Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Marekanka oo sheegay duqeyn uu ka fuliyay Saakoow...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Diyaaradda dagaalka ee Marekanka duqeyn ay ka fuliyeen deegaanka Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe oo ka tirsan koonfurta Soomaaliya ayaa lugu dilay ugu yaraan siddeed dagaal-yahan oo ka tirsan ururka al-Shabaab,sida lugu sheegay war ay baahisay wasaaradda difaaca Marekanka.
Weerarka waxaa lugu beegsaday saldhig ay al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka,wasaaradda difaaca Marekanka waxaa ay ku tilmaamen weerarka inuu jawaab celin u ahaa weerarro dhowr ah oo ay kooxdu fulisay.
Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhankiisa qoraal ka soo saaray weerarka aroor-nimaddii hore ee saakay ka dhacay deegaanka Saakoow.
"Saaka aroortii, waxaan amray in ciidamadeenna gaarka ah oo kaashanaya saaxiibadeenna caalamka in ay weerar ku qaadaana xarun tababar oo ay kooxda argagixisada ah ee al Shabaab ku lahayd meel u dhaw Degmada Saakoow ee Gobolka Jubbada Dhexe." ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo inta ku darray ."Weerarkan oo ah ahaa mid guul ku dhammaaday ayaa lagu burburiyay xarun tababar oo muhiim u ahayd hawlaha amni darro ee ay kooxdan soo abaabusho. Tani waxay wiiqaysaa awoodda cadowga uu kusoo abaabuli karoweerarro cusub."
Madaxweyne Farmaajo
"Markii aan xafiiska la wareegay, waxaan sheegay in maamulkayga uu ahmiyad sare siin doono amniga. Weerarkan wuxuu sare u qaadayaa amniga iyo xasilloonida dalka, wuxuuna yareynayaa khatarta ay kooxda al Shabaab ku hayso dadka Soomalaiyeed."madaxweynaha ayaa sida yari.
War-saxaafadeedka waxaa kalo uu ku sheegay madaxweynaha dowladda Federalka oo kaashanaysa saaxiibadeenna caalamka inay qaadeyso tallaabo kasta oo looga hortagayo in hawlgallada noocan ah aysan wax dhibaatada ah kasoo gaarin dadka shacabka ah.
Ugu dambeyntii,madaxweynaha wuxuu ka codsaday shacabka Soomaaliya in ay hay'adaha amniga kala shaqeeyaan sidii dalka looga sifeyn lahaa al-Shabaab.
__
RBC Radio


Mareykanka oo sheegay in ay duqeyn ku dileen ku...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Washington (Sh M Network)-Waaxda Difaaca ee Mareykanka ayaa sheegay in Duqeyn xoogan ay ku beegsadeen xubno ka tirsan Xoogaga Xarakada Al Shabaab oo ku sugnaa Degaano dhaca Koonfur Galbeed Dalka Soomaaliya.
Afhayeenka Waaxda Pentagon, Dana W. White ayaa waxuu sheegay in Weerarkan uu ka dhacay Degaan qiyaas ahaan 185Km dhanka Koonfur Galbeed uga beegan Magaalada Muqdisho.
Dana W. White ayaa xaqiijiyay in Duqeyntaasi ay ku dileen ugu yaraan 8 ka mid ahaa Xoogaga Xarakada Al Shabaab.
Waxaana uu shaaca ka qaaday in Mareykanka uu wadayo wada shaqeynta kala dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al Shabaab oo ku aadan sheegashada militariga Mareykanka.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Qatar oo dowladda Soomaaliya ku ammaantay go’aanka...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Dowladda Qatar ayaa madaxweynaha Soomaaliya uga mahadcelisay sida usan dhinac ula safay khilaafka ka dhex-taagan waddamada Khaliifka,kaaso dhaliyay waddamo dhowr ah oo Sacuudiga horkacayo inay xiriirka u jaraan Qatar.
Wafdi ka socda dowladda Qatar oo u hoggaaminayo wasiiru dowlaha Arirma dibadda, Suldaan Bin Sacad Al-Muraykhi ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho,iyagoo marka la kulmay madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.
Kulamada ayaa dhammaantod ahaa kuwa ay albaabaddu u xiranyihiin,waxaana inta ay socdeen diirrada lugu saaray xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.
Madaxweyna ayaa la sheegay inuu mahadcelin iyo ammaan ka helay dowladda Qatar oo marka si cad u dalbatay inaysan marna dhicin Soomaaliya inay xiriirka u jarto xukuumadda ka jirta Doha,sida ay Raxanreeb ka soo xigatay saraakiil madaxtooyadda ka tirsan.
Dowladda Soomaaliya ilaa hadda ma jiro war ka soo baxay oo looga hadlay kulamada dhexmaray madaxda sare ee dowladda iyo wafdiga ka socda Qatar.
Dhawaan wafdi kale oo ka socda dowladda Sacuudiga ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho,iyagoo marka dowladda ka dalbaday inay qaaddo tallaabo ay xiriirka ugu jarayaan Qatar,laakin dowladda ayaa la sheegay inay ka soo horjeesatay go'aan noocas ah inay qaadato.
Kulamada is xiga xiga ee ka dhacaya Muqdisho ayaa muujinaya in dowladda Soomaaliya ay wajaheyso xaalad u eg labo daran mid dooro, iyada oo cadaadis ba'an kala kulmeysa dowladda Sacuudiga oo siweyn uga xumaatay go'aanka dowladda Soomaaliya ay ku diidey inay xiriirka u jarto Qatar.
__
RBC Radio

