Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Daawo:-PUNTLAND POST oo gorfeyn adag ku samaysay...

$
0
0

PUNTLAND POST ayaa soo bandhigaysa dood xasaasiya oo ku saabsan gorfeynta Waxqabadka Madaxweyne Cabdiweli Gaas tan iyo intii ka dambeysay markii loo doortey Madaxweynaha Puntland iyo Sidoo kale hadal hayn ku saabsan jiritaanka qorshe Xukuumadda Puntland ku doonayso muddo kororsi ka dib markii shalay 19 June 2017 Madaxweyne Cabdiweli Gaas ku wareejiyay lacag gaareysa $ 3.500,000 (Saddex milyan iyo shan boqol oo kun ) oo dollar oo loogu tala-galay in lagu dhamaystiro labo mashruuc oo waaweyn oo ka socda gudaha Puntland sida Airport-ka Garowe iyo Wadada isku xirta Ceeldaahir ilaa Ceergaabo.
Goobaha dadku ku kulmo sida baraha bulshada iyo kuwa la isugu yimaado waxaa si weyn looga hadal hayaa maalgalinta Xukuumadda Puntland ku samaynayso mashaariicda ka socota garoonka diyaaradaha Garowe iyo wadada Ceeldaahir -Ceergaabo, Halka si weyn dadweynuhu u hadal hayaan mowduucyo ka baxsan maalgalinta mashaariic ka socota gudaha dalka kuwaas oo salka ku haya inuu jiro iyo in kale qorshe la xiriira muddo kordhin Xukuumadda ay hogaaminayaan Madaxweyne Cabdiweli Gaas iyo Kuxigeenkiisa Eng Cabdixakiin Cumar Camay.
Tafatiraha PUNTLAND POST Abshir Dhiirane ayaa qeybinaya dooda u dhaxaysa Cabdixabiib Warsame oo aaminsan inuu ku fashilmay Madaxweyne Cabdiweli Gaas hogaaminta Puntland iyo Ciiro Axmed Xasan (Dr Ligle) oo si weyn u taageersan waxqabadka Xukuumadda Puntland.
Labada masuul oo PUNTLAND POST u xulatay mowduucaan gorfeynta oo kala ah Ciiro Axmed Xasan (Dr Ligle) oo ku nool magaalada Oslo ee dalka Norway iyo Cabdixabiib Warsame oo ku nool dalka Mareykanka waa kuwo si weyn aragtidooda ugu kala duwan.Haddaba daawo dood xiiso leh.
Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Daawo:-PUNTLAND POST oo gorfeyn adag ku samaysay Waxbqabadka Madaxweyne Gaas appeared first on Puntland Post.


RW Khayre oo si kulul u cambaareeyey falkii...

$
0
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa si kulul u cambaareeyey falkii argagaxisada ay ku bartil-maameedsadeen dad rayid ah oo ku sugnaa xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Ra'iisul Wasaaruhu waxa uu tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay weerakan lagu qaaday dadka rayidka ah, waxana uu EEBBE uga baryey inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo isagoo intii dhaawacantayna u rajeeyey iney ka bogsadaan dhaawaca.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in weerarkan lagu soo beegay xilli ay dadka Soomaaliyeed ku jireen diyaar garowga ciida iyo maalmihii u danbeeyey ee Bisha barakeysan ee Ramadan, sidaas awgeedna ay tallaabadani ka tarjumeyso ujeedooyinka gurracan ee kooxaha nabad-diidku ku doonayaan inay ku dhaawacaan dareenka dadka Soomaaliyeed si ay uga niyad jebiyaan rajada nabadda iyo dawladnimada ee aadka u sarraysa, isagoo caddeeyey in weerarada noocan ah aanay qaranka Soomaaliyeed ka leeexinayn waddada horumarka iyo dawladnimada.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in kooxdan argagaxisada Al-Shabaab ay yihiin cadowga ummada Soomaaliyeed oo ay marwalba shacabka u gaarsadaan.
Ra'iisul Wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri "Kooxdan argagaxisada ah ee Al-Shabaab waa naflacaari u soo jeestay inay shacabka isku qarxiyaan oo ma wadaan dan Soomaaliyeed, mana heystaan diin, waana inaan meel uga soo wadajeesano oo juhdi walba aan ku bixinaa. Waxey rabaan inay taariikhda ummada baaba'iyaan, waxey bartilmaameystaan maatada iyo carruurta, mana galaan wallaal."
Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa ugu baaqay dhalinyarada kooxdan ka tirsan inay ka faa'iideystaan fursada Cafiska oo uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyey si ay dib u dhiska dalkooda uga qeybqaataan. Dowlada ayaa u ballanqaadeysa in dhalinyaradaas la daryeelo oo ay helaan waxbarasho, daryeel iyo sidii ay bulshadooda ugu adeegi lahaayeen.
RBC Radio

