Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Article 0


Ra’isulwasaare Kheyre oo ku jira ‘is xisaabi, intaan...

$
0
0

Kn: Isla xisaabtanku waa hanan la isku raacsan yahay in uu laf dhabar u yahay qabsoomidda shaqo wanaagsan isla markaana abuurta dowladda wanaagsan iyo kalsoonida dowladda iyo Shacabka.
Ra'iisul wasaaraha Xukumadda Mudane Xasan Cali kheyrre oo ka duulaya aragtidaasi ayaa kulamo isla xisaabtan oo fool ka fool ah waxa uu la yeeshya xubnaha golaha wasiirradda si looga dhabeeyo Barnamijka dowladda ee Nabad iyo nolal.
Mudanr Xasan Cali Kheyrre Ra'iisul wasaraha xukumadda federaalka Soomaaliyae ayaa soo gaban gabeyey maanta wajiga 1aad ee qorshaha uu kula xisaabtamayo wasiirradiisa tasi oo soo billaabatay Maalintii shalay ahayd, iyadoo wasiir kasta uu usoo gudbiyey qorshe howleedka wasaraddiisa ee 100 maalin, taas oo noqon doonta tan wasiir kasta lagula xisabtami doono isla markaana lagu qiimayn doono wax qabadkiisa marka ay dhamaato boqolka Maalin. Sida uu warbaahinta qaranka u sheegay wasiiru dowlaha xafiiiska Ra'iisul wasaaraha Mudane Cabdullahi Xamud.
Qorshaha Ra'iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyrre uu kula xisaabtamayo xubnaha golahiisa wasiirradda ayaa ah mid ku Cusub hannanka dowadanimada dalkeenna. taas oo meesha ka saaraysa Musuq maasuq iyo maamul xumada oo haddii ay dhacdo dhaawacaysa hannanka dowladnimo ee dalkeenna, isla markana sare u qaadaysa kalsoonida iyo muraalka shacabka Soomaaliyeed.
KismaayoNews.com

Booskii wasiirnimada Cabaas Siraaje oo la buuxinayo

$
0
0

Kn: Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in laga yaabaa in Ra'isulwasaare Xasan Cali Kheyre uu soo magacaabo qofkii badali lahaa wasiirkii la diley ee Hawlaha Guud Cabaas Cabdullaahi Siraaje.
Cabaas ayaa waxaa diley illaalada Hanti Dhawrka Guud , kaasi oo markii dambe xilka laga qaaday.
Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in sidoo kale laga yaabo in xilka laga qaado wasiir la sheegey in uu laaluush weeydiiyey hay;ad caalami ah oo hawl la qaban lahayd.
KismaayoNews.com

Haweeney Lagu Dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo

$
0
0

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, nin hubeysan ayaa toogtay haweeney ganacsato aheyd.
Ninkaan hubeysan oo watay qoriga Ak-47 ayaa beegsaday haweeney lagu magacaabi jiray Warsan Faarax Yacquub, taasi oo ka mid aheyd ganacsatada deegaanka.
Haweeneydaan ayaa horey uga tirsanaan jirtay ciidamada Booliska Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, balse markii dambe ay isaga baxday.
Dadka deegaanka ayaa sheegay ninka hubeysan inuu isku deyay dhac inuu u gaysto haweeneyda, hayeeshe ay ka biyo diiday.
Dembiilaha ayaa ka baxsaday goobta uu ku dilay haweeneydaasi, waxaana gaaray halkaasi ciidamada ammaanka Puntland ee ka hawlgala Waqooyiga Gaalkacyo.
Ninkan hubeysan ayaa ka hor inta uusan dilin haweeneyda wuxuu dhac ka gaystay garaash ku yaala Waqooyiga Gaalkacyo, isaga oo soo dhacay moobeelo ay siteen shaqaalihii garaashka joogay.
Ciidamada Booliska Magaalada Gaalkacyo ayaa hadda ku hawlan, sidii ay cadaaladda u horkeeni lahaayen ninkaasi, oo aan weli heybtiisa la aqoonsan.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Weerar Askar Lagu Dilay oo Ka Dhacay Gobolka Baay