DAAWO SAWIRRADA: Tartan adag kaddib tartamayaasha...

$
0
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lixaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii lix iyo tobnaad oo ah wareegga labaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Gaalkacyo VS Shangaani oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii afaraad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir. Tartameyaasha labada degmo ee Gaalkacyo VS Shangaani ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su'aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay oo maqal iyo muuqaalba leh. Gaalkacyo Tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa la weydiiyey todobo Su'aal, waxaana ay si sax ah uga jawaabeen labo su'aal, waxaana ay iska qaldeen shan su'aal, waxa ay ka faa'iideysteen hal su'aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Shangaani, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Gaalkacyo ay heleen waxay noqoneysaa lix (6) dhibcood. Shangaani Tartamayaasha Degmada Shangaani ee gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su'aal, waxa ay ka jawaabeen labo su'aal, waxa ay iska qaldeen shan su'aal, waxaana ay ka faa'iideysteen hal su'aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada [...]

XOG: Shirkadda DP World oo la wareegaysa dekedda...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaradka Carabta ee DP World ayaa hadda ballaarineysa qorshaha ay ku dooneyso dhammaan inay maamusho dekeddaha ku yaalla Soomaaliya.
Isku-deyga ugu dambeeya waxaa ay shirkadda ku dooneysa inay kula wareegto dekedda ku taalla magaalada istiraatiijiga ah ee Baraawe ,sida ay oggaatay Raxanreeb.
Madaxweynaha maamuka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo booqasho ku jooga dalka Imaaradka Carabta ayaa kulamo horu-dhac ah la qaatay mas'uuliyiin sare oo ka tirsan shirkadda DP World .
Kulamada inta ay socdeen waxaa diirrada lugu saaray sura-galnimadda ay shirkadda kula wareegi karto maamulka dekedda Baraawe oo u baahan dib u dhis ballaaran.
"Inta ay socdeen kulamada kaliya waxaa la iskula soo qaaday sida ay suragal ku noqon karto DP World inay tagto dekedda Baraawe oo la eego meelaha u baahan dib u dhiska." ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan maamulka oo la hadlay Raxanreeb.
Sarkaalka oo magaciisa qariyay,waxaa kalo u sheegay in usaan wali heshiis dhicin,balse dhawaan loo diri doono magaalada Baraawe wafdi ka socda shirkadda DP World ,kuwaas oo qiimeyn ku sameynaya dekedda halkaas ku taalla.
Wada-hadallada ay shirkadda DP World ku dooneyso inay kula wareegto dekedda Baraawe ayaa ku soo aadaya xilli ay shirkaddu waqti hore dhammeystirtay heshiisyo ay kula wareegtay dekedaha ku yaalla magaalada Berbera iyo Boosaaso.
__
RBC Radio

SOMALIA: Qatar praises Somalia for neutrality after...

