Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka oo la kulmay...

$
0
0

Agaasimaha Guud ee Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/Sare Maxamed Aadan Koofi ayaa dalka Belgium kula kulmay maamulka Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahey dalkaasi iyo qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan halkaasi. Agaasimaha ayaa halkaas kulan kula qaatey Safiirka safaaradda, Qumsulka iyo guddi ka socdey bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Belgium. Kulanka ayaa looga hadley adeegga bixinta baasaboorka iyo aqoonsiga oo dhowaan laga bilaabey safaaradda, wuxuuna agaasimuhu kala hadley mas'uuliyiinta safaaradda iyo guddigaba muhiimadda ay leedahay ilaalinta sharciga iyo xeerarka lagu bixiyo baasaboorka iyo aqoonsiga. Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Beljimka ayaa uga mahadceliyey HSJ adeegga ay soo gaarsiiyey oo dhib badan ay u mari jireen helidda baasaboorka iyo aqoonsiga.


Wasaaradda Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda oo...

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay ganacsatada inay maceeshadooda ku soo raraan doomaha yaryar inta lugu jiro bad xiranka.
Ganacsatada ayaa lugu wargeliyay in la gaaray xilligii badxiranka oo la filayo in ay sii hiraan illaa bisha Setembar,isla markaana loo baahan yahay in maraakiibta iyo doonyaha culeyskoodu ka yaryahay ka 1200 MT ilaa 1500mt aysan isticmaalin baddaha maaddama xilliyadan oo kale ay jiraan mowjado iyo dabeeylo xoogan,sida u sheegay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) .
Agaasimaha Guud ayaa ka dalbay ganacsatada in ay ganacsigooda ku soo rartaan maraakiibta waaweyn si iyagoo badqab ah ay u soo gaaraan dekedaha dalka.
__
RBC Radio

Dalka Boqortooyada Sacuudiga oo loo qaaday askar...

$
0
0

Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Axmed Jimcaale Geeddi ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo qabay dhaawacyo kala duwan, kuwaasi oo waxyeelo ka soo gaaray iyaga oo gudanaya waajibaadka loo idmaday, isla markaana xaaladooda caafimaad dalka wax looga qaban waayay ayaa loo qaaday dalka Boqortooyada Sacuudiga. Askarta ayaa lagu qaaday diyaarad qaas ah oo ay Boqortooyada Sacuudiga u soo dirtay Soomaaliya, waxaana uu taliyaha u qeybiyay askarta dhaawacyada qaba ee la qaaday lacago ay ka dhigtaan sahay. Labo ka mid ah askarta qaba dhaawacyada ee loo qaaday dalka Sacuudiga ayaa inta aysan ka dhoofin dalka ka hadlay xaaladooda caafimaad iyo sida ay u arkaan gurmadka caafimaad ee loo sameeyay. Janeraal Libaan Xuseen Madaxa Hogaanka Caafimaadka ee ciidanka Xoogga Dalka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in askartan ay ku soo dhaawacmeen difaaca dalkooda iyo ka hortagga falalka ay argagixisadu ku heyso shacabka. Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaalieed Sareeyo Gaas Axmed Jimcaale Geeddi ayaa sheegay in Taliska ciidanka Xoogga ay ka go'antahay daryeel u fidinta ciidamada ku soo dhaawacma difaaca dalkooda, isagoo uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudiga kaalmada caafimaad ee ay u fidisay. Waa markii labaad tiro ciidan [...]

