Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

DAAWO SAWIRRADA: Tartamayaasha Degmada Garoowe oo...

$
0
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii kow iyo tobnaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Garoowe VS Heliwaa oo ka kala tirsan Gobollada Nugaal iyo Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii afaraad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir. Tartameyaasha labada degmo ee Garoowe VS Heliwaa ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su'aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay oo maqal iyo muuqaalba leh. Garoowe Tartameyaasha Degmada Garoowe ee gobolka Nugaal waxaa la weydiiyey todobo Su'aal, waxaana ay si sax ah uga jawaabeen Labo su'aal, waxaana ay iska qaldeen shan su'aal, waxa ay si ka faa'iideysi ah u heleen saddex su'aal oo soo hareer martay tartamyaasha Degmada Heliwaa, hadaba wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Garoowe ay heleen waxay noqoneysaa toban (10) dhibcood. Heliwaa Tartamayaasha Degmada Heliwaa ee gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su'aal, ma jirin hal su'aal oo ay ka jawaabeen todobadii su'aal ee la weydiiyay, [...]


Farmaajo “Xarumo federaal ayaan ka dhiseysaa Kismaayo”

$
0
0

Kn: Madaxweynaha Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka jawaabayay codsi kaga yimid madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegey in ay magaalada Kismaayo ka dhisi doonaan xarumo ay ku shaqeeyaan laamaha dawladda federaalka marka loo baahdo.
Waxaa xarumahaasi ka mid ah madaxtooyo, xafiis golaha wasiirada, iyo waliba golaha shacabka.
Wuxuu hadalkani jeediyey mar uu maanta booqashadii ugu horeysey ku tagay magaalada Kismaayo tan iyo intii lasoo doortey.
Farmaajo ayaa ugu horeynba booqdey xarunta ay ku xareysanyihiin ciidamada tabobarka u socdo ee militariga Soomaaliya, wuxuuna ka jeediyey qudbad.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Farmaajo u sheegey in uu yimid qeyb ka mid ah dalkiixiisa, Jubbaland-na aysan ahayn dal gaar u goan.
KismaayoNews.com

Khilaafka Carabta iyo saameynta uu Soomaaliya ku...