$
0
0

MOGADISHU (RBC Radio) Qatar on Sunday sent its State Minister for Foreign Affairs Sultan Bin Saad Al-Muraykhi to Mogadishu to express his government's gratitude after Somali Federal Government took a neutral position amid high diplomatic crisis what isolated Qatar.
Qatar's State Minister for Foreign Affairs Al-Muraykhi and his delegation landed in Mogadishu at a private Turkish-owned jet. He met Prime Minister Hassan Ali Khaire and President Mohamed Abdullahi Farmajo as the Villa Somalia Presidential Palace.
The Qatari officials convened closed door meetings with Somalia officials, where the hot discussion focused the ties between Doha and Mogadishu and the position Somalia stood which Qatari officials sought assurances that Mogadishu will not reverse even under the Saudi pressure.
The Qatari delegation visit to Mogadishu comes following another visit to the country by a Saudi delegation in a bid to convince President Farmajo and his administration to follow suit of Bahrain, Egypt, United Arab Emirates and others who severed ties with Doha.
But President Farmajo told Saudis that Mogadishu will play arbitration role and that it will never side with any of the Arab nations involving in the current diplomatic crisis.
Somalia permitted the Gulf courier Qatar-owned Qatar Airways to access its airspace after Saudi allies blocked it.
According to sources, during the Sunday discussions in Mogadishu, the two governments underlined the continuation of the strong ties between Doha and Mogadishu.
Somalia is currently in dilemma. While isolated Qatar is thankful for neutrality, Saudi and its allies are threatening to cancel a projected financial assistance and bilateral agreements, should Mogadishu not retreat its current position on Qatar. Last week Somali officials returned after failing to meet their Saudi counterparts during a planed visit to Riyadh.

Shiinaha oo gaaray guul wayn oo dublamaasiyadeed

$
0
0

Dawladda Panama ayaa jartay calaaqaadkii dublamaasiyadeed ee ay wakhtiga dheer la lahayd Taiwan, taas baddalkeedana waxay xiriir cusub la billawday dalka Shiinaha.

Shiinaha oo gaaray guul wayn oo dublamaasiyadeed

$
0
0

Dawladda Panama ayaa jartay calaaqaadkii dublamaasiyadeed ee ay wakhtiga dheer la lahayd Taiwan, taas baddalkeedana waxay xiriir cusub la billawday dalka Shiinaha.
Dawladdu waxay sheegtay in ay aqoonsatay "in Shiinuhu uu hal dal yahay" ayna Taiwan u aragto qayb ka mid ah.
Taiwan ayaa muujisay in ay arrintaas "ka xanaaqday kana xuntahay" waxayna dalka Panama ku eedaysay in uu u "cagojuglaynayo".
Shiinaha ayaa Taiwan u arka gobol dalkeeda ka mid ah dalal badan ayaana calaaqaad la leh Taiwan badalkii Shiinaha, Panama ayaase ah dalkii u dambeeyay ee arrintaas badala.
Dalka Sao Tome and Principe ee qaaradda Afrika ku yaalla ayaa bishii Desembar ee sannadkii hore qaatay go'aan kan la mid ah.
Bishii lixaad ee sannadkii hore ayay ahayd markii hogaamiyaha Taiwan Tsai Ing-wen ay booqashadeedii koobaad ee dibadda ah ay ku tagtay dalka Panama.
Hadda 20 dal oo kali ah ayaa calaaqaad dublamaasiyadeed la leh Taiwan.
Shiinaha ayaa sannadihii u dambeeyay aad u kordhiyay maalgashiga uu ku samaysanayo dalka Panama oo ku yaalla qaaradda Ameerika lehna gacanka Panama.
ku dhawaaqitaanka Panama ka dib warbaahinta dawladda Shiinaha ayaa shaacisay sawirrada labada wasiir arrimo dibadeed oo heshiis dublamaasiyadeed ku sixiixanaya magaalada Beijing.