Ururka al-Shabaab oo fuliyay dilal ka badan kuwa ay...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Kooxda al-Shabaab ayaa fulisay dilalkii iyo weerarradii ugu badnaa marka loo eego kooxaha kale ee argagixisada ah.
Weerarrada iyo dilalka ugu badan kooxdan waxaa ay ka fulisaa Soomaaliya,balse tirakoobka lugu sameeyay dilalka ugu badan ee caalamka oo dhan ka dhacay ee ay fuliyeen kooxaha al-Shabaab,Boko Haram iyo Daacish waxaa la sheegay ururka al-Shabaab inuu fuliyay.
Warbixin laga soo xigtay wargayska Newsweek ayaa lugu sheegay in sannadkii hore gacanta al-Shabab ay ku dhinteen 4,281 halka gacanta Boko Harama ay ku dhinteen 3,499, ururka Daacish-na 2350.
Tirada dadka ee ku dhimanaya gacanta al-Shabaab waxaa loo sababeeyay xukunka kooxda oo kaliya noqday dil,sida u qabo Col Cabdullaahi Cali Macoow oo madaxa Machadka Daraasaadka Amniga iyo Istiraatijiyada oo ku sugan Gobolka North Carolina.
Col Cabdullaahi Macoow,waxaa kalo u sheegay isagoo la hadlayay VOA-da in qeyb weyn ka qaateen tirada sii korartay ee dadka gacantood ay ku dilleen Al-shabaab iyo dagaallada ay la gaallaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyada oo la ogyahay in weeraro helis badan oo ay ku qaadeen sanadkii hore xarumo waaweyn oo AMISOM ay ku lahaayeen Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ku dileen boqolaal ciidamo ah.
Muddo dheer oo toban sanno dhafsiisan ayey al-Shabaab ka dagaallamayaan gudaha Soomaaliya,waxaana weerarrada iyo dilalka ugu badan ay ka fuliyeen caasimadda Muqdisho iyo deegaanno kale oo koonfurta dalka ku yaalla.
__
RBC Radio

Maamulka Gobolka SH/Hoose oo deeq raashin iyo daawo...

$
0
0

Munasabada kooban oo lagu qabtay xarunta Isbitaalka magalada Barawe ayaa waxaa deeq daawo ah lagu wareejiyay mamulka Isbitaalka degmada Baraawe si loogu daweeyo bukanada jiifa isbitaalka degmada, waxana munaasabadda goob joog ka ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Koonfurgalbeed ahna Guddomiyah Guddiga abaaraha Koonfurgalbeed, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Guddomiyaha degmada Barawe, waxaana deeqda daawada ah ka timid Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiiboyinka Xukuumadda Soomaaliya. Guddoomiyaha degmada Baraawe Aadan Cumar ayaa u mahadceliyay Wasaaradda gar gaarka ee dawadaan soo garsisay, isagoo sheegay in deeqdan ay ku soo aaday xilli baahi weyn loo qabay. Agaasimaha isbitalka Degmada Barawe Cabdalla Cabdiraxmaan Nuurani ayaa ka guddomiyay mas'uuliyin deeqda daawada ah, waxaana uu carabka ku adkeeyay in daawada loogu adeegi doono si siman bukaanada isbitaalka ku jirta. Dhanka Kale Deeeq raashin ah oo ka timid Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya ayaa maanta loo qeybiyaay qoysas danyar ah oo gaaraya 750 qoys kuna sugan magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose Goobta lagu qeybinayay rashinka ayaa waxaa ku sugnaaa Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Wasiirka Xanaaanada Xoolaha Koonfurgalbeed ahna Guddoomiyha Guddiga Abaraha Koonfurgalbeed iyo maamulka degmada Baraawe Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Ibraaahim Aadan Cali Najax ayaa u mahadceliyay Wasaradda Gargaarka iyo Maareynta musiiboyinka ee deeqdan soo garsiyay dadka ay abaartu saameysay, [...]

DHAGEYSO: Milkiile Gaarigiisa Waxyaabaha qarxa lagu...

$
0
0

Ganacsade Xaaji Cali Macow oo ah milkiilaha gaariga dhowaan ay ciidamada Puntland ku qabteen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaasi oo laga dhex helay walxaha qarxa ayaa sheegay in isagu aanu wax shaqo ah ku lahayn arrintaasi, dalbadayna in loo soo celiyo gaarigiisa.
Waxa uu sheegay Xaaji Cali in lagu qalday gaarigan walxaha qarxa oo qudaar ahaan loo saaray, wuxuuna dhanka kale sheegay in marnaba isaga iyo gaarigiisa dambiile noqon karin, xitaa darwalka waa sida uu hadalka u dhigaye.
Maamulka Puntland ayuu ka codsaday Xaaji Cali in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dib ugu soo celiyaan gaarigiisa.
"Dambi la'aan xoolo dad leeyahay laguma qaadan karo, waxaan codsanayaa in gaarigeyga dib la iigu soo celiyo sababtoo ah waa lagu qiyaanay waxa la saaray, in umad la dhibaateeyana anigaaba raali ka ahayn" ayuu yiri Xaaji Cali.
Maamulka Puntland ayaa sheegay iney la wareegeen gaarigan lagu qabtay walxaha qarxa, sidoo kalena ay cadaaladda horgeyn doonaan raggii wadey gaarigaasi.HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO
http://www.warqaadcom.com/wp-content/uploads/2017/06/milkiiiiilaha.mp3
The post DHAGEYSO: Milkiile Gaarigiisa Waxyaabaha qarxa lagu qabtay oo hadal aan fileyn sheegay appeared first on Warqaad.com.

