Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Dastuurka oo lagu soo...

$
0
0

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya AVV Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda dawlad goboleedka Puntland. Wafdiga Wasiirka waxaa kamid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo qaar kamid ah La-taliyayaasha Wasaaradda. Ujeedada booqashada ayeey tahay in wadatashi ku saabsan hannaanka dib u eegista Dastuurka la la yeesho madaxda iyo shacabka dawlad goboleedka Puntland. Wafdiga Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh waxaa Garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku soo dhaweeyay Xubno ka tirsan Aqalka Sare, Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Puntland Mudane Cali Siciid Oogle, iyo masuuliyiin kale, kadibna waxaa wafdiga loo galbiyay Madaxtooyada Puntland iyaga oo salaan ugu tagay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. AVV. Xoosh oo la hadlay warbaahinta ayaa uga mahadceliyay madaxda Puntland sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen wafdigiisa isaga oo sheegay in kulamo wadatashi ah la qaadan doonaan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaa kale oo uu sheegay Wasiirka in Wasaaraddu ay si rasmi ah ay maanta u biloowday safaro ay ku tegi doonaan dhamaan dawlad goboleedyada dalka ka jiro si ay madaxda iyo shacabka uga la tashtaan Qorshaha Guud ee hannaanka dib u eegista Dastuurka oo ay Wasaaradda diyaarisay. ---DHAMAAD---


WAR DEG DEG AH: Ciidanka Xasilinta oo Gaari Hub...

$
0
0

Jun 13, 2017 -
Warar hada soo dhacaya ayaa sheegaya in Ciidanka Xasilinta oo maalmihii dambe howlgalo habeen iyo maalin ah ka waday Muqdisho ay gacanta ku dhigeyn gaari hub ah waxaana la helayaa warar horudhac ah.
Warka oo si degdeg ah noo soo gaaray ayaa sheegaya in gaariga hubka siday iyo ragii watay Goordhaw lagu qabtay Degmada Wadajir gaar ahaan Buulo-Xuubey.
Lasoco Faah faahinta oo dhameystiran:
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Kulan looga hadlay doorka dhallinyarada ee Nabadda...

$
0
0

Dhallinyarada Soomaalida ee ku nool dalka South Africa ayaa kulan afur ah u sameeyay waxgaradka iyo aqoonyahanada Soomaalida ee ku nool magaalada Johannesburg. Kulanka afurka waxaa soo qaban qaabiyay ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika ayaa habeenkiii xalay ahaa, waxa uu ka dhacay magaalada Johannesburg gaar ahaana xaafada Mayfair, waxaana kasoo qeybgalay waxgarad kala duwan oo ka mid yihiin aqoonyahano iyo waliba guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Banaadir Cali Maxamed Cali "Ugaas Cali". Kulanka ayaa ujeedkiisa ahaa sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada xaaladaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada tuulooyinka ah iyo waliba dilalka iyo dhibaatooyinka ay dhaxdooda isku geystaan. Ku-xigeenka Guddoomiyaha dhallinyarada Mudane Cabdullaahi Cabdi Xasan "Xarbi" ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in kulamada ay ahaayeen kuwa maalmahii lasoo dhaafay ay la yeelanayeen qeybaha kala duwan ee bulshada sidii iskaashi iyo wadajir ah loo wada yeelan lahaa arimo badan oo horyaala dhallinyarada. Prof Cabduqaadir Cigaal oo barre ka ah mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaala magaalada Johannesburg iyo Ugaas Cali Guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka banaadir ayaa ugu baaqay dhallinyarada in buuxiyaan doorkii ay qaateen dhallinyaradii SYL, ayaga oo waxgaradkana ugu baaqay in laga faa'iideysto awoodda dhallinyarada. Ugu Dambeyn Guddoomiyaha [...]

WAR HADA AH: Mid kamid ah Degmooyinka G/Banaadir oo...

$
0
0

Jun 13, 2017 -
Guddoomiyaha Amniga iyo Siyaasada Maamulka Degmada Hiliwaa, Abshir Maxamed Maxamuud ayaa waxuu sheegay in Ciidamada Amaanka ee Maamulkaasi ay ka hortageen Qarax la doonayay in lagu dhibaateeyo Shacabka.
Guddoomiye Abshir ayaa waxuu tilmaamay in Qaraxan la dhigay goob ay isugu yimadaan dhalinyarada.
Waxaan u mahadcelinayaan Alle, kadibna Ciidamada amaanka ee ku guuleystay in ay ka hortagaan waxyaabahaasi qarxa ee lagu aasay goob mashquul badan oo dadka ay isugu yimaadaan", sidaasi ayuu yiri Guddoomiyaha.
Hadalka Maamulka Degmada Hiliwaa ayaa waxuu imaanayaa xili amaanka Muqdisho aad loo adkeeyay islamarkaana Ciidamada xasilinta - Soomaaliya lagu arkayo waddooyinka Magaalada Muqdisho.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

SAWIRO: Dhul gariir dhimasho badan Sababay oo ku...

