Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

DAAWO VIDEO: Gabar Soomaaliyeed oo Ka Yaabsatay...

$
0
0

Jun 24, 2017 -
Shirkii lagu Soo Geba gabeeyey Dalka Ugandha ayaa waxa loogu Yaboohay Waddankaasi Lacag Seddex Boqol Milyan Ku dhaw.
Qorshaha waxa uu ahaa oo Ugandha ay dalbatay Labo Milyan Dollar si ay wax ugu qabato Qaxootiga Dalkeeda kusoo jabay.
Madax uu ka mid yahay Uweri Musevani oo Dalkiisa Marti lagu ahaa waxa uu sheegay in Qaxootiga ay Ahmiyad Ballaaran siiyeen iyo Soo dhaweyn Walaalnimo.
Caalamka ayuuna ka codsaday inay Taageero ku siiyaan,waxaana Madaxweyne Farmaajo oo Shirkaasi ka hadlay uu Boqol Milyan Dollar ugu yaboohay Ugandha.
Gabar Soomaaliyeed oo la yiraahdo Hindiyo Islamarkaana ka mid ah Qaxootiga dalkaasi mudada kusugneyd waxna ku baratay ayaa Aad u amaantay Ugandha iyo walaalnimada ay ka heshay islamarkaana sheegtay In Ugandha uu yahay waddankooda Labaad Soomaalida.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com


Maxaabiis Cudurka Shuban Biyoodka ugu Geeriyooday...

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Labo ka mid ah Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa Cudurka Shuban Biyoodka ugu geeriyooday Xabsigaasi.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa Xabsiga dhexe waxaa lagu soo warramayaa in uu fara kulul ku hayay Cudurka Shuban Biyoodka.
Taliyaha Xabsiga Dhxe Aadan Xuseen Kulmiye oo Shabelle ay qadka Taleefanka ay kula xiriirtay ayaa sheegay in ay aad ula tacaaleen Maxaabiistaasi uu soo ritay Cudurka Shuban Biyoodka ka hor inta aysan Geeriyoon.
Waxaana uu Taliyuhu meesha ka saaray in ay jiraan dad kale oo uu Cudurkaasi ku soo ritay Gudaha Xabsiga dhexe.
Fayadhoorka Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa la sheegaa in uu yahay mid aad u liito , islamarkaana taasi ay keento in maxaabiista ay soo food saarto xaalado Caafimaad darro.

KASHIFAAD: Gudoomiyaha G/Banaadir oo bahdilaad kala...

$
0
0

Jun 24, 2017 -
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa shalay Booqasho ku tagay suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha.
Ujeedka booqashada ayaa ahaa inuu u kuur galo xaalada nabad galyo iyo mida gacansi ee suuqa Bakaaraha.
Inkastoo markii uu goobta tagay uu ka farxiyay canug yar oo joogay Albaabka carwo dharka lagu iibiyo oo si kadis ah ay u kulmeen ka dib gudoomiyaha uu weydiiyay wiilkii yaraa dhar ciid ma iibsatay? markuu maya ku yirina wuxuu amray in carwada looga iibiyo dharkii uu doono, iyadoo sidoo kale wiilkaasi yar loo iibiyay qalabka ay caruurta ku ciyaaraan.
Thaabit ayaa intaasi ka dib wuxuu gudaha u galay qeybaha kala duwan ee suuqa, ciidamo aad u badan oo ah kuwa nabad sugida oo watay 5-gaari oo kuwa dagaallka ah ayaa la socday.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo doonayay inuu xog wareysi ugu dhaqaaqo qaar ka mid ah ganacsatada ayaa ku hungoobay wuxuuna kala soo kulmay wax uusan fileyn maadaama dhamaantood ay diideen inuu u dhawaado.
Mid ka mida raga iibiya dharka ayuu ag istaagay Gudoomiye Thaabit wuxuuna ku yiri aniga ma i taqaanaa, ganacsadihii ayaa ku yiri gudoomiyaha meeshaan aan ku ganacsado iga hor dhaqaaq igu sawir ma rabo oo ka dib xaalad amni daro aan kala kulmaayo ilmo ayaan u shaqeystaa walaalow kuma aqaane iga hortag.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo aad ula fajacay ninkaasi ayaa u sii gudbay meherad kale, waxaana ka hor timid qeylo xoogan oo ganacsadihii lahaa uu leeyahay ha soo galin ma rabo inaan dhib kala kulmo sawir aan kula galo ama goobteyda oo laguugu sawiro, ka dib gudoomiyaha ayaa weydiiyay ninka sidaas u qeylinaya inuu garanayo, wuxuu ganacsadihii yiri waxaad doonto ahow ha iga soo galin goobteyda.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa aad ula yaabay sida shacabka uga baqayaan Shabaab, wuxuuna ka soo tagay suuqa Bakaaraha isagoo aan faraxsaneyn.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Degmooyinka Yaaqshid iyo Xamarweyne oo Caawa ku...

