Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Abaalmarin Caalami ah oo la Siiyay Dr.Xaawa Cabdi

$
0
0

Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe iyo labadeeda gabdhood oo Tobonaan sano kasoo shaqeeyey gargaarka Somalia, ayaa ka heshey shahaado Sharafeed mid ka mid ah jaamacadaha ugu sareeyo Caalamka ee ku taalo Mareykanka.


Mashruuc lagu afurinayo dadka danyarta ah oo laga...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Magaalada Baydhabo waxaa laga bilaabay afurinta dadka danta yar ee ku sugan magaalada kuwasoo kasoo barakacay qaybo ka mid ah Gobolka Bay.
Guddoomiye ku-xigeenka taakuleynta Guddi loo xilsaaray afurinta Gobolka Bay ayaa Warbaahinta u sheegay in xarunta ay ahayd mid markii hore lagu xanaaneyn jiray carruurta agoonta ah, haatanna lagu quudiyo dadka ay abaarta saameysay.
"Afur oo ka kooban bariis, timir iyo mushaari ayaan dadka siinaa, qofkiiba waxaa ku soo aadaysa saddex boqol oo garaam bariis ah oo qudaartiisa wata iyo cabitaan, waxaana tani ay ka midtahay mashruuc loogu talagalay in lagu afuriyo dadka danyarta ah"ayuu yiri mid ka mid ah guddiga howshan qaabilsan.
Qaar ka mid ah dadkii ka faa'iideystay afurinta ayaa ka mahadceliyay mashruucan laga hirgeliyay magaalada Baydhabo.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleCiidamada xoogga dalka oo Shabaab ka soo badbaadiyay xoolo ay dhaceen
Next articleQaban qaabada xafladda caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug oo cadaado ka socoto

Ciidamada xoogga dalka oo Shabaab ka soo badbaadiyay...

$
0
0

Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgallo lagu soo badbaadiyay xoolo ay dhaceen maleeshiyadka Al-shabaab ka sameeyay qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud. Jeneraal Axmed Maxamed Tareedishe Taliyaha Guutada 52aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in howlgalka lagu soo badbaadiyay in ka badan 100 neef oo Ari ah, waxaana uu xusay in dadka deegaanka ay kolkii hore Shabaabka ka dileen labo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. "Howlgalka waxaan ka sameynay deegaanka Bood oo aan ka soo dhicinay xoolo ay dadka deegaanka ka dhaceen, sidoo kale ciidamada waxa ay la wareegeen deegaanka Wabxo oo ka mid ah meelaha ay Al-Shabaab dadka ku dhibaateeyaan" ayuu yiri Jeneraal Axmed. Taliyaha Guutada 52aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in maleeshiyaadka ay dileen hal qof oo ka mid ah dadka reer miyiga ah oo ay ka dhaceen xoolaha, waxaana uu intaa ku daray in ay la baxsadeen 100 kale oo neef oo Ari ah, kuwaasi oo iminka ku daba joogaan.

Siddeed ruux oo ku dhimatay toogasho ka dhacday...

$
0
0

Rasaasayn habeennimadii ka dhacay gobolka Mississippi ee dalka Maraykanka ayaa horseeday in ay ku nafwaayaan siddeed ruux oo uu ka mid yahay taliye ku xigeenka deegaankaas, sida uu booliisku sheegay.
Toogashada ayaa ka dhacday saddex goobood oo kala duwan oo ka tirsan deegaanka Lincoln County ee koonfurta Mississippi.
Nin laga shakisan yahay oo warbaahinta dalkaasi ay magaciisa ku sheegtay Willie Cory Godbolt ayay booliisku xireen subaxnimadii Axadda.
Masuuliyiintu waxay sheegeen in aysan wali sheegi karin waxa uu salka ku hayo dilkani.
Godbolt soddohdii, labo ruux oo ay qaraabo yihiin iyo William Durr oo taliye xigeen booliis ah ayaa maydkooda laga helay goobta ay rasaasayntii koobaad ka dhacday ee Bogue Chitto, sida ay wararku sheegayaan.
Rasaasaynta labaadna waxay ka dhacday Brookhaven halkaas oo laga helay maydka labo dumar ah oo da'yar, sida ay booliisku sheegeen.
Goobta saddexaad ee ay toogashadu ka dhacdayna waa Bariga Lincoln oo laga helay maydka nin iyo haweenay.

Shacabka Magaalada Cadaado oo ku waa bariistay arrin...