$
0
0

Kn: Dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ayaa xiriirkii diblomaasiyadeed u jaray dalka Qatar, waxaa dib ugu soo biiray Yemen, hadda waxaa socdo xulufeysi oo dalal ayaa ku kala biiri kara labada dhinac, arrinta mar haddii ay sidaasi tahay, waxaa haboon in aan ka hadalno sida ay tahay in Soomaalida yeesho iyo halka ay maslaxadda qaranka ku jirto.
Sacuudiga waa dalkii ugu horeeyay ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu booqdo doorashada kadib halka Qatarna ay tahay dalkii ugu dambeeyay ee uu booqasho ku tago, labadaba waxaa ay Soomaaliya la wadaagnaa xiriir soke, labadaba waxaa ku nool jaaliyad badan, labaduba waxaa ay ballan-qaad u sameeyeen dowladda cusub, Hadaba dalkee ayey tahay in Soomaaliya sal dhigato? Halkee maslaxadeeda ku jirtaa? inta aan su'aalahani ka jawaabin akhriso waxa la isku heysto!!
Billowga Khilaafka:
Maalmo kadib, shirkii Riyaadh gaar ahaan May 24-keedii waxaa wakaaladda Qatar lagu baahiyay hadalo uu sheegay Amiir Tamiim-ka Qatar oo ka careysiiyay Sacuudiga iyo Imaaraadka, arrintaas oo Doxa markii dambe beenisay, sheegtana in bogga wakaaladda wararka ee qaranka la jabsaday.
Dagaal Afka Ah:
Qoraalka ay Doxa beenisay kadib, warbaahinta Imaaraadka, Sacuudiya iyo Masar waxaa ay dagaal afka ah ku qaadeen Qatar, iyaga oo falanqeyn joogta ah ka sameynayey hadalkii Amiirka ee ay Doxa beenisay iyaguna ay rumeysteen.
Warbaahinta Sacuudiga waxyaabaha ay qoreen waxaa ka mid ahaa, qoraal ay soo saareen qoyska Aala-Sheekh ee ku abtirsada Sheekh Maxamed Bin Cabdiwahaab kuwaas oo iska fogeeyay in Amiirka Qatar uu ka tirsan yahay Aala Sheekh, iskuna farac yihiin, sida uu Amiirka horay u sheegay.
SKY News qeybta Imaaraadka waxaa uu ka mid ahaa warbaahinta sida weyn uga hadashay, lana safatay Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxaa intaa dheeraa in dalalka hadda xiriirka u jaray Qatar ay hawada ka saareen Telefishinka Al-jazeera iyo bogag badan oo kale.
Al-Jazeera Oo Afka Furatay:
May 28, 2017: Al-Jazeera waxaa ay daabacday Farshaxan muujinaya Boqorka Sacuudiga, Madaxweynaha Masar iyo Madaxweynaha Mareykanka...in kasta oo Al-Jazeera markii dambe ay tirtay, sheegtana in si qaldan loo fasirtay, cudur daarna ka bixisay.
Maalin ka hor, Shabakadda Al-Jazeera waxaa ay soo bandhigtay sir laga helay Emailka la jabsaday ee Safiirka Imaaraadka ee Washington oo sheegeysa in Imaaraadka ay olog kula noqdeen Isra'il in Qatar la sumcad dilo oo lagu eedeeyo taageerista argigixisada.
Qoraalka Emailka Al-jazeera ay baahisay, waxaa la sheegay in Imaaradka uu diidanaa Shirka Xamaas ee ka dhacay Qatar isla markaana ay dadaal ugu jirto sidii saldhigga military ee Mareykanka looga rari lahaa Qatar.
Warbixinta lagu daabacay Al-jazeera waxaa ku jirtay in Imaaraadka uu lug lahaa inqilaabka ka dhacay Turkiga ee la doonayey in lagu diro Erdogan.
Asalka Loolanka Sacuudiga iyo Qatar:
Sacuudiga iyo dalalka kale ee xiriirka u jaray dalka Qatar waxaa ay Doxa ku eedeeyaan xiriirka ay la leeyihiin xarakada Ikhwaanka, guud ahaan Islaamiyiinta iyo dalka Iran.....kaalinta Qatar ee Libyan, Suuriya iyo Yemen meesha kama marna...xiriirka Qatar iyo Turkiga waa arrin kale.