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Degmooyinka Yaaqshid iyo Xamar Weyne ayaa Caawa u Madlan Final-ka Tartan Aqooneedka Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Labada degmo ayaa dadaal wax ku ool ah ka soo muujiyay tartamadii kala duwanaa mudada uu socday Tartanka Shabelle Bishaan Ramadaan.
Xamar Weyne ayaa sanadkaan inta Tartanka uu socday dhinaceeda aan dhulka la dhigin halka Yaaqshid 1 mar oo kaliya ay barbar dhac gashay.
Labadaan degmo ayaa caawa Tartankoodu waxa uu xaqiijin doonaa Kaalmaha 1aad iyo 2aad iyadoo Kaalinta 3aad ay xalay u soo baxeen Tartamayaasha degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Tahriibayaal Soomali ah oo Laga Soo Celiyay Dalka...

$
0
0

Inta la xaqiijiyay 28 Ruux Soomaali oo Tahriibayaal ahaa ayaa Soomaaliya Dib loogu celiyay kadib Markii Poliska dalka Turkiga ay ka qabteen Gudaha dalkaas.
Dadka la soo celiyay ayaa mudo Labo bil ah Xabsi ku qaatay Gudaha Turkiga, iyadoona Xusid Mudan in Dadkaasi ay Markii hore ay Turkiga ay ku yimadeen lacag Dhan $8,000 sida booliska ay sheegeen.
Diyaarad ayaa kasoo qaaday Magaalada Istanbul Waxay Transit Dhowr sacadood ah ay ku qateen Magaalada Abu Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka kadib Markii ay Boos ay ka wayeen Flightkii Toos Muqdisho usoo aadayayay Saakay Magaalada Hargaysa ayaa laga Dajiyay .
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454

Ciidamada Ethopia oo Kufsaday Haweeney 40-jir ah

$
0
0

Ciidanka Ethiopia ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ayaa Haweeneey 40-jir ah Kufsi iyo Jirdil ugu geystay duleedka Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay.
Maxamed Nuur Cali oo ah adeerka Gabdha la kufsaday ayaa idaacadda Simba ee magalada Muqdisho u sheegay in Gabdhiisa ay Kufsi iyo Jirdil ugu geysteen Ciidamada Ethopia islamarkaana haatan ay dareemayso dhibaatada loo geystay.
"Waxaa dhacay walaalow waxaa la kufsaday Gabar aan adeer u ah oo la yiraahdo Sahro Maxamed Cali, duleedka Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay ayay xoolo ku raacaysay, ciidamo Ethopian ah ayay la kulantay iyadoo xoolo la socotay, Sarkaal Ethopian ah ayaa u wacay iyadoo xoolaha raacaysa way u taktay wayna iska canaaatay, kadib waa uu ka daba tagay jirdil ayuu u geystay tooreey ayaa la dhacay kadibna wuu kufsaday hada isbitaal ayaa la geeyay dhibaatto ayay dareemaysaa Gabadheyda", ayuu yiri adeer Maxamed Nuur Cali.
Dhanka kale xiriiro aynu la sameenay inooma suurta galin in aan qadka Taleefanka ku helno Mas'uuliyiinta Magaalada baydhabo si aan wax ugu weydiino arinta lagu eedeeyay Ciidamada Ethopia.
Halkaan ka dhageyso wareysigaQolka Ay Isku Bartaan Guurdoonka Soomaaliyeed Mareykanka 001 7124326996 United kingdom 00443306061358Sweden 0046840308879Soth AFrica 0027121003058Norway 004721939528Belgium 003225887027Australia 0280725143Ausria 4312675954RIIX Number 8 Kadibna 5454