$
0
0

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Cadaado oo Xarun KMG u ah Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay halkaas ay ka socdaan Howlgalo balaaran oo amniga lagu xaqiijinayo waxaana Magaalada lagu arkayaa Ciidamadii ugu badnaa abid.
Dadka Magaalada ayaa ku waa bariistay Ciidamo isugu jira Milateri Boolis iyo Ciidamo Cusub oo gaar ah kuwaas oo laga waday Magaalada Muqdisho si ay u xaqiijiyaan Amaanka Magaalada Cadaado kuwaas oo saakay dadku marqura ay arkeen.
Magaalada Cadaado Maanta waxaa gaaray Wafuud kala duwan oo isugu jirta Madaxda Dowlada Federaalka iyo Masuuliyiin Heer caalami ah oo ka socda Beesha Caalamka.
Waxaana Madaxda ku sii jeeda Magaalada Cadaado ay ka qeyb qaadanayaan Xaflada lagu Caleema Saarayo Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo horey ay u baaqatay Xafladii lagu Caleemo saari lahaa.
The post Shacabka Magaalada Cadaado oo ku waa bariistay arrin aysan fileyn appeared first on Warqaad.com.

Munaasabadda Caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug oo...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Cadaado ( Sh.M.Network)-Waxaa Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud oo Xarun KMG u ah Galmudug ka soconeysa Munaasabadda Caleemo saarka Madaxweynaha Maamulkaas.
Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku sii qul qulaya Wufuud kala duwan oo ka qeyb galeysa Caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug.
Shalay waxaa gaaray Magaalada Cadaado Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya.
Ilo ka tirsan Galmudug ayaa Shabelle u xaqiijiyay in munaasabadda lagu wado in ay ka soo qeyb galaan Madaxweynaha Dowladda dhexe iyo dhammaan Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Puntland oo qaadatay Go’aan ay ku farxeen dhalinyaro...

$
0
0

Maamulka Puntland ayaa dib Xoriyadooda ugu celisay Lix nin oo dhawaan ka soo baxsaday kooxda Daacish kuwaas oo isu soo dhiibay ciidanka Puntland ee ku sugan buuraha galgala.
Dhalinyaradan ayaa markii ay ka soo baxsadeen Daacish Puntland waxaa ay ku xukuntay dil toogasho ah.
Balse Maamulka Puntland ayaa go'aan kaas ka duwan gaartay waxaana ay sheegtay in qof kasta oo isa soo dhiiba la cafinayo isla markaana uu si xor ahu noolaan doono.
Dhalinyarada ka soo baxsatay Daacish ee isu soo dhiibay Puntland ayaa lagu kalamagacaaba:-
Faysal Idiris Cilmi oo ku dhashay Boorame.
Cabdi Salaan Axmed Xaaji Siyaad oo ku dhashay Kuwait
Siciid Cali Bare oo ku dhashay Muqdisho.
Cabdi Xakiin Xusseen Xassan oo ku dhashay Muqdisho
Axmed Maxamuud Axmed oo ku dhashay Hargeysa.
Iyo Isaaq Xusseen Cabdi oo ku dhashay Baydhabo.
The post Puntland oo qaadatay Go'aan ay ku farxeen dhalinyaro Daacish ka so goosatay appeared first on Warqaad.com.

Madaxweynaha Galmudug oo Maanta Cadaado lagu Caleema...

$
0
0

CADAADO(RBC RADIO)Munaasabadda Caleema Saarka Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Duceele Geelle Xaaf ayaa Maanta ka dhacaysa Magaalada Cadaado oo Xarun KMG u ah Maamulka Galmudug.
Madax uu kamid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa la filayaa iney Maanta Cadaado gaaraan si ay kaga qayb galaan Xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Amniga Magaalada Cadaado ayaa si weyn loo adkeeyey,waxaana saaka gudaha Magaalada Cadaado lagu arkayaa Ciidamo dheeraad ah oo xaqiijinaya Amniga guud ee Magaalada Cadaado oo ay Maanta tagayaan Masuuliyiin kala duwan.
Waxaa sidoo kale la rajeynayaa iney Maanta Cadaado gaaraan wafti ka socda Beesha Caalamka oo uu hogaaminayo Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arimaha Soomaaliya Danjire Micheal Keating.
RBC RADIO


Ciidamada Dowladda oo Gobolka Gedo ka bilaabaya...

