Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Daawo khudbadii Madaxweynaha Puntland uu ka...

$
0
0

Madaxweynaha Puntland ayaa khudbad dheer oo ku saabsan wixii u qabsoomay Xukuumadiisa mudadii u dhaxaysay labo kalfadhi ka hor jeediyay kalfadhiga 39-aad ee Baarlamanka Puntland oo maanta 15 June 2017 ka fumay magaalada Garowe, Wuxuuna ka hadlay qodobo badan oo ay ka mid yihiin.

  1. Weerarkii Alshabab tuulada Af-urur iyo Abaalmarinta Ciidamo Puntland.
  2. Hanaanka isku dhafka ciidamo qaran oo ka imaanaya maamulada dalka.
  3. Maaliyadda iyo Nidaamka Maareynta Dhaqaalaha Puntland .
  4. Gurmadkii Abaaraha iyo Taakuleynta Reer Miyiga Puntland.
  5. Beeraha iyo Ilaalinta Deegaanka.
  6. Kor u qaadida Cadaaladda iyo Dhaqan-celinta Maxaabiista.
  7. Garoomada Puntland iyo Dhismaha Airport-ka Garowe iyo Gaalkacyo.
  8. Shatiyadda Ganacsiga iyo Heshiisyada Is-afgaradka.
  9. Heshiisyada Puntland la gashay Shirkado Shisheeye
  10. Arrimaha Ciyaaraha iyo Dhiirigalinta Dhalinyarada.
  11. Arrimaha Shaqaalaha iyo Tiro-koobka Shaqaalaha Puntland.
  12. Arrimaha Qorsheynta Xiriirka Caalamiga ee Puntland.
  13. Arrimaha Haweenka iyo Taaba-galinta Siyaasada Jinsiga iyo

Qodobo kale ayuu Madaxweynaha Puntland uga hadlay khudbad socotay 40 daqiiqo oo uu ka hor jeediyay maanta furitaanka kalfadhiga 39 aad ee Baarlamanka Puntland.Daawo Khudbada Madaxweyne Gaas.
Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Daawo khudbadii Madaxweynaha Puntland uu ka horjeediyay Baarlamanka appeared first on Puntland Post.


Kooxda la baxday Dawladda Islaamka oo dad ku laysay masaajid ku yaal Afghanistan

$
0
0

Kooxda la baxday Dawladda Islaamka ayaa sheegtay in ay weerar lagu le'day ku qaaday masaajid ku yaal caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul, waxaanu masaajidkaasi ku yaal xaafad ay ku badanyihiin Muslimiint Shiicada ah ee laga tirada badanyahay.

Falanqeyn: Muxuu ka dhigan yahay heshiiska uu Maraykanka hubka kaga iibinayo Qatar

$
0
0

Qatar ayaa la saxiixatay Maraykanka heshiis ay kaga iibsanayso diyaaradaha dagaalka ee F-15, kaasoo qiimihiisu ku kacayaa 12 bilyan oo Dollar.

Theresa May oo amartay baadhitaan lagu sameeyo dabkii Grenfel Tower

$
0
0

Raysal wasaare Theresa May ayaa amar ku bixisay in baaritaan buuxa lagu sameeyo dabkii ka kacay dhisme ku yaalla galbeedka London, kaas oo dilay ugu yaraan 17 qof.

Tahriibayaal laga soo badbaadiyay xeebta Liibiya

$
0
0

Maraakiibta badbaadada ee ka howl gala xeebta Liibiya ayaa maalin qura soo badbaadiyay in ka badan kun muhaajiriin ah.

Ramadaanka iyo dadka qabta shaqooyinka culus

$
0
0

Bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa dadka shaqeeya badankoodu waxay jecelyihiin in ay fasax galaan oo ay nastaan.

Warbixin: Hooyo Laba Gabdhood ku Weysay Qaraxii Muqdisho

$
0
0

Hooyo ka sheekeyneysa laba gabdhood oo uga dhimatay qaraxiii Piza House ee magaalada Muqdisho ka dhacay.