$
0
0

Wararka inaga soo gaaraya inta u dhaxeysa Bardaale iyo Awdiinle oo ka tirsan Gobolka Baay, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay weerar khasaare lagu gaarsiiyay ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Weerarkaan ayaa dhacay, xilli wadada loo galay laba gaari oo ay saarnaayeen ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed, kuwaasi oo kala ah gaari NOHA ah iyo gaari Cabdi bile ah.
Ciidamo ka tirsan Shabaab ayaa wadada u galay gaadiidkaan, kadibna waxa ay ku harqiyeen rasaas, iyadoo ciidanka Koonfur Galbeed ay iska caabiyeen ciidamada Shabaabka ah ee weerarka dhabagalka ah u dhigay ciidamada Koonfur Galbeed.
Saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, ayaa xaqiijiyay in saddex askari lagu dilay weerarkaasi, halka ay jiraan dhaawacyo soo gaaray ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed.
Askarta dhaawaca soo gaaray, ayaa loo qaaday Isbitaalka Magaalada Baydhabo si halkaasi loogu daaweeyo sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha.
Weerarka ayaa dhacay maanta barqadii, iyadoo ciidamo dheeraad ah loo diray inta u dhaxeysa Bardaale iyo Awdiinle ee Gobolka Baay, si loo baadigoobo Shabaabkii weerarka u gaystay ciidamada.
Al-Shabaab ayaa weerar waxa ay ku qaadaan gaadiidka kolonyada ah ee ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Amisom ay wataan ee mara Gobolka Baay.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Wararka Dibada: Kulankii Hogaamiyeyaasha Dalalka...

$
0
0

Kulankii Axadii shalay ka dhacay magaalada Riyad oo ay ku kulmeen hogaamiyayaasha in ka badan 40 wadan oo Muslim ah kana qeyb galay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa looga hadlay iskaashiga wadamadaasi.
Donald Trump ayaa khudbadiisa ku sheegay inuusan halkaasi u imaan inuu u yeeriyo ama u sheego waxa loo baahan yahay inay qabtaan hogaamiyayaasha dalalka Islaamka, balse wuxuu sheegay inay laga maarmaan tahay in si wadajir ah loola dagaalamo xoogaga xagjirka ah ee sida khaldan u adeegsada magaca diinta Islaamka.
"La dagaalama oo ka saara dhulkiina iyo dunnida" ayuu yiri Trump oo la hadlay hogaamiyayaasha shirkaasi ka qeyb galaya.
Boqorka Sacuudiga Salmaan ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan awoodo cadow ku ah Islaamka oo doonaya inay si khaldan magaca Diinta islaamka u xumeeyaan, isagoo ku tilmaamay kooxaha falkan loo adeegsanayo ururada ay kamid yihiin Al Qacida, Daacish iyo waliba kuwa shiicada ah ee Xisbullah iyo Xuuthiyiinta.
"Qodobada ugu muhiimsan ee Shariicada Islaamka waa illaalinta Nafta qofka bini'aadamka" ayuu yiri Boqorka Salmaan oo si gaar ah khudbadiisa ugu weeraray dowlada IRAN oo iyadu shirkan ka maqneyd.
Sacuudiga oo casumaada u diray hogaamiyayaashan badan ee dalalka Muslimka ah ayaa dooneysay inay muujiyaan awooda ay ku leeyihiin dalalka Islaamka, xili ay dadaal ugu jirto Boqortooyadaasi inay sare u qaado awooda ay ku leedahay Bariga Dhexe.
Trump ayaa maanta u baxaya Israel, isagoona Talaadada beri ah kulan la yeelan doona hogaamiyaha Falastiin Maxamuud Cabaas.
"Waxaan tagayaa Israel iyo Falastiin, waxaana sidoo kale booqan doonaa xarunta Vatican ee Kirishtaanka, waxaana aaminsanahay hadii sadexda diimood ee Islaamka, Yuhuuda iyo Kirishtaanka heshiiyaan dunnidan nabad laga dhigi karo" ayuu yiri Trump.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Ra’iisal Wasaare Khayre oo La Kulmay Ciidamada...

