Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Askari katirsan DFS oo Shacab ku dilay Magaaladda...

$
0
0

Askari ka tirsan ciidamada maamulka degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa rasaas ku furay dad masaakiin ah oo raashin bisil loogu qeybinayay degmadaasi.
Wararka laga helayo dadka degaanka ayaa sheegay in askarigan uu ka mid ahaa ilaalada guddoomiyaha Waaxda Cumar Fiyaasko ee degmada Kaxda, isagoo ilaalo ka ahaa goob raashinka loogu qeybiyo dadka abaaraha kasoo barakacay.
Rasaasta ayaa timid markii uu muran dhex maray askariga rasaasta furay iyo dadkii goobta ku sugnaa, waxaana rasaastaasi ku dhintay 2 qof iyadoo 3 kale ay ku dhaawacmeen.
Guddoomiyaha Waaxda Cumar Fiyaasko Md. Zakariye Cabdi Cilmi ayaa la sheegay inuusan waxba ka qaban arrintan, askarigiina uu goobta ka baxsaday, waana markii labaad ee degmada Kaxdan fal noocan oo kale ah uu ka dhaco.
The post Askari katirsan DFS oo Shacab ku dilay Magaaladda Muqdisho & Sababta oo.. appeared first on Warqaad.com.


Tartamaayasha Degmada Shangaani oo caawa u soo...

$
0
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana haatan si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii saddexaad ku tartamay tartameyaasha degmooyinka Shangaani VS Waaberi oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii afaraad oo xiriir ah taabagelineyso Maamulka Gobolka Benaadir. Tartameyaasha labada degmo ee Shangaani VS Waaberi ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su'aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay. Shangaani Tartameyaasha degmada Shangaani ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su'aal, waxaana ay si sax ah uga jawaabeen Hal su'aal, waxaana ay iska qaldeen Lix su'aal, waxa ay si ka faa'iideysi ah u heleen hal su'aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Waaberi, hadaba wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Shangaani ay heleen waxay noqotay afar dhibcood. Waaberi Tartamayaasha Degmada Waaberi waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su'aal, waxaana su'aalihii la weydiiyay ay si sax ah uga jawaabeen Hal su'aal, waxaana ay iska qaldeen Lix su'aal, mana jirin wax ka faa'ideysi ah oo [...]

Madaxweynaha Puntland oo Ka Qayb Galay Xafladda...

