Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Diyaarad ay Leedahay WFP oo ku bur burtay Gedo

$
0
0

Wararka PUNTLAND POST ay ka heleeyso Magaalada Gar Bahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo Ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ku bur burtay Diyaarad ay leedahay ha'ada Cuntada Aduunka ee WFP.
Diyaaradaan oo raashin gar gaar u waday dadka Saameeynta ay ku yeesheena abaarta ayaa waxaa qabsaday cilad sababtay in diyaaradu ay bur burto.
Diyaarada ayaa markii ay dhulka ku soo dhacday waxaa ka dhex dhashay dab taasi oo ugu dambeeyntii la damiyay.
Diyaarada ayaa bur burisay guryo ka ag dhowaa Garoonka sida ay xaqiijiyeen Maamulka Degmadaasi oo Warbaahinta la hadlay.
Wali Ha'ada WFP kama hadlin sababta keentay in diyaaradeeda ay bur burto.Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Diyaarad ay Leedahay WFP oo ku bur burtay Gedo appeared first on Puntland Post.


Wasiir Yariisoow: Xukuumadda waxaa ka go’an sii...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Sh M Network)-Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Eng C/Raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Nairobi ayaa waxuu ka hadlay howlgalka xasilinta ee ka socda - Soomaaliya.
Wasiir Yariisoow ayaa waxuu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka go'an tahay sii wadida howlgalka xasilinta ee looga hortagayo hubka waa weyn ee lagu dhex wato Magaalada Muqdisho.
"Waxaa ka go'an Xukuumadda xaqiijinta amaanka Magaalada Muqdisho, waaana muhiim in hubka waa weyn laga sifeeyo Magaalada Muqdisho", sidaasi ayuu yiri Wasiirka isagoo ku sugan Magaalada Nairobi.
Dhinaca kale, Eng. Yariisoow ayaa uga digay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed in howlgalka xasilinta - Soomaaliya ay u fahmaan qaab qabiil iyo mid lagu beegsanayo, waxuuna qeexay in howlgalka uu yahay mid lagu xaqiijinayo - Muqdisho.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda howlgal loogu magacdaray xasilinta - Soomaaliya iyo Degmada Afgooye iyo Gobolka Sh.Hoose, si loo xaqiijiyo amaanka guud ee - Dalka Soomaaliya.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

SOMALIA: Somaliland says it has contained diarrhea...

$
0
0

FILE PHOTO : Somaliland Health Minister Saleban Ahmed Isse (alias Hagla-tosiye).
HARGEYSA (RBC Radio) The breakaway republic of Somaliland has declared that its ministry of health managed to contain the outbreak of diarrhea in Bur'o town in Togdher region following the death of more than 10 so far, RBC Radio reports.
In a press conference on Saturday, Somaliland Health Minister Saleban Ahmed Isse (alias Hagla-tosiye) said his ministry in collaboration with the health partners and locals successfully contained the outbreak of the deadly disease which he noted ensued from the still persisting severe drought in the region.
Mentioning the risk of the fast-spreading of the disease, the Health Minister alerted the public to maintain good sanitation and personal hygiene to prevent further deaths resulting from the disease.
"Before the Bur'o outbreak, diarrhea affected up-to 16 places within the country which all cases put to a full containment." The minister said.
Both local health authorities and the World Health Organization reported more than 42,000 cases of the acute watery diarhea and cholera diseases as a result of lack of clean drinking water amid the current drought.
In the past week, 12 patients, six of them inmates of Bur'o Central Prison died of diarhea bringing total shock to the residents of the town and authorities.

SOMALIA: WFP food aid cargo plane crashes in...

$
0
0

Crashed cargo WFP plane is seen at outside the main runway of Garbaharey Airstrip today, Saturday June 3, 2017.
MOGADISHU (RBC Radio) A cargo flight belonged by the United Nations World Food Programme (WFP) carrying aid food and nutrition supplements for children has crashed near Garbaharey Airstrip runway in southern Somalia's region of Gedo.
According to Iman Addow Karshe, Garbaharey District Commissioner, the cargo flight faced weather related problem just before the pilot lost the control of the plane resulting to the plane crash.
The two pilots onboard were safe, the commissioner added.
The plane crashed about 50 minute after take-off from Mogadishu's Aden Adde International Airport, according to officials in Mogadishu.
WFP officials were unreachable for comment.
Security forces in Garbaharey reached the site of the crash dozens of metres from the main city airstrip.
The crash comes just days after another cargo plane belonged to Bancroft, a U.S-based security firm crash landed in Mogadishu Airport resulting the airport's closure for hours.