$
0
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqday xarunta Ciidamada wadajirka ah ee fulinaya Qorshaha Xasilinta - Muqdisho ka dib howlgal ay saakay sameeyeen oo ay ku soo qabqabteen hub iyo aalado kale. Sidoo kale Ra'isul Wasaaraha ayaa shacab iyo arday la fariistay goobaha shaaha lagu cabo ee Wardhiigley isagoo la sheekeystay dhalinyaradii iyo ardeydii halkaas ku sugneyd.
Ra'iisul Wasaare Khayre oo hadal dhiirigelin ah u jeediyey ciidamada howlgalka Muqdisho ayaa ku ammaanay doorkooda geesinimada leh oo ay u istaageen inay shacabka Soomaaliyeed amnigooda iyo xasilloonidooda sugaan. Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maanta la joogo waqtigii xoojinta midnimada ummadda iyo u istaagista difaaca shacabka.
Ciidanka wadajirka ah oo saakay aroortii 6da subaxnimo ka bilaabay howlgalkooda degmada Wadajir, xaafada Xaawo Taako ee Siliga Ameerikaanka ayaa gacanta ku soo dhigay 17 Qori iyo 3 bistooladood, tuutaha militariga, kan booliiska, calaqa iyo xashiish.
Ciidanka ayaa sidoo kale isla maanta howlgal kaa la mid ah ka sameeyey degmada Shingaani oo ay baaris ku sameeyeen goob Hubka lagu sameeyo, laguna gado. Ciidanka ayaa la soo wareegay qalabkii sameynta hubka iyo kuwii hubka looga baabi'inayey numberkooda. Waxaan goobtaas laga soo helay 2 Qori iyo 3 Bistooladood.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa maqaayad ku taala Wardhiigley la fariistay dhalinyaro halkaas joogtay oo uu ka wareystay xaaladooda. Waxaana halkaas ku soo maray ardey iskuul ka soo baxday oo uu Ra'iisul Wasaarahu wareystay xaalada waxbarashadooda. Waxaana gabdhihii ardeyda ee uu la kulmay ka mid ahaa gabdho ka yimid London UK oo Wardhiigley iskuul ka dhigta, iyagoo sheegay sida ay ugu faraxsanyihiin inay madaxdooda la sheekeystaan iyo inay Soomaaliya wax ku bartaan.Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmail: Ishabaydhaba@hotmail.com

Puntland Post oo hambalyeysay arooska Wariye Abshir...

$
0
0

Warbaahinta Puntland Post waxay Hambalyo kal iyo laab ah u diraysa tafaftiraha Warbaahinta Puntland Post Abshir Cabdillaahi Maxamed (Abshir Dhiirane) iyo marwadiisa Samiira Cabdirashiid oo uu arooskoodu ka dhacay baadiyaha tuulada Reemanti ee Gobalka Nugaal.
Arooskan oo kamida kuwa ugu cajiibsan degaanada Puntland ayaa loo soo abaabulay hab dhaqankii soo jireenka ahaa ee Soomaalida, waxaana lagu qabanayaa aqal Soomaali si qurux badan loo nashqadeeyey oo ku dhinac yaal dooxo barwaaqo ah oo ay hareeraha ka fadhiyaan biyaha xareeda, cagaaarka dooguna indhuhu ku nuursanayaan.
Ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, heeso dhaqan, gabayo iyo xujooyinkii lagu yiqiin birisamaadkii aroosyada Soomaalida ayaa lagu soo bandhigayaa goobtan, waxayna barbaarta, caruuska iyo caruusaduba ku labisan yihiin dharka hidaha iyo dhaqanka u ah umadeena Soomaaliyeed.
Mar labaad Maamulka iyo hawldeenada Puntland Post meel kasta oo ay joogaan waxay farxada la wadaagayaan una hambalyeynayaan Wariye Abshir Dhiirane iyo marwasiida, waxaanuna Alle uga baryeynaa inay noqdaan qoyskii isku barakooba, ubad khayr qabana kala hela.PUNTLAND POST
The post Puntland Post oo hambalyeysay arooska Wariye Abshir Dhiirane oo ka dhacay baadiyaha Nugaal appeared first on Puntland Post.