Somalia oo ku adkeysaneysa in ay weli Dhexdhexaad ka...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Pretoria ( Sh.M.Network)- Diblumaasi Soomaaliyeed oo u warramayay Wakaaladda Wararka ee Anadolu ayaa sheegay in Soomaaliya aysan ka weecan doonin Mowqifkii Dhexdhexaadnimo ee dhawaan ay iska taagtay Muranka wadamada Khaliijka.
Afhayeenka u hadlay Qunsuliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Pretoria ee dalka Koofur Africa kaas oo lagu Magacaabo Cabdi Xalane Xirsi ayaa Anadulu u sheegay in Somalia ay ka qaadatay xiisadaasi Go'aan Dhexdhexaad ah islamarkaana ay ku boorisay labada dhinac in wadahadal arrimahooda ku soo afmeeraan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa dhawaan faafisay in Wadamada Khaliijka oo walaalo la ah Soomaaliya ay arrimahooda miiska wadahadalka ku dhameystaan ayna dhex dhexaadiso Jaamacadda Carabta iyo Ururkada Iskaashiga Islaamka islamarkaana Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato xal u helista murankaasi.
Sidoo kale Diblumaasigaan Soomaaliyeed ayaa beeniyay warar la isla dhexmarayay oo ku aadan in Sacuudiga uu u diiday Dowladda Soomaaliya Lacag uu horay ugu yaboohay oo gaareyso 50 Million oo dollar taas oo uu shuruud uu uga dhigay sida la hadal haayay in ay xiriirka u jarto Qatar.
" waxaan ka aaminsanahay in warbixinadaasi yihiin kuwa aan Sal iyo Raad toona lahayn ee ka fog Xaqiiqda" sidaas waxaa yiri Diblumaasigaasi ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Koofur Africa.
Dhinaca kale Masuul diiday in Magaciisa la shaaciyo ayaa Warbaahinta u sheegay in Wafdi Wasiiro Xukuumadda Somalia ka tirsan ay ka kooban yihiin booqashadii ay dhawaan ku tageen Sacuudiga ay kala soo noqdeen Waji Gabax kadib markii ay kala kulmeen Sacuudiga Cadaadis ku aadan in dowladda Soomaaliya xiriirka u jarto Dalka Qatar.
Masuulkaan u warramay Anadolu ayaa intaas ku daray in uu rumeysan yahay in Somaliya aysan qaadi doonin wax tallaabo ka dhan ah Qatar maadaama ay dooneyso Midnimada Caalamka Islaamka oo dhan.
Dad ka faalooda Arrimaha Dhaqaalaha ayaa walaac ka muujinaya in Soomaaliya oo si weyn ugu tiirsan xoolaha ayna u dhoofin jireen Sacuudiga iyo wadamada kale ee Carbeed ay soo food saari karto xayiraad ku aadan Xiriirkaasi Ganacsi taas oo dhibaato dhaqaalo ay kala kulmi karto Somalia.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Masuuliyiin Bank-ga Adduunka ka socda oo Booqday...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho ( Sh.M.Network)-Dr Maxamuud Muxuyidiin oo ah ku xigeenka Madaxa Bank-ga Caalamiga ah ee Adduunka ayaa isaga iyo Masuuliyiin ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa waxa ay booqdeen Xero Qaxooti oo ay ku jiraan Dad Soomaaliyeed ee ku taalla Xadka ay wadaagaan Dalalka Somalia iyo Ethiopia.
Masuulkaan oo mar soo ahaa Wasiirkii Maalgashiga ee Masar xilligii Maxamed Xusni Mubaarak ayaa hoosta ka xariiqay in Dadka Qaxootiga ah ee ku jira xerada ay booqdeen ay yihiin qaarkood kuwa ka soo cararay abaaraha ba'an ee ku dhuftay Somalia ayna u baahan yihiin Kaalmo deg deg ah sida uu hadalka u dhigay.
Arrimaha dadka ay abaaruhu saameeyeen ayuu sheegay in mar ay booqdeen Magaalada Muqdisho ay kala hadleen dowladda Soomaaliya iyagoo ka kooban Hay'adda Cunada Adduunka, UNICEF , Xubno ka socda Beesha Caalamka iyo Ururo kaloo samafal.
Dadka ku jira Xeradaasi dhacda Xadka Somalia iyo Ethioopia oo September 2015 cadadoodu gaareysay 5 Million ayaa hadda tiradoodu sii korortay waxa ayna dhan yihiin 6.2 Million oo qof sida uu Masuulkaasi ku nuux nuuxsaday.
Sidoo kale Dr Maxamuud Muxuyidiin ayaa intaas ku daray in ay isi soo tarayaan Qaxootiga Soomaaliyeed ee ka soo noqonaya Dalka Yemen oo colaado ay ka jiraan kuwaas oo hadda la sheegay in si rasmi ah dalkooda ugu soo noqdeen illaa 30 kun ka mid ahaa, waxaa intaas sii dheer Qaxootiga ka soo noqonaya Kenya.
Waxaana uu intaas sii raaciyay in daruufahaas oo dhan ay ku tusinayaan in dhibaato beni'aadanimo ay wajahayaan Qaxootigaas Soomaaliyeed.
Bank-ga Adduunka ayuu sheegay Dr Maxamuud Muxuyidiin in uu si deg deg ah ugu yaboohay dhibanayaashaasi si ay uga soo kabtaan Abaaraha lacag dhan 50 Million oo dollar isagoona shaaca ka qaaday in dadka abaaruhu saameeyeen ay gabeen dalaga iyo Xoolaha oo ay ku tiirsaneed Noloshooda.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Dhisme ku dumay magaalada Nairobi

