Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Xamaas oo dishay rag “la shaqeeyay Israa’iil”

$
0
0

Ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta ayaa dilay saddex nin, oo uu ku eedeeyay in ayaga oo Isra'iil u shaqeynaya ay marinka Qaza ku khaarajiyeen mid ka mid ah taliyayaasha ururkaasi.
Laba ka mid ah raggaasi ayaa la daldalay, halka ninka saddexaadna la toogtay, waxaan dilalkaasi daawanayay boqolaal qof oo ay ku jiraan weriyayaal.
Nin ka mid ah raggaasi yaa lagu helay in uu dilay Mazen Fuqaha, halka labada kalana la sheegay in ay ku lug lahaayeen dilka taliyahaasi milateri.
Ragga la dilay ayaa dhammaantood lagu eedeeyay in ay u shaqeynayeen Israa'iil.
Xamaas ayaa la fajacday dilka taliyahaasi oo bishii Maarso ka dhacay meel u dhaw gurigiisa, waxaana tan iyo markaasi ay xannibtay dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta doonaya in ay ka baxaan Qaza.
Hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ugu baaqay Xamaas in aanay dilin raggaasi, laba todobaad ka dib markii uu ururkaasi shaaciyay qabashadooda iyo muuqaal muujiyana ayagoo sida la sheegay qiranaya dembigaasi.


DAAWO SAWIRRADA: Taliyaha ciidanka booliska iyo...

$
0
0

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, sareeyaal ka tirsan ciidanka , jiilka cusub ciidanka booliska ayaa maanta si garbo siman waxa ay ka sameeyeen banaanka horre xarunta tababarka ciidanka booliska Soomaaliyeed howlo nadaafadeed . Sareeyo Guuto Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in muhiim tahay in laga shaqeeyo nadaafadda dalka , booliskuna ka qeyb qaadanayaan sidii loo nadiifin lahaa dalka, Maadaama ay nadaafadu qeyb ka tahay iimaanka . Waxaa la arkayey Taliyaha iyo Sareeyaasha oo sameynaya ololaha nadaafadeed, taasi oo qeyb ka ah dadaalka ay dowladdu ugu jirto sidi dib loo soo celin lahaa bilicdii ay lahayd caasimadda dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayay...

$
0
0

Waxaa goordhow Dalka dib ugu soo laabtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo wafdigii wasiirrada ahaa ee uu hor kacayay. Madaxweynaha ayaa intii uu Dalka ka maqnaa wuxuu booqashooyin kala duwan ku kala bixiyay Waddamada Jabuuti, Sacuudi Carabiya iyo Qatar. Mudane Farmaajo ayaa Dalka Jabuuti kula kulmay dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xaaladda Gobolka iyo sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha ammaanka iyo la dagaallanka Argagixisada. Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Waddanka Sacuudiga kaga qayb galay shirkii Madaxda Dalalka Islaamka iyo Maraykanka, wuxuuna halkaasi kulan kula yeeshay Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump, iyagoo ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta dagaalka ka dhanka ah xagjiriinta hubeysan ee Soomaaliya. Farmaajo iyo wafdigiisa Wasiirrada ah ayaa Lugtoodii ugu dambaysay kusoo maray Waddanka Qatar, iyagoo kulamo la soo qaatay Amiirka Dalkaasi Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani iyo Wasiirro ka mid ah xukuumadda Doxa.

Rwanda oo ka furmay shir loogo hadlayo isku socodka...

$
0
0

Waxaa magaalada Kigali ee Caasimadda Dalka Rwanda ka furmay wajiga labaad ee Shirka dhamaystirka Hab-maamuuska Qabyo qoraalka isku socodka xorta ah ee Dadyoowga Africa (free movement of person in Africa). Shirkan ayaa wajigiisa labaad waxaa kaalinta ugu muhiimsan iska lahaa Hay'addaha Socdaalka Afrika ( Immigrations of Africa ) madama arrimaha laga hadlayo ay yihiin shaqooyinka Hay'addaha Socdaalka. Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya waxaa shirkaas uga qeybgalay quburo Soomaali ah oo ka tirsan Hay'adda, kuna taqasuusay shirciyada iyo hababka socdaalada dunida. Hadafka ugu dambeeya ee laga leeyahay qabyo qoraalkan isku socdka xorta ah ee dadyowga Afrika ayaa ah in dhamaan dalalka Afrika ay isku gudbi karaan, iyadoo aysan jirin wax fiiso ah ama dal-ku gal ah ee lagu soo galayo dalalka Afrika.

Maxkamadda sare ee Soomaaliya oo laashay 8 xubnood...