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta 29 May 2017 magaalada Caadaado kaga qayb galay xafladda caleemasaarka Madaxweynaha Cusug ee maamul gobolleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).
Sidoo kale xaflada caleemasaarka madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha Dawladda Fadaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda DFS, Madaxda Maamul goboleedyada Jubaland, Koonfur Galbeed, Hiir-shabeele iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir, ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey, Safiirka Midawga Europe, Safiirada dalalka Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya, masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo shacabka magaalada Cadaado.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad muhiima ka jeediyey Xaflada caleemasaarka Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle (Xaaf ) ayaa u hanbalyeeyey madaxweynaha cusub iyo shacabka maamul goboleedka Galmudug xaflada caleema saarka darteed waxaana uu sheegay inuu u rajaynaayo dhammaantood guul iyo horumar waara.''Aad iyo aad baan ugu mahad naqaynaa dad weynaha reer Galmudug, madaxdooda iyo degmada Cadaado soo dhoweyntooda iyo marxabayntooda, sharaf ayay u tahay aniga iyo weftiga inaan soo ajiibno casuumadii aad noo fidiseen ee ah inaan idin kala qayb galno xaflada caleemasaarka Madaxweynaha Cusub ee Maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), waxaana leeyhay Madaxweyne Hanbalyo dadka reer Galmudugna waxaan u rajaynayaa Nabad, guul iyo horumar , anagu hadaanu nahay reer Puntland waxaan maanta dalbaynaa diyaarna u nahay inaanu gacan ka gaysano galmudug, gudaheeda iyo deriskeeda ay nabad iyo horumar kuwada noolaan lahaayeen, sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay malintii la doortay inuu ka shaqaynaayo Nabada Galmudug gudaheeda iyo tan deriskeedaba, hadalkaas aad ayuu noosoo jiitey, waxaan balan qaadaynaa inaan gacan kugu siino hirgelinta balan kaaqdkaasi''ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.'' Puntland iyo Galmudug waxay wadaagaan derisnimo, daaqsin, dhalasho, ganacsi iyo sokeeye nimo,hadaba si intaasi ay u midha dhalaan waxaan u baahanahay maanta laga bilaabo colaada soo noqnoqotay in la joojiyo, runta nabada loodhaqaaqo, xuduudaha sharciga ah ee soo jireenka ahna la ixtiraamo, siyaasiyiinta iyo hogaankuna shacabka u horseedaan kuwada noolaanshaha nabad iyo walaaltinimo''. Ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Sidoo kale Madaxweyna ayaa sheegay in Madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo wefti uu hogaaminayo ay sanadkii 2015 ku yimadeen magaaladda Gaalkacayo booqasho nabadeed taas oo ay u jeedkoodu ahayd debinta colaadii markaasi ka aloosnayd Gaalkacayo, waxaana uu madaxweynu sheegay inay ku guulaysteen dejinta xaaladaasi iyo nabadaynta magaalada Gaalkacayo, sidoo kale waxa uu ugu baaqay maamulka Galmudug khilaafka dhexdooda ka jira inay ku dhameeyaan wadahadal, wax wadaag, walaaltinimo iyo isu tanaasul.
Madaxweynaha oo ka hadlaya baahida gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay'' gobolada dhexe ee soomaaliya waxay u baahan yihiin nabad iyo amni si ay ugu soo jeestaan horumarinta dhaqaalaha degaanadooda iyo kor u qaadista nolosha shacab kooda'' ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Fadaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa dhankiisa u hanbalyeyey Madaxweynaha cusub ee Maamulka Galmudug iyo shacabka maamulkaasi, waxaana uu xusay in dawladda Fadaraalka Soomaaliya ay gacan buuxda siin doonto sidii ay maamulka Galmudug u gaadhi lahaa inuu ku istaago lugihiisa.
Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa sharaxay muhiimada markasta ay Dawladda Puntland u danaynayso dhisida iyo garab istaaga in la helo dawladda nimo Soomaliyeed isla markaana ay hormuud uga noqotay dhisida maamul goboleedyada dalka, waxaana uu ugu danbayntii ugu baaqay DFS iyo maamul goboleedyada dalka in layska kaashado meelna looga soo wada jeesto burcad diimeedka dhibaatada ku haya horumarka Soomaaliya.-DHAMMAAD--XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
The post Madaxweynaha Puntland oo Ka Qayb Galay Xafladda Caleemasaarka Madaxweynaha Cusub Ee Maamul Goboleedka Galmudug. appeared first on Puntland Post.

DAAWO: Madaxweyne Farmaajo & RW Kheyre oo Sameeyay...

DAAWO: Dowladda oo soo bandhigtay Dhaqaalihii ugu...

$
0
0

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in lacag aan caadi aheyn maalin walba ay kasoo xarooto ilaha dhaqaalaha ee magaaladda Muqdisho.
Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Beyle ayaa sameeyay dadaal badan oo lagu dar dar gelinayo dhaqaalaha dowladda, taas oo keentay in maalin walba ay lacag aad ubadan ay qasnadda dowladda kusoo xaroodaan lacagtaas.
Dhaqaalaha ugu badan ayaa dowladda kasoo gala dekadda iyo Airporka magaaladda Muqdisho, halka canshuurta shirkadaha magaaladda ay sidoo kale aad ubadan yihiin.
Dowladda ayaa sheegtay iney ku kalsoon tahay in dhaqaalaha uu gaari doono heer aad usareeya hadii ay sidaan wax kusii socdaanHoos ka daawo Muuqaalka
The post DAAWO: Dowladda oo soo bandhigtay Dhaqaalihii ugu badnaa oo uga soo xarooday Muqdisho appeared first on Warqaad.com.