Xiriirka Ikhwaanka iyo Islaamiyiinta:
Qatar waxaa lagu heystaa xiriirka ay la leedahay Xarakada Ikhwaanka Muslimiinta, Xarakada Dhaalibaan iyo kooxo kale oo reer galbeedka iyo dalal Carab ay ku dareen liiska kooxaha argigixisada, halka Doxa ay mar walbo sheegto in aaney macquul aheyn in koox kasta oo mucaarad ah lagu daro liiska argigixisada iyada oo isku fogeysa in ay xiriir la leedahay kooxo argigixiso ah.
Qatar waxaa kale oo ay xiriir la leedahay kooxo badan oo Islaamiyiin ah oo ka dagaalamaya bariga dhexe iyo Afrika, sidaasi waxaa ku eedeynaya Sacuudiga, Masar iyo dalal kale, tiiyoo keentay xitaa in gudaha Mareykanka gaar ahaan Cogress-ka ka hadlo xiriirka Doxa iyo waxa loogu yeero argigixisada.
Xiriirka Iran:
Dalka Qatar waxaa uu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyaa Iran, mana qarsadaan arrinkaas, todobaadkii tagay warbaahinta Iran waxaa ay baahisay xiriir dhanka Telefanka ah oo dhex maray Amiirka Qatar iyo Madaxweynaha Iran, ninka hore waxaa uu sheegay in dalkiisa ka go'antahay wanaajinta xiriirka labada dhinac.
Saameynta Loolanka Cusub:
Dhibaatadan cusub malaha oo keliya saameyn siyaasadeed ee waxaa kale oo ay yeelan doontaa saameyn dhaqaale, mid ganacsi iyo mid bulsho, tusaale ahaan Jaaliyadda Masar ee Qatar waxaa ay ka badan yihiin rubuc Milyan qof, waxaa su'aal ka taagan tagay aayahooda, Khaliijka waa dalal isku xiran, waana adagtay in sidaasi ay wax ku sii socdaan.
Maxay Tahay Kaalinta Jaamacadda?
Jaamacadda Carabta waa urur aanan awood laheyn, marka ay sidan dhacdo waa isku dhex yaacdaa waayo xaruntooda waa Qaahira, dalalkii ugu weynaa carabta sida Masar iyo Sacuudiga ayaa isku dhinac maray, laakin xeerka Jaamacadda waxaa ku qoran sidan:
Iyada oo la adkeynayo xiriirka dalalka Carabta iyo adkeynta isku xirkooda, waa in dal walbo uu ixtiraamo qaranimada iyo madaxbannaanida dalalka kale iyo in dadaalka la isugu geeyo waxa uu kheyr ugu jiro Carabta oo dhan.
Dhanka dagaallada: Qodobka 5aad waxaa uu ka reebayaa dowladaha in loolankooda dagaal uu lugta la galao, Haddii uu jiro duulaan ama mid laga cabsi qabo, dowladda lagu soo duulay waa in ay codsato kulan degdeg ah, qodobka 8aad waxaa uu ka hadlayaa in dowlad kasta oo xubin ka ah Jaamacadda Carabta ay ixtiraamto madaxbanaanida iyo qaranimada dowladaha kale.
Kaalinta Soomaaliya:
Soomaaliya waa dal xiriir soke la leh labada dhinac, maanta waxaa ay aheyd in ay Muqdisho gogol dhigto sida ay Kuwait sameysay 2014kii markii Sacuudiga, Baxreyn iyo Imaaraadka ay safiirradaooda kala baxeen Doxa, waxaa ay aheyd in Soomaaliya qabato dalkii gar-daran, laakin hadda ma dhici karto oo awoodeeda ma lihin, sidaa darteed waxaa haboon in masaafo isku mid ah aan ka istaagno loolanka Khaliijka, in Soomaaliya ay ka madaxbannaanaato loolan u dhaxeeyay dalal walaalo ah iyo in aan loo fududaadin sida horay u dhacday oo dalal aan la kala safanay.
W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye,
KismaayoNews.com