K/Afrika: Mas'uul shaqada looga joojiyay ra'yi ku aaddan gumeystihii

$
0
0

Xisbiga ugu weyn mucaaradka dalka Koonfur Afrika, Democratic Alliance, ayaa shaqada ka joojiyay hogaamiyihiisii hore, Helen Zille, kaddib markii ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay in gumaystihii aanu u xumayn sida loo tilmaamo.

Abaabul xoog leh oo Muqdisho ka socda iyo Beri oo la...

$
0
0

Abaabul iyo Diyaar garow xooggan ayaa loogu jira banaan bax weyn oo lagu taageerayo boqolka maalmood ee Madaxweyne Farmaajo, kaasoo lagu wado inuu berri ka dhaco Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Stadium ee degmad C/casiis.
Banaan baxan ayaa noqonaya kii u horeeyay noociisa oo lagu muujinayo taageerada dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo oo dhameysatay boqol maaalmood.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada diyaar garowga ugu weyn qaban qaabada munaasabada, iyadoo lagu wado in kumanaan dadweyne oo laga keeno degmooyinka ay ka qeyb galaan banaan baxa.
Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu wargeliyay in degmadiiba ay ka keenaan illaa 1,000 dadweyne oo ka qeyb qaata banaan baxa.
Inkastoo maalin Ramadaan tahay, hadana waxay dadweynaha saacado qoraxda istaagi doonaan, inta uu socdo banaan baxa.
Diyaar garowga oo ahaa mid maalmihii la soo dhaafay soo socday, ayaa waxaa qeyb ka ah sugida amniga goobta ay ka dhaceyso banaan baxa, iyadoo la xiri doono jidad badan oo magaalada ku yaalla.
Madaxweyne Farmaajo iyo mas'uuliyiinta kale ee dowladda ayaa lagu wadaa inay ka soo qeyb galaan banaan baxa, waxaana Madaxweyne Farmaajo uu jeedin doonaa khudbadiisa u horeysay oo fagaare ah oo uu shacabka uga warbixin doono waxyaabihii u qabsoomay boqolka maalmood.
Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u balan qaaday in khudbad u jeedinayo shacabka, waxaana ujeedka ugu weyn ee loo qabanayo banaan baxa ay tahay khudbada uu shacabka fagaare uga jeedinayo.
Boqolka maalmood ee Madaxweyne Farmaajo xafiiska joogay waxaa dadka qaar tilmaameen in waxyaabo kala duwan u qabsoomeen dalka, halka dadka kalena ay dhaliilaan safarada badan ee Madaxweynuhu galay, iyadoo mudada boqolka maalmood ee uu xafiiska joogayna uu 26 maalmood dalka ka maqnaa.
Si kastaba ha ahaatee banaan baxa berri ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ugu ballaarnaa ee ka dhaca Muqdisho, tan iyo wixii ka dambeeyay doorashadii Madaxweyne Farmaajo oo dadweyne fara badan ay ka dhigeen Muqdisho iyo gobolada kale isu soo bax soo dhoweyn ah.
The post Abaabul xoog leh oo Muqdisho ka socda iyo Beri oo la Farmaajeysnaan doono appeared first on Warqaad.com.


K/Afrika: Mas'uul shaqada looga joojiyay ra&...

$
0
0

Xisbiga ugu weyn mucaaradka dalka Koonfur Afrika, Democratic Alliance, ayaa shaqada ka joojiyay hogaamiyihiisii hore, Helen Zille, kaddib markii ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay in gumaystihii aanu u xumayn sida loo tilmaamo.
Hogaamiyaha hadda ee xisbigaasi Mmusi Maimane, ayaa sheegay in haweeneydaasi ay sii ahaan doonto madaxa dowladda ee gobolka Western Cape.
Xisbiga Democratic Alliance ayaa tan iyo markii ay murankaasi dhalisay Ms Zille horraantii sanadkan, waxa uu la kulmay cadaadis ah in uu tallaabo ka qaado.
Weriye ka tirsan BBC-da ayaa sheegaya in xisbigaasi oo ku dadaalayo sidii uu meesha uga saari lahaa aragtida ah in uu yahay mid u taagan danaha dadka cadaanka ah ee Koonfur Afrika.

