Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Hal qof oo dhintay iyo 8 dhaawac ah weerar lagu...

$
0
0

Hal qof ayaa ku dhintay 8 kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii nin gaari watay uu dul marshay dad muslimiin ah oo ka soo baxay masjidka Finsbury Park ee waqooyiga magaalada London.
Muslimiinta oo markaa ka soo baxay salaadii taraawiikhda ayaa nin gaari bus yar ah wata uu wadada ka baxay kadibna halka dadku maraan si ula kac ah u dul mariyey tobanaan muslimiin ah. Qof goobjoog ahaa ayaa BBC-da u sheegay in uu ninkaasi markii uu gaariga dadka mariyey kadib uu banaanka u soo baxay isagoo ku qaylinayey 'where are all the Muslims? I wanna kill all Muslims.' aawey muslimiintii waxaan rabaa in aan dilo dhamaantood.
Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska Theresa May ayaa sheegtay in Boolisku ay dhacdadaan ula dhaqmayaan mid argaxiso, waxaana lasoo xiray ninkii falkaan gaystay oo 48 jir ah.
PUNTLAND POST
The post Hal qof oo dhintay iyo 8 dhaawac ah weerar lagu qaaday masjidka Finsbury Park ee London appeared first on Puntland Post.


Dadka dunida ku barakacay oo gaaray meeshii u saraysay abid

$
0
0

Tirada dadka qaxootiga ah, kuwa magangalyo doonka ah iyo kuwa ku barakacay gudaha dalalkooda ee dunida oo dhan ayaa gaaray meeshii ugu saraysay abid, iyaga oo noqday 65.6 milyan oo ruux.

Xulafada Maraykanka oo markii u horaysay diyaarad dagaal ka soo riday Suuriya

$
0
0

Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ayaa sheegtay in diyaaraddani ay weeraraysay ciidammo uu Maraykanku taageero oo ku sugan gobolka Raqqa.

Xukun lagu riday Ninkii dilay Wasiir Cabaas Siraaji

$
0
0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riday mid ka mid ah labo eedeysane oo loo heystay dilkii Wasiirkii Howlaha guud ee xukuumadda Soomaaliya Cabaas Siraaji.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Darajada Kowaad ee ciidamada qalabka sida Gaashaable Xasan Cali Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka labada eedeysane loo heystay, waxa uuna sheegay in Axmed Cabdilahi Caydiid Maxkamadu ku xukuntay dil Toogasho ah, halka Cismaan Salaad Barre ay Maxkmaddu amrayso in la sii daayo.
Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa sheegay in ciddii aan ku qanacsanayn xukunka Maxkamadda uu u furan yahay Racfaan.
Kiiska dacwadan ayaa soo socday tan iyo dilkii Wasiir Cabaas Siraaji oo 3-dii bishii May lagu toogtay magaalada Muqdisho.
Labada eedeysane ayaa ahaa Askar ilaalo u hayd Hanti dhowrihii guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo xilkii ku waayay dhacdadaas.PUNTLAND POST
The post Xukun lagu riday Ninkii dilay Wasiir Cabaas Siraaji appeared first on Puntland Post.

Gabar Muslim Ahayd oo Lagu Dilay Virginia

$
0
0

Booliiska gobolka Virginia ayaa nin kusoo oogay dacwad ku saabsan inuu dilay gabar 17 jir muslim ahayd kadib markii uu weeraray ayada iyo saaxiibadeed oo socda meel ku dhow masjid ku yaalla duleedka magaalada Washington DC.

London: Weerar Lagu Qaaday Dad Masjid ka soo Baxay

$
0
0

Booliiska magaalada London ayaa sheegay in baabuur la jiirsiiyay dad ka soo baxay masaajid ku yaalla magaalada London xaley, xilli ay soo tukadeen salaadda taraawiixda.

Wasiirka Amniga Waxaan gacanta ku dhignay Madaxii...