Faahfaahin Cayaartooy Lagu Rasaaseeyay Duleedka...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Muqdisho,(SONNA):-Warar goor dhow na soo gaaray Deegaanka Calamada ee degmada Afgooye ayaa sheegaya in caawa fiidkii la rasaaseeyay gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen Koox ciyaartoy ah.
Masu'uuliyiin ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA u Sheegay in rasaasta uu ku geeriyooday Yuusuf Cali Xeydar oo ahaa Macalinka labaad Kooxda Bariga Dhexe, waxaana uu dhaawac soo gaaray labo ciyaartoy oo u ciyaara Kooxda Elman.
Labada ciyaartoy ee dhaawacantay ayaa lagu kala magacaabaa C/llaahi Mayow iyo ciyaaryahan lagu naaneyso Zimbaabwe.
Wararka Qaar ayaa Sheegay in Gaariga ay la socdeen ciyaartoyda uu ka baxay Magaalada Muqdisho kuna sii jeeday degmada Afgooye.
Sawirka Sadaxda Cayaaryahan ee idiin soo muuqaanaya ayaa lagu waramayaa in ay yihiin kuwa ay waxyeelladu Soo Gaartay, Iyadoo Qofka Koowaad ee Xiran Funaanadda Jaallaha uu yahay Allaha u naxariistee Marxuum Yuusuf Cali Xeydar.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleDib u dhac ku yimid xafladii caleema saarka Madaxweynaha Galmudug

Somali troops seize illegal arms in Mogadishu sweep

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Somali army forces have seized illegal small arms and military uniforms during a security sweep in the capital Mogadishu on Monday morning, information minister said.
The troops comprising of Police, Military and Intelligence units carried out Pre-dawn operation in Wadajir and Shangani districts, whereby they captured illegal AK-47s and pistols.
Abdirahman Omar Osman Yarisow, the Minister of Information, and Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire have reached the commanding center of joint forces in Wardhigley, where the weapons were paraded.
Monday's operation was part of the stabilization process of the capital before Ramadan.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Attack on bus leaves coach dead, two players injured

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
A coach of a local football club was reported killed, and two players wounded after gunmen opened fire on the vehicle on the main highway between Mogadishu and Afgoye.
The tragic incident took place at Hawo Abdi area, just outside Mogadishu in the evening, as the players and their coach left Mogadishu and were on their way to Afgoye district.
The bus raid left the coach dead, and two players wounded, who are current being operated at a hospital in the capital, according to a football colleague, speaking to Radio Shabelle.
No group or individual has claimed responsibility for the shooting of the bus carrying football professionals near Mogadishu. The Somali government did not comment on the incident.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Guddoomiyeyaasha Banaadir oo la badalay markii 4...

$
0
0

Kn: Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ayaa maanta xilkii ka qaaday 15 guddoomye degmo, soona magacaabay 15 kale oo cusub.
Waa markii 4aad oo muddo 4 sano gudahood ah la badalo guddoomiyeyaasha degmooyinka Banaadir, taasi oo ka dhigan in sanad kasta mas'uuliyiin cusub la magacaabayay.
Haddaba waa kuwa guddoomiyeyaasha cusub iyo degmooyinka loo magacaabay.
1- Degmada C/casiis: Sharmaarke Maxamed Ladane
2- Degmada Kaaraan: C/fataax Nuur cali yaanyo
3- Degmada Shibis: Safiyo Sheekh Cali Jimcaale
4- Degmada Yaaqshiid: Axmed Xasan Maxamuud
5- Degmada Howlwadaag: C/kariin Cali Kaar
6- Degmada Hodan: Maxamed Axmed Cantoobo
7- Degmada Dayniile: C/wali Nuur Faarax
8- Degmada Wadajir: Cumar C/llaahi Xasan
9- Degmada Dharkeenley: C/raxmaan Siid cali
10- Degmada Shingaani: Basmo Cumar Axmed
11- Degmada xamerweyne: Cumar Shariif Maye
12- Degnada Xamar Jajab: C/wali C/llaahi Maxamed
13- Degmada Waabari Rowdo C/llaahi
14- Degmada boondheere: Zeinab Yuusuf Wehliye
15- Degmada Warta Nabada Zeinab Maxamuud Warasame

Siday ku dhacday in sirdoonka UK ay baajin waayeen weerarkii Manchester?