Tartamayaasha Degmada Dharkeynleey oo caawa u soo...

$
0
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii sideedaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Kismaayo VS Dharkeynleey oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii afaraad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir. Tartameyaasha labada degmo ee Kismaayo VS Dharkeynleey ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su'aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay oo maqal iyo muuqaalba leh. Kismaayo Tartameyaasha Degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa la weydiiyey todobo Su'aal, waxaana ay si sax ah uga jawaabeen Hal su'aal, waxaana ay iska qaldeen Lix su'aal, mana jirin wax ka faa'iideysi ah oo ay heleen, hadaba wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kismaayo ay heleen waxay noqoneysaa labo (2) dhibcood. Dharkeynleey Tartamayaasha Degmada Dharkeynleey ee gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su'aal, mana jirin wax su'aal ah oo ay ka jawaabeen, balse waxa ay si ka faa'iideysi u heleen saddex su'aal oo soo [...]

Muqdisho: Dibad-bax ay Dawladdu ka Qeyb-gashay

$
0
0

Dibad-baxan oo ahaa mid ballaadhan, kana dhacay garoonka ciyaaraha ee Stadium Banaadir, kaas oo ay ka qaybgaleen madaxda dalwadda Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre

Wicitaanka: Prof. Cusmaan Salaad Xirsi

$
0
0

Barnaamijka Wicitaanka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Prof. Cusmaan Salaad Xirsi oo maaddadda Giyolijiga ka dhiga jaamacad ku taalla dalka Canada

Falanqeyn: Weerarkii London

$
0
0

Weerarrada xalay ka dhacay London ayaa yimid laba toddobaad uun kadib weerarkii ismiidamainta ahaa ee ka dhacay magaalada Manchester ee England oo ay ku dhinteen 22 qof.


Haweeney ku dhimatay bannaabixii maanta ee MD...

$
0
0

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in haweeney ku dhimatay isu soo bixii lagu taageerayay madaxweyne Farmaajo.
Warbaahinta Muqdisho ayaa soo werisay in haweeneydan ay neef qabatowday kuleylka iyo ciriiriga dartiis isla markaana ay ku suuxday goobta, markii danbena ay geeriyootay.
Warbaahinta ayaa intaas ku dartay in haweeneydan warkeedii ugu danbeeyay inta aysan geeriyoon uu ahaa inay u goobta u timid iyadoo u maleyneysay inuu Madaxweyne Farmaajo qeybinayo mucaawino.
Dhowr qof oo kale ayaa la sheegay inay xaalado neef qabatow ah uu kasoo gaaray Garoonka Banaadir Stadium oo dadweyne badan la isugu keenay, kuwaasoo laga soo ururiyay degmooyinka Gobolka Banaadir.
The post Haweeney ku dhimatay bannaabixii maanta ee MD Farmaajo & Hadalkeedii ugu danbeeyay appeared first on Warqaad.com.

SOMALIA: Puntland President fires military court...

$
0
0

FILE PHOTO: Puntland's Bari Militaary Court judge Abdifatah Haji Adan.
GAROWE (RBC Radio) The President of Somalia's Puntland State Abdiwali Mohamed Ali Gaas has fired the top judge of the region's military court in charge of eastern region following allegations of releasing Al-Shabab inmates from the Bosasso Central Prison.
The judge Abdifatah Haji Adan was known to have sentenced death penalties on dozens of Al-Shabab suspects detained by the security forces and since 2013 most of those sentenced were executed.
Presidential Decree dated on June 3rd, 2017, the President noted an immediate reshuffle effective within military court departments based in Nugal, Bari and Mudug regions.
Responding to his firing, judge Abdifatah Haji Aden hailed the president's decree assuring that he has cooperated and transferred the office responsibility.
"This is a government business, and everybody should follow the procedures. I have welcomed it and handed over the office to the respective officials." he added.
The President's Decree that fired several officials and reshuffled the military court comes following a wide spread reports about prisoners release including inmates related to Al-Shabab militant group from Bosasso Central Prison, where the judge Abdifatah Haji Aden was based.
The President also fired military officials for their failure to seize a lorry transporting explosives-making material that passed through security checkpoints in the main towns until forces manning a checkpoint in Bosasso captured it.
Puntland security forces are fighting a growing militancy in the region, as the big cities hosted deadly attacks in the past years.