Faallo:- MA 3 BIL OO KELIYA?

$
0
0

Muqdisho,(SONNA):-Markii aan akhriyay warbixinta uu dhawaan soo saaray Wasiirka Maaliyadda Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa waxaa iga timid illin, jirkoo dhan iyo xaadda i dhaqaaqday.
Wasiir Bayle, Warbixintan wuxuu ugaga hadlayaa wixii uu qabsoomay Wasaaraddiisa muddadii saddexda bilood ee la soo dhaafay, waxaanse aad ul yaabay xukuumadihii la soo dhaafay ee waqtiga badan innaga qaaday maxay dalkan iyo dadkan u reebteen, mase is tiri intaas in loogaga haro maahee waa in la xisaabtamo oo maxkamad la soo taagaa?Warbixintu waxay sheegeysaa:
In la Xaqiijiyay Ciribtirka Musuqmaasuqa kaas oo la yareeyay 75%
Daqliga Dekada laga soo saaro oo la gaarsiiyay $300,000, ayadoo awal laga soo saari jiray $150,000
Daqliga Airportka oo la gaarsiiyay $75,000, halkii markii hore laga soo saari jiray $20,000 ilaa $30,000, kadib markii la bilaabay daba gal adag iyo la dagaalanka musuqa
Waxaa la baxiyay Dhammaan mushaarkii Ciidanka iyo shaqaalaha iyo sidoo kale Cuntada iyo saadka kale ee Ciidanka.
Waxaa la xaqiijiyay in wasaarad walba la siiyo waxyaabaha yaryarka ah aay ubaahantahay (Running Cost) si shaqadeeda u hirgasho, ayadoo awal eysan jirin in wasaaradaha iska warqabaan ama ee heelaan Running cost-gaas.
waxaa lala kulmay dhamaan kooxaha kala duwan ee deemaha kuleh Somaliya oo aay kala yihiin Paris group, Non Paris group iyo International Banks, ayagoo balan qaaday in hadii 10 ka billood ee soo socoto saan loo shaqeeyo ay cafin doonaan deymaha lagu leeyahay Soomaaliya oo dhan 5 billion.
wasiirka ayaa sheegay in 10 ka bilood ee soo socoto Somaliya isku filnaan doonto iskana bixin doonto dhamaan deemaha lagu leeyahay, asagoo sidoo kale balan qaaday inaan deen dambe lagu yeelan Soomaliya, in ay deeq hesho mooyee.
sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in 10 ka bilood ee soo socto uu rajeenayo in la dhiso Schoolada, Jaamacadaha, Waddooyinka iyo dhamaan xafiisyada Dowladda, ayadoo aan la sugeynin gacan shisheeye lana isticmaalayo dhaqaalaha Dowladda heysato.
Wasiirka ayaa sidoo kale Sheegay markii Caalamka uu arkay sida fiican ay u shaqeynayaan in uruurka midowga yurub uu ugu deeqay $50 milyan, sidoo kale wadanka Germany uu ugu deeqay Somaliya $70 milyan oo Euro ah oo lagu caawin doono abaaraha iyo musiibooyinka dabiiciga ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in mardhaw ay rajeenayan in ay bilaabaan Canshuuraha barriga iyo isku xirka canashuuraha dowlad Giboleedyada ka dhisan dalka ee hoosyimaada dowladda Fedaraalka Soomaaliya.
W/Q: Ustaad Cabdulqaadir Mursal
Waxaa Isku Dubariday Ismaaciil Orange.
Fadlan Sii Share-gareey.

Xildhibaan dhaliilay fashil ku yimid kordhinta...

$
0
0

Xildhibaan Nuux Dheere oo ka mid ah mudanayaasha baarlamanka Puntland ee laga soo doortey Gobolka Nugaal ayaa muuqaal yar oo laga soo duubay wuxuu muujinayaa khudbad xasaasiya oo uu ka jeedinayo Xildhibaanku shir beeleed ay goobjoog u ahaayeen masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Puntland oo maalin ka hor ka qabsoomay magaalada Garowe.
Nuux Dheere oo 10-kii sano ee lasoo dhaafay Xildhibaan ahaa ayaa sida la rumaysan yahay bilihii u dambeeyay ka mid ahaa rag fara-ku tiris ah oo horboodaya olole ku saabsan kordhinta tirada kuraasta Baarlamanka Puntland.
Dadka qaar si dhaw ula socda arrintan ayaa ku eedeynaya Xildhibaan Nuux Dheere inuu dadaal ugu jiro qorshe uu kaga gaashaamanayo sii joogista kursigiisa Xildhibaanimo oo sida la rumaysan yahay kaga eg mudada xil hayntiisu marka la gaaro sanadka 2019 .
Tiro ka badan 60 Xildhibaan ayaa todobaadyo ka hor saxiixay inaan la faro galin karin arrimo ku saabsan dastuurka Puntland,Waana tan dhabar jabka ku keentay qorshaha fashilmay oo uu dhaliilayo Xildhibaan Nuux Dheere..Daawo Khudbada uu jeedinayo Xildhibaan Nuux Dheere.
Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Xildhibaan dhaliilay fashil ku yimid kordhinta Barlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.

Soomaaliya: Waan ka xunnahay khilaafka waddamada...