Waqooyi Bari Kenya: Carro ka Dhalatay Geel la Laayey

$
0
0

Gobolka Somalida ee Waqooyi Bari Kenya waxaa weli ka taagan carada ay dadku ka qaadeen in kabadan 120 neef oo geel ah oo la laayey.

DAAWO: Maamulka P/Land oo War deg deg ah kasoo...

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta 30 May 2017 shir Jaraa'id oo ay ku qabteen magaalada Cadaado waxa ay si wadda jira ugu baqeen shacabka labada dhinac ee magaalada Gaalkacayo inay kawadda shaqeeyaan nabada , horumarka, iyo deris wanaaga.
Kahor shirka Jaraa'id ayaa waxay ay lug ku mushaaxeen wadada halbowlaha ah ee magaalada Cadaado halkaasi oo ay si kalsooni leh gacanta ugu haadiyeen shacabka magaaladaasi, waxaana laga dheehanayey wejiyada shacabka kuwo ay soo jidatay ficilka wanaagsan ee ay ku dhaqaaqeen madaxdoodu.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in shacabka gobolka Mudug ay yihiin dad walaalo ah,isla dhashay, derisa, dhuldaaqsimeed waddale, horumar iyo wadda shaqayn buuxdale, waxaana uu ugu baaqay inay kawadda shaqeeyaansidii ay u ilaashan lahaayeen xasiloonida iyo nabada ay maanta ku naaloonayaan.HOOS KA DAAWO MUUQAALKA HESHIISKA
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa ku baaqay in si degdega loo furo ama loo baneeyo wadooyinka kala xidhan ee magaalada Gaalkacayo si ay ufududaadaan isu socodka dadka walaalaha ah ee wadda degan, waxaana uu sheegay in taasi ay shacabka u horseedayso Isfahan, wadda shaqayn iyo inay dareemaan nasteexada iyo naruurada ay leedahay is garabsiga dadka walaalaha ah.
Dhinaca kale madaxweynaha Puntland ayaa xusay in dhuldaaqsimeedka ka dhexeeya shacabka labada dhinac ee had iyo jeer ka yimaado khilaaf ku ay tahay laga maarmaan in xal laga gaadho,si loo xakameeyo isku dhacyada ka yimaada degaanada daaqsimeedka ah, waxaana uu sidoo kale madaxweynuhu sheegay inay tahay muhiim in gobolka Mudug loo sameeyo ciidan isku dhafa oo ka shaqeeya sugida amniga gobolkaasi.
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa isna dhankiisa baaq nabadeed u diray shacabka gobolka Mudug waxaana uu sheegay in isir ahaan dadka gobolka mudug ay u dhasheen dad dun wanaagsan oo jecel nabada iyo Soomalinimada, isla markaana had iyo jeer ay ku jirto lexejeclo, damqasho Soomaalinimo iyo nabad Jacayl, waxaana uu ugu baaqay inay kawadda shaqeeyaan horumarka iyo nabada si ay ula baratamaan gobolada kale ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa xusay in shacabka gobolka Mudug ay yihiin dad walalo ah oo xigaala, waxaana uu ugu baaqay inay beri ka noqdaan soo noqnoqoshada colaada gobolkooda, taasi oo uu xusay inay kutahay degaanadooda caqabad iyo masiimo aan xal lahayn maadaama ay ku nafwaayayaan muwaadin Soomaliyeed oo muslina.
Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale xoojiyey baaqa Madaxweynaha Puntland ee ahaa isufurka magaalada Gaalkacayo, kaasi oo uu sheegay in uu yahay caqada koowaad ee keentay isfahmi waaga shacabka magaaladaasi, waxaana uu sheegay inay dhankooda ka shaqayn doonaan horumarka magaalada Gaalkacayo.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii balaadhnaa ee Cadaado kaga qayb galay caleemasaarka madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa ugu danbayn maanta gelinkii danbe kusoo laabtay magaalada Garoowe ee - Puntland, waxaana garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.
-DHAMMAAD--
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
The post DAAWO: Maamulka P/Land oo War deg deg ah kasoo saaray Heshiiskii Galmudug & Gaas oo... appeared first on Warqaad.com.