$
0
0

Jun 13, 2017 -
Dhul gariir khasaaro ba'an geystay ayaa waxa uu ku dhuftay Magaalooyinka Lesbos iyo Izmir ee ku kala yaalla dalalka Griiga iyo Turkiga.
Cabirka dhul gariirka ayaa waxaa lagu sheegay 6.3. kaa oo dhacay xili dadka ku kala nool magaalooyinkaasi ay ku guda jireen nasiinka.
Dhul gariirka ayaa burburiyay daaro farabadan oo aad u dheer, waxaana la sheegay in khasaaraha dhimasho uu kor u dhaafayo 80, halka dhaawacana uu gaarsiisan yahay 120, sida ay baahiyeen warbaahinada caalamka.
Dhul gariirka kadib Dadka ayaa dibedda uga soo wada yaacay guryaha iyo xafiisyada magaalooyinkaasi, waxaana goobaha burburay ku jira goobo ganacsi oo aad u mashquul badnaa xiliga uu dhacaayay dhul gariirka.
Dadka uu saameeyay dhul gariirka ayaa gabi ahaan la dhigay xarumaha caafimaad ee ku kala yaala magaalooyinka uu ka dhacay dhul gariirka ee ka bad qaba burburka dhacay.
Dowladaha Griiga iyo Turkiga ayaa dhul gariirka kadib ku dhaqaaqay baaritaano waxa ayna magaalooyinkaasi galeen jawi barakac ah, maadaama dadka intiisa badan ay ku guryo waayen dhul gariirka.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Wafdigii ugu horreeyay oo ka socda dowladda...

$
0
0


Garoowe (RBC Radio) Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 13 June 2017 qasriga madaxtooyada Garoowe kusoo dhoweeyey wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya Cabdi Xoosh Jibriil, waxaana ay isugu jireen wedtigani masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Fadaraalka Soomaaliya.
Kadib kulan gaara oo ay wadda qateen madaxweynaha iyo waftigaasi ayaa waxay ay Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya,Cabdi Xoosh JIbriil iyo Wasiirka Wasaarada Dastuurka Puntland Cali Ciise Oogle ka hadleen muhiimada uu daraanaa socdaalka ay weftigani kusoo gadheen Puntland gaar ahaan - Garoowe,
Wasiirka Wasaaradda Dasruurka Puntland Cali Ciise Oogle aayaa ugu horayn ka warbixiyey muhimada ay u yimadeen weftigani Puntland, waxaana uu sheegay Wasiirku in weftigu ay u socdeen arrimo la xidhiidha dib u eegista dastuurka Soomaaliya, kaasi oo ay dawladda Fadaraalka Soomaaliya ku hawlan tahay dib u habayntiisa.
"Waxaa sharafweyn noo ah inaan maanta ku soo dhoweyno Garoowe wefti aad u culus runtii oo nooga yimi dawladda Fadaraalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo wasiirka Dastuurka DFS, booqashadani runtii waxay daba socotey shirweyn oo hadda ka hor ka dhacay Muqdisho si uu wasiirku usoo arko dawladd-goboleedyadii oo dhan, nasiib waxaan u helnay Puntland inuu yimaado isaga iyo weftigiisa si loogu kuur galo dib u eegista dastuurka Soomaaliya oo ah hawlweyn oo sugaysa Soomaaliya" ayuu yiri Wasiirka Dastuurka Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka DFS Cabdi Xoosh Jibriil ayaa sheegay dhankiisa in ka wasaarad ahaan ay muhiimad gaara u leedahay imaanshaha Puntland, madaama Punatland ay tahay hooyadda Maamul goboleedyada dalka, isla markaana ay wax badan ku kordhin karto kana saarikarto dastuurka DFS.
"Waxaan dooranay runtii inaan kusoo hormarno Puntland, sababtuna waxa weeye waa calaamadii fadaraalka waana curadkii Maamul goboleedyada Dalka, waana meeeshii lagu qaban jirey shirarka Dastuurka saas awgeed waxaa sharaf noo noqotay inaan nimadno Puntland gaar ahaan Garoowe" ayuu yiri Wasiirka Dastuurka Soomaaliya.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu dambayn kula dardaarmay masuuliyiintani inay masuuliyad gaara iska saaraan dardar gelinta shaqooyinka adag ee horyaala, isla mar'ahaantaana ay arrimaha dib u eegista dastuurka ku qabyo tiraan sida ugu dhakhsiyaha badan uguna macquulsan.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Sawiro: Dad itoobiyaan ah & Ajaaniib kale oo lagu...

