Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Taliye ku Xigeenkii Nabadsugida Qaranka oo is Casilay

$
0
0

Taliye ku xigeenkii hay'adda nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee (NISA) Cabdisalaan Yuusuf Guuleed (Daljir) ayaa iska casilay xilka, kadib markii uu istiqaaladiisa u gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya.
Taliye ku xigeenka NISA ee dhinaca howlgallada Cabdisalaan Yuusuf Guuleed (Daljir) ayaa qoraalka is-casilaadiisa ku sheegay inuu iska casilay mas'uuliyadii uu dowladda u hayay.
Ma sheegin Taliye Daljir sababta keentay is-casilaaddaHoos Ka Aqriso Warqada Is Casilaada.
Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Taliye ku Xigeenkii Nabadsugida Qaranka oo is Casilay appeared first on Puntland Post.


Australia oo u digtay dadka sharci-darrada dalkeeda ku jooga

$
0
0

Wasiirka Socdaalka Australia ayaa ku dhawaaqay in in ka badan 7 kun oo qof oo doonyo ku soo galay dalkaasi ay qasab tahay inay caddeeyaan inay qaxooti rasmi ah yihiin, ama la dhoofin doono.

Turkey: Erdogan oo mar kale la wareegaya hogaanka xisbiga talada haya

$
0
0

Waxa la filayaa in madaxweynaha Turkiga, Raccep Tayyip Erdogan, maanta oo Axadda ah ku soo noqdo hogaaminta xisbiga Caddaaladda iyo Horumarinta ee talada dalka haya, xilkaas oo uu iska casilay sannadkii 2014-kii markii uu madaxtinimada dalka qabtay.

Shactar Qalab iyo Baabuur u Wadey Hobyo oo Dagey

$
0
0

Shactar qalab iyo gadiid u wadey Hobyo ayaa ku dagey meel 10 KM u jirta xeebta degmadaasi.

Madaxweyne Farmaajo oo Riyad Gaaray

$
0
0

Madaxweynaha Somalia ayaa qeyb ka ah tiro madaxda Islaamka ah oo uu magaalada Riyad kula hadli doono madaxweynaha Maraykanka Doland Trump, kaas oo booqasho labo maalmood ah magaalada Riyad ku jooga.

Madax ka tirsan Xisbiga Waddani ee Somaliland oo xukun lagu riday

$
0
0

Xoghayihii waaxda dhallinyarada iyo Sportiga ee Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ee somaliland, Yoonis Axmed Yoonis, ayaa maanta maxkada gobolka ee Hargeysa ku xukuntay hal sano oo xadhig ah.

Wicitaanka: Xasan Aadan Hoosow

$
0
0

Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Xasan Aadan Hoosow oo ah dhaqaale-yahan, waxaana uu ka hadlayaa musuqmaasuqa

Trump oo la Hadlaya Madaxda Dalalka Islaamka

$
0
0

Waxaa goor dhow bilaabanaysa khudbad uu shirka Carabta iyo Islamaka iyo Maraykanka u jeedinayo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo booqashadiisii ugu horraysay ku jooga dalka Sucuudiga.


Trump iyo Hogaamiyaasha Islaamka oo galabta ku...

$
0
0

Madaxweynaha dowlada Federaal Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo waftigii uu hagaaminayey ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Riyadh ee - dalka Sucuudiga.
Madaxweyne Farmaajo ayaa goordhow oo galabta ah ka qeyb gali doona shirka hogaamiyaasha Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka Downd Trump, kaas oo looga hadli doono ladagaalanka Argagixisada iyo arimo kale oo muhiim ah.
Madaxweyne Downd Trump ayaa shirka ka jeedin doona khudbad dheer oo u badan dagaalka ka dhanka ah Argagixisada iyo kaalinta uu ka qaadanayo Mareykanku.
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa safarka ku weheliya Wasiirada, Arimaha dibada, Amniga, Gaashaandhiga iyo qorsheynta iyo sidoo Taliyaha Nabad sugida.
Shirka hogaaminayasha Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka ayaa Soomaaliya muhiim u ah, maadaama ay ka mid tahay dalalka ay ka jiraan ururada Argagixisada.Liban YusufPUNTLAND POST
The post Trump iyo Hogaamiyaasha Islaamka oo galabta ku kulmaya Riyadh appeared first on Puntland Post.