Waa kuma Mukhtaar Rooboow ?

$
0
0

Kn: Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur oo dadka u yaqaanaan Roobow ayey Mareykanka ka saareen liis ay dul dhigeen lacago malaayiin ah, liiska waxaa ka mid ahaa 6 kale oo ka tirsan madaxda Al-shabaab, waxaa xusid mudan in Roobow aan marnaba ka mid noqon liiska argigixisada uu Mareykanka soo saaray.Hadaba, Waa Kuma Sheekh Mukhtaar Roobow:
Sheekh Mukhtaar Abuu-Mansuur illaa hadda waxaa uu ku magacaaban yahay guddoomiye ku xigeenka xarakada Al-shabaab, waxaa uu ku jiraa aasaasayaashii Xarakada, isaga oo ka soo jeedaa beesha Leesaan oo ka tirsan Digil iyo Mirifle ee degta gobollada Bay iyo Bakool.
Inta aan loo magacaabin Guddoomiye ku-xigeenka Xarakada Al-shabaab, waxaa uu muddo ahaa afhayeenka Al-shabaab, dalka Mareykanka ayaa sida aan soo sheegnay bishii June 6, 2012-kii ku daray liis la dul dhigay lacag.
Mareykanka waxaa ay sheegeen in $7 Milyan dul dhigeen aasaasaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, $5 Milyan ragga kala ah Ibrahim Xaaji Jaamac, Fu'aad Maxamed Khalaf, Bashiir Maxamed Maxamud iyo Mukhtaar Roobow halka $3 Milyan la dul dhigay Zakariye Ismaaciil Xersi iyo Cabdullahi Yare.
Tillaabada Mareykanka kadib, Abuu Mansuur Roobow oo ka hadlayey masjid uu salaadda jincaha ku tukaday oo ku yaalo Buur-hakaba waxaa uu sheegay in aanu iska qari doonin Mareyaknaka, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Aw Mareykanka aniga waxaa jooga Buurhakaba, Masaajidka ayaa salaadii jimcaha ku dukaday, jimcihii hore waxaa ku dukaday Tiyeeglow".
Bilowgii Xarakada, Mukhtaar waxaa la sheegaa in Xudur iyo gobollo badan oo Koonfurta Soomaaliya ah uu ka sameeyay xerooyin dadka lagu tababaro, waxaa kale uu isaga ka mid ahaa koox tababar ku soo qaadatay dalka Afgaanistaan.
Mukhtaar Robow waxaa ay isku dhaceen madaxii Al-shabaab Axmed Godane taasi oo keentay in lagu weeraro guri uu ka deganaa degmada Baraawe kadibna uu u baxsaday gobollada Bay iyo Bakool.
3dii sano ee ugu dambeysay waxaa hayey maleeshiyaad beeshiisa ah, waxaana sidoo kale muuqata in uu wada hadal la galay maamulka Koonfur Galbeed iyo dalka Mareykanka, tilaabadan looga laabtay lacagta la dul dhigay waxaa ay soo dedeji kartaa in uu dowladda federaalka ah isku dhiibo.
Al-shabaabta kale: Sheekh Mukhtaar Abuu Mansuur wixii ka dambeeyay 2013-kii waxaa uu ka mid ahaa Al-shabaabta aan raacsaneen Axmed Godane.
Kooxdan waxaa ku jiray Ibraahim Afgaan, Abuu Mansuur Al-Amriikii, Sheekh Xasan Dahir Aweys iyo qaar kale, waxaa ay Xarakada Al-shabaab uga goosteen Shabeellada hoose, qaarkood magaalada Marka ayey doon ka raaceen, qaarna Baraawe iyo Mukhtaar Roobow oo aadey dhulkii uu ka soo jeeday.KismaayoNews.com