$
0
0

Muqdisho, 19 June 2017....Dawladda Soomaaliya ayaa shaacisay howlgal laga sameeyey qeybo kamid ah Suuqa weyn ee Baaraka in lagu soo qabtay Madaxii Amniyaadka Kooxda Alshabaab ee gobolka Banaadir C/wahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun) , waxana howgalkan uu dhacay maanta oo Isniin ah. Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid qorsheysan isla markaana uu yahay guul ay soo hooyeen ciidanka Xasilinta Caasimadda. "Waxaa maanta qabanay C/wahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun) oo dhibaatooyinkii ka dhacayay caasimadda masuuliyadeeda lahaa, hadda wuxuu ku jiraa gacanta dawladda oo caddaaladda ayaa la horgeynayaa"ayuu yiri Wasiirka Amniga oo raaciyey. Wasiirka oo ka hadlayay muhiimadda ay leeyihiin howlgalladan ayaa tilmaamay; "Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxaan dalka ka wadnay howlgallo ballaaran oo lagu xasilinayo amniga caasimadda, waxana lagu guuleystay in laga hortago falal badan oo cadowgu maleegayeen". Dhanka kale Wasiirka ayaa ka hadlay jidadja xaafadaha dhex-dooda maray ee Caasimadda oo qeybo kamid ah la xiray, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in dulqaad ay muujiyaan maadaama waxa laga shaqeynayo ay yihiin amni, una baahan yahay feejignaan dheeri ah. "Si aan u sii xoojinayo amniga ciidanku waxay sameyn doonaan wax walba oo suuragal ah. Waxaa la [...]

Gabar Muslim ah oo lagu dilay meel u dhaw masaajid ku yaalla Mareykanka

$
0
0

Booliska ayaa sheegay inay baarayaan sababta iyo cidda ka dambeysay dilka Nbra Xuseen.


SOMALIA: Somali youth shows world that terrorists...

$
0
0

Photos of young people cleaning Pizza House following terror attack that killed more than 20 in last week attracted social media users.
MOGADISHU (RBC Radio) Somali Government welcomes the resilience of its youth for planning to re-open Pizza House Restaurant as they took bravery step in mobilizing communities to clean up Pizza House Restaurant in Mogadishu, which was destroyed by terrorists groups of Al-Shabaab on 14 June 2017.
The Al-Shabab attack on Wednesday night last week left more than 20 people dead and more than 30 others injured.
Information Minister Abdirahman Omar Osman (Yarisow) supported the efforts of young people to defy terrorists refusing youth to enjoy their lives by going out to restaurants and social places that young people exchange ideas, come together to discuss about their future.
"Somalia: Youth show resilience & came out to clean the Pizza Restaurant that terrorists destroyed in order to reclaim their country back." The Minister Yarisow wrote on his twitter account.
The bravery step by young people attracted the attention of citizens as social media outlets were displayed photos of young people cleaning up the Pizza House Restaurant and showing to the world that terrorists will never win.
Young people said that they will keep coming back to these places such as the Pizza House Restaurant that was destroyed by terrorists attack. Young people promised to support restaurant owners in order to re-open soon so that terrorists will know that they cannot deny young people their places.
Since 8th of February 2017 when President Farmajo was elected Somali people overwhelmingly came out on the streets voluntarily in support of the government. Somali citizens gave full confidence and a strong mandate to the current government. Somalia is now moving forward to the right direction since leaders, government officials and public at large are all together to bring peace and stability in their country.
Somali proverb says "One finger alone cannot wash the face" which means we together can do more for the interest of the greater good of our country.
"Somalis are born resilient and entrepreneurs people as each hotel or businesses that terrorists destroyed were built up again within few weeks." Minister Yarisow concluded.
This is the spirit of Somali unity against terrorists that kill innocent people while the government is protecting its citizens.
"By cleaning up and re-opening Pizza House Restaurant sends strong message to terrorists that business as usual and terrorists cannot harass people anymore. Somalia moves on and it will be a matter of time before we eliminate the threat posed by terrorists in Somalia." Mr. Yarisow said.

Gaas oo $3.5 milyan doollaar ku wareejiyay guddiyada...