Abaanduulaha ciidanka XDS oo sheegay inay...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Taliska Ciidanka Malatariga Dalka ayaa shaaciyey in ciidanku galeen digaar garowgii ugu danbeeyey ee weerar lagu qaadayo goobaha ay joogaan meeleeshiyaadka Al-Shabaab.
Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay diyaar garow xoogan ugu jiraan sidii dalka looga cirib tiri lahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, oo dhibaato ku haya shacabka.
"howlaha ugu muhiimsan waxa ay tahay inaan galno howlgallo ka dhan ah argagixisada, diyaar garow fiican ayaan ku jirnaa, saacadkasta ayay bilaaban kartaa, anaga oo fulineyno awaamiirta madaxdeena, waxaana rabnaa inaan qaadno howlgallo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab"ayuu yiri Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka.
Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan ciidamada xoogga, si guud ahaan dalka looga sifeeyo haraadiga Al-Shabaab.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleRa'iisul Wasaare Kheyre"dadaal ayaan ku bixin doonaa shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada"
Next articleFAALLO:Aas-aaska Ururka Midowga Afrika oo lagu xusay Kuwait (Sawirro)

Shirka dalalka Islaamka iyo Mareykanka oo Riyaad ka...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Waxaa lagu waddaa saacadaha soo socda in magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga uu ka furmo shir u dhaxeeya dalalka islaamka iyo sidoo kale dowladda Mareykanka.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya inta badan hoggaamiyeyaasha dalalka Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Magaalada Riyaad ayaa hadda waxaa ku sugan qaar ka mid ah Madaxweynayaasha dalalka Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump
Trump ayaa la kulmay boqorka Sacuudiga Salmaan, waxaana uu khudbad u jeedin doonaa maanta hogaamiyayaal ka socda in ka badan 40 dal oo Muslim ah.
Shirweynahaasi waxaa xoogga lagu saari doonaa dagaalka ka dhanka ah ururrada xagjirka ah.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMadaxweyne Farmaajo oo Sacuudiga u ambabaxay
Next articleColumbus Ohio: Ra'iisul Wasaare Kheyre oo khadka uga qeyb galay kulan lagu dhiiri gelinayay dhallinyaro u istaagtay gurmadka abaaraha "SAWIRRO"

Columbus Ohio: Ra’iisul Wasaare Kheyre oo khadka uga...