$
0
0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xuntahay wxaa ay ugu yeertay khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dhexgalay Dowladaha Carabta ee walaalaha ah.
War saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ugu baaqayso labada dhinacba inay wadaxaajood ku dhameeyaan khilaafkan.
Wadamada Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo wadanka Baxrayn ayaa xiriirkii diblomaasiyada u jaray dalka Qadar. Waxayna wadamadani ku eedeeyeen wadanka Qatar inay taageerto argagaxisada. Qadar ayaa haseyeeshee beenisay eedaymahaasi.
Soomaaliya iyo dowladahan
Dowlada Soomaaliya saddexda dowladood ee Imaaraadka, Sacuudiga iyo Qatar waxay la leedahay cilaaqaad dhinacyo badan leh. Waxayna sadaxdan wadanba dhaqaale xoogan ku bixiyaan dib u dhiska Soomaaliya.
Dowladda Qadar ayaa iyadu sanadihii dambe galangal muuqda ku lahayd siyaasada Soomaaliya, halka Sacuudiga uu bilooyinkii dhawaa xiriir adag la bilowday dowladda madaxweyne Farmaajo.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay xubin ka tahay Ururka Jaamcadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamku oo dhamaan dowladahani ay ku wada jirraan.
Dalal Carbeed oo xiriirka u jaray dawladda Qadar
Trump oo sheegtay in uu ka dambeeyay xiriirka loo jaray Qadar
Baaqa Mareykanka
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa taleefoon kula xiriiray boqorka dalka Sacuudiga si uu ugala hadlo khilaafka soo kala dhexgalay waddamada khaliijka kaddib markii dhowr dowladood ay xiriirka u jareen dowladda Qatar oo ay ku eedeeyeen in ay argagaxisada taageerto.
Donald Trump ayaa horay u taageeray tallaabada ay Sacuudiga iyo saaxibadiisa kale ka qaadeen dalka Qadar.
Sarkaal Mareykan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in farriinta Trump ay ahayd in midnimada gobolka ay muhiim u tahay la dagaalanka afkaarta xagjirnimada iyo maal-gelinta argagixisada.

Madaxweynaha Turkiga oo dhexdhexaadinaya muranka...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Turkiga Rajib Tayyib Erdogan, ayaa hadda u kala dab-qaadaya Qadar iyo waddamada kale ee uu muranka kala dhaxeeyo.
Erdogan ayaa sheegay in xasaaradda ka dhex aloosan waddamadani aanan lagu xallin karin go'doomin iyo xayiraado.
Dowladda Kuweyd ayaa sidoo kale qayb ka ah dadaalka uu Turkiga ku doonayo in la xalliyo khilafka u dhaxeeya waddamada Khaliijka oo ka billowday markii dawladaha Sacuudiga, Imaaraadka Carabta (UAE), Masar iyo Baxreyn ay si wada-jir ugu dhawaaqeen inay xiriirka u jareen dawladda Qadar iyagoo ku eedeeyay in taageerto kooxaha xagjirka ah ee gobolka dhibaatada kawada.
Dowladda Qadar ayaa si weyn u beenisay eedeymaha loo soo jeediyay ee ah in ay taageerto islaamiyiinta xagjirka ah.
Murankan ayaa saameyn ku yeeshay sicirka saliidda, isu socodka dhanka hawada iyo badda ee gobolka, waxaana arrintaasi ka dhashay in goobaha laga dukaameysto ee Qadar ay cunnadu gabaabsi noqoto.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Sucuudiga ayaa Qadar ugu baaqay in ay xiriirka u jarto kooxda Falastiyiniinta ee Xamaas iyo kooxda ikhwaanul muslimiinka ee dalka Masar, waa haddii ay dooneyso in xayiraadaha laga qaado.
Khilaafka waddamada Khaliijka xilligan ka dhextaagan waa midkii ugu xoogga sanadihii ugu dambeeyay.
__
RBC Radio

Kenya oo Ciidamo u Dirtay Gobollada Xadka Somalia

$
0
0

Todobaadyadii la soo dhaafay gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari iyo kan Xeebta, waxaa ka jiray weeraro iyo qaraxyo ay ku dhinteen.