$
0
0


Garoowe (RBC Radio) Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ku wareejiyay guddiyada ku howlan dhismaha garoonka diyaaradaha Garoowe iyo wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo lacag gaareysa Saddex Milyan iyo Bar doolar ($3.5 milyan),lacagtaasi oo loogu talagalay dhamaystirka ladaasi mashruuc.
Munaasibada uu madaxweynu ku wareejinayey lacag taasi ayaa waxaa goob joog ka ahaa Mas'uuliyiin ka tirsan goloyaasha Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, gudiga dhismaha Airport ka Garoowe iyo guddiga dhamaystirka wadada Ceeldaahir Ceerigaabo, maamulka degamada Garoowe iyo kan Gobolka Nugaal, Isimo, nabadoono, cuqaal, aqoon yahano, iyo qaarkamida bulshada qaybaheeda kala duwan.
Lacagtani uu Madaxweynuhu ku wareejiyey labdaasi guddi ayaa u kala qoondaysneyd sidan:- garoonka diyaaradaha Garoowe Labo Milyan iyo Shan Boqol oo kun oo Dollar ($2,500,000), halka wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo -na loo qorsheeyey Hal Milyan oo Dollar ($ 1,000,000) waxaana uu madaxweynuhu lacagtaasi ugu tala galay dhamaystirka iyo dardar gelinta labdaasi mashruuc ee habawlaha u ah horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn usoo jeediyey mahadnaq, bogaadin iyo amaan guddiga ku hawlan dhamaysirta iyo dardar gelinta wadada Ceeldaahir- Ceerigaabo, kuwaas oo uu madaxweynuhu sheegay inay yihiin guddi ay dhab ka tahay dhamaystirka mashruucaasi bulshada Puntland halbawlaha u ah, waxaana uu xaqiijiyey inay yihiin gudigaasi guddi ku filan shaqadooda.
" Runtii waxaan aad ugu mahad naqayaa oo mahad gaara u jeedinayaa gudiyadii ku hawlanaa hawshan, guddiga wadada Ceeldaahir- Ceerigaabo, runtii aad iyo aad baan u amaanayaa waana mahadsan yihiin, waa dad bulshada reer Puntland kamida oo isu xilqaamay hirgelinta iyo taaba gelinta mashruucani muhiimka u ah dadkeena iyo dalkeena, runtii hadii aysan iyagu isxilqaamin oo qaadan hogaaminta wanaagsan, oo marwalbana guubaabada iyo dhiiri gelinta aysan la garab joogin mashruucu halkaa masoo gaadheen, dabcan dawladduna talaabada ay qaaday ma aysan hirgasheen iyaga la'aantood, anaguna dhaqaale uun baan ku taageerayney" ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland oo kahadlay muhiimada mashruuca dhismaha gegida diyaaradaha Garoowe ayaa bogaadiyey guddiga ku hawlan mashruucasi iyo cidwalba oo ka qayb qaadatay hirgelinta iyo socodsiinta dhismaha garoonkaasi, waxaana Madaxweynuhu uu sheegay in mashruucani markii hore balan qadeen dhamaysrikiisa Dawladda Kuwait hase yeeshee wejigii labaad ee mashruucaasi ku yimi dib udhac ka yimid dhinaca dalka Kuwait, maantana loo baahan yahay in bulshadda Puntland ku dhameeyaan isku tashiga ay ka midaysan yihiin.
" Garoonka diyaaradaha Garoowe waxaa gacanta ku hayey wasaarada duulista hawadda Puntland laakiin dabcan waxaa jirey marwalbaba dad is xilqaamayey oo hawshaasi ay ku weyneyd ha'ugu horeeyeyo Islaan Maxamed Islaan Ciise" ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa xusay in dhismaha Airport ka ay ku baxayso dhamaystirkiisa Saddex Million oo Dollar dawladduna maanta ay bixisay Labo Million Iyo Shan Boqol oo dollar, inta hadhayna lagu eegi doono shacabka Puntland sida ay hadba uga qayb qaataan intaasi hadhay, isla markaana shacabka lagaga tala gelidoono mashruucani sida ay hadda uga qayb qaataan.
Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo muhiimad gaara u leedahay Puntland, isla markaana aanay mashaariicdu ku koobnaan doonin wadadaasi oo keliya, waxaana uu xusay in shaqaalaha wadada ka shaynayaa ay yiihiin kuwo xirfad leh, taasina ay keentay in lahirgeliyo wadada ugu tayada wanaagsan ee guud ahaan kutaala Soomaaliya, sidoo kale madaxweynaha ayaa odorosay muhiimada ay Puntland u yeelan doonto wadada Garoowe- Eyl oo dhowaan Madaxweynuhu dhagax dhigay.
__
RBC Radio

Gabar Muslim ah oo lagu dilay meel u dhaw masaajid...