$
0
0

GEDO(RBC RADIO)Taliska Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Gobolka Gedo ayaa sheegay iney qaadayaan hawlgallo Al-shabaab lagaga saarayo deegaanada iyo Degmooyinka ay kaga sugan yihiin Gobolka Gedo.
G/dhexe Maxamed Caddow Caalin Taliyaha Guutada 9-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya qaybta Gobolka Gedo ayaa sheegay iney diyaariyeen wajigii labaad ee hawlgallo Al-shabaab lagaga saarayo meelaha ay kaga sugan yihiin Gobolka Gedo.
Taliyaha ayaa sheegay in Ciidamada ay dhan walba ka diyaarsan yihiin,wuxuuna tilmaamay iney Ciidamada Soomaaliyeed Maanta marayaan heer lagu faani karo marka loo eego halka laga soo bilaabay aas aaskooda iyo abaabulkooda.
Wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey Taliyaha Guutada 9-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya G/dhexe Maxamed Caddow Caalin iney si wanaagsan u hanan doonaan Amniga Gobolka Gedo isla markaane ay ka saari doonaan guud ahaan Al-shabaabka ku sugan deegaanada qaar ee Gobolka Gedo.
RBC RADIO

Gudoomiye ku xigeenkii Baarlamaankii Carte Axmed...

$
0
0

MUQDISHO(RBC RADIO)Alle ha u naxariistee Axmed Abroone Amiin Gudoomiye ku xigeenkii Baarlamaankii Dowladdii Carte ayaa xalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Marxuum Axmed Abroone Amiin ayaa la sheegay inuu xalay saqdii dhexe kusoo booday Xanuun Kedis ah,Ehaladiisa ayaa xaqiijiyey Geeridiisa,Alle ha u Naxariistee Axmed Abroone ayaa kamid ahaa Gudoomiye ku xigeenadii Baarlamaankii ugu horeeyey ee ay Soomaaliya yeelato tan iyo burburkii dowladii dhexe.
Maanta ayaa lagu wadaa in Marxuumka aas qaran loogu sameeyo Magaalada Muqdisho,Waxaana la filayaa iney aaskiisa ka qayb galaan Madax ka tirsan Golayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya.
RBC RADIO

Madaxweyne Farmaajo oo tagaya Magaaladii 3-aad ee...

$
0
0

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu maanta gaaro Magaaladii 3-aad ee Dalka tan iyo intii loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya 8 February 2017.
Madaxweynaha ayaa Magaalada cadaado uga qeyb galaya Xaflada Caleema Saarka Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf oo lagu casuumay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlada Goboleedyada Dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Horey u booqday Magaalooyinka Baydhabo iyo Afgooye oo ka kala tirsan Gobolada Baay iyo Shabellaha hoose Ee Dowlada Goboleedka Koonfur galbeed.
Madaxweynaha waxaa ku wehlin doona Safarkiisa Cadaado Xubno ka tirsan Xukuumadda iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo iyaguna ka qeyb naqondoona Caleema Saarka Madaxweyne Xaaf.
The post Madaxweyne Farmaajo oo tagaya Magaaladii 3-aad ee Dalka tan iyo Intii la doortay appeared first on Warqaad.com.

Ku dhawaad 5 Ruux oo barakacayaal ah oo lagu Dilay...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Sh M Network)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay rasaas uu askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku furay Dad barakacayaal ah oo rashiin afur ah loogu qeybinayay Degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho.
Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in rasaasta uu furay Askariga ay ku dhinteen ugu yaraan 4 Ruux kuwaasi oo ku sugnaa Waaxda Cumar Fiyaasko ee Degmada Kaxda.
Waxaa uu sidoo kale uu tilmaamay in dhacdadan ay timid kadib markii Askari iyo qaar ka mid ah barakacayaasha uu murun soo kala dhex-galay.
Wararka ayaa sheegaya in Askariga uu isaga baxdsaday goobta.
Shalay ayee aheyd markii Nin hubeysan uu ugu yaraan 3 Ruux ku Dilay Degmada Caabudwaaq, kuwaasi oo ku sugnaa goob rashiin lagu qeybinayay.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Farmaajo : Mooshin looma baahna