Wasiirka Haweenka oo shaacisay Sababtii ay xilka uga...

$
0
0

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Insaanka xukuumadda Soomaaliya Deeqa Yaasiin Xaaji ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sababta ay xilka uga qaaday agaasimihii guud ee wasaaradaasi C/qani Sheekh Cumar.
Qoraal ay ku soo taxday barteeda twitter-ka ayay ku sheegtay inay wasaaradda ay u baahneyd dib u habeyn lagu sameeyo si loo dardar geliyo shaqada wasaaradda isla markaan wada shaqeyn loola yeesho maamul Goboleedyada.
Ka dib markii aan la wareegey xilka Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaan dib u eegis & u kuurgelid ku sameeyey dokumentigii xil-wareejinta isla markaasna xog-wareysiyo la sameeyey shaqaalaha wasaaradda. Waxaa soo baxday in loo baahan yahay dib u habeyn lagu sameeyo maamulka si loo dardargeliyo howlaha muhiimka ah loo igmaday Wasaaradda.
Sidaas darteed waxaan u magacaabay Mudane Deeq Suleymaan Yuusuf Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka & Horumarinta Xuquuqul Insaanka.
Markaan dib u qiimeyn ku sameeyay howlaha Wasaarada & baahida loo qabo ka mira-dhalinta Qorshaha Qaranka Soomaaliya e ku adan doorkeena.
Baahida loo qabo in si dhow loola shaqeeyo Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada, kor u qaadida tayada Wasaaradaha Federalka iyo tan Dowlad Goboleedyada Inuu xaqiijiyo in Wasaaradeena door muhiim ah ku yeelato fulinta Qorshaha Qaranka Soomaaliya ee 2017 - 2019.
Sidaas darteed Agaasimaha Guud ee Wasaarada H & X I Mudane Deeq Suleymaan Yuusuf, inta aan ka ogahay waa qof aqoon & karti badan leh
Waxaan idiin ballan qaadayaa in hadafka wasaarada uu yahay in la abuuro jawi wadashaqeyn iyo iskaashi ku dhisan.
The post Wasiirka Haweenka oo shaacisay Sababtii ay xilka uga qaaday Agaasimihii Guud [Akhriso] appeared first on Warqaad.com.


DAAWO: Garoonka Muqdisho oo dib u shaqo bilaabay &...

$
0
0

Garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa dib u bilaabay kadib diyaarad ku dhacday saaka.
Diyaaradda oo xayirtay qeyb ka mida Jidka ay diyaaraduhu cararraan ayaa lagu duuleystay inay laag qaado goobta, lagana nadiifiyo haraagii burburka diyaaradda iyadoo dib u loo furay.
Saraakiisha Garoonka ayaa sheegay inuu hadda caadi u shaqeynayo garoonka, waxaana goor dhoweyd ka duushay diyaarad gaara, sidoo kale waxaa la filayaa in diyaarado ku xayirnaa Magaalada Nairobi ay galabta ka soo degaan garoonka.
The post DAAWO: Garoonka Muqdisho oo dib u shaqo bilaabay & Diyaaradii ku dhacay oo... appeared first on Warqaad.com.

Wararkii ugu danbeeyay Ciidamada Howgalka xasilinta...