$
0
0

Dad lagu qiyaasay 15 ruux ayaa la la'yahay ka dib markii uu dumay dhisme toddobo dabaq ka kooban oo ku yaalla bariga caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Dhisme ku dumay magaalada Nairobi

$
0
0

Dad lagu qiyaasay 15 ruux ayaa la la'yahay ka dib markii uu dumay dhisme toddobo dabaq ka kooban oo ku yaalla bariga caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.
Hay'adda Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa Twitterkeeda ku soo qortay in shaqaalaha gurmadka dagdaga ah ay gaareen goobta uu dhibku ka dhacay oo ka agdhaw Embakasi.
Websaytka Star ayaa sheegay in dad badan laga daad gureeyay dhismaha wax yar uun ka hor inta uusan dumin.
Qof goobjooge ah ayaa wargayska u sheegay in dhisamahan laga cawday ka dib markii lagu arkay dildilaac ku dhashay darbiyadiisa.
Afartan iyo sagaal ruux ayaa ku dhimatay dhisme ku dumay Nairobi bishii afraad ee sannadkan ka dib markii uu da'ay roob mahiigaan ah.

4 degmo oo xalay ku Tartamay Barnaamijka Tartan...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho ( Sh.M.Network)-Tartan Aqooneedka Shabelle ayaa xalay waxaa ku baratamay illaa 4 degmo oo Min 2 Degmo isugu dhacay.
Kulanka hore ayaa waxa uu dhexmaray degmooyinka Waaberi iyo Kaxda ee Gobolka Banaadir , waxaana uu ku idlaaday Kaxda oo la timid 8 Dhibcood halka Waaberina ay keensatay 16 Buundo.
Sidaas daraadeed waxaa Guusha la hoyday Tartamayaasha degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.
Sidoo kale waxaa xalay Tartan xiiso leh Shabelle uu ku dhexmaray Degmooyinka Xamarweyne iyo Heliwaa ee Gobolka Banaadir.
Waxaana Tartankaasi Guusha raacday Tartamayaasha degmada Xamarweyne oo si dirqi ah kaga adkaaday dhigooda Heliwaa.
Tartankaas ayaa ku soo idlaaday 8 dhibcood oo ay la timid Heliwaa , halka Xamarweyn ay Keensatay 10 dhibcood.
Si kastaba degmooyinka Xamarweyn iyo Waaberi ayaa waxaa u suura gashay in ay xaqiijiyaan in ay u soo gudbaan Wareega 8 dhamaadka Tartan Aqooneedka Shabelle.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Wasiiro ka tirsan Puntland iyo Galmudug oo Gaalkacyo...

$
0
0

GAALKACYO(RBC RADIO)Kulan horu dhac ah ayey xalay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ku yeesheen Guddi ka kooban Wasiiro ka kala socda Maamulada Galmudug iyo Puntland kuwaasoo loo xilsaaray sidii loo soo afjari lahaa Colaada Gobolka Mudug.
Kulanka oo ka dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa horu dhac u ahaa shir dib u heshiisiineed oo ay yeelanayaan Puntland iyo Galmudug kaasoo la doonayo in gabi ahaanba lagu soo afmeero Colaada Magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug.
Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Galmudug Maxamed Xayir Nuur ayaa sheegay in kulanka looga hadlay sidii dib u heshiisiin dhab ah looga hirgalin lahaa guud ahaan Gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo.
Maxamed Xayir Nuur ayaa shaaca ka qaaday in la isku waafaqay ajandayaasha looga hadlayo shirka rasmiga ah ee lagu dhamaynayo Colaada Gobolka Mudug ee Bartamaha Soomaaliya oo ay marar badan ku dagaalameen Puntland iyo Galmudug.
Wasiirka deegaanka Puntland Cali C/llaahi Warsame ayaa dhankiisa sheegay in la isku raacay in la bilaabo wada hadalada nabadeed ee u dhexeeya Puntland iyo Galmudug oo ay horseed ka yihiin Madaxda labada Maamul.
Cali C/llaahi Warsame ayaa ugu baaqay bulshada reer Mudug gaar ahaan dad weynaha kunool Magaalada Gaalkacyo iney u istaagaan Nabad,Walaalnimo iyo Derisnimo,wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey iney wada hadalada kasoo baxaan go'aano wax ku ool ah oo lagu soo afmeerayo Colaada Gobolka Mudug.
Wada hadalada rasmiga ah ayaa la filayaa iney Maanta ka bilowdaan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
RBC RADIO

Al-shabaab oo weerar iskugu jira dagaal toos ah iyo...