$
0
0

Jun 14, 2017 -
Weerar ismiidaamin ah ayaa Caawa ka dhacay Hotel Posh oo ku yaalla meel u dhow Isgosyka Banaadir ee Degmada Hodan.
Weerarka ayaa waxaa loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah, waxaana la xaqiijiyay in lagu dhuftay iridka hore ee Hoteelka oo xiligaa aheyd mid mashquul badan.
Weerarka ayaa dhacay xili Hoteelka ay ku afurayeen dad farabadan oo halkaa isku diyaariyay xiliga afurka, waxaana la soo sheegayaa in Qaraxa uu galaaftay dhowr qof, halka kuwo kalane uu kasoo gaaray dhaawac culus.
Hoteelka ayaa waxaa ka shaqeeya Rag iyo dumar oo kasoo jeeda dalka Ethiopia, kuwaa oo qaarkood la sheegay in la badbaadiyay, halka qaarna uu soo gaaray dhaawac culus waxaa sidoo kale dhaawac uusoo gaaray rag kale ajaaniib ah.
Inta la xaqiijiyay weerarka ayaa waxaa ku dhintay ilaa Lix ruux oo u badnaa kuwo ku sugnaa iridka hore ee Hoteelka, halka dhaawacana uu kor u dhaafayo 10 ruux oo shacab u badan.
Lasoco Warkaan Wixii kusoo kordha:
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Wasiir Xoosh iyo wafdigiisa ee ku sugan Garoowe oo...

$
0
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Guddoomiye Ku-Xigeenka, iyo Guddiga joogtada ee Baarlamaanka puntland. Waxa ay kawada hadleen sidii ay wada shaqeyn u dhexmari laheyd Guddiga Arrimaha Dastuurka ee Baarlamaanka Puntland iyo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee dawladda Federaalka. Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha sida wanaagsan ee uu u aqaabilay wafdiga uu hogaaminayo. "Waan kaaga mahadcelinayaa sida quruxda badan ee aad noo qaabishay aniga iyo wafdiga aan hogaaminayo oo magaaladan u jooga in ay kulamo wadatashi la yeeshaan qaybaha kala duwan ee bulshada, waxa aan idinka rajeyneynaa in aad na la garabgashaan hawsha muhiimka ah ee dib u eegista Dastuurka ee aan Qaranka Soomaaliyeed u hayno" ayuu yiri Wasiir Xoosh. Ugu dambeyn, Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka ayaa kulamo la qaadan doono dhaman masuuliyiinta sar sare ee dawlad goboleedka Puntland. ---DHAMAAD---


Hay’adaha Ammaanka oo wada baaritaanno ku aadan...

DHAGEYSO: R/W kheyre oo si kulul uga hadlay Weerarka...

$
0
0

Jun 14, 2017 -
Ra'iisul Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay Qarax Xoogan oo caawa ka dhacay Hotelka Posh iyo Weerarka tooska ah ee hada socdo.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu aad ugu xun yahay qaraxa dhacay iyo khasaaraha ka soo gaaray dadka soomaaliyeed ee Hotelka ku jiray.HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA:
" Halkaan anagoo fadhina ayaad maqleyseen in uu qarax dhacay hada, qof walbo oo idinka idiinka mid ah telefoonkiisa ayuu ku booday kulligeen waan damqananay, waxaa laga yaabaa qaraxaasi in dad soomaaliyeed ay wax ku noqdeen ayuu yirin Xasan Cali Khayre".
Waxa uu dadka soomaaliyeed ugu baaqay in meel loogu soo wada jeesto ka hortaga qaraxyada ka dhacaya dalka iyo dhibaatada dadka soomaaliyeed lagu hayo.
" Waxaan aqbalnay in qarax dhaco oo aan ka cararno, in qof meel lagu dilo oo aan ka aamusno taasina macquul ma ahan, waa in aan Ciidamada amaanka la shaqeynaa ayuu yiri mar kale Ra'isul wasaaraha".
Hadalkaan ayuu Ra'isul Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ka sheegay kulan ka socday Madaxtooyada Soomaaliya xilliga uu qaraxu dhacaayay.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Gadiidka AMISOM oo Gaari ku jiiray Magaalada Muqdisho