$
0
0

Maxkamadda sare ee dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa laashay 8 xubnood oo ka tirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka , waxayna amartay in dib loogu noqdo doorashada xubnahaas.
Qoraal ka soo bxay Maxkamadda sare ee Soomaaliya, kuna taariikheysan 16-kii bishan May ayaa Maxkamaddu ku sheegtay in dacwad socotay in ka badan 5 bilood ay baabi'isay go'aankii xubnaha Madasha Qaran iyo Guddiga Hirgalinta Doorashada Federaalka ee lagu fasaxay 8 xubnood oo ka maid ahaa 11-kii xubnood ee Guddiga xalinta khilaafaadka horey u laalleen.
Maxkamada sare ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in ay taageertay go'aankii hore ee Guddiga xalinta khilaafaadka ee ahaa in xubnahaas la laalo, isla markaana dib loo galo doorasho cusub.Xubnaha ay Maxkamaddu sheegtay in ay laashay ayaa kala ah.

  1. Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir
  2. Maxamed Saciid Cabdullahi
  3. Maxamed Axmed Abdtidoon
  4. Nadif Aadan Isaaq
  5. Muna Khalif Sheekh Abu
  6. Cabdicasis Salax Carmaan
  7. Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale
  8. Samra Ibrahim Cumar

Dadka Maxkamadda usoo gudbiyey dacwadan ee ku dooday 8-da xubnood ayaa kala ah.

  1. Muumino Sheekh Cumar
  2. Aadan Maxamed Cali
  3. Khaalid Cumar Cali
  4. Maxamed Mukhtar Ibrahim
  5. Boqor Cabdullahi Axmed Cali
  6. Malaaq Sidow Maadow
  7. Ibrahim Saalax Dayfullah
  8. Caasho Xaaji Cilmi.

Lama oga go'aanka Maxkamadda sare ee Soomaaliya sida uu ku hirgali doono.Hooska Akhriso qoraalka Maxkamadda sare ee Soomaaliya ka soo baxay.
Liban Yusuf PUNTLAND POST
The post Maxkamadda sare ee Soomaaliya oo laashay 8 xubnood oo ka tirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka - Akhriso appeared first on Puntland Post.

Madaxweyne Farmaajo “Kobaca dhaqaalaha waxa uu ku...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa wareysi uu siiyay Wargeyska Sharqul Awsad, ee kasoo baxa Magaalada London, waxa uu kaga hadlay Arrimaha Soomaaliya oo ay ka mid tahay dagaallada ka dhanka Kooxaha Argagixisada. Madaxweynaha ayaa sheegay in iyada oo laga adkaado Kooxaha Al Shabaab iyo Daacish ay wadada u xaareyso kobaca dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo in Dalka lagu soo dabaalo xasilooni. Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa carabka ku dhuftay in uu dhaxlay Dal xaaladiisa ammni, tan siyaasadeed iyo dhaqaale ay adag tahay, Isaga oo intaasi ku daray in Dowladdu ay ka shaqeeneyso sidii Dalka looga qaadi lahaa cunaqabateynta Hubka. Waxa uu sheegay in hadda ay Ciidamada Dowladda iyo Shabaab ay ka siman yihiin awoodda dhinaca Hubka, waxaana uu xusay in cunaqabateynta oo la qaado ay sahleyso dib u dhiska Ciidamada iyo qalabeyntooda. Madaxweynaha ayaa amaanay doorka Dowladda Sacuudiga ay ka qaadaneyso arrimaha Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay ka wada hadleen ladagaalanka argagixisada, dib u dhiska Ciidamada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo kabida Miisaaniyada Dowladda. Sidoo kale Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku sheegay Wareysiga, in Sacuudiga uu door weyn ka qaatay gurmadka dedeg ah ee Abaaraha ku dhuftay Soomaaliya Madaxweyhaha ayaa sheegay in uu u arko, Soomaaliya in ay [...]

Dowladda oo furtay mashruuc hal milyan oo qof lagu...

$
0
0

Mashruucan afurinta ee bisha Ramadaan waxaa ka soo qayb galay Wasiirada Warfaafinta, Awqaafta, Gargaarta iyo qaar ka mid ah Hay'adaha deeq bixiyeyaasha ah. Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo mashruuca ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay mudnaanta siinayo shacabka dhibaateysan sidii loo afurin lahaa. "Dowladda waxay mudnaanta koowaad siinaysaa shacabka, maadaama dowladdu ay tahay dowladii shacabka, waxaana diyaar u nahay in shacabka aan ka fekerno horumarkooda iyo sidii ay kaalmo u heli lahaayeen"ayuu yiri Eng, Yariisow. Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dr Iimaan Cabdulaahi Cali ayaa u mahadceliyay hay'adaha gargaarta sida deg dega ah ay ugu soo gurmadeen shacabka Soomaaliyeed. "Hay'adaha Gargaarka ayaan uga mahadcelinayaa sida ay uga soo jawaabeen baaqii dowladda Soomaaliya ee ahaa u gurmashada dadka tabaaleysan ee ay abaartu saameysay" ayuu yiri Wasiirka Diinta Dr Iimaan. Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Drs Maryan Qaasim Axmed ayaa gabagabadii waxa ay sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay in laga soo wada qeyb galo daahfurka afurka hal milyan oo qof oo Soomaaliya. "Waxaan ku faraxsanahay afurinta Shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho iyo Gobollada dalka, waxaana uga mahadcelinayaa Hay'adda O,I,C, oo baaqii Wasaaradda ka soo jawaabtay" ayay tiri Drs Maryan Qaasim. Wasiirka Wasaarada Gargaarka [...]