$
0
0

BIYO CADDE(RBC RADIO)Al-shabaab ayaa xalay weerar culus oo iskugu jiray Madaafiic iyo dagaal toos ah waxa ay ku qaadeen Fariisimo ay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Biyo Cadde ee Gobolka SH/Dhexe.
Cutubyo ka tirsan Al-shabaab ayaa Madaafiic ku garaacay Saldhigyo ay deegaanka Biyo Cadde ku leeyihiin Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya,waxaana xigay weerar toos ah oo ay ku qaadeen Ciidamada isgarabsanaya.
Dagaal saacado socday ayaa deegaanka Biyo Cadde ku dhexmaray Ciidamada Dolwadda oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaabkii weerarka soo qaaday,lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi maadaama xiligu uu ahaa habeen.
Dadka kunool deegaanka Biyo Cadde ee Gobolka SH/Dhexe ayaa waxaa soo food saartay cabsi ay ka qabaan in markale dushooda lagu dagaalamo.
RBC RADIO


Maamullada Puntland iyo Galmudug oo ka wada hadlay...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Gaalkacyo ( Sh.M.Network)-Masuuliyiin ka kala tirsan Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa ka wada hadlay Nabadda Magaalada Gaalkacyo.
Kulan ay yeesheen Wasiiro ka kala tirsan Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa looga hadlay sidii Nabad loogu wada noolaan lahaa Gaalkacyo.
Maamulka Puntland waxaa uga qeyb galay shirkaasi Wasiirka Deegaanka Puntland Cali Cabdi Warsame oo sheegay in Nabadda Gaalkacyo ay tahay mid lagama maarmaan ah.
Puntland iyo Galmudug ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo xal looga gaarayo colaadda daba dheeraatay ee Magaalada Gaalkacyo oo labadaasi maamul ay ka wada arrimiyaan.
Kulanka labada dhinac ayaa waxa uu ka dhacay Koofurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee ay maamusho Galmudug.
Related
La wadaag
Facebook
Twitter

Dowladda Federaalka wey ka go’antahay wax u...

$
0
0

Muqdisho, 13 June 2017 - Dowlada Federaalka Soomaaliya wey ka go'antahay wax u qabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo ka duuleysa muhiimada wargelinta shacabka marwalba si ay xaalada ula socdaan ayaa Dowladu waxey baaq u direysaa shacabka ee ku aadan dhibaatooyinka tahriibka si loo yareeyo khasaaraha shacabka ka soo gaara iyagoo u tahriibaya dalal kale. Dowladu waxey si joogta ah ula socotaa dhaqdhaqaaqyada iyo xaaladaha muragada leh ee ka soo yeereysa tahriibka badaha oo shacab fara badan ay waxyeelo ka soo gaartay. Sidaas daraadeed, Dowlada Federaalku waxey shacabka u xaqiijineysaa inay wado dadaal walba oo lagu badbaadinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Dhowaan ayey aheyd markii ay Dowladu heshiis la gashay Dalka India si maxaabiista Soomaaliyeed dib dalkooda loogu soo celiyo. Dowladda Federaalku waxey sameysey Guddiyo Heer Wasiir iyo Heer farsamo oo wax ka qaban doono Tahriibka iyo sida loo badbaadin lahaa Muwaadiniinta Soomaliyeed ee dhibaatada heysata. Sidoo kale Dowlada Federaalku waxey wadaa shirar wada tashi oo ay la yeelaneyso Hay'ado Caalami oo ku lug leh arrimaha tahriibka kana shaqeeya wadamada ay ka mid yihiin Libiya iyadoo kala hadashay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada taagan. DHAMAAD

RAALI GELIN

$
0
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan ka raali gelineynaa muddadii 24-ka saac ee aan hawada ka maqneyn cilad jirto awgeed, isla markaana lagu guuleystay in aan hawada dib ugu soo celino. Akhristayaasheena waxaan ka raali gelineynaa maddadaas aan hawada ka maqneyn, waxaana u balan qaadaynaa inaan si joogto ah u sii wadi doono howlaha aan bulshada u heyno.