Xal Laga Dhex Raadinayo Jabuuti iyo Eritrea

$
0
0

QM iyo ururka Midowga Africa ayaa isku dayaya inay dajiyaan xiisadda iyo muranka dhinaca xadka ah ee u dhaxeeya dalalka Djibouti iyo Eritrea.

Shirkadda Somtel: Faahfaahin Iticmaalka Addeegga *102#

$
0
0

*102# lambar xanbaarsan adeegyo kala gadisan, kuwaas oo macaa miisha u sahlaya in ay helaan adeegyo ay awal meelo badan u mari jireen.
Lambarkaani waxaa uu kuu sahlayaa, in aad gudihiisa ka iibsatid, Internet Xirmooyin ah, KAABE iyo KAAFI.
(Sawirka 1aad)Hadaba garaac *102#, kadib waxaa kuusoo baxaysa tafaasiisha adeegyada uu xanbaarsan yahay oo u qoran sidan:

  1. Iibso Internet
  2. Iibso KAABE
  3. Iibso KAAFI

(Sawirka 2aad)Intaasi ka dib mid kasta oo aad dooratid waxaa uu kusiinayaa hagid dheeri ah, Hadii rabtid in ad xirmooyin internet ah iibsatto dooro lamabarka koowaad (1), kadib waxaa kuusoo baxaysa Faah faahinta adeegyada uu xanbaarsan yahay oo kala ah.

  1. Xirmo xadaysan 2G, 3G, 4G
  2. Xirmo Mudaysan

(Sawirka 3aad)Haddii aad doonaysid Xirmo Xadaysan, waxaa doorataa lambar koowaad (1), kadib waxaad gudihiisa ugu tagaysaa faahfinta adeegyada uu xanbaarsan yahay.

  1. $ 0.50.....150MB
  2. $ 0.75.....200 MB
  3. $ 1.00.....400 MB
  4. $ 2.00.....1GB
  5. $ 3.00....2GB
  6. $ 5.00.....5GB

(Sawirka 4aad)Markii ay kusoo baxdo tafaasiishaan, waxaa doonranaysaa, lambarka xanbaarsan lacagta aad rab in aad iibsatto,
Xirmooyinka Mudaysan waxa ay kusiinayaan, fursad qiima jaban ah, taas oo aad ku isticmaali kartid Taleefoonkaaga, ama internet ka gacanta lagu qaato ee 4G, markii aad dooratid lambarka labaad (2), waxaana kuusoo baxaya.
Xirmo Mudaysan 4G.

  1. $25.... 1GB Daily
  2. $35.... 1.5GB Daily
  3. $45.... 2GB Daily
  4. $150...10GB Daily.

(Sawirka 5aad)markii aad soo gaartid tilaabadaan waxaad dooranaysaa, lambarka ay ku jirto lacagta iyo GBga aad u baahantahay.
Adeegaan waxaa uu kuusahlayaa in aad si fudu u heshid Internet raqiis ah, xawaarihiisuna dheereeyo.
Si aad adeegaan u heshid waxaa lagma maarmaan ah in aad leedahay adeega eDahab, oo kuu fududaynaya in aad isticmaashid adeega 102.RBC Radio

Labo Maxamed Cabdullaahi oo kulmey !

$
0
0

Kn: Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta madaxtooyadda Soomaaliya ku qaabilay Maxamed Cabdilaahi Aadan oo kaalinta koowaad ka galay tartanka Qur'aanka kareemka ee lagu qabtay waddanka Tanzania gaar ahaan magalada Daara-salaam.
Wiilkani oo ku magac ah madaxweynaha ayaa waxa uu ka yimid magaalada Kismaayo, wuxuuna Soomaaliya u matalayay tartankii Qur'aanka Kariimka ee ka dhacay Tanzania, kaasi oo uu ku guuleystey.
KismaayoNews.com

Daawo: Xogtii Ugu Dambeysay Xaalada Gudoomiyaha ku...