Boqol maalmood kadib doorashadii Farmaajo oo la xusayo

$
0
0

Kn: Qudha boqol maalmood ayaa laga joogaa maalintii la doortey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo maalinta barito ah, waxaana lagu wadaa in arrintaasi loo dabaaldego.
Inkasta oo dilal aad u badan ay dhaceen iyo falal amni daro, hadane waxaa aad loo bogaadiyey talaabooyinka qaar ee Farmaajo ee xagga amniga.
Farmaajo waxa uu galay illaa 8 safar oo dibada ah, isaga oo soo saxiixay heshiisyo waaweyn oo uu ka midyahay waxyaabihii kasoo baxay shirkii London.KismaayoNews.com

DAAWO FADEEXO: Isbitaalka Burco oo dadka shuban...

$
0
0

Waxaa sii kordhay tirada dadka ee uu soo ritey cudurka shuban biyoodka, magaalada Burco, iyadoo lasoo sheegayo in hadda uu cudurkaan soo ritey dad hor leh oo markii hore caafimaad qabay.
Waxaa magaalada Burco ka soconaya dadaal xooggan oo lagu doonayo in lagu daweeyo dadkaan, sidoo kalena looga hortagi lahaa in dad kale oo hor leh uu ku dhaco.
Iyadoo Gurmadkaas uu socdo ayaa hadana qaar ka mid ah Ehelada dadka cudurkaan la jiifa isbitaalka Burco waxay sheegeen in masuuliyiinta Isbitaalka ay ka iibsanayaan shacabka Dawooyinka qofkii iibsan waayana uu u dhimanayo cudurka shuban biyoodka.
Sidoo kale dadkaan ayaa sheegay in daawada laga iibsanayo ay tahay mid deeq ah oo loogu tala galay masuuliyiinta isbitaalka inay shacabka ku badbaadiyaan.HALKAAN HOOSE KA DAAWO
The post DAAWO FADEEXO: Isbitaalka Burco oo dadka shuban biyoodka la jiifa ka iibsanaya Dawadii loogu deeqay appeared first on Warqaad.com.

Tartan kooxeedka ugu weyn Caalamka ee Champions...

$
0
0

Indhaha mucaashaqiinta kubada cagta ayaa ku sii jeeda magaalada Cardiff ee dalka Wales oo ka tirsan Boqortooyada UK, halkaas oo Caawa uu ka dhici doono kulanka finalka Champions league-ga oo ay ku kulmayaan kooxaha Real Madrid iyo Juventus oo ka mid ah kooxaha ugu awooda badan caalamka.
Real Madrid oo koobkan difaacanaysa ayaa doonaysa in ay hanato xili ciraadkeedii labaad oo xirrir ah, iyadoo noqonaysa haddii ay qaato kooxdii ugu horeysay oo laba sano oo xiraara qaada koobkan tan iyo markii lagu magacaabay UEFA Champions league, halka Juventus ay doonayso in ay qaado koobkan oo ay ugu danbeysay sanadkii 1996-dii.
Labada kooxood ayaa 1998-dii ku kulmay finalkii Champions league-ga waxaana 1-0 ku hanatay Real Madrid markii uu goolka qura dhaliyay halyeygii reer Montenegro ee Predrag Mijatovic, Zinedine Zidane tabaraha Real Madrid ayaa markaas ka mid ahaa laacibiintii juventus ee koobkaas laga qaaday.
Kulan ayaa ah kulankii 19-aad oo ay kulmaan labadan kooxood tan iyo bilowgii koobkan oo markii hore lagu magacaabi jiray European Cup haddana haddana lagu lagu magacaabo Champions league waxayna guulaysteen mid 8 jeer, halka ay barbaro galeen 2 jeer iyadoona lawada sugayo natiijadiisa caawa.
Labadan kooxood ayaa soo qaaday horyaalada dalalkooda iyadoo Juventus ay sidoo kale qaaday Coppa Italia kulankan ayaana ah mid ay adagtahay in la saadaaliyo maadama awoodaha labadan kooxood ay yihiin kuwa siman.
Real Marid ayaa tartankan horey ugu soo guulaysatay 11 jeer oo kala ahaa sanadii 1956, 1957,1958,1960,1966,1998,2000,2002,2014,2016, halka Juventus ay ku guulaysatay 2 jeer oo kala ahaa sanadhii 1985, iyo 1996.
Labada kooxood ayaa waxaa u diyaarsan dhamaan laaciibiinta, iyadoo Real Madrid uu dib ugu soo laabay garabkooda duula ee Gareth Bale, laakiin tabare Zidane ayaa ku soo bilaaban doona da' yarka reer spain ee Isco.
Labada kooxood ayaa ku shir tagi doona shaxdan Juvebtuus:- Gianluigi Buffon, Giorgio Chiellini, ,Alex Sandro, Andrea Barzagli, Leonardo Bonucci, Miralem Pjanic, Sami Khedira, Mario Mandzukic, Paulo Dybala, Daniel Alves, Gonzalo Higuain, halka Real Madrid:- Keylor Navas, Daniel Carvajal, Sergio Ramos, Raphael Varane, Marcelo, Marcelo, Casemiro, Luka Modric, Isco, Cristiano Ronaldo, Karim Benzema.
Garoonka ay ciyaartu ka dhacayso ayaa lagu magacaabaa National wuxuuna ku yaala magaalada Cardiff ee dalka Wales oo ka tirsan Boqortooyada UK , waxaana ciyaarta dhex dhexaadin doona Felix Brych oo u dhashay dalka Germany, xilliguna waa 9:45 PM saacada Geeska Africa.Liban YusufPUNTLAND POST
The post Tartan kooxeedka ugu weyn Caalamka ee Champions League-ga oo soo xirmaya Caawa appeared first on Puntland Post.