$
0
0

Kulan lagu dhiirogalinayay dhallinyaradii isku taagtay gurmadka abaaraha Soomaaliya isla markaana lagu Boggaadinayay ayaa lagu qabtay magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka.
Masuuliyiin kala duwan ayaa ka soo qeybgalay kuwaas oo meelo kala duwan ka yimid si ay dhallinyarada ugu dhiirogaliyaan shaqada Qaran ee ay hayaan, taas oo u bahan in loogu Hambalyeeyo isla markaana lagu dhiirogaliyo in dhalinyarada awoodooda ay u isticmaalaan dhanka wanaagsan.
Safiirka Dowladda Soomaaliya u Jooga Washington DC Axmed Ciise Cawad ayaa xusay ahmiyada dhallinyaradu u leedahay bulsho wal ba iyo in dhallinyaradani ay mudanyihiin in lagu guubaabiyo in ay wax qabadkooda ku saleeyaan isbadal, isaga ku amaanay doorkii ay ka qaateen Gurmadkii abaaraha oo ay gaarsiiyeen dhaqaale dhan Boqol kun oo dolarka Mareykanka ah ( $ 100,000)
Imaam Maxamed Diini oo ka mid ah dadka sida weyn looga tixgeliyo bulshada dhexdeeda oo kulankan ka qeybgalay ayaa dhankiisa tusaale wanaagsan uga sheekeeyay wanaaga ay leedahay Sadaqada iyo in dadka la caawiyo, isaga oo u tilmaamay dhallinyaradan oo qaarkood ku dhashay dalka Mareykanka waligoodna aan arkin dalkoodii balse la damqaday dhibta in ay yihiin Geesiyaal taariikhdu qori doonto.
Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Cabdiqadir Sheekh Cali Diini ayaa ka sheekeeyay dhankiisa isbadalka ka jira dalka Soomaaliya iyo dadaalka ay ku jiraan dhallinyarada Soomaaliya joogta, isaga oo xusay in Maamulada iyo Dowladda ay ku jiraan dhallinyaro badan oo wax baratay taas oo muujinaysa in xiligan dhallinyaradu ku baraarugtay in ay qaataan doorkooda.
Guddoooomiyaha Jaaliyadda Xasan Cumar ayaa ugu baaqay dhallinyarada in ay ka dheeraadaan kuwa diidan horumarka isla markaana ku mashquula qabyaaladda iyo bur burka, isaga oo dhanka kale kaga mahadceliyay sida ay isku xilqaameen iyo sidda ay u muujiyeen dadaal iyaga waqtigooda gliyay in ay dadkooda ay la qaybsadaan dhibta ilaa laga gaaray Guushii Alle oo roobku uu ka da'ay.
Ra'iisul wasaare Xassan Cali Kheyre oo muuqaal araga SKYPE ka uga qeybgalaya ayaa amaanay dhallinyarada Columbus oo dhaqaalihii ay ururiyeen si toos ah ugu gudbiyay dowladda Soomaaliya si loo gaarsiiyo dadkii ay abaaruhu saameeyeen, iyaga oo marwalba la xariiri jiray Guddiga abaraha.
Ra'iisul wasaaraha ayaa ku amaanay dhallinyarada sida ay u sameeyeen dadaal iyo qaaran Qaran, waxa uuna dhanka kale muujiyay sida wali dadku ugu baahanyihiin in la caawiyo, iyada oo dad badna ay dhaafeen xoolihii isla markaana aysan haysan wax hanti ah.
Dadka ka hadlay Kulankan oo aad u badnaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, qaar kamid ah dhallinyaradii barnaamijkan soo abaabushay,Xubno ka socda Jaaliyadda iyo qeybaha bulshada ayaa waxa ay dhamaan ay ka sinaayeen sida loogu baahanyahay in la is caawiyo iyo in la dhiiro geliyo dhallinyarada oo ah awoodda uu dalka iyo dadku u baahanyahay.

Ra’iisul Wasaare Kheyre”dadaal ayaan ku bixin doonaa...

$
0
0

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal dheer ay u gali doonto sidii Shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee waxbaratay.
Waxaa uuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed boqolkiiba 70% ay dhalinyaro yihiin taasina ay muujinayso in fursadaha dalka ka jiraa ay badan yihiin.
Madaxda Wasaaradaha ayuu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii xirfaddo shaqo loogu sameyn lahaa dhalinyaradda ee waxbarashada dhamaysatay.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in muhiim tahay in laga shaqeeyo sidii dhalinyaradda Soomaaliyeed ay waxbarasho u heli lahaayeen.
Ugu dambeyntii Kheyre ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay ka qeyb qaataan xasilooni soo celinta dalka.

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray xarunta shirka ee...

$
0
0

Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa gaaray magaalada Riyadh ee boqortooyada Sucuudi Carabiya.
Wafdiga ayaa galabta ka qeybgali doona Shirka dalalka Islaamka iyo Mareykanka u furmaya galabta.
Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Amniga, Wasiirka Gaashaanndhiga, Wasiirka Qorsheynta iyo taliyaha Nabad Sugidda.