$
0
0

Jun 20, 2017 -
Waxaa haatan soo hagaageysa xaalada Caadimaad ee gudoomiyaha degmada Wadajir ee gobolkaan Banaadir Cumar C/llaahi Xasan kaas oo ku dhaawacmay qarax Ismiidaamin ah oo Maanta Duhurkii ka dhacay Xarunta Maamulka degmada Wadajir ee gobolkaan Banaadir.
Gudoomiyaha ayaa dhaawiciisa waxa uu yahay mid fudud,waxana haatan lagu daweeynayaa Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho sida ay sheegeen Dad xog ogaal ah oo Isbitaalka ku sugan.HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Qaraxa uu ku dhawacmay gudoomiyaha degmada Wadajir ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10 ruux halka in kalena ay ku dhaawacmeen.
Cumar Cabdullaahi Xasan ayaa ka mid ahaa 15 Gudoomiye degmo oo dhawaan loo magacaabay degmooyinka Gobolkaan Banaadir,islamarkaana xilkaas uu kala wareegay Axmed Cabdulle Afrax oo ahaa gudoomiyaha degmada Wadajir.
Sidoo kale waxaa Muuqaalo argagax leh laga helay qaraxii maanta ka dhacay Xaruunta degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Xal Laga Dhex Raadinayo Jabuuti iyo Eritrea

$
0
0

QM iyo ururka Midowga Africa ayaa isku dayaya inay dajiyaan xiisadda iyo muranka dhinaca xadka ah ee u dhaxeeya dalalka Djibouti iyo Eritrea.

XOG SAWIRO CUSUB: Yaa loo Xeray Qarixii is...

$
0
0

Jun 20, 2017 -
Maamulka degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa xabsiga qaar ka mida ciidamada ilaalada xarunta degmadaasi oo maanta qarax is-miidaamin ah ka dhacay.
Askartan oo saddex xubnood ka kooban ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwii ku qornaa ilaalada iridka laga galo xarunta degmada oo gaari sida waxyaabaha qaraxa uu gudaha u galay kadibna is qarxiyay.
Dayac amni oo weyn ayaa ka jiray xarunta degmada oo markaasi uu ka socday shir ay lahaayeen ururka dhalinyarada degmada Wadajir ayna ku sugnaayeen madaxda maamulka degmada intooda badan.
Nin is-miidaamiye ah oo waday Gaariga miineysan ayaa awood u helay inuu gudaha u galo xarunta Degmada iskuna dhex qarxiyo, taasoo dhalisay su'aalo ku saabsan sida ay ku suuragashay arrintan iyo inay ka hortegi waayeen ciidamadii ammaanka degmada,

Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com


DAAWO: M/weyne Caan ah oo Cod macaan ku aqrinaayo...

$
0
0

Jun 20, 2017 -
Madaxweynaha shacbiyada badan ee dalka Turkiga Mr. Recep Tayyip Erdogan ayaa waxaa loo qiray in uu yahay muxafid ama xaafidul-Quraan kaas oo cod cajiib ah la soo baxay .
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo booqday Masaajido taariikhi ah oo ku yaala gudaha dalka Turkiga gaar ahaan magaalooyinka Konya , Izmir , Trapzon iyo Sarkarya ayaa waxa uu jameecadii Masaajidka kaga yaabsaday Tajwiidka Qur'aanka Kariimka ah.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Wasaaradda Amniga oo faah faahin ka bixisay Qarax ka...

$
0
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay Qaraxa ka dhacay degmada Wadajir ee gobalka Banaadir, oo kooxaha Argagixisada ah ay ku laayeen dadka Rayidka ah. Afhayeenka Wasaaradda Amniga Axmed Maxamuud Maxamed (Sayid Carab) ayaa sheegay in 10-ruux ay ku geeriyoodeen Qaraxa sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ilaa iyo Sagaal qof oo kale oo shacab u badan. Axmed Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in kooxaha Argagixisada ah ay mar waliba bartimaameedsanayaan Dadka rayid ah, wuxuuna sheegay taas inay muujinayso inaysan u socon Madaxda iyo Saraakiisha dowladda. Qaraxaan ayaa loo adeegsaday aari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa kaas oo lagu qarxiyay Xarunta degmada. Ciidamada Ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa haatan wada howlgalo balaaran oo lagu adkaynayo ammaanka caasimadda, waxayna fashiliyeen isku dayo badan oo Al-Shabaab ay ku doonayeen inay ku dhibaateen shacabka.