$
0
0

Kn: Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadal ka jeediyey xafladii caleemo-saarka madaxweynaha Galmudug Xaaf ayaa markii ugu horeysey soo hadal qaaday mooshin la sheegey in qaar ka mid ah xildhibaanada ay abaabulayeen.
Wuxuu sheegey in 2 sano iyo 4 sano toona ay aad u yartahay in qof madax ah uu wax ku qaban karo , aanan loo baahnayn mooshinada lagala dabo wareegayo madaxda.
Waxa uu tusaale usoo qaatay dalka Jabuuti oo uu sheegey in uu isaga xariga ka jaray deked weyn oo ay ku baxday 400 milyan oo doolar, taasi oo 4 jeer ka weyn dekeda Xamar, "Dekedaasi waxaa dhismaheedii dhagax dhigey Ra'isulwasaare Soomaaliyeed, aniga ayaana hadda xariga ka jaray, mudadii ay dekedaasi dhismeysey dalka waxaa soo maray 4 Ra'isulwasaare, iyagana hal dowlad ayaa u jirtey intaas, waxana ay horumarkaasi ku gaareen xasilooni siyaasadeed" ayuu yiri Farmaajo.
Dhanka kale waxa uu markale balanqaaday in uu la shaqaynayo maamul goboleedyada, isaga oo ugu baaqay madaxweynaha cusub ee Galmudug in uu ka shaqeeyo dib u heshiisiinta iyo fulinta balanqaadyadii uu sameeyey.
Mar uu ka hadlayay waxyaabihii uu kala soo kulmey safarkii Sucuudiga uu ku tagay ayuu sheegey in dawladda Sucuudiga ay usoo saxiixday lacag aanan xad lahayn, taasi oo lagu dhisayo waddooyinka, laguna dayactirayo dhismayaashii dawladda lahayd oo dalka oo dhan ku yaala, isaga oo farta ku fiiqey in maamul goboleed kasta uu ka faa'iideysan doono deeqaha dibada.
KismaayoNews.com

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ka dooday Hindise...

$
0
0

MUQDISHO(RBC RADIO)Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta kulan aan Caadi ahayn ku yeeshay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Kulanka Golaha Wasiirada ayaa waxaa shir Gudoominayey Ra'iisal Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar waxaana looga arinsaday sidii loo dardar galin lahaa Hindise Sharciyeedyada muhimka u ah hawlaha Dowladda Soomaaliya.
Ra'iisal Wasaare Xasan Cali Khayre oo kulanka kusoo biiray intii uu socday ayaa kula dardaarmay Xubnaha Golaha Wasiirada iney dardar galiyaan hawlaha horyaalla ee ay ka sugayaan Shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna ku booriyey iney meel mariyaan Shuruucda muhimka ah si loo horgeeyo Golaha Baarlamaanka.
Waxaana kamid ah Hindise Sharciyeedyada ay ka doodeen Golaha Wasiirada.
1. Isgaarsiinta
2. La Dagaalanka Musuqmaasuqa
3. La-Dagaalanka Argagaxisada
4. Runta & Dib u Heshiisiinta
5. Dawladaha Hoose
6. Dambiyada Kufsiga
7. Muwaadinimada
8. Dadka Baahiyaha Gaarka qaba
9. Kalluumeysiga & Kheyraadka Bada
10. Badda
11. Kheyraadka Biyaha
12. Tamarta
13. Maareynta Maaliyada
14. Istaatiistikada
15. Xeerka Saxaafada
16. Waxbarashada
17. Nidaamka Hay'adaha Samafalka
18. Sharciga Beeraha
19. Gudiga Muftida Culumada
RBC RADIO