Faarax Macalim oo sheegay in Kenya u diyaarsaneyn la...

$
0
0

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee barlamaanka Kenya Faarax Macalim.
NAIROBI (RBC Radio) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee barlamaanka dalka Kenya Faarax Macalim Dawaare ayaa walaac ka muujiyay weerarada qaraxda ee Al-Shabaab ka geysato dalka Kenya oo dhowaanahan soo badanay, gaar ahaan deegaanada dhaca soohdinta Soomaaliya iyo Kenya.
Faarax Macalim, oo markale u tartamaya sannadkan ka qeybgalka doorashada baarlamaanka ee dalka Kenya, ayaa dhaliilay qaabka ay ciidamada amaanka Kenya u fuliyaan ka hortagga hawlgallada kooxda Al-Shabaab, isagoo sheegay in ciidamada Kenya aanay u diyaarsanayn ka hortagida Al-Shabaab.
"Waxaa nasiib darro ah in weli ay dalkan kadhacayaan weeraro ay dad ku dhimanayaan." Ayuu yiri Faarax Macalim oo wariyaasha kula hadlay magaalada Gaarisa.
Magaalooyinka Gaarisa, Mandhera iyo Lamu oo dhammaantoodba ku dhow soohdinta Soomaaliya ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay waxaa ka dhacay weeraro qaraxyo iyo dilal toos ah oo ay geysatay kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo ay ku dhinteen illaa 39 ruux meelo kala duwan, 18 ka midna ay ahaayeen askar ka tirsan booliska dalka Kenya oo gawaari ay la socdeen loo dhigay miinooyin kuwa dhulka lagu aaso ah laga soo bilaabo 16-kii bishii hore ee May.
"Qaabka ay ciidamada dalkan u wajahayaan dagaalka ka dhanka kooxaha argagixisada waa mid ay ka maqan tahay wixii loo baahnaa." Ayuu yiri Faarax oo hadda ka tirsan xibiga Wiper ee mucaaradka ah.DHEXGALKA DEEGAANKA
Wuxuu tilmaamay in kooxda Al-Shabaab ay duurka ku dhuuntaan iyagoo adeegsanaya geel, dameero iyo gaadiid ay hawdka la maraan, balse nasiibdarro ciidamada Kenyaaysan lahayn qorshe ay noocaasi oo kale Al-Shabaab ugula dagaalami karto.
"Arrinta kale ee muhiimka ah waxay tahay, waxay ahayd in dadka xoolo dhaqatada ee geela, lo'da iyo ariga dhaqda in loo tababaro sidii ay xogta u soo siin lahaayeen ciidamada." Ayuu sii raaciyay.
Faarax Macalim ayaa tacsi u diray dadka ay eheladooda ku dhinteen weeraradii u danbeeyay.
Hadalkiisa ayaa yimid iyadoo maalmo un ka hor ay ahayd markii saraakiil hore oo booliska Kenya iyo kuwa hadda shaqada ku jira ay ku eedeeyeen dad u dhashay dalka Kenya inay ku lug leeyihiin abaabulka iyo fulinta weerarada kooxda Al-Shabaab ka geysato gudaha Kenya.
Xiriiriyaha amaanka ee dawlada Kenya u qaabilsan gobolka Waqooyi Bari Maxamuud Saalax ayaa sheegay inaysan jirin Al-Shabaab ka yimaada dhanka Soomaaliya oo keligood weeraro ka geysta Kenya, isagoo sheegay inay jiraan dad Kenyan ah oo gudaha kala shaqeeya kooxda mintidka ah si ay hawlgaladooda uga fuliyaan gudaha Kenya.

DAAWO SAWIRRADA: – Banaanbaxa Maanta Ka Dhacay Muqdisho

$
0
0

Akhristayaasheenna Sharafta leh waxaan idiin soo gudbineynaa Sawirrada Banaanbaxa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay Madaxda sare ee dalka ka qeybgaleen. Sawir qaade: - Cali Ducaale

SAWIRRO: Madaxweynaha Galmudug oo Fariin Cajiib ah...