Qarax Xoogan oo goordhow ka dhacay Muqdisho & Gaari...

$
0
0

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xoog leh uu galabta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkeynleyr, waxaana la sheegay ina ahayd miinada dhulka la geliyo oo lagu qarxiyay Gaari uu watay sarkaal ka tirsan maamulka degmada.
Laba askari ayaa la sheegau inay ku dhaawacmeen qaraxa oo qasaare kale geystay, waxaana goobta gaarya ciidamada ammaanka.
Qaraxa ayaa si weyn loogu maqlay xaafadaha degmooyinka Wadajir iyo Dharkinley ee Gobolka Banaadir. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in qasaaruhu intaas ka badan yahay.
The post Qarax Xoogan oo goordhow ka dhacay Muqdisho & Gaari uu watay Sargaal katirsan DFS oo... appeared first on Warqaad.com.

SAWIRRO: Saraakiil & Ciidamo katirsan Militeriga oo...

$
0
0

Waxaa goordhow garoonka diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho ka duushay diyaayarad laga leeyahay dalka Sacuudiga taas oo qaaday militeri xaaladooda caafimaad dalka wax looga qaban waayay.
Diyaaradan ayaa qaaday ku dhawaad 10 askari kuwaas oo waxyeelo dhaawacyo ah ay kasoo gaartay qarax xoogan oo ay kooxda AlShbaab ka fuliyeen Warshadii hore Nac-naca ee magaalada Muqdisho.
Waxaa lasoo sheegayaa in sababo caafimaad darteed Saraakiisha iyo ciidamada loogu qaaday dalka Sacuudiga gaar ahaan magaaladda Riyaad.
Taliyaha ciidamada xoogga dalka Sareeyo Gaas Axmed Jimcaale Geeddi iyo Saraakiil kale ayaa ciidamadan loo qaaday Sacuudiga kasii sagootiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Hadal kooban oo uu jeediyay ayuu Taliyaha ciidanka Xoogga sheegay in dhaawacyada Saraakiisha iyo ciidamada wax looga qaban waayay Isbitaalada ku yaala magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, Waxa uu sheegay inay rajeenayaan in Sacuudiga uu ka saacido dhinacyada dhaawaca iyo Amniga.
The post SAWIRRO: Saraakiil & Ciidamo katirsan Militeriga oo loo qaaday Sacuudiga & Cida bixisay Amarka... appeared first on Warqaad.com.