Caleemo-Saarkii Xaaf , looma kala harin

$
0
0

Kn: Maanta magaalada yar ee Cadaado ee ku taala bartamaha Soomaaliya waxa ay maanta martigalisey inta badan madaxda Soomaalida kadib xaflad lagu caleemo-saarayay madaxweynaha cusub ee Galmudug.
Xafladda Caleemo saarka madaxweynaha Galmudug waxaa ka hadlay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit oo xafladda ka hadlay waxaa uu sheegay in Muqdisho in Galmudug oo isku dhaw uu diyaarad soo raacay iyada oo wax kale uu ku iman karay, waxaa uu soo jeediyay in wadada la furo si la iskugu socdo, oo badda isu maro.
Mar uu ka halayey Galmudug waxaa uu sheegay "waa halkii ay ka bilaabatay doorashada oo waxaa lagu doortay senatorkii ugu horreeyay Abshir Bukhaari....waxaa uu kula taliyay dib u heshiisnta iyo la dagaalanka burcad badeedda, waxaa uu ugu dambeyntii marti-qaad u fidiyay madaxweynaha Galmudug Xaaf in uu Muqdisho soo booqdo.
Cali Cabdulahi Guud Laawe oo ah madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle waxaa uu sheegay in nabad galyada ay muhiim tahay, waxaa uu wax badan ka hadlay sida ay u dhibaateysan yihiin dadka go'doosan ee ku nool meelaha ay hestaan Al-shabaab, waxaa uu soo jeediyay in in jidadka la furo si dadka u helaan adeegyada ay dadka u baahan yihiin.
Waxaa uu ka hadlay oo kale maqaamka magaalada Muqdisho in uu meel fiican marayo isaga oo madaxweynaha Soomaaliya ku dhiirigeliyay in uu dhameystiro.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Sharif Xasan waxaa uu Xaaf ku sheegay in dhibaatada dad heysta ka war qaba oo dadkiisa yaqaanaan isaga oo ballan-qaaday in uu la shaqeyn doono
Mar uu ka hadlayey nabad-galyada waxaa uu sheegay in dalka Soomaaliyeed ee ku nool deegaannada ay ku jiraan xabsi kor ka furan, waxaa kale uu sheegay in 4tii sano ee hore a la dhisaayey maamul goboleedyo oo hadda loo soo jeesto 4tan sano dhismaha ciidanka.
Ugu dameyntii, waxaa uu Galmudug iyo Puntland kula taliyay in ay sii hoose uga wada hadlaan wixii dhib ah ee jira oo maamullada ay noqdaan kuwa wanaag soo kordhiyo.
Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Jubbland waxaa uu sheegay madaxweynaha Galmudug looga fadhiyo in uu xaliyo khilaafaadka iyo in uu keeno walaalaha Dhuusamareeb isaga oo wax weyn ku tilmaamay in Puntland iyo Galmudug hoolka wada fadhiyaan.
Waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in markii hore gobonnimada ka bilaaban jirtay Mudug laakin hadda Geel booli ah ayey isku laayeen.
Arrinta Galkacyo mar uu ka hadlay Axmed Madoobe waxaa uu sheegay in labada dhinac ka dhaxeyso wax badan loona baahan yahay in ay wada hadlaan.
Dowladda federaalka ah waxaa uu u sheegay in ay wax ka qabato baahida maamul goboleedyada isaga oo ku eedeeyay in indhaheeda arkaan oo keliya Muqdisho "indhahooda Xamar ayey u joogaan..ciidan, shaqaale iyo baarlamaank waa Muqdisho....bal madaxda ha badiso safarrada State-yada...dalka ha isu furnaado" ayaa hadaladiisa ka mid ahaa.
Madaxweynaha Galmudug waxaa uu kula taliyay in uu joogo Cadaado "Cadaado joogitaan ayey kaa rabtaa, ...deyn hore oo badan ayaa laga qabay" ayaa hadaladiisa ka mid ahaa
Mr. Madoobe Waxaa uu soo jeediyay in magaalooyinka la isu furo oo Galkacyo Lug lagu tago oo la soo dhaweeyo nabadda
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas waxaa uu u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Geelle Xaaf, Waxaa uu sheegay Galmudug iyo Puntland uu ka dhaxeeyo Dhalasho Daaqsin, ganacs isaga soo jeediyay in colaadda la joojiyo, tubta nabadda la qaado , xuduudaha la ixtiraamo...ku wada noolaasho nolol.
Mr. Gaas waxaa uu ku dheeraaday nabadda iyo ahmiyadeeda , isaga oo sheegay in dowladda ay kala shaqeyso nabadda gaar ahaa gobollada dhexe waxaa uu leeyahay waxaa ay u baahan yihiin nabad
Waxaa uu madaxweynaha Puntland ugu dambeyn soo jeediyay in la helo Soomaaliya oo Xor ah, federal, dimqoraa, karaamo iyo sharaf badan, oo nabad ah oo is amaan geliso oo nabad kula nool dariskeeda.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf Waxaa uu ka hadlay in uu sameyn doono dib u heshiisiin, weliba gudaha Galmudug iyo daafaheeda uu xal u helayo.
Ahlu Sunna waxaa uu sheegay in ay culimadooda, isaga oo ilaahey ka baryay in uu keeno, waxaa uu sidoo kale dowladda iyo beesha caalamka ugu baaqay in ay caawimaad la soo gaaraan dadka dhibaateysan
Mr. Xaaf Waxaa uu dowladda ka codsaday in laga caawiyo dhismaha maxaabiis, si cadaaladda maamulkaas loo horumariyo, waxaa uu sheegayaa in gobolkaas dhib ku hayaan burcad badeed iyo Shabaab
Ugu dambeyntii waxaa uu dowladda ku wargeliyay dad Soomaali ah oo ku xiran Hindiya isaga oo ballan-qaaday in siyaasad ahaan ay dowladda dhameyso isaga uu diyaarad u diri doono si loo soo qaado.
Kismaayonews.com


Madaxweynaha Galmudug oo maanta lagu caleema saaray...