Australia oo soo saartay cafis qaran oo dhanka hubka ah

$
0
0

Dawladda Australi ayaa markii u horaysay soo saartay cafis qaran oo dhanka hubka ah tan iyo sannadkii 1996dii, sababtuna waxay tahay halista argagixisada iyo hubka sharci darrada ah ee ku sii qulqulaya dalkaas.


Madaxweyne ku xigeenka Marayka oo qareen u qortay baaritaanka Ruushka

$
0
0

Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa shaqaalaysiistay qareen u gaar ah oo gacan ka siin doona jawaabaha uu ka bixin doono baaritaannada ku aadan macquulnimada in uu xiriir dhexmaray ol'olihii madaxweyne Trump iyo Ruushka.

Gedo: Shabaab oo Weeraray Saldhigga Ciidamada Kenya

$
0
0

Wararka ka imanaya magaalada Baadheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in caawa fiidkii maleeshiyada Al-Shabab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin duleedka magaalada.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada ayaa VOA u sheegay in rasaas culus ay is weydaarsadeen ciidamada Kenya ee saldhigga ku sugan iyo maleeshiyada Al-Shabab.

Ilaa haatan ma cadda khsaaraha iska horimaadkan

Nigeria oo Sacuudiga ka raaligelisay timir deeq ah oo suuqyada la geeyay

$
0
0

Nigeria ayaa dowladda Sacuudiga u dirtay raaligelin ka dib markii 200 oo tan oo timir ah oo ay boqortooyadu ugu talagashay inay si bilaash ah ugu afuraan Muslimiinta Nigeria lagu arkay iyadoo lagu iibinayo suuqyada dalkaasi.

Dowladda Somalia oo Ceyrisay Madaxii FAO

$
0
0

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay in waddanka Soomaaliya laga saaro  madaxa Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay Richard Trichard.

C/fataax Cabaas oo u mahadceliyay dadka ka...

$
0
0

Aniga oo ah Eng Cabdifataax Axmed Cabaas Faarax(Eng Ducaysane) kuna hadlaya magacayga,magaca Aabahay, Walaalahay,Adeeraday,Eedooyinkey, Ayeeyoonkay , Dhalyada iyo Faraca reer Cabaas Faarax Cuud waxaanu ka gudoonay dhamaan Ehalada, Qaraabada, Asxaabta, Xididka tacsidii iyo samiirsiinta ay noogu soo kala direen qaababka kala duwan geerridii ku timid Marxuumad Waalid Jawaahir Cabaas Faarax Cuud Cagadahab.
Waxaan si xushmad iyo qadarin leh dhamaantiin idin leenahay ajar iyo xasanaad Allaha idin ka siiyo ducooyinka kala duwan ee aad ugu soo ducayseen marxuumada , iyadana waxaan Ilaahay uga baryeyna in uu hoy uga dhigo janatal firdoowsa.
Waxaan idin ka codsaneynaa in aynu iska cafino, samir iyo iimaan Ilaahay ha inaka siiyo.AMIIN AMIIN AMIIN Wabi laahi towfiiq
The post C/fataax Cabaas oo u mahadceliyay dadka ka tacsiyeeyay geeridii Marxuumad Jawaahir. appeared first on Puntland Post.

Djibouti iyo Eritrea oo ay xiisad ka dhex taagan tahay

$
0
0

Wasiirka arimaha dibadda Djibouti, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa ku eedeeyey dalka ay deriska yihiin ee Eritrea in ay ciidamo geysay xadka ay ku muransanyihiin labada dal.

Trump oo qeyb ahaan joojinaya heshiiskii Obama ee Cuba

$
0
0

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu laalayo qeyb ka mid ah heshiiska uu maamulkii Obama la galay dowladda Cuba, kaasoo uu ku tilmaamay “mid dhinac u janjeera”.