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter

Muqdisho (Sh M Network)--Waxaa gelinkii dambe ee maanta Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Nabad Ilaalada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Gaari kale oo nuuca raaxada ah waxey ku jiireen Magaalada Muqdisho.
Shilkan ayaa waxuu ka dhacay Waddada Taleex ee Degmada Hodan, iyadoona Darawalkii waday gaariga la jiiray uu ku jiray Ciidamada AMISOM, halkaasina ay gaareen Ciidamada howlgalka Xasilinta -.
Guddoomiye ku xigeenka arimaha Bulshada ee Degmada Hodan, Salaad Abuukar oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in gacanta lagu hayo Kolonyo AMISOM.
Waxuu sheegay in Saraakiisha AMISOM ay ogolyihiin in magdhow ay ka bixiyeen khasaaraha burburka leh ay u geysteen gaarigaasi nuuca raaxada ah.
Majiro wax khasaaro nafeed oo ka dhashay Shilkan ka dhacay Waddada Taleex ee Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.
Related

La wadaag
Facebook
Twitter

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay Weerarka Hotelka Posh

$
0
0

Ra'iisul Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay Qarax Xoogan oo caawa ka dhacay Hotelka Posh iyo Weerarka tooska ah ee hada socdo.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu aad ugu xun yahay qaraxa dhacay iyo khasaaraha ka soo gaaray dadka soomaaliyeed ee Hotelka ku jiray.
" Halkaan anagoo fadhina ayaad maqleyseen in uu qarax dhacay hada, qof walbo oo idinka idiinka mid ah telefoonkiisa ayuu ku booday kulligeen waan damqananay, waxaa laga yaabaa qaraxaasi in dad soomaaliyeed ay wax ku noqdeen ayuu yirin Xasan Cali Khayre".
Waxa uu dadka soomaaliyeed ugu baaqay in meel loogu soo wada jeesto ka hortaga qaraxyada ka dhacaya dalka iyo dhibaatada dadka soomaaliyeed lagu hayo.
" Waxaan aqbalnay in qarax dhaco oo aan ka cararno, in qof meel lagu dilo oo aan ka aamusno taasina macquul ma ahan, waa in aan Ciidamada amaanka la shaqeynaa ayuu yiri mar kale Ra'isul wasaaraha".
Hadalkaan ayuu Ra'isul Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ka sheegay kulan ka socday Madaxtooyada Soomaaliya xilliga uu qaraxu dhacaayay.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454

Xog Deg Deg ah oo laga helay Ragga Weerarka ku...

$
0
0

Jun 14, 2017 -
Xog Xasaasi ah ayaa ka helnay Weerarka Ismiidaaminta ee caawa ka dhacay Muqdisho gaar ahaan Hotelka Posh oo ku yaala degmada Hodan ayaa waxay sheegeysaa in raga weerarka qaaday ay wateen Labiska ciidamada Xasilinta ee maalmahaan magaalada Muqdisho amaankeeda sugayay.
Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu dhuftay Albaabka Hotelka ka dibna waxaa xigay Rasaas iyo dagaal toos oo gudaha Hotelka ka dhacay, waxaana la sheegay raga galay Hotelka inay wateen labiska lagu yaqaano ciidamada xasilinta sidaas ay ku gudbeen dhowr meel oo lagu baari lahaa.
Khasaaraha ayaa aad u sii kordhaya waxaana tirada dhimashada hada ay sii dhaafeysaa 17-ruux, iyadoo dhaawacana uu intaas ka badan karo.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

BREAKING: At least 4 killed in a popular restaurant...