$
0
0

Magaaladda Caabud Waaq ee gobolka Galgaduud waxaa maanta gaaray wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Geelle Xaaf.
Wafdiga madaxweynaha oo uu kamid ahaa ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi oo kasoo jeeda Waqooyiga Galgaduud ayaa waxaa si weyn halkaas ugu soo dhaweeyay dad aad ubadan.
Soo dhaweyntan oo aheyd tii ugu balaarneyd ayaa waxaa kadib madaxda Galmudug loo gudbiyay xafiisyo ay kula kulmayaan qeybaha kala duwan ee bulshadda.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf ayaa dadkii soo dhaweeyay usheegay inuu ka dhabeyn doono balanqaadkii ahaa inuu isku keeno dadka wada dega deegaanada Galmudug isla markaana uu walaaleyn doono.
The post SAWIRRO: Madaxweynaha Galmudug oo Fariin Cajiib ah ula tagay Shacabka Caabud-Waaq appeared first on Warqaad.com.

WARBIXIN: Siyaasiyiin & Saraakiil Hubkii ugu badnaa...

$
0
0

Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday qorshe cusub oo hogaamiyaasha ugu badan ay hubkooda ugalaya baxayaan.
Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku adkeysatay iney sii wado howlgalka ka dhanka ah saraakiisha hubeysan ee magaaladda Muqdisho ka socda.
Barnaamijka Hub ka dhigista ee Muqdisho ka socda ayaa gaaray inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana yaraaday in magaaladda lagu arko gaadiid badan oo hubeysan.
Laakiin, taas badalkeeda maalmihii yaraa ee lasoo dhaafay waxaa magaaladda Muqdisho ka baxay saraakiil iyo siyaasiyiin hubeysan kuwaas oo aaday dhanka goboladda Sh.Hoose iyo Sh/dhexe.
Saraakiishan oo intooda badan kasoo jeeda goboladda dhexe iyo Hiirshabelle ayaa damacooda uu yahay iney hubka kala fakadaan dowladda maadaama aysan ku aamini Karin.
Waxaa jira ganacsato iyo siyaasiyiin dowladda katirsan oo la ogaanayo iney saraakiishan garab ku siinayaan iney hubkooda Muqdisho ugala baxaan si gacanta dowladda uusan ugelin.
Xalay ayay aheyd markii ciidamada xasilinta Muqdisho ay galeen degmooyinka Kaaraan iyo C/Casiis halkaas oo ay ka bilaabeen howlgalkaan cusub ee hub ka dhigista.
Si kastaba, madaxweyne Farmaajo ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed iney kala shaqeeyaan sidii hubka looga saari lahaa magaaladda Muqdisho si ay ula tartanto magaalooyinka ugu hormarsan Afrika.
The post WARBIXIN: Siyaasiyiin & Saraakiil Hubkii ugu badnaa kala baxay Muqdisho & deegaanadii ay geeyeen oo la ogaaday appeared first on Warqaad.com.

TACSI: AUN Hooyo Xaawo Bulxan Warsame Awdoon

$
0
0

Alle naxariistiisii Jano iyo raxmadiisii ha siiyo Marxuum, Hooyo Xaawo Bulxan Warsame (Awdoon) oo Sabtidii 3 June ku geeryootay magaalada Kismaayo.
Halkan waxaa tacsi gaar ah ka diraya qoyska hooyo Maryan Faarax Warsame (Awdoon) oo kala ah.
Faadumo Cali
Maxamed Cali
Iimaan Maxamed
Cabdikani Maxamed
Cabdimalik Maxamed
Ayaan Maxamed
Cabdicasiis Maxamed
Miski Maxamed
Rabbi samir hanagasiiyo Hooyo Xaawo,waxaana qoyska iyo dhammaan reer Awdoon uga tacsiyeeneynaa geerida Hooyo Xaawo oo xasuusteeddii nugu beernaan doonto.


Fallanqeyn: Xiisadda Dalalka Khaliijka

$
0
0

Shan dal oo ka mid ah dalalka Khaliijka Carabta ayaa xiriirkii diblomaasi u jaray dalka Qatar, iyagoo ku eedeynaya inay xiriir dhow la leedahay Iran, taageerana ay u fidiso kooxaha argagixisada.

XOG: Madaxweyne Farmaajo oo Diiday inuu u safro...