$
0
0

Waxaa maanta magaalada Cadaado ee xarunta KMG Galmudug ka dhacday xaflad lagu caleema saarayey madaxweynaha cusub ee maamulkaas Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Xaflada waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo, madaxweynayaasha dowlad goboleedada Puntland, Jubbaland, Koonfur galbeed, madaxweyne ku xigeenka Hirshabeellle, guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya iyo wakiilo kale oo ka socday beesha caalamka.
Madaxweyne Farmaajo oo xaflada ka hadlay ayaa ku la dardaarmay madaxda dowlad goboleedada in ay iska ilaa li yaan khilaafka dhexdooda ah, kaas oo uu madaxweynuhu sheegay in ay keento dano shakhsiyeed, sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in ay hadda wixii ka danbeeya u soo jeensanayaa heshiisiinta Galmudug iyo Ahlusunna.
Sidoo kale Madaxda dowlad goboleedada iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xaflada caleemo saarka ka jeediyey hadallo isugu jira soo dhawayn iyo dhiirri galin ay u jeedinayeen madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono midnimada shacabka Galmudug iyo nabadeynta degaanadaasi, sidoo kale waxa uu baaq u diray hay'adaha ka shaqeeya arimah bini'aadanimada oo uu sheegay in ay gargaar la soo gaaraan dadka reer Galmudug ee ay saaamaynta ku yeelatay Abaarihii ka dhacay dalka.
Madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa waxaa hor yaala howlo badan oo ay ka mid yihiin in uu wada hadal la furo maamulka Ahlusuuna ee ka taliya - Galmudug ee Dhuusa mareeb.Liban YusufPUNTLAND POST
The post Madaxweynaha Galmudug oo maanta lagu caleema saaray Cadaado appeared first on Puntland Post.

Soldier kills civilians at a feeding camp in Capital

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
At least four civilians were reported to have been killed, and several wounded in a shooting at a feeding center in Somali capital Mogadishu on Monday.
A witness, speaking on condition of anonymity confirmed to Radio Shabelle that the tragic incident took place after a soldier has opened fire on internally displaced persons in Kahda.
The soldier shot at the IDPs following an undisclosed dispute, according to the witness.
The killer escaped the scene before the arrival of the Police officers, who carried out an investigation into the incident. This was the latest in series of attacks on IDPs in Somalia.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

DAAWO: Safiirka Itoobiya oo Fariin lama filaan ah...

$
0
0

Safiirka dowladda Itoobiya ee Soomaaliya Kamaaludiin oo maanta khudbad ka jeediyay xafladii caleemo saarka ee Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu ka hadlay arimo xasaasi ah.
Safiirka ayaa sheegay iney ka dowlad ahaan la shaqeyn doonaan maamul goboleedka Galmudug iyo madaxweyne Xaaf.
"Madaxweyne waxaan ku ballan qaadaya dowladdayda inaa ka hesho wadashaqeyn, heer federaal iyo heer deegaan"
The post DAAWO: Safiirka Itoobiya oo Fariin lama filaan ah udhiibay Madaxweynaha Galmudug appeared first on Warqaad.com.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Ummadda uga tacsiyadeeyay...

$
0
0

INNAA LILLAAHI WA INAA ILLEYHU RAAJICUUN Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada JFS Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta tacsi u diray shacabka oo ku wajahan geeri ku timid Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Marxuum Axmed Abroone Amiin. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa yiri "Ugu horreyn waxaan shacabka soomaaliyeed iyo gaar ah qoyskii iyo eheladii uga tacsiyeynayaa geeridii ku timid Marxuum Axmed Abroone Amiin oo horey u soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka.""Geeridu waa xaq, waqtigiisa ayaana dhammaaday, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo IIMAAN ka siiyo." Ayuu sii raaciyey Ra'iisul Wasaarahu. Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in Marxuum Axmed Abroone Amiin uu ahaa shaqsi wadani ah, daacad ah oo danta guud marwalba ka horumarin jiray danihiisa gaarka ah.

Dhageyso Qasiidooyin Nebi Ammaan ah

$
0
0
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live