Maxkamadda Sare ee dalka oo laashay Doorashada 8...

$
0
0

MUQDISHO(RBC RADIO)Maxkamadda Sare ee dalka ayaa soo saartay Amar ay ku laashay 8 kamid ah Kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,waxayna amartay in dib loo qabto Doorashadooda.
Waraaq kasoo baxday Maxkamadda Sare ee dalka ayaa waxaa lagu laalay 8 Kursi oo ka mid ah Aqalka Hoose,8 Kursi ee ay Doorashadooda laashay Maxkamadda Sare ayaa kamid ahaa 11 Kursi oo Doorashooda ay laaleen Guddigii Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka,Balse Kuraastan ayaa waxaa dib u fasaxay Madashii Hogaamiyayaasha Watashiga Qaran ee Soomaaliya.
Maxkamdda Sare ee dalka ayaa sheegtay iney taageerayso go'aankii Guddiga Xalinta Khilaafaadka,Maxkamadda ayaa amartay in la qabto Doorashada Kuraasta ay haatan ku fadhiyaan Xildhibaanada kala ah.
1. Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir
2. Maxamed Saciid Cabdullahi
3. Maxamed Axmed Abdtidoon
4. Nadif Aadan Isaaq
5. Muna Khalif Sheekh Abu
6. Cabdicasis Salax Carmaan
7. Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale
8. Samra Ibrahim Cumar
Dadka Maxkamadda usoo gudbiyey dacwadan ee ku dooday kuraasta sideedda ah ee maxkamadda ay amartay in dib loogu tartamao ayaa kala ah:
1. Muumino Sheekh Cumar
2. Aadan Maxamed Cali
3. Khaalid Cumar Cali
4. Maxamed Mukhtar Ibrahim
5. Boqor Cabdullahi Axmed Cali
6. Malaaq Sidow Maadow
7. Ibrahim Saalax Dayfullah
8. Caasho Xaaji Cilmi
Lama oga sida uu u dhaqan gali doono amarka kasoo baxay Maxkamadda Sare ee dalka,Xildhibaanada la laalay Kuraastooda ayaa kasoo qayb qaatay Doorashadii Gudoonka Baarlamaanka iyo midii Madaxweynaha,waxayna sidoo kale si buuxda uga soo qayb qaateen kala fadhigii Koowaad ee Golaha Shacabka.
RBC RADIO


Garowe: Eng. Camey oo ka gudoomey Xubno ka tirsan...