Qadar oo diiday dalabkii xulufada Sacuudiga

$
0
0

Dowladda Qadar ayaa ku gacan saadhay dalab ka koobnaa 13 qodob oo ka yimid xulufada Sacuudiga, kaas oo shuruud looga dhigay in ay fuliso hadii ay rabto in laga qaado xayiraada.
Wasaaradda Arrimaha dibada Qadar oo dabalkani soo gaaray 22 bishan ayaa arrin aan macquul ahayd ku tilmaatay dalabkaas oo ay ku jirtay in ay gabi ahaan xirto warbaahinta Al-Jazeera iyo in ay xirto Saldhiga Milatari Turkiga.
Sidoo kale waxaa dalabyada ku jiray in Qadar ay ay xiriirka u jarto Iran iyo in ay xiriirka u jarto dhammaan ururada Argagixisada gaar ahaan kooxaha Ikhwaanul Muslimiin, Daacish, Al-Qacida iyo kooxda Xisbullah.
Xulufada Sacuudiga ayaa Qatar siiyay inay 10 maalmood gudahood ku ogolaato dalabyadan, hadii ay rabto in laga qaado xayiraada.
Warbaahinta Al Jazeera ayaa ku eedeeyay xulafada Sacuudiga inay isku dayayaan inay Aamusiyaan Xoriyadda hadalka.
Dowladda Qatar ayaa iska fogeysay inay dhaqaale siiso Argagixisada, waxayna beenisay dhamaan eedeymaha loo soo jeediyay.PUNTLAND POST
The post Qadar oo diiday dalabkii xulufada Sacuudiga appeared first on Puntland Post.


DEG DEG: Sargaal katirsan Militeriga Soomaaliya oo...

$
0
0

Jun 24, 2017 -
War deg deg ah oo goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in magaaladda Ceel-Waaq ee gobolka Gedo lagu dilay sargaal katirsan ciidamada militeriga Soomaaliya.
Dilkan oo ay ka dambeeyeen kooxo ku hubeysan bastoolad ayaa loo geystay Cabdi rashiid Barre Gurxan oo kamid ahaa taliska ciidamada xooga dalka ee gobolka Gedo.
Wararka ayaa sheegaya in sargaalkan loogu galay guri uu daganaa isla markaana lagu dhex dilay isagoo qoyskiisa la jooga.
Ragii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday waxaana haatan ku sugan ciidamo katirsan militeriga Soomaalia oo wada howlgallo baaritaan ah.
Waxaa jira warar sheegaya in kooxdii dilkaas ka dambeysay ay ahaayeen AlShabaab.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Dhageyso:Shabaab oo nolosha ku baadi goobeyso...

$
0
0

Jun 24, 2017 -
Wararka ka imaanaya Gobalka Baay ee Koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Al-shabaab ay raadinayaan Shiikh Muqtaar Roobow Cali Abuu-mansuur oo ay Dowladda Mareykanka Shalay oo jimco ahyed ka saartay liiska Argagixisada oo ay sanado ka hor ku dartay.
Shiikh Muqtaar oo la aaminsan yahay in uu ku dhuumaaleysanyo Qeyba ka mid ah Deegaanada Maamulka Koofur Galbeed ayaa la sheegay in ay hada raadinayaan Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa aaminsan in roobow uu doonayo in uu isku dhiibo Dowladda Soomaaliya taasina aysan u cuntimin Al-shabaab sidaas Aawgeedna ay bilaabeen in ay raadiyaan halka uu ku dhuumaaleysanayo Abuu Mansuur.
Abuu-Mansuur ayaa Al-shabaab kula jira Dagaal aan toos aheyn wax ka badan 3 sano isagoo kala soo baxay Ciidamo iyo gaadiid dagaal waxaana la sheegaa in ay joogaan Gobalka Bakool qeyba ka mid ah ee uu deegaan ahaan ka soo jeedo.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

DHAGEYSO: Feysal Waraabe “Diyaarad aan fasax ka...