$
0
0

Sida aan ku heleyno wararka naga soo gaaraya Xarunta Villa Somalia Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa baajiyay casuumaad uga timid dalka Talyaaniga.
Madaxweynaha ayaa la sheegay in casuumadaasi ay u timid asbuuc ka hor, xili uu isku diyaarinaayay ka jawaabida casuumado kaga imaaday dalalka Sacuudiga, Jabouti iyo Qadar.
Madaxweynaha ayaa waxaa casuumadaasi soo gaarsiiyay Danjiraha dalka Talyaaniga ugu magacaaban Somalia.
Waxaan la ogeyn sababta ka danbeysay in Madaxweynaha uu uga gaabsaday casuumaada uga timid dhigiisa dalka Talyaaniga.
Dowlada Talyaaniga ayaa kamid ah dowladaha garabtaagan Somalia, waxaana xusid mudan in isgarab taageeda uu ku kooban yahay tayeynta ciidamada iyo bixinta gaadiidka loogu tallo galay ciidamada.
Waxaa suuragal ah in Madaxweynaha uu is raaciyo casuumadaha kaga imaaday dalalka Masar iyo Talyaaniga, maadaama safaradii hore ay qaaten inta badan wakhtigiisa.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha ayaa horay u galay 10 Safar oo uu ku kala baxshay dalalka Sacuudiga, Kenya, Urdon, Imaaraadka, Turkiga, Ethiopia, London, Sacuudiga, Jabouti iyo Qadar
The post XOG: Madaxweyne Farmaajo oo Diiday inuu u safro Dalka Talyaaniga,Ogow Sababta appeared first on Warqaad.com.

'Marooko oo ku biiraysa Ururu Goboleedka Ecowas'

$
0
0

Urur goboleedka Galbeedka Afrika ee Ecowas ayaa mabda' ahaan u ogolaaday in ay meelmariyaan codsiga xubin ka noqoshada Marooko inkasta oo dalkaasi ku yaallo Waqooyiga Afrika.

'Marooko oo ku biiraysa Ururu Goboleedka Ecowas...

$
0
0

Urur goboleedka Galbeedka Afrika ee Ecowas ayaa mabda' ahaan u ogolaaday in ay meelmariyaan codsiga xubin ka noqoshada Marooko inkasta oo dalkaasi ku yaallo Waqooyiga Afrika.
Laakiin hogaamiyeyaasha Ecowas ee ku shiraya Liberia ayaa sheegay in saamaynta xubin ka noqoshadeeda ay u baahantahay in dhinacyo badan laga fiiriyo ka hor inta aysan Marooko si rasmi ah ugu soo biirin.
Boqor Maxamed ma uusan ka qaybgalin shirkaasi sababtuna waa in la martiqaaday ra'iisalwasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu.
Codsigan Marooko ayaa imanaya ka dib markii ay bishii koobaad ee sannadkan dib ugu biirtay Midawga Afrika.
Marooko ayaa Midawga Afrika isaga baxday ka dib markii uu aqoonsaday madaxbannaanida Galbeedka Saxaraha sannadkii 1984tii.
Dalka Marooko ayaa saxaraha Afrika u arka dhul ay taariikh ahaan u leeyihiin soddonkii sano ee u dambeeyayna waxay xooga saareen in ay calaaqaad wanaagsan la yeeshaan Yurub taas oo ay ku badalanayeen xiiriirkii ay Afrika ka goosteen.
Urur goboleedka Ecowas wuxuu ka kooban yahay 15 dal oo ku yaalla Galbeedka Afrika kuwaas oo midkoodna uusan xad la lahayn Marooko.
Dalalkan ayuu ka dhaxeeyaa ganacsi xor ah iyo isu socodka dadka.
Boqor Maxamed ayaa ku dhawaaqay todobaadkii hore in uusan ka qaybgali doonin shirka Liberia, maadaama oo uu joogo Ra'iisalwasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu.
Marooko ayaan calaaqaad dublamaasiyadeed la lahayn Israa'iil.
Netanyahu ayaa hogaamiyeyaasha dalalka Galbeedka Afrika u jeediyay khudbad Axaddii wuxuuna sheegay in "Israa'iil ay ku soo laabanayso Afrika, Afrikana ay ku laabanayso Israa'iil.

Askar Lagu Dhaawacay Qarax ka Dhacay Duleedka Jowhar

$
0
0

Seddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhaawacantay ka dib markii galinkii dambe ee maanta qarax miino lagu bartilmaamedsaday duleedka magaalada Jowhar.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live