DAAWO: 8-Qodob Guul ah oo laga soo saaray Shirka...

$
0
0

Jun 13, 2017 -
Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Cabdiraxman Ducaale Bayle ayaa maanta soo xiray shir looga arinsanayey sidii loo midayn lahaa canshuuraha furdooyinka ee dalka, waxaana shirka ka soo qayb galay Wasiirada Maaliyadda Maamulada Gobolada, Gudiga Baarlamaanka u qaabilsan arrimaha Maaliyadda, Gudiga dib u habaynta Maaliyadda, Bangiga Dhexe iyo khubaro ka socotay Wasaaradda Maaliyadda.
Shirka ayaa daba socday kulmo dhowr ah oo ka kala dhacay Muqdisho iyo Nairobi, ayaa diirada lagu saaray sidii wadanku u lahaan lahaa canshuur midaysan si culayska looga dulqaado dadka shacabka ah oo ay saamayntu ku yeelato canshuurahan is bar bar yaacaya oo maamulkasta uu qaado khidmad isaga u go'an.HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Bayle oo gabagabadii shirka la hadlay saxaafada ayaa sheegay in qodobo muhiim u ah mustaqbalka dalka aad looga dooday waxaana ka mid ahaa:1-In la sii amba qaadno sidii loo midayn lahaa cashuuraha iyo sidii dakhliyada wax looga qaban lahaa2-In dalka wixii soo galaya iyo wixii ka baxaya meel looga so wada jeesto3-In shuruucda khuseeya arrimaha maaliyadda ee la diyaarinayao meeshay doonaan haka socdaane in laysla ogaado marka la diyaarinayo4-In la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda ee XFS iyo Wasaaradaha Maamulada gobolada, shirar badan la yeesho, iyo in lasamaysto Email wada jir loogu xiriiro.5-In dalkaan wixii ka dhaxcaya oo ku saabsan arrimaha maaliyadda laga wadahadlo,6-Inaan sii ogaano waxyaalaha cusub oo aan doonayno inaan aduunka kula dhaqmayno iyo inaan isla fahano wixii aduunka aan ka aqbalayno.7-In la mideeyo daraasadaha la samaynayo ee ka dhacaya meelaha kala duwan, si looga fogaado in la sameeyo waxyaalo iska soo horjeeda.8-In shirkaan kan ku xiga lagu qabto Garoowe mudo 45 casho kadib ah
Dhanka kale Wasiiradda Maaliyadda ee maamul goboleedyada ayaa dhankooda ku amaanay dowladda dhexe dadaalka dheeriga ah ee ay ugu jirto sidii dalkaan loo gaarsiin lahaa horumar baaxaad leh loona yeelan lahaa wada shaqayn ka wanagaasan tii hore.
Ugu danbayntii Wasiirka maaliyadda XFS C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa u sheegay Wasiirada kale ee shirkaan ka qeybgalayey in ay saaran tahay masuuliyad shaqo oo aad u weyn loona baahan yahay in dalka uu gaaro isku filnaanshiyo dhaqaale.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Wasiirka Amniga iyo xubno Wasiiro ah oo xalay...

$
0
0

Wasiirka Amniga, Wasiirka Warfaafinta, Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka iyo Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa kormeer howleed ku tegay goobaha ay ku suganyihiin ciidamada xasilinta amniga caasimadda, waxaana wafdiga hogaaminayay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale. Kormeerka ayey mas'uuliyiinta ku tageen baraha koontaroolada ee laga soo galo caasimadda iyo kuwa kale ee yaala faras magaalaha Muqdisho. Ugu horeyn qaar ka mid ah saraakiishii iyo askartii ku sugnaa koontaroolada ay kormeereen Wasiirada ayaa mas'uuliyinta uga warbixiyay sida ay u socoto howlaha lagu xaqiijinayo Nabadgelyada Caasimadda Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa tilmaamay in ujeedka socdaalka ay ku tegeen baraha ay ku suganyihiin ciidamada ay tahay sidii loo dhiiri gelin lahaa ciidamada ku shaqada leh xaqiijinta Nabadgelyada caasimadda.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live