$
0
0

Jun 24, 2017 -
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa ku baaqay in Somaliland ay joojiso Diyaaradaha tagaya Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer ee aan fasaxa ka heysan Maamulka Somaliland.
Waxa uu tilmaamay in diyaaradaha ka soo dagaya Garoonka Magaalada Buuhoodle ay noqon karaan oo keliya kuwa Fasax ka heysta Somaliland islamarkaana aan la ogolan doonin in si sharci daro ah loo isticmaalo Garoonkaasi.
Feysal Cali Waraabe ayaa Xusay in ay jiraan Siyaasiin ku sugan Magaalada Garowe oo doonaya in ay fashiliyaan Heshiiskii dhexmaray Maamulada Somaliland iyo Khaatumo.
Waxa uu Madaxda Somaliland ugu baaqay in ay ilaaliyaan sharciga kana shaqeeyaan dhaqan gelinta Heshiiskii dhexmaray Maamulada Somaliland iyo Khaatumo.
Hadalka Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa imaanaya Xilli Todobaadkii tagay ay Somaliland iyo Khaatumo Heshiis is afgarad ah ku gaareen Magaalada Hargeysa.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Boqortooyada Sacuudiga iyo dalal kale oo laga arkay...

$
0
0

Jun 24, 2017 -
War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Boqortooyada Sacuudiga ay ku dhawaaqay in Berri oo Axad ku beegan tahay Ciidul fitriga sanadka 1438 Hijriyadda.
Sida ay soo werisay wakaalada Sacuudiga waxaa bisha Shawaal laga arkay Gobollo ka mida Sacuudiga, iyadoo berrito ay noqoneyso maalinta koowaad ee Bisha Shawaal (Soonfur) iyo Ciidul Fitriga, halkaasoo ay jy dhammaaneyso 29 maalmood oo bishii Ramadaan ahayd.
Dhinaca kale Dalka Cumaan ayaa ku dhawaaqay in Berri ay tahay maalin Ramadaan oo la dhammeystirayo 30-ka Bisha Ramadaan, iyadoo aysan sugnaan dhalashada Bisha Shawaal.
Dalka Qatar ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay in Berri ay tahay maalinta koowaad Ciidul fitriga, waxaana sidaas oo kale Sacuudiga ku raacay dalal dhowr ah sida Imaaraadka Carabta iyo Kuweyt.
Dalal dhowr ah oo Soomaaliya ka mid tahay ayaa lagu wadaa inay iyaguna saacadaha soo socda ku dhawaaqaan inay berrito tahay Ciid.Lasoco wixii soo kordha haduu Rabi Idmo
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

qaar kamid ah Wadamada Islaamka oo ku dhawaaqay in...

$
0
0

Qaar Kamid ah wadamada Islaamka ayaa ku dhawaaqay in ay bari tahay maalinta 1-aad ee ciidul fidriga islamarkaasina laga arkay bisha laga arkay wadamadaasi.
Wadamada Sucuudiga, Masar, Qadar,Singabor, Baxrayn, Falastiin, Ciraaq, Turkiga, Indonesia, Australia, Sudan iyo Imaaraadka carabta ayaa ku dhawaaqay in bishii Ciid la arkay shacabka dalkoodana u sheegay in ay Ciid tahay.
Dhanka kale Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa baadi goob ugu jirto xiriirarana la sameeyneeysa qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya si aan akhristayaasheena ugu soo bandhigno war lagu kalsoonaan karo.Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post
The post qaar kamid ah Wadamada Islaamka oo ku dhawaaqay in ay bari ciid tahay appeared first on Puntland Post.