Wasiir Xayir ayaa magaalada jowhar maanta dhagax...

$
0
0

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda XFS mudane Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa maanta dhagax dhigay dayactir balaaran oo lagu samaynayo 5 km oo ka mid ah wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, waxaana munaasabada kala soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele mudane Cali Guudlaawe, Wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabelle, Xariiriyaha Mashruuca horumarinta u qaabislan Wasaaradda Maaliyadda Cali Xaaji iyo masuuliyiin kale. Ugu horayntii Cali Xaaji ayaa sheegay in mashruucaan lagu hormarinayo kaabayaasha maamulada dalka oo uu bixinayo Bangiga Aduunku uu mudo ahba ka socday qayb ka mid ah dalka waxaan lagu guulaystay in la dayactiro dhismayaal badan oo ku yaala magaalooyin ka mid ah goboladda dalka, sida: Dhuusamareeb, Baladweyne, Guriceel iyo maanta oo la dhagax dhigay wadada xiriirsa Jowhar iyo Muqdisho. Sidoo kale Wasiir Xayir ayaa sheegay in dayactirka wadadaan ay qayb ka tahay mashaariic badan oo dowladu ugu tala gashay in lagu horamariyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka. "Mashruucaan aan saaka dhagax dhigeyno waa mid ay fulinayso Wasaaradda Maaliyadda, Mashruucaan waxaa la yiraahdaa SFF-LD, Waa mashruuc loogu talagalay in lagu tayeeyo, korna loogu qaado kaabayaasha dhaqaalaha, dayactirka dhismayaasha Dowladda iyo Daboolida baahiyaha ka imanaya Bulshada. Mashruucaan waxaa loogu tala galay in laga hirgaliyo 13 Gobol oo ka mid ah 18 gobol ee [...]

DAAWO: Madaxweyne Farmaajo oo Munaasabadda Ciida Uga...

$
0
0

Jun 20, 2017 -
Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa damaanad qaaday inuu Ciidsiin doono Caruur Agoon ah oo ku dhaqan degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa damaanad qaaday in madaxtooyadda Soomaaliya ay bil walba bixin doonto dhaqaalaha ay ku noolaan doonaan caruurtaas.
Balanqaadkaas kadib caruurta oo farxad ay ka muuqato ayaa fariin iyo duco udiray madaxweynaha dowladda Soomaaliya iMaxamed Cabdullahi Farmaajo.Hoos ka daawo Muuqaalka
[embedded content]
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Wararkii Ugu Dambeeyay ee Qaraxyo Caawa ka dhacay...

$
0
0

Jun 20, 2017 -
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo caawa ka dhacay magaaladda Muqdisho kuwaas oo geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Qaraxa koobaad ayaa ka dhacay Wadada Warshadaha gaar ahaan Taraqa iyo Sigaarka halkaas oo qarax lagula eegtay masuul katirsan maamulka degmada Dayniile.
Masuulkan ayaa ka bad baaday qaraxaas, waxaana magaciisa lagu sheegay Cali Cusmaan Wehliye, waxaana qaraxaas kadib goobta gaaray ciidamo howlgalo wada.
Dhanka kale qarax xoogan ayaa laga maqlay wadada 21-ka October ee degmada Waaberi waxaana qaraxaas uu ka dhashay Mooto Bajaaj.
Waxaa jira warar sheegaya in mootada ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa, waxaana ku dhintay halkaas qof kamid ahaa labo qof oo saarnaa mootada halka qofkii kalana uu ku dhaawacmay
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa wada howlgallo ku aadan qaraxyadaas caawa ka dhacay magaaladda Muqdisho.
Si kastaba, Maanta ayaya ahayd markii weerar weyn lagu qaaday xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, halkaasoo dad badan lagu laayay, isla markaana burbur badan goobtaasi ka dhacay.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Mas’uul ka tirsan Maamulka Dayniile oo ka badbaaday...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter

Muqdisho (Sh M Network)--Qaraxan xoogan ayaa lagu soo waramayaa in Caawa uu ka dhacay Waddada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.
Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Dayniile, Korneel Fanax oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in Qaraxa uu ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa lagu soo xiray.
Korneel Fanax ayaa tilmaamay in Qaraxaasi la doonayay in lagu khaarajiyo mas'uul ka tirsan Maamulka Degmada Dayniile, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Cali Cismaan Wehliye.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu xaqiijiyay in Cali Cismaan Wehliye uu ka badbaaday Qaraxaasi ka dhacay Waddada Warshadaha.
Dhinaca kale, Cali Cismaan Wehliya oo ka mid ah Guddoomiye Waaxeedyada Maamulka Dayniile ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in Qaraxaasi uu ku dhintay wiil yar islamarkaana uu dhaawac ka soo gaaray labo kale oo saarnaa mooto nuuca loo yaqaan Bajaaj.
Qaraxan ayaa waxuu imaanayaa saacado un kadib markii Weerar ismiidaamin ahaa uu ka dhacay Degmada Wadajir kaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 20 Ruux oo u badnaa shacab.
Related

La wadaag
Facebook
Twitter

Dhagayso: Dhamaan Qudbadihii Laga Jeediyay Hashiiska...

$
0
0

Magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug ayaa waxaa hashiis ku gaaray maamulada galmudug iyo puntland hashiiskaasi oo ku saabsab adkaynta nabadgalyada guud ee gobalka muudg gaar ahaan tan gaalkacyo
Waxana qodobada hashiiskaani ugu muhiimsan in laseemyo ciidan isku dhaf ah oo suga amniga guud ee gaalkacyo iyo in la furo wadooyinkii ku xirmay dagaaladii gaalkacyo
Sidaas oo kale wxaaa lasoo qaaday arrimaha ku saabsan dagaaladii ugu dambeeyey oo lagu sifeeyey in ay waajib tahay in aysan mardambe soo laaban.
In labada maamul ay iska kaashadaan, kana wada shaqeeyaan amniga gobalka, si taas loo gaarana waxaa laysku raacay
In la sameeyo ciidan isku dhaf ah oo u xilsaaran in ay iska kaashadaan arrimaha la xariira sugidda Amniga Gaalkacyo ee labada maamul Puntland & Galmudug, kana howlgalaan dhul daaqsimedka labada dhinac & La dagaalanka Argagixisada.
In si nabad ah loo wada daaqo Naqa,ayadoo loo fududeynayo dadka reer Galmudug ee abaarsan in ay soo galaan dhulka Naqu ka da'ay ee Puntland, si taas loo hirgaliyana waxaa laysla gartay.
In dadka labada dhinac ay si nabad & daganaan leh, kuwada daaqaan Naqan eeba baxshay deegaanada lays kugu imaanayo, ayna Ilaalinta Amniga dhul-daaqsimeedka u xilsaaran yihiin ciidanka isku dhafka ah.
In dadka Galmudug ee u naq raacaya dhanka Puntland aysan waxba hub ah lasoo gali Karin gudaha Puntland, ayadoo looga dan leeyahay in laga dheeraado falal amaan darro.
Hashiiskaan ayaa ah midkii ugu waynaa oo ay gaaraan labada maamul ee gamudug iyo puntland oo mudo uu dagaal xoogan ka dhexeeyay waxaana laga war sugayaa mira dhalka hashiiska gamudug iyo puntland ay gaalkacyo ku gaareen
http://hobyonet.com/wp-content/uploads/codadkii-kulanka-.mp3


Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa u soo...

$
0
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lixaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii shan iyo labaatanaad oo ah wareegga afar dhamaadka ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Kaaraan VS Warta Nabadda oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir, waxaana barnaamijka sanadkii afaraad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir. Tartameyaasha labada degmo ee Kaaraan VS Warta Nabadda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon, waxaana sida sharciga qabo marka labada degmo la weydiiyo min afar su'aal la guda galay isbarashada degmooyinka iyo waxyaabaha ay degmo kasta caan ku tahay oo maqal iyo muuqaalba leh. Kaaraan Tartameyaasha Degmada Kaaraan ee gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su'aal, waxa ay ka jawaabeen Hal su'aal, waxaana ay iska qaldeen lix su'aal, mana jirin wax ka faa'iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kaaraan ay heleen waxay noqoneysaa labo (2) dhibcood. Warta Nabadda Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda ee gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su'aal, waxa ay ka jawaabeen labo su'aal, iyagoo iska qalday shan su'aal, waxa ay ka faa'iideysteen Hal [...]