$
0
0

Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey oo maanta 26 May 2017 qado sharaf ugu sameeyey magaalada Garoowe gaar haan hotel Jubba Afar xubnood oo ka tirsan guddiga gurmadka abaaraha dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa kaga gudoomey guddigaasi lacag dhan $200,000, taas oo loogu tala galay in lagu taakuleeyo shacabka wax yeeladu ka soo gaadhey abaartii darnayd ee ka jirtey dhammaan giyiga Soomaaliya.
Kulankan qado sharafta ah ayaa waxaa madaxweynaha kuwehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland xubno ka tirsan guddiga abaaraha Puntland oo uu gudoomiye ka yahay Madaxweyne kuxigeenka,iyo masuuliyiin katirsan Madaxtooyada dawladda Puntlland.
Kusimaha Madaxweynaha ahna guddoomiyaha gudiga abaaraha Puntland ayaa ugu horayn masuuliyiinta ka tirsan guddiga gurmadka abaaraha Dawladda Fadaraalka Soomaaliya kusoo dhoweeyey Puntland waxaana uu si rasmi ah uga gudoomey lacag dhan $200,000 oo dollarka maraykanka ah, waxaana uu sheegay in Puntland iminka ku hawlan tahay sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen degaanadoodii dadka reer guuraaga ah ee kusoo hayaamay degaanada Puntland xiligii abaarta, lacagtan qayb kamid ahina ay ku baxayso iyaga sidii loogu rumayn lahaa riyadooda ah in dib looguryo celiyo.'' Abaartii dhacday hadda ''Mideeya'' ayay hayd ama ''sima'' maalintii dhoweyd ee aan Qardho ka daahfuray dib u soo celinta dadka reer guuraaga ah waxaanu isugu nimi Galmudug, Soomaaliland, Dawladda degaanka Soomalida Ethiopia, iyo goboladda dhexe oo intuba doonaya in ay dib ugu noqdaan degaanadoodii, in ka badan 649 qoys ayaa lasoo raray, waxaa ka qayb galay 180 gaadhi oo cago badan u badan, ummada Soomaliyeedna waa ka mahad naqday arrinkaasi waana siiwadaynaa, waxaan hubaa in lacagtan qayb kamida ugu yaraan $20,000 ay ku baxayso shidaal waayo culayska naga haysta soo rarida dadkaasi ayaa sidaasi ah, $180,000 kuna wuxuu kubixi donaa quudin'' ayuu yiri madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland.
Batuulo Gabale oo ah hurmuudka xubnahan guddiga baaraha Dawladda Fadaraalka Soomaaliya ee Soo gaadhay Puntland ayaa sheegtay in guddiga qaranka iyo dawladda Fadaraalka Soomaaliya ay ogsoon yihiin culayska saaran Puntland madaama ay tahay meesha keliya ee ay isugu yimaadeen ummaad Soomaliyeed, waxaana ay sheegtay in lacagtani ay katimid shacab Soomaliyeed oo gartay inay ka qayb qaataan gurmadka loo fidinaayo dadka walaalahooda ah ee abaartu wax yeelaysa,y isla markaana ay guddiga abaaraha DFS si siman u qaybiyeen.-DHAMMAAD--XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADDA DAWLADDA PUNTLAND.
The post Garowe: Eng. Camey oo ka gudoomey Xubno ka tirsan Guddiga Abaaraha DFS lacag dhan $200,000 appeared first on Puntland Post.

Guulaha Muhiimka ah ee Saxafarada Madaxweynaha ...