WARBIXIN:Madaxweyne Farmaajo & Ra’iisal Wasaare...

$
0
0

MUQDISHO(RBC RADIO)Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra'iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa cadaadis xoog leh saaray Wasiirka Arimaha Dibadda Dowladda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.
Sida ku cad tallaabooyin ay qaaday Dowladda Soomaaliya waxaa lagala wareegay Shaqooyinkii uu xaqa u lahaa Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad oo Soomaaliya u qaabilsan Xiriirka Caalamiga ah ayaa dalka kaga baxay 2 Safar oo kaliya halka Madaxweyne Farmaajo uu dalka dibadiisa ku aaday 8 Safar.
Xurguf Siyaasadeed oo kasoo bilaabatay xil ka qaadistii Hanti dhowrihii Qaranka Dr.Nuur Faarax ayaa ka dhex jirtay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisal Wasaare Khayre oo isku dhinac ah iyo Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya.
Yuusuf Garaad Cumar ayaa loo diiday inuu hogaamiyo qaban-qaabadii Shirkii Arimaha Soomaaliya ee 11kii bishan May lagu qabtay Magaalada London ee dalka Ingiriiska,Cadaadiska la saaray Wasiirka Arimaha Dibadda oo ah mid aan qorsooneen ayaa waxaa sidoo kale hoos loo dhigay doorkiisa Siyaasadda Arimaha Dibadda Soomaaliya oo uu isagu u qaabisan yahay Soomaaliya.
Warar aan helnay ayaa sheegaya in Ra'iisal Wasaare Khayre uu u diiday Yuusuf Garaad inuu u raaco Safarkii uu ku tagay Magaalada Dooxa ee dalka Qadar,Wasiir Garaad ayaa waxaa sidoo kale si cad loogu diiday inuu kulamo la qaato Wufuud heer Caalami ah kuwaasoo loo wakiishay iney qaabilaan madax kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka.
Waxyaabaha sida gaarka ah ay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisal Wasaare Khayre ku haystaan Wasiir Yuusuf Garaad ayaa waxaa kamid ah inuu kasoo horjeeday go'aankii xilka lagaga qaaday Dr.Nuur Faarax oo uu aaminsanaa inaan loo marin hab dharci ah,Waxaa sidoo kale lagu dhaliilay Yuusuf Garaad inuu xakamayn waayey Beeshiisa oo si xoog ah Madaxtooyada Villa Soomaaliya kala baxday Dr.Nuur Faarax oo Xabsi guri lagu xukumay.
Yuusuf Garaad Cumar ayaa waxaa sido kale lagu eedeeyey Musuq Maasuq iyo inuu si aan wanaagsaneen ula dhaqmay Saxafiyiin xilli uu Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka dhoofayey Madaxweyne Farmaajo.
Wararkii ugu danbeeyey ee aan heleyno ayaa sheegaya in hada la xaliyey khilaafka u dhexeeya Yuusuf Garaad Cumar iyo Madaxda Sare ee dalka.
RBC RADIO


Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyey Finland

$
0
0

Dalada Midawga ururada iyo jaaliyadaha dagan Qaradan Yurub ee reer Puntland ee PEDAN ayaa maanta magaalada Helsinki ee dalka Finland ku soo dhaweeyey Madaxwaynaha Puntland Dr Abdiwali Maxamed Cali Gaas.
PEDAN oo ahayd bud dhigaha imaanshaha madaxwaynaha Puntland ayaa isu abaabushay soo dhawaynta madaxweynha waxaan ka qeyb galay soo dhaweyntaas Aqoon yahano, Culimo, dhalinyaro iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee dagan dalka Finland.
Uururka PEDAN ayaa ku faraxsanaa in madaxwaynihu si nabd galyo ah uu gu yimaado, waxayna markuu madaxweynuhu soo dagey u gudbiyeen Minin kamid ah hooyga lagu marti qaado madaxda leh maamuus gaara ee ka socda dawladaha aduunka ku waas oo boqosho u yimaad dalka Finland.
Madaxwayne Dr Gaas ayaa kulan la qaatay Dallada qurbajoogta Puntland ee Yurub Faraceeda Finland.
PUNTLAND POST
The post Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyey Finland appeared first on Puntland Post.