$
0
0

Booliiska gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ayaa helay meyd loo maleynayo iuu yahay kan gabadh 17 jir ah oo Muslim ah oo la tuhunsan yahay in laga qafaashay meel u dhaw masjid.
Nabra Xuseen ayaa la soctay asxaabteeda markii uu muran dhexmaray iyaga iyo darwal marayay waddada Herndon, sida uu sheegay booliska.
Wargayska Washinton Post ayaa ku soo warramay in koox dhallinyaro ah oo ka koobnaa 4-5 qof oo Nabra Xuseen ay ka mid ahayd ay tageen maqaaxi cunnada fudud lagu iibiyo si ay cunno uga soo iibsadaan, ka dib markii ay ka yimaadeen salaadda taraawiixda.
Abaarihii 4tii ayaa kooxda waxay iska hor yimaadeen darawalka ayagoo waddada maraya. Masaajid ayey ku carareen, hase yeeshee mid ka mid ah oo ahayd Nabra ayaa halkaa lagaga tegey, markii dambana waxaa la diiwaangeliyey in la waayey.
Qof laga shakisan yahay oo 22 jir ayaa la xiray, waxaana lagu eedeeyey dilka gabadha.
Sababta weerarka ayaan weli la ogayn, laakin mid ka mid ah arrimaha la baarayo ayaa ah in fal nacayb ku salaysan uu noqon karo.
Intii baadigoobku socday, boolisku waxay sheegeen inay joojiyeen gaari si shaki leh halkaa u marayey dararwalkiina ay dhaadhiciyeen.
Goor dambe ayey meydkii gabadha ka heleen meel biyo galeen ah oo qiyaastii ilaa 3 mayl u jirta halkii mashaqadu ka dhacday sida ay boolisku ku sheegeen hadal ay soo saareen. Waxaa kale o halkaa laga helay usha budhka ah ee lagu cayaaro cayaarta baseballka.
Baaritaan xagga jirka ah ayaa la samayn doonaa si loo xaqiijiyo meydka inuu yahay kii gabadha iyo sababta saxda ka dambeysay dhimashada.

Wasiirka Amniga: Waxaan soo qabtay Madaxii...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho, 19 June 2017....Dawladda Soomaaliya ayaa shaacisay howlgal laga sameeyey qeybo kamid ah Suuqa weyn ee Baaraka in lagu soo qabtay Madaxii Amniyaadka Kooxda Alshabaab ee gobolka Banaadir C/wahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun) , waxana howgalkan uu dhacay maanta oo Isniin ah.
Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid qorsheysan isla markaana uu yahay guul ay soo hooyeen ciidanka Xasilinta Caasimadda.
"Waxaa maanta qabanay C/wahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun) oo dhibaatooyinkii ka dhacayay caasimadda masuuliyadeeda lahaa, hadda wuxuu ku jiraa gacanta dawladda oo caddaaladda ayaa la horgeynayaa"ayuu yiri Wasiirka Amniga oo raaciyey.
Wasiirka oo ka hadlayay muhiimadda ay leeyihiin howlgalladan ayaa tilmaamay;
"Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxaan dalka ka wadnay howlgallo ballaaran oo lagu xasilinayo amniga caasimadda, waxana lagu guuleystay in laga hortago falal badan oo cadowgu maleegayeen".
Dhanka kale Wasiirka ayaa ka hadlay jidadja xaafadaha dhex-dooda maray ee Caasimadda oo qeybo kamid ah la xiray, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in dulqaad ay muujiyaan maadaama waxa laga shaqeynayo ay yihiin amni, una baahan yahay feejignaan dheeri ah.
"Si aan u sii xoojinayo amniga ciidanku waxay sameyn doonaan wax walba oo suuragal ah. Waxaa la xiray qaar kamid ah jidadka xaafadaha dhex-dooda mara oo horey u furnaa ujeedka loo xirayna waa in lagu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed. Maalin walba qaraxyada iyo dhibabka ay geystaan argagixisadu waxaan ku weynaa nafta dadkeena qiimaha badan, si taas looga baaqsado waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo amniga caasimadda lalana shaqeeya ciidamadda howlgalka ku jira"ayuu yiri Wasiirka Amniga.
Wasiirka ayaa hambalyo u diray Ciidamadda Xasilinta Caasimadda, waxana uu ku bogaadiyey xoojinta guushan la gaaray.---DHAMMAAD--
Related