Dowladda Somalia oo ka Hadashay Khilaafka Dalalka Carabta

$
0
0

Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay aad uga xuntahay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex oogan dalalka Carabta.

Dowladda Somalia oo ka Hadashay Khilaafka Dalalka...

$
0
0

Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay aad uga xuntahay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex oogan dalalka Carabta.

Wasiirka Warfaanta Soomaaliya oo booqday xarumaha...

$
0
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo booqasho ku jooga magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa booqday xarumaha Warbaahinta Bulshada ee Uganda (Uganda Broadcasting Corporation (UBC) iyo Golaha Warbaahinta & Isgaarsiinta Qaranka ee Uganda (UCC) si uu ugu kuurgalo howlaha muhiimka ah oo ay bulshada Uganda u hayaan si dalka Soomaaliya looga hirgeliyo Warbaahinta Bulshada iyo dhismaha Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliya.
Wasiir Eng. Yarisow oo ugu horreyntii booqday xarunta UBC oo ah Warbaahinta Bulshada Qaranka Uganda ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Guud iyo Agaasimayaasha xaruntaas oo uu uga warbixiyey xaalada dalka Soomaaliya iyo gaar ahaan qorsheyaasha Wasaarada Warfaafinta ee ku aadan sidii loo aasaasi lahaa Warbaahinta Bulshada Soomaaliyeed (Somali Broadcasting Corporation (SBC)) oo uu Xeerka Saxaafada siinayo sharciyadii loo baahnaa.
Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in abuurista Warbaahinta Bulshada ay muhiim u tahay Soomaaliya iyadoo sare u qaadi doonta horumarka warbaahinta dalka, gaar ahaan xilli uu dalku isu diyaarinayo xisbiyada siyaasada oo Warbaahinta Bulshada ay si dhexdhexaad ah ugu adeegi doonta xisbiyada dalka, siyaasada iyo weliba iyadoo qeybaha kala duwan ee bulshada fursad loo siin doono lagu horumariyo howlahooda ay bulshada u hayaan.
Wasiir Eng. Yarisow ayaa sidoo kale intii uu joogey Kampala booqday Xarunta Golaha Warbaahinta & Isgaarsiinta Qaranka ee Uganda (UCC) bacdamaa Soomaaliya ay dhowaan abuuri doonto Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo ka howlgeli doona dhaqangelinta Xeerka Saxaafada isla markaasna la xisaabtami doona warbaahinta dalka iyo suxufiyiinta si loo hubiyo in howlaha ay u gudanayaan si waafaqsan nidaamka iyo shuruucda dalka. Wasiir Yarisow ayaa sheegay in booqashada xaruntan ay muhiim u aheyd si looga faa'iideysto oo loo arko sida ay u howlgalaan, caqabadaha heysta iyo horumarka ay ku tallaabsadeen mudadii ay jireen.
Wasiir Yarisow ayaa u arka booqashada labadan xarumood inay muhiim u tahay horumarka warbaahinta Soomaaliya.
PUNTLAND POST
The post Wasiirka Warfaanta Soomaaliya oo booqday xarumaha Warbaahinta Bulshada ee Uganda appeared first on Puntland Post.

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha, Qeybta 374

$
0
0

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha ee toddobaadkani waxaa si aad uga barateenba soo jeedinaya Axmed Faarax Cali Idaajaa, waana qeybtii 374-aad.
Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.

Kenya oo Ciidamo u Dirtay Gobollada Xadka Somalia

$
0
0

Todobaadyadii la soo dhaafay gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari iyo kan Xeebta, waxaa ka jiray weeraro iyo qaraxyo ay ku dhinteen.