$
0
0

Intii aan xilka Wasiirnimo hayay waxaan u dhoofay safarro shaqo oo dhowr ah. Marka laga reebo shir ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Afrika ay isugu yimaadeen oo aan uga qeyb galay magaalada Kigali ee dalka Rwanda, waxay safarradeydu ahaayeen qaar aan Madaxweynaha u raacay safarro shaqo iyo Booqasho Qaran oo uu ku tegey dalal dhowr ah.
Waxaan tagnay Abu Dhabi, Ankara iyo Antalya oo ah dalka Turkiga, Addis Ababa, London, Riyadh, Djibouti iyo Dooxa.
Waxaa ka horreeyay safar uu Madaxweynuhu ku tegey Nairobi ka hor inta aan la ansixin Xukuumadda.
Waxaan qormadan ku soo bandhigayaa faahfaahin ku saabsan ujeeddada safaraddaas, sababta keentay in uu Madaxweynuhu baxo intii ay Wasiirro bixi lahaayeen, waxa hadda ku soo beegay iyo kharashka ku baxay inta uu le'eg yahay.Maxaa kallifay Safarradan?
Laga billaabo markii lagu dhawaaqay natiijada doorashadii 8-da Febraayo, Dadweynaha Soomaaliyeed waxaa ay kalsooni weyn u muujiyeen Hoggaanka dalka. Sidoo kale waxaa aad loo soo dhoweeyay magacaabidda Ra'iisal Wasaaraha iyo dhismaha Xukuumadda. Waxayna dadweynaha Soomaaliyeed ka dhowrayaan waxqabad la taaban karo. Kaas oo u baahan dadaal iyo xiriir wanaagsa oo lala yeesho dalalka u heelan Soomaaliya.
Haddana marka ay Madaxweynaha, Ra'iisal Wasaaraha iyo Golaha Wasiirradu xilka ay la wareegeen laguma wareejin maaliyad ay ku shaqeeyaan. Meelaha qaar waxaaba lagu wareejiyay deymo iyo qaansheegad.
Dhinaca kale, Taageerada dadweynaha waxay iyaduna dhiirri gelin u noqotay dowladaha aan saaaxiibka nahay oo waxay gelisay yididdiilo hor leh in ay Soomaaliya horumar ku tallaabsan karto maaddaama ay dhalatay Dowlad haysata shacbiyad xoog leh.
Markaas waxaa khasab noqotay in Hoggaanka Sare ee dalku uu booqdo dalalkaas si Madaxdooda loogu fasiro isbeddelka dalka ka dhacay, siyaasadda dowladda iyo fursadda ay Dowladdu u haysato in ay nabadgelyada sugto, shaqo u abuurto dhallinyarada, korna u qaaddo dhaqaalaha dalka.Maxaa Madaxweynuhu u safrayaa miyaan Wasiirradu qaban karin howsha?
Booqashada Madaxweyne waxay leedahay maqaam iyo muhiimad ka sarreysa midda Wasiirrada. Madaxweyne waxaa qaabbila oo uu wadahadal la yeeshaa hadba mas'uulka ugu sarreeya dalka uu booqanayo.
Marka ay booqashada Madaxweynuhu irdaha u furto iskaashi iyo wax wadaqabsi oo ay labada Hoggaamiye ay is fahmaan ayay Wasiirradu halkaas ka sii amba qaadaan meelmarinta iyo ka miro dhalinta mashaariicda la isla meeldhigay.
Mida kale, mar kasta oo uu safrayo Madaxweynuhu waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiirro wadahadal faahfaahsan la yeesha dhiggooda hadba dalka la booqanayo.
Intaa ka dib wixii hirgelin iyo dib u eegid qodobada lagu heshiiyay ah waxaa meelmariya Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Qorsheynta iyo hadba Wasaaradda ay si gooni ah u khuseeyo heshiisku.Maxaa noo qabsoomay?Kenya
Waxaa la isku afgartay la sahlo isu socodka iyo ganacsiga ka dhexeeya labada dal. Waxaa la isla gartay in la joojiyo dhaqankii ahaa in dullimaadyada ka yimaada Soomaaliya loo weeciyo Wajeer, taas oo hirgashay noqotayna mid si weyn u sahashay isu socodka. Waxaa kale oo la isla gaaray in baasabboorrada diblomaasiyiinta, madaxda iyo shaqaalaha Dowladdu ay fiisada ka qaataan marka ay yimaadaan Nairobi.
Waxay Kenya ballanqaadday in ay deeqa waxbarasho iyo tababbarro ay u fidiso 200 oo Macallin, 200 oo Kalkaaliyayaal caafimaad ah iyo 100 shaqaalaha Dowladda ah.Ethiopia
Dowladda Ethiopia waxaan u wadahadalnay si saraaxi ah oo saaxiibtinnimo dhow ah. Waxaan Ethiopia isku afgarannay in aan iska kaashanno danaha labada dal annaga oo ku shaqeyneyna is-ixtiraam iyo is-qaddarim siman.
Waxaa lagu heshiiyay wadashaqeyn dhow oo xagga amniga, socdaalka, ganacsiga xuduudaha isaga gudba iyo dhinacyo kale.
Waxaa la isku afgartay in guddi farsamo loo saaro biyaha webiga Shabeelle iyo in la dhiso gudiga xuduudaha labada dal ay wadaagaan si looga baaqsado dhibaatooyin xagga amniga ah oo ka dhaca degaannada la teedsan soohdinta iyo si loo unko rugo hor leh oo soohdinta ku yaalla oo dal-ku-gal laga qaadan karo si marka loo baahdo looga tallaabi karo soohdinta si sharci ah.
Ethiopia waxay ku deeqday deeq Waxbarasho oo 500 oo arday oo Soomaali ah ay u fidineyso waxbarasho Jaamacadeed oo isugu jirta heerarka kala duwan ee Jaamacadda oo ay ka mid tahay shahaaddada ugu sarreysa ee Jaamacad laga qaato.
Waxaa la isku af gartay in la dhiso Guddi heer Wasiir ah oo ka shaqeeya iskaashiga labada dal oo ay hoggaaminayaan Wasiirrada Arrimaha Dibaddu.
Labada dowladood waxay ka wada hadleen dardar gelinta heshiiska suuqa ganacsiga geeska Afrika.Midowga Afrika