$
0
0

Saddex Arimood owgeed, UK kama uu dhicin weerar la mid ah kan Manchester ilaa sannadkii 2005ta. Haddaba siday ku dhacday in sirdoonka UK ay baajin waayaan weerarkii Manchester?

Siday ku dhacday in sirdoonka UK ay baajin waayeen...

$
0
0

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Saddex Arimood owgeed, UK kama uu dhicin weerar la mid ah qaraxan ka dhacay Manchester ilaa sannadkii 2005ta:

  • Qof khibrad leh ayaa fulin kara, wey adag tahay in la fuliyo weerarkan oo kale iyada oo aan caawimo la helin.
  • Waxaa loo baahan yahay diyaargorow iyo qorsheyn badan, tan oo fursad siin lahayd MI5 iyo Hay'adaha kale in ay wax ogaadaan.
  • Dad ay ka go'antahay inay u bareeraan fulinta labada qodob ee sare waxay ahaayeen naadir.

Muddo dheer ayey BBC-du qaybta arrimaha guduhu la socotay fal kasta oo la sheegay argagixso oo fulay ama dhicisoobay.
Inta badan kiisaska la geeyay maxkamadda ma ahayn dad loo haystay maleegidda weerar xajmi ahaan u dhigmo kan Manchester.
Inta badan dadku ku hawlan hawlaha 'argaggaxa marka ay bilaabaan in ay qarax sameeyaan ayey ogaadaan in ay adag tahay. Waxa laga yaabaa inay taageero weydiistaan qof markii horaba ay MI5 ku daba jirtay dhaqdhaqaaqiisa oo isna aanba war u hayn in lagu daba jiray.
Sidaas darteed ayay mintidiinta doorbidaan baabuur dad la jiirsiiyo iyo tooriyeyn.
Sannadkii 2014kii nin ayaa qorsheeyey in uu qaado weerar uu isticmaali rabea toorey. Waxaa xigay weerarkii sanadkan ka dhacay Westminster ee London oo isna loo adeegsaday tooreey.
Laakiin iyada oo mindiyaha, baabuurta iyo qoryaha yar yar aynu dhowaan ku aragney weerarada, haddana waxaa jira dad doonaya in ay sameeyaan bambooyin waaweyn oo ay ku qarxiyaan goobaha ay dadka badani isugu yimaadaan sida tan Manchester.
Haddaba su'aasha u taala kooxaha sirdoonku waxay tahay, iyadda oo in la sameeyo qarax weyn loo baahan yahay takhasus badan, siddee ayuu ninkan weerarka geystey u heley waxyaalaha uu isticmaaley iyo takhasusnimadaa?
Saddexdan siyaabood midkood ayaa suurtagal ah:

  • Waxaa la bary qaabka loo sameeyo.
  • Isaga ayaa is barey.
  • Qof kale ayaa u dhiibey qalabka uu qarxiyay.

