Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

General Gabre Egziaber oo Loo Magacaabay Xil Cusub

$
0
0

Col. Gabre Egziaber oo ah Sarkaal Ethopian ah ayaa xil cusub looga magacaabay Urur Goboleedka IGAD, iyadoo uu ka dalacay jagadii uu horay ka hayay qeybta Xafiiska Fududeynta arrimaha nabadda iyo dib u heshiisiinta IGAD u qaabilsan Soomaaliya oo dhowaan laga bedelay.
Warqad qoraal ah oo ka soo baxay Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuud Macalin ayaa Col. Gabre waxaa loogu magacaabay La Taliye sare ee arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Guud ee IGAD.
Col. Garbe xilka La Taliyenimada ay qaadan doontaa muddo 12 bilood, oo ka bilaabaneysa, 12 June 2017, kuna eg 11 June 2018.
Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post
The post General Gabre Egziaber oo Loo Magacaabay Xil Cusub appeared first on Puntland Post.


Grenfell Tower: Tirada dadka dhintay, kuwa la la'yahay oo gaadhay 58

$
0
0

Booliska ayaa sheegay in wadarta dadka la la'yahay ama ku dhintay dabkii lagu hoobtay ee qabsaday daarta Grenfell Tower ee ku taallay galbeedka London ay gaadhayso 58 qof.

Baadi goob loogu jiro badmaaxayaal Maraykan ah

$
0
0

Waxaa baadi goob ballaaran loogu jiraa sidii noolal ama geeri loogu heli lahaa 7 badmaax oo Maraykanka ah, kuwaasoo la waayay ka dib markii uu markabkooda dagaalka ku dhacay mid xamuul ah meel ka baxsan xeebta Japan.

Askari Afghanistan ah oo weerarray ciidamo shisheeye

$
0
0

Askari ka tirsan ciidamada Afghanistan ayaa weerarray ciidamo shisheeye oo ku sugnaa saldhig milateri, waxaana uu halkaa ku dhaawacay tiro askar Maraykan ah.

Waraysi: Khasaaraha gaadhay hudheelka Pizza House

$
0
0

Kaddib qaraxii xoogaanaa ee dhawaan ka dhcay magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa in mid ka mid ah hudheeladii lala beegsaday uu gabi ahaanba burburay.

Somalida dalka Norway oo dhibaato haysata kala...

$
0
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowlada Federalka Somalia Yuusuf Garaad oo todobaadkii lasoo dhaafey safar ku tagey dalka Norway ayaa ku fashilmay jawaabta uu ka bixiyay cabasho iyo tacadiyo ay usoo gudbiyeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku nool dalka Norway ka dib markii uu Jaaliyadda kula kulmay magaalada OSLO.
Yuusuf Maxamed Cumar (Yuusuf Garaad) ayaa sida ka muuqata ku guuldareystay inuu go,aankii ku haboonaa ka qaato cabasho uu soo gudbiyay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Mahad Abiib Maxamuud oo uga sheekeeyay Wasiirka dhibaatooyin kasoo wajahay Dowlada Norway, balse taas bedelkeeda uu kula dooday Wasiir Yuusuf Garaad su,aalo aan meesha oolin iyo hadal aan looga fadhiyin.
Mahad Abiib ayaa u sheegay Yuusuf Garaad Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya inuu ka mid yahay dhalinyaro lagala noqday sharcigii dalka Norway Islamarkaana muran la galiyay inuu yahay Somali asal ah iyo in kale, balse markii uu soo cadeeyay taas misna uu caqabado hor leh kala kulmay Dowlada Norway.Daawo kulanka Jaaliyadda iyo Wasiir Yuusuf Garaad.
Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Somalida dalka Norway oo dhibaato haysata kala hadlay Wasiir Yuusuf Garaad appeared first on Puntland Post.

Turkiga oo Riixaya In Qatar Go,doonka Laga Qaado

$
0
0

Dowlada Turkiga ayaa wali sii waddo dadaalo dhinaca diblamaasiyadda ah oo ay ku dooneyso in xayiraada looga qaado dalka Qatar.