Turkish Airlines plane fails to land at Somalia airport

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Turkish Airlines plane was reported to have failed land at Aden Adde International Airport in Somalia's capital Mogadishu on Sunday morning, a civil aviation official confirmed.
The passenger plane which took off from Djibouti failed to touch down at the airport due to bad weather and technical problems, according to the official who spoke to Radio Shabelle.
The Plane scheduled flight to transport passengers from Mogadishu has been postponed because of the incident. The latest reports indicate that the Turkish Airlines has later arrived.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Madaxweyne Axmed “Shirki London AMISOM ayaa looga...

$
0
0

Kn: Madaxweeynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, ayadoo garoonka diyaaradaha ay si diiran ugu soo dhaweeyeen xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Jubaland.
Madaxweeynaha oo mudooyinkii u danbeeyay safar shaqo ugu maqnaa dalka Ingiriiska oo uu uga qeybgalay shirweeynihii looga hadlayay arimaha Soomaaliya ayaa sheegay in shirkaasi ay kasoo baxeen qodobo waxtar leh.
Waxa uu sheegay in shirkan uusan waxba kaga duwanayn shirarkii hore, balse dowladda Ingiriiska oo martigelisay shirkan ay xoogga saareeysay in Soomaaliya ka caawiso dhinaca nabadgelyada.
Waxa uu sheegay in qodobada ugu muhiimsan ee shirkaasi ay kamid ahaayeen in la xadido waqtiga ay joogayaan ciidamada AMISOM, in la dhiso ciidamadii badali lahaa ee xoogga dalka Soomaaliya iyo weliba in la bilaabo howlgallo Shabaab looga xoreeynayo goobaha ay ku harsanyihiin.
Dhawaan ayay ahayd markii magaalada London ee dalka Ingiriiska lagu soo gabagabeeyay shirweeyne looga hadlayay arimaha Soomaaliya iyo sidii loo caawin lahaa dowladda, kaa oo ay kasoo baxeen qodobo dhowr ah oo wax looga qaban doono dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo arimaha bini'aadanimo.
KismaayoNews.com

Boqor Salmaan: Riyadh Waxaa Ay Saldhig U Noqon...

$
0
0

Kn: Madaxweynaha Mareykanka Dolland Trump ayaa Riyadh kula kulmaya madaxda Carabta iyo Islaamka, waxaa ugu horreyn shirka furay boqor Salmaan.
Boqorka Sacuudiga ayaa u mahadceliyay Trump isaga sheegay in diinta Islaamka u taagan tahay nabad iyo horumar-ka, waxaa uu soo jeediyay in ay la dagaalamayaan dadka sharta wada.
Boqorka waxaa uu soo qaatay in taariikhda Islaamka lagu yaqaano wada noolaashaha diinta, laakin maanta la arkaayo dhib ay wadaan koox gaar kuwaas oo aan ka tarjumin Islaamka.
Boqorka waxaa uu ka hadlay in Iran ay argigixisada martigeliso tan iyo markii kacdoonka ka dhacay 1979-kii, isla markaana aaney aqoon daris wanaag, Sacuudiga waxaa uu sheegay in ay qasayaan gobolka taasi oo keentay in uu dul-qaadka ka dhamaado dalka Sacuudiga.
Salmaan waxaa uu sheegay in Riyadh laga sameyn doono xarun caalami ah oo lagula dagaal argigixisada, taasi oo cid walba ku biiri karto, isaga oo ballan-qaaday in ay la dagaalayaan argigixisada diin walbo oo ay leedahay.
KismaayoNews.com

Daawo Sawirro: Munaasabadda Sanad-guurada 15aad Ee...