FAAH FAAHIN: Qaraxyo kala duwan oo ka dhacay...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Sh M Network)--Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qaraxyo siyaabo kala duwan gelinki dambe ee maanta uga dhacay Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho.
Ugu yaraan hal Askari ayaa ku dhintay kadib markii uu qarxay Gaari uu la haa Madaxa Canshuuraadka Maamulka Degmada Dharkeenleey, Cali Maxamuud Jimcaale kaasi oo gaarigiisa u marayay Xaafada Kaawo-godeey ee Degmada Wadajir.
Saraakiisha Booliska Maamulka Degmada Wadajir qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Cali Maxamuud Jimcaale uu ka badbaaday Qaraxaasi balse uu ku dhintay mid ka mid ah ilaaladiisa.
Dhinaca kale, Kabtan Fanax oo ka mid ah Saraakiisha Booliska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka badbaaday gadaal markii gaarigiisa oo lagu soo xiray waxyaabo qarxa uu ku qarxay nawaaxiga Xerada Badbaado ee Degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir.
Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas'uuliyada Qaraxyaadaasi siyaabaha kala duwan uga dhacay Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter


Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo ka...

$
0
0

Mas'uul ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka badbaaday isku day dil oo lagu doonayay in lagu khaarijiyo.
Qaraxa ka dhacay Muqdisho ayaa la sheegay in mas'uul u shaqeeya Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya oo magaciisa lagu sheegay Cali Waqooyi ayaa gaarigiisa si dirqi ah miino uga badbaaday.
Gaarigii uu la socday mas'uulkan ayaa la sheegay inuu dul maray Miino dhulka loogu aasay, balse ay qaraxday sekeno kadib markii uu gaariga dul maray Miinada.
Laba qof ayaa la sheegau inay ku dhaawacmeen qaraxa, waxaana dadka degaanka ka dhowaa ay sheegeen inuu si dirqi ah ku badbaaday mas'uulkan.
The post Mas'uul ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo ka badbaaday isku day Qarax loo dhigay appeared first on Warqaad.com.

Ciidamadii Xaslinta oo awood uyeelan waayay Iney...

$
0
0

Wararkii ugu dambeeyey ee ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinayo in qaar ka mid ah degmooyinka magaalada laga dareemayo isbadal weyn oo ay soo kordhiyeen Ciidamada hub ka dhigista Muqdisho.
Dadka ku sugan qeybo ka mid ah degmooyinka Waaberi, Hodan, iyo Wadajir iyo Xamar Jajab, ayaa ka dhawaajiyey in Baabuurtii ciidanka badan lala saarnaa iyo qoryihii cuslaa ee indhaha la iska gelin jiray maalmahan laga nastay, oo waddooyinku nadiif yihiin.
Wadooyinka degmooyinkaas ayaa lagu marayaa si istariix ah, adigoo ka cabsaneyn baabuur ciidan inta gadaal kaaga timaada oo marka ay ku horgoyneysana qoryo kugu taagaya.
Arrintaan ayaa waxa sabab u ah dowladda Soomaaliya oo bilowday howlgal ay ugu magac dartay (Xasilinta Caasimadda Muqdisho) oo ay usoo tababartay ciidamo gaar ah oo weliba isku dhaf ah, oo hub ka dhigis ka wada degmooyinkaas.
Ciidamadaan ayaa waxaa lagu arkayaa dhammaan jidadka afarta degmo ee aan soo xusnay, waxayna la wareegeen koontarooladii ay fadhin jireen Ciidamada Booliska Soomaaliya, waxaana Magaalada Muqdisho laga dareemayaa isbadal weyn oo lagu faani karo.
Si kastaba, ciidamadan ayaan geli karin qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho, gaar ahaan kuwa Waqooyiga sida Kaaraan, Shangaani, Shibis, Cabdi Casiis, Boondheere iyo Yaaqshiid, iyo qeyb kale oo ka mid ah Koonfurta sida Wardhiigley iyo Howlwadaag.
Deegaanada ay howl-gallada ka socdaan ayaa inta badan ah kuwii ay dowladda markii horeba ku xooganeyd ee ka ag dhow madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
The post Ciidamadii Xaslinta oo awood uyeelan waayay Iney galaan degmooyin Muqdisho katirsan & Goobaha ay ku sugan yihiin appeared first on Warqaad.com.

WARBIXIN:Isbedel weyn oo laga dareemayo Ciidamadii...