Farsamo aad looga soo shaqeeyey
Haddii la barey, tani waxa ay farta ku fiiqaysaa in uu ahaa nin kasoo noqdey kooxda isku magacowdey Dowlada Islaamka, ee Siiriya iyo Ciraaq.
kooxdaasi waxay ka dambeysay qaraxyo loo isticmaaley waxyaalaha guryaha lagu dhiso sida biraha, masaabiirta, waxyaalahan waxa lagu arkey goobta qaraxu ka dhacay.
Uma muuqato in uu yahay qof kasoo noqdey Xeryaha Al-Qaciida ee Pakistan ama Afqaananistan, maadaama uu safarku dheer yahay, laakiin wey dhici kartaa.
Si kastaba ha ahaatee waxay ahayd farsamo aad looga soo shaqeeyey oo dadka xagjirka ah lagu yaqaanno.
Waxay u baahan tahay xirfada dhinaca injineernimada ah. Mararka qaarkood wey adag tahay in la qariyo marka qaraxyada la sameynayo. Tusaale ahaan walxihii lagu sameeyey qaraxii loo isticmaaley gaadiidka dadweynaha London 2005 waxaa ku jirey kiimiko oo timaha ka daadisay mid ka mid ah dadkii qaraxa sameynayey. Uumigu ka soo baxayo qarxaasi waxuu markiiba uu dili karaa dhirta agagaarka ka dhaw.
Markaas haddii uu is barey, sidee ayuu isu qariyey?
In ay tani suurta gashay waxay muujineysaa, in ay adag tahay in la ogaado khatar, haddii qofka khatartaas maleegayaa uu keligii yahay, si cilmiyeysan oo qorsheysana isu ilaaliyo.
Ma adka in laga iibsado internetka dokumeentiyo laga barto qaabka loo sameeyo bambaanada. Balse akhristow, ha raadin maxaa yeelay waa dembi, makamadna waa lagugu saari karaa meelaha qaar sida UK. Balse maba jiraan waxyaaba aad muhiim u ah oo aad ka heli karto. Sidaas darteed wey adag tahay in ninka weerarka qaadey uu wakhti badan ka fakarayey oo uu qorsheynayey, tani waxay yareyneysaa fikirka ah in uu keli ahaa.
Tan saddexaad oo suurtagalka ah, misana ah tan malaha ugu daran, waa inuu jiro qof khibrad u leh sameynta walxaha qaraxyada laga sameeyo oo ku sugan gudaha UK. Qof aanay ka war hayn hay'ada sirdoonku, suurtaglna ay tahay inuu dad hor leh u sameynayo bambaanooyin ay adeegsadaan.
Waana midda welwel badan ku hayso hay'adda sirdoonka ee MI5.
Xog aad muhiim u ah
Baadi goob ayaa socda, inkastoon la garaneyn cidda la raadinayo, laakiin baaristu si xooggan ayay u socotaa.
Booliisku waxay sheegeen inay garanayaan ninka qaraxa geystey. Waa arrin ugub ah maxaa yeelay booliiska muddo ayey ku qaadatey in ay ogaadaan ciddii ka danbeysey weerarkii London sannadkii 2005ta.
Waxa socda kulamo ay ku leeyihiin Thames House, Xarunta MI5, iyo unugyadooda kala duwan oo ay kaga xaajoonayaan weerarkan iyo cashirada laga baran karo.
Unugyada la dagaalanka argagixisada waxay baarayaan wax kasta oo ay ka ogaan karaan walxihii kasoo haray qaraxan. Waxaana dhici doonto in guryo dheeraad ah la baaro.
Saynisyahanada Unuga Shaybaarka Qaraxyada ee Kent waxay bilaabayaan in ay ururiyaan waxyaalihii kasoo haray walxihii qarxey si ay dib isugu kabaan oo ay u ogaadaan waxa laga sameeyey. Saynisyahanadani waxay baadhitaan ku sameeyeen qaraxyo kasta oo dhacay mudooyinkii dambe.
Baaritaandan ayaa horseedi doono in le helo faahfaahin dheeraad ah oo ay dhici karto in ay ninkii wax qarxiyey ay ku xiriiriyaan kooxo. Bilo ayey qaadaneysaa. Laakiin iminka booliisku waa in ay ogaadaan in uu ninkani keligii qaraxan maleegey iyo in kale.

Jillaagii “James Bond” oo geeriyoodey

$
0
0

Kn: Goormaa kuugu dambeysey filimkii taxanaha ahaa ee 007 iyo atoorihii malo'awaalka ahaa ee James Bond ee mar adduunka qabsaday?
Maanta ayuu geeriyoodey Roger Moore isaga 89 jir ah, isbitaal ku yaala dalka Switzerland, sababtuna waxaa lagu sheegey cudurka Kansarka.
Isaga oo 45 jir ah ayuu bilaabay jilista filimkii taxanaha ahaa ee 007, wuxuuna ku jilayay magaca James Bond oo ahaa nin basaas ah oo British ah, kaasi oo ka hawlgalayay adduunyada daafaheeda.
Wuxuu caan ku noqdey sidii kaartada miiran ahayd ee uu siraha ku heli jirey, shirqoolada oga badbaadi jirey, dumarkana u xodxodan jirey.
Qorshayaasha sirdoon ee qaarkood uu fulin jirey ayaa ahaa kuwa iyaga oo kale aanan horey loo arag.
Sanadii 1985-tii ayuu ka fariistey jilista aflaanta, wuxuuna ku biirey xagga samofalka, isaga oo muddo dheer la shaqeeyey hey'adda UNICEF ee caruurta.KismaayoNews.com


Dareewal Soomaali ah oo u dhowaa Goobta

$
0
0

Dareewal Soomaali ah oo u dhowaa Goobta qaraxu ka dhacay

Shaqaalaha rayidka ah ee Puntland oo Tababar ugu ...