La wadaag
Facebook
Twitter

Madaxweyne Farmaajo oo madaxa haweenka Qaramada...

$
0
0


Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haweeneyda Faadumo Dayib u magacaabay madaxa haweenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Faadumo Dayib ayaa madaxweynaha kula kulantay iyadoo ka mahad-celisay qaabilaada iyo soo dhoweynta uu madaxweynuhu u sameeyay.
"Waxaan ku faraxsanahay la kulanka madaxweyne Farmaajo oo madaxtooyadda igu soo dhaweeyay." Faadumo ayaa sida ku tiri qoraal ay soo dhigtay barta ay Facebooka ku leedahay.
Waxaa ay inta ku dartay inay si dhow ula shaqeyn doonto Madaxweynaha iyo dowladdiisa, waxayna sheegtay inay sharaf u tahay in Madaxweynaha ku wareejiso nuqul ka mid ah qorshaha waajibaadkeyga ee Xafiiska ay madaxda ka tahay.
Xafiiska ay madaxda u noqoneyso Faadumo Dayib,wuxuu qaabilsanan doona awood siinta Haweenka iyo sinnaanta Jinsiga, iyadoo ka shaqeyn doonto barnaamijyada Haweenka ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.
Haweeneyda ayaa horey isagu soo sharaxday xilka madaxweynaha Soomaaliya walow aysan ka qaybgalin doorashadii bilowgii sanadkan ka dhacday magaalada Muqdisho.
__
RBC Radio

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo lacag ku ...

$
0
0

Xafladan uu Madaxwynaha Puntland ku wareejinayaay lacagtaani waxaa kasoo qaybgalay xubno ka socday Golayaasha Maamulka Puntland Gudiyada Dhammaystirka Garoonka diyaaradaha Garoowe iyo wadada Ceel Daahir Ceerigaabo, maamulka Gobolka, isimo ,Culumo awdiin ,haween iyo marti sharaf kale. Wasiirka Duulsita hawada iyo Garoomada Puntland xassan xaaji Siciid oo ka mid ahaa mas'uuliyiintii Goobta ka hadashay ayaa si kooban uga war bixiyay waxyaabaha ka dhiman Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe ee ay dowladu dhammaystirayso. C/fataax maxamed Cabdi Kismayo oo ka mid ah Guddiga dhammaystirka Garoonka Garoowe waxa uu ka mahadceliyay Go'aanka Madaxwaynaha ee gabagabaynta Garoonka Garoowe isagoona bogaadiyay isku tashida shacab iyo maamul ee Puntland . Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxwayanah Puntland ayaa ku baaqay isku tashi bulsho isagoona Xusay in lacagta dhammaystirka Garoonka Garoowe dawladiisu bixinayso shacabkana looga baahan yahay ka qayb qadasho wadaniyadeed. Wadaxayanah Puntland ayaa dhanka kale sicad u sheegay in ay muhiim u tahay shacabka iyo Maamulka Puntlanba dhammaystirka wadada Ceel Daahir Ceeri -Gaabo ayna door muuqda ka qaadan doonto Horumarka kaabayaasha dhaqaale ee Puntland . Gabagabadii xafladana Madaxwaynaha Puntland ayaa ku wareejiyay Guddiyada dhammaytirka Garoonka diyaaradaha Garowe iyo wada Ceel daahir Ceerigaabo jeeg lacageed oo dahn saddex milyan iyo shan boqol oo kun oo dollar.