$
0
0

Faafhaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa iska hor imaadkii ka dhacay Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Iska hor imaadka ayaa dhex maray ciidamada ammaanka Muqdisho iyo ciidamada ku sugnaa suuqa Wadajir oo diiday inay hubka dhigaan markii ay ku amreen ciidamada ammaanka.
Ciidamada ammaanka ayaa rasaas ku furay laab askari ee diiday inay hubka dhigaan, waxayna iyagoo midkooda qabtay, midkii kalena uu baxsaday, waxaana markii danbe laga reebay ciidamada askarigii ay qabteen oo maamulka degmada ay ka daba tageen, waxayse qaareen qorigi uu watay.HOOS KA DHAGAYSO GO'AANKA CIIDAMADA
Xiisad ayaa dhalatay arrintan ayaa keentay in ciidamo gurmad ah ay goobta soo gaaraan iyadoo lagu sigtay in labada ciidan ay isku dhacaan, waxaana la sheegay in saraakiil iyo mas'uuliyiin ay kala dhex galeen.
Rasaasta labada ciidan is weydaarsadeen, waxaana hakad galay ganacsigii iyo isu socodkii Gaadiidka Suuqa weyn ee degmada Wadajir, waxayna xaaladu markii danbe ku soo noqotay caadi.
Wararka qaar ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada ammaanka ee xasilinta Muqdisho dhaawac ka soo gaaray iska hor imaadka.
Ciidamada loo diyaariyay xasilinta magaalada Muqdisho ayaa olole hub ururin ah ka waday magaalada iyadoo isku dhacan uu noqonayo kii ugu horeeyay ee lagala hor yimaado, waxaana hore arrintan uga hor yimid saraakiil iyo hogaamiyeyaal degaan.
The post Wararkii ugu danbeeyay Ciidamada Howgalka xasilinta Muqdisho oo dagaal ku qabsaday Wadajir appeared first on Warqaad.com.

Farmaajo oo Sheegay in Sacuudigu Lacag ugu Deeqay

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dawladda Sucuudiga ay lacag badan ugu yaboohday Soomaaliya.

Farmaajo oo Sheegay in Sacuudigu Lacag ugu Deeqay

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dawladda Sucuudiga ay lacag badan ugu yaboohday Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Guddi & Wal-walkii...

Xidigle Xoogga Dalka Faisa Cabdirashid oo kaalmo...

$
0
0

Xidigle Xoogga Dalka Faisa Cabdirashid Cabdi waxaa ay sanadkii 2016 ka bishii September ku dhaawacantay shil gaari xilli ay ku gudo jirto howlaheeda shaqo. Xidigle Faisa Cabdirashid ayaa maanta isbitaalka Martiini ku booqatay Naafada Xoogga Dalka, iyadoo guddoonsiisay lacago ay afur ka dhigtaan, waxaana ay weydiisatay inay u duceeyaan maadaama ay la xanuunsaneyso dhaawacii ka soo gaaray shilka gaari. Faisa Cabdirashiid ayaa shacabka ka codsatay inay caawiyaan walaalood Naafada xoogga dalka ee ku jira isbitaalka Martini ee magaalada Muqdisho. Afhayeenka Naafada Xoogga Dalka Cabdi Mahad Cali ayaa ugu mahadceliyay booqashada ay maanta Faisa ku tegtay Isbitaalka Martini, isagoo xusay inay aad ugu faraxsanyihiin kaalmada lacageed ee ay soo gaarsiisay maadaama lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan. Tallaabadan ay Faisa sameysay ayaa ah mid u baahan in lagu dhiiri geliyo, maadaama ay gurmad u fisay Naafada Xoogga dalka ee ku nool isbitaalka Martini ee magaalada Muqdisho

FULL VIDEO: Kooxda AlShabaab oo soo bandhigtay Filim...