$
0
0

Muqdisho,(SONNA):-Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay sanadguurada 15aad ee ka soo wareegatay aasaaska shabakada warbaahinta ee jowhar.com ayaa xalay lagu qabtay hotel SYL ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiiro, xildhibaano, agaasimayaal warbaahineed,saxafiyiin iyo marti sharaf kale.
Ugu horeyntii munaasabada ayaa waxaa ka warbixiyay ujeedada loo aasaasay shabakadan Tifaftiraha Guud ee jowhar.com C/casiis Xasan Maxamed,waxana uu sheegay in heerar kala duwan ay soo martay mareegta jowhar.com ayna tahay mid dhexdhexaad ah bulshadana u adeegta.
Mas'uuliyiintii ka hadashay munaasabadan ayaa waxa ay qireen in jowhar.com mudadii ay soo jirtey ay muujineyso in ay tahay mid dadka ka shaqeeya ay u dhabar adeygeen muddo dheer dadaal badana ay geliyeen sidii shabakada ay u jiri lahayd.
Mas'uuliyiintii ka hadashay xafladan ayaa waxaa kamid ahaa C/risaaq Xaaji Catoosh, afhayeenka gobolka Banaadir C/fatax Cumar Xalane, guddoomiyaha dallada warbaahinta SIMHA Xasan Cali Geeseey, guddoomiye ku xigeenka Ururka SOMA Maxamed C/wahaab, Xoghayaha guud ee ururka NUSOJ Maxamed Ibraahin Nuur, agaasimaha Idaacada Shabelle Abukar Shiikh Maxamed, Senatar Dr Cismaan Maxamed Dufle, wasiir ku xigeenka isboortiga Axmed Cumar Islow, wasiir ku xigeenka Dekedaha Cusmaan Daallo, Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Jubbaland Aw Libaax, waxayna dhammaantood mas'uuliyiintan ay xuseen in mareegta jowhar.com ay tahay mid tebisa aqbaar run ah.
"Waa markii ugu horeysay ee aan arko website sameysanaya xaflad ay ku xusaan aasaaskooda, jowhar.com waa shabakadii ugu horeysay ee meel fagaare ah ku soo bandhigta waxqabadkooda."ayuu yiri Maxamed C/wahaab agaasimaha Radio Risala.
"Mareegta jowhar.com waxaan oran karaa waa tan koowaad ama waxay ka mid tahay websiteyada ugu horeeya ee dalka."ayuu yiri Xoghayaha ururka NUSOJ Maxamed Ibrahim Macalimu.
"Waxaan ka codsanayaa jowhar.com maadaama magaca ay wadato uu yahay magaca - dowlad goboleedka Hirshabeelle inay garab qabato maamulka Hirshabeelle."ayuu yiri wasiir ku xigeenka dekedaha
"Waxaan ugu baaqayaa madaxda jowhar.com in fariimo wacyigelin dhinaca caafimaadka ah ay ku soo kordhiyaan websitka."ayuu yiri Senatar Dufle.
"Websityada waa kuwii sababay qurbojoogta inay ku soo dhiiradaan dalkooda ayna ka qeybqaataan dib u dhiska iyagoo gaarsiiyay wararka dhabta ah eek a jira dalka."ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Inj Yariisow.
Gabagabadii munaasabadan ayaa waxaa soo xirtey wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Marwo Khadijo Maxamed Diiriye waxayna sheegtay in isha ugu horeysa ee ay wararka ka hesho uu yahay jowhar.com.
"Waxaan ka codsanayaa shabakada in ay kordhiso barnaamijyada dhalinyarada ayna wacyigelin badan ka sameyso sidii dhalinyarada ay ugu kalsoonaan lahaayeen dalkooda."ayay tiri Khadijo Maxamed Diiriye.
Ugu dambeyn 20-kii bishii May ee sanadkii 2002 ayay aheyd markii la aas aasay shabakadda Jowhar.com, oo ka mid aheyd website-yadii u horeeyay ee la aas aasay.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live