$
0
0

MUQDISHO(RBC RADIO)Isbedel weyn oo dhanka Ammaanka ah ayaa laga dareemayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya tan iyo markii ay Dowladda Soomaaliya Muqdisho ka bilowday aruurinta hubka faraha badan ee ay wataan Masuuliyiinta Dowladda.
Wadooyinka Caasimadda Muqdisho ayaa waxaa ka yaraaday Gaadiidkii dagaalka iyo hubkii faraha badnaa ee ay adeegsan jireen Masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya iyo Shirkadaha gaarka loo leeyahay kuwaasoo qalqal galin jiray dadka Shacabka ah ee kunool Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Xasilinta Caasimadda Muqdisho ayaa bilaabay dhaqan galinta Go'aankii ay soo saareen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya kaasoo ahaa in la yareeyo ilaalada Masuuliyiinta iyo in wadooyinka laga Mamnuuco hubka culus.
Waxaa laga dareemayaa Wadooyinka Muqdisho nafis,waxaana yaraaday Gaadiidkii dagaalka ee dhex yaaci jiray Wadooyinka kuwaasoo baqdin iyo qalqal dhanka Amniga ah ku beeri jiray dadweynaha Magaalada Muqdisho,Ciidamada faraha badan ee Muqdisho ku sugnaa ayaa waxaa ay Khubarada Amniga aaminsan yihiin iney qayb ka ahaayeen Amni darrada ka jirta Magaalada Muqdisho.
Masuuliyiinta Dowladda ayaa waxaa hada loo ogolaaday 4 Askari oo ilaalo ah,Wadooyinka Makka Al-Mukkarama iyo KM4 oo ahaan jiray meelaha ugu badan ee lagu arko Ciidamada wata Gawaarida dagaalka oo cabsi ku beeri jiray Shacabka ayaa hada ah meelo ka duwan sidii hore.
Amniga Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa loo xilsaaray Ciidan isku dhaf ah oo ku hawlgala Magaca Xasilinta Caasimadda Muqdisho kuwaasoo Caasimadda kawada Hawlgallo hubka lagu aruurinayo.
RBC RADIO

Ciidamada Dowlada oo Howlgalo Hub ka Dhigis ah ka...

$
0
0

Ciidamada Amaanka Dowlada Soomaaliya Gaar ahaan ciidamo si gaar ah loo tababaray ayaa howlgalo hub ka dhigis iyo aruurin ah waxa ay ka wadaan Muqdisho.
Ciidamada ayaa guri guri u galaya qaar kamid ah xaafadaha degmooyinka Gobolka Banaadir kuwaasi oo baaraya hubka sida sharci darada ah u yaala.
Ciidamada Dowlada Ayaa Howlgalka ay wadaan waxa ay ku soo qab qabteen hub si sharci daro ah u yaalay xaafado katirsan Muqdisho.
Dhanka kale warar ay heshay Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa waxa ay sheegayaan in Gaadiid Dagaal iyo hub farabadan ay la baxsadeen ganacsato iyo siyaasiin xilal ka soo qabtay dowladihii dalka Soo maray.
Gaadiidkaan ayaa wararka waxa ay sheegayaan in ay u jiheeysteen dhanka iyo degmada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe.
Dhowaan dowlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday howgal culus oo hubka looga aruurinayo shaqsiyaadka aan u shaqeeynin Dowlada Soomaaliya.Hoos ka dhageyso Warbixin.
http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/06/War-Cowke-PP-Howlgalo-Muqdisho.mp3
Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Ciidamada Dowlada oo Howlgalo Hub ka Dhigis ah ka wada Muqdisho iyo Hub La la baxsaday appeared first on Puntland Post.

Two Govt officials escape IED bombs in Mogadishu

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Two Somali government officials have narrowly survived assassination attempts in the capital Mogadishu on Saturday, Police and Witnesses said.
One soldier was reported to have died in a land mine blast targeted a vehicle carrying the head of taxation department of Dharkenley district administration Ali Mohamud Jimale.
The second blast struck a car belonging to Ali Waqoyi, an official working for the Ministry of Finance in Kawo-Godey area of Wadajir district. The officer escaped the attempt on his life.
No group has claimed responsibility for the bomb attacks in Mogadishu, but, such attacks are attributed to Al shabaab who are fighting to topple the UN-backed Somali government.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live