Madaxweynuhu intii uu joogay Addis Ababa wuxuu booqday xarunta Midowga Afrika halkaas oo uu wadhadal kula yeeshay Guddoomiyaha oo ay AMISOM hoos tagto.
Madaxweynuhu arrimaha uu la soo qaaday AMISOM waxaa ka mid ah in Xilalka sarsare ee Midowga Afrika loo tixgeliyo murashixiin Soomaaliyeed maaddaama qoondada ay Soomaaliya leedahay aan la buuxin.Djibouti
Waxaa lagu heshiiyay in la iska kaashado arrimaha amniga badaha labada dal iyo sii wadidda tababarada kala duwan ee la siiyo booliska Soomaaliyeed gaar ahaan dembi baarista iyo nidaamka casriga ah ee booliska dunida u shaqeeyo.
Intii aan joognay Djibouti waxaan ka qeyb galnay xafladda furitaanka Dekedda Doraleh ee Jamhuriyadda Djibouti. Waxaa xusuus mudan in dekedda oo ay wadajir u dhagaxdhigeen Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra'iisal Wasaare Saacid Shirdoon markii uu xilka hayay ay hadda wadajir u fureen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada Wasiir ee Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Djibouti ayaa loo xilsaaray ka miro dhalinta is afgaradka la gaaray, daba-galka heshiisyadii hore iyo curinta heshiisyo hor leh oo ay iska kaashadaan labada Dal ee walaalaha ah.Turkey
Labada dal waxaa ka dhexeeya xiriir dhow iyo iskaashi xagga mashaariicda horumarinta ah. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay in xiirri ganacsi uu dhex maro iyo in Soomaaliya loo ogolaado waxyaabaha dalka laga soo saaro in ay u dhoofiso dalka Turkiga. Waxaa kale oo laga wada hadlay arrimaha waxbarshada gaar ahaan ardayda waxbarata dalka Turkiga iyo aqoonsiga Jaamadaha Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa balan qaaday inay samanayso goob ganacsi xor ah si ganacsatada Turkigu u maalgashadaan Soomaaliya.
Turkigu wuxuu ballanqaaday mashaariic ah xagga Beeraha, ka hortagga fatahaadda webiyada, dhismaha kannaallo cusub, waraabka beeraha iyo cilmi baaris abaaraha soo noqnoqda iyo sidii looga gaashaaman lahaa.Qadar
Dowladda Qadar waxay ballanqaadday in ay gacan kabto miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya. Waxay ku deeqday in ay gacan naga siiso barnaamijyo xagga caafimaadka iyo waxbarashadu ay ka mid yihiin.
Doha oo aan saaka ka soo ambaxnay intii aan joogay wuxuu Madaxweynuhu xalay kula hadlay, su'aalahoodana uga jawaabay, talooyinna uu ka dhegeystay dhowr boqol oo Soomaali ah oo ka tirsan Jaaliyadda Soomaalida ee Qadar.Sucuudiga
Wuxuuna soo dhoweeyay mabda' ahaan in uu gacan ka geysto mashaariic horumarineed oo ay ku jiraan dhismaha kaabayaal dhaqaale iyo in uu maalgeliyo mashaariic shaqo u abuurta kumanyaal Soomaali ah.
Sidoo kale waxaan Sucuudiga isku afgarannay iskaashi xagga amniga, xag tababbar iyo qalabeyn ciidanka ah.
Mashaariicda ay Boqortooyada Sucuudigu ballanqaadday waxaa ka mid ah dauactirka Waddooyin, dhismaha Airport cusub iyo dib-dhiska dhismayaasha dhowladda mashaariic kale oo ay ka wadahadli doonaan guddi labada dhinac ah.
Dhowaan waxaa socdaal ugu bixi doona dalka Sucuudiga wafdi ka kooban Wasiirro iyo xirfadlayaal si ay isula gorfeeyaan mashaariicda uu Sucuudigu maalgelinayo, goobaha ay noqonayaan iyo goorta ay billaabanayaan mashaariicdu.
Amniga xagga tababbarada iyo qalabeynta ciidanka.Imaaraadka Carabta
Waxaa la isla gartay in ay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay tahay lama taabtaan, mas'uulna ay ka tahay Dawladda Federaalka Soomaliya oo arrin kasta oo dalka ku saabsan lagala xaajoonayo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Sidoo kale waxay Dowladda Federaalku ay qirtay in ay dooneyso welibana ay dhiirri gelineyso horumarinta Gobollada iyo Degmooyinka uu dalku ka kooban yahay.
Imaaradka Carabtu wuxuu ballanqaaday in uu gacan ka geysto miisaaniyadda Dowladda iyo in la iska kaashado tababbarka iyo qalabeynta ciidanka Soomaaliyeed.Muxuu le'eg yahay kharashka ku baxay Safarradan?
Marka laga reebo safaradii Nairobi iyo Addis Ababa oo ay Soomaaliya la baxday kharashka dayaaradda oo keli ah, intaas oo safar ee aan galnay iyo intaas oo howl u qabsoontay Qaranka Soomaaliyeed haddana ma jiraan wax kharash ah oo ka baxay khasnadda Dowladda Soomaaliya.
Safarradaas hal dollar ugama bixin Dowladda.
Safarrada aan xusay dhammaantood waxay ahaayeen kuwo dayaarad, hotel, raashin iyo socodka gaadiidka dhulka intaba ay ku deeqeen dalalka aan booqannay.
Safarrada Madaxweynaha iyo wafdigiisu waxay ahaayeen kuwo horseed u noqday iskaashi, isqaddarin iyo wax wada qabsi si-siaman oo uu shacabka Soomaaliyeed u aayi doono.Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yusuf Garaad Cumar