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay habka lagu heli...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter

Muqdisho (Sh M Network)--Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa waxuu ka hadlay habka lagu heli karo maqaamka Muqdisho.
Wasiirka ayaa bartiisa Facebooga soo dhigay in maqaamka Magaalada Muqdisho ay raadin karaan helitaankeeda Baarlamaanka iyo Hay'addaha Dowladda Soomaaliya.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Wasiir Yariisoow waxuu tusaale u soo qaatay Magaalada Madrid, Spain, ay tahay Dowlad Goboleed lagu magacaabo Madrid islamarkaana leh Madaxweyne iyo Gole Baarlamaan oo u gaar ah.
Ugu dambeyn, Waxuu carabka ku adkeeyay in maqaaka Muqdisho ay ku imaan karto oo kaliya nimaad kala dambeyn leh iyo Dowladnimo.
Related

La wadaag
Facebook
Twitter

SAWIRRO: Shilkii Ugu Naxdinta Badnaa oo ka dhacay...

$
0
0

Jun 20, 2017 -
Shil Gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa Gelinkii dambe Maanta waxa uu ka dhacay Duleedka Galbeed Ee Magaalada Hargeysa deegaanada maamulka Soomaaliland.
Shilkaas ayaa waxaa Ku geeriyooday ilaa Saddex Qof oo hal Gaari wada saarnaa oo mid ka mid ahina uu ahaa Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliland kaas oo Magaciisa lasu shegay Amarre, halka labada kalana ay ahaayeen Darawalkii Gaariga waday iyo Qof ka saddexaad oo ahaa Arday Da'ayar.
Labada Gaari ayaa mid kamid ahi Gubanayay waxaana halkaa gaaray Gawaari ay wataan Ciidanka Dab-demiska oo damiyay dabkii ka kacay Gaariga .
Mid ka mid ah Gawaarida shilka galay ayaa ahaa nooca Xamuulka qaada oo waday Khudaar halka midka kale uu ahaa Gawaarida yar yare e nuuca raada ah.

Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Qisadii ninkii NASABKIISA ku faanay ee naarta galay ...

$
0
0

Assalaamu Calaykum
Qofka aakhiro jano ma geeyo. Diinta Islaamka dadku waa ay siman yihiin. Ka bani-aadmiga ugu sharfta badani waa ka ugu dhawrsan. Waaqa umada iyo teenuba ma aha sidaas. Misaan kaa ka duwan ayaynu wax ku miisaanaa. Qisadni waa qiso uu nabigu inoogu sheegayo in aanay wax fiican ahayn ku faanida awoowyaal aanad garanayn waxa ay ku danbeeyeen. Fadlan qisadan, dhuux macnaheeda hadaad kartana sii gudbo Allah na ajar badan ha kaa siiyo.

AKHRISO: Puntland iyo Galmudug oo heshiis nabadeed...

$
0
0


Gaalkacyo (RBC Radio) Wada-hadallo uga socday magaalada Gaalkacyo maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta lugu soo gabagabeeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Inta ay wada-hadallada socdeen waxaa ka qaybqaatay wasiirro labada maamul ah oo ay waheliyeen mas'uuliyiinta gobolka iyo odayaal dhaqameen labada dhinac ah.
Qodobbada laga wada-hadlay oo inta badan diirrada lugu saaray nabadda si wada-jir ah looga shaqeeyo ayaa is afgarad laga gaaray,sida ku cad war-murtiyeed ka soo baxay wada-hadallada kaaso ka koobnaa toddobo qodob.
Labada maamul ayaa dhowr mar wada-hadallo yeeshay,balse hadda waxaa ku cusub heshiiska ay gaaren in labada dhinac ay isku afgarteen dadka xoola dhaqatada ah ee Galmudug inay usoo hayaami karaan dhulka ay roobabka ka da'een ee Puntland.
Sidoo kale,waxaa la isku af-gartay in la sameeyo ciidamo isku dhaf ah oo wada-jir nabadda uga shaqeeya.
Hoos ka akhriso qodobbada heshiiska:-
__
RBC Radio

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live