Taliyihii Ciidamada DFS ee Gobolka Gedo oo lagu...

$
0
0

Ceelwaaq (Sh M Network)--Wararka laga helayo Magaalada Ceelwaaq ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan halkaasi ay ku dileen Taliyihii Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dabley hubeysnaa ay toogasho ku dileen Taliyihii Ciidamada ee Gobolka Gedo, Cabdirashiid Barre Gurxan.
Marxuumka ayaa lagu dhex toogtay hooygiisa oo ku yaalla Magaalada Ceelwaaq kadib markii ay weerareen Dabley ku hubeysnaa bistoolado, sida ay sheegayaan Saraakiishan.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in uu socdo howlgallo baaritaano oo ku aadan dilka Taliye Gurxan.
Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas'uuliyada falkan lagu khaarajiyay Taliyihii Ciidamada ee Gobolka Gedo, Cabdirashiid Barre Gurxan.

Dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ku dhawaaqay in...

$
0
0

Riyaadh (Sh M Network)--Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqday in maalinta barrito ah ay noqoneyso maalinta 1-aad ee Ciidul Fidriga.
Guddiga u xilsaaran raadinta Bisha ee Dalkaasi ayaa sheegay in 25 bishan juun oo ah maalinta barito ah la ciidayo, hadii Alla Idmo
Ugu dambeyn, Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay in la arkay bisha, islamarkaana Maanta oo sabti ah uu ku ekaa Soonka, barrina ay noqoneyso maalinta 1-aad ee Ciida.


WAR DEG DEG AH:Qarax Ismiidaamin ah oo Caawa ka...

$
0
0

Jun 24, 2017 -
War deg deg ah oo haatan nasoo gaaray ayaa sheegaya in qarax xoogan laga maqlay degmada Madiina ee gobolka Banaadir.
Qaraxan ayaa lasoo sheegayaa inuu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu waday qof isa soo miidaamiyay.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in qaraxan oo ka dhacay Aargadda Madiina uu ku dhintay kaliya qofkii watay gaarigaas.
Lama Oga Qasaaro kale, waxaana qaraxan uu dhacay xili dadka ay ku mashquulsanaayeen afurka.
La soco Wararkii soo Kordha Insha Alah
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

DAAWO: RW Kheyre oo Fariintii Ciida Ugudbiyay...

$
0
0

Jun 25, 2017 -
Ra'isul Wasaaraha dowladda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Saaka soo duubay fariin uu uga hadlayo hambalyada ciida oo maanta maalintii koobaad loo dabaal degayo.
Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa bulshadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilshada Bisha Shawaal isagoo Allah ka baryay in ciidaan teeda kale ku gaarsiiyo nabad iyo Barwaaqo.
Laakiin, waxaa uu soo saaray digniin ku aadan in kooxda Shabaab ay gaysan karaan dhibaato loo geysto shacabka xilliga maalmaha farxadda.
Waxaa uu tilmaamay inuu ugu baaqayo ciidamada amaanka iney xaqiijiyaan amniga shacabka, halka shacabka iyagana laga doonayo iney la shaqeeyaan ciidamada dowladda.
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Daawo:MD Farmaajo oo shacabka soomaaliyeed ugu...

$
0
0

Jun 25, 2017 -
Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shacabka soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada ciidul fidriga tasoo ku beegan maalinteeda kowaad maanta.
Madaxweynaha oo shacabka soomaaliyeed usoo duubay muqaal ugu hambalyeynaayo shacab weynaha soomaaliyeed ayaa alle ugu rajeeyay in sanadkaan sanadkiisa ku garaan nabad iyo barwaaqo.
Sido kale madaxweynaha ayaa shacabka ka codsaday in istaakuleyan isla markaa ciidsiyaan walaalkooda soomaaliyeed aan awoodin waxyaabaha ayaga heystaan sida dharka ciida .
Nagala soo xiriir Badweynnews@hotmail.com

Maxaa Ka dhigay Ra’iisul wasaarayaasha Soomaaliya...