Maamulka Jubaland oo Kismaayo ku xiray kaluumeysato...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter

Kismaayo (Sh M Network)--Maamulka Jubaland ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigay ugu yaraan 10 Ruux oo kaluumeysi sharci darro ahaa ka waday biyaha Jaziirada Kudhaa.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubaland, Cabdinuur oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxuu sheegay in ragaasi lagu qabtay Jaziirada Kudhaa.
Wasiirka ayaa intaasi waxuu ku daray in 8 ka mid ah kaluumeysatadasi ay ka soo jeedaan Dalka Pakistaan, haatana ay ku xiran yihiin Magaalada Kismaayo.
Ugu dambeyn, waxuu Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Jubaland ayaa waxuu carabka ku adkeeyay in Maamulkooda aysan u dulqaadan doonin in kaluumeysi sharci darro ah laga sameeyay biyaha Jaziirada Kudhaa.
Related

La wadaag
Facebook
Twitter


A well-known Businessman shot dead in Bosaso city

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter

Unknown gunmen believed to be Al shabaab assassins have shot and killed a well-known businessman in the coastal town of Bosaso, northeast of Somalia on Monday.
Two men armed with pistols gunned down the trader at a market in the commercial town, and fled the scene before the arrival of Puntland security forces, according to a witness.
It's unclear the motive behind the murder of the man whose name has not yet been identified, but, the seaside city has witnessed series of attacks in the past few months.
Puntland state officials are yet to comment of the assassination of the businessman.
Related

La wadaag
Facebook
Twitter

Ruushka iyo Maraykanka oo isku khilaafsan hawada Suuriya

$
0
0

Aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegay in Maraykanka uu is difaaci doono ka dib markii Ruushka uu ku dhawaaqay inuu bartilmaameedsan doono diyaarad iyo Drone walba oo soo gasha bartilmaameedkooda.

Sacuudiga oo gacanta ku dhigay Askar Iiraaniyiin ah

$
0
0

Wasaarada Warfaafinta Sacuudiga ayaa sheegtay in la xiray sadax askari oo ka tirsan ilaalada kacaanka Iiraan.

Tirada dadkii ku dhintay weerarkii Mali oo korodhay

$
0
0

Ugu yaraan lix qof ayaa dhimatay ka dib markii la weeraray hotel loo dalxiis tago oo ku yaala duleedka magaalada Bamako.Waxaa sido kale weerarkaasi laga soo badbaadiyay 32 qof oo la afduubtay iyagoo halkaasi joogay.

Wasaarada Caafimaadka Puntland oo dib u eegaysa...

$
0
0

Waxaa maanta ka furmay xarunta Wasaarada Caafimaadka ee magaalada Garowe shir ku saabsan dib u eegis wasaaraddu ku samaynayso waxqabadkeeda lixdii bilood ee lasoo dhaafay, waxaana daahfuray kulanka oo ay kasoo qeybgaleen Isu duwayaasha gobolada u fadhiya Wasaarada iyo Saraakiil ka socota hay,addaha samafalka Agaasimaha guud ee Wasaarada Dr Cabdirasaaq Xirsi Xasan.
Cabdirsaaq Xirsi Xasan ayaa sheegay inuu jirey qorshe masuuliyiinta Wasaaradda iyo Hay,addaha bahwadaagta la ah dejisteen bilowgii sanadka, isagoona hoosta ka xariiqay in marka la gaaro lix bilood dib u eegis lagu samaynayo qorshihii la dejiyay si loo hubiyo Maxaa qabsoomay, Mase la gaarey yoolkii la dejiyay sanadka bilowgiisa.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr Cabdirasaaq ayaa sheegay in ajandayaasha shirkaan lagu soo bandhigi doono Programs ama Jadwal ku saabsan wixii la qabtey iyo wali hawlaha dhiman.Daawo kulanka .
Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Wasaarada Caafimaadka Puntland oo dib u eegaysa waxqabadka 6-dii bilood lasoo dhaafay appeared first on Puntland Post.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live