Madaxweyne Farmaajo iyo wafti uu hogaaminayo oo...

$
0
0

MUQDISHO(RBC RADIO)Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafti uu hogaaminayo ayaa Maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro uu kusoo kala bixiyey wadamada Sucuudiga,Qadar iyo Jabuuti.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde si diiran ugu soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Dowladda,Madaxweynaha ayaa dalka Sucuudiga kaga qaybgalay shirkii Wadamada Islaamka iyo Maraykanka ee ka dhacay Magaalada Riyaad.
Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sidoo kale Magaalada Jabuuti kulan muhim ah kula qaatay dhigiisa dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle oo ay kala saxiixdeen heshiisyo dhinacyo badan taabanaya,Wuxuuna intaa kadib u baqoolay Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qadar.
Farmaajo ayaa Dooxa kula kulmay Boqorka dalka Qadar waxayna ka wada hadleen arimo dhowr ah oo ku saabsan Xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Qadar.
RBC RADIO

Daawo: Ururka Dhalinyarada ee Daryeel oo gaadhsiiyay...

$
0
0

Daawo: Ururka Dhalinyarada ee Daryeel oo gaadhsiiyay Dadweynaha degen Tuulooyin hoos yimaad degmada Dilla deeq Raashin Bisha Ramadaan..

Sawirro: Mid kamid ah Beelaha Dega Muqdisho oo...

$
0
0

Waxaa manta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho Siyaasiyiin, Waxgarad ,Aqoonyahano dhalinyaro , iyo haweenka kasoo jeeda Beesha Kabaale Wacbuudhan ee ku abtirsata beel weynta Abgaal, waxa ayna kulankan uga soo horjeedeen cadaalad daro beeshooda lagula kacay.
Kulankan ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana kulankan lagu cadeeyay in Beesha Kabaale kalsoonida kala noqotay Xukuumada Soomaaliya.
Siyaasiyintii iyo waxgaradkii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowlada Federaalka ay cadaalad daro baahsan kula kacday Beesha Kabaale, waa ayna xuseen in dhamaan xilalkii ay ka hayeen dowlada dhaxe laga qaaday ilaa la waayo hal shaqsi oo beeshaasi kasoo jeeda oo xil ka haya dowlada .
Waxa ay sheegeen dhamaan xubnihii kulanka ka hadlay in Cadaalad darada heesata sabab u tahay Xukuumada Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir, waxa ayna cadeeyeen in kalsoonida kala noqdeen dowlada Soomaaliya banaankana ay ka yihiin.
Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo Kulanka ka hadlay ayaa sheegay in aysan qaadan Karin quursiga iyo cadaalada darada beeshiisa lagula kacay, waxa uuna nasiib daro ku tilmamaay in dowlada beegsato beeshiisa ayna dhamaan laga qaado xilalkii ay hayeen sidoo kale loo diiday xilal ay xaq u lahaayeen.
Beesha Kabaale ee ku abtirsata beesha Abgaal ayaa la duudsiiyay xaquuaq badan ay dowlada ku laheed, waxaana cadaalad daradii ugu dambeysay ee beeshaasi lagula kacay ay aheed in halkii Gudoomiye degmo ay ku laheed gobolka Banadair laga qaaday dad kalana lagu qanciyay.
The post Sawirro: Mid kamid ah Beelaha Dega Muqdisho oo Kalsoonida kala noqotay DF appeared first on Warqaad.com.

Dowladda Soomaaliya oo Iclaamisay in Maalinta Berri...

$
0
0

MUQDISHO(RBC RADIO)Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Maalinta Berri ah ay tahay Maalinta Koowaad e Bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Sheekh Maxamed Khayrow Aadan Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arimaha Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Bisha Shacbaan ay ku dhamaatay 30,wuxuuna xusay in sidoo kale Bisha Ramadaan laga arkay dhowr iyo Toban Magaalo oo kuyaalla dalka gudihiisa.
Magaalooyinka laga arkay bilashada Bisha Ramadaan ayaa waxaa kamid ah Gaalkacyo,Galdogob,Xeraale,Cadaado,Jowhar,Beled-Xaawo iyo Gobolka Baay,wuxuuna iclaamiyey in sidaa darteed Maalinta Berri ay tahay Maalinta Koowaad ee Bisha Ramadaan.
Sheekh Maxamed Khayrow ayaa ku booriyey shacabka Soomaaliyeed iney Berri Soomaan isla markaane ay ka faa'iideystaan Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadaan.
RBC RADIO

Jarmalka oo ganaaxaya waalidiinta aan carruurtooda tallaalin

$
0
0

Waalidiinta ku nool Jarmalka ee ku guuldaraysta in ay tallaalaan carruurtooda ayaa waxa ay mutaysan karaan ganaax lacageed oo dhan 2,800 oo dollar.


Jarmalka oo ganaaxaya waalidiinta aan carruurtooda...