$
0
0

Tababar muddo toban beri ah uga socdey magaalada Garoowe shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland ayaa maanta soo xirmay iyadoo tababarku uu ahaa mid la xiriira dar-dargelinta shaqada xafiisyada dawladda.
Tababarkaan ayaa loo qabtay in kabadan 180 qof oo ka tirsan shaqaalaha rayidka ah ee dawladda kuwaas oo kakala yimi Caasimadda iyo dhammaan gobollada kale ee Puntland isla markaana ka faa'iidaysanyey tababarkaan ay dawladdu ugu talo gashay dar-dargelinta shaqada.
Agaasimaha Waaxda shaqaalaha ee Wasaaradda shaqada iyo Shaqaalah Barni Ciise oo munaasabaddii xiritaanka tababarka hadal kajeedisey ayaa bogaadisey barayaashii tababarka oo isugu jirey Soomaali iyo AJaanib kuwaas oo soo diyaariyey casharro muhim u ah shaqaalaha kuwaas oo ka caawin doona hawl maalmeedkooda shoqo.
Maamule kuxigeenka Jaamacada Puntland State Axmed Shire ayaa isagana xusay dedaalkii ay Jaamacaddu ku bixisay qabsoomidda tababarkaan maadama ay iyadu marti-gelineysey tababarka isagoona xusay in Jaamacaddu ay dedaal dheeraad ah u geli doonto sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta shaqaalaha dawladda.
Axmed Diiriye oo ah kusimaha madaxa xiriirka Mashruuca Tayaynta shaqaalaha ee CIP oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada ay tababarkaan u soo qabanqaabiyeen ay ahayd sidii loo heli lahaa shaqaale aqoon dheeraad ah u leh shaqada ay hayaan, kuwaas oo dhaxal rasmi ah u ahaan doona dawladda Puntland.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada Qaybteeda dhallinyarada iyo ciyaaraha Axmed Cabdalla Tigaana oo isagana munaasabadd hadal ka jeediyey ayaa kula dardaarmay dhammaan shaqaalihii uu tababarku usoo xirmay inay ku aqoontii la baray ku dabbakhaan shaqo maalmeedkooda caadiga ah isla markaana ay uga faa'iideeyaan shaqaalaha kale ee aan nasiibka u yeelan tababarkaan.
Ugu dambayn Wasiir ku-xigeenka shaqada iyo shaqaalaha Cabdi Shire Ismaaciil oo munaasabadda soo xiray ku boorriyey shaqaalaha inay isbeddel mugle ka muujinyaan xafiisyada marka ay kulaabtaan isagoona geesta kale u ballan qaaday shaqaalaha dawladda inay heli doonaan tababar dheeraad ah oo gaarsiisan heer Jaamacadeed.
--Dhammaad--
The post Shaqaalaha rayidka ah ee Puntland oo Tababar ugu Xirmay Garoowe appeared first on Puntland Post.

Maamulka gobalka Bari oo ka hadlay weerarkii...