Cristiano Ronaldo “oo doonaya inuu ka tago” Real Madrid

$
0
0

Xidiga kooxda Real Madrid, Cristiano Ronaldo, ayaa aad uga carooday eedeynta ah inuu canshuur la baxsaday, waxaana uu doonayaa inuu kooxdaasi ka tago, sida uu BBC-da u sheegay qof aad ugu dhaw.

Waraysi: Ciidanka dab demiska Hargaysa iyo dhibta ay dadka kala kulmaan

$
0
0

Ciidanka dab demiska magaalada Hargaysa ayaa marka ay u gurmadaan goob dab ka kacay dhibaatooyin u badan shiid kala kulma dadkii qaarkood.

Dibad baxayaal ku baaqay in Theresa May is casisho

$
0
0

Boqolaa qof oo dibad baxaya oo ka cadhaysan jawaabta dawladdu ka bixisay gurigii gubtay ee ku yaalay London, waxaanay socod ku tageen xafiiska ra'isal wasaare, Theresa May, iyagoo dalbanaya in ay is casisho.

Libya: Dadaal Lagu Badbaadinayo Dad Magafe Haysto

$
0
0

Hay'adda IOM ayaa sheegtay in ay socdaan dadaalo lagu soo samata bixinayo 200 oo muhaajiriin ah oo Somali iyo Ethiopian ah kuwaasoo magafayaal ay afduub ahaan ugu haystaan Libya, sidoo kalena ay madaxfurasho ka dalbanayaan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre oo ku booqday Isbitaal...

$
0
0

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Jamaal Xasan ayaa booqday qaar kamid ah dhaawacyadii ay wax yeeladu ka soo gaartay weeararkii ugu danbeeyey ee kooxaha argagixsadu ay ka geysteen Caasimadda iyo qaar kale oo dhaawacyo daran ay ku soo gaareen gobollada dalka, wuxuna Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad sareeca intii dhimatayna Naxariistiisa Janno uu ka waraabiyo, isagoona cadeeyey in Soomaaliya ay ku jirto xaalad dagaal oo u baahan in iskaashi guud laga yeesho.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa ku soo wareegay qeybaha kala duwan ee ay yaalaan dhaawacyada, wuxuna gaar siiyey deeq, isagoona u sheegay dadkii dhibaatadu soo gaartay in dawladdu ay garab taagan tahay isla markaana aan laga hari doonin kuwii wax yeelada u geystay.
"Runtii dadkan waxaa dhibaateeyey gacan ka xaq daran, mana jirto wax dembi ah oo ay galeen, dawladduna waxay ku howlan tahay sidii dalka looga sifeyn lahaa argagixisada" ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Kheyre oo xusay in kooxahan nabad diidku ay marayaan marxaladdihii ugu dambeeyey ee dhamaadkooda.
"Ka sakow dadka dhaawacayadu ka soo gaareen weerarkii Maqaayadda Pizza House ee halkan yaala, waxaa jira kuwa qaba dhaawacyo daran oo ku jira Isbitaalka oo uu kamid yahay wiil 10 jira ah oo xabad ku dhufteen kuwa arxan daran isagoo ciyaaraya banooni magaalada Beledweyne, dhacdooyinkaas xanuunka badan waxay muujinayaan khatarta uu leeyahay hubka nuuc yadiisa kala duwan ee ku baahsan dalkeena, waana qeyb kamid ah qorshaheena an ku ciribtirayno hubka ku jira gacmaha dadka aan mudnayn"ayuu yiri R/Wasaare Xasan Kheyre.
Ugu danabayntii Ra'iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan kooxdaan xalaalaystay dhiigooda, ayna gacamaha is qabsadaan si looga hortago dhibaatooyin intaa ka badan oo ay maleegayaan kooxaha nabad diidka ah.Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Ra'iisul Wasaare Xasan Kheyre oo ku booqday Isbitaal Madiino dad qaba Dhaawacyo kala duwan. appeared first on Puntland Post.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live