$
0
0

Waalidiinta ku nool Jarmalka ee ku guuldaraysta in ay tallaalaan carruurtooda ayaa waxa ay mutaysan karaan ganaax lacageed oo dhan 2,800 oo dollar.
Wasiirka caafimaadka ee dalkaasi, Hermann Grohe, ayaa sheegay in ay tallaabadan muhiim tahay, maadaama ay kordheen kiisaska jadeecadda ee dalkaasi.
Todobaadkan ayaa hooyo saddex dhal ah waxa ay jadeeco ugu dhimatay magaalada Essen.
Dowladda ayaa doonaysa in iskuullada ay soo sheegaan waalidiinta aan carruurtooda tallaalin.
Haseyeeshee Jarmalka ayaan dembi ka dhigin diididda tallaalka, si la mid ah waddanka Talyaaniga.
Sharcigan cusub ayaa la filayaa in uu dhaqangalo bisha soo socota.
Bilowgii sanadkan ilaa bartamihii bishii April, waxaa dalka Jarmalka laga diiwaangeliyay 410 oo kiis oo jadeeco ah, halka guud ahaan sanadkii 2016 waddankaasi lagu arkay 325 kiis.
Dadka qaar ayaa ku doodda in tallaalka jadeecada ee MMR-ka uu keeno xanuunka loo yaqaano autism-ka, eedeyntaasi oo ay khubarada caafimaadka si weyn u beeniyeen.

Dumarkii ugu badnaa oo gudoomiyayaal degmo ka noqday Muqdisho

$
0
0

Taariikhda markii ugu horeysay ayay magaalada Muqdisho yeelatay shan gudoomiye degmo oo haween ah kadib markii todobaadkan la magacaabay afar iyo toban gudoomiye degmo.

Dadweynaha Gaarisa oo ka cabanaya sicir barar Ramadaanka kusoo aaday

$
0
0

Ayadoo ay maanta billaabatay bisha barakaysan ee Ramadhaan, ayaa shacabka ku nool magaalada Gaarisa ee dalka Kenya waxa ay ka cabanayaan qiimaha raashinka, ayadoo weli ay abaar ka taagan tahay deegaanno ka tirsan gobolka waqooyi bari Kenya.

Maxkamadda sare oo laashay 8 kursi baarlamaanka

$
0
0

Kn: Kuraas horey muran looga keeney doorashadooda ayaa markale la laalay kadib markii ay dacwad gudbiyeen dadkii kuraasta horey ugu tartamay.
Maxkamada sare ayaa sheegtay in ay amreyso in dib doorasho cusub loogu tartamo kuraasta ay ku fadhiyaan xildhibaanada kala ah.
1. Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir
2. Maxamed Saciid Cabdullahi
3. Maxamed Axmed Abdtidoon
4. Nadiif Aadan Isaaq
5. Muna Khalif Sheekh Abu
6. Cabdicasis Salax Carmaan
7. Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale
8. Samra Ibrahim Cumar
Dadka maxkamadda u soo gudbiyey dacwadan ee ku dooday kuraasta sideedda ah ee maxkamadda ay amartay in dib loogu tartamao ayaa kala ah:-
1. Muumino Sheekh Cumar
2. Aadan Maxamed Cali
3. Khaalid Cumar Cali
4. Maxamed Mukhtar Ibrahim
5. Boqor Cabdullahi Axmed Cali
6. Malaaq Sidow Maadow
7. Ibrahim Saalax Dayfullah
8. Caasho Xaaji Cilmi
Ma cadda sida go'aankan uu u dhaqan gali doono, waxaana jirta in kuraasta ay maxkamadda laashay ay xildhibaanada ku fadhiya horey uga qeyb galeen doorashadii madaxweyne ee dalka ka dhacday, iyo go'aano ay soo saareen baarlamanka Soomaaliya.

Dawladda oo ku dhawaaqday in bari Ramadhaan tahay

$
0
0

Kn: Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in Radamaan caawa koow yahay, sidda ay shaacisay wasaarrada Diinta iyo Owqaafta.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Kheyroow Aadan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dhalashada bisha Ramadaan caawa la arkay.
"Umadda Soomaaliyeed Hambalyo ayaan leeyahay, wasaaraddu waxaa ay xaqiijisay dhalashada bisha barakeysan ee Ramadaan, Mashaa'iq waaweyn iyo dad lagu kalsoonyahay oo wasaaradda la soo xiriiray ayaa noo sheegay in ay indhahooda ku arkeen bisha, sidaas darteedna caawa Ramadaan uu koow yahay" ayuu yiri sh Kheyroow.
Wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya ayaa ku boorrisay dadweynaha Soomaaliyeed in ay is cafiyaan ayna caawiyaan dadka tabarta daran ee duruufaha adag ee xagga nolosha ku sugan.
Sidoo kale dowladaha dunida Islaamka ayaa iyaguna xaqiijiyay in caawa uu yahay habeenkii koowaad tirsiga bisha barakeysan ee Ramadaan.
KismaayoNews.com

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live