$
0
0


Boosaaso-(Dhegeyso)-Maamulka gobalka Bari ayaa ka warbixiyey qarax ismiidaan ah oo caawa lala eegtay bar koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidan ka tirsan Booliska gobalka Bari.
Gudoomiyaha gobalka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhado oo la hadlay Radio Garoowe ayaa sheegay in qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray uu isku qarxiyey ciidan baaritaan samaynayey.
Hal askari iyo sadex qof oo shacab ah ayaa qaraxa ku dhintay 6 kalana waa ay ku dhaawacmeen sida uu sheegay gudomiye dhado.
Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo oo sii hadlaya ayaa sheegay in laamaha ammaanka gobolka Bari ay sameeyeen baaritaano kala duwan waloow aysan jirin cid lasoo qabtay.
Gudoomiye Dhedo ayaa tilmaamay in weerarkaas ku tuhmayaan kooxaha Argagixisada ee ka dagaallama gudaha Somalia.
Kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ah ee Daacish, ayaa sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa ka dhacay magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari.
Qoraal ay ku baahiyeen baraha internet-ka ayay ku sheegeen in weerarkaas ay fuliyeen dagaalyahanadooda ku sugan gobolka Bari.Halkaan ka dhegeyso Waraysiga.http://www.raxanreeb.com/wp-content/uploads/2017/05/Yuusuf-Maxamed-Wacays-Dhado-.mp3____RBC Radio

Shan Ruux oo ku dhimatay iyo 22 kale oo ku shilal...

$
0
0


Garowe-(RBC Radio)-Shan Ruux ayaa ku dhimatay 22 kalana waa ay ku dhaawacmeen shilal gawaari oo ka dhacay inta dhaxaysa xaaji khayr iyo dangoroyo oo ka kala tirsan gobalka Karkaar iyo Nugaal galinkii danbe maantay.
Baabuurta dhacday ayaa midkood ahaa, Noah halka kan kale uu ahaa baabuur ay lahayd shirkadda Safarrada ee Raaxo.
Labada gaari ee shil galay waxaa ay ka yimaadeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaana ay sideen dad soo xagaa-baxay oo u badnaa dumar iyo caruur sida uu noo sheegay taliyaha ciidanka ilaalada wadooyinka Puntland.
Shilka hore oo ka dhacay gaariga ah Basas ah oo ay leedahay shirgada safarada ee raaxo ayaa waxaa ku dhintay sadex Ruux waxaana sidookale ku dhaawacmay 14 Ruux.
Gaariga Baska ah ayaa shilka galay kadib markii Taayir u baxay sida uu noo xiqiijiyey taliyaha ciidanka wadooyinka Puntland.
Gaariga kale oo isna ahaa Noah ayaa waxaa ku dhintay labo haween ah oo labo caruur ah watay waxaana ku dhaawacmay sideed kale sida uu markale noo xaqiijiyey Kornayl Axmed Cabdi Cali.
Dhaawaca iyo maydadka ka dhashay shilka ayaa la gaarsiiyey isbitaalada magaalooyinka Garoowe iyo qardho halkaas oo dadka dhaawaca ah lagu dabiibayo.
Sadexdii bilood ee la soo dhaafay ilaa 6 shil ay gaysteen gawaarida Basaska ah ee isaga kala goosha magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe sida uu sheegay Taliyuhu waxaana uu ku goodiyey in talaabo adag laga qaadi doono.____RBC Radio

Kooxda Daacish oo sheegatay Weerarkii ka dhacay...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Boosaaso (Sh M Network)-Ugu yaraan 3 Ruux ayaa ku dhimatay, 4 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Weerar ismiidaamin ahaa uu ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Weerarkan uu fuliyay nin naftii hore ahaa ayaa waxuu ka dhacay meel u dhow hoteel caan ah oo ku yaalla bartamaha Magaalada, sida uu soo wariyay Xasan Heykal oo ah Wariyaha Idaacadda Shabelle ee Magaalada Boosaaso.
Waxuu sheegay in Ninkii ka dambeeyay weerarkaasi marka hore laga shakiyay markii lagu amaray in uu istaagana uu halkaasi iska qarxiyay.
Dhinaca kale, Kooxda Daacish ayaa dhabarka u ridatay mas'uuliyada Weerarkaasi ka dhacay Magaalada Boosaaso.
Qoraal ka soo baxay Ururka ayaa lagu sheegay in mid ka mid ah Dagaal yahanadooda uu ka dambeeyay Weerarkii ismiidaaminta ahaa.
Sikastaba, Ciidamada militariga ee Maamulka Puntland ayaa Degaano ka tirsan Gobolka Bari waxey dhawaan kula dagaalameen Xubno daacad u ah Kooxda Daacish.
Sawirada waxaa soo qaaday Wariye Xasan Heykal
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live