Madaxweyne Farmaajo: “Dalka oo dhan ayaa laga...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho ku jooga magaalada Kismaayo ayaa si faah faahsan uga hadlay howlgalka hubka dhigista iyo xasilinta ee ka socda magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay madaxweyne Farmaajo dowladda inay dooneyso sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka magaalada Muqdisho oo caasimad u ah dalka,wuxuuna inta ku darray inay ka go'antahay sidii al-Shabaab looga sifeyn lahaa caasimadda oo ay u noqon lahayd mid amnigeeda la isku haleyn karo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka hadlay howlgalka hub ka dhigista ee ka socda magaalada Muqdisho,wuxuu marka sheegay howlgalka in la gaarsin doona dalka oo dhan.
"Markaan leenahay xasilinta xamar waxaan rabnaa inaan kala saarno dadka dhibka wada iyo dadka qoryaha u wata in ay ayagu isku difaacaan, marka hadii aan la dagaaleeyno qolyahan dhibka wada, waa in horta aan qolada xamar hubka ku wadata oo jidadka waaweyn ku wadata, hubka weliba aan loo baahnayn oo dagaallada culus lagu galo in laga qaado ama ay guryahooda dhigtaan, inta aan kasoo jeesaneeyno cadawga aan leenahay oo Shabaab ah." ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo inta ku darray "Markii aan kasoo jeesanno, kulli waan gaarsiinaynaa Soomaaliya oo idil hub ka dhigis, maxaa yeelay, dee maxaa hub loo haystaa hadii dowladdu keeneeyso nabad, oo dowladdu cadaalad sameeyneeyso, oo qofkii dhib sheeganaayo uu yaqaano meeluu ku dacwoowo, qofka muxuu hub ku falayaa marka."
Howlgallada ka socda Muqdisho oo ay qayb ka yihiin hubka dhigista dad badan ayaa shaki galiyey,qaarkood oo ku doodaya inaysan waqtigan ku habooneyn,maaddama amniga aan la isku haleyn karin,laakin dowladda ayaa sheegtay inay muhiim tahay qorshaha hubka dhigista sida loo kala garto kooxaha dhibaatada wada iyo dadka kale ee shacabka ah.
___
RBC Radio

KENYA: Four NGO workers killed after roadside blast...

$
0
0

NAIROBI (RBC Radio) At least four people died after their vehicle ran over a landmine near the Kenya's border town of Garissa on Tuesday afternoon, security sources said.
Those killed were working a Non-Governmental Organization called Adeso, an African charity and development agency.
They were traveling to Dobley town in Somalia, when the blast hit their car.
The death occurred when the NGO vehicle was passing through the road Kulan village, where a similar landmine attack happened in the past week killing three Kenyan police officers on patrol.
Bomb explosions have been on the rise since mid last month in the Kenya's Northeastern region as the deaths resulted by the attacks now reaches more than 40, according to security officials in the region.


Dadkii hubka ku heystey Xamar oo la baxsaday

$
0
0

Kn: Iyada oo caasimadda uu ka socdo hawlgal hub ka dhigis ah ayaa wararka waxa ay sheegayaan in hubkii ugu badnaa banaanka loogala baxay caasimadda, islamarkaasina lala baxsaday.
Hubka intiisa badan ayaa waxaa la kala geeyey maamul goboleedka Hirshabeelle iyo Ururka Ahlu Sunnah Wal Jamaaca.
Balse madaxweynaha federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo hadlay ayaa waxa uu sheegey in hub ka dhigista ay ka hirgalayso dalka oo dhan.
"Markii aan kasoo jeesanno, kulli waan gaarsiinaynaa Soomaaliya oo idil hub ka dhigis, maxaa yeelay, dee maxaa hub loo haystaa hadii dowladdu keeneeyso nabad, oo dowladdu cadaalad sameeyneeyso, oo qofkii dhib sheeganaayo uu yaqaano meeluu ku dacwoowo, qofka muxuu hub ku falayaa marka," ayuu yiri Madaxwayne Farmaajo oo la hadlayay dhalinyaro ku caweyneysey meel hoteel ah magaalada Kismaayo oo uu si kadis ah ugu tagay.
KismaayoNews.com

Xarunta Xisbiga oo saldhig looga dhigey ciidamada...