War Muriyeed:- Shirweynaha Wadatashiga Qaran oo la...

$
0
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta iyo ergooyinkii shirka ka soo qaybgalay, waxay si wayn ugu faraxsan yihiin in Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Dib-u-heshiisiinta oo hal-ku-dheggiisu ahaa "isku daalnaye, maxaynoo dana!" kaas oo si habsami leh u qabsoomay intii u dhexaysay 13 ilaa 17ka June 2017.
Shirweynahan Qaran waxaa ka soo qayb galay ergo matalaysey dadka Soomaaliyeed oo ka kala yimid dowlad goboleedyada, Maamulka Gobolka banaadir iyo marti-sharaf ka kala socday qaybaha bulshada oo tiradoodu ay gaareyso 220 xubnood.
Ujeedooyinka ugu waaweyn ee shirwaynuhu waxaa ay ahaayeen:-

  1. In la sameeyo xog-ururin iyo falanqayn la xiriirta khilaafaadka ka jira dalkeena Soomaaliya.
  2. In la ogaado baahida dib-u-heshiisiineed ee dalka ka jirta una baahan in wax laga qabto, iyo
  3. In la isla aqoonsado awooddaha, aqoonta iyo xirfadaha aan nabadda ku ilaalin karno waxna kaga qaban karno khilaafyada iyo yagleelida aasaas nabadeed oo dalka iyo dadka oo dhan gaara.Si loo gaaro ujeeddooyinkaan, waxaa hab-socodka shirka wadatashiga loo agaasimay labo qaybood oo ku astaysan yoolka Shirweynaha iyo qaybo dhextaal ahaa oo isugu jirey suugaan iyo khudbado dhammaan kaabis u ahaa miro-dhalka shirka.Labada qaybood oo kala ahaa:-
    1. In ergooyinkii Shirweynaha loo jeediyey mawduucyo aasaas u ah gaarista hannaan dib-u-heshiineed oo loo dhan yahay, si qoto-dheerna u qeexaya nuxurka uu yeelan karo hannaankaasi, iyo heerarkiisa kala duwan.

    Qaybtaan waxaa lagu lafa-guray mawduucyada hoos ku qoran waxaana soo jeediyey khubaro shirka kala shaqaynayay Wasaaradda.

    1. Xaaladda nabadeed iyo khilaaf ee dalku maanta ku sugan yahay
    2. Dib-u-heshiisiinta iyo Dhaqanka Soomaaliyeed
    3. Diinta Islaamku waxa ay ka qabto dib-u-heshiisiinta
    4. Cadaaladda xilliga kala-guurka iyo dib-u-heshiisiinta
    5. Kaalinta Haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin nabaddaynta iyo xallinta khilaafaadka
    6. Aragtiyo la xiriira nabadda, xallinta khilaafaadka iyo Soomaalida laga tirada badan yahay
    7. Kaalinta warbaahintu ku leedahay nabadda iyo xallinta khilaafaadka
    8. Waayo-aragnimadii iyo casharradii laga bartay dadaalladii dib-u heshiineed ee bulshadu hogaaminaysay iyo dadaaladii dhidibada loogu taagay maamuladii hore u dhismay.
    9. Qaybta labaad waxa ay ku saabsanayd falanqayn ku aadan xal-u-helidda khilaafka iyo mushkiladda ugu weyn ee dalkeenna ka taagan ee heer qaran iyo xog-ururin ay ka-qayb-galayaasha shirku ku lafo-gureen kadibna ku soo bandhigeen khilaafaadyada baahsan ee ka jira guud ahaan dalka, islamarkaana waxa ay soo bandhigeen sidii xal waara loogu heli lahaa.

    Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
    Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiintaXog-ururintii Ergada Shirweynaha
    Ergooyinka shirweynuhu, iyagoo ku salaynaya macluumaadkii ay xambaarsanaayeen mawduucyadii loo soo jeediyey, waxaa u suurtogashay in ay si sahlan, heer qaran iyo heer deegaanba u fariistaan islamarkaana u asteeyaan khilaafyada hadda taagan ee wax-ka-qabashada u baahan, heer qaran iyo heer gobolba.
    Si loo helo xogo dhammaystiran oo abbaaraya macluumaadka loo baahan yahay, waxaa ergada loo qaybiyey su'aalo hagaya una fududaynaya in ergadu falanqeeyaan khilaafyada heerarka kala duwan leh.Nuxurka Shirka Kasoo Baxay

    1. In dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, u diyaar-garoobaan dib-u-heshiisiin dhab ah oo dhammaystiran.
    2. Si dib-u-heshiisiin waarta, laga wada raali yahay oo xanaf-tiran loo helo, waa in la dejiyo HANNAAN "hab-raac dhammaystiran" oo jeexaya waddadii (roadmap) loo mari lahaa dib-u-heshiisiin isu soo celisa kalsoonidii iyo walaaltinimadii dadka Soomaaliyeed ee colaaddu kala irdhaysay.
    3. In la is barbar wado dhammaystirka dawladnimo iyo dib-u-heshiisiinta bulsho, si ay labadaasi isu kaalmeeyaan
    4. In dejinta hannaanka dib-u-heshiisiintu noqdo mid talo badan la galiyey oo turxaan baxsan kalsooni

    buuxdana lagu wada qabo, la wada leeyahay, isla markaana abbaartiisu tahay hirgelinta dib-u-heshiisiin gun weyn oo dhab ah, kuna qotonta run, cadaalad iyo is-cafis.

    1. In hindisaha dib-u-heshiisiinta hogaamintiisa iyo hirgelintiisuba ay noqdaan kuwo Soomaaliyi iska leedahay, u madax-bannaan tahay, oo gacanta ku hayso bilaw ilaa dhammaad.
    2. In ay dawladdu agaasinto oo fududayso hirgelinta hannaanka dib-u-heshiisiinta iyada oo la kaashanaysa dowlad goboleedyada iyo khubarada Soomaaliyeed ee nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka ku xeeldheer.

    Baaqa Shirka:-
    Shirku waxa uu ku baaqayaa:-

    1. In ay dowladdu hirgeliso balanqaadkeedii dib-u heshiisiinta
    2. In dowladdu mudnaan gaar ah siiso dhaqaalena u qoondayso deminta khilaafyada hadda taagan ee dhiiggu ku daadanayo si hanaanka dawladnimadu u hanaqaado.
    3. In la taageero oo la tayeeyo hay'adaha iyo qaybaha bulshada ee u xil-saaran deminta khilaafyada iyo mushkiladaha ergooyinka shirku xogtooda uruuriyeen
    4. In dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyaduba si degdeg ah wax uga qabtaan cadaalad-

    darrooyinka sida qaybsiga khayraadka, adeegyada, awoodda (metelaadda). Sidoo kale xad-gudubyada ka dhan ka ah bani'aadanimada arrimahaas oo ay ergooyinkii shirku marar badan kusoo celceliyeen.

    1. Shirku wuxuu ku baaqayaa in la dedejiyo istaraatiijiyada iyo qorshaha dib-u-heshiisiint, islamarkaana si degdeg ah looga hawl galo colaadaha taagan.

    Fiiro Gaar ah: dhammaan macluumaadkii laga soo jeediyey shirka oo faahfaahsan waa keyd ummadeed, waxaana haysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.Dhamaad.PUNTLAND POST

The post War Muriyeed:- Shirweynaha Wadatashiga Qaran oo la soo Gaba gabeeyay appeared first on Puntland Post.


HARGEYSA: Xukun lagu riday dad raashin cunayo Bisha...