$
0
0

MOGADISHU (RBC Radio) At least four people have been confirmed dead after Al-Shabab car bomb followed by gunmen attack targeted a popular restaurant in K5 area in Mogadishu on Wednesday night.
According to eyewitnesses and local official, explosives-loaded car hit the front gate of Posh Treats restaurant which is popular with a lot of locals particularly during night dinner in this Ramadan month. Unknown number of armed men then stormed the restaurant starting shooting people inside indiscriminately.
According to one survivor who managed to jump over the wall, people were starting to break their day fast when the huge car bomb explosion hit the front gate.
"Soon gunfire started. I realized that was a real attack. I fled to the backside and then managed to jupm over the wall." the survivor who does not want to be identified said.
A spokesman for Benadir regional administration Abdifatah Halane said the four people killed were guests at the restaurant.
There was confusion about the attack as initial reports claimed that a nearby restaurant was also attacked.
About nearly half an hour to the time the attack started, heavily armed security forces from the National Intelligence and Security Agency and the police reached the restaurant.
According to the spokesman, security forces are now inside the restaurant. It is not yet clear if the all attackers were killed.
A man who says his relative member was inside the restaurant before the attack told RBC Radio that there are many people still trapped inside the restaurant.
Al-Shabab militant group immediately claimed the responsibility of the attack through postings on its affiliate radio Andalus website.
The attack comes amid ongoing efforts to tackle militant attacks in the capital by the Somali government security forces assigned for the security of the capital.

Wasiirka Amniga oo gaaray halka uu Qaraxa ka dhacay ...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Ciidamada Ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku sugan goobka uu ka dhacay Qaraxa, waxaana sidoo kale gaaray Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo uu ka mid yahay Wasiirka Amniga Soomaaliya.
Wariyaha Wakaaladda SONNA Ismaaciil Muqtaar Cumar oo gaaray halka uu Qaraxa ka dhacay ayaa soo sheegaya in Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa lagu Qarxiyay Banaanka Hore ee Maqaayada Posh.
Inta la ogyahay ilaa iyo Sagaal Qof ayaa ku dhimatay waxaana sidoo kale dhaawacmay dad kale kuwaas oo haatan la geeyay Isbitaalada magaalada Muqdisho.
Waxaa socda Baaritaano ay wadaan Ciidanka Ammaanka ee dowladda Soomaaliya, sida ay sheegeen Saraakiisha dowladda.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleQarax iyo Rasaas laga maqlay Muqdisho


FAAH FAAHIN: Weerar ismiidaamin ahaa oo Caawa lagu...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter

Muqdisho (Sh M Network)--Ugu yaraan 5 Ruux ayaa ku dhimatay, tiro intaasi ka badanna dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii Weerar culus lagu qaaday maqaaxida Posh oo ku taalla nawaaxiga Isgooyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho.
Sarkaal ka tirsan Booliska ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in Qaraxa uu ahaa mid xoogan islamarkaana sidoo kale uu ka dhashay khasaaro burburleh.
Wararka ayaa sheegaya in Qaraxaasi kadib ay Kooxo hubeysan gudaha u galeen maqaaxida islamarkaana ay halksi ka bilaabeen rasaas.
Weli rasaas xoogan ayaa laga maqlayaa gudaha Maqaaxidan maadaama ay dabley hubeysan ay gudaha ka dagaalameyso.
Ugu dambeyn, Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay Weerarkii ka dhacay maqaaxidaasi oo ku taalla - Soomaaliya.
Related

La wadaag
Facebook
Twitter

US Condemns Attack on Mogadishu Restaurant

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter

The United States condemns in the strongest terms last night's barbaric attack on the Pizza House restaurant in Mogadishu.
We extend our heartfelt condolences to the families and friends of those killed and hope for a speedy and complete recovery of the wounded.
Ramadan is a time of spiritual reflection and increased piety, which makes the timing of this attack all the more atrocious.
Many of the victims were breaking their daily fast, which exemplifies the menace that al-Shabaab poses to all Somalis.
The United States conveys its resolute solidarity with the people and government of Somalia and continues to work closely with Somali officials and security forces to defeat al-Shabaab.
Related

La wadaag
Facebook
Twitter

Qadar oo 12 bilyan oo doolar diyaarado dagaal uga iibsaneyso Mareykanka

$
0
0

Dowladda Qadar ayaa heshiis uu ku baxayo kharash gaaraya 12 bilyan oo doolar la saxiixatay dowladda Mareykanka.

Daawo: Dadkii ka badbaaday weerarkii Muqdisho oo ka hadlay argagax ay la kulmeen

$
0
0

Tirada dhimashada qarixii ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa gaartay 25 qof. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkan oo ay Shabaabku sheegteen

Tirada Dhimashada Dabkii London oo Korortay

$
0
0

Booliska London ayaa sheegay in tirada dhimashada ee dabkii ka kacay dhisme dheer oo ku yaalla London ay gaadhay 17 qof, isla markaana laga cabsi qabo in tiradu ay sii korodho.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live