$
0
0

Kn: Xaruntii dhexe ee xisbiga kacaanka Soomaaliya ayaa dib loo hawlgaliyey, waxaana xarun looga dhigey ciidamada isku dhafka ah ee loo bixiyey Xasilinta Caasimadda.
Ciidamadan ayaa waxa ay isugu jiraan xoogga dalka, booliiska, iyo nabad suggida, waxana ay leeyihiin hal talis oo ay ka amar qaataan, iyada loo sameeyey qoondo mushaar iyo waliba daryeel kale.
Waxa ay leeyihiin isgaarsiin u gaar ah oo ay ku wada xiriiraan iyo siyaabo gaar ah oo ay ola macaamilaan dadka lagu soo qabto hawlgalka.
Waxa ay si dhow ola shaqeeyaan guddiga amniga qaranka ee uu guddoomiyo madaxweynaha.
Xarunta Xisbiga ayaa waxa ay ku dhegentahay Istadiyuum Muqdishoow oo fariisin u ah ciidamada AMISOM ee caasimadda ku sugan.
Qaar ka mid ah dawladihii kumeelgaarka ahaa ayaa ku hawlgalay xaruntani oo ka kooban dhismayaal isku xeendaaban oo afar dabaq ka kooban, balse intii muddo ah laguma hawlgalin, waxana ay ka mid ahayd meelaha ay saraakiisha dawladda ay aadka oga baqaan.
KismaayoNews.com

Xarunta Xisbiga oo saldhig looga dhigey ciidamada...

$
0
0

Kn: Xaruntii dhexe ee xisbiga kacaanka Soomaaliya ayaa dib loo hawlgaliyey, waxaana xarun looga dhigey ciidamada isku dhafka ah ee loo bixiyey Xasilinta Caasimadda.
Ciidamadan ayaa waxa ay isugu jiraan xoogga dalka, booliiska, iyo nabad suggida, waxana ay leeyihiin hal talis oo ay ka amar qaataan, iyada loo sameeyey qoondo mushaar iyo waliba daryeel kale.
Waxa ay leeyihiin isgaarsiin u gaar ah oo ay ku wada xiriiraan iyo siyaabo gaar ah oo ay ola macaamilaan dadka lagu soo qabto hawlgalka.
Waxa ay si dhow ola shaqeeyaan guddiga amniga qaranka ee uu guddoomiyo madaxweynaha.
Xarunta Xisbiga ayaa waxa ay ku dhegentahay Istadiyuum Muqdishoow oo fariisin u ah ciidamada AMISOM ee caasimadda ku sugan.
Qaar ka mid ah dawladihii kumeelgaarka ahaa ayaa ku hawlgalay xaruntani oo ka kooban dhismayaal isku xeendaaban oo afar dabaq ka kooban, balse intii muddo ah laguma hawlgalin, waxana ay ka mid ahayd meelaha ay saraakiisha dawladda ay aadka oga baqaan.
KismaayoNews.com

DAAWO SAWIRRADA: Ra’iisul Wasaaraha oo shir...

$
0
0

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo looga hadlayay fulinta qodobadii ka soo baxay shirkii London, gaar ahaan qeybta amniga iyo sidii wadajir looga shaqeyn lahaa taabagelinta heshiiska. Qodobada muhiimka ah ee shir diiradda lagu saaray waxaa kamid ah dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka oo qeyb ka ahaa qodobka ugu muhiimsanaa ee shirkan London looga hadlay, kaas oo horey dawladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada qeybta ka ah Federaalka ku heshiiyeen qaabkii dib u dhis loogu sameyn lahaa ciidanka Qaranka, Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka iyo inta badan safiirada beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya.

DHAGEYSO Barnamijka gaar ah oo looga hadlayo...

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live