$
0
0

Tani waa qormo gaaban oo aan ku eegayo duruufaha ka dhigay dhibanayaal siyaasadeed Mudanayaal badan oo jagadaan soo qabtay ilaa Carte tan iyo xilligii dib loo unkay dawladnimada Soomaaliyeed.
Haddaba, waxaan oran karaa nidaamka dawladeed ee ay ku shaqeenayeen dawladihii kala dambeeyey ayaa sababay in Ra'iisul wasaarayaashu mooshino baarlamaanka ka keeno taasoo sababta in xilkooda waayaan, oo ay usii dheertahay inay juhdi badan galiiyaan sida ay u qancin lahaayeen kooxo dana kala duwan leh, laakiin ka midaysan inay cad ka helaan xukuumadda.
Sidaa daraadeed, dastuurka kumeel gaarka ah wuxuu qeexaya in uu Ra'iisul wasaaraha uu ka yimaado xisbiga ugu cod badan baarlamaanka maadaama nidaamka dawladeed ee aanu qaadanay uu yahay nidaam baarlamaani ah.
Haddaba, taasi hada mataalo oo nidaamka ay dawladeenu ku shaqeyso waa 4.5, Madaxweynaha ayaa soo xulo Ra'iisu lwasaaraha. Taas ayaana ka dhigtay Ra'iisul wasaarayaashu inaysan helin xisbi ka difaaca baarlamaanka, oo ay ku qasbanaadaan inay laaluush bixiyaan, ama isbaarooyinka siyaasadeed ee loo dhigto inay si xeeladaysan uga gudbaan sida inay jagooyin u magacaabaan xubnaha baarlamanka. Intaas oo dhan waa daruufaha Ra'iisul wasaarayaasha ay ku shaqeeyaan oo waxay dhexda ooga jiraan danleey siyaasadeed oo aan arxan laheyn, kaliya tayda fuli hadii kale mooshin ayaa ku yaqaan!
Ra'iisul wasaare Kheyre tii ayaa hada haysata, inkastoo ay Madaxweynaha isku doon saaranyihiin, hadana waxaa ku dhagan danleey siyaasadeed oo ka kooban Xisbiga Daljir, haraadigii Damul Jadiid, koox baarlamaanka ku abaarsatay oo rabta in jeebkooda lala hadlo maadaama ay qarash badan soo galeen xilligii ay jagada baarlamaank u ordayeen.
Haddaba, Kheyre ma tubtii hore ayuu qaadi doonaa mise wado cusub ayuu falan doonaa oo wuu ka bad-baadi doonaa isbaarooyinka siyaasdeed ee loo dhigtay? Taas jawaabteeda wakhtigaa sheegi doona.
Guntii iyo gaba gabadii, xeyndaabkaas Ra'iisul wasaarayaasha kama baxayaan ilaa dalku galo nidaamka xisbiyada badan taasoo u suura galinaysa inay helaan xildhibaano baarlamaanka ka difaaca iyo aqlabiyad u saamaxaysa inay ajandayaashooda fuliyaan kadeeydka siyaasadeed oo ay xaaladaan abuurtay ooga baxaan.W.Q. Mohamed Bulhan
The post Maxaa Ka dhigay Ra'iisul wasaarayaasha Soomaaliya dhibanayaal Siyaasadeed? W/Q. Mohamed Bulhan appeared first on Puntland Post.

Boqol qof iyo dheeraad ku dhintay qaraxa booyad shidaal oo ku qallibantay Pakistan

$
0
0

Saraakiil ayaa sheegay in ugu yaraan 123 qof ay dhinteen ka dib markii booyad shidaal siday ku qaraxday meel u dhaw magaalada bariga Pakistan ku taal ee Ahmedpur.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live