$
0
0

Kooxda ALShabaab ayaa soo bandhigtay Filim ay ka duubeen dagaalkii ay ku qaadeen deegaanka Kulbiyow oo ay saldhig weyn ku leeyihiin ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Amisom.
Dagaalkaas oo mudo socday ayay AlShabaab sheegeen iney ku dileen ku dhawaad 67 askar oo Kenyan ah halka kuwa kalana ay dhaawacmeen.
Filimkan ay soo bandhigeen AlShabaab ayaa waxaa ka muuqanaya dagaal toos ah, qaraxyo iyo askar nolosha lagu tooganayo.Hoos Ka Daawo Muuqaalka Filimka oo dhan

DEG DEG: Filimka Al-kataa'ib Oo Soo Dhacay (DAAWO)"Lama Soo Dhaweynayo Iyaga, Waxay Galayaan Naarta"Ducada Ha Ka Hilaamin Walaalahaaga Al-Kataa'ib.
Posted by btr lSwmly on Tuesday, May 30, 2017
The post FULL VIDEO: Kooxda AlShabaab oo soo bandhigtay Filim laga duubay Dagaalkii Kulbiyow appeared first on Warqaad.com.


Agaasime Cusub oo loo Magacaabay Madaxtooyada Somalia

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya.

Bangiga Aduunka oo $50 Million ugu deeqay Soomaaliya

$
0
0

Bangiga Aduunka ayaa Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan 50 million oo dollar oo wax looga qabanayo arimaha abaaraha iyo dib u soo celinta dhaqaalaha dalka.
Wasiirka maaliyadda dowlada Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxman Ducaale Beyle oo maanta shir jaraa'id ku qabtay maagaalada Muqdisho ayaa sheegay in shalay oo 30-ka bisha May ahayd warqad uu soo saaray Bangiga Aduunku uu u ogalaaday Soomaalida una ansixiyey lacag dhan 50 million oo dollar oo wax looga qabanayo arimaha abaaraha iyo dib u soo celinta dhaqaalaha.
Sidoo Dr Beyle ayaa sheegay in lacagtaas Soomaaliya loo ogolaaday ay tahay guul wanaagsan ayna ku salaysan tahay wax yaabaha dowladu qabanayso, hab ay u qabanayso iyo sida ay diyaarka ugu tahay in buugaagteeda labaaro oo wax walba la eego.
Dhanka kale Wasiirka ayaa sidoo kale shirka jaraa'id uga hadlay horumarada ay Wasaaradda maaliyaddu samaysay 60-kii cisho ee uu xilka hayey wuxuuna sheegay in mudadii uu joogay xafiiska wax badan uu ka qabtay kordhinta dakhliga taas oo uu sheegay in ay sabab u ahayd isbadal balaaran oo lagu sameeyey shaqaalaha ka howl gala Dekedda iyo Garoonka Adern Cade ee Muqdisho, waxa uuna sheegay in kharashaadka kasoo xarooda gudaha ay ku filan yihiin bixinta mushaharaadka iyo kharashka kale ee dawlada.
Sidoo kale Wasiir Beyle ayaa sharaxaad ka bixiyey lacagaha deynta ah ee lagu leeyahay Soomaaliya, waxa uuna sheegay in dalka Soomaaliya lagu leeyahay lacag dhan 5 billion iyo go'go dollor, wuxuuna sheegay in lacagahaas ay kala leeyihiin Seddex Group oo kala ah paris club, non paris club iyo international bank.
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa intii uu xilka wasaarada hayey waxaa koror laga dareemay dakhliga dowlada.Liban YusufPUNTLAND POST
The post Bangiga Aduunka oo $50 Million ugu deeqay Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Sarkaal Milatari oo Lagu Dilay Muqdisho

$
0
0

Wararka ka imanaya degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa fiidkii toogasho lagu dilay sarkaal ka tirsan qaybta caafimaadka ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Xaalad Deg Deg ah oo Lagu soo Rogay Magaalada Burco

$
0
0

Kulan degdeg ah oo ay maanta yeesheen golaha deegaanka ee magaalada Burco ayey kaaga dhawaaqeen in magaalada Burco la geliyey xaalad deg deg ah.

Xaalad Deg Deg ah oo Lagu soo Rogay Magaalada Burco

$
0
0

Kulan degdeg ah oo ay maanta yeesheen golaha deegaanka ee magaalada Burco ayey kaaga dhawaaqeen in magaalada Burco la geliyey xaalad deg deg ah.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live