Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Eng. Camey ayaa xarunta maamulka Gobolka Karkaar ee degmada Qardho ku booqday guddiga tirakoobka shaqaalaha Dawladda Puntland oo beryihii u danbeeyey howlo shaqo u joogay magaalada Qardho, waxayna guddigu uga warameen Madaxweyne ku xigeenka shaqadu sida ay u socoto iyo waxyaalaha u qabsoomay.-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.
The post WARBIXIN+SAWIRRO:- Madaxweyne Ku Xigeenka Dawladda Puntland Ahna Sii Hayaha Xilka Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey oo Magaalada Qardho Ku Daah-furay Imtixaanaadka Dugsiyada Dhexe iyo Sare ee Puntland. appeared first on Puntland Post.


G. ku-Xigeenka Barlamanka iyo Wasiiru dowlaha...

$
0
0

Guddoomiye ku-Xigeenka barlamanka Puntland iyo Wasiiru dowlaha wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, hiddaha iyo dhaqanka Puntland Dr.C.fitaax Nuur Ashkir ayaa maanta Wafdi Cumaani ah oo ka kooban guddoomiyaha rugta ganacsiga, hay'adda Maal-gashiga Cumaan iyo Madaxtooyada Saldanadda Cumaan.
Wafdiga Cumaan ayaa raba in uu dib-u-noolayn ku sameeyo xiriirkii Soo jireenka ahaa Ee Puntland iyo Cumaan u dhaxeen jiray.
Wasiiru dowlaha Warfaafinta, isgaarsiinta,hiddaha iyo dhaqanka Puntland ayaa hadalkiisa ku bilaabay "Xiriirka aan Cumaan la leenahay waa mid soo jireen ah,oo salka ku haya ganacsi,dhaqan,Xiriir u dhexeeya labada dad ee kala deggan Cumaan iyo Puntland".
Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka Puntland ayaa asaguna wuxuu yiri" Puntland waa dhul dehin oo u baahan Maal-gashi in la gashado, waan soo dhawaynaynaa Wafdiga Cumaan nooga yimid".
Wafdiga ayaa u jeedkiisu yahay sidii loo kordhin lahaa xiriirka ganacsi Ee labada dal,waxayna la kulmayaan Madaxweyne ku Xigeenka,waxay sidoo kale booqanayaan rugta ganacsiga,dekedda, garoonka diyaaradaha Bosaaso,iyo sidoo kale Maxjarada.
PUNTLAND POST
GAROWE
The post G. ku-Xigeenka Barlamanka iyo Wasiiru dowlaha Warfaafinta Puntland oo Wafdi Cumaaniyiin ah soo dhaweeyay. appeared first on Puntland Post.

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka

$
0
0

Ku soo dhawaada dhageystayaal Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadka, oo aad xilliyadan oo kale dhageysataan. Jamaal Axmed Cismaan, ayaa la diyaar ah.

Dhageyso Barnaamijka Caweyska Washington

$
0
0

Ku soo dhawaada dhageystayaal barnaamijka Caweyska Washington, Sahra Ciidle Nuur, ayaa la diyaar ah.

Dhageyso Barnaamijka Martida Makarafoonka

$
0
0

Dhageystayaal ku soo dhawaada Barnaamijka Martida Makrafoonka, Ridwaan Xaaji Cabdiwali, ayaa la diyaar ah.

Kuuriyada Waqooyi oo gantaal cusub tijaabisay

$
0
0

Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay tijaabisay gantaal hor leh, sida uu sheegay milateriga Kuuriyada Koonfureed.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live