$
0
0

Maxkamadda degmada Hargeysa, ayaa Xukunno ku ridday toddoba Dhalinyaro ah oo ay mid kamid ahi Gabadh tahay, kuwaas oo ay Ciidammada Boolisku ku soo qabteen iyaga oo Cunto iyo Qaad ku cunaya Beer ku taalla Xaafadda Masallaha ee magaalada Hargeysa, isla markaan qaarkood qirteen, kuwo kalenaMarkhaatiyo Maxkamadda kaga maragfureen inay Xaaraan quudanayeen Bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Hargeysa Cabdirashiid Beergeel oo ku dhawaaqay Xukunkaas iyo qodobbada Ciqaabta ah iyo weliba Aayadaha Qur'aanka ah ee ay Maxkamaddu u cuskatay Xukunkooda, ayaa faahfaahiyey qaabkii loo soo qabtay iyo qirashada Dhalinyaradaas.
Garsooraha Maxkamada degmada Hargeysa oo faah faahinaya xukunka ay ku rideendhalinyaradan xaaraan lagu qabtay ayaa waxa uu yidhi "Waxay Maxkamada degmada Hargeysi u fadhiisatay dacwadan oo uu qaranka dhibane ka yahay, waxaana eedaysanayaal ka ah Mumtaas Xasan Cabdillaahi, Ina Hinda Suudi oo 22 jir ah, Mubaarik Maxamed Xasan ina Foosiya Ismaaciil 25 jir ah, Maxamed Xasan Cilmi, Ina Ugaaso Ducaale oo 28 jir ah, Maxamed Cabdilahi Cabdi, Ina Caasha Biixi oo 22 jir ah, Cabdirashiid Aadan Raabi, Ina Canad Maxamuud oo 30 jir ah, Faysal Maxamed Xasan, Ina Caasha Maxamed oo 26 jir, Khaalid Xasan Ismaaciil, Ina Basra Cabdi oo 22 jir ah iyo eedaysanaha 8aad oo maqane ah oo la yidhaa khaalid Ibraahim Aadan"1-Mumtaas Xasan Cabdillaahi, Ina Hinda Suudi oo 22 jir ah,2-Mubaarik Maxamed Xasan ina Foosiya Ismaaciil 25 jir ah,3-Maxamed Xasan Cilmi, Ina Ugaaso Ducaale oo 28 jir ah,4-Maxamed Cabdilahi Cabdi, Ina Caasha Biixi oo 22 jir ah,5-Cabdirashiid Aadan Raabi, Ina Canad Maxamuud oo 30 jir ah,6-Faysal Maxamed Xasan, Ina Caasha Maxamed oo 26 jir,7-Khaalid Xasan Ismaaciil, Ina Basra Cabdi oo 22 jir ah iyo8- Maqane khaalid Ibraahim Aadan
Qaar kamid ah magaalooyinka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu arkaa inta lagu guda jiro bisha barakeeysan ee Ramadaan dad cunaya raashin bisil.Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post
The post HARGEYSA: Xukun lagu riday dad raashin cunayo Bisha Barakeeysan Ee Ramadaan appeared first on Puntland Post.

Meydadka badmaaxayaal Mareykan ah oo la helay

$
0
0

Todobo badmaaxayaal Mareykan ah oo saarna markab dagaal oo uu leeyahay Mareykanka, muddo laba maalmood na la la'aa ayaa la helay iyagoo meyd ah, ka dib markii markabkoodu uu ku dhacay midkale oo siday xamuul.

Madaxweyne Farmaajo:- “Al-Shabaab ha qaataan Dib u...

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo xalay soo xiray shirka Dib u heshiisnta qaran ayaa baaq u diray Al-Shabaab.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay Al-Shabaab in ay qaataan dib u heshiisiinta islamarkaasina ay ka tanaasulaan fikirkooda dagaal ah.
Waxa uu Madaxweyne Farmaajo Balan Qaaday in dowlada Soomaaliya ay soo dhoweeyn doonto dhalinyarada Al-Shabaab ku jirta.
Waxa uu madaxweyne Farmaajo sheegay in dowlada Soomaaliya ay qaadi doonto tilaabo waliba oo shacabka Soomaaliyeed ay ku helayaan amni iyo kala dambeeyn .
Dowlada Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku cil cilisay ugu baaqday Al-Shabaab in ay dowlada isku soo dhiibaan.Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweynaha.
http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/06/Cod-Farmaajo.mp3
Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Madaxweyne Farmaajo:- "Al-Shabaab ha qaataan Dib u heshisiinta" appeared first on Puntland Post.

Madaxweyne Farmaajo:- “Al-Shabaab ha qaataan Dib u...

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo xalay soo xiray shirka Dib u heshiisnta qaran ayaa baaq u diray Al-Shabaab.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay Al-Shabaab in ay qaataan dib u heshiisiinta islamarkaasina ay ka tanaasulaan fikirkooda dagaal ah.
Waxa uu Madaxweyne Farmaajo Balan Qaaday in dowlada Soomaaliya ay soo dhoweeyn doonto dhalinyarada Al-Shabaab ku jirta.
Waxa uu madaxweyne Farmaajo sheegay in dowlada Soomaaliya ay qaadi doonto tilaabo waliba oo shacabka Soomaaliyeed ay ku helayaan amni iyo kala dambeeyn .
Dowlada Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku cil cilisay ugu baaqday Al-Shabaab in ay dowlada isku soo dhiibaan.Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweynaha.
http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/06/Cod-Farmaajo.mp3
Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Madaxweyne Farmaajo:- "Al-Shabaab ha qaataan Dib u heshisiinta" appeared first on Puntland Post.

Ciidammada Ciraaq oo markale ku duulay magaalada Mousil

$
0
0

Ciidammada dowlada Ciraaq ayaa markale dib u bilaabay duulaanka dhanka ah magaalada qadiimiga ee Mousil oo ah magaaladii ugu dambesay ee ay maamusho kooxda isugu yeerta khilaafada Islaamka ee ISIS.

57 ku dhimatay dab ka kacay keyn ku taala Burtuqiiska

$
0
0

Dad gaaraya afartan iyo seddex qof ayaa ku dhintay, konton kalena waa ay dhaawacmen ka dib markii uu dab ka kacay keyn ku taala magaalada Pedrógão Grande ee bartamaha dalka Burtuqiiska.

Alshabab oo Hoobiyeyaal ku Tuurey Buulobarte

$
0
0

Ciidamada Jabuuti iyo kuwa dawladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay ku baxeen degaanno ku dhow magaalada oo lagu tuhunsanaa in Al-Shabab ay hoobiyayaasha kasoo tuureen.


Shacabka Fransiiska oo u dareeray wareegii labaad ee doorashada barlamaanka

$
0
0

Shacabka dalka Fransiiska ayaa u dareeray wareega labaad ee doorashada barlamaanka dalkaasi, ka dib markii uu soo idlaaday wareegii kowaad isbuuci hore.

Nigeria : Raashinka Mucaawanada waa la leexsadaa

$
0
0

Dalka Naigeria wararka ka imanaya waxay sheegayaan in kalabar raashinka loogu talagalay dadka ku barakacay dagaalada Boko-Haram aysan gaarin dadkaasi.

London: Dad Masaajid ka soo Baxay oo Gaari Dardarey

$
0
0

Booliiska magaalada London ayaa sheegaya in baabuur la jiirsiiyay dad ka soo baxay masaajid ku yaala magaalada London xaley xili ay ka soo baxayeen salaada taraawiixda.

Booliska ayaa xaqiijiyey dhimashada hal qof iyo dhaawaca 8 qof oo kale.

Gaari Van ah ayaa la sheegey in dadkan uu ku jiirey banaanka masaajidkan oo ku yaala Finsbury park ee Waqooyiga magaalada London.

Booliska ayaa sheegey in ay gacanta ku hayaan ninki wadey gaarigan Vanka ah oo ay horistaageen inuu baxsado dadkii...

Dad masaajid agtii ku sugnaa oo gaadhi lagu jiirsiiyay London

$
0
0

Nin ayaa dhintay siddeed kalena dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii gaadhi ladulmariyay dad ku sugnaa hareeraha wado ka agdhaw masaajid ku yaalla waqooyiga magaalada London.

Arday cilmibaaris ka sameeyay abaaraha iyo sicir bararka Somaliland

$
0
0

Arday ka socota qaar ka mid ah jaamacadaha Somaliland ayaa sameeyay cilmibaaris ay ku eegayaan bal waxa sababa abaaraha iyo sicir bararka